-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
U malayn maayo ninkii babera orodka ku dhex marayay inuu laas caanood dadka dhex seexday. Waxaa laga yaabaa inay meel gaara ku hayeen nimankan reer sool waa jufooyin kala aragti duwan.
-
Bayle waa nin daacad ah sida daahirka ka muuqata doonaya inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto. Jawaabtiisu waxay u badan tahay caadifad iyo ilmo adeerayaalow wadanka aan dhisno. Haddii shaatiga aad xidhantahay lagugu qabsado waa laga garbaxaa. siyaasiyiinta dacwada kusoo oogay way ugu talo galeen inay ruxruxdaan waa niman shaqadoodu tahay danahooda gaarkaa wax is daba marin waligoodna kusoo dhaqmi jiray Walaalayaalow ma yaqaanaan iyo waddan midna. Aragtidayda waxaa la gudboon Dr. bayle inuu xisaab la yimaado oo gar baxo markii uu ku guulaystana ayaga la xisaabtamo, dacwadna ka gudbiyo. Sheego intii maslaxadda gaarka ah ugu timid iyo mu'aamaradda ay soo maleegeen meeshay salka ku hayso.
-
Adeega-yaasha itoobiya waxay si fiican usoo bilaabatay wakhtigii c/lahi yusuf uu ka hor yimid taliskii siyaad barre, go'aana, ku gaaray inuu walaalkiis dilo asagoo amxaar la socda. tigreeguna wuxuu si fiican gacanta ugu dhigay markii la sameeyay federaalka oo uu soomaalida u qaybiyay labo. Kuwo u adeega, isla markaana u dooda ama difaaca naf iyo maalba, sida puntland, snm, iyo maamulkii 5aad ee ina illey. kuwo uu qori ku dhex joogo iyo xoog sida koonfurta iyo gobalada dhexe. Aragtidayda usc amxaar ma jecla balse caqligoodu ma dhaafsiisna muqdisho anukaa leh. Waxaa u shaqaynayay tigreega boqolkiiba 85 soomaalida qoyskaaga hoose yaa hoos u hadalka ku baraya. Sidaa daraadeed farmaajo mucaaradkiisa ugu xoog badan wuxuu ka imaanayaa, qalbiyadii, tigreegu jacaylka ku beeray oo oramada u arka inaysan dumaashooda lahayn. Kan iga koreeya tigree yaad moodaysaan, balse waxaan idiin hubaa inuu yahay shaqaalihii soomaalida oo u adeegi jiray mid ka mida.
-
soo aasaasihii puntland allaha u naxariistee c/lahi yuusuf ma'ahayn ninkii ugu horeeyay oo gacan amxaar dhunkada? galbeedi saaxiib waxaa la rabay berigii ay tigreegu haysteen itoobiya inaad tagto tuulo boorama ku dhaw oo aad wax ka sheegto taliskii itoobiya waxaad si fiican u baran lahayd cidda u shaqaysa.
-
Ducaale walaal reerkaan ka dhashay oo aan u hadli karo hadday i doortaan waa ilaa 45 qof qiyaastii wax dambi oo ay galeena ma maqlin. Haddaad ula jeedo qabiilka farmaajo aniga iyo farmaajo isku qabiil ma nihin Beesha aad i malaynayso waxaan u malaynayaa inay kalasoo dhex baxday taageeradayda farmaajo iyo siyaad barre iwm, balse sidaad moodayso ma'ahan xaalku. Aan isku dayo bal inaan ka jawaabo su'aasha aad ku sheegtay inay qalbigaaga kasoo go'day. Beeshaan aad tuhmayso waad ku saxan tahay siyaasiyiintoodu waa kuwii bilaabay inay amxaar kusoo hogaamiyaan dalkooda, ilaa iyo haddana nooga turjuma luuqadooda. Waxaa ku xigay snm oo guryahooda seexiyay jacaylkay u qabaan dartiis farmaajana colaad ugu qaaday in itoobiya looga yeeri waayo. Waxaa ku xigay usc oo ahayd min-yaradii ugu dambaysay oo meher badan dalkeeda $ kaga dalbatay. Ilaa iyo hadda waxa laysku haysto waa maxaan nalooga dheereeyay itoobiyadii aan waligeen u adeegaynay. Soo sidaa ma'ahan huuno?
