gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Way ku khaldanyihiin aragtidayda inay snm buug ay qortay uga dacwadaan isla ayagii. Kuwa isaga dhigaya inay la tacaadufsan yihiina oo garab fadhiya waa kuwo ka caraysan hablihii uu buugga ku caayay, wax taarikhana uma ogola sayidkii siday u dhanyihiin (ilaa min raxima-laah) Qoraagu nin doqona ma'ahan aragtidayda waxaa laga yaaba inuu baaritaan sameeyay intuusan buugga qprin, kana waayay shaqo fiican oo awoowayashiis soo qabteen aan ka ahayn inay ka xoogsan jireen cadaankii dhulka haystay ama u khidmayn jireen. Sidaa daraadeed wuxuu go'aansaday inuu isla madoobeeyo taariikhdii fiicnayd iyo tii kalaba. Waxaan kula talin lahaa qoyskaan sharafta badan inaysan hawlahooda u dayicin buug snm qortay wax qiimaana u yeelin.
  2. Waxaan qabaa somaalida markay gaarto aqoonta proffesarka inaan wax loo dirsan waayo maskaxdoodu ma qaadi karto shaqo kale. Markaad fiiriso dhamaantood sida ilmo samatar jawaari iwm waxbaa ka si ah sidaan is leeyahana waxaa ku yar aqoonta diinta, oo barta wanaagga nolosha iyo habka hadalka loogu gudbiyo bulshada muslinkaa. U fiirso waligaa way jecelyihiin inay saxaafaddu soo wacdo telefonkooduna mashquul ma noqdo inta badan Hadalka kama bilaabaan bismilah waxay ka bilaabaan (walaal rajo iima muuqato) lamana ogola dhaqanka muslinka in rajada alle laga quusto waa joogtaa mar walba alle deeqdu kama dhamaato. "Carrabka" ilaahay wuxuu ku dhex badbaadiyay ilko tiro badan oo khatar ah, biyo un bay ku cabbaan uma adeegsadaan wax wanaagsan oo bulshada anfaca. Markay dhex tagaan meesha laga taliyo ama loogu yeero waa marti isla wayn, mana dhaqan yaqaanaan dadkii ilaahay ka beeray, waxna kuma kordhin karaan haba yaraatee. Wixii ay soo arkeen bay idaacadahu dib ula raadsadaan ayagoo daal badan ka muuqdo, waa markay reer galberdka dib ugu noqdaan. Mowduucan Ceebtu ma'ahan inay is dilaan ama is qabqasadaan ama is maquuniyaan waxa lala yaabana ma'ahan aduunkoo dhan way ka dhacdaa Aragtidayda ceebtu waa shisheeye ha nasoo dhex galo anagoo joogna barlamaankii muqdisho. Waxaa u dhaanta inay yiraahdaan dibadda ha naloo qaado, si aan ugusoo heshiino, ayagoo cuskanaya qodobka kowaad firqsdiisa kowaad oo oranaya meeshaad ku qoydo yaa lagu qalalsadaa.
  3. Aamiin walaal kuligeen allaha na caafiyo, balse energy badan haku bixin snm waxbaa lala maamulaa. Ninkii makhaayad furta shaqaalihiisa asagaa u madax-banaan.
  4. Meelo gabaygu iiga xiran yahay way jirtaa saaxiib Seed ku ogaatay inaan siyaad barre ku qabiil ahay? Reer laas-caano iyo boorame shacabkoodu waa somali qalbi fiican balse waxa aan ka hadlayo waa kuwa snm hoos-fariistay oo ku gowracan jeebkooda.
  5. Suldaan Ninkii awood kuu sheegta waa caqli inaad ku tiraahdo war ninyahow qof xanuusan baan ahay ee dhulkayga iidaa, isagay u taal inuu ku dulmo iyo inuu ku daayo. Balse midda ka foolxun waa tan maskaxda lagaa xado sida snm ka muuqata. Aakhirka waxaa isu iman nin qallin lagu xaday iyo mid qori lagu xaday oo dal iyo dadna ka fara maran Makuu muuqataa taas? mise khiyaalkaaga waxaa ku jira jamhuuriyad gaara oo beeshu yeelato? Odweyne Saxiib aqoontaadu ma dhaafsiisna 200km nuskeed iyo afweynaan ka adkaaday, waana tacab khasaar inay xayndaab qabiil kaa saari waydo, intaasoo sano, qabaw iyo kulayl waxaad kusoo kalahdayba. Laascanood, boorama iyo inta kaleba waa muhiim inay kala saaraan madadaalo iyo wixii dhaxal xumo u keeni kara jiilka dambe. snm yaa iska-kaana maamulatay anagoo la joogna ama jaamacadaan dhisaynay, waa ceeb aan cawaaqib wanaagsanayn, lagana yaabee in hadhow lagu bixiyo "taman" qaaliya oo caruurtiina dhib badan u keena.
