gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Boqol milyan hadday maslaxad ku darsadaan toban milyan oo maskaxdooda iyo muruqoodu midaysnayn khatar badan baa ka imaan karta Badda waxaa ku jira nooc kaluun ah oo ilaaliya isu dheeli tirka noocyada kaluunka beeraha waxaa cuna cayayaan fara badan hadana waxaa ku dhex jira kuwa ka difaaca baabi'inta dalagga Dhirta sidoo kale qaar baa xididkoodu qalajiyaa kuwa ag dhaw ama nafaqeeyaa taas badelkeed. Waxaan aaminsanahay kooxdaan ka dagaalamaysa soomaaliya waxay ku dagaalamayaan fikir ay aaminsanyihiin runtiina dhib badan bay u gaystaan shacabka daallan Sidaas ooy tahay aragtidayda waa nooc ka mida isku dheeli tirka jiritaanka soomaaliya. La'aantood maba soo dhafneen beriggii c/yuusuf villa soomaaliya u goglay amxaarka turjumaanka wata. Cadawga koowaad ee soomaaliya waa federaalka kan labaadna waa kooxaha hubaysan oo isu arka inay keligood diinta wakiil nooga yihiin ayagoo inkirsan in diinteenu tahay dhexdhexaad wax sahasha marnaba ogolayn in la adkeeyo. Markaan soo koobo aragtidayda soomaaliya kama bixi karto maal gelin itoobiya ayadoo loo eg yahay dawlado qabiil ku dhisan oo kala masaalax ah taasna waxay keenaysaa in mid walba meesheeda loogu geeyo qunsiliyad iyo jenaraal ay hoos tagaan wayna adkaan doontaa in laga lug baxo. Dal aan xuduudkiisa ilaashan karin, heshiiskiisu waa fududeeyaha khataro badan.i Dawladaan ha isku daydo inay maal gashato maskaxda dadka intay ka gaari kartana haka takhalusto maamul goboleedyada.
  2. Abuurista noolaha xigmad wayn baa ku jirta tan bini aadamkana waa lasii karaameeyay. Gurigaaga markii laguugu yimaado ama lagugu soo weeraro inta hoosta kasoo xirato haddaad tiraahdo ilaahow nabad nasii duco boos haysata ma'ahan. Puntland ducadaan faraha badan hayska dayso ayadoo gurigeedii lagu dhex jiro, ruush ma'ahan waxa is hayaan waa beel sida puntland geerida neceb somaaliduna waa beelo yar-yar oo is yaqaan wax noo kala qarsoon ma jiraan Haddii snm isku tijaabisay inay xuduud beel kale ku dhintaan nabadna diiday, puntland sabab ay gacmaha kareem u marsadaan iima muuqato aragtidayda.
  3. Inuu isaga samraa u baraka badan intii waraaqo beena lagusii wareerin lahaa, snm waligood dad xaqooda la dhacay umasoo celin sababtoo ah ayagaa dhacay.
  4. Taariikhda reer buuhoodle taleex iyo dhamaan degmooyinkaas oo dhan waa kaydka qowmiyadoo dhan, waana mid ka mida taariikhaha ugu wanaagsan ee geeska afrika. Sayid cabdille xassan wuxuu u doortay beel ahaan inay yihiin hal adayg laysku halayn karo, halgankana u dhabar adaygi kara, daba dhilifna laguma sheegi taariikhdooda cariiqaa. Waxaase la yaab noqotay sanadahan dambe, markaad aragto hogaamiye snm oo xaqiraya taariikhdaa quruxda badan iyo mooye agtaagan oo lagasoo qoray howdka laas-caanood.
  5. Waa xaqiiq inaan lagu dabooli karin taariikh soo jireena qarniyo mid sagaashankii la macmilay. Balse nabad iyo haruub buuxsamay somaali iskuma hayn karto waan ku raacsanahay caaqilkaas hadal yaqaankaa.
  6. Faysal waraabe waa odayaasha ugu caansan snm hadalkiisuna wuxuu ku qotomaa dhaqanka snm. Reer puntland ma'ahan inay kaftan u qaataan odayga hadalkiisa, waa donald-trump been ma sheego waana qabiili jecel in caruurta la laayo haddii tuko-raq dhaawac iyo dhimasho ka timaado.
