gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Dufaan Awoowe gacaliye arrinta muhiimkaa oo aad in loo fahmo ay tahay waxaa weeyaan Siyaasadda soomaaliya waxaa la dhex dhigay 4.5 oo macnaheedu yahay adinkoo kala qabiila, oo kala shikisan, wada taliya. Mucaaradka usc waa isku beel fiqi,shakuur, salaad,calasow isku kici hakala reebin, laga yaabee in kalmadaydaas ugu dambaysa khalad ku jiro oo bini aadamka laga heli karo qof garasho dheer. Hadaba muxuu yahay dhaqankoodu? Dhaqankoodu waa inay raadiyaan inay helaan ama mustaqbalka iska sharaxaan meel burburtay oo fowdo iyo khilaaf ka daashay hay'ad dhisan aysan aysan jirrin, Meeshaasoo kale way farxad gelisaa lagana yaabee inay afar sano qosol farxad iyo iko caddayn ku dhamaystaan, waa dhaqan isbaaro ah (caado xumi caro allay leedahay) Waxaa kuusoo haray walaalaheen snm, Ratigii caato aan kici karrin yuu ka noqday koonfurtana badankoodu waxay u joogaan inay ka helaan gaadiid celis, marnaba daacadnimo iyo inay dal midaysan kula dhisaan haka sugin. Warkaan idiin sheegayo war ciyaal ma'ahan waa war nin wayn.
  2. Reer puntland guud ahaan waa macruuf waa dad faan jecel. Musharaxuna waa inuu tix galiyaa dhaqankaa soo jireenka ah. Shacabka caadiga mid qufacaya hadaad weydiiso ma gaajaa ku haysa waxay ubadan tahay inuu kuu sheego xasaasiyad iyo sanboor Shacab nool weeye waa istaahilaan inay labistaan, kii khayr ugu jiro allaha waafajiyo.
  3. Waraabe waxaa ka maqan qaybta kaydka ee maskaxda oo ilaahay ku abuuray aadanaha kaliya. Nin xun ma'ahan haduu doono snm buu hor istaagi oo ku oran karaa meesha waxba kuma haysaane dadkiina dhinac ka raaca. Way isaga qayilaan majaajiladisa Noolaha kale ilaahay ma siin garashada kaydka fekerka iwm Dareen way leeyihiin oo haddaad gubto ama disho way xanuunsan, raxmada way leeyihiin oo dhashaado lagama ag maro, Garashada baqdinta way leeyihiin way kala yaqaanaan meesha u roon oo gabaad iyo dugsi u noqon karta, Qofka quudiya way ka yaqaanaan dadka kale (subxaana-laah) Odaygaan anigu shakhsi ahaantayda waan dhagaystaa waxaana ka mid ahay dadka si fiican u dhuuxa hadaladiisa, xikmadu waxay ku jirtaa dadka waalan waa maahmaah carbeed oo sax ah. Hadaladiisa is burinaya muhiim ma aha, maadaama qaybta kaydka ee maskaxda uu ka xanuunsan yahay. Xikmadda hadalkiisa ku jirta yaan idiin fasiri aragtidayda Baarlamaanka soomaaliya waxaa ka buuxa dad kasoo jeeda W/galbeed oo u dhaartay inay soomaaliya midnamadeeda muqadas tahay kitaab ama musxafka kariimka ah gacanta saaray inay dhawri doonaan,ilaahayna been la hor istaagay. Been idiin sheegi maayee kuwa snm la jooga yaa ka mabda'a fiican, waji qudha oo la mayri karo bay leeyihiin. Motion'kan qaybtiisa ugu badan waxay ka timid nimankaas oo adeegsanaya lacag shisheeye dilaaliin macruuf ah iyo qaybta jilicsan ee baarlamaanka. Qaar ka mida mucaaradka waa dameeru dhaan raacday ma yaqaanaan farqiga u dhexeeya qarran jira oo jiri doona iyo farmaajo. Sol dadka wax ku qora labo nin yaan hadal qiimo badan noo sheegay hadda ka hor. Mid wuxuu ahaa @maskiin-macruuf. Wuxuu sheegay in jawaari loo darsan doono,wuuna ku saxnaa. @suldaanka oo noo sheegay inuusan farmaajo sanadka cusub joogayn inuu ku xilo furay iyo in kale ma sixi karo. Ma filayo inay ku talo gal ahayd inuu sirta reerka fashiliyo balse xanaaqa fadhi ku dirirkaa unbaa la yara jiidhay. Oodweyne iyo caruurtiisa kale waa jiir haan ku waynaaday jaamacadda cayda lagu barto bay kasoo qalin jabiyeen waxayna leeyihiin snm baa ka xanaaqday in itoobiya lala midoobo.
