-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Dawladdihii tan hadda jirta ka horeeyay dhulka weerar ba'an bay ku qaadeen oo aan loo meel dayin. Xataa jardiinooyikii beeshooday ka iibiyeen ayagoo ku tilmaamaya maal gashi una isticmaalaya qaab indho sarcaada, waliba xarig jar dhoola-caddayn iyo saxaafaduba joogto. Guryihii jabuuti ku yaalay oo qarranku lahaa sidoo kale ganacsato beesha kasoo jeeda yaa lagu wareejiyay inta dhul dumaashida iyo seedigu iibsadeen xad ma leh. Hadday afar sano oo kale sii joogi lahaayeen safaaradaha burbursan bay sidoo kale xaraashi lahaayeen. Waxaa mamnuuca in lahaasho dhul oo ajnabi leeyahay lagu dhereriyo xeeb dal kasta siiba meelaha xasaasiga ah, sababa badan awgood xeebtiina dad gaara iyo ajaanib yaa lagu wareejiyay Shaqada wax qabadka musharixiinta dhididku ka dhamaaday waa dhul boob iyo goofkaan anigaa iska leh. Xaduudka dalka loo doortayna wuxuu ka bilaabaan, jasiira ilaa warshadda baastada waa inta anfac badan kasoo bixi karo, hanti shakhsi leeyahay maxkamdda hoose laaluush haku bixiyo markuu daalana, markhaatiga ha uga tago waraaqihii dhulka iyo xaqu-salaamadii oo wada socda.
-
Kiiska qalbi dhagax wax la fahmi waayo ma'ahan raggii u takhdiiday dhiibistiisa, yaa oohinta u bilaabay soomaalida asaguna waa nin wayn wuu fahmayaa xaalku meeshuu u socdo. Dawladda federaalka waa loo labisay kiiskaan, jid kaloo u furan ma'aysan haysan aan ka ahayn inay dusha saartaan difaaca iyo iskaashiga labada dal oo soomaaliyoo dhan walaalaha ka dhigatay. Waana la ogyahay inaysan jirin dawlad itoobiya dad iyo dhul ku qabsan karta ay ugu dambaysay kacaankii barakaysnaa.
-
Tilaabo Way jiraan dhac dhul iyo guryo lagu dhacay hargaysa laakiin hadaad alle i horgaysay, waxaan talo ka bixiyay hal kiis guri aad istaraatiiji u ah oo ninkii iska lahaa ku dhibtooday mudo ku dhaw labaatan sano. Sababta uu ugu dhibaatoodayna waxay ahayd ninka haystay guriga yaa bir-lab ahaa ama mujaahid nool madoonayo inaan magaciisa kuu sheego lakiin waa xaqiiq warkaan sheegayo Mulkiilaha waxaan waydiiyay intaanan taladayda dhiiban, intaasoo sano haddaad wax ku wayday maxaad u samri wayday aakhiro iyo aduun aakhiraa badane? Wuxuu igu yari eheladiisa qaar ka mida yaa qalbigoodu nus qoyan yahay ama ma wada xumayn, oo markaan dhulkii ku noqdo bay dib iigu yeeraan waxayna ii sheegaan qiimo uusan gurigu joogin safar dheer ka dib yaan dib u noqdaa sidaasaan mudo kusoo jiray Ma sheegi karo in wax loo balqiyay markii dambe iyo in loogu madoobeeyay. Waxaan rabaa inaan kuu sheego marka, sideedaba makhluuqa ilaahay abuurtay waa noocyo badan yahay hargaysa waa magaalo aad u baaxad weyn dhibka ka dhaca ha u fiirin sidii inay yihiin hal qoys oo iska war qaba. Dad wanaagsan dad dhexdhexaada iyo kuwa aan wanaagsanaynba way leeyihiin waana dabeecadda lagu yaqaan mujtamac badan oo meel ku nool. Muqdisho waxay u badbaan lahayd inuu naftiisa ku waayo, ama uu helo gurigiisa, qalbi dhexdhexaada ma yaalo, waana farqiga u dhexeeya hargaysa iyo muqdisho sidaan is leeyahay.
