gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Holac Saaxiib wsrbixintaas dib ugu noqo guurka tahriibkaa ka badan Hadii ay min afar u guursadaan dhashuna badato khayrkaa ku badanaya wax laga naxo ma'ahan dhibna keeni mayso Dadka ku dhasha meesha badankoodu waa itoobiyaan.
  2. Dawladii kacaankii barakaysnaa oo uririn jirtay ogoomaha iyo kuwo layska tuuray ayagoo radiic ah, kana dhigi jirtay madax iyo dad wax ugu filan bulshada iyo waxaad simaysaan niman ayagoo gunti furan qaad u fadhiya, markay xanaaq qaadiroodaana xabsiga dhiga ciddii aan ku riyoon aqoonsi. Soomaalidu waa inaysan ku abaal dhicin Maxamed siyaad barre allaha u naxariistee, halgankiisuna xaq buu ahaa aragtidayda markaad fiiriso sida dalka loo googoostay waqtigii kacaankana waxaa loo yaqaan beri-samaadkii mana soo noqonayso xataa hadduu ingiriis nalasoo dego.
  3. Qalbi-dhagax awalba tolkiis buu la joogay meel fog ma jirin,waa dadka daacadaa waxa oohintu ka dhamaatay aan waxba la socon. Shaqo lagu doorto mar kale kismaayo kama uusan qaban xaqiiqdii iska daa jubooyinkee, balse nadaam xumi fowdo ka fiican.
  4. Walaal sama-fale Waa runtaa oo hadalka macnaha sameeya waa kan aqoonta ku fadhiya waana shaqo la barto,balse anigu waxaan iska tuuraa ra'yigayga aqoon sidaa u buuran ma lihi, sidaa daraadeed ha la yaabin hadaad aragto dad saa u fekera. Maamulka puntland wuxuu jiray mudo ku dhaw labaatan sano ilaa iyo hadana waxa is dooranaya waa jufada hoose, waxa dooranayana waa shaqaale u shaqeeya aragtidayda. Taasina waxay keentay in dadkii intiisa badnayd ku biireen maamulo kale oo aysan la asaasmin markeedii horaba, oo waliba ogolayn in magaalooyinkooda laga qaato marada buluugga iska daa calankii cawaale indho u roon. Moorgan waa askari sharna wuu keeni karaa, khayrna wuu keeni karaa balse jufadu ninkaas oo kale doonimayso, shacabkuna wax ma doorto Taasina waxaa u markhaati ah oraahdii caan baxday ee Dr,gaas ee ahayd waan ku argagaxnay anagoo iska hurudna. Tan imaaraadka aqoonyahanka maamul haya, waa inuu gartaa waxa wadanku xaq ugu leeyahay oo uusan oran muqdisho ma ahi muqdishona aniga ma'aha oo waliba dad ajniba ah uu luuqdadooda ugu sheego. Taa macnaheeda dhabtaa waa shaqo iskuma lihin dalkeenuna waa beec. Waxaase la yaab noqonaysa, markay hadana ku doodaan dawladda dhexe waxay ka caga jiidaysaa federaalka iyo federaalaynta dalka.! isla markaana u dhaqmaya, sidii jamhuuriyad arimaheeda dibadda iyo gudahaba u madax banaan, kuwa soo koraya oo ayadu dhashayna ku ababisa inay soo daba galaan si ay ayaguna u noqdaan jamhuuriyado dhinac orda federaalka dhexe. Raali iga ahaw walaal haddii xididka qabiilku ku danqado waa waaqaca ka jira dalkeena hooyo iyo aragtidayda. Waxaadna ogaataa in soomaaliya ka qanisan tahay carabta oo dhan, marka laga bilaabo hawada la neefsado ilaa dhagaxa shiidma, meesha adeerkaa ka aaminsan yahay inaysan noloshu qiimo lahayn carab la'aanteed. Ma u malaynaysaa in dawladda dhexe diidi lahayd horumar kusoo kordha barbera iyo boosaaso? maxay tahay sababta ku kaliftay in carabtu guriga gadaal ugasoo dhacdo ayagoo bac lacag ku wada? Su'aashaas dadkoo dhan baa la wareersan marka laga reebo inta waxaanan ogoyn og. Jumco wanaagsan walaal.