  6. Sida laysu kala xigo ma'ahan dhalashada qabiilka kaliya Waa dhaqanka is dhex-galka guurka, degaanka iyo xataa lahjada carrabka, waxaadna ka garan kartaa meelaha lagu caweeyo markaad tagto. Reer sool waxay raadsaaan reer burco reer laas qorayna reer boosaaso waa aqoonta hoose oo ka dhaxaysa Haddii ay meesha ka baxdo ingiriis baa na aqoonsanaya dhawaan, doorashada ka dibna wafdi balaadhan oo boqoraddu soo dirtay yaa nagusoo wajahan, iyo khiyaaliga, waa dadka isugu dhaw,waana xaaraan in dhiigoodu ku daato tuko-raq iyo caynaba midnaba. Odweyne saaxiib waxaa jira waxaad moodayso inay shar kuu tahay balse khayr badan beel kaliya hadday toban calan samaysato masiir dhul ma matali karto waa magaceenii guud (soomaaliya.) Dagaalka farmaajo waxaa laga yaabaa inuu khalad kuula muuqdo ,anigase waxaa ii muuqda kan berbara iyo balad xaawo inuu isku midyahay labaduna xad-gudub ku tahay jiritaanka qowmiyadoo dhan Waxa laysku haystaa waa berbara anigaa iska leh!! balad xaawo waa lawada leeyahay reer go'aan ka gaari karaa kaligoodna ma degena.
  7. Danayste weligiis waa jiray waana jiri doonaa Dr.galbeediyow. Inta badan waxay ku dhashaan dunida sedexaad ayagoon bilo dhamaysan si dhib leh bay ku koraan naxariisna malahan. Aragtidayda soomaaliya dhibka haysta tan koowaad waa ajaanibka nalooga dhigay madaxda Aduunka meel laguma sheegin taariikh hore iyo tan casrigaa midna wadan ay hogaamiyaan 300 iyo dheeraad sharci dajiye ah madaxweyne wasiirka koowaad illaa kan shaaha kariya, oo ku kalsoon inay lasoo baxaan basabooro saliib ku sawiran yahay oo noocyo badan. Wadaniyaddu xagee laga bilaabataa?? kow inaad qirto wadankaaga inuusan jirin wadan ka sareeya. Balse soomaalidu waxay ka dhigtay dalkooda shirkad loo shaqo tago markii kontaaraddu dhamaatana nin walba dalkii soo korsaday oo caruurtu u daganayd uu ku noqdo. Taasu waxay ka dhigantahay waxa laysku haystaa waa dhaqaalihii shirkada maal galisa soomaaliya Tusaale Jawaari waa nin oday ah oo taarikkh fog soo bilaabay shaqo, wuxuuna ku jiraa da'da hawsha laga fariisto mana tanaasili karo asagoo fiirinaya maslaxadda dadkiisa iyo dalkiisa. Sababtuna waxay tahay, waxa laysku haystaa ma'ahan maslaxadda guud ee dalka waa dano gaara. Dastuur ay ku kala baxaan ma leh maxkamad ay u noqdaan ma leh madaxweyne awood u leh inuu kala diro ama isu keeno ma leh oo dasrtuurka ku meel gaarkaa awoodaas ma siin. Xalka ugu dhaw waa in la raadiyaa kittin loona sheegaa in shirkadii shaqaalaheedii shaqo joojin sameeyeen waxna socon waayeen Go'aanka ugu dambeeya asagaa leh oo gabre la tashanaya iyo ururka iggaad. Jordan waa dal yar oo dhaqaale badnayn, waa laguu ogolyahay inaad jinsiyad kale qaadato shardiga kaliya oo lagaa rabaa waa inaad miiska saartaa kii aad u dhalatay waa muwaadinka caadigaa oo ah abihii dhalay madaxda sare. Somaaliya tixgalinta koowaad waa inuu ajnabi yahay ilaa maamul goboleed ilaa federaal waa in dibadda loo dhoofaa si muwaadin loo soo noqdo, dalkana wax loogu qabto, kuwa ku haray dalkana fursad ay ku tahriibaan loo siiyo mar hadaysan muwaadiniin ahayn. "hal loo jeedo inay xaaraan tahay yaan nalagu mashquulinayaa nirigteedu waa xalaal. Waxaa kaloo iga yaabiyay qolo sheeganaysa ururada bulshada oo muqdisho ku nool, qurbahana ka timid kuna goodiyaya inay talaabo aan horay loo maqal qaadi doonaan hadaysan baarlamaanka iyo dawladdu sida ugu dhaqsaha badan u heshiin Yaa u magacaabay inay bulsho hogaamiyaan? goormaa la doortay? umaddii gaajadu haysay, waxaa laga dhigay, xaabo nin walba kabriid loogu dhiibay.
