gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Xaaji ciyaalka snm dhasho intee sanay ku qaan garaan? aad baad iiga yaabiseen adiga iyo adeerkaa oodweyne da'diinana waan ku wareeray Mar carrabkaad soo bixbixisaan sidii ilmo yaroo af barada marna waxaan is iraahdaa way roon yihiin. Usoo noqo mowduuca Qalbi dhagax haddii tigreegii iyo ina illay xukunka hayn lahaayeen hargaysa ma lagusoo dhawayn lahaa aragtidaada? Waligaa ma aragtay cid soomaali ah oo la tacaadufta onlf farmaajo ka hor? Munaafaqaddu wax fiican ma'ahan, ninkaas odaygaa hadduu shil caadi ah ku dhinto alle ma qadaree snm baa ka masuula hadda kula taliya inuusan dhulka marin. Asagana waa inuu helaa la taliyaal garanaya wadciga la joogo lagana soo gudbay awr kacsigii, waxayna u arkaan fqash habaw ah, hadduu asagu isu arko halyay soomaaliyeed.
  2. Snm mabda'eeda kowaad waa inaysan colaad iloobin ama ha yaraato ama ha waynaato waana tan keentay inay soomaalida kale gooni ka noqdaan Waxaa ka suurowda gawaaridii onlf ka gubtay inay taalo u sameeyaan qoloftii ka hartay. Qalbi dhagax waa nin iska daacada soomaali oo dhan yaa kuu hiilisay buu idaacadaha ka maqlay ismana uu waydiin waxa hiilkiisu kaga duwan yahay kuway horay gacantooda ugu dhiibeen oo waliba dumar u badnaa. Snm caadi ma'ahan ilaahay qalbigooda ha daahiriyo cuqdadana ka saaro aamiin.
  3. Waa waxa aduunka naga reebay dhaqamadaas foosha xun Nimankan reer gacanweyne oo gabadha guursaday waa muslin waa soomaali waana gayaan gabar kastoo soomaaliyeed. Balse waxaa jirta inay ka fogaadaan wixii khatar naftooda u keenaya inta dalku caalamka la mid noqonayo dadkuna wuu sii ilbaxayaa maalinba maalinta ka dambaysa. Waxaan kula talin lahaa reer gacan wayne Qabiiladaan timaha jilicsan dumarkoodu aad buu u badan yahay waxaa ka buuxa kuwo ka fududaaday oo sigaarka dhuuqa balse ceeb kale lahayn. inay guursadaan kuwaas ilbaxay, ciyaalkay ka dhalaan abti laandheera ah buu yeelanayaa, berina gabadhuu doono yuu dooni karaa asagoo sooryadiisii wata abtiyaashiisna la socdaan ama ina abtidiis yuu guursan karaa waa sida ugu fudud oo ay ku dhex geli karaan mujtamacan labada go' guntan. Dumarka jacaylkoodu wuu noocyo badan yahay qaar baan timo adag iyo wajigaba fiirin. Tartiib tartiibna wuu u suuli doonaa dhaqamadaas cunsiriyadda ku salaysan inshaa allah aad baan uga xumahay ninkaas naftiisa ku waayay maalayacniga allaha u naxariisto.
  4. Oodweyne Markii lasoo koobo nuxurka hadalkaaga wuxuu kusoo ururay dawlad kasta oo aan si sharci ah wax ku doonayn snm diyaar bay u tahay in masaalix la yeelato dhulka beesheedu degtana siday doonto ka yeelaan Ok Shaqadaydu siyaasi ma'ahan balse ra'yi baan ku darsadaa siday iigu muuqato Arimaha bariga dhexe carabta waxaa ugu awood roon dhan ciiddan iyo mid shakhsiyadeedba "Masar" ayagana masaariiftii yaa ka go'day oo dhaqqalahoodii gudaha yaa aad u xumaaday, kamana qaadan karaan door muhiim ah arimaha ka socda caalamka muslinka khaas ahaan carabta. Waxaa kuusoo haray khaliijka wuxuu wali haystaa dhaqaale uu ku wareeray siduu u maarayn lahaa iyo wuxuu ku qabto, inkastoo aad loo dedejinayo sidii dhaqaalaha looga dhamayn lahaa. Maraykanka, yuhuudda iyo iiraan waa saaxiibo dhaw, dadka caadiga aysan fahmi karin Sida geel jiraha yaan kuugu cabiri Hasha geella ah markay ilmo dhasho oo ay ka dhintaan, lama godli karo ama caano lagama lisi karo ilaa ilmaheedii dhintay maqaar cawseed looga dhigo oo loo ekaysiiyo ilmo nool way ursataa ka dibna way godlataa. Iiraan waa maqaarkii lagu lisi lahaa carabta la'aantoodna carab lama liseen. Iiraan waxaa caasimadeeda ku nool dad lagu qiyaaso 16 malyan waa cadadka soomaalidoo dhan marka laysku daro Waxaa ka dhisan lixdan macbad ama meelaha gaaladu wax ku caabudaan sida nasaarada iyo yuhuudu leedahay, iyo hal masjid oo