  5. Kun askari oo dishibiliin lahayn waxaa ka qiimo badan toban dishibiliin leh Dalalka isku dilay dhexdooda gobalaysiga, qabiilka, diinta Iwm, way adagtahay inay si sahlan ugu gudbaan ciiddan qarran oo tayo fiican. Somaaliya haday doonayso ciidan qaran waa inay isku tashataa,dhistaana kii asaga ilaalin lahaa ama police milatary aad u adag. Police mlatrigu wuxuu u qaybsami jiray labo mid loogu yeeri jiray salaan-sharaf, balse ahaa ilaalinta akhlaaqda askarta, iyo mid ilaalin jiray madaxda sare iyo meelaha muhiimkaa iyo kuwa kaloo badan oo u dhisnaa jaran jar kala dambaysa, oo aan shacabka caadigaa iyo idaacad madax banaan midnaba, waxba ka ogayn. Maxkamadoodu waa gaar xukunkooduna waa degdeg fulintiisu waayo askarigu hadduusan ka baqayn maxkamad milatary wuxuu la mid yahay miino biinkii laga bixiyay haddaadan iska tuurin si taxadar leh aduu kugu qarxi. Ciiddan dhexdiisa is laayay weligeed ma dhicin xataa berigii dawladdu sii daciiftay waxaana keenaysa, kuwanu maysan arkin ayadoo maxkamadu xukuntay oo ciqaab ku maraya xerada meelaan ka fogayn. Haddii beelo lagasoo ururiyo imaaraadkana mushaar looga doono, maxaa diidaya inuu sarkaalkii xukumay amar ku bixiyo inay qorigooda ku doontaan gunadii bishii hore ka maqnayd? asagoo waliba og qudhiisa inuusan sharci milstary jirin. Beesha caalamka oo noo shiraysa, dhaqaalaha ugu badan waxay ku bixisaa walaalaheen amisom oo ayagu dhaleen,waxayna keentay in ciidamadoodu xeraday ku jiraan ku dhintaan ayagoo waliba mushaar fiican u ururay. Somaaliduna waxay sugaysasaa in dalkooda loo xoreeyo hadhowna heestii eehi eehi dhinac ula jiifsadaan sidii "Ri"dhalaysa.
  6. Waa nin caddaan iyo madaw kala saari kara, balse kursi loo tartamo puntland ma yaal.
  7. Marka ugu horaysa xilkiisa allaha u fududeeyo dalka iyo cibaadkana khayr ha uga dhigo. Dawladaan waxaa kaliya oo kaga duwantahay kuwii hore waa ka mucaarad iyo hagar-daamo badan tahay kuwii ka horeeyay ama dalal shisheeye ha noqdeen ama camiilo gudaha lagu talaalay ha noqdeene Waa arrin wanaagsan aragtidayda inay xulufo noqdaan hay'adaha sare mar haddii wadanku khatar badan ku jiro. Khayre waa hogaamiye fiican wuxuuna madax banaani shaqo iyo kalsooniba ka helay farmaajo waana hawlkar noqon kara mustaqbalka hogaamiyaha ugu sareeya dalka Somaalidu waxay ku maah-maahdaa (galayrkii goray dhirbaaxay wax baal leh ma dayn) Mar walba waxaa u fiican inuu hello qof ay wada shaqayn karaan, oo la xisabtama si daacada Golaha dawladuna u arkaan dad shaqadooda gudanaya kuna ixtiraamaan la shaqayntoodana oo aysan hakad ah gelin markii la xisaabtan yimaado Haddiise waraabe dad cun ah waraaqo iskusoo duwdo mid daciifana u dhiibaan isla markiiba waxaa imaanaya isku dhac iyo iska daba wareeg. Waxaan taas u leeyaay, waxa kalya oo lagu wada shaqayn karaa waa aqoonta ka dhaxaysa dadka wada shaqaynaya iyo is fahamka, mar haddaysan dhisnayn maxkamaddii dastuuriga oo qof walbaa wadadiisa iyo xaqiisaba siin lahayd xataa waraabaha dad cunkaa haduu muwaadin sheegto.