-
Mushkiladda jirta aragtidayda waxaa weyaan. Mucaaradku waa wax aad wanaagsan markuu caqli iyo cilmi salka ku hayo wuxuuna bad baadiyaa dad iyo dal. Siyaasiyiinta soomaalida qaarkood, waad la yaabaysaa qoraalkooda iyo hadaladooda. Ilaa iyo hadda waxay kala saari la'yihiin farqiga u dhaxeeya "Dal" iyo "madaxweyne" Dalkaaga oo aad hoos u dhigto adigoo ku xumaynaya maamul waxuu la mid qof jiritaankiisa iyo dalkiisaba inkiray. Burburkii dawladdii dhexe qudbaddii igu dambaysay siyaad barre allaha u naxariistee waxay ahayd kuraasta ciyaalka u daaya wax haku barteene, anigu iskama lihi, waayarada korontada yaysan idin qaban wali qaarbaa shaqaynaya. Waa nasiib daro in sodon sano ka dib ay wali kala saari la'yihiin farqiga u dhexeeya Dal iyo maamul.
-
Waa caadi dadka badawdaa ama reer guuraaga way ka qalbi fiican yihiin xadaariga ama guri joogta aan fogaan. Dagaalka reer guuraagu waa mid qudha waa sax, waadna ka garan kartaa intuusan ku dillin ama naftaada ku dhaafin, markaas ama ka carar ama iska maslax, hadaysan taadu gelin waa ka badbaadi. Kan xaadaarigu waa 11 nooc oo aadan midna ka garan karin. Kan ugu sahlan waa markaad salaanto oo ay si fiican kuusoo dhaweeyaan, istaagaaga ka dib ay is fiiriyaan oo yiraahdaan boowe aa iskasoo orday mid wax kala og ma'ahan. Midkii khayr ku jiro allaha waafajiyo, runtii waa shacab aad wanaagsan ma dhib badna, waana istaahilaan hogaan wanaagsan oo aragti dheer.
-
Odwyne iyo biixi waa isku hadal wax farqi ah uma dhexeeyo. Dad baa god lagu shubay oo la gubay, umamulaa la dooxay, caruur baa guri dheer lagasoo tuuray, waligeen iloobi mayno. Kalmadahaas waxay lasoo baxaan markay doonayaan inay naarta furaheeda qaataan, dad sii raacana helaan. Farmaajo waa waajib saaran inuu ilaaliyo wadanka iyo dadka soomaaliyeed dhamaan, intii tabartiis ah, dagaalkiisuna waa qallin, xabad lama jecla shacabkiisa. Birta,waa la kululeeyaa intaa la balaarin waa kululayntii waxa uu Mr.biixi ka cabaadayo, balse wuxuusan ogayn in shacabka soomaaliyeed ku daaleen kala qoqob iyo kala fogayn oo ay noqdeen dad is jecel oo soo fahmaya midnimada quruxdeeda.
-
Dumarku ma iloobaan ninka food gooya yaan maqli jiray Madaxda maamul goboleedyadu waxay si cad u sheegeen in la'aantiis gurigii ku madoobaaday.
-
Arrintaan dhaqaaluu haystaa waan adinkaga ra'yi duwanahay. Hadduu dhaqaale haysto ma uusan sheegin inuu ka dhargay oo uusan u baahnayn wax ka badan inta alle siiyay. Mana uusan sheegin inuu usoo dhoofay inuu dadka ugu shaqaynayo mushaar la'aan oo ajjar ilaahay uga doonayo. Soomaaliya waa mashruuca lagu balaarin karo mashruucyada yar yar, oo gaarka loo leeyahay. Ma aaminsani in soomaaliya loogusoo, guryo noqday ajjar iyo fii-sabiili laah, ha loogu adeego shacabkaas jilicsan.
-
Degdegu waa baqdin dadka soo daba galay baysan ku kalsoonayn ana la tiro batay. Haddii rashka ciyaalku ku ciyaaro dhici lahaa, asna wuu is qoyn lahaa, askartuna dhib bay u gaysan lahaayeen shacabka.
-
Talaabo aysan qaadin madaxdii ka horaysay?!! Safiir maraykana, hadduu ku qaabilo markab dushiis iyo hadduu ku qaabilo xalane naftiisuu uga baqay soomaalida, wax dhiba oo ku jira iima muuqato waa wadan dagaal fikri ah ka jiro lanana garan karo meesha loogasoo bixi karo. Madaxdii asaga ka horaysay waxay ku qaabileen xalane haweenay gudoomiye degmo ka ah Finland. Kuwii kasii horeeyay waxay qaabileen miss.clinton, Nairobi gudaheeda saxaafadda carabta yaa waydiisay sida ay u arkaan la kulankeeda Waxay ku jawaabeen inay ahayd, فرصه الذهبية ama golden opportunity. Taa macnaheeda markii la fasiray dadkii dhagaysanayay, waxay u qaateen inay ula jeedaan, barakada miss clinton allaha noogu dambi dhaafo waana lala yaabay runtii. Protocol iyo haybad dawladeed dawladaan yaa noogu horeeya sodon ka dib, waa haddii runta la beegsado.
