gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Waa iska hadal, dad dadkoodii aaday asaga casuumaad waydiisan maayaan. Beeshiisu dhanka soke ee hargaysa xataa ma yimaadaan, magac la yaab leh bay u yaqaanaan adinkuna waxaad ka hadlaysaan inuu dhumay tago.!!
  2. Haddaad gar qaadan lahaydeen doodu way gaaban lahayd waadna is fahmi lahaydeen reer koonfurka. Mushkiladiinu waa jamhuuriyad khiyaal ah yaad marqaan ku dhisteen wax kalana idin mari mayaan. Taas macnaheedu waxaa weeyaan markaad qaadirootaana waad aamustaan ama waad caytantaan, gar qaadasho maleh. Markaad marqaantaana waa jamhuuriyad aan cid aduunka joogta aqoon ka murankeeda. Meel aad hoosaysa aan idinla fariisto si aan isugu soo dhawaano, walaalayaal. Dhalinyarada saxaraha ku dhimanaysa tahriibka, kuwii alle ka bad baadiyo geerida, waxay caalamka u sheegtaan inay yihiin soomaali, si loo qaabilo waligood adhan maayaan jamhuuriyad qurux badan oo geeska afrika ku taal yaan aqoonsi u doonaynaa. Taa macnaheedu waxaa weeyaan koonfurtii aad diideen, oo jiranayd yaad sariir kula hurdaan, lagana yaabaa inaad qudhiina murmaya sidaa ku joogtaan yurub amerika. Siyaad barre haddaad ka xorowdeen maxaad caruurta dabka uga ceshan waydeen?
  3. Barwaaqo Aabahay intuu dhalay oo qudha yuu wax taray M.siyaadna soomaali oo dhan, sidaa daraadeed waa abaheen anagoo isku duuban. Luuqadaan aan ku wada hadlayno aniga iyo adigu ma jirteen la'aantiis, adna ingiriis baad qori lahayd aniguna talyaani. Wuxuu ahaa mideeye aan kala jeclayn dakiisa iyo dalkiisa, waana xaqiiq waxaan kuu sheegayo. khaladka dhibka,qaxa, dagaalada iyo kaneecada ehelkaaga xarshin ku dishay snm baa masuul ka ahayd waana isla ayadii waxaad ehel ka dhiganayso maanta. Usoo noqo mowduuca Rag madaxa oo haybad leh oo dal la aqoonsanyahay kasoo jeeda miyaa la odhan lahaa calankeena kor u taaga oo ruxa inta qorax la istaajiyo? Buur haddaad doonaysaan waa walaalihiin soomaaliyeed ayaga isku tiiriya adinkoon bah-dilnayn oo yara suga way soo caafimaadayaan inshaa allaah.
  4. Qof aan waalayn haddii lagu dhex xiro dad waalan ciduna ka rumaysan mayso waa miyir qabaa aniguna sidiinaan waalanahay. Awoowe ma waxaad noogu sheekaynaysaa ina camay garoowe marti buu ku yahay hargaysana marti kuma aha? Hadalka uu iminka sida xortaa u cabiray asagoo fadhiya madaxtooyada puntland miyuu ku cabiri kari lahaa asagoo makhaayad hargaysa ku dhex taal fadhiya? Inta snm la joogta oo kasoo jeeda sool qowl iyo hadal midna looma ogola waligaana ka maqli maysid, wax snm maamulkeeda ku saabsan, waa qayila oo aamusa. Ninkaa baarqabkaa sharaftiisa meel ha'uga dhicin oo tolkiis iyo soomaaliba ka dhex hadli kara.