  8. Waa iska caadi mowduucaan qudhiisa waxaan ku baranay inta isku reerkaa. Imaaraadku,diktoorka waxay ka raadinayaan dhar ay xirtaan (xidhaan) ama"hu" muqdisho maradaa uga furatay. Hadiyadii ay ka heleen cashada ka dibna waxay noqotay (muqdisho somaliya ma'ahan) (somaliyana muqdisho ma'ahan) Waa luuqadda dadka wsx noosoo bartay mana fahmi karno. Shacabku waa xeero (xeedho) qabiil geed jilicsan ka qortay naf ma leh sida muuqata allaha soo hadeeyo. Walaalahay reer puntland waxaan kula talin lahaa inay doorashada soo socota xoogga saaraan siday u xoroobi lahaayeen. Tijaabiyaan qof aan wax shahaada ah wadan haba yaraatee, kana bixin dalkiisa hooyo weligiis, waxaan ila fadilan lahjadda uu ku hadlaa inay noqoto tan bariga fog. Taasi waxay noo fududaynaysaa aragtidayda, in dadku isusoo dhawaado midoobo, gacmahana is qabsado ayadoo lugahoodoo siman yihiin.
  9. Walaal samafale Garoonka garowe iyo hargaysa waxaa taakuleeyay kuwait macluumaadkaan hayo, waligoodna saxan soomaalidu wax ku cunto farahooda ma gelin idan la'aan, khayr alaha ka siiyo, Walaal Dr,gaas iyo adigoo ku raacsan waxaad sheegaysaan inaan boqol dollar askari lasiin karin imaaraad la'aantiis. Taasi waxay la mid tahay adigoo nool inaad nin kale ka codsato inuu caruurta kuu koriyo,hadhowna shir jaraa'id ka sheegto in ciyaalkii markay koreen "caaq" ama casi-waaladayn noqdeen amarkaagiina qaadan waayeen. See askari nin kale tababartay mushaarna siiyo ugu doodaysaa inaad madax u tahay waliba idaacadaha ay ka dhagaystaan in madax waynahoodii qiray in waalidkooda runtaa uu yahay imaaraadka. Haddaan isku dhac imaan ajandaha ka dambaysa lama fahmeen. Askariga waa in mushaatkiisa hadday daacad yihiin uu ku dhacaa gacanta dawladda ka dibna uu la mushaar noqdaa kan aan imaaraadku tababarin,haddii kale madaxda iyo askartuba waxay u egyihiin inay u shaqeeyaan shirkad imaaraadka laga leeyahay. Tusaalana waxaa kuugu filan masuuliyad xumadii ka dhacday xeradii tababarka ee muqdisho. Tan xiriirka dhaqaalaha Toonta maraqa ama suugada, lagu daro goboldaa dhexe hiiraan ila bari waxay uga timaadaa imaaraadka, mana beero ama uma baxdo,wuxuu kasoo iibsadaa dalal kale ka dibna kaa iibiyaa asagoo u dhexeeya laba dal oo mid indho l'yahay. Maxaa diiday inay soomaalidu dunida kale toos ugu xirnaato? maxaa kalifay in ganacsatada gobolada barri albaab keliya ku indho daciifaan? Waa macquul inaad meel kale wax iga tusto lagana yaabee inaad aqoonteeda leedahay bal i fahamsii walaal adoo mahadsan.
  10. Samafal Saaxiib gaas wuu fahamsanyahay habka federaalku u shaqeeyo hadduu asagu fahmi waayay cid fahmaysaa ma hogaamin doonto puntland, laakiinse dastuurka puntland oo u dhaartay waxaa ku qoran inaysan muqdisho u daba fariisan maslaxadda reer puntland oo ay gaar ka ahaadaan Taasina waxay keenaysa in been lagu wada joogo qiimaha federaalkuna ka baxo quluubta dadka soomaaliyeed maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaa markhaati kuugu filan jawaabta maamulka puntland bixiyo, way kasoo hormaartaa inta badan, tan dalalka laysku dhaco bixiyaan, khaasatan arimaha dibadda Taa intaas kaga gudub taxliil badan uma baahna. Ta carabta Ma nebci carab shakhsiyan, wax qabadka aad ka sheegtayna waa guri la dhisay iyo lacag ay boorso ku keeneen, iskuma aysan dayin waligood inay dawlad kuu ekaysiiyaan waana midda keenaysa inuu wax qabadkoodu muuqan waayo kuna fashilaan indhaha caalamka hortooda. Turkigu wuxuu kuu sameeyay suuq gayn, bal meesha aad dadka ku qaabilayso qurxi calankaagana suro ka dibna ka iibi quruxda