-
The two professors: Back to Muqdisho or Minnesota
gooni replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
suldaan waa sax kala dambayntu waa wax wanaagsan waana ceebta soomaalidu daawada u weyday. Haddaad ii sheegto labadaa professor waxay soomaaliya kusoo kordhiyeen intii ay shahaadada qaateen iyo ka horba,sawirkoodaan taxi'gayga ku dhejin. Kan jaamacadda caamuud wax ka dhiga waa muxtaram abaal iyo khayr u socdo kan jaamacadda muqdisho kasoo saara dhakhtar iyo kalkaaliso sidoo kale Ninka soomaali weyn waxba ku noqon waayay ugana faa'iidaan waayay aqoontiisa u malayn maayo inuu Snm singapore ka dhigayo Tan dadka ka qaxay sool UN'kaa taqriirkeeda kusoo saartay iskama sheegin waxaanan akhrin, ama dhagaysan Ma caddaan reer yurub ah yaa snm oran kartaa been baad sheegaysaan? -
Ducaale saaxiib dadkaanu waxay ku doodayaan guryaheenii iyo beeraheenii yaa la dhacay ma'ahan waa maxaa nalasoo degay jasiiradan anagaa iska leh. Kan lahjadda baajuuniga ku hadlaya si fiican u dhagayso. Dantu waxay ku jirtaa inay helaan shacab kaluunka iyo qubada ka iibsada ayaguna subagga xoolaha iyo fooxa bari laga keeno. tharwada ama maalka laguu sheegayo waa dadka, dadkiibayna diidan yihiin jaziiraddu boqolaal kun oo soomaali ah yaa ku noolaan kara. Tan kale Muqdisho iyo hargaysaba hantidii gaarka loo lahaa waa hore yaa la bililaqsystay tii guudna odayaasha aad sheegayso yaa iminka isku haysta oo xalkeedii lagu jiraa.
-
Jaziiraddu tanzania kuma taal, dhulka waxay ku leeyihiin hantidooda gaarka ah sida beer guri Iwm meshii la wada dego way ka qurux badan tahay meel reer kaliya dego. Hadday xamar agteeda ku ooli lahayd ma u malayn lahayd in lagu wada hadli lahaa?
-
The two professors: Back to Muqdisho or Minnesota
gooni replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dhinac wuxuu leeyahay waxaan qayb ka ahaa habkii wasiirada snm loogu qaybiyay qabiilka si beel walbaa isaga aragto muraayadda. Dhinaca kalena wuxuu leeyahay xuduudku waa ka muddan yahay isirka!! Isirku waa ka xoog badan yahay wax kastoo soomaalidu aaminsantahay taas matxafka ingiriiska uu joogo yuu ka heli karaa. Singapore'na lama ag dhigi karo beelo reer guuraa u badan oo isku haysta geel ka lumay qarnigii tobnaad iyo xuduud mala awaala. Haddii la waydiiyo professer'ka 12'kun ee reer sool oo ka qaxay dagaalka tuko-raq, jihadee u qaxeen? Ma dhanka garoowe mise burco? Waxaan filayaa inuu ku jawaabi lahaa academic baan ahay waa inaan baaris sameeyo. Nimankaanu taariikh shisheeye bay wax yar kasoo barteen sidaan filayo mana fadhiyaan kursigii soomaaliya arimaheeda wax looga waydiin lahaa Cabdi samatar waxaa halhays u ah dad xamar joogaan la xidhiidhay wax walba waan la socdaa, ma wariye madax banaanbaa? Mar qudha buu muqdisho tegay hadda ka hor, markiina bakayle yar, yuu kusoo arkay oo xeradii xalane sii galaya ilaa iyo hadana intaasuu ardada jaamacadda ugusoo celceliyaa ilaa ay ka hurdoodaan. Nimankan dadkay wax baraan allaha caawiyo. -
Suldaan Saaxiib haddii ay tahay arrintu sida aad u sheegtay oo go'aanku uu ka go' dawladaha aad awoodda ku sheegtay, maxay faras indho la' ugu ag xireen hargaysa sodon sano? Maxaa looga baahan yahay wada hadal iyo daal? may si fudud ugu aqoonsadaan jamhuuriyad madax banaan oo soomaaliya ku ag taal? Khiyaaligu wuxuu ugu daran yahay markii marqaan kusii darsamo Farmaajo iyo malyan kaloo la mida kama hadli karaan dhul soomaaliyeed kala goyntiis koonfurtana xoriyad lagama bixiyo saaxiib. Haddii beesha caalamka ay soomaaliya ka dhigayso jamhuuriyado fara badan ha la arko wada hadalkana ayaga ha lagu koobo. Haddii aad hayso sirta ingiriiska adigoon nagu qoslin wax noo sheeg iyo goorta aqoonsiga lagu dhawaaqayo.