  4. Odweyne Saxiib oday hooyo caayay waa labo midkood inuu cabsanyahay iyo inuusanba nin ahayn, labadaas kee ku saxanahay? Cigaal allaha u naxariisto markii uu dhintay jaalle siyaad yaa bbc'du waraysatay maadaama u ahaa nin wakhti adag lasoo qaatay wuxuu ku jawaabay ilaahay uma naxariisto kolay jawaabtaas qof caadi ah kama imaan karin.
  5. Siyaad barre waa in wax kasta laga sheegaa sidii inuu wali nool yahay Oday biyo kulul baraf ku darsan jirayna ilaahaybuu hor joogaa ee ha layska daayo wax meesha qabta ma'aha. Mowtideena iyo mowtida muslimiinta allaha u naxariisto maxaan ku diidnay? Barwaaqo abaayo farmaajo midnimadeena iyo wadajirkeena yaa ka muhiimsan wixii nakala fogaynaya aan meel ugasoo wada jeesano.
  6. Acuudi-bilaah Qof walba wuu dhiman laakiin taariikhdiisu ma dhimato. Dhib kuma jiro in qof walba taariikhdiisa saxdaa la sheego wanaag iyo xumaan tay noqotaba. Kolay aragtidayda ajarka u socda marxuumkaas allaha uga meel bixiyee waa kala goyn iyo cadaawad oo uga tagay dad wada dhashay markaan dhagaystay dhawr khudbadood oo uu jeediyay. Khamrigu waa hooyada dambiyada qofku markuu cabbo, ilaahay hanaga koriyee, wax walba way ka suurto geli karaan, wayna dhici kartaa inay ka keento khaadim yuhuud baan ahaanayaa haddii lay aqoonsado. Sidaas oo ay tahay kuwa ducanaya oo aan cabsanayn sidaan filayo oo ay culuma ku sheegeen, yaan ka maqlay ayagoo leh aqoonsiga faataxada ha laysugu daro oo ha la ducaysto, wixii aad yuhuud iyo nasaaro ka baridaana waa isku mid.
  7. Xaaji Anagoon isu kala saarin beel beel waxaan kuu sheegayaa inuu tigreegu soomaalida bahdilay caam ahaantooda. Wuxuu aqoonsanaa lix madaxweyne oo isku awood ah mid kastaana matalo qabiilkiisa. Kan soomaaliga ah ee kilinka shanaad oo federaalkooda hoo tagana wuxuu u ogolaa inuu shaaha u shubo markii xafladda laysagu yimaado markii ay dhamaantana uu dadkiisa xasuuqo. Adeerkaa biixi Ina gaas, madoobe, sakiin iwm,waxay ka xishoon waayeen ayagoo saxaafadda hor taagan inay jacaylkooda qarsadaan. Biixi wuxuu si cad uga hor yimid inay koonfurta wada hadlaan sababna wuxuu uga dhigay tigreega xafiiskii uu siiyay oo laga xiray. Dr,gaas wuxuu sameeyay hal kudhig caan baxay muqdisho soomaaliya ma'ahan soomaaliyana muqdisho ma'ahan, oo ilaa iyo hadda wax fasira la waayay. Madoobo wuxuu isu qaatay oday amxaara oo heshiisiin kara tigree iyo oroma asagoo 5km dambas ku barkan. Saaxiib warka markii lasoo koobo waxa soomaalidu isku haysato ma'ahan see dal jira oo sharaf leh u noqonaa ee waa yaa dumaasha tigreegu ka dhintay iska leh.