  5. Nin aqoon badan baad tahay iga raali ahow haddaan ku fahmi waayay. Berigii hore shekh Zaid allah-yarxumu, wuxuu jeclaan jiray ciyaar dhaqameed laga ciyaaro waqooyiga (saylici) Maalinta xus jirana wuxuu casuumi jiray aabihii umadda alaha u naxariisto halkaas bay ku daawan jireen ciyaar qurxoon labada dawladood. Iminkana adeerkaa asagoon dawlad ahayn oo qorax taagan yaa calanka imaaraadka luqunta sudhay. Intaas wax makaaga baxeen? Xoogaana?!! Innaba?!!
  6. Dad is dulaynaya ayagoon dawlad ahayn lalama simi karo Nigeria iyo South afrika saaxiib, siyaasad la fahmi waayana meesha kama muuqato. Bal odogaa wayn oo calanka loo dhiibay wejigiisa si fiican u eeg.
  7. Camey waa masuul macquul ah, baqdin iyo hoos fiirina kama muuqato hadalkiisa. Federaalka ma'uusan taageerin iyo farmaajo, wuxuu sheegay inay dawladda dhexe khaladka wax ku leeyihiin, balse intiisa badan ay leeyihiin hogaamiye goboleedyadu. Haddii isku dhac yimaadana aysan meel uga banaanayn in dawlado kale oo soo dhex galaan, oo ay arimahooda gudaha ayagu xalistaan. Intuu sheegay waa fikradda saliimka ah oo shacabka badankiisa aaminsan yahay marka laga reebo ciyaalka snm'ta bidix oo ayagu meel gaaban wax ka fiiriya.
  8. Banii-aadamku markuu aad u daciifo indhihiisu wax buur ka yar ma arkaan. Imaaraadku buur ma'ahan walaalayaal waa dal lama dagaan kusoo noolaa iyo daruuf aad u adag in badan una soo samray. Haddaad calankiisa kor u qaado adoo kaagii shanta xidigood lahaa inkiray waa gunimo tii ugu hosaysay, Carabtu way ogtahay nin qaranimadiisii qabiil yar kasoo reebay inuusan macno lahayn, wayna soo dhawaynayaan cid kastoo u heesaysa maalinta calankooda.
  9. Meel aduunka ku taal haddaysan aqoonsi ka haysan, maxay ugu feegaarayaan basaboorada dadka? Waalida qaarkeed wali dhakhtar looma hayo.
  10. Inta amaanta oo qudha yaa kuusoo turjumay camoow? Qisada meesha ku jirta ma'ahan ammaanka,doolarka iyo dahabka banaanka looga tago markii la aqimo salaadda. Qisadu waxaa weeyaan dariiqda suufiyada oo isu aragta inay ku xirran yihiin saalixiin iyo culumo waa hore geeriyootay sida shekh c/qaadir jaylaani iyo kuwo nool oo ay wali barakaystaan sida asaga aabihiis. Xataa wuxuu sheegay inaysan meesha joogin dawlad xoog leh balse ilaahay ilaaliyo Waxay kaloo aaminsanyihiin inay riyo isku arkaan ayagoo kala jooga pakistan yamen baghdad iyo bangaladesh Sheekha waayeelkaa oo ku sheegay shekh daa'uud yaa kusii riyooday intuusan hargaysa tagin labo sano ka hor Risaalada uu gudbinayo waa intaas walaalo Dahabka iyo doolarkuba gaal-kacyo sidaasoo kale yuu banaanka yaalaa mucjisana ma'ahane qofkii hawaystaa wuu dhiman meel kasta ha joogo.
  11. Gaas waxa la tartamaya waxaa ugu awood roon kornaylkii haysan jiray daraawiishta aragtidayda. Shacabku waa ku daalay ninkaan subax walba lasoo kalahaya shinbir baa iga nixisay.
  12. Waxay tahayba qurux lama taagna meesha allaha soo hadeeyo.
  13. Mucjiso? Mucjiso waa waxaan horay loo arag oo qadar ilaahay ku yimid markaad la yaabtana waxaa la yiraahdaa (subxanalaah) wadaadkan suufiga wuxuu aradadiisa uga war bixinayaa wuxuu soo arkay mucjisana shaqo kuma leh. Koonfurta iyo soomaaliyoo dhanba inaad qaab kale ku dhimatid mooyee dahabka iyo lacagtuba banaankay yaalaan tuug bareera waa ku yar yahay.