-
Maamulka hargaysa ma qabo aragtidayda in wakhti iyo wada hadal aan natiijo lahayn lagu lumiyo. Markay wada hadal maqlaan waa markay lafo cusub dhulka ka soo saaraan, mana qoraan walaalaan nahay iyo garab naga siibtay baad tihiin, ajandshooduna mid soomaali shaqo ku leedahay ma'ahan Soomaalida sida lagu yaqaan waa dad is cafiya oo qalbi fiican cid kastaana way garan kartaa sababta nabarkaas yar daawada loogu waayay inaysan ahayn wax soomaalida ka yimid. Madaxda koonfurta soo martay waa kala duwaanayeen kuwii kan ka horeeyay ma ogolayn in magaca hargaysa lasoo qaado macaan iyo kharaar midna lagama faa'iidin Markii wax laysku qabto yaa xal la raadiyaa haddaan waxba laysku haysan casho hoteel laga cuno wada hadal ma'ahan waa kulan casho, haddaad doonto casho sharaf ugu yeer. Qabiil dhul ma yeelan karo hadduu yeeshana waxaa lumaya amniga qowmiyadoo dhan wadankoo dhana sidaasuu ku lumayaa jufo walba goonideeda bay u xaraashi intay degto sida dayrtii dhawayd la arkay. Waxaa laga wada hadlaa arimo kale dib u heshiisiin siyaasad, dastuur cusub, biyo gelinta meesha ku haboon iwm Dhul wada hadal ma galo sidiisaba waa prohibited. Farmaajo waxaa u fiican inuu kala saaro calool jileec iyo xaqqa qaanuunku siiyay 1960'kii kowdii juulaay oo ahaa in waqooyiga iyo koonfurtu dal qudha yihiin calankoodana aduunka kale lagu dhex daro. Intaan cashadu bislaana ha u sheego in waxa laga wada hadlayo aysan ku jirin kalmadda "dhul" goosahaduna dambi weyn tahay oo cawaaqibkeeda aan lagasoo kaban karin. Markaas ka dib waxaa ka dhacaya culays wakhti badan ku lumi lahaa ayadoo ay horyaalaan arimo aad u fara badan oo ay ka mid tahay meekhaanka caasimadda iyo beesha sheegatay sidii gobol kale loogu heli lahaa, loona heli lahaa caasimad soomaaliyeed oo lawada leeyahay. Amni, dastuur, maxkamad sare, lacag cusub oo daallarka bedesha, manhajka wax barashada, fahamsiinta shacabka federaal qabiiligga, iyo xudduudaha gobolada, waa shaqooyin aad u culus runtiina shaqo sahlan ma'ahan mid wakhti lumis ahna suubis loogama dhigi jaro.