sunigu leeyahay. Sidaas oo ay tahay masaalixda dawladaha dhex martaa makala go'do ayadoo qolo kastaa lug u laabantahay Tusaale barigii hore ee kacaankii barakaysnaa safaaradda iiraan iyo tan ciraaq ee muqdisha ku yaala way isku dheganayeen darbi uma dhaxayn, dhanka bidix aargada No'afar ayadoo waliba dagaalkoodu socdo. Labaduba soomaaliya waxay ka caawin jireen dagaalkii 77 inkastoo ciraaq ay ka badnayd iiraan dhanka taakulaynta ciidanka midkoodna kuma dhiirran karrin inuu fara galiyo arrimaha soomaaliya haybada aan lahayn darteed. Soomaaliya waxaa la tijaabiyay markii uu xukunka joogay xassan sheekh iyo ka horba oo sucuudigu ku amray inuu cayriyo safaaradda iiraan taa badelkoodana soo dhoofiyo "dhadig" ama gabdho u adeega. Xoolahana dib loo dhigo inta caafimaadkooda la xaqiijinayo. Ayagoo ka duulaya tijaabadoodii hore waxay mar kale ku dhiiradeen inay "Qadar" ku yiraahdaan farmaajo ka cayri dalkaaga Waxayna kala kulmeen arrin ka duwan miday filayeen lama filaana ku noqotay in farmaajo u dhaqmo sidii madaxweyne dal madax banaan hogaamiya. Haddaan qiyaaso saldhigga berbera iyo waxaan aad horumarka u aragto waxaa uga muhiimsan carabta siday ugu takhalusi lahaayeen farmaajo oo ay u heli lahaayeen xassan shiikh oo kale shaqadeedana way wadaan Farmaajo wuu ogyahay in soomaaliya xukunkeedu yahay meerto ay shisheeye maal geliyaan, balse wuxuu ku dadaalay in shacabka soomalida u iftiimiyo qaabka wax ku socdaan ama ha joogeen waqooyi ama ha joogeen koonfur bari iyo galbeed loogana gudbi karo isku tashi iyo midnimo qofkii doonaa hogaan ha noqdo dabadiis balse daciifnimadii aan dib loogu noqon Haykal ama qolfoof dawladu leedahay waa markii ugu horaysay oo la dareemo xaqiiqdii waana talaabo wanaagsan oo dawladaanu ku guulaysatay. Usoo noqo tan aad leedahay sadaqada gaalada yuu waqooyiga ka hor istaagay shacabka waqooyiga waxaa danu ugu jirtaa in sadaqda ama deeqaha caalamka laga helo loogu dhiibo qof aan qayilin oo aamina ama daacada waana hubaal inuusan farmaajo kala jaclayn shacabkiisa. Saylici baa boqor salaamay wax wayn yaysan kula noqon ilaahay baa boqora qof kastaana waa hor istaagi maalinta hooskiisa mooyee hoos kale jirin. Khiyaaliga soo af jara saxiibiyaal dalka iyo dadku waa mid soomaalidu waxay ku maah mashdaa caano dhacay shaah laguma caddeeyo, wax socon kara halagu jid maro.
  5. Dhalanteedku hadduu faraha ka baxo waalida dhaqanta yuu isu badelaa Awoowe qawaaniinta aduuka u taal marqaan laguma badali karo Sacuudigu iyo imaaraadku hadday qabiil saldhig kula heshiiso, ayagoo garab maraya dawladdii calanka buluugga ah u dhex yaalay umadaha midoobay, luuqadda carabiga waxaa lagu yiraahdaa ixtilaal ama gumaysi xoog dhul ku qabsaday wayna ogyihiin cawaaqibka ka imaan kara. Haddii diyaaradda berbara ka kacda soo layso dad rayid ah masuuliyadaas waxaa qaadaya farmaajo, snm wax shaqo ah kuma laha waa jabhad yar oo qabiil yar maamusha. See u qaadayaa? Saxiixa iyo qallinka marka loo dhiibayo madaxweyne dal waa inuu ag yaalaa callan muctarif ah oo ku matalo heshiis dal aduunku aqoonsanyahay waa sharuud lama dhaafaan ah Dugsiga hoose ardada dhigata yaa intaa fahmi karta xagee nalkaagu ka dansan yahay saaxiib? Haddii uusan farmaajo gobolada waqooyi tagi karin ama uusan maamulin macnaheedu ma'ahan inaad u qaadato jamhuuriyad yaroo xarig furan oo waxay doonto samayn karta xad baa jira aysan dhaafi karin sida gawaaridu uga istaagto nalka cas. Ninkaan aad sirdoonka sacuudiga ku sheegayso waxaa laga yaabaa inuu doonayo meeshii ku haboon dadka loosoo tarxiilo geeska afrika una qarash yar. Saldhig soo cadan ma haystaan? mise waa quwad balaaran oo iiraan hor istaagaysa ayagoo snm dawlad istiraatijiya ka dhiganaya? Marqaanka iyo dhalateedka iska yareeya walaalayaal hawlaha hoose iyo madadaalada ku ekaada.