  14. Cadnaan Waa idinka macluumaad dhawyahay Dadka muslinka sheegta hadday bedelaan diinta iyo aaxaadistii rasuulka (calayhi afdula salaatu wasalaam) waa ka khatar badan yihiin gaalada caadiga ah oo diinta islaamka aan waxba ka aqoon. Arrinta iiraan idinku dhawaynaysa aragtidayda waxa weeyaan waxay aaminsan yihiin bay si toosa u haystaan jidkeedana kama leexdaan. Balse waxaan idinkula talin lahaa haku sirmina.
  15. Oodweyne Mar haddaan anagu u talino reer sool.!! Adinkoo aya ah walaal? Waxaan u diidanahay reer sool waa ihaanadaas foosha xun, in beel ay ka dhul iyo dad badan yihiin u dawladayso, waliba soomaalinada kalasii dhex baxaan. Dagaalkan xalkiisa reer sool baa leh waa beel balaaran oo isku filan. Hadday xal keeni waayaan waxaa iska leh casabadooda oo puntland ugu dhawdahay. Hadday puntland xal keeni waydo waxaa iska leh wixii soomaalinimo iyo midnimo ogol. Snm meelna xalka reer sool kamasoo gasho aragtidayda, hadaysan ula jeedin dacaayad iyo suuq gayn jamhuuridda beesha loo samaynayo.
  16. Ducaale In badan yaan kuu duceeyay adoon ogayn in lilaahay caafimaad degdega haku siiyo snm ciyaal badan oo wax na tari lahaa bay qabiiaysi ku marin habaabisay.. Reer gedo iyo reer af-madow iyo reer burco waa walaalo waa soomaali idinka allena qabiil isku dili maayaan abid, waa lagasoo gudbay berigii sida sahlan laysugu dhici jiray Dadka nadaamka madoobe diidan waxaa ugu badan beesha uu kasoo jeedo Arrinta qudhiisa wada qabiil ma'ahan waa maslaxadiisa gaarka ah iyo kursigaas uu dhuxusha ku iibsado. Nadaamku wuu is badeli ha dhawaato ama ha fogaato balse dadku kala guuri maayo, waayo wixii dhib ahaa oo lasoo maray, yaa lagu kala guuri lahaa hadday soomaali kala tagayso.
  17. Allaha u naxariisto intii ku dhimatay dhaawacana allaha u fududeeyo. Madoobe waa nin ka haray dagaal oogayashii dalka soo maray, xalkiisuna waa qori uu ku difaacanayo 5km. Dadkii wax galka u ahaa goboladaas waa hore bay isaga tageen, beeshay doonaan ha kasoo jeedeen, waxa kusoo haray waa jaf-jaf aan kor u fiirin karin iyo kenyaati.
  18. Khudbada axmed madoobe haddaad dhagaysato waxaad fahmaysaa khaladka ay ka fahmeen federaalka iyo waxa federaalka soomaaliya yahayba. Wuxuu ku sheegay khudbadiisa inay dacwadoodu ugusii dhiibeen golaha sare ee baarlamaanka dawladda dhexe. Waxaana noogasoo noqday in lagusoo yiri afar wasiir la kulma, asagoo geegees u qoslayana ku tilnaamay in la yasay meekhaankooda madaxweyne nimo. Bilaa caleekum ninkaa afarta kiintaal oo dhuxusha kismaayo ku hor fadhiya yaa iskala wayn afar wasiir oo federaalka dhexaa. Mushkiladda waxaa keenay beesha caalamka oo biljam, london iyo berlin ku casuuntay khiyaal aadan sawiri karina madaxooda gelisay ayagoon waligood iskool u kalihin.. Federaalka itoobiya haddii lagu war grliyo kilinka shanaad wasiirka hawwenka yaa idinkusoo wajahan habeenkaas ma seexan jirin madaxda jigjiga ayagoo soo jeedku ka muuqdo bay meel fog uga hor tegi jireen. Soomaali kala dambayn aan baqdin lahayn ehel uma noqon karto federaalna ma fahmi karaan..