  8. Wax yaabaha laga bartay is bedeladaan waxaa ugu muhiimsan jacaylka tigreega loo hayay intuu qodan yahay snm iyo caam ahaan maamulada kale!! Abey ahmed sida tigreegu soomaalida u bah-dilay way u cuntami wayday waana damiir uu yeelan karo qof kasta oo wadaniyad leh asaguba ma yeeleen in dalkiisa sidaa loo galo. balse aragtidayda way adag tahay inaad kasii jeesato gabar qurux badan oo ku rabta, doonaysana inay gurigaaga kuugu timaada.
  9. Siyaad barre Allaha u naxariisto ka hor dadku wuu koobnaa siduu Maakhir sheegay. Wuxuuna shacabku u qaybsanaa darajooyin kala sarayn sad bursi iyo qabiilaysi ku dhisan. Aqoonta waxaa loo ogolaa dad kooban oo dabaqadda sare iyo tan dhexe qaarkood ah,ayagoo wax ku baran jiray luuqado shisheeye. Dawlad sax ah oo qofka faqiirkaa kan beel ahaan la liido, kan curyaankaa, dumarka ay iska dhex arkaan waxaa ugu horaysay kacaankii barakaysnaa taasi muran kama taagna. Waxaana lagu tilmaamaa kacaankii indhaha u dilicaayay soomaalida. Tobankii sanoo ugu horaysay iyo tobankii ugu dambaysay siyaad barre nin qalbi wasakhaysan ma ahayn. Dad cararaya lama celin karo balse xoolaha waa la oodi karaa. Wuxuu ku dili jiray inay iska daayaan musuq maasuqa, tuugada, qabiilaysiga, wuxuuna jeclaa inay dahab saafi ah oo simman noqdaan, ama si kasii fudud hadii loo dhigo dadka ugu sharafta badan aduunka. Wuxuu yeeshay cadaw gudahaa oo u adeegayay dano shisheeye dadka qabiil u kala saari jiray , mar walbana jeclaa inay soomaaliya kala googo'do daciifto sida ay maanta tahay waana miro cadawgooda iyo maan-gaaba, u macaan. Nin wayn wadkiis wuu yaqaan wuu uga diggay in badan, balse asagoo hadalkii wada ama aan dhamaysan, bay mar qudha wada dhago beeleen. Waxaana ugusii caqli liita aragtidayda kuwa itoobiyaanka iyo ingiriiska jeclaaday,walaalahoodna cadaw soo jireena ku sheegaya.
  10. Wiilashaan la doodkoodu waa ka dhib badan yahay fuusto daloosha oo biyo lagu shubo Dugsigaygii sare, muqdisho, galaaskaygii sadexaad waxaa macalimiin noo ahaa oo maadooyinka ugu dhibka badan noo dhigi arday ka timid waqooyi galbeed, hal sano oo qudha unbay naga koreeyeen, been idiin sheegi maayee kuwa lafoole kasoo baxay yaa ayaga wax waydiin jiray. Maantana iska daa inay wax dhigaane ayagaa tahriibka laga ilaaliyaa oo hooyadood ag taagan tahay. Lama sheegin muwaadin darajada labaad ahaa wakhtigii siyaad barre iyo 4.5 wax ha lagu qaybsado. Maamulka snm jiilka cusub wuxuu u sheegay taariikh khaldan. Wuxuu ku riday jah wareer dhan kasta ah, ha ugu darnaato kan nafsiga oo uu ka lumiyay kalsoonidii ay walaalahood wax kula qaybsan lahaayeen. Waxayna isu arkaan inaysan soomaalida kale la noolaan karin, ama iska uruuriyaan, inaysan hogaan soomaaliyeed noqon karin mid beeleed mooyee. Taas weeyaan muwaadin darajada labaad haddaad maqasho.
  11. 93...? Fartaa ka boobtay yaan filayaa haduusan biyihii la sheegayay ku khaldamin. Si kastaba warlord soomaaliya wuxuu ka yahay geesi reerkiisa usoo halgamay, inta badana beeshu waxay ku abaal marisaa mansabka ama talada ugu saraysa oo ay awood qaybsiga ku hesho. Morgan beeshiisu aad bay u hagratay aragtidayda waa dilaa tol waayay, markii la bar bar dhigo biixi, qaybdiid, suudi iwm.