  7. Mar hadday tahay waxa laysku dilayo qabiil degmada ceel-afweyn, maamulka hargaysana uusan awood u lahayn inuu wax ka qabto asagoo ka baqaya inuu jufo usii kala burburo, waxay raadinayaan xal kale oo ka duwan midkay ku fashileen tiro dhowr jeer. Muxuu yahay? Waa in la furaa jabhad cusub iyo dagaalo ku salaysan xudduud ilaa tuko-raq si loo mideeyo sadexda beel qarameed oo ay u kala jeestaan Waa galgalasho iyo beer laxawsi waa nalagu dhex jiraaye aan heshiino waa qaab ay u arkaan in xal looga keeni karo ceel afweyn. Balse xaqiiqdu waxay tahay qabiil si kastoo uu ubax balaastiga isu hor dhigo qarran noqon maayo. Bishan ramadaanka, waa bishii wixii been ku jirtay calshooda ay soo tufeen ayagoo iska duubaya ama shir jiraa'id hor taagan allaha soo hadeeyo. Anagana gadaashood alle nama fidneeyo.
  8. Way ku saxan yihiin mar haday midnimo u taagan yihiin inaysan puntland isir wax ku doonin, oo gobalada waqooyi aan lakala saarin, runtiina ah xigto dhaqan wadaag ah. Balse su'aaha meesha taala waxa weeyaan nadaamka hargaysa aqoon ku filan ajandihiisa ma leeyihiin naf ahaantoodu? mise waxay u haystaan beel yara carootay oo saa u fogayn?
  9. Waa garaad xumadii snm lagu yaqaanay inay walaalkoodna gubaan ayaguna ictiraaf ku indho beelaan. Mucaaradka beelaha muqdisho way liin-baxeen sidii hore ma'ahan. Faysal waraabe yaa ku dhaarta inuu isticmaali doono quwadaas, markii loo baahdo waana ninka u qaabilsan majaajilada snm.
  10. Aragtidayda ma qabo in dhagar qabe kasta lasoo dhaweeyo markuu maslaxadiisa shakhsigaa ka waayo snm meeshuu ku qoyay. Guryahan uu iibiyay wuxuu ku degenaan karaa oo qudha, ayadoo snm gacanta hayso oo ilaashato sababtoo ah waa camiil kasoo shaqeeyay qaybinta dadkiisa iyo dalkiisaba.
  11. Magacaabista mas'uul muhiim ah arrin sahlan ma'ahan. Dadka kasoo tagaya maamulka snm, waa in dhaqan celin loo sameeyo intaan xil muhiim ah loo dhaarin aragtidayda, oo la baro faa'iidada ku jirta wadan midaysan inuu ka barako badan yahay daabiyado qabiil u oodan. Sababta aan taas u leeyahay waxa weeye, ma sahlana qof aaminsanaa kala tagga umadda in loo aamino si fudud. Waxaa jira dad wanaagsan oo wax ku ool ah kana soo jeeda waqooyi galbeed aaminsan midnimo iyo horumar, weligoodna u shaqayn jabhad iyo wax la mida, xaqna u leh inay isu sharaxaan madaxweyne ilaa mansib kastoo muwaadin xaq u leeyahay kuwaas darajada koowaad ha la siiyo. Midkii xilka laga qaaday shalay, wuxuu ku doodayaa xilka waxaa iga qaadi kara barlamaanka qayb ka mida, madaxweyne xil igama qaadi karo iyo wax la mida toonna. Kow... shalay waxaa xilka lagaaga qaaday ilko-xanaf waxaana ku magacaabay madaxweynihii hore, see kii kaa horeeyay xil ka qaadistiisu sharci u noqotay, taaduna sharci daro?!! wuxuu ku jawaabay ilka xanaf oday hawlgab ah ayuu noqday dastuurkaana ogol in odayaasha cid kastaa cayrin karto, Ayadoo soomaalidu wada ogtahay in dastuurkii soomaalidu noqday bac-khafiifti islaamuhu ula baxeen hoogay, oo ba'ay. Maxuu dastuurku u cayrin waayay kuwa baarkamaaka ku jira oo sagaashanka kor u dhaafay, saraakiil iyo kuwo kalaba.? Meeshaas waxaa kaaga soo baxaysa inuu ahaa, afmiishaar soo xoogsi tagay dadka iyo dalkana lugooyo ku hayay. Hadduu nin wanaagsan yahay wuxuu sheegi lahaa waxa u qabsoomay intuu xilka hayay iyo waxa ka dhiman oo laga sugayo kan cusub oo loogana fadhiyo, uguna duceeyo towfiiq. Mar walba ha laga fiirsado shaqaalaha snm kasoo goosanaya, tijaabana ha looga dhigo mansib hoose marka hore iyo mid dhexe, inta laga ogaanayo caqiidadiisa, kartidiisa, hawl-kar nimadiisa iyo wadaniyadiisa intaba.