-
Waa sax intaa aad sheegtay way leeyihiin iyo waliba balwad la'aanta oo in badan oo ka mida aysan qaadka iyo balwadaha kaleba lahayn. Balse hadda kuma eka beer qudha iyo baydhabo waa ganacsato aad u socod badan. Hadda ka hor waxaan taxi isla soo raacnay dhalin yaro kasoo jeeda konfur galbeed galkacyo ilaa garoowe koontrool kasta waxaa lagu furfurayay af garasho iyo aqoonta darawalka, kiise ugu darnaa waxa uu ahaa kan garoowe laga galo oo la tahriibiyay qaarkood kuwana la xafidsiiyay sheeko kale. Waxaa la yaab sii noqonaysa dhalin yaradaas uma socdaan sucuudiga iyo inay kasii tahriibaan puntland waxayba ku egyihiin garoowe bosaso qardho oo waliba meherado macruufa ku leeyihiin. Su'aasha kale oo aan is weydiiyay waxay ahayd maxaa kalifay inaysan cidina waxba i weydiin anigoo ka qariibsan wax mehereda iyo gaari gacan midna ku lahayn. Waxaan u qaatay inaan dhex-galka uga dhiiranaa cidina soomaali ma kala garan karto waa isku nooc ama shakal. Mushkiladda haysata ma'ahan in shacabku cunsiryiin yihiin waa dhex-gal la'aanta siiba guursiga hablaha faraha badan oo ilaahay nagu galaday Maxaa diiday in seedayaashi kontoroolka kusii sugaan? ama wiilashuu abtiga u ahaa qaarkood helo? Xididku waa muhiim, wuxuuna ka qayb qaataa is dhex-galka bulshada. Xataa labo isku mar waa la Aroosi karaa, ayagoo weliba ogol inay isku barkin ku seexdaan habeenka ugu horaysa. Meel nimcadaasu taalo ma jirto aduunka kale ee aaway raggii ka faa'iidasan lahaa.??
-
Xaaji Buubaa waxaan ku xusuusta kalmadiisii hal hayska u ahayd (hadiilmeeyo) wuxuu ahaa siyaasi waayo arag ah waxaan ku xasuustaa barnaamijkii aan ku bartay oo ka baxay Tv jazira luuqadda carabiga beri hore degenaan iyo waayo aragnimadiisana aad iisoo jiidatay iyo sida qadiyada soomaaliya ugu weynayd. Hadda markuu hargaysa tegay 180 degree yuu hoos u dhacay ciyaalka facebook yaa gidaarada ku waraysta inuu is dhexyaacayna waan ka baqaya asagoo leh itoobiya halala midoobo xataa waan maqlay. layskuma hayo in siyaasadda koonfurtu aad u murugsantahay oo wajiyo iyo noocyo badan tahay, balse nin weyn waakii qadiyad iyo sabur dheer yeesha una dul qaata caqabad kasta oo soo wajahda taasaa macno samanaysa aragtidayda Haddiise ay beel iska dhiibaan magac ahaan iyo maskax ahaanba hoos bay u dhacayaan.
-
Markiisii hore yuusan qadiyad iyo iimaan la tegin koonfurta wuxaana muuqata dhawrkaa sano inuu u dabranaa danihiisa maadigaa ama jeebkiisa. Hadduu qadiyad leeyahay mucaarad fiican oo wax dhisa oo la dhagaysto yuu noqon lahaa mustaqbal qarrana wuu yeelan lahaa iyo "han" hogaamiye aragti fog. Balse qof mansibkaa gaaray inuu isla markiiba aamino in somaali kala tagto cafisna waydiisto jufo yar oo meel ku oodan. Runtii waa magac aad u hooseeya waxaana qudhoo u furan markii la cafiyo ka dib inuu shacabka ku dhex dhuunto, caruurtuna uusan dib danbe u dayicin.
-
Ganacsatada konfur galbeed xuduud maleh tuulo walba way ka ganacsadaan waxayna kasoo bilaabaan ganacsigooda meel hoose ama wareejinta cadceed kulul ayagoo iibinaya dharka iwm Mudo ka dibna waxay samaystaan gaari gacan aad u baxaad weyn oo wax walbaba iibiya tartiib tartiibna kor u socds ama si dhakhsaa. Hadaba maxay gobolada kale uga horyimaadaan ganacsatada koonfur galbeed? Aragtidayda waa labo arimood Tan kowaad inta badan waxay isku dayaan inay ku ganacsadaan ijaar la'aan taa bedelkeedana waxay raqiisiyaan badeecadooda oo soo jiidata dad aad fara badan suuqana ka saarta kuwa ijaarka bixiya. Tan labaad waxaa aad u yar dhex-galka iyo xidid wadaagga dadka ay la joogaan ama la ganacsanayaan. Intooda badana baydhabo telefon bay kula hadlaan ayagoo af-may ku hadlaya ama lahjadiisa hooose, taasoo ka dhigaysa aragtida dadka kale inuu usoo shaqo tagey sida sacuudiga oo kale. Ganacsiga waa lagu tartamaa dhulkuna waa dhul soomaaliyeed arsaaqaddana ilaahay baa qaybiya waxaase meesha ka maqan qaanuunkii dadkoo dhan isku hayn lahaa una sheegi lahaa baydhabo sanaag iyo galkacyo inay soomaali leedahay.