dalkaaga ciddii danaynaysa, intaasu waa wax qabad carabtu keeni wayday sodon sano. Arrinta lacagta Aragtidayda ma sahlana inay si dhakhsaa ay u iloobaan lacag iyo nin qamiis wata oo laysku sawiray. Soomaalidana macno wayn bay u samaynaysaa wakhtiga dhaw iyo kan fogba siduu galbeedi sheegay. Tusaalaha ugu hooseeya haddaan kuusoo qaado, Markaad jinsiyadaada u sheegto dad kale oo aadan isku jinsiyad ahayn, isla markiiba waxaa soo hor istaagaya gaajo abaar iyo xanuun caato wata. is bariidin ka dib markuu ku waydiiyo see hadda xaalkiinu yahah waxaad ku tiraahdaa alxamdulilah waa iska fiicanahay,wuxaa ku xigta su'aal aadan ka jawaabi karin inta badan, oo ah maxaa idinku dhacay?! Waxaad bilawdaa "Amaan" dal fiican baan ahayn, ciiddiisu waa udgoon, xoolaan leenahay dabiici soo daaqa, oo digadiisu udgoontahay, badda ama xeebta afrika ugu dheer yaan leenahay, haddaysan tan labaad ahayn, mooskeena diirkiisu waa khafiif, waana macaan udgoon, bitibiti markaad dhamaysato. Qofka aad u waramayso wuxuu is waydiinayaa waxaas oo barwaaqo ah uu sheegayo, maxay caruurtooda iyo haweenkooda uurka le ugu asturi waayeen, wuu kaala xishoonayaa inay kor kuu waydiiyaan su'aashaas, waana nooc ixtiraamka ka mida. Hadaba lacagtaan boorsada lagasoo daadiyay macnahay samaynayso waxaa weeyaan, dadku waxay is waydiinayaan intaasoo kaash ah maxaa soomaaliya lagala doonay oysan dawladdu ogayn? Maxaa keenay in dad gaajaysan lacag iska diidaan? oo nimcadaas ku sheegaan sharci daro? Imaaraadka iyo somaaliya maxaa isu galay? Waa xikmad carbeed shinbiruhu hadhuudhkaad ku daadiso way ka didaan ayagoo u baahan. Jawaabahaas dadku ayagaa raadsanaya adiga lagaama doonayo, markay ugu yaraatana karaamay kuu ogolaanayaan.
  11. Aragtidayda imaaraadku xaq buu u leeyahay inuu madax salaaxo ciddii u sheegta inaysan ka maarmi karin ugana kalsoonhiin muqdisho oo dhul ahaan ka yara durugsan. Waa waajib insaani ah inuusan iska indho tirin jacaylkaa qotada dheer, inkastoo aanan aaminsanayn shakhsiyan laga faa'iidayo mashruuc loo aayo, dawlad qalab isbitaal dib markab ugu raratay, intuusan ramadaanku soo gelin, waa hadday sax tahay macluumaadkaas la yaabka leh.! Arinta Turkiga Turkigu wuxuu la mid yahay qof ku istaajiyay adoo baahan, wuxuuna galay soomaaliya ayadoo maduxu ciidda u yaal, waana wakhtigii ku haboonaa in cid kale lala simo meesha ma taal. Lamo abaal dhaco, carab cilaaqaadkeedna layskumaba qabsadeen hadduusan na garab istaageen, anagoo sideena u jiifna bay sadaqo timir iyo caano u badan jiifka nagu siin lahaayeen. Haday bilyaaraad bixiyaan wakhtiga la joogo waxay lacagtaasu u ekaanaysaa inay kugu duminayaan sababtoo ah wakhtigeedii ma joogto. Waad istaagtaye socod la imaw adoo saaxiibkaa yaqaan waa hal ku dhig u fiican soomaalida maskaxdoodu xor tahay.
  12. Awoowe madoobe mutarjimkiisu waa Dr.gaas, hadduu af-soomaali fiican la yimaado waa nin oday ah, dambina ma'ahan tagidda uae. Jubbaland waa dad laysku kakabay oo kala masaalix iyo qabiil ah. dhankastaba way u sahlantahay in dabku si dhaqsaa u qabsado, wuuna garanayaa xaaladda meesha ka jirta. Puntland Baarlamaankeeda waxaa u badan gobolada Ssc, waxaana lagula heshiiyay inay mushaarkooda iska qaataan oo aysan ka hor imaan beesha talada haysa, madaama goboladii ay kasoo jeedeen intoodii badnayd, wax ku darsadeen snm, Runtiina waa laga gar leeyahay,waligaana mooshin ka maqli maysid iyo wax is haysta, imaaraadkana waxaa kala dhexeeya taariikh fog oo awoowayaashood qaar baa ku aasan, la'aantoodna waa biyaha niilka oo masar ka go'ay.