  12. Ma dhul itoobiya ka madax banaan yaa soomaaliya ku yaal? Waa dalkii soomaliya laga dumiyay oo mucaarad dhan kusoo adeejiyay inay dhulkooda gubaan ama gooni u goostaan waxaana ku xirran jiritaankooda inay sidaa sameeyaan. Beesha caalamka oo talada aan u dhiibanayna waa isku caqiido wayna la socdaan in cirriq naga dhaxeeyo waxay u xireen koofiyadda cagaaran si ay arimahooda ugu fushadaan ayadoo dhaqaale iyo fudidynba la garab taagan. Sidaa daraadeed ma jirto tuulo ilaa magaalo weyn oo aysan sirdoon ku lahayn dadka u shaqeeyana ma qarsadaan meelaha qaakood. Snm waa adeegaha guud oo dhabtaa dadkuna intiisa badan aysan fahamsanayn, xataa kuwa wanaagsan oo ku nool waqooyi galbeed. Waana tan keenaysa inay hal-hays ka dhigtaan mar walba nabarka ha iga damqin.
  13. Waa hadalkii waraabe oo ay carabi ku turjumeen mana xikmad badna, kaliya waxay ku dhex dareen, qatar iyo puntland ciidankeeda oo ay ku tilmaameen casaabad qadar iyo farmaajo sameeyeen. Imaaraadku hadduu kusii dhex milmo arimaha soomaaliya wuu ku waalan waxaana u wanaagsan inuu is xakeemeeyo. Farmaajo waa xaq sharci ah waxa snm ku eedanayso, somaali diid iyo soomaali uma sinna masuuliyad buuxda yaa ka saaran difaaca amni qowmiga soomaaliyeed intii awoodiisaa. Snm waxay ula jeedaan dacaayadaan federaalkaa nagusoo duulay labo arimood midkood aragtidayda Kow inay puntland iskala weyn yihiin ama is tuseen inay qarran u egyihiin markay muraayad jaban wajiyadooda u badisay. labo Inay caalamka ku indho sarcaadinayaan in dagaalku u dhaxeeyo laba jamhuuriyadood oo xuduud ka dhaxeeyo kana yimid talyaani iyo ingiriis taasoo ah maskax daslis aad u ba'an.
  14. Waan kugu raacsanahay suldaan ishaad ka riday too late Wayna ku argagaxeen goor dambe in xuduudka snm ingiriiska ka dhaxashay uu garoowe u jiro 5 km Tan ugu daran aragtidayda, waa abaal marinta snm, ay ku abaal marinayso reer sool, kuna tilmaamayaan geesiyo u dhintay ilaalinta xuduudka qaranka ee snm. Waana guusha rasmigaa oo smn ka gaartay dagaalka tuko-raq. Itoobiya waxay ku nasatay liyu-bolis, Snm'na reer sool inta u shaqaysa, waana siyaasad meel qudha kasoo jeeda markaad u fiirsato.
  15. Ra'yigooda qof weyn baa akhrin kara caruurtuna taageere snm bay u qaadan karaan markay dhagaystaan. Puntland toban sano ka hor bay dayacday dhulkaan iyo dadkiisaba waana runtood. Aragtidayda reer sool waa dad ka fac weyn labada beelood oo isku haysta xalkana cidaan ayaga ahayn ma keeni karaan. Balse dhiig sokeeye waa xaaraan hadduu sii sokeeyana waa labo xaaraan. Abaal marrinta faysal waraabe uu ku abaal mariyo reer sool inay xaduudka garoowe ku dhintaana waa ceeb aad oo foolxun xaqiiqdii waana jees jees ihaana loona dul qaadan karin.
  16. Dagaal dhexdeena looma baahna snm caqli kan ka fiican ha raadiso meeshu aad bay uga fogyahay degaankooda, hana ku dadaasho sidii aqoonsi loo raadin lahaa ayadoon dhiig daadan Ma cidbaa weydiisay xuduudkii keena aqoonsiga hortiis? waa maya maxay dadku ku dhimanayaan? talo xumo aragtidayda.