-
Magaca ciiddan meel baa looga dhacay runtii aad baana loogu tuntay. Sidiisaba ka mid noqoshada ciidanku sharuudo badan buu lahaan jiray kow inuu dherer xadiddan leeyahay caafimaadkiisana la baaro asagoo dharka laga dhigay maskax ahaan iyo jir ahaanba Tababar fiican qaato loona tiriyo dharkii uu xiran lahaa loo sheego xaqa uu mujtamaca ku leeyahay iyo kan asaga lagu leeyahay iyo sharuudaha ana ciqaabta ka imaan karta haduusan kasoo bixin waajibka saaran, ilaaliyana nadaafadda kabihiisa ilaa timihiisa Haybad dhisan yaa mushtamaca lagusoo dari jiray. Hadduu arko shacab ikhtilaaf dhex maray wuxuu oran jiray isoo daba ilaa saldhigga, asagoon hubaysnayn qof ka leexan karay jidka uu ku hor wado ma jirin, xataa hadday tiradoodu labaatan kor udhaafto. Iminka waxa ciidanka lagu sheegayo indhahooda markaad aragto yaa baqdinta ugu horaysa kuu bilaabanaysaa. Sharuudaha lagu qoro waxaa ka mida 1- inuusan ilko lahayn indhuhuna soo jeed ku casaadeen. 2- inuusan surwaalka kor u ceshan karin kabo la'aana socon karo 3- inuu dad hore soo dilay ama kasoo qayb qaatay dagaal beeloodyo magac dheer leh. 4- Waa inuusan ordi karin wax ka badan sodon mitir Tan ugu muhiimsan waa inuu ogaadaa inuu labiska u qaatay siduu u difaaci lahaa danaha beesha iyo maslaxadda kala dhaxaysa dawladaha dariskaa Ciidanada qaranka laysku dirayo waa noocaas iyo waliba kuwa kaydka ku jira oo soo dhaafin marfashka lagu qayilo.
-
Waa arrin aad u fool xun. Maamulkaan waakii ugu liitay oo soo maray snm aragtidayda Kuwii hore maaweeladay aad ugu dadaali jireen ama xoogga saari jireen siiba arrimaha aqoonsiga iwm waana faa'iido wayn in dadka la maweeliyo. kanu dagaal xudduudeed, beelo laysku soofeeyo, iyo dhulboob buu soo kordhiyay umana eka nin waayo arag ah oo wax isku wadi kara. Dumarku waa hanti fiican lama laayo lagamana oohisiiyo Reerka beerta leh hadduu haysto waraaqihii dawladdii hore m'ed siyaad dhulkooda ha loo daayo ama ha laga iibsado waa meeshii xaqsoor ugu dambaysay markhaatina looma baahna. Hadday yeesheen intii dawladdii burburtay ka dambaysay, buugga jufooyinka iyo siday dhulka u kala boobeen ha la baaro. labada jeerba waa in xal la helaa dadku nolol buu u baahanyahay.