  8. Waan ku waafaqsanahay in badan balse waxuusan kala caddayn sharuudaha ku wanaagsanaa inay reer koonfurka ula tagaan oo martinmada ka saari lahaa waxa ay ahaayeen. Waxaan kale oo aanan ku waafaqsanayn arintii wadaadadii kacaanku dilay. Marka ugu horaysa waxaa dhici karta in wadaadada qudhooda khayr badan ugu jiray inay ka tagaan aduunkaan intuusan sii fidnoomin oo toodii ma dhaafin. Ka mid baan ahaa dadkii la tacaatufay anigoo yar diyaarado isku dhacayna u badelnay cuqubadii ka dhalatay waxaana keenay sida ay u qiimo badnaayeen wadaadada berigaas noolaa. Laga yaabee tarreen aad u dheeraynaya inay mar qura kusoo boodeen. Maanta hadduu kumanaan wadaad dili lahaa waa loo ducayn lahaa,sababtoo ah wadaadadii yaa jiif iyo joogba nooga dhaartay. Arimaha Qoyska waxaad soo waydiisaa wadaadka ugu aqoonta badan soomaalida Gabar wax baratay oo nafteeda iyo reero musruufta iyo dib jir raganimo gidaar la jiifa kee mag badan shareecada islaamka? Haddii nin gabar dilo oo reerkii dhalay ku qanci waayo in diyo la siiyo shareecadu maxay ka qabtaa? ma "nus" baa la goyn ileen waa nin boqole mise waa la dili? Tan qowmiyadda Tan uu leeyahay dadkii galbeedka ka yimid yaa qabiil ahaan wax loogu dhiibay waa runtiis balse ujeedkiisu ma'ahayn dhalasho qabiil waxay ka ahayd mid qowmiyadeed. Hadduu qabiil aaminsanaa reerkuu ka dhashay yuu wado ay biyo kusoo dhaansadaan u samayn lahaa. Tan martida waan idinka aragti duwanahay, suurta gal ma'ahan inaad kasoo qayb gasho xafladdii calan saarka 60kii 90'kiina ka baxdo martimadii, intaasoo sano xagee ku qayilayeen?
