gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Waa shaqaale intuba waxay u kala wanaahsan yihiin loo shaqeeyaha u malayn maayo in loo darsanayo ina ilay oo ilmidaan ogaa uga baxday jacayl amxaar.
  2. Kanada v sacuudi Arinta labo u kala qaada mudanayaal labada dal aan fahamno waxa ka dhexeeya, ayaga iyo soomaaliya. Kanada waxay soo dhawaysay somali badan oo qaxooti ah runtiina u fududaysay maaraynta noloshooda taa badelkeedana waxay ka heshay dad badan oo difaaca danaheeda u gaarka ah "gar" iyo gardaraba sida hadda ka muuqata jaaliyadda kanada. Bilaash cidina waxba kuma bixiso soo dhawaynta macno wayn baa ugu jira. Tusaale waxaad usoo qaadataa ciyaalkii ku dhashay kanada soomaaliya ma qaban karaan oo haddii duqsi taabto waxay waalidkood waydiistaan in meesha laga kaxeeyo, halka waalidkana ay ku adagtahay inay joogaan meelaan aadaamka salaadda laga maqlayn oo qabaw. Taas macnaheedu waa mirihii ay reer galbeedku abuurteen bay guranayaan bilaashna kumasoo bixin mirahaasu tacab badan bay geliyeen hadafka ugu wayn meeshaas yuu ku jiraa mudanayaal. Sacuudiga Wuxuu soo tarxiilay dad badan ayagoo jir dilan ama qaarkood xabsiyada ku hayaan ayadoo lagu eedaynayo inay dalka sharci daro kusoo galeen ama jabiyeen qaanuunkii u yaalay dalka. Aragtidayda waxaa faa'iido badan tan sucuudiga oo ah tababar wadaniyadeed nagu abuuri kara markii caqligeenu kaakaco insha allaah. Lubnaan waxaa ku nool falastiin boqolaal kun ah, mudo ka badan lixdan sano, jaamacadda carabtuna waxay isku raaceen inaysan jinsiyad kale qaadan karin si aysan u lumin qadiyadooda qowmiyadeed, ilaa iyo iminkana waa falastiin qaxooti ku ah lubnaan. Dhanka siyaasadda Soomaaliya waxay ka mid tahay ururka jaamacadda carabta mar walbana waxaa laga rabaa in codkeedu xisaabta ku jiro af aamusan meelna kama shaqeeyo Tusaale qabsashadii ciraaq ay ku qabsatay kuwayt codkii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa kan soomaaliya iyo jabuuti waana middii keentay inuu sadaam aad uga caroodo kuna tilmaamay gaajo doollarka dhagaysta. Kanada wax naga khuseeya ma jiraan dhan dhaqaale mid bulsho, caqiido iyo siyaasadba. Arrimaha gudaha dalalka aan walaalaha nahayna waa inaysan fara gelin boqolkiiba boqol yaan ku raacsanahay soomaaliya Meesha ay wax ka qabatay dawladaan hadda jirta waa arimaha dibadda tan gudaha wali sidii bay isu dhex daadsantahay. Runtii shaqo badan oo amaan leh ayay kasoo hoysay arimaha dibadda, sida inaan hoos naloo fiirin ayadoo lacag la adeegsanayo iyo inay walaalahood garab is taagi karaan ayagoo faqiira oo gacan maran.
  3. Odayga luuqadiisa ayadoon si fiican loo fahmin duco iyo amaan lagalama kor dhaco Wuxuu guubaabinayaa sadexdiisa jufo asagoo aaminsan in laga gaabiyay uctiraafkooda waayadaana uusan ingiriisku cidna qaabilin. hadduu daacad yahay wuxuu sheegi lahaa, markay calooshu gaajooto inay labada garab cuni doonto aakhirka waa haddii ictiraafku sii fogaado.
  4. ******** qadiyad iyo dhaqan midna ma yaqaan, biyahaas uu cabbay oo galuusyada kore ka furay unbaa kala qabow. Waxaase xaqiiq ah, in, ina ilay daalim yahay. fowdo iyo gumaysi oromana wuu dhaamaa, balse soomaalidaa markii ilmuhu ooyaan ka dib ogaadaan in hashii candho bershay.