  12. Suldaan awoowe khamriga, jaadka iyo geerashaynta dhaqan siyaad barre ka horeeyay buu ahaa oo gumaystihii hore uga tagay soomaalida. Usoo noqo mowduuca Shiinuhu berigaas ma muslin buu ahaa? Muxuu sadaqo ula bixi waayay siyaad barre ka dib? Siyaad barre qudhiisu muxuu mashaariicda ula doontay waqooyi, bari iwm, oo uu garbahaarey iyo gedo oo beeshiisu degto u hareer mariyay? Mise dadka sadaqada bixiya ayagaa dooran jiray meeshay dhisayaan? Warshadihii uu dhisay way shaqaynayeen markuu muqdisho ka baxay hal guri ah kama dunsanayn soomaaliya nalku waa shidnaa Tii caanha, Tii hilibka Tii taraqqa iyo sigaarka Tii tamaandhada itop Tii mooska somalita Tii dharka Tii baastada Tii sonkorta Tii kaluunka Tii daawada Tii barafuunka Tii rinjiga Tii sibirka Tii kabista Tii korontada Tii hargaha iyo saamaha, iyo kuwo kaloo badan. Ma garanaysaa warshadahaasu goboladay ku yaaleen iyo waxtarkay u lahaayeen bulshada? Mashruucyada warkooda daa kan biyo celinta, kii bariiska la dagaalka dullinka, bacaad celinta, horumarinta reer miyiga, la dagaalanka ayaxa iyo dullinka lamasoo koobi karo. Nabad gelyo caafimaad lacag la'aan ah wax barasho lacag la'aana ilaa jaamacad Dalxiiska iyo ilaalinta duur joogta. Wasaarado tayo leh, makala garan kartaa wasaaradihii wax soo saarka lahaa iyo kuwii canshuurta lagu kabi jiray? Ma joogtay markii diyaaradaha miyigga burco loogasoo qaadayay dad iyo xoolo caato ah abaartii daba dheer ilaa dajuuma sablaale qoryoolay si ay biyo iyo baad u helaan. Taariikhdaas wali snm makaaga sheekaysay? Suurto gal ma'ahan inaad Australia jalaato ku dhuuqdo adoo ka rradan taariikhda fiican ee dalkaaga Ma dhooftay berigaas oo shisheeye ma u sheegtay dalka aad ka timid? Beesha aqoonsiga aad la doonayso mashruuc digaaga lagu xanaaneeyo ma samayn karaan sodon sano oo ay nabad gelyo jaad ku cunayeen. Markii lasoo koobo warkayga. Suurta gal noqon mayso in lays barbar dhigo, ood amxaar jiiday xaabo ka daatay, iyo geed qurux badan oo xiddidkiisu fogaa, hooskiisana, wali la harsado.
  13. Makhir1 jasakallah khayr. Mowduucaan caruurtii dhalatay kacaankii barakaysnaa ka dib way ka faa'iidayaan, kii joogay berigaas oo maanta ag taagan beeshiisa oo jiho wayday waa xaqiir aan waxba u kala saarnayn. Waxaan rabaa inaan u sheego walaalaheen ilmo snm. Hargaysa dawladnimo ma taal waa maamul laysku kabkabay, nin qabiil dhex seexday waa dareen u joog. Dawladdii aabe siyaad waxaa loo dacwoon jiray qaadi soomaali ah oo aadan garanayn gobolkuu kasoo jeedo. Maantana waa sadexda habrood midkood, caddaaladna ma taalo Wadadii uu dhisay wali xataa olyo burshaato kuma shubin waa ayadii oo sii buburtay. Qofkii shil ku dhinta waa in loo ergoodaa beeshii darawalku kasoo jeeday, wax caymis ah malaha, mana yaqaanaan si loo sameeyo. Biyaha ay cabbaan waa ceelkii uu qoday oo ilaahay u barakeeyay hal tuubo weli lagama bedelin Mashaariicda uu ka dhisay iyo kuwa ay ku kibreen afrikaa ka faa'iidi lahayd iska daa soomaliye. Maantana garbasaar cagaaran bay huwanyihiin rag iyo dumarba, calaykuma salaam waxay ku bedeleen qarranka somaliland.