  9. Taariikhda sayidka badanka snm way xaqiraan ayagoo u arka inay kasoo horjeedo taariikhdii hore ee beeshooda oo sayidku ku tilmaami jiray inay taabacsanaayeen gumaysiga, halganka xorriyad doonkana kasoo horjeedeen. balse waxaysan ogayn inuusan sayidku lahayn wasiirka warfaafinta oo isagu maamuli jiray iclaamka ama warfaafinta beel kastana goonideeda ula xissaabtami jiray asagoo afkiisa iyo gacantiisa maalaya. Aragtidayda wali ingiriis jacaylkii waa ka muuqdaa ilaa maanta la joogo, waana tan keentay in dhagax rinji cagaaran la mariyo ayadoo lagu tilmaamayo in ingiriiskii halkaa taagnaa markii ugu war dambaysay. Somaalidu waxay tiraahdaa run fakatay beenu ma gaarto waa haddii runtu dhacdo beenta horteed. Xoriyadda ay haystaan waxay heleen 90kii taariikdooduna halkaas bay kasoo bilaabeen ilaa 2018 sida qoraaladooda ku cad berigii ingiriisku joogay xor bay ahaayeen, taasina waxay keentay inay masaxdo ama titirto taariikhdii raggii wanaagsanaa ee kasoo jeeday gobolada waqooyi. Tan hablaha uu wax ka sheegay Waxaa u furran aragtidayda, inuu cafis waydiisto gabdhaha hana ku war geliyo inuu cid kale u carraysnaa markuu buugga qorayay error'kuna iskii u yimid. Taasina waxay keenaysaa in beeshu midowdo mar kale dumarku waa qalbi fiican yihiin , hana u sheego inay cadaw badan leeyihiin oo aan laysku mashquulin waa iloobayaan si dhaqsaa haddii la maqashiiyo cadaw kale.
  10. Mahad-sanid suldaan Sidaad u sheegtay hadday arintu tahay waa khalad asaga ku kooban sixiddiisana uu awoodo.
  11. Waa hadal qurxoon oo markii la fasiro kusoo ururaya inaad isu aragtaan ajnabi ku dhex milmaya qowmiyad kale oo aysan waxba wadaagin kana baqaya inay mustaqbalka marti noqdaan, sidii adeerkaa cigaal allaha u naxariistee ku qudbeeyay. Sidii roon allaha ka dhigio suldaan.
  12. Nin dumar caayay waa nin hooyadii caayay xaal lama waydiiyo. Ilaahay ragga wuxuu u doortay inay ambiyo noqdaan dumarkana hooyooyinkood.
  13. Suldaan saxib waa sax geesinimo gobonimo deeq wax walba way leeyihiin balse cigaal shiidaad waxa laga hayaa beriguu sahamiyay doog iyo tigaad qurxoon waan soo arkay lakiinse xiid dhalay yaan loogu adkaysanayn (shinbiraha nooc ka mida oo qaylo dheer). Su'aasha aan ku waydiinayo waxay tahay mar haddaad sheegatay suldaankii beesha. Mar haddii taliskii aad la dirirteen tagay, somaaliduna isku mid tahay dhan walbaba, sababta, qaar wixii dhex maray snm xalay dhalay looga dhigay kuwa kalana, daxal aan la mayri karin ka dhigay? Geesiga laguu sheegayo ma'ahan ninka dagaalama sida snm kuugu sheegtay waa ninka samra yaqaan meesha dantu ku jirto.
  14. Snm guusheedu waa burburkii soomaaliya waxayna ku badaleen xoriyaddii snm kalasoo noqotay koonfurta, May-90kii, bay u asteeyeen xuska heesaha. Wiilashaan yar-yar Intay mujaahid beena ag fadhiyaan lagama dhaadhicin karo taariikhdaan marqaanbaa lagu qoray wax jira ma'ahan Dalkiina iyo dadkiinu waa isku mid beel geed waabatay aqoonsi haku sugina maskaxdiina fogeeya raad arooryaad dib looma raaco, sokeeye is dilay taariikh noqon mayso. Yuusuf garaad aragtidayda waa nin wariye fog ah oo waayo soo joogay balse shakhsiyad mudane wasiir loogu yeero ma gaarin 4.5 dhibkay soo kordhisay bayna ka mid tahay.
  15. Iayaab maleh nin beertuu abuurtay guranaya. itoobiyaanku xidid iyo xigtaba way ku leeyihiin hargaysa. Cadawga kaliya, ay leeyihiin waa walaalahooda koonfureed waana mabd'a loogu tala galay inay snm ku adeegto. Sayid abdulle xasan wuxuu ka degay berbara,waxaana la waydiiyay canshuur,wuxuuna ku jawaabay adinkay canshuurtu idinku waajibtay, oo dalka sharci daro ku jooga waa qarni fog markay wadaad waalan u bixiyeen. Siduu duufaan sheegay asaaska nolosha waa shaqooyinka nolosha dhisa, sida xashiish guridda timo-jarka iwm. Waxay ku wareejiyeen itoobiyaan aysan ka maarmi karin la'aantoodna noloshu qiimo lahayn. Dhalintoodii waxay ku wacyi geliyeen inaysa shaqooyinkaas qaban, ceebna tahay, loona baahan yahay inaysan meel ugaga dhicin hogomiyaasha sare oo ay isku hayb yihiin. Taa badelkeedana ay soo shaxaadaan arlada ama tahriibaan. Airport'ka snm maamusho, allaha idin karaameeyee suuliga waji-dhaqa ninka jooga is afgaran maysaan, hadana waa muwaadin aan aqoonsi wadan oo meeshuu doona geli kara. waxaaba shaki iiga jiraa, haddii aan midnimadeenii helno idinka alle, meesha dad loogu tagi doono!.