  13. Axmed madoobe hadduu fardo cayilay iska dhex galo orod gaaban buu ku kufi aragtidayda. federaalka uu casuumada ku helay kan puntland oo kale ma'ahan. Balse ha laga war sugo shirkiisa jaraa'id, waxaa laga yaabaa inuu hargab ku xumaaday iska dawaynayo barakacayaashana timir u keeno.
  14. Lug la baneeyaa wax sahlan ma'ahan Culimadana waxaa loo beegsanayaa waa inay isku xulufo noqdaan damjadiid waa arrin siyaasadeed,way soo dhawayn lahaayeen hadday ku xayndaab yihiin. Soomaaliya waa dad muxaafida wakhtiga la joogo, waayadii hore waxay soo mareenba wayna adag tahay inaad aragto gabar toban jira oo xijaab la'aan socota ama maba jirto. Heesahan casriga lagu sheegayo waa in gabadhu qalabkeeda muujiso intaysan masraxa imaan waxa la iibsanayo waa qalabka muuqda, iyo lugaha banaan, hadday xijaabantahay cidu ma dhagaysteen. Dagaalka arimaha bulshada iyo dhaqankoodu waa ka dhib badan yahay kan xabadda iyo qaraxa ay sheegayaan waana shidaalka xag-jirnimadu ku hawl gali karto.
  15. Farqiga u dhaxeeya pntland iyo snm waxaa weeyaan waa cod iyo qof dhanka snm, madaxweynahoodana ayagoo og inuu dad muslina soo laayay bay mujaahid u bixiyeen waa nooc indho sarcaadka ka mida dhanka reer bariguna aysan wax magaca u hayn doorashadooduna aysan dhaafsiisnayn inta qolka ku xaraysan.
  16. Fahamka siyaasadda waxaa ka horeeya dhaqanka Carabtu ciddii ka liidata way ku istaagaan kii ay is leeyihiin wuu idinka sareeyaana way u istaagaan Tusaale waxaa kuugu filan madaxwaynaha maraykunku dhowr bilood gudohood yuu uga lisay wixii caano ku jiray. Soomaaliyana hortooday ku baa'ba'aysay sodon sano ayagoo caqiida la wadaaga. tusaalaha labaad dadka nadaafada jidadkooda ka shaqeeya waxaa laga keenaa aasiyada fog waana muslin waxay jecelyihiin inay gacanta wax ugu ridaan sadaqa ah markay dariiqyada ku arkaan, mushaar fiicana uma ogola oo ay uga kaaftoomo gacanta hoose. Wayna ogyihiin in sadaqada ugu fiican tahay ilaalinta karaamada walaalkaaga muslinka ah. Dhanka mowduuca Aragtidayda si sahlan uguma lug bixi karaan soomaaliya wakhtiga lagu jiro iyo meesha ay degan yihiin dartiis ayagaana baahi badan marakan. Balse waxaa loo baahanyahay adkaysi sabur iyo isku xirnaan Ma qabo si kastaba inay sii burburinayaan waxa dhisan hadaysan helin dad ayagu u diyaara inay is burburiyaan.
  17. Qofka dulman waa waajib in la kaalmeeyo loona duceeyo allaha ajar idinka siiyo waxaad ka gaysataanba waliba waa qof dumara. Siyaad barre lama ag dhigi karo casaabadaan dumarka baaranaysa waana arinta keentay inay dadku qalbigooda hadlaan. Inta badan gabyaagu iskama hadlo wuu ka aragti dheeryahay, dadka caadigaa Anigu ducaan ku kaalmaynayaa (inshaa-allaah tafraj.)