  19. Snm culumo iyo oday dhaqameed midna ma'ahan waa jabhad qabiil lagu aasaasay markeedii hore, sodon sano iyo ka badana cuqdad laha saari waayay. Labo arimood midkoodna albaab uguma furna dagaalkan labada jufo ee reer sool. Tan koowaad somaalinimo way diideen ayagoo ka doorbiday in qabiilkooda raaciyo loo noqdo. Tan labaadna isku beel ma'ahan arintuna waa arrin beeleed. Inta badan waxay snm kusoo dhex galaan reer sool ina abti iyo hooyadaa yaan isku reernahay iyo bitibiti kale. Casabada iyo riximku waa qaali muhiim ah labaduba, balse riximka dhaxal lagumo qaato Tusaale Gabar iyo wiil walaalaa caruurtay dhalaan Haddii aabahood dhinto wiilku caruurtuu dhalay dhaxalka awowgood way qaadanayaan shareecadaa u banaysay. Gabadhase looma ogola caruuteeda inay awoowgood dhaxlaan Maxay tahay sababtu soo labaduba walaalo ma'ahan? Jawaabtu waa haa balse gabadha caruurteedu waxay leeyihiin casabo ama ehel kale iyo abtirsi gaara oo aan shaqo ku lahayn kan awoowgood hooyadood dhalay, waana aabahood. Snm xagee kasoo geli kartaa xalkan marka? Hadday tuuto soo xidhato waa fitno iyo dhibku sii bato. Haday oday soomaali noqon lahaayeena waa diideen somaalida inteedii kale oo waxay jeclaan lahaayeen in diirkoodu caddaado luuqada ingiriiskana ku hadlaan. Reer puntland ninkay talada u dhiibteen, soomaalina waxba ugu yaal, beelna warkeedaba daa... waxa snm ku haysato waa shaqadoodii, hadday noqoto odaynimo, soomaalinimo iyo hadday noqoto casabo ama tolnimo, dhaxalkoodu u banaanyahay. Snm waxaan kula talin lahaa inaysan albaabkaa istaagin si dadkaa heshiis loo dhexdhigo Ayaguna xal u raadsadaan beeshooda iyo wixii khuseeya arimahooda gudaha.
  20. Xisbi cusub oo lagu magacaabo dib u socod. Muhiimadda shirku waa habartii masruufkeeda ku khasaarisay faaliyaha Sadexda maamul gobaleed oo kale hogaamiyaashoodu waa arday dugsiga hoose hadda loo bilaabay. Waxaaba ugu yaab badnaa markuu Dr.gaas, shahaadada nabada oo asagu qoray gudoonsiiyay mudane xaaf, kuna abaal mariyay burburintii gal mudug iyo isbaarooyinka kusii badanaya wadada dheer. Dr. Gaas Waxaa kaliya oo uu doonayaa markii lasoo koobo nuxurka shairka inuu sii qaato, gogol uu ku rafto,doorashada punland ka dib. Waa intaa casho sharafta iyo marti qaadka loogu yeeray saxaafadda. Xisbiga dib u socod u malayn maayo inuu sii jirayo doorashadooda ka dib sababtoo ah waxaa la aasaasay wakhti aan wanaagsanayn.