  5. Saaxil togdheer qabiil gaara kama difaaci kareen kenya waxaad igu riixaysaana waa inaan sidii labo qabiil u doodno Kenya waxaa gedo kaga dhimatay dhawr boqol taa badelkeeda markay wajihi waayeen raggay is hayeen waxay go'aan sadeen inay dumarka caanaha wada kufsadaan ama birta telefonada dumiyaan xataa aqalada miyiga ku yaal diyaarado ku duqeeyaan, waana siyaasad cawaaqib xun keeni karta Usoo noqo mowduuca Burburkii ka hor snm xarshin bay ku dhex dhuumanayeen dumarka iyo caruurta mana aysan imaan karin meel ciidan soomaliyeed joogo Taas internet'ka kaliya yaa lagu inkiri karaa Faan, waa goosanay iyo mujaahidka sawir halaga qaado waxay bilaabatay markii usc fowdada muqdisho ka bilowday Inay nabad ku noolaadaana dan weyn baa noogasoo baxday runtii gurigu markuu gubto, dhinicii ka badbaada yaa agabka laysugu geeyaa. Waaqicigana nabad ku noolaada insha alkah khiyaaligaba allaha xal u keeno.
  6. Dr oodweyne Waxaan kugula talin lahaa mid walaaltimo oo wadnahayga salkiisa kasoo go'day inaad dhakhtar u tagto sida ugu dhakhsaha badan, waxaad weydiisaa aqoontaadii meesha ay ka gashay jirkaaga Kenya was 30 milyan intooda badana dhaqan iyo diin lahayn jufo gedo degta yaa daris la noqotay waana soomaali waxay geystaan adigay kuu geysteen. Weligayna iloobi maayo maah maahdii qosolka badnayd gabdho la caayo gabdho la caayo bay leedahay. jumco wanasgsan saaxiib.
  7. Warqadaan waa calaacal ama cataw ujeedka ay kaleeyihiin waa kicin shacab sidii qalbi dhagax oo kale taasu waa aragtidayda. Jabuuti ma'ahan maamul goboleed kamida soomaaliya waa dawlad madax banaan. Safiir wadan kale joogana xaq uma leh inuu si toos ah u hujuumo madaxweyne uu dalkiisa ku joogo aqoonsi uu u gudbiyay kana ogolaaday taasoo ah sharaf xasaanad wayn. baratikoolku waa in wasaaradda arimaha dibadda ee jabuuti bayaan soo saarto, af-hayeenkooduna ka hor akhriyo saxaafadda, asagoo qeexaya mowqifka dawladda jabuuti iyo waxa gafka ay tirsanayaan yahay. Ama inay warqad hoose u qoraan, ku socota farmaajo ayagoo usii marinaya safiirkooda u jooga muqdisho ka dibna wax ku qaataan jawaabta ay helaan. Markaas ka dib ama gacmahooda hoos ha u dhaqeen ama si "cad" saxaafadda ha u horyimaadaan Macnaha safiir waa marti dhawr-soon oo matala saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada dal, markii la fasiro. Farmaajo ma'ahan ilmo yar oo ay korsadeen xaqna uma laha inay ka dalbadaan inuu soo maro intuusan go'aan qaadan ama dal kale u dhoofin Walaatinimada saxdaa waa inay soomaaliya la midoobaan haday doonayaan in go'aankoodu midaysnaado Tan hiil walaal oo mucaaradka federaalka ka oohisay siday caadada u lahaayeen, waxaan waydiin lahaa jabuuti xirriirka ma u jartay itoobiya markay xamar ku xsuuqaysay soomaalida? Maxaa warqad loogu qori waayay walaalaheen la safan cadawgeena. Soomaalida qalbigoodu waa khafiif si dhaqsaa yaa looga ilmaysiin karaa sidaa daraadeed walaalaheen jabuuti ha ilaaliso madax banaanida soomaaliya in ka badan tan ay qoriga ku ilaaliso Sidii dawlad madax bannaana ha u hadasho wixii hadda ka dambeeya
  8. Dr.oodweyne good to see you. Dagaal sokeeye guul ku faan ma leh Balse waxaad qoraysaan iyo xaqiiqdii aan usoo joognay oo shalay ahayd waa kala laba. Snm...habro toob bay ahayd, awood ay ku hor istaagto qaybtii 26aad'na ed ciiddanka xoogga soomaaliyeed ma'aysan lahayn si hoose u warayso ragga macquulkaa haddii aad nin yar ahayd barigaas. Suldaan Saaxiib anigu ma arag mana maqal hub iyo ciidan snm leedahay oo xamar wax ka dumiyay, Snm mashxarad wax dhaafsiisan kama aysan gaysan dagaalkii muqdisho. Waxaan kugula talin lahaa dambi aysan gaysan walaalaheen waqooyi galbeed ha u samayn adigu. Meesha markii dibidu ku faagatay yaa ayagoo jaban dhurwaayadu heleen.