  18. Dr.gaas wuxuu ku doodayaa inaysan isku dano ahayn koonfurta oo qolo walbaa danaheeda gaarka, ay tahay in loo tixgaliyo Aragtidayda waan filayay inuu saxaafadda u yeeri doono balse ma filayn inuu u naf bixi doono sidii kaluun bad kasoo baxay. Imaaraadku hadduu soomaaliya ka baxo waa dadnimo geelu makambo hadduu jabo. Hadduu maamulada la joogana wuxuu u ekaanayaa casaabad aan sharci haysan ama kala fogaynaya midnimada soomaalida indhaha caalamka hortooda. Kow, wuxuu ku doodayaa Dr gaas in imaaraadku mushaar siiyo labo kun oo askari tababar iyo dhaqaalaynba, qandala , ayl , ilaa xaafuun. Haddii mushaarku go'ana khatar badan uga imaanayso buuraha gal-gala. Dhalintaan ugasoo duulaysa galgala tiradooda boqol ma dhama cid taakulaysana ma jirto, imaaraad la'aantiisna layskama celin karo asagoo deked canshuur iyo shacaba haysta. Waana in lagu tiirsanaado shisheeye, ilaa qiyaamaha, waa siduu hadalka u dhigay. Gacan hoorsiga iyo qaxooti jacaylku dhibkaas iyo ka badan yaa laga dhaxlaa, xataa haddaad wax ku barato waxuu kaa dilaa dadnimada iyo qabka. Waa hadal dambi ah, inuu lasoo istaago imaaraadka cid noo badeli karta ma jirto (istaqfuru-laah). Arsaaqadda iyo ajasha labadaba ilaahay gacantiisay ku jirtaa, cidna kuuguma dhiibin albaabadiisana lama tiriyo. Askartaada bar inay kaluunka qoraxda ku dubtaan dalkoodana difaacdaan wixii calaacalana idaacadaha kala fogow.
  19. Waa lasoo dayn haddii saxaafaddu qorto. (Arintani waxay dhaawac u gaysanaysaa ictiraafkii aan ingiriiska ka sugaynay mudada dheer) Been indiin sheegi maayo intaa kaliya waxay ja fiicantahay sadex looyar.
  20. Aragtidayda "Gaz" uma hogaansami karo federal iyo dawlad dhexe midnaba, markaad ku cabirto dhaqan siyaasadeedkii ay kusoo barbaareen dawlad goboleedyada gaar ahaan puntland. Balse waxa haysta arimaha gudaha oo shacbiyadda ugu badan ay doonayaan in gacan kaliya iyo maskax midaysan lagu shaqeeyo, waxayna dhoola tuskii ugu badnaa abid sameeyeen soo dhawayntii farmaajo. Maamul goboleedyadu waxay xoogga saaraan arimahooda gudaha, si uusan dab uga dhalan. waxii dhaqaalaa oo soo galana waxay ugu subkaan goloyaashooda baarlamaanka iyo meeshii ay is leeyihiin khatar baa ka imaan karta. Ma aaminsani inay maslaxadooda gaarka ah habayn ka qadi karaan, ayagoo ku andacoonaya, banaan ma fadhiyi karno kaligeen, turkiguna xamar masoo dhaafo.
  21. Waxaan maqli jiray habar lagama karo ninkaad legdeto isaga kac Garoowe yaa xabadu gaari burcana caanaa lagu dhami waa waxa ka dhaadhacsan.
  22. Soomaalidu badda doon yar bay ku gashaa oo makiinad 150 ah saarantahay ama ka yar, markii dabaylu jirtana maba aadi karaan. Carabtu waxay ka mid tahay umadahaas dhacaya khayraadka dadkaa reer guuraaga ah oo jecaylka wayn u qaaday inay seexdaan guri nin kale dhistay ama lagu marti qaado. Aqoonyahanka soomaalidu badankoodu waxay ku doodaan in imaaraadka laga maarmin wakhtiga la joogo, baahi badana loo qabo, biyo la'aan ba'anu jirto oo umadduna daciif tahay. Waxayna ku baaqeen in lasii seexdo inta daciifnimada laga buskoonayo, shaqo abuurkana la sugo intay dekadaha la wareegayaan. imaaraadku intuu ka faa'iido soomaalida kama faa'iido umana dhawa, waana tan u fududaysay inuu u hawooda la wareegidda dhaqaalaheeda iyo siyasaddeeda labadaba, asagoo maqaar saar ka dhiganaya hogaamiye goboleedyo uuk ka dhigtay dawlado madax banaan. Soomaaliya waa wadanka labaad oo ganacsiga ugu badan kala dhaxeeyo imaaraadka, marka laga reebo iiraan oo bahalo nalooga dhigay, ayagana ganacsigoodu uusan marnaba kala go'in ilaa wakhti fog, laguna tilmaamay kan kowaad. Taariikh aan fogayn soomaaliya waxay taakulayn jirtay imaaraadka xoolaha nool haddii la waayana waxay qaadan jireen madaxooda oo wax lacaga aan la waydiin jirin Masdarka noloshoodu wuxuu ku xirnaa kaluunka inta xadirigaa oo badda dhaqan taqaan Kuwa badawigaana abeeso cagalay nooc ka mida iyo dhawr halaad oon irmaanayn,ama caano lahayn, bay ag fadhiyi jireen geed ay harsadaana ilaahay dhulkooda wuu ku yareeyay. Qani-nimadu waa qalbiga iyo qaneecada aad ku qanacdo rabbi intuu kuu qorsheeyay. Damiirku ma samaysmo dad la'aan dadka noloshiisuna qiimo ma leh damiir la'aan.