  16. Holac Taariikhda waa waajib inaad barataa si aadan u noqon qof aan aqoon wuxuu ka hadlayo Dadka dega Nfd iyo somali-galbeed aan kuusoo koobo M.siyaad wuxuu ka aaminsanaa muwaadinka koowaad dhanka wax barashada dibada, tan gudaha, maamulka sare safaaradaha saraakiisha iwm. Kan qoryoolay ku dhadhay iyo kan jigjiga ku dhashay waxaa mudnaa kan jigjiga, garan waa ma'ahayn Taasna wuxuu u samayn jiray si ay u kasbadaan khibrad iyo aqoon ay ku difaacdaan dhulkooda iyo dadkooda. Intaa iyo ka badan uma samayn qabiil iyo xigto wuxuu u sameeyay somaalinimo taariikh fogna ma'ahayn nin aragti dheer buu ahaa aragtidayda Kow mucjisadii la arkay waxay ahayd dadkii naf iyo maalba loo huray oo jabhadihii qaran dumiska ahaa ka bar-bar dagaalamaya!. Markii la waydiiyay maxaad u dagaalamaysaan oo idinka maqan ama idinku kalifayna, ku jawaabay dadkaa dagaalamaya yaan meel dhexe kasoo raacnay. Nfd iyo som/galbeed labduba waa dad tiro iyo tayo leh balse waxaa la yiri Abeesada iyo libaaxu dadka way dhamayn lahaayeen haddaan hurdo iyo damanaan lagu saladin. Odweyne Taariikhdaan waa been abuur haku daalin walaal. Mar hadday snm dastuurka ku qoratay inay gaar u leeyihiin sadex magaalo aqoonsina u doonayaan ayagaa marti ku ah solmaaliya. Waa runtaa saaxiib, dadku waa muslim balse gaal iyo jacaylkiis waa naanays fog, si sahalana kuma dhaqmi karto.
  17. Shacabku w/galbeed waa dad wanaagsan xaqiiqdii, xamaasaddu waa iska caadi mar-mar timaada, siiba markay gabdhuhu arkaan "rag" ooyaya.
  18. Waa nimco soo korortay ilaahay mahaddiis, haddii snm iyo taageerayaasheedu ka mudaaharadayaan ama diidan yihiin, gaal iyo jacaylkiis. Taasi waxay keenaysaa in aqoonsigu dheraado oo biyuhu meesha godan isugu tagaan. Markuu qofku yiraahdo muslin baan ahay oo aad maqasho waxaa ka markhaatiya intii maqashay shahaadadiisa iyo ilaahay Hadduu qalbiga ka yiraahdana ilaahay iyo asaga. Dadka ku doodaya hanti wadaag buu ahaa wuuna ku gaaloobay, kuwii asaga ka horeeyay iyo kuwa iminka joogaba waa hanti goosad, labaduna kitaabka ma waafaqsana. Qaarna in masaajid loogu magacdaro qaarna la gaaleeyo suurta gal ma'ahan aragtidayda. Shaqada alle iyo xisaabtiisa yaan la fara-gashan Asagaa cidduu doona janeeya kuu doonana cadaaba. Allaha u naxariisto dhamaantood waa khadka kaliya oo noo furan.