  9. Waa wax dhici kara mar haday buuhoodle qarax geeyeen nimankaan dagaalkoodu hal meel buu ku wajahan yahay shaki badana waa keeni karaa. Waa su'aal madaxa daalinaysa wasiir hore ee khaatumo waxay ka dhigantahay isku qarxintiisu!! Allaha u naxariisto ina hebel waa soo aasnay waa dhimasho qurux badan.
  10. Cumar carte meeshaa ma gaarsiisnayn aragtidayda, meeshii dantiisa uu ka arko unbuu ku af-jarnaa, waana dhaqanka danaystaha lagu yaqaan. Khaladka kowaad waxaa iska lahaa aragtidayda c/laahi yuusuf allaha u naxariisto ugana meel bixiyo. Soomaalidana wuxuu baray in qof lagu dili karo taliska bay isku hayb yihiin, hadduu doono kabo qolof geel la jooga oo weligii magaalo aragna haku ahaadee. ilaa ay aakhirkii asaga iyo beeshiisaba guriga ugu timaado ayadoo loo beegsanayo magac guud oo aysan wax shaqo ah ku lahayn, allaha u naxariisto intii xaq daro ku dhintay oo dhan. Snm guul ay meel ka gaartay ma jirto haba yaratee waana tan keentay inay u duceeyaan usc iyo caydiid sanadkiiba mar xusaan ama alla baryaan maalinka bishu tagto 18'ka May. Usc hadaf ma lahayn aan ka ahayn iska dagaalama markay kaliyasteena wax walba way ku argagaxeen mana aysan filayn guushaas dhakhsaha badan. Waxaa ugu qiimo badnaa mirihii halgankooda boobka iyo waayarka korantada oo la fiiqo si maar looga helo tujaar badana waa usoo baxday. Aragtidayda khalad weyn ma'ahayn markaad fiiriso hadaf la'aan iyo faqriga kulmay dartiis. Dhibka ugu wayn oo ay ka qaadeen ama ay ka buskoon la'yihiin ilaa iyo hadda , waa inay fawdo madaxweyne u noqdaan. Ma qabo inay jirto cid kale oo fowdo la dhoola cadyn karta inay ku jirto soomaalida kale oo dhan haddii laysu keeno. Hal hayska mujaahidiintoodii ugu tageena waa ciddii xamar idinku timaada waa marti joogta caasimadii somaaliya oo aad xorayseen ilaashada yaysan gacantiina ka bixin mar dambe. Aragti intaa ka durugsan shakhsi ahasntayda iima muuqato waana wax dhiigooda la fal galay ama sheekh ha ahaado ama qof wax bartay ha ahaado. Waxaa ugu yaab badnaa uguna caqli xumayd jabhad soonaaliya ka dagaalanta Spm oo aan hadafla'aan ahayn hadafna lahayn. ilaa iyo hadana wax fasira iyo si loo qoro midna lama yaqaan, waayar lama aysan bixin, xukun ma'aysan rabin, ka-jeedo iyo ujeedo midna ma'aysan lahayn, dad badana waa ka dhintay waana dileen Ehelkeenii maxaan ku dilnay maysan oran ayaguna tacsi maysan dhiggan. Markaan soo koobo hadalkayga soomaalidu waa yatiim ama agoon soo qaan gaaraysa, waxayna si tartiib tartiib ah ay usoo fahmayaan wuxuu ahaa aabihii umadda soomaaliyeed allaha u naxariisto, m'ed siyaad barre Hal maalin ah hadday helaan xukunkiisii oo kale maalin qudha ha dhaafin, inta qabiilka ku indho beelay igu dara waaban ku jiraaye.