  23. Khalad kasta oo dhaca waa furaha barashada iyo khibrad soo korortay. Jawaari waxay ahayd inuusan ku daahin iska hor-imaadka,markuu arko in qayb barlamaanku la socoto waa inuu fahmaa kuwa kale yaa gudoomiye u noqonaya? Waxa kaliya oo laga bartay khaladkaan waa xagee u noqonaa haddii laysku dhaco. Dhowr boqol oo soomaaliya oo kala masaalixa, qabiilaysi iyo isdaba maryayn horay loogu bartay meel kuma wada xaraysnaan karaan baqdin sharci la'aantiis. Waxaa haboon in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo maxkamada dastuurka oo cid ka sarayn kartaa aysan jirin alle mooyaane. Mushkiladda wiilasha ilmo snm haysata, waxaa weeyaan, waxaysan kala saari karin farqiga u dhaxeeya shakhsiga iyo nidaamka farmaajo khayre jawaari way tagi boqorooyo kama jirto soomaaliya balse waxaan tagayn nadaamka ku dhisan jiritaanka midnimada soomaaliya hees iyo geeraarna laguma badeli karo. Haddaad badda gasho biyaha milixaa isaga reebto kuwo macaan, maro cagaaran huwato galgalato waxba is badeli maayaan jimicsi unbaad samaysay. Awoodu waa qaanuunka 60kii la saxiixay, aftidana waxaa xaq u leh qofkastoo soomaaliya , Reer waqooyiguna xaq bay u leeyihiin inay sanduuq soo dhex dhigaan soomaalida kale si aan laysugu dhicin mar kale, ayadoo maskaxdoodu deggan tahay wax xumaana aysan ku jirin, wixii kasoo baxana ay ku qancaan. Intaa wixii kasoo hara waa jamhuuriyad iskeed isu magacawday cinwaan fiicana ma'ahan.
  24. Ducaale Wadada waad ka yara dhacsantahay adeer Kuligeen mad-habeedeena iyo qibladeenu waa mid waxaan ka hadlaya waa junuudda ilaahay ku difaaco mowtidiisa Buug buu is yiri sayidkii ku cay bayjkii ugu horeeyay yuu hooyooyinkiis ku caayay wayna adag tahay in la fahmo waxaa ka dhaxeeya labadaa mowduuc ama isu keenay. iminka waxaa lagu khasbanyahay in buugoo dhan la tuuro waayo hooyo caydeed lama akhrin karo waana amar alle. Intaa kaliya faham dagaal diimeed hanagu furine.
  25. Moge sxb cidina wax yeeli mayso waa marti saxaafadda un bay ugu yeeri. Buugaan wax uga dhib badan sayidkii yaa ku qoran. waxaan maqlay shiicadu asxaabihii qaarkood bay wax xun ka sheegeen ilaahay amarkiis sanad walba mar bay dhiig iska keenaan. Hadduu sayidka ku koobi lahaa si fiican buu hargaysa ugu gadmi lahaa. Taariikhda sayidku ingiriiskay u kaydsantahay sababtoo ah dad buu ka laayay Asagoo raashinka loosoo kariyo oo iska nimcaysan waa ninkii ugu horeeyay oo ku yiri dhulka anigaa iska leh, ee iiga guur, waxayna u bixiyeen (madmulah) iima muuqato wax la malmuuqay oo ceebi ka buuxdo in wakhti lagu lumiyo.