-
Xaaji Saaxiib aragtidayda Ciidamada federaalka koonfurtu waxay iila muuqdaan kuwo soo kabanaya oo isku dhex jira waa haddii ay ka badbaadaan cadawga siyaasadda ee ku furan. Shakhsiyan waxaan jeclaan lahaa inaan arko ayagoo xoog leh, oo la wareegay xukunka soomaaliya, meeshana ka saara baarlamaan iyo dimuquraadiyad qabiilaysan. Waxaan qabaa in wax badan fududaan lahaayeen, federaal iyo gooni goosad dambana la maqleen taas waa riyadayda inaan mar labaad arko, allaha ii rumeeyee. Farmaajo Wuxuu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay xoogaa borotokoolka ama hab maamuuska dawladnimo wuu ku dhamaa kuwii ka horeeyay. Qabiilayste iyo tuugna ma'ahan sidaan filayo, balse system'ka lagu dhex tuuray yaa ku shaqeeya labadaa arimood haddusan midkood ama labadaba la imaan waa daciif siyaasadda maanta taal soomaaliya. Dawlad laga rabo inay goboladii qabiil ku booqoto, baarlamaankiina qabiilo kula shirto, ciidankiina qabiil ku dhisto waa hawl horumarkeedu kooban yahay. Amisom lagama maarmi karo si laysugu hayo masaalixa qabiiladda ama aysan u burburin nadaamkii kala qoqobka oo hawsha badan lagasoo maray. Waxaa kaliya oo i qanciya madaxweyne keligii u taliya soomaaliya sidii maxamed siyaad allaha u naxariistee oo libisan calankii soomaaliya meeshuu doono haka yimaado, hadduu doono adeerkaa biixi ha ahaado inkastoon filayo in hankiisu uusan dhaafsiisnayn tuulada tuko-raq. Dhanka ciidamada beesha hargaysa Runtii waa caato aan ordi karin jaadna ku quraacda qalabkuna waa kuwii ruushka ee dawladdii hore u socon waayay. Sawirada 18'ka may haku sirmin ciiddan nus saac dagaalami kara soomaaliya meelna kama joogo. Weligaa ma maqashay ciidanka hargaysa oo dab-rid sameeyay? Dab-rid ma taqaan? xoogaaga rasaastaa haday dhaafto ciidanka waa lakala diriyaa jamhuuriyad dambe oo aqoonsi raadisana halkasaa ugu dambaysa. Ma taqaan qoryaha ay wataan cidda iska leh? ma qaranka tashadaa usoo gaday ? Nomber ma leeyahay? Nin walbaa gurigiisuu kala yimid adeer, markii la doonana jufada hoose yaa lagu difaacaa Nomberna ma leh. Maxaa loogu bedelay qorigiisa markaa? waxaa loogu bedelay tuute iyo mushaar yar oo aysan iska badeli karin shaah qaboobay. Waa arrin la yaab leh inaan anigoo gobol fog ka imid kaaga sheekeeyo meeshaad ku dhalatay sagaashankii. Xaqiiqda hoose iyo waxa marqaanka lagu qora noo kala saara si loo helo dad aan marqaasanayn.
-
Waa rumaysanayaa suldaan, awoodii ciidankii somaaliya 77' iyo tan maanta snm isu dhiganto, haddaan habeen iyo maalinba qayilaad kusoo jeedo. Ma sawiro badan baad Austereliya ku daawatay? Walaal dadka waxa waalaya waa qaadka itoobiya ka yimaada been kuu sheegi maayee qaar baa u haysta in ciidanka jamhuuriyada uu ku dhaw yahay kan neeto haduusanba u dhigminba. Si kastaba boolo xooftadu waxay ka mid tahay xoriyatul-qawlka laakiin xaqqiiqdii soomaali waxba uma kala qarsoona waa beelo yar oo is yaqaan kana kooban rixim iyo casabo. Muruq yar oo caata ah in geed qallalan hoostiis laysku tuso wax macnaa soo kordhin mayso.
-
Saldhigga ugu wayn geeska afrika yaa qaranka tashaday ka samaystay tuko-raq, waliba buundooyin cusub buu ka dhasay si qalabka culus uga gudbo!!! Soomaali kuma jirto beel ka riyo badan wixii marqaanku tuso bay boobsiis ku qoraan. Afartaa gaari oo baterigga loosoo talaalay yaysan guryahooda ka fogayn dhalinyaradaa soomaaliyeed waa talo walaalkiin soomaaliyeed. Awoodaas ciidamada turkiga yaan ku maqlay ilaahaybaa awoodoo dhan u sugnaatay.