  11. xaaji Waxaan markhaati kaaga ahay inuusan farmaajo fahmi karin odayaashan dhiigga daadintiisa kasoo qayb qaatay laguna abaal mariyay mujaahid waxaa loo baahnaa dhiig cusub oo kasoo baxa waqooyi oo la kalma koonfur iyo ciyaal ansalooti.
  12. Cinwaanka iyo hadalka khayre isma laha, waa arimaha keenta in lagu wareero saxaafadda iyo habka ay wax u qoraan ma waxay ula jeedaan in un la riixo cinwaankii lala yaababa? Maxuu yahay hadalka ka wanaagsan dhiig sodon sano yuu naga socday ha la joojiyo, midnimo iyo walaaltinimo ha lagu badelo? Midnimada soomaaliya waa muqadas maku niyad jabaan reer puntland?!!
  13. Xog yaab leh?!! Xog yaab leh dadkii soo qabtay baa haya. Haday misaan leeyihiin meelo aan soomaali aqoon yaa lala aadi lahaa.
  14. Raganimo way ka muuqaataa nin ragana waakii samra,sadexdii dhintay sodonka ay ka tageen oday wax ka maqli maayaan balse ilaahay unbaa uumiyihiisa hadeeya. Habka aanadu aysan u qaboobin odoyaashu wax shaqaa kuma leh. Aanada ama aargoosiga waxay inta badan ka timaadaa dhalin-yarada. Sababtu maxay tahay? Aragtidayda waa labo Tan koowaad maskaxdooda waxaa ka buuxa tijaabooyin badan oo aysan khibrad u lahayn, siiba markii qori Ak47 ah garabka ugu jiro, waxay isu arkaan labo nin, hadana qorigaasu mowd kama celiyo, waxaa laga yaabaa wiil yar inuu si sahlan garabkiisa ugala baxo asagoo sii naf baxaya. iyo tan labaad oo ah tan ugu daran, oo gelisa cuqdad ay ka qaadaan mujtamaca intiisa kale, xataa waxaa yaraada ama joigsadaba haasawaha dumarka ay damaca guur ka leeyihiin. taasoo keenta markay wax dilaan ka dib inay albaabadu dib ugu furmaam wax walbana loo ogolaado. Arrintaanu waxay ku badan tahay miyiga iyo tuulooyinka, dadku is wada yaqaano, magaalooyinku waa luuqyo iyo xaafado badan tahay laysmana haybsado waxaad tusaale usoo qaadataa hargaysa waxay wada fadhiyaan labada jufo, hal makhaayad oo ayagoo dadka kale isaga sokeeya oo si fiicana isu yaqaan. Xalka waxaa laga raadiyaa meesha biyuhu fadhiyaan, ama baligga. Reer miyi wasiir, baarlamaan iyo diasbore midna ma yaqaanaan, sida odayguba sheegay waa markii ugu horaysay oo uu arko wax maamul sheegta sideetan sano, snm waa maamul jufo reer magaal dhisteen dawlad wax kala celin karta ma'ahan.