  6. Fashilka halbeegga lagu cabiro soomaaliya ma yaal, waa dal sodon sano fishilnaa afka snm unbaa laga maqlaa soomaliya, yaa fushishilantay, ee soomaliland ma fashilin, cid kala taqaana ma jirto haddii "land" lagu darto iyo haddii laga jaraba. Waxaa taal, maxaa kuu qabsoomay? Maxaad dhaqaajisay mudane madaxweyne? Runtiina wax badan yaa u qabsoomay aragtidayda, ugu horayso in shacabka snm maamusho wax badan u kala baxaan intuu uu joogay farmaajo Taasoo keentay in wasiirkii arimaha dibadda ee snm magacawday wax shaqo ah oo uu qabto loo waayo. Madaxweynihiina meeluu u safro asna sidoo kale loo waayay, shaqona looga dhigay inuu qaabilo shaqaale hoose oo sacuudiga iyo imaaraadka ka yimid. Waa lagu amaanaa qofku hadduu shaqadiisa ka qabsado dalkiisana u adeego, khiyaaligana ka saaro quluubta shacabka soomaaliyeed waa macalin, hogaamiyihii ka dambeeyana u sameeyay magac wanaagsan uu ku qaabili karo caalamkoo dhan. Taasu waa arimaha dibadda shaki kuma jiro inuu guulo faro badan ka keenay. Tan gudaha Nabad galyadu waa muhiim madaxweynihii la doortaa ciiddan uu dalka ku dejiyo lama socdaan, kuwii horay u joogay waa inuu dhaqan celin cusub u sameeyaa dhawr sano, ayadana wax badan buu ka qabtay shaqo fududna ma'ahan, sabur bay u baahantahay illaahay waa la jiraa dadkii sabura Garsoorku waa la mid ganacsatada iyo canshuurta sidoo kale La dagaalanka musuqa waa markii iigu horaysay oo aan maqlo agaasime la xiray iyo wasiir ku xigeen lagana codsaday inay iska hor difaacaan maxkamadda dalka. Waa wax qabad mug wayn qof qabiilaysi indho tiray ama khiyaali ku nool unbaysan u muuqan. Waxaa ka dhiman oo kaliya hanuuninta dadweynaha oo macnaheedu yahay in dadka loo sheego in dawladaanu aysan ahayn tii kacaankii barakaysnaa oo ay tahay isku dhoodhoob qabiilo awood ku qaybsadeen Kow inaysan cidna ku eedin geeridooda haday jikadooda sun ku qastaan ama miino ku qaraxda guriga dhex dhigtaan. Nabad galyadu waa masuuliyad wadareed cid gaar u qaadi kartaa ma jirto waana habka aan dawladda ku dhisanay. Dawlad haddaad maqasho waa shacab Shacabkuna wuxuu dawlad ku noqdaa labo arimood Inuu ka baqo dawlad xoog wax ku maamusha oo aan cid hoos fariisan talada dalka iyo dadka. Berigii hore ee kacaanka, haddii askari u yimaado dad meel iska fadhiya oo iska shaahaya oo uu ku yiraahda isoo daba gala ilaa isteeshinka asagoon hub wadan qof ka leexan karay raadkiisa ma jirin xataa hadday sodon kor u dhaafaan ixtiraamka darayska askarigu lahaa. Maantana habar ciyaal oday codkooda lakala garan maayo idaacaduhuna isku si bay u waraysanayaan ayagoo noogu sheega mucaarad iyo muxaafid. Iyo tan labaad oo ah inuu caqligi iyo qalbi nadiif ah ku dhisaan dalkooda sida ay kusoo dhaqmeen dalalka loo tahriibo sida jarmalkoo kale. Caqligaasna lagumasoo arag afrika intii aduunka eebe uumay waxbana lama aha inuu soomaaliya ka dhigo dalkii ugu horeeyay oo caqli "cad" yeesha.
  7. Farmaajo ma fishilin mudanayaal iyo mareooyin. Wuxuu soomaalida tusay nadaamka ay dawladnimada ku doonayaan noocuu yahay. 1- Hadday federaal doonayaan wuu tusay wuxuu ka yahay soomaaliya ama siduu u egyahay. 2- Hadday carab gacan u hoorsan jireen wuxuu tusay in laga maarmi karo oo qabka soomaalidu yahay wax soo jireena. 3- Hadday nabad galyo donayaan wuu tusay inay gurigooda ka bilaabaan 4- Hadday snm jamhuuriyad u haysteen wuu tusay inay gal mudug la mid yihiin. 5- Hadday xoolo musuq maasuq ku cuni jireen waa tusay in la xisaabtan jiro Ninka intaas 18 bilood ku qabtay shaqo sahlan ma qaban Haddaad lu iska gooyso muxuu farmaajo aambalaas iigusoo diri waayay fashil ma'ahan caqliga soomaaliduna noocaas yuu u shaqeeyaa.