-
Suldaan Xabadda rasaasta qoriga aakaha loo yaqaan ma taqaan intuu ka joogo suuqyada soomaalida doollar ahaan? Waa afar ilaa shan qof qadadood dagaalku qarash buu u baahanyahay saaxiib snm lacagtaan masaajidyo ku dhisi mayso Runtiina way ku saxan tahay dawladda dhexe inay caalamka ku baraarujiso una sharaxdo xogta dhabtaa ee meesha ka jirta. Markaa ka dib ama qamadi haku badeleen ama ceelal ha ugu qodeen dadka tabaalaysan oo dagaalka lagu furay.
-
Yurub ma'ayadaa damaanad qaadaysa inaan lacagtaas loo adeegsan xasuuqa dumarka iyo caruurta laas-caanood iyo ceel-afweyn. Bariis, bur, tendhooyin iyo horumar kaleba, dhib ma leh, laakiin lacag snm gacanta u gashay xasuuq ba'an bay keeni kartaa ama ha ahaato sool ama ceel afweyn, taasoo sababi karta in qaxooti badan xeryo cusub loo dhiso halkaasna dhib badan ku yimaado goboladdii in badan nabadda ahaa.
-
Haddi raysul wasaaruhu soo dhawayn lahaa waxaanoo dood ahi ma dhacdeen. Mushkiladda ina haysata waxa weeyaan kalsoonidii dadnimo iyo dawladnimo yaa naga luntay waa hore. Waxaan u ekaanay agoon xero qaxooti lagu iloobay oo qof walbaa madaxa ka salaaxo. Waxaa kaliya oo nagu filan in naloosoo dhaweeyo sida south sudan wixii intaa ka badan waa nagu siyaado. Markaad u fiirsato tasarufka ama qaab dhaqanka soomaalida aqoonyahankeeda, iyo kuwa ay ku sheegaan wax garadka, ayagaa saxaafadda lasoo taagan inay daciif yihiin loona baahan yahay meel kastoo madaxda soomaalidu tagto in loo soo dhaweeyo si heer sare ah oo aan loo dirin xaasaska iyo madaxda hoose. Walaalayaal dadka qaar baa u haysta in xorayntii muqdisho dalku xor yahay 18'ka gobol ee soomaaliya itoobiya waa joogtaa ayadoon cidna fasax ka haysan intaa markaan horay u ogolaanay maxay tahay soo dhawaynta ka fiican oo itoobiya naga rabto? Xoriyadda illaa iyo hadda aan dawladaha dariska ah ka rabno ama aan waydiisanayno waa sawir qurxoon in laga qaado madaxda iyo markay hadlayaan inay noogu yeeraan dawladda soomaaliya. Waa intaas qudha waxa sumacaddii soomaaliya kusoo noqon karto aragti soomaalidoo dhan iyo taydaba.
-
Dahir Somali nin low intelligence ah ma maamuli kareen 22'sano kamana dhigi kareen dawladaha afrika ugu awoodda iyo qiimaha badan. Kacaankii barakaysnaa wuxuu ku dhisnaa sinnaan cadaalad iyo horumar markaan ardayda ahayn faataxada ka dib guul wadaw siyaad baan ku xijin jirnay anagoon is aqoon beelaha aan kasoo jeedno. Mushkiladda dalka burburisay wax shaqo ah kuma lahayn siyaad barre naxariistii janno allaha ka waraabiyee. Mushkiladda waxaa bilaabay koox isu abaabushay qaab qabiil oo saraakiil u badan, kuna xirnayd shisheeye, qof kastoo somaaliyana bartay qabiilkuu kasoo jeedo waana tan ilaa maanta xal loo la'yahay. Askarta lama laayo sababtoo ah amarka sarkaalkooday ku shaqeeyaan hadday madaxweynaha dhaawacaan wax dambi ah ma leh. Askartii cirro dagaal geliyay afgambigii waxaa ku jiray beesha uu siyaad barre kasoo jeedo lamana kala aqoon ciidamada iyo haybtooda. Maalintaas ka dibna waxay ogaadeen haybtooda taasoo keentay inay hoos u fiiriyaan sarkaal kastoo loosoo bedelo. Halkaasna waxaa hoos ugu dhacay haybadii ciidanku lahaa. Dadka aad qiimaha ku sheegayso oo la laayay waa maskaxdii ka dambaysay qabyaaladda iyo qabiilaysiga taasoo marlabaad noo horseeday 27 sano ka dib doorashadii inbegaati iyo dastuur ku salaysan qabiilaysi ama 4.5 Taariikhda si saxa u baro walaal si aadan been iyo borobogaando ugu hafan.
