gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Qaacidada koowaad oo dadka aqoonta leh lagu yaqaano waa xanaaq la'aanta. Ciyaarta feerka ama feedhku waa la mid, midkii xanaaqa waxaa ka luma tarkiiska ama degenaanta maskaxda waxaa la bata xargaha meesha ku oodan. Awoowe oodweyne ninka tagay ingiriisbuu ahaa mid kalaa imaanaya oo hawshii halkii kasii wadaya. Waraaqihiina gadaal uga dara sidii caadada ahayd u qaybsanaha somalia iyo somaliland, waa isla meeshii kii yimaadaba waa adeerkeen anagoo isku duuban. Su'aasha uu waydiiyay dfs sababta dad u dhintay roobowna loo xiray waa su'aal uu, u waydiin karay, xaqna u leeyahay, laakiin ma ahayn inuu xafiisyada hoose ka bilaabo. Dadka dhintay iyo xarigga roobow waxaa laga rabaa inay dfs uga jawaabto shacabkeeda sababta ay ku dhacday Dadka dhintay ma hubaysnaayeen?mise waa mudaaharaad ay ku cabirayeen taageradooda? Roobow maxaa ku qarsoon? oo ay ku haystaan? wixii ku qarsoon maxkamadu hanoo sheegto. waxaasoo dhan waa arimaha gudaha soomaalida ayagaa laga rabaa inay is waydiiyaan. Balse ma qurux badna in nin shisheeya ah iska kaa riixo oo reerkaaga ha iska maamusho adoo meesha taagan, waana sida ka muuqata aragtida snm, carabtuna ninkaas oo kale waxay u taqaan dayuus. Tijaabooyinka aduunku kuugu talo galay way badan yihiin waa layska fiiriyaa waxaan kugu haboonayn, wayna kuugu garaabi waxaysan ayaguba qaateen, xataa hadaysan afka ka sheegin. Dhakhaatiirta waxaa u sahlan inay daweeyaan qof hadli kara qof kooma ku jira hawl badan yuu ku kalifayaa. Dfs ee hadda jirta way hadli kartaa la mid ma'ahan sidii kuwii ka horeeyay oo kale, sharaf soo celintu waa dagaal ka xoog badan kan xabaddu laga dhaxlo.
  2. Cadnaan saaxiib Snm xaqiiqda kama jawaabto waa cudur waa hore ku dhacay khiyaali yaysan kugu daalin UN'ku haduu soomaaliya u aqoosan yahay labo dal kursi buu snm ka siin lahaa jabuuti iyo ruwanda dhexdooda. U qaybsanaha arimaha soomaaliya waxay gadaal uga dareen iyo somaliland waana marqaan iskiis ugusoo degay. Ujeedkooda markii lasoo koobo waa... Nin ingiriis kasoo jeeda yaa koonfurta laga cayriyay wax walba waa uga darantahay, ehelkooda dhabtaa waa ingiriis koonfurta soomaaliyana waa cadawgooda. Waxaase la yaab igu noqotay sababta gaaladu u aqoonsan la'dahay nidaamka sidaa u jecel, xataa misliyiin way u ogolaadeen inay caruurtooda dhunkadaan.
  3. Gabadhaan somaalida maraykanka waxay u tahay guul wayn magac iyo muqaal ahaanba waana u dhiiri gelin inay ka muuqdaan dalkay degeen ayagoon dhaqan guurin. Somaalida wadankii joogana waxay ka baran karaan in dad kale ka faa'iidayo caruurtoodii ay nabadda u diideen dilkana ku xukumeen. Waxaa iigu yaab badnaa sharci canada meel marisay dhawaan oo oranaya hooyada iyo aabuhu fasax way qaadan karaan haddii ilmo u dhashaan mushaarkoodana wuu u soconayaa labo sano iyo intay ku darsadaan. Taa macnaheedu waa islaanta haka ag tagin wax soo saarka badi. Dalka canada wuxuu faa'iidayaa jiil ku dhashay oo hawadooda ku anqartay oo ay wax bareen inay helaan. Odayga iyo habarta afrika laga keenay waa beer ay waraabiyaan oo miraheedana lagu xisaabtamayo Soomaalideenu markaan dhib iyo rafaad ku korino oo wax barno, ama qarax baan ku dilnaa ama xabado isbaaro laga riday yaa ku dhaca amaba waxaa loo diraa xuduudkii ingiriisku ka guu qarni ku dhawaad Soomaalidu dad soo dhaw ma'ahan.