  8. Waa codkar iyo wax tar alla og wuxuu dib ka noqon doono. Wariyaasha koonfurta si kasta haddii wax loo barro ama ayaguba u bartaan hadalkoodu waa mudac qofka ay waraysanayaan ka dhex baxa. Wuxuuna waraysigoodu u egyahay fadhi ku dirir iyo in lacag isbaaro laysku haysto. Qofka hadday ku qaabilaan degenaan iyo waji furan waxay heli karaan sir badan oo asaga aqoontiisa wariyenimo kor u qaada wariyuhuna waa nooc ka mida sirdoonka. Kuwa waqooyiga ciduna waxba kama taqaan wixii cawke allaha u naxariistee ka dambeeyay beeshoodana masoo dhaafaan. Hadday u shaqo tagaan idaacadaha iyo tv'yada soomaalida ka dhaxaysa, laasim waa inay somaliland meel un nagasoo geliyaan Tusaale Hadday waraystaan shiikh kasoo jeeda gobolada waqooyi bisha ramadaan oo shaydaanku xirran yahay, markuu xadiiska dhameeyo waxay hadalkooda kusoo gabogabeeyaan (Kaasi waxaa uu ahaa shiikh hebel oo ka mida culumada somaliland oo khadka telefonka iigu waramayay) Halka culimada kale ee soomaaliyeed ay ku sheegaan gobolkuu joogo sida muqdisho garoowe gaal kacyo iwm (Kaasi waxa uu ahaa shiikh hebel oo khadka telefonka iigu waramayay asagoo garoowe jooga) Aragtidayda waxaan u qaatay inay ula jeedaan beec gayn ay isleeyihiin carrabka soomaalidu ha qabto erayga somaliland iyo soomaaliya. Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya alaab dukaan la dhigay ama macrad, haddii lagu qoro qiimihiisu waa 999$ iyo haddii lagu qoro qiimihiisu waa 1000$? Farqigu waa hal doollar balse waa maan-gadid ama sir maskaxeed, si kale haddii loo dhigo waxay naga iibinayaan waa halkaa dollar oo laga jaray 1000$ sida soomaaliya iyo somaliland.
  9. Aamiin waa markii ugu horaysay oo duco iyo wax fiican afkaaga laga maqlo. Wax badan yaad kusoo celcelisaa ciil baad qabtaa iyo afka ku ciil bax. Colaad qofna uma hayo saaxiib dadku waa isku mid waa isku luuqad iyo isku asal xataa snm ma diidani hadday ciyaalka waqooyiga ku dhashay cuqdada nooga dayso Waxaadna baran kartaa markaad godka london ka baxdo safar dheerna ku marto ilaa bakool baydhabo baargaal buulo barde ilaa lowyo caddo Markaas yaad laandheere sheegan kartaa adigoon hoos u hadlayn sida hadda kaa muuqata. Mushkiladdaaadu waa intaas waxaad ku indho beeshay beel yar oo waqooyiga degta ayadaa qarran iyo duriyadba kuu ah waana aragti gaaban. Tusaale Sadexdii habrood oo qarranka la baxay labo waa is raaceen middii soo hartayna waa la dulmay siday sheegeen Aaway qarrankaad ku indho beeshay sodonka sano? Baarlamaanka ingiriuska maxaa loo sheegi markuu yurub ka baxo?. Qabiil Qarran Ma Noqdo Haku Ajarmin Saxiib. Ceel nin galay baa laga waraystaa Walaalahaa koonfur ka warayso, Haku faanin waligaa caydiid anagaa xarrigga kasoo furnay oo soomaaliya sidaa u galnay waa taariikh aad u foolxun, wax wanaagsan yaa lagu faanaa.
  10. Qabiil qarran ma noqon karo ee qabiilkaa qarran ku dhex luma waa qaacido snm marqaanku dhaafiyay. Haddaad ku sheegto banuu haashim iyo haddaad ku sheegto alla baqdaadi waa ilmo been-dhutiye. Dulum qabiil u gaystay qabiil kale see caddaalad looga waydiin qabiil kale?