-
Galaal xogta saxdaa wuu hayaa, balse wuxuu ula hadlay voa'da sidii ilmo caruura....bara rak bara rak... finish halkaasaa lagu laayay kulaha. Sharciga askarta qabta waxaa ugu muhiimsan sadex Kow midka ayagoo labisan ay galaan Labo midka ayagoon labisnayn ay galaan Sadex midka marka dagaalka lagu jiro ay galaan. Sadexdaasna waxaa ugu dhib badan kan marka dagaalka lagu jiro. Waxaan xasuustaa anagoo dhalinyaro ah yaa waxaa nala geeyay ciraaq dadka ciraaq markaas waa wada askar xataa hadduu dhakhtar caafimaad yahay waxaaba sicday dagaalkii iiraan ay kula jireen. Waxyaabaha naga yaabiyay waxay ahayd hadduu askarigu ka baxsado goobta dagaalka ilaa ay dilaan ma qaadan karo taytalka shahiid Tusaale haddii loogu yimaado asagoo shaah makhaayad ka cabaya isla kursiga uu fadhiyo bay ku dilaan, dabadeena calankaa la huwiyaa reerkiisaana loo diraa si ay usoo aasaan shahiidkaa ka dhintay. Goobaha dagaalka askartu way isku bedeshaa maskax ahaan haddii khaa'im madax looga dhigana khatar badan baa ka timaadaa waana tan keenta in qaabka loola macaamilo uusan marbava noqon karin sida kan shaqaalaha idaacadohoo kale.
-
Meeshii la rabay inuu galaal ka baaro iyo taariikhdii uu ciidamada soomaaliya ku lahaa iyo xiligii dawlad la'aanta, wuxuu qaban jiray, yuu asagii nooga dhigayaa markhaati fiican oo culumada ku dhex jiray. Taariikh fog ma'ahan, awoowe, waxaasoo kalana xog qarsoon laguma sheego.
-
Ducaale iyo suldaan walaalayaal gooni isu tuurka snm ay soomaaliya inteeda kale ka qaadatay itoobiyaa keentay. Taasina waxay sababtay inay idaacadaha layska arko, uga mahad celiyaan ayagoo ku tilmaamay waalaalo isku dhiig iyo dheecaana. Soomaalidii lays lahaa issir bay wadaagaana waxay ku tilmaameen dawlad ay jaar yihiin oo burbursan. Duqsigu asagoo meelaan fiicnayn ku dul taagan yuu haddana faraxashaa. Samafale saaxiib baqdintu waa towfiiq xumada soomaalida ka muuqata waxayna horay ugu maahmaahday dad kaa badan iyo biyo kaa badan labaduba way ku hafiyaan siduu maakhir kuu sheegayba. Boosaaso iyo hargaysaa ugu horaysa meelaha aqliyaadka soomaalidu ka bilaabanayso ayadoo la ogyagay inaan weli xal loo helin xuduudka labada jamhuuriyadood u dhexeeya. Dhanka awoodda ciidanka Tiro hadday wax tarayso ereteriya bay beri hore ku qabsan lahaayeen wsliba luuqad diin iyo dhaqanba ka dhexeeyo. Taasi baqdin ma leh,hal malyan oo towfiiq leh cid dhulkooda geli kartaa ma jirto weliba siyaadaa loogu dari. Waxaan maqlay reer barigu waa dad si fudud loogu dhex melmi karo,balse waxay kashifaan, markuu isu sharaxo hogaamiye sare maxaa ka jira arintaas adigoo mahadsan?