-
Ninkaan waa af hayeenka snm. Nin la dhagaysan karo asagaa ku jira xaqiiqdii, waayo wuxuu hadlaa caqligooda oo aan waxba ka dhimanayn.
-
Reer bariga, arshiifkiisa ama kaydka macluumaadka beelahoodu, waa ka duwan yahay soomaalida kale siiba reer qardho. Waa dad xadaaradoodu aad u fogtahay. Musharixiinta markii lacagtu ka dhamaato ka dib, bay soo saaraan file'kiisa iyo beesha saxdaa oo uu kasoo jeedo, marka ha la sugo yaan la degdegin. Musharuxu asagaa lacagtiisa isku barta, ama niyadiisaa dhisaan oo waa doortaan, ama dhabarkay ka taabtaan. Hogaan fiican oo khayr qaba allaha siiyo oo midkaan hadda jooga dhaama.
-
Shabaggaan waxaa dhigtay ganscsatada ku cayishay sodon sano is dhex yaac iyo xisasaab la'aan. Fowdo la'aantu ganacsigoodu hoos buu dhigtaa. Tusaale Diyaaradda soomaaliya loo raaco waa mid qudha waa isku qiimo, kulayl iyo qabowba, tartankii xajka dhibkii ja dhacay waa tii lagu sigtay inaan la xajjiinba. Adeeg fiican iyo oxsagin nadiif ma leh, boorsadaadii orod gadaal kasoo baaro, haddaad waydana usbuuca soo socda sug, waa khidmadooda ugu fiican. Sida aduunka kale haddaad kala doorato turkey Ethiopia kenya uae iwm, qabiilkoo dhan baa danu ugu jirtaa balse waa in loo afduubnaadaa. Kuwa telefonadu waa sidoo kale, lsdhex galkaan geeska afrika wuxuu keenayaa tartan furan oo laga wada faa'iido, si ay arrintaas uga hortaagaana waxay samaynayaa koox dadka propaganda ku furta, ama ha adeegsadeen saxaafaddaan ciyaalka carrabka la' loo dhiibay, ama siyaasiyiin jeebka danbe wax loo geliyay. Waa mushkilad mirritay dawlad soo hadal qaadi karta weli ilaa iyo hadda lama hayo. Kooxaha xagjirkaa waxay siiyaan canshuur badan, madaxana waa ka dhunkadaan. Dawladdana waxay siiyaan wax yar oo miino iyo abaabul qabiil ka buuxo. Waa xigmaddii carabiga oo oranaysay Munaafaqu yeydana waxbuu la cunaa xoolo-jirkana, waa la ooyaa.
-
Samafale Walaal marka ugu horaysa is deji sanduuq aad u qadiim ah yaad weli ku qufulantahay. Nadaamka hadda ka jira somaaliya waa nadaam nagu cusub waxaana keenay towfiiq xumada dhex martay soomaalida wuxuuna nagu noqday dawlado kala madax banaan, federaal is maqal iyo kala damambayn leh wuu noqon waayay. Lama wada taliyo walaal, waxaa taliya oo qudha dadkii talada loo dhiibto, inta kalena waa shacab u baahan nabad iyo nolol. Doontii labo naakhuude yeelataa waa quustaa baa hore loo yiri ka warran haday shan naakhuude yeelato? Dawladaan farmaajo hogaaminayo waa labo jir, labo jir geel masoo celiyo cid sugaysa labaatan jirkooda ma jirto waa meerto qofkii yimaadaa waa inuu wax un dhaqaajiyaa asagoon qoslayn. baraagna puntland ka dumin maayaan, inay u dhisaan mooyee, shacbiyadoodu weli hoos ugama dhicin puntland iyo somaaliyoo dhanba. Taasi waa taas ku fogaan maayo meeshu wado aad u qdax badan waxaan ka baqayaa inaad ku kufto. Waxa u qabsoomay dawladda hadda jirata, waxaa ugu muhiimsan arrinta u keentay, in madaxda federaalku mucaarad ugu noqdaan, oo ah inaysan ahayn madax-wayne-yaal, u madax banaan arimahooda dibadda iyo masiirka qabiiladooda. Haddii aysan arrintaas ka hortagin dawladda hadda jirta waxaan u ekaanaynaa dal beec ah oo aad u liita. Usoo noqo gal mudug shalay markii la dhisay Dr.gaas wuxuu ugu yeeri jiray Gal-NUS asagoo ku qoslaya, maantana wuxuu shaahado sharaf uu asagu qoray siiyay Dr. Xaaf, asagoon soo hadal qaadin nuskii maqnaa meeshuu ku dambeeyay. Dr.gaas uma eka xaqiiqdii nin puntland iyo federaal midna wax ugu yaal waa proffessor lagu khasaaray ardadiisiina meel duur ah ku fogeeyay uguna soo tagey. Reer caabud waaq intaan ka aqaan ma jecla federaal u eg gabar kaligeed aqal qurxoon dhisatay oo ku sugaysa gayaankeed aysan af garanayn. Waxay jecel yihiin inay helaan dawlad xoog badan, oo xuduudkeeda iyo dadnimadeeda ku filan, haddii la waayana ay wax ku darsato beel ay wax ku diidi karto, wax supper power la yiraahdo mudug kama jiro waligeedna laguma arag, beesha ugu yar basbaas waa ka dhib badantahay.