  14. Nimankaan siduu aqoonsiga madaxoodu u galay, dhaqan guur aad u ba'an baa ku dhacay. Hadal ma yaqaanaan been idiin sheegi maayee caruurtaa dhaanta. Waayadii hore soomaalida kale way ugu xikmad badnaan jireen. Silaanyo ma dhaamin asaguna, balse wuxuu kaga fiicna kan iminka jooga, gabawgaa aamusiyay. Mar-mar bay warqad u dhiibi jireen uu la gariiro, markuu hurdoodana ay gacantiisa ka saaraan. Farmaajo hadduu marti yahay may la hadlaan dadkuu martida u yahay oo si hoose ugu sheegaan dhibka haysta? Maxaa keenay in nin wayn dumarka ku hor ooyo? Sidaanu si ma'ahan walaalayaal, shacabka waqooyigu waa dad qiimo badan ma istihaalaan inuu hogaan u noqdo nin fulaynimo iyo hadal xumo isku darsaday.
  15. Cadnaan sawirku wuxuu ahaa markiisii hore gabar yar oo ubax ah waxay ku badaleen waji gabar itoobiyaana oo beeraley ah Ciyaalka snm madax dhaqday afartan sano, bay qaan gaaraan.
  16. Suldaan Waalidka in dhabtiisa lagu fariisto ceeb ma'ahan. Suldaanka ma'adaa isu bixiyay mise waa kasoo jeedaa?
  17. Odweyne Marka ugu horaysa sidaan in badan kuu sheegay, aqoontaadu kor bay ka bilaabatay tiir ama aasaas hoose malahan, Dugsigii hoose kii dhexe iyo kii sare intaba waa lagaasoo bootiyay. Buug gaalo qortay yaad in badan akhrisay kuna indho beeshay waadna kusii waalatay. Qof muslin ah jaahil ma noqdo xataa hadduu miyiga ood wyne, xayn ari (adhi) ah ku haysto, wuu kala saari karaa xaqa iyo baadilka ama saxa iyo khaladka. Ingiriiska iyo reer galbeedka, caam ahaan, haddaad aqoonsi labaad waydiisato, waxaad ictiraaftay ama aqoonsatay, in gumaysigoodii xaq ahaa markiisii horaba, khaladna tahay in loo dsbaal-dego maalinta xoriyadda? Wayna sameeyeen maamulka snm 26'jun uma dabbaal-degaan, lama ogola, waxay ku badeleen 18'ka May, taasina waa waalida marqaanku keeno. Saaxiib gaaladu dhulkay kala qaybisay waa dhul soomaaliyeed intaas garashadaada geli, wayna ka xorowday nus qarni iyo dheeraad ka hor, qof kastoo caqligiisu joogo wuu garanayaa inaan qabiil la qaramayn karin. Tan aad halganka ku sheegaysaan aduunku wuxuu ka aaminsan yahay inuu siyaad barre ku saxnaa Sababtu maxay tahay? Siyaad barre wuxuu difaacayay xuduudka dalkiisa iyo dadkiisa waana waajib saaran dawlad kastoo aduunka saaran. Maraykanku asagoo gardaran buu xuduudkiisa ka difaacay ciraaq oo malyiin mayl u jirta. tusaale yar baan kuu sheegi mudane aqoonyahan. Ayadoo aadan wax aqoonsiya dunida meelna ka haysan yaad waxaad ku doodaysaa tuko raq waa xuduudka snm, oo ingiriiskii tagey yaa raashin kariyihiisii dhaxal u siiyay, waana waajib in dhiig loo daadiyo. Siyaad barre oo wadan barakaysan balaaran oo hadana xor ah ka talaniyayna dagaalkiisu xaq ma ahayn.!! Ama adaa waalan ama anaa waalan, waalidu, geedaha kuma dhacdo.