  15. Samafal walaal maxaad ula jeedaa erayga idinka ? Saxiib fasiiradaa aad taleex ka bixisay iyo jufo walaalaa yaa isku laayay waa mid aad looga xumaado, waana mid ka mida fishilaadda Dr,gaz. Wax qarsoon ma'ahan inta snm qardho u jirto ama ay ku hawaysatay inay canshuur uga qaado garoowe. Siyaasadda waxaa ka mida dadkii ama maamulkii wax idin dhex maro waxoodaa lagu qabsadaa si waxaagu kuugu badbaadaan. Waana midda keentay in snm hargaysa iyo burco isaga qayisho ayadoon wax dan ah ka lahayn ciddii barakacda ama dhimata madaafiicdaas dadka indhaha la' loo dhiibay. Dhulkaan laysku haysto ma jiro meel ay dagaal ama xoog kula wareegtay snm. Maradaa cagaaran, lacag iyo jawaan jaada, nooca hareeriga oo wada socda bay ku qabsadeen, waana dhulka uu doonayo Dr gaz inuu madfac ku xoreeyo maanta. Haddii aad leedahay ninkaanu siyaasad masoo baran oo dhaqaaluhuu wax ka yaqaan, ayadana ganacsatadii iyo dadkii ka adeegan jiray labaduba way qaylinayaan, wax uu ka dhimo mooyee waxba kumasoo kordhin. Tan federaalka la doonayay inuu qaacido iyo dastuur adag wax ka dhiso maadaama naloogu sheegay aqoonyahan canshuurtii hore wax kusoo bartay, asagaaba kasoo horjeeda isla markaana macalin u noqday xaaf madoobe iyo sakiin, kuna dhiiri geliya inay ka madax banaanaadaan muqdisho asagoo weliba u qaabilsan arimaha dibadda iyo cilaaqaadka carabta. Taas miyaad inkiraysaa ayadana walaal? Federaal hagaagsan oo ku dhisan caddaalad sinaan kala dambayn ma jiri karteen wax loogu yeero snm iyo gooni isu taag, ama ayagaa iskasoo xaroon lahaa, oo dadkooda ku dhex milmi lahaa, ama lafahooday u baqi lahaayeen is adkayntana way saluugi lahaayeen, waa dad aad u firfircoon oo caqli badan reer waqooyigu.
  16. Wuu ku saxan yahay inaysan jirin cid go'aan ka gaari karta kala goynta dhulka soomaaliyeed, taasina waa biyo kama dhibcaan. Cod karnimada waxaa halbeeg looga dhigaa daacadnimo iyo wax qabad labadaas midkoodna kuma sifoobin. Maalinkii la doortay dhulkii xukunkiisa ka tirsanaa, qaybo badan oo ka mida,maanta maro cagaaran yaa ka laalaadda. Daciifinta federaalka iyo fowdadana waa abaheed taasoo la mida kaamana go'in kaamana tirsani. Hadal qurux badan waxba ma taro mudanayaal iyo marwooyin, haddii dal lagu dhisi karana Dr. c/qaasim salaad yaa xamar ku toosin lahaa. Aragtidayda waxaa ila haboon in qori isku dhiibkan maamulka garoowe laga gudbo, mar hadaysan dadku cod lahayn odayaashu sanadkan usha ha u dhiibaan Reer Ssc, si loo tuso inaysan dal balaaran uga go'i karin beel riyootay. Haddiise sidii lagu yaqaanay ay diidaan in kursigan adeer c/laahi uga dhintay cid kalana loo ogolayn, gubaabada badan haka daayeen dumarka yaysan canjeeladoodu ka gubane waa talo walaalkiin soomaaliyeed.
  17. Waxaan qabaa trump inuu yahay madaxweyne wax kala goyn kara,mana soo marin madaxweyne uga fiican dadkiisa dalkiisa iyo xataa muslimiintaba. Dadkiisa wuxuu ka balan qaaday inuu tusayo dadka saxdaa oo daljan ugusoo horeeyay, bilaash dambana waxba kagu bixin doonin, wuuna ka dhabeeyay, kuma ay khasaarin doorashadoodiis khalad kasta oo afkiisa kasoo baxa waxba uma arkaan. Muslinka wuxuu u sheegay intaan la dooran, inuu neceb yahay kuwa faqrigaana uu ku istaagi doono kuwa dhaqaalaha haystana uu "baadi" doono, ama jizyo ka qaadayo, ayadana wuu ka dhabeeyay Gaal labo xinooyood ah gartiisa waa la siiyaa. Soomaalidan ku hor ilmaynaysa dalalka gaalada waxaan u sheegi lahaa inaysan maraykan iyo ruush naqon karin, xataa hadday boqol jiil isku dhalaan, taasna waxaa markhaati u ah kuwii afrika laga keenay qarnigii 18aad weli waa afrikaan la dulmo, sidaa daraadeed waa inay aaminaan dhulkooda asagaan cidina oran karin asalkaagu waa wadankee iyo maxaa sidan kuu madoobooyey ma qoraxdaa u dhaw dalkiina.