-
Samafale Maamulka puntland federaal nooc gaara oo aan aduunka laga aqoon buu doonayaa Waana mushkiladda koowaad ee soomaaliya lugaha haysa aragtidayda. Sidaa daraadeed waxay diidan yihiin, in federaalku kaligeed kasoo haro, wayna u egtahay sida wax ku socdaan. Gobolada kale waa qabiilo isu tagey oo kala masaalix noqon kara xalkooda ugu dambeeyana wuxuu noqonayaa in Nin ama beel kaligeed amar ku taaglaysa aysan dhicin. Puntland waa sadexdaa jufo oo walaalaha hoose ah, xataa adeerkood uma ogola inuu iridda hore soo istaago, taasina waxay keentay inay maamul jufo uga gudbi waayaan maamul beeleed oo sool iyo sanaag ay tahriib ku tagaan. Xaaf waa miinshaar aan af lahayn mana garanayo sababta puntland usoo dhawaysanayso, meeshii laga casuumo wuu isaga dhaqaaqi, waa qaraabaynaa waa ka daacad.
-
Muuse Lokal: Axmedoow, meet me, see me, please
gooni replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa sawir aad fool-xun. Boqoradda ingiriiska hadday hor istaagi lahaayeen hubaal inay jilbaha dhulka dhiggan lahaayeen. -
Xassan sheekh m'uud, madaxweynihii hore ee soomaaliya wuxuu dhisay maamulo u eg buul aan tiir celiya lahayn oo qorax iyo dabayl midna u adkaysan karrin, asagoo qoslayana wuu iska tagey. Xaaf waxaa madaxweyne looga dhigay gobol iyo bar waxaan filayaa inay degaan 9 ilaa 11 qabiil iyo jufo aan dabka meel qudha kuwada shidan waligood. Ayadoo hawshaa xooga badan u taal yuu puntland oo hal qabiil maamulo talo u ag fariistay. Isma uusan waydiin puntland ratiga ay hogaankiisa kuu dhiibtay yaa iska leh. Hadday daacad iyo walaaltinimo kuu ogolyihiin maxay nuska ka maqan gal mudug kuugu ogolaan waayeen ama u oran waayeen, reer burtinle maanta laga bilaabo madaxweynihiinu waa Dr.xaaf ayadoo la raacayo sharciga federaalka oo aan ogolayn labo gobol wax ka yar inay federaal noqdaan. Gal mudug waxaa madaxweyne ka noqon kara nin u hogaansan dawladda dhexe sida hir-shabeele oo caqli badan ama aan ka xishoon inuu xaaqin gaaban ku nadiifiyo guri kastoo ku yaal gal mudug. Looma baahna nin remote control u noqda maamul kale asagoo tiisii dayacay.
-
Way ku saxanyihiin aragtidayda gedo ma'ahan meel lagu naf baxo. Maamulkiisu waa nooc qolqol ka talis ah oo aad foolxun tarxiil iyo caga juglayna ku haya shacabkiisa asagoo ku shaabadaynaya inay yihiin kooxaha xag-jirkaa si ay uga cararaan ganacsigooda wax barashadooda iyo xataa odayada madax banaan. Nin xaabo barkan 7 sano awoodiisana isugu geeyay inuu la dagaalamo dawladda dhexe ma'ahayn inuu iska dhigo madaxweyne wakhtiga la joogo, towbadda ilaahay ma aqbalo markay naftu lugaha kasoo baxdo.