  18. House negro aragtidayda,laguma matali karo, dad soomaaliyeed oo waxna isku diidi kara waxna isku raaci kara. House negro waxaa lagu matali karaa dad xoriyadooda la siiyay nus qarni ka hor, oo wali guri ingiriis, aqoonsi, u hor taaggan ayadoo qabow ba'ani dhacayo. Dalmar1 Awoowe, snm waxay sheegtaa inaysan xoriyad ka hesheen siyaad barre, usc la'aanteed wayna u mahad celiyaan maalinta la gaaro 18'ka May Marna waxay ku sheegaan inay ahaayeen "yay" gaajaysan uu buur kasoo daadatay. See kuula muuqataa labadaa aragtiyood oo ay ka haystaan usc?
  19. Soomaalidu maxay tahay? Waa dad madaw oo ilaahay abuurtay oo isku diina isku midab ah isku luuqad ah oo hadana caato wayd ah u badan Waxay isu qaybiyeen qabiillo iyo jufooyin hoose oo si fiican isu yaqaan, hadana doonaya inay indhaha isu xanjeeyaan. Walaalayaal snm ma ahayn onlf oo kale, callan maysan lahayn ay ka taagto tuuladii ay siyaad barre ka xorayso mana aysan dhicin Waxay ahayd jabhad ku dhex jirta dumarka iyo carruuta. Waxay sheegan jireen inay diidan yihiin taliskii siyaad barre allaha u naxariistee, Biixi talaabo dheere yaa sheegay berigii uu duurka ku jiray, inay kasoo horjeedaan maamulka muqdisho, marna afkooda masoo marin, mana soo marin karin, xoriyadeena gooni isu taagga yaan jaalle siyaad ka doonaynaa. Intaas ma beenbaan ka sheegay mudanayaal iyo marwooyin? Waa nasiib daro in taariikhdii 90'kii ingiriis la waydiiyo, oo lagula murmo dadkii joogay goobta. Suldaan Erayga Guul-wade waa eray qurux badan ceebna meel kamasoo gasho. Waa qaacido dhaqanka suuban ku qotanta. Allaah, Waddan,iyo Guul-wade. Waa in ilaahay iyo rasuulkiisa la adeeco Wadaniyad la yeesho Lagana dambeeyo hogaanka iyo daxda dalka. Ardada dugsiyada waxaa la safi jiray iskoolka ay dhigtaan hortiisa Waxay akhrin jireen uguna hor marin jireen Faataxada. Waxay ku xijin jireen heesta callanka. Waxaa ugu dambayn jiray guul wadoow siyaad. Haddii da'daadu yar tahay waydii ehelkaaga oo aan filayo markay xasuustaan inay ilmo farxadeed soo dhaafi doonto kaagana sheekayn doonaan beri samaadkii. Lama sheegin aduunka makhluuq caqli alle siiyay oo hoos u dhigaya taariikhdoodii quruxda badnayd, iyo markii dalkoodu sumucadda lahaa Kuna faanaya, taariikh madaw oo gaajo jahli tahriib, iyo towfiiq la'aan ka buuxdo. Soomaali ma nihin ee somaliland baan nahay waa dhaxalkii mujaahid marqaansan.
  20. Bismi-laah maashaa allaah Reer bariga sanadkaan rag labisan baa u yimid.
  21. Ciyaalku wax dambi ah ma leh waa la marin habaabiyay taariikh aysan dhalan ama dunida joogin yaa si khaldan loogu sheegay. Siyaad barre snm waxba uma u arag mar walbana wuxuu ilaalin jiray inaan dadka wax dhibaataa soo gaarin wuxuuna la dardaarmi jiray qaybtii 26aad inay shacabkooda ilaaliyaan una turaan, taas anigaa xisaabteeda leh. Snm waxay isticmaali jireen carruurta iskoolka iyo dumarka inay dhagax tuuraan mararka qaarkoodna buuqaan, halganka ay sheegayaan oo dunida ku wareeriyeen intaasuu ahaa. Waligaa ma maqasheen ayagoo urur ciidankii dalka ah, ay dagaal isaga hor yimaadeen? ama meel la garanayo kala wareegay? ma jiro xataa waan ku riyoonay ma oran karin xiligaas. Taariikhda ay ingiriiska waydiinayaan shalay ahayd waa 90kii ka hor. Mujaahidkana waxay u yaqaanaan intii dumarka xarshin itoobiya ugasii horaysay, oo ka baqay in loo qabsado abaabulkii caruurta. Allaha u naxariisto dhamaantood rag qiimo badan yaa sawirkaa ka muuqda.