  18. Ninkan xisbigiisu waa boos celis si aan xisbi kale usoo dhex gelin hogaanka snm, wuxuuna u qaabilsan yahay madadaalada,waana xisbi xarig furan, wax macno wayn uguna fadhiyo snm. Waxaan xasuustaa hadda ka hor mar uu dhaliilayay siilaanyo oo uu yiri Waar...dee..dhagax dhigaan faraha badan dadka yaan lagu kufin haddaan meesha la dhisayn.
  19. @Barwaaqo Waxaa iga lilaahiya inaanan jeclayn dad soomaaliyeed oo macno la'aan lagu dilo sida xuduud beeleed,isku dhac qabiil mid diimeed iwm.
  20. Ilaahay hasoo hadeeyo dhiigoodana hakala badbaadiyo. Waxaa lag yaabaa inaan ku khaldanahay ama aad la yaabtaan aragtidayda. Baaritaan ii gaara oon ku sameeyay beelaha isku dhaca iyo dagaalkooda Waxaa iigasoo baxay. Haddii aysan jirin dawlad laga baqo, oo isla beelihii dawlad isku sheegayaan aan waxba qavan jarin, waa wakhti lumis. Culimo looma yeero u sheegta ciqaabta uu mudanayaan alle hortiis, oday dhaqameedna lama cusuumo, qarash iyo wakhtina lama lumiyo. Waa in la ogaadaa in lagasoo gudbay waayihii dadku is maqal iyo kala dambayn lahaan jireen culimadana laga ducaysan jiray oo la uxtirasmi jiray. Waxaa lagu wada noolyahay sananjan, waa munaafaqnimo iyo biti biti fara badan oo aan xad lahayn, ama labo beelood oo walaalaa yaa is laayay. Qof aakhiro isu diray see walaalo u noqdeen?....laysma waydiiyo!! Faraha laysaga qaadaa, haddii la awoodo waxaa loo qodaa ceelal biyood iyo isbitaal dumarku ku dhalo. Aakhirka ayagaa heshiin ayadoon cid dhex geshaa jirin, qarashka iyo wakhtigaa lumayna miro la gurto ja imaan maayaan. Waa arrin aan usoo joogay dhawr beelood oo hadda dadka isugu jecel, beri horena ahaan jiray walaalo is laaya oo heshiisiintooda dhib badan lagasoo maray iyo taag waa.!
  21. Ma haboona Mr madoobe inuu hooskiisa tuute u geliyo wakhtigan adag ee lagu jiro Waxaa wanaagsan inuu kalsooni u muujiyo federaalka si loo dhiso ciiddan xoog leh oo difaaca shacabka ku nool goboladaas. Kenyatigu dugsi uma noqon karaa ilaa abid. Waxaa kaloo u wanaagsan inuusan ku daba lumin puntland oo ay ku kala duwan yihiin arimo fara badan danaha u gaarka ah goboladaasna uu si fiican gacanta u geliyo. Haduusan aqoonteeda lahayn caqligeeda wuu leeyahay sababtoo ah waa dagaal ooge faraha kasoo gubtay. Kismaayo jubaland ma'ahan waa magaalo ka mid ah jubaland. Sargaalkii loo diiday kismayo wuxuu xilka kula wareegay garbahaarey oo ka tirsan jubaland waxna kama qaban karo, mana diidi karaan, hadduu doono meel 10km u jirta kismasyo yuu xilka kula wareegi karaa. Maxay macnaa oo soo kordhinaysaa kismayo cid aan i ogalayn ma joogi karto sargaal aanan raali ka ahayna ma imaan karo inta walaalaheen kenyaatigu ila joogaan?