  11. Geed iyo dad midna loogu imaan maayo hadduu sii joogo madoobe waa bahal ay kenyaatigu rabaayadasteen.
  12. Samafale Soo adeerkaa ma'ahayn ninkii yiri kitaab aan tol lahayn sidan maayo? Shacabka puntland waa shacab cadiim ah oo wax badan ku wanaagsan, meesha ay dalka ka deggan yihiina waa meel soomaali oo dhan ku kalsoonaan karto, naftooda iyo maalkoodaba, waxayna istaahilaan hogaamiye wanaagsan oo garan kara inuu hadalku aamaano yahay intuusan dibnaha soo dhaafin. Ninka saa u hadlaya masuul soomaaliyeed buu soo noqday Hadalka adeerkaa wuxuu ka oran karaa oo kaliya afkaa iga boobay ee madoonayn inaan sidaa u hadlo raali ha layga ahaado, ka dibna proffessorka ha loo sacbiyo yaa ku xigta waa intaa kaliya. Urur diimeedkaan dagaalaamaya qabiil ma leh waana xisbiga kaliya oo aan qabiil ku dhisnayn oo aaminsan fikir mayal adag kana duwan 4.5 iyo awood qaybsiga ka jira soomaaliya Way dhici kartaa in ciidamada u dagaalamaya ay u bataan beel taasna waxaa keenaysa gobolada ay ka taliyaan waxay kasoo saaraan arday madax dhaqan sida gedo, baay, jubooyinka, shabeelooyinka iyo koonfurtoo dhan Xataa kuwa wabiga jiinkiisa dega oo waligood dagaalimin waxay kasoo saareen dad is qarxiya waa fikir marnaba qabiil meel kamasoo galo. Haduu ula jeedo ooda gur uu beeshiisa ku dhiiri gelinayo waana sida aan is leeyahay way ku kaliftay waxaa ka haboonayd inuu si kale wax u dhigo ama uusan qaawin erayga qabiilka kaligiis uu ka dhigay kuwo kusoo duulay puntland ayagoo aradan. Tan aad leedahay kuraas badan yaan uga tanaasulay beeshiina Beeshayda ilaa iyo hadda wax kursi ah lama siin awood qaybsigiina waa laga reebay soomaali oo dhan yaa dulumtay four'kana kuma jiro point five'kana warkiisa daa, lamaba tirsanba, been kuu sheegi maayo gabar loogamasoo darin awood qaybsiga qabiilaysiga kuraasta aad sheegayso ina-adeerkaa yaad ugu tanaasushay, isla markaana kursiga hoostiisa "dab" uu ku gubto yaa loo dhigay, ayadoo markaan hal firqad oo qura lagasoo qaatay dastuurkii hore ee ssdf.
  13. Dadkaas uu magacooda u adeegsaday si guud wuu ku khaldanyahay aragtidayda Haddii sida ay noo sheegeen uu yahay qof wax bartay waa inuu intuusan banaanka usoo bixin muraayad hor istaagaa isla hadlaa keligiis asagoo is fiirinaya. Ka dib soo istaagaa meel fagaare ah, raali gelin buuxda iyo xaalna siiyo dadkaas uu si guud ugu xad gudbay magacooda waayo qabiil labo qof oo dacas wata ma'ahan. Waxaa jira dad fara badan oo wanaagsan oo kasoo jeeda goboladaas uu sheegay ay ku nool yihiin puntland kana shaqaysta lagana yaabee inay asaga ka jecel yihiin dhulkaas u ku doodayo inuu gaarka u leeyahay. Wadada kale oo furan waxaa weeye inuu isugu yeero afartii wiil iyo gabadhii carrabku ku dhalay puntland. Ka dibna u sheego in dhulka la dhaxlado si qaybta asaga kusoo aada uu ugu diido in reer buur hakaba dacas wata ay soo galaan. Labadaas arimood daaway keeni kartaa.
  14. Cayda iska yareeya wixii laydinka gar leeyahay qaata adinkoo ka faa'iidayanaya dhaliisha Snm qaybteeda bidix kula kacday shacabkaa soomaaliyeed ee waqooyi galbeed. Gaal kaa raali noqon maayo ilaa aad la mid noqoto quraankeena kariimka ah bay ku taal. Waxyaabaha naxdinta badan oo aan ka maqlayno hargaysa waxaa ka mida, in ciyaal iskuul loogu xareeyay misliyiin asalkoodu yuhuud kasoo jeedo lagana codsaday inay dhaqanka suuban ubadka baraan waa arin aad looga naxo,xataa gaaladu ma ogola in ciyaalkooda usoo dhawaado misli. Waa baahanahay bakhti looma cuno Wiilka ama gabadha yar ee aan waxba baran ee miyiga ku dhashay oo waxaraha ama maqasha la jooga wuu ka mustaqbal fiican yahay kuwa godkaa lagu aaminay. Snm qaybteeda bidix meesha ay aqoonsiga ka doonayso waa meel aad u foolxun diin iyo dhaqan ahaanba waxaana loo baahanyahay in shacabka wanaagooda iyo nabadooda aan looga faa'iidaysan in jiilkooda cusub oo beri bedeli lahaa aan lagu baabi'in.