  19. Macno samayn mayso inaad soo xigato mowduucyada aan faa'iidadu ku jirin M'd siyaad barre wuxuu ahaa muslin tawaaduc leh, jecel sinaanta iyo cadaaladda, la casheeya dadka faqiirka ah kibirkana ka faana. intaas waan ku aqaanay allaha u naxariisto Berigii hore dhaqankeena lama diidi jirin xataa haduusan diinta waafaqsanayn waana ka horaysay xukunkii milatariga Timuhu waa tidcanaayeen miyiga waana ku faani jirnay gabar timo tidcan iyo wan madax madow Kuwa magaalkuna kama ay fogayn dhaqamada reer galbeedka rag iyo dumarba waana laysku waafaqsanaa ayadoo la tukanayo. Risaaladu hadda la haysto waxay nasoo gaartay awaakhirkii todobaatamayadii oo ay yimaadeen dhalinyaro nagusoo kordhiyay wax badan oo mujtamacu qaadan waayay markii hore balse aakhirkii aqbalay Waana tan reer galbeedku ka samri la'yihiin Diinteenu waa dhexdhaxaad ogol taasamuxa diimaha oo dhan Haddii la adkeeyo waa dhib badan tahay sida hadda muuqata oo dadka xerada looga saarayo. Haddii la khafiifiyana waa dhib oo waxaad lagu milmayaa umado kale oo ku dhaqan doorin kara Dhexdu waa unugga diintu ku adkaato dadka dhintayna ilaahay ha loo daayo.
  20. Iyadoo shucuur beena lagu abuuray shacabkaas yaad indhahooda ka akhrin kartaa inay dad wanaagsan yihiin. Midka matalaya xisbiga snm u qaabilsan oohinta oo shaadhka la baxay kuna doodaya inuu soo halgamay oo xabadiini wali ku taal waa jilaa maahira waxaana laga yaabaa inuu dadka tusayo meel musmaar ka muday asagoo jiingad ku ciyaarayo beriguu yaraa. Afartan sano ka dib nin soo dagaalamay qiiradaas ulama yimaadeen dumar iyo caruur. Dadku wuxuusan fahamsanayn siiba dhalin yaradu dagaalkii snm goortuu dhamaaday? cidda dhamaysay iyo siduu u dhamaaday ? Ciidankii soomaaliya qaybtii 26aad waxay hargaysa iyo berbara isaga baxeen markii dawladdii xamar dhacday xabad qudha laguma ridin dariiqay toos u qaadeen hubkiina sidiisii bay ula tageen marka laga reebo diyaaradda gaboobday oo hargaysa dhex sudhan. Waxaan u malaynayaa inay ula jeedaan dadkay xoroyadda ka qaateen inay ahaayeen dadkii kasoo barakacay dagaalkii 77 iyo shaqaalihii dawladda, ganacsato meesha lagu xasuuqay,lafahoodiina cid garanaysa meelay ku jiraan aanay jirin. Waana sababta koowaad oo filimkaan u dhamaan la'yahay in kastoo jilayaashii soo kashifmayaan tartiib tartiib. Ilaa saylac, raas casayr ilaa xuduudka kenya lafo soomaaliyeed yaa daadsan wax isu haystaana ma jiraan (Cafallah camaa salaf). Su'aasha is waydiinta leh waxay tahay Maxay aboorka ugu haystaan lafaha?
  21. Maah naahdan raggu runtu way ka nixisaa waydinka khaldantahay (Ragga runtu kama nixiso) waa sida saxdaa. way ka nixisaa iyo laakiin meelna kama raacdo haddaad austaraaliya ku dhalanteen sidaa u fahma. Qiimaha raganimada yaa ka dhigaysa inuusan ka nixin runta. Odweyne iyo biixi hadal iyo dhaqan ma yaqaanaan way bilaash xatayaal. Iga raali ahaada haddaan mowdiicii hareer maray.
  22. Waa ilmo ka tir wax wayn ma'ahan Imaaraadku wuu garanayaa inaysan wax dan ah ugu jirin kala goynta somaaliya iyo amniga qowmiyadda carabta oo dhan in laysku hubooyo dad faqri iyo talo xumo soo daashatay ayaduna waa cawaaqib xumo kale. Mar haduu sharciyaddii waayay inuu ilmadana ka tiro snm, cashana u sameeyo waa caadooyinka carabtii hore lagu yaqaanay, waxayna u yaqaanaan (karram). Dal aadan sharciyaddiisa haysan haddaad ciidan gayso iskana maamulato ayadana carabtu waxay u taqaan (ixtilaal) ama gumaysi.