  21. Odweyne Ma'aadan fahmin waxaan ka hadlayo awoowe dagaal fqash yaa ku madax maray. Xalku wuxuu ka go'aa beesha degta sool, ayagaa is rari kara oo labada beelood mid ka mida u samaynaya daaq cusub si ay u kala badbaadiyaan dhiigooda. Taas macnaheedu ma'ahan in koonfurta ama mudug loo raro ama xoog la adeegsado, waa digo rogosha aan fogayn ayadoo la dhex dejinayo beel kale oo isla ayagaa, waa talo ay gaari karaan jufooyinka kale oo ay isku beesha yihiin. Waa aragtidayda xalku siduu iigu muuqdo. Intaas ma fahamtay? Waxaa kuusoo haray snm ayada xal laga sugu maayo ayadaa xal u baahan qarrankaan aad ku waalateena meesha ma joogo walaal, waa jufooyin isku dhacsan qudhoodu oo is dulmay. Macno samayn mayso beeshii tuuto soo xidhata in loogu yeero "qarran" adigoo og in askarigii xabad uga baxsato qof meesha taagan magtiisii laga rabo jufadii uu kasoo jeeday oo xataa wax caymis ah ay ugu dambaysay berigii dawladii dhexe naga burburtay.
  22. Suldaan Odoyaashu soo tii ay usbuucii hore ay heshiis ku gaareen laascaanood Qodaxda eelkeedu waxay soo baxdaa markii la heshiisiiyo, odoyaashii la maqli jiray waa ka dhamaadeen soomaaliya. Haddii aad aragto dhalin yaro boosh dhawr khasnadooda caloosha ku xirtay dhiilo waa jirtaa Meeshan xalka yaal waa dhiig joojin, marka ugu horaysa suurto gal ma'ahan dad intaas iska dilay inay ku qancayaan oday laascaanood heshiis ku saxiixay Puntland iyo snm xalkooda waxaa ka fiican kan beesha dhexdeeda aragtidayda Dadku waa reer miyi daaro dabaqyaa meesha ugama dhisna waa tuulooyin gabalku hadduu dhaco aan waxba loo jeedin inaad toosh ifiso mooyee Waxaa loo raraa bariga laascaanood waqooyigeeda, waliba waxaa loo qodaa ceel matoor iyo gaadiid u adeega. Waan arkay tijaabadaas oo shaqaysay, ma jirto beel afartan km ka duuli karta, dadku waa caato wayd ah, isla markiiba way haraadayaan. Beel laandheere ah sida soomaalida u taqaan yaa gadaasheeda la dejiyaa inta xal la gaarayana halkaas gabdho cusub haka guursadeen Haddiise snm iyo puntland lagu warwareego awr kacsigoodaan laga lug bixi karin dhiiguna joogsan maayo.
  23. Snm qudheedu waxay daacayad u samanaysaa jamhuuriyad ay iskeed u been abuurtay. Ciidanka qarankaa ku baxay madaxweynihii qarankaa ka hadlay tiknikidii qaranka loo diray odoyaashii qarankaa laas caanood tagey iyo biti biti aan dhamaad lahayn. Soomaalidaan ka maqli jiray, riyo haday sayn leeyihiin dabadooday ku daboolan lahaayeen Waxaasoo qarrana maxay ugu diri waayeen dagaalkii ceel-afwayn oo naftu uga baxday? Allaha u naxariisto intii ku dhimatay inta dhaawacanaa allaha buskeeyo Aragtidayda dagaalkan waxaa lagu joojin karaa in labada beelood middii fudud loo raro qaybaha kale ee gobolka waayo reer miyigu dakanada iyo aragtidu isuma qabato. Haddiise maamulo lagu haleeyo way kasii daraysaa, waxaa xalin kara beesha jufooyinkooda kale ayagoo la guuraya labada beelood tii fudud.