  15. Waa dhulkiisii waxa mucjisada ku noqotay tegideedu. Gaas hadduu qardho badbaadiyo waa nin dheeri.
  16. Mucjisooyinka dagaalkii snm lagu arkay waxaa ka mid ahaa Markay qorigooda xabad ka ridaan oo ku ridaan ciidanadii dalka, ubax cas bay isu bedelaysay oo askarta dawladda qalbigooda dejisa Mudanayaal iyo marwooyin labo isma gasho Waan dagaalanay iyo maxaa naloo dilay wax is qaadan kara ma'ahan. Indhahayga waxaan saaray askari qorigiisa iyo darayskiisa wata oo gabar iskool kasoo baxday ka cararaya si aysan qoriga ugu qabsan Haddii siyaad barre sida suuriya uu berigaas fuusto cirka ugasoo tuuri lahaa maanta sheeko ka fiican tan aad haysaan baad noo sheegi lahaydeen waana dabiici bini aadamku xarriirta qodaxduu ka jecelyahay. Dagaal waa dhacaa dunidoo dhan mid foolxun iyo mid dhexdhexaada iyo mid sahalan mushkilad ma leh Mushkukadda mar walba iga yaabisa waa oday cuqdad aan jirin oo diintu ogalayn caruurta ku beeraya, sida ka muuqata awlaadda snm oo aan ayagu wax dambi ah lahayn goob joogna ahayn. Xaaji Mujaahid baa asagoo xabadu madaxa uga taal is tolayay waxay dhiiri gelinaysaa in caruurtu "toy" lagu ciyaaro u qaadato xabadda. Mujaahidka waxaa ku sheekeeyayna darajada mujaahidnimada ha laga qaado hadduusan ahayn nin qaadku waalay. Talo Walaalayaal cuqdada iska saara waxaad tihiin jiil qurux badan wixii tagay waa tageen soomaalidu idinkama maaranto adinkuna kama maarantaan Uk aqoonsi idiinma hayso waa dal gaalo dhisatay ilaahay baa muslin idinka dhigay asagaana idin aqoonsaday الحمدلله علي نعمة الا اسلام Itoobiyana walaalihiin ma'ahan anagoo gacmaha is haysana oo walaala ah wixii horana ilownay aan gudniinka fircooniga ah meel ugasoo wada jeesano.
  17. Suladaankan wuxuu iila muuqdaa suldaan jahwareersan aragtidayda Sida hadalkiisu u socdo dadkii galbeedka soomaaliya kasoo jeeday oo lagu xasuuqay hargaysa iyo hiiraan inuu sax ahaa Aragtidayda waa ihaano aad u foolxun oo suldaan warkiisba ma'ahan. Axmad madoobe waa dagaal ooge aan aqoon lahayn si kastoo hadal yaqaan iyo waayo aragnimo u leeyahay, ciriq baa jira uusan ka lug bixi karin. Markuu muraayadda isku eegay wuxuu arkay boqorka baxrayn oo ag taagan. Waana midda keentay inuu isu arko boqortooyo yar oo meeshii batroolka dhuxul ka dhoofisa kenyaatiguna waardiye ka yahay. Dadkii oo dhan baa dulman xataa beeshiisa inta guriga ugu xaraysan kii kor u fiiriya waa la tarxiilaa Dabrow Saaxiib madaxweyne ku xigeenka kasoo jeeda gedo wuxaa waraystay VOA maalmihii shirku bilowday wuxuuna sheegay inaysan dhici karin in xiriirka loo jaro dawladda dhexe kadibna wuxuu noqday boorso gabaru miiska ku ilowday xagee ka daciifay ninku?
  18. Suldaan Ninka dambe waa talented wuuna ka soo bixi karaa shaqooyin dhalin yarada toosin kara Waqooyiga sida lagu yaqaan waa dad dhaqanka iyo deeqdaba ku fiican shan jirkoodu ma lumo. Puntland iyo snm waa inay nabad ku wada noolaadaan si loo helo jiil qurux badan, beenta iyo bitibitidana ka daayaan caalamka Tuko raqda laysku laynayo waa tuulo ay joogaan dad xoolo dhaqata ah oo tooshkoodu baterigu kasii dhamaanayo, waana dad soomaali ah haddaad weydiiso xuduudka snm iyo puntland xagee maraa? ma fahmayaan, balse haddii la waydiiyo yaad is xigtaan dhalshada qabiilka labada maamul way kuu sheegi wayna garanayaan,wayna ku saxan yihiin markaad fiiriso dastuurka soomaalida oo dhan ku dhaqanto. Sidaa daraadeed wiilka gabilay ka yimid oo ku dhintay tuko raq wuxuu iila muuqdaa marxuum khaldan.