  22. 41,malyan lacag sidaa u badan ma'ahan xaqiiqdii way ka gaabiyeen dawladaan samaynta lacagta, xataa xaashi ha noqoto sida tan snm. Ganacsatada waa wayn yaa hor taagan gabi ahaan qaranimada soomaaliya waa aragtidayda ii gaarka ah. Waxay suuqa geliyeen dad ay ku sheegeen dhaqaalo yahan oo maraykanka iyo kanada machad labo sanaa ku qaatay, markii la waraystana sadex erray oo soomaaliya iyo shan eray oo ingiriis ah isugu kaaya xira, Waxay ku doodayaan,dawladdu haka fiirsato lacagtaan lasoo daabacayo waxay keeni kartaa sicir-barrar aan horay loo arag iyo abaaro wada socda. Evc, saad, iyo hawadaa beenta ah oo wax lagu kala iibsanayo halkii daqiiqo waxay ka sameeyaan malaayiin aan kontorool, canshuur iyo xad lahayn. Waxaa iigu dhib badnaa markii islaan waayeel ah oo diifaysan ii dhiibtay telefonkeeda oo igu tiri maandhow toban doollar ah iigu tuur nombarkaan waa warqad kale oo ay gacanta ku haysato wax ku qorana aysan garanayn. Cuqubadaas masakiinta laga galayo waxaa masuuliyadda koowaad qaadaya, dawladaan hadda joogta. Gabacsato aan xalaal cunin naxariis lagana dalbado. Kuwa xawaakaduhu waa isbaaro kale. waa isku sicir ribada ay cunaana waa saa'id, aduunyada kale madaxay qabsabayaan hadaad u sheegto in boqolkii doollar lix doollar lagu xawilo soomaaliya Diyaaraduhu waa la mid xagaaga iyo jiilaalka waa isku sicir aan nadaafad lahayn. Aad baan ugu farxay runtii markaan maqlay diyaarado badan yaa soomaaliya tagaya waadna kala dooran tii aad ku raacdo khidmo wanaag iyo jeebkaaga labadaba. kuwa telefonada waa la mid dhamaantood waa isku khidmad iyo isku sicir, ma isku qof baa leh? kuwa daawooyinka, dawooyinkoodu tayo ma leh kontorool ma leh sicirkooduna, waa xad dhaaf sidoo kale, waliba meesha ay ku kaydiyaan kulaykeedu kama yara 50'c 55 qiyaastii sunta daawada yaa ku dawikhaysa intaadan iibsan. Waxaan aaminsanahay dagaalka xagjirka waxaa ka muhiimsan kan ganacsatada, mana dhib yara dagaalkoodu, waa isla xag jirkii. Mar waa culumo mar waa oday dhaqameed, mar waa siyaasi, mar waa bulshada riyadkaa, nin lacag haystaa shaatiyo badan ma waayo Laakiin waxaa iska celin kara maamul adag oo qardo jeexa wixii soo baxana aan dan u gelin,ducufka dawlad kastoo dhalata ayagaa sabab u ah
  23. Odweyne Saaxiib markad nin wayn noqoto runtaa loo dhawaadaa si aadan u khaatumo seegin Reer laas caanood gebi ahaantood ma aaminsana inay soomaaliya ka go'aan taasi waa xaqiiq biyo kama dhibcaana. inta vila morgan la joogta biixi maslaxadooda gaarka ah yaa ugaysay. Shaqada laga rabaa oo ay mushaarka ku qaataana, waa inay marti geliyaan wixii snm ka aada laas caanood daafaheeda,si loo sawiro. Abti meeshaan soo fariiso ha nooga dhigin mudane madaxweyne,soomaalidu waa dad is yaqaan, oo sooryada ku fiican, mushkilad ma leh haddii saxaafaddu sawirato balse sawirka iyo xaqiiqdu isma leh.