  17. Tilaabo saaxiib canshuurta lagu dhisay reer hargaysa keligood ma aysan bixin waxaa bixiyay somali oo dhan ayadoon la kala saarin ilaa wanlaweyn , waamo, bari iyo galbeedba. Hadafku wuxuu ahaa in kaabayaasha dhaqaalaha meeshii ku haboon la dhiso sida dekadaha airpor'da warshadaha, kaluunka dalxiiska, sida waamo iyo kuwa kaloo fara badan waxa cunsiriyada oo dadkiisa iyo dalkiisa uu u hayay ma jirin haba yaraatee. Awoowe cigaal allaha u naxariistee maxaa lagu xusuutaa? Aragtidayda waxaa lagu xasuustaa inuu kula dar darmaamay tolkiis inay samaystaan nabar daawadiisa aduunku ku wareero iyo bil cusub oo xoriyad loo dabaaldego kana qiimo badan tii 26'ja jun 1960'kii. Aadan cadde allaha u naxariistee oo farmaajo noogu sheegay inuu la mid yahay isu keenihii maraynka oo kale amarna ku bixiyay in sawirkiisa kaliya meesha la suro maxaa lagu xasuustaa? Aragtidayda waxaa lagu xasuustaa inuu si dimuquraadiya oo heer sare ah reer xididkiis ugu wareejiyay furihii hogaanka dalka. Cid wax kale ku dari karta ma jirto. Dadka aqoonta iyo wax kaleba loo ogolaa aad bay u koobnaayeen taladii shisheeyuhuna weli way sii jirtay. Waxaan aaminsanahay in dawladnimadii soomaaliya si sax ah u bilaabatay 1969 oktoobar 21'keedii oo ay dhamaatay sagaashamaadkii waana markii geesaheenu isku marmeen ilaa iyo hadana hoos baan u foorarnaa. Ugu dambayntii M.siyaad wuxuu ahaa mideeyo diida kala saraynta iskuna furay qowmiyadoo dhan jileec iyo jareerba xataa oromada qaarkood wuxuu u bixiyay somali-abo oo uu aaminsanaa in waa hore soomalida laga dhacay. Wiligaa bidhikaale ha la simin saciimkaas haddaad rabto inaad wax kasii ogaatana gabdhahaas quruxda badan oo ubaxa kacaanka, oo luqunta u surayay ubaxa dabiicigaa soo warayso weli way joogaan hargaysa sidaan filayo. Weligaana haddaad buug qorayso quruxda ku bilow dhamaadka hadduu doono murugo haku dhamaado.
  18. Way dhici kartaa maamulka hargaysa wuxuu inkiraa puntland wuxuuna u yaqaanaa dawkadda federaalka Carab laysku dhacay ma caqli badna
  19. Waxa laysku haysto oo hadana lakala qaybsaday waa intii yarayd oo uu nooga tagay sodon sano ka hor. Beri baab waxaan arkay nin "bisad" ama mukulaal quudinaya, oo hadana ciidda u dhigaya cadkuu siinayo. Waxaan ku iri maad saxan ama jaqaf u saartid maxaad ciidda ugu dhigaysaa miskiinta? Wuxuu isiiyay jawaab aan garan waayay meeshuu ka keenay oo ahayd Haddaad ciidda u dhigto dhulkaa kuu markhaati furaya markii aakhiro la tago. Aad buu runtii iiga qosliyay, waxaana waydiiyay see ku ogaatay arrintaas? Wuxuu iigu jawaabay fiiri markay wax cunayso indhaha way isku qabsataa mana ogola inay ku fiiriso ama indhaha kala furto. Mar kale buu aad iiga qosliyay balse xikmadda iigasoo baxday waxay noqotay soomaalidaa dhaqanka bissadda leh aadna ugu abaal dhacday saciimkaa qiimaha badnaa naxariistii jano allaha ka waraabiyo
  20. Allaha u naxariisto marxuumka Siduu doonaba tiisu ha u gasho balse xikmadda meesha ku jirta waxaa weeyaan beel maamul samaysatay haddaad marti u noqoto noloshaadu waa dareen u joog Madaxii sare, xaakimkii, booliiskii, dambi baarihii, tabiyihii, dhakhtatarkii maydka baari lahaa, intuba waa isku beel, qofkii ku dhex dhinta meel noocaas ah, ilaahay unbaa xogtiisa og. Waxaa kaloo shaki ku jirin haddii mayd badan loosoo sheego inuu intiqaam imanayo ama aar-goosi waana dhaqan ay caan ku ahayd snm. Qaranimo beenana iyo xudduud ingiriis buu ku shahiiday waligood ku qanci maayaan.