  19. Waxaad isu jiibinaysaan waa sheeko marfash mudanayaal Farmaajo ciidan iyo hub puntland uma dirrin. See nin ciiddan iyo hub ay ka heleen xirriirka ugu jareen? Puntland waa hooyadii federaalka dhashay waxayna balan qaaday inay ilaaliso xuduud qabiileedkeeda Dadkay is hayaan waa snm qayb ka mida oo kusoo duushay dhulkii beeshoodu deganayd Ayagaa laga rabaa inay is fur furaan beel ahaan iyo dal ahaan ma yara. Aqoontayda snm ma xamili karto dhimasho badan oo kasoo gaarta xuduud qabiileed dhulkooda ka durugsan Dhaqan ahaan waxay u dhaw yihiin ingiriiska oo qofkii ka dhinta ma iloobaan abid. Waxay u sameeyaan xasuus ama taalo darbiyeed, sawirkiisa lagu dhajiyo ayagoo siiya magac aad u dheer oo wakhti qaata akhrintiisu Sida mujaahid chief caaqil oo magaciisa lagusii xiro. Puntland dagaal ma jecla waa dad nabadeed shacab ahaan, balse siyaasiyoontoodu intaan ka aqaan waxay xiraan koronto danabkeedu aad badanyahay hadhaw markii dabku is qabsadana afka furta. Waxaan kula talin lahaa labadoodaba waa dad isku dhaw dhaqan ahaan gaar ahaan kuwa xeebaha dega, oo walaala ah inaysan dagaalin. Ama ay dagaalaan oo soo afjaraan mashruucaan tuko-raq xafiiska looga furay oo booskii abaaraha looga hadli lahaa naga galay.
  20. Federaal waxaa lagu dhisi karaa Wadaniyad iyo daacadnimo Suuro iyo nifaaq laguma dhisi karo.
  21. Odweyne khayr bay ku danbanaysaa insha allah Waxaan akhriyay in badan ama dhagaystay dad ay ku sheegeen aqoon yahan,waxaana iisoo baxday hal arrina oo ah Inaysan soomaalidu aqoon yeelan karin inaba Waligaa ma maqashay nin aqoon leh oo wadani soomaaliyeeda? Maxay tahay sababtu? Kow maskaxda caqli ku jiraa waa labo, waa baaritaan kaligay u khuseeya oo cid kale aysan wax eeda ku lahayn wixii ka yimaada Kow caqli aad yar iyo mid dhex-dhexaada. Soomaalida waxaa laga helaa midka aadka u yar, kan dhex-dhexaadka ah wax shaqo ah kuma lihin, lagamana helo dadka soomaalida. Takhaatiirkii swidishka ahaa yaan ku waafaqsanahay arintaas inkastoo ay haboonaan lahayd in la helo dad aan xanaaqin oo waydiiya waxa lagu dawayn karo. Kan aadka u yar haddii aqoon diimeed iyo mid maadi ah lagu shubo wuxuu asaguna usii qaybsamayaa labo. Mid wax laaya ama gumaada oo diinteenii dhexdhexaadka ahayd u bedala mid adag sida ururo diimeedka ka muuqata. Mid isku dhex yaacsan oo cilmiga maadigu sababo, fikirkooduna kasii hoos maro ilmaha dugsiga hoose, sida kaa muuqata adiga iyo ilmo samatar c/wali gaas iyo kuwo kaloo fara badan. Maxaa u sababa ayadana? Aragtidayda haddii aan aqoon lagu shubin sidan way dhaami lahaayeen oo waxaa celin lahaa dhaqan iyo waano ay ka maqlaan dadka aan aqoonta lahayn. Haddiise lagu yiraahda shahaadaada aad haysataan dad yar baa afrika ka haysta waxaa laga yaabaa inay dharka ka furto ayagoon is ogayn ama ayba uga darto. Tusaalaha ugu sahlan baan ku tusayaa gaar ahaan sidaad u fekerayso Qaran waxaad u taqaan sadex habrood oo 180km dega oo waliba midu carootay. Guulna waxaad u taqaan soomaali kala tagtay oo daciiftay ninkay wax ka tirsanayeena mootan yahan sodon sano. Sharafna waxaad u taqaan gabar soomaaliyeed oo la kufsaday inaad ku kala saartay qabiilada ay kasoo kala jeedaan. Af soomaaliga saxdaa waxaa lagu yiraahdaa arintaas oo kale tacab khasaar. Casuumaadii abey ahmed ayaduna way imaanaysaa nafta khayr u sheeg ina adeer.