  24. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhamaantood. 21 oktoobar waa maalin qiimo aad u weyn ugu fadhida shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Awoowayaal ilaahay subxana wa-tacalaa ciyaal carrab la' iyo qof kalaba midna idan ka qaadan maayo cidduu janada geynayo iyo cidduu cadaabayo labadaba asagaa qafuuru raxiima. Talo yaan idiin soo jeedin si aadnan usii lumin idinkoo carrab la' iyo arrad aduunyo iyo mid aakhiro ha isku darsanina qofkii dhinta waa dimati-laah waa laga haraa. Marka ugu horaysa diintiina barta tafsiirkeeda iyo axkaamteeda, si sax ah, haddaad xafidaan oo aadan macnaheeda waxba ka aqoon waxaad noqonaysaan dameer malab la saaray. Waxaad u tagtaan culumo aan snm ahayn, waa laga yaabaa inaad ka heshaan hargaysa ama burco Waxaad waydiisaan sababta dumarka 50 looga dhigay raggana 100? Maxay tahay xigmadda ku jirta ama ka dambaysa oo ilaahay S/W usoo dejiyay suurutu nisaa? Naftooda ilaahay waa simay ragga iyo dumarkaba, oo haddaad gabar disho danbi nuskiis ma'adan gelin waxaad la mid tahay adoo nin dilay ama naf ku dilay xaq daro, xaq soorka diinteenana waa in la dilaa ama la qisaasaa, waliba waxaa ka dhacay hal dambi oo qura oo ah kii nafta uu gooyay kii dulumka waa u dambeeyaa xisaabtiisu. Diyadu maku waajibtaa inuu bixiyo qofkii si ula-kac ah wax dila? Mise kuma waajibto ee waa in la qisaasaa. Hadaba reerka gabadhu ka dhimatay hadday ku qancaan inay diyo qaataan Ma u banaantahay inay waydiistaan mag boqol ah reerkii wax dilay shareecada islaamka ayagoo ku xisaabtamaya aqoonteeda iyo tacabkii ay kasoo mareen? Dib-jir nolosha ka dhacay hadduu sababsado qof kale ma banaan tahay in reerkii wax dilay bixiyaan 50 maadaama uusan naftiisa iyo mid kalaba waxba ugu oollin? Mise boqolka ilaahaybaa u xukumay oo ka hadal ma leh? Culumada carabtu maxay fadwa ugasoo saari wayday baarlamaanka tunusia oo ansixiyay in ragga iyo dumarku isku xaquuq yihiin? Xasuusta dadku qofka kale wanaag ku xasuusto sida siyaad bare waa qalimada ilaahay, allaha u naxariisto anigu kolay wanaagiisa iyo xumaantiisa waxaa ila badnayd wanaagiisa,hadduusan soomaalida qaar ka dillin ayagaa in badan iska dili lahaa Waa, 21 sano oo aan marnaba xasuustayda ka baxayn intaan noolahay caruur 90kii ka dib dhashayna waan ugu sheekayn xataa haddii la madax dhaqay. Berigaas wax dhaqaalaa ma haysan shakhsiyan, waxaan ka jeeb roonahay maanta dadka badankiisuna waa ila mid balse wali lama hayo maalmo la mida beri samaadkii Faqiir sharaf la dhoola caddeeya waa ka fiican yahay qani aamusan.
  25. Federaalku wuxuu ku jiraa qolk ICU waana sii dhimanayaa hadduu dhintana wuxuu sababsaday dadkii dhalay Waare wuu fahmay khadka meesha ku jira balse xaaf wuxuu noqday cumaamad gaari ka dhacday qofkii helaa ciidda ka jafto. Nimankaan ho boodaya shirarka waxaa kusoo dhawaaday doorashooyin aad u cikiran, oo gudahooda, waana raad gadasho ama rafasho siyaasadeed oo ay qabyo ku gelinayaan maskaxda shacabka iyo caalamkaba. Xaaf dhaqaale ma hayo uu wax ku kala furfuro oo dhuxul ma dhoofiyo, caqligiisiina wuxuu ku wareejiyay c/wali gaas, see isugu wadi karaa 11 qabiil oo kala jaad ah?