  21. Odweyne saxiib qof walba caqligiisuu hadlaa, wax eeda ma lihid haba yaraatee. Qof fahamsan majiro waxa 18'ka may u taagantahay xataa kuwa u dabaaldega qudhooda. Waa maxay sababtu? Marka ugu horaysa siyaad barre ma ahayn gumayste, gumaysta dalkiisa, ama gobol soomaaliyeed, wuxuu ahaa madaxweyne ka taliya labadii gobol oo isu tagay. Haddii xukunkiisu dhaliil la yimaado macnaheedu ma'ahan inuu noqday gumayste callan laga qaato oo laga xoroobe, sidaa daraadeed waxaa laga been sheegay 18'ka may. Waxaad ka raadisaa youtube'ka biixi oo aad uga xanaaqay markii lagu eedeeyay dhawr iyi sideetankii, in snm doonayso inay dalka kala goyso, kuna dooday asagoo xanaaqsan, inuu dalku mid yahay, waxaasuna daacayad yihiin lagu xumaynayo sumucadda snm. Ka gudub Maxaa loo astaystay 18'ka may oo febaraayo iyo maarso looga booday ama loo sugi waayay juun iyo juulaay? Cid garanaysaa ma jirto.! Maalintaas ma ciidankii kacaankaa la jabiyay? xaggee ku dagaalameen? Ma faalisaa ku riyootay? see wax u dhaceen?! Tan gumaysiga Walaal horaan kuugu sheegay in badan gumaysigu gobolada uu joogo wuu aamini waayay. Kuwa uusan joogina, dad daacad u ah yaa maamula, wax la fahmi waayo ma'ahan, ama la inkiro, amaanna noqon mayso aniga ilama joogo ee wuxuu i waydiistaan gurigiisa ugu geeyaa. Tan qabiilka iyo qarank isaga kaa dhex yaacsan Qabiilka lakala celin la'yahay ayagaa dad isugu dhaw sida nalagu yirina oday magac dheer leh yaa dhalay. Hadaba inta la shiriyo dhamaantood waxaad ku tiraahdaan qarran baad tihiine dib dambe haysu dilina, bal wixii kasoo baxana ha la eego. Ciidanku waa isla qabiilkii tuutuhu ina hebel ma bedeli karo. Maamulkuna wuxuu ka kooban yahay sadexda jufo, wayna adagtahay inay jufadii gar daran xabsi geeyaan ama dawlad noqdaan sharcigeeda laga baqo sababtoo ah wixii 18'ka may la samaystay yaa dib u burburaya. Tab cuqdada Dad ku leh aan midowno, qabuurahana faataxada u marno, oo weliba aad ka adkaatay dagaaladii soo dhacay, sidaad sheegayso, see cuqdad u qabaan?
  22. Waa markii ugu horaysay oo aan ku taageero snm inay u dabaaldegto 15'ka May sababtoo ah 18'ka May waa bil ramadaan beentana lama ogola Dadka 30 sano ku filan waana daaleen waxaana wacyi gelinta ugu badan ka socotaa baraha bulshada xaqiiqdiina waxaad dareemaydsaa in xarigii snm ee cuqdudu sii tifmayo, maalinba maalinta ka dambaysa.
  23. Shaqadaa wayn oo loosoo igmaday wuxay kalasoo dhex baxeen eraygaas waxaana laga yaabaa inay labo u qaybsamaan oo igaad iyo caalamka loo yeero markay ciidamada soomaalidu noqdaan dhinaca xukuumadda. Waa dad fitno mushaar ku qaata.
  24. Intii dhimatay allaha u naxariisto Mar haddii ciidankii ay qaranka ku sheegayeen isku qabiil yahay, way adag tahay inay geel jire isku qabiila xal waara dhex dhigaan sababtoo ah ciiddan sax ah, afka kama hadlo wuu gacan hadlaa wuxuuna ku dhaartaa inuu sharciga u dhinto. Qabiilku wuxuu u qaybsamaa jilib iyo jufo magaca qarrana ma qaadan karaan hadday si kasta maro cagaaran u huwadaan, waana magac ay si ba'an u bahdishay Snm meelna uguga dhacday. Xalka ugu dhaw aragtidayda waa in dawladaynta beentaa layska daayo, oo odayaasha shaqadooda loo daayo, aakhirka ayagaa heshiin marka geellu guro roobkuna yaraado, haddii kale dhaqaalo badan yaa ku bixi wuxuuna u noqon karaan shidaal dagaalka sii wada.