-
Somaliland president Mujahid Muuse biixi cabdi reshuffled cabinet
gooni replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka arimaha dibadda ee snm Waa shaqo magac u yaala wax macnaa uu soo kordhin karo ma jirto, haba yaraatee. Markuu dibadda u dhoofo wuxuu qaabili jiray oday beeshiisa oo marfash ku daalay oo ay ku sheegaan safiirka u fadhiya dalkaas, waana wax khiyaalka kasii wayn. Nikaa reer laas-caanood albaabo ay kusoo daaleen bay hor istaajiyeen, waana lugooyo inteeda le'eg. -
Ceeb kama muuqato sawirkaas "rag"gacmaha isu haysta siday u samata bixin lahaayeen shucuubtooda. Snm waxaa kaliya oo neeftu ugasoo bixi kartaa aragtidayda ayagoo madaxweynahooda london ku casuuma ubax badana suuqa kasoo gada, si baalashu ugu yara baxaan, macnaha niyad ahaan baan ula jeedaa.
-
Walaalayaal Mowduucu ma'ahan gabar xoog lagu kufsaday, oo dhiisheedii dhulka lagu tuuray. Mana ahan hablo doortay inay dariiq khaldan raacaan ama nairobi ha joogeen muqdisho burco meeshay doonaan ha joogeen. Isdaafaacaan faraha badan yuusan ood qodax leh indhaha idiin gelin Arrintu waa niman aad ku tilmaanteen wasiiro oo gawaari qurxoon ka gatay sadaqadii caalamka laga helay oo ku fidnaynaya gabdhihii iskoolka aadi lahaa kana soo jeeda qoysaska faqiirkaa. beri waxay noo bar baarin lahaayeen ubad qurxoon waana inaad ogaataan dumarku waa soomaali qabiil gaara kama tirsana. Walaalayaal Hadraawi wuu amaanay asagoo alifay heestii hooyooy la'aantaa Hadana wuu hoos mariyay asagoo gubaabinaya usc HADDII XOOGGA DOORKAA CAQLI LOOGU DARI LAA ILEEN DUMAR MA DHAANSHEEN HOHEEY GEELLU MUU DIDO (Geellu waa usc, asagaa la rabaa inuu dido oo qarankiisa burburiyo) (Dumarkuna caqli maleh oo waa laysaga shaqaystaa siduu murtidiisa u dhigay). Waxaa ku xigay kii buugga ceebtu ka buuxday ka qoray hablaha soomaaliyeed oo waliba loo dabbaal degay. Dhaqanka snm'ta bidix waa mid maalinba maalinta ka dambaysa hoo usii degaya ilaa ay gunta tageen. Adinkoon yey difaacin la kaashada hay adaha aan marqaamin sida culimada iyo dadka wanaagsan Dumarku waa geed aad abuurto kan ugu qorxoon waa la dhaqaaleeyaa ilaa uu koro, oo laga ilaaliyaa cayayaanka iyo qalooca. Markaad barto diin sax ah iyo maadi labadaba waxaa laga helaa miro macaan iyo hoos qabaw. Markaas ka dib waxaa is waraysta bulsho caafimaad qabta.
-
Waa dhaqan xumo runtii hadday xaqiiq tahay Faqrigu ama baahidu waa cadawga kowaad oo bulsho yeelato dhanka dhaqanka diinta iyo dhinac kastaba. Carabtu waxay tiraahdaa (alfaqar-kufur) Waxaa nasiib daraa dadkii loogu tala galay inay gabdhahaas wax baraan si ay u noqdaan bulsho hoos ka dhisan inay ayagii duurka la aadaan ayagoo dhaqaalihii shacabka kusii fidnaynaya. Mushkilada koowaad waa jaadka oo ah maan dooriye aan waxba reebayn Hogaamiyihii loo dacwoon lahaa qudhiisii waa muqayil.
-
Waxaa jirta qisa xigmad badan oo laga hayo geel jire soomaaliyeed oo mag loosoo doontay Geeliisa iyo wiilashiisoo badan darteed bay la adkaatay inuu bixiyo qaalin geella Wuxuuna ku jawaabay qaalin geella macno ilama laha balse sumadda aan ku dhigtay yaa ka leefi doona. Waana ninka aakhirkii loo yimid asagoo duqoobay oo geed hoostiis maradiisa barkaday, wiilashiina ka dhinteen geeliina laga dhacay oo lagu yiri maanta bal warran adeer. Wuxuu sameeyay xigmad xaqiiqdii dhaxal fiican u noqon karta qof kastoo kibir galo Markii aan tabar hayay talo ma hayn Maanta oo aanan tabar hayna talaan hayaa. Maadoobe talo maantuu gaari karaa aragtidayda inta wali garkiisu madaw yahay, nairobi ha iska aado sida walaalkiis shariif xassan asagoo qoslaya.