  22. Qof kasta wuu fahmayaa meesha waayarku ka gubanayo Xujayda qudhooda haddii lagu yiraahdo diyaaraddii reerkiina mid kalaa lagusoo ag xirtay marada kore yuu iska tuuri qabiil dartiis Ku xisaab tami maayo jeebkiisa iyo maslaxaddiisu meesha ay ku jirto ama sida aduunku u shaqeeyo oo kale. Nimankan, ku naaxay xisaab la'aanta sodon sano, xajku waaba sanadkiiba mare....wadankoo dhan ayaguu u afduuban yahay hadday noqota dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada, diinta iyo arimaha xajka. Waligaa maqli maysid ayaga iyo kooxaha dagaalama oo isku dhacay waxayna heshiis ku yihiin, in dhinaca ganacsatadu joogto magaaladu ka dhisanto dhanka kalena ka gubato waligeedna saa laysaga daba laabto si aan la xisaabtan dhab ah iyo wax sheegta dawlad abid loo arag. Mar waa qabiil odayaal wata, mar waa salafi muctadila oo tajwiidka dhagaysta, mar waa ahlu suufi, mar waa gargaarayaal muxsiniina, mar waa hogaamiyaasha saxaafadda. Midabkooda lamasoo koobi karo waana mid ka mida imtaxaanka soomaalidu ka gudbi la'dahay.
  23. Xaaji Geedka yoocadu waa garoowe somaaliduna waxay ku maah maahdaa dad iyo duurba waxadan ka filayn yaa kaaga soo baxa siiba markaad dad iska hurda kalida ul kaga taabato. Amay snm ka qaadaa wax badso wax beel keentaa? Saaxiib mowduucu meeshaa ma'ahan Waxaa aad iigu adkaatay inaan fahmo professor samatar lacagtii uu xoogiisa kusoo shaqaystay iyo dhididkiisa oo qurbuhu jusoo wareeriyay, yuu ku dagaal geliyay snm si ay u daadiyaan dhiig dad kaloo soomaaliyeed.!!! Waliba qalbigiisa gacanta saaraya oo qiiraysan, aduunyadaan ninkii sii jooga wax ka yaabiya waayi maayo. Reer boorama waa dadka soomaalida ugu fiican uguna dulqaadka iyo nabadda jecel waxaa laga yaabaa ayagoo la dulmay inay samraan Taa bedelkeeda ilaahay wuxuu ku abaal mariyay inay ku noolaadaan meesha soomaaliya ugu nabadda iyo aqoonta badan الهم زيد وبارك Markuu ku dooda waxaan kasoo jeedaa gobolka awdal, xumaan kastuu sameeyo isla markiiba way masaxmaysaa outomatically.
  24. Xaji Waxaa wanaagsan lahayd inaad dagaal wax un ka taqaano. Wuxuu kuugu sawiran yahay dagaalku film aad ku fiirsanayso kursi jilicsan oo dhex yaal guri ku yaala reer galbeedka meel ka mida. Dagaalka saxdaa marka kuugu horaysa wuxuu kuula muuqdaa sida filmkaa aad hadda fiirsanayso qofka dhibka ugu badan gaysta waa qofka marka ugu horaysa dagaala oo waxba ka aqoon. Marka labaad ama dagaalka labaad oo aad maqasho xabadda ugu horaysa waa marka laga yaabo inaad qoyaan bawdyaha ka dareento ama neeftuur badan kugusoo dego. Puntland waan ku raacsanahay inay dagaal ka cararto sidii lagu yaqaanay waayo wuxuu galo nabadaa bartay. Balse waxaa jirta mar aysan ka fursan karin waajibna ku yahay sida marka hoygaaga laguugu yimaado, oo waliba maalaa yacni iyo malo awaal dadkaaga lagusoo weeraro. Hadday taas awoodi waayaana cawaaqib xun bay ka dhexlayaan inkastoon maqlayo inay bilaabeen dhakhsaba ayadoon tuuladiiba la gaarin dhaqaalo la'aan baahsan baa jirta.
  25. Nin misaan leh ma'ahan, sababta loo geeyay tuko-raq waxaa ugu horaysa aragtidayda in uu reer boorame ku dhiiri geliyo siday godob uga geli lahaayeen walaalahooda soomaaliyeed Maamulka hargaysa wuu ogyahay in gudaha waqooyi galbeed ku xoogaysanayso kala qaybsanaanta shacabka oo aad ugasoo horjeeda dagaal aysan naf u hayn. Tani waa qayb ay ula jeedaan qalab urrursi aan macno badnayn.