  22. Odweyne Mowduuca gedo iyo dharka dumarka haku talaalin waa mowduuc muhiim ah Somaliland dhulkaad u taqaan aniguna u aqaan W/galbeed waa la gumaystaa. Waxaa gumaysta ingiriiskii ka tagey lixdan sano ka hor oo ilaa iyo iminka ay ka marqaan jabi la'yihiin Waxaa kaloo ay u xiiseen tigreegii ay shamaca u shidi jireen intaas miyaad inkiraysaa walaal? Nasiib daro aragtidaadu aad bay u hoosaysaa rag iska celintana waxaad u taqaan labo beelood oo walaala ah ama sadex inaad kala fadisho adigoon is ogayn oo khiyaaligu kala fogaaday Abey ahmed ilaa iyo iminka wax casuumaada lagama hayo!, Manoo sheegi kartaa sababta ay sugitaankiisu ugu daba dheeraatay nadaamka hargaysa?
  23. Nabadda haddii aan lagu shukrin oo lagusoo dhaweeyo "misliyiin" ama gaalo lagu dhunkado ciqaab baa ka dhalanaysa Abey ahmad haddii uu ka dhabeeyo inuu federalka soomaalida u aqoonsado sida mitka itoobiya ama joojiyo fara gelintii tikreegu ku kala qaybin jiray dadka iyo dhulka soomaaliyeed waa nin daacad ah Waxaa ay aad u dhibaysaa ama dhib uga imaan karaa qudhiisa itoobiyaankii rumaysnaa in soomaali midaysan aysan danu ugu jirin maslaxadda itoobiya. Xaji Farmaajo waxaa ku furan dagaalo faro badan oo noocyo badan haba ugu daraado midka fikriga ah oo aan la kala garan karin qofka yaanyada gadanaya iyo kan doonayo inuu is qarxiyo Hogaamiye federaalka oo wadiniyad lahayn fikir qabiilaysiguna la haray Ganacsato la xisaabtan iyo canshuur maqli karin oday dhaqameed labada dhanba ka quraacda Siyaasiyiin uusan fikirkoodu gaarsiisnay ama kala garan karin farqiga u dhaxeeya wax dumin iyo mucaaradnimada wax dhista. Xaqiiqdii si kadtaba ikama dadaal xuma dad badaba waa dhiman hadduu joogo iyo haduu tagaba Dr odweyne Ma jeclayn inaan dumar soo hadal qaado balse hablaha soomaaliyeed qaarna xoog baa lagu kufsaday qaarna soo dhaweyn gaal baa raali looga noqday aakhirkana waa sharaftii soomaaliyeed lama kala xigo.
  24. Abey ahmed siduu u yimid, shumac dambe lagama shidin hargaysa Ayagoo rajo beel ah, yaa ustaad saylici xajkii kasoo noqday una sheegay in baqorku sacuudigu qaabilay Madadaalo iyo marqaan waa meheradooda.
  25. Wada shaqayntii waan u jarnay waa kalmad culus ma sahlana, balse waxay ku badeleen waan hakinay oo macnaheedu yahay soo noqo habeen dambe una dhaw haasaawe aqal dhis. Hadaba maxaa isku maslaxad ka dhigay shantaa nin oo aan isku beel ahayn? Aragtidayda shantuba waxaa dhib wayn ka haystaa maarayntii maamulkooda hoose. Waxayna is tuseen in shacbiyadda dawladdu ka haysta dadka soomaalida, ay ugu caawiso siday kusii joogi lahaayeen waana lafo garaacasho tolnimana kama maqna. Balse sadexda nin labo ka mid ah ma fahamsana riwaayadan usoo alifay madoobe uuna soo saaray Gaaz, hir-shabeele iyo Gal-mudug si daacada bay makarafoonka usoo hor istaageen xaqiiqdiina waxay la mid yihiin lax dhukan abaar moog. Koonfur galbeed waa dilaal ka shaqeeya dibadda iyo gudaha waxa laysku haystana dan kama leh Aragtidayda haddii uu shahaadada Gaas wato haysan lahaa somaaliya maanta laguma wada hadleen ugu yaraan nus buu iibin lahaa khilaafkiisuna waa dhaqaale. Abeesada ilaahay umadda wuxuu ugu qabtay hurdada, asagana inta jeebkiisu qoyan yahay waa laga nabad geli. Dawladda waxaan kula talin lahaa shareecadu waxay ogoshahay in middi af badan wax lagu bireeyo inay ka dayso mindidan aan soofaysnayn oo si fiican oo aan dadnayn, wax u kala tuurto Khaladka ay la yimaadeen hogaamiyaasha goboladu yaan la "daddin", haddii la daddo,ana la daboolo, xal waara la heli maayo abid. Dabku hasii waynaado, xalka waxaa la helaa marku dabku damo, ama iskii ha damo, ama roob cirka ha uga yimaado waa hubaal inuusan sii shidnaan karin waligiis Doorasho cod iyo xalaal ah yaan dalka gaarsiinaynaa waraabayaalna hor joogay ka ahaanayaan wax is qaban kara ma'ahan Nimankan waa ilig liiq-liiqanaya wax looga baqaan meesha ma yaalaan ayagaa kawaankii yimid Carabtu waxay ku maah-maahdaa nin ina adeertiis ka xishooday ciyaal kama dhalo.