  4. Snm hadalkooda iyo qoraalkoodu wax macnaa lagama soo qaado. Qofku markuu naf baxayo wuxuu jecel yahay inuu ku dhawaaqo wixii maskaxdiisa ugu dambaysay sida aqoonsi iyo ninka la cayriyay asalkiisu ma ingiriis baa? Ducooyinka ugu fiican muslinka waxaa ugu fiican ilaahow khaatumafa noo suubi aamiin yaa allah.
  5. Arinta ninkaan UN ka matalaya laba khalad yuu galay aragtidayda. Tan kowaad la xisaabtanka dawladda wuxuu u maray dariiq khaldan oo keeni kara fitno cusub inay u horseedo dalka, waana xad gudub weyn dhanka amniga qowmiyadda ah, ama fara gelin uusan ka fiirsan dhibka ay keeni karto. Tan labaad waa warqadda uu u qoray wasiirka amniga asagoo ka booday maamuuskii wasiirka kowaad iyo kan arimaha dibadda maadaama uu yahay u qaybsanaha qaramada midoobay somaaliya dhanka siyaasadda. Maxaa khasaara ah oo ugu jira dfs? Aragtida waa waxba UN'ka shaqaalihiisu waxay qaataan mushaarka ugu badan aduunka markay tagaan dalalka dhibku ka jiro Waxba ma karsan karaan haddaan dab shidnayn. Maxaa faa'iido ugu jira dfs? Waxaa ugu faa'iido badan oo dhaxal fiican u noqon kara dhamaan soomaalida Waxaa ka mida in aan lagu dedegin arimahooda gudaha oo loo arko dad dalkooda ayagu iska leh Waxaa ka mida in qofkii ka dambeeya odaygaan tagay uu ilaaliyo shaqadiisa oo uusan xad gudbin la imaan. Labo arimood oo dawladaanu samaysay soomaaliya sumacad wayn bay u samaysay aragtidayda Lacagtii imaaraadka iyo cayrintii u qaybsanaha UN'ka. Waa baahanahay bakhtiga loomo cuno. Arrad waa dan uskagna waa doqonimo.
  6. there is big diference we pray all for peace, and we pray for peace. Meesha laysku haystaa waa guriga garaadkaas muxtaramkaa, ma'ahan gabilay iyo burco midna. Xaqa dagaalkuna waa inaad afeef muslinimo bixisaa ataan dhiig daadan, ilaahay muslinka adag wuu ka jecelyahay kan daciifkaa.
  7. Galgaduud iyo mudug caam ahaan dagaal beeleed kuma cusba. Taariikhda reer miyigoodana nabad aqalkooda kuma ladin, waa taariikhda inta la ogyahay Waxaana dhici jirtay in odaygu islaantiisa, ku balan sado geed dugisi leh hoostiis markuu u baahdo. Qof kastaana wuu garan karaa in wiilkii halkaa ku calool galaa, uusan shiikh diinta faafiya noqonayn, in kastoo alle hadeeyo qofkuu doono qofkuu doonana baadi ka dhigo. Kaxandhaale waa xuduudka itoobiya la wadaagto soomaaliya. Xadka labada beelood waayadii hore lagu kala xadayn jirayna wuxuu ahaa, si aan dhib u dhicin wadada dheer in beelu ka degto qorax kasoo baxa beesha kalana qorax u dhaca. Waxa laysku haystaa waa qorax u dhac meeshii ugu dambaysay. Kuwa soke way ka indho adkayeen kuwa shishe waayadii hore dhaqan ahaan. Waxaana dhici jirtay ayadoo colaad xuni, jirto uu tuuladii colkiisu deganaa uu "subbag" usoo safarsado Markaad waydiiso war soo ka baqi maysid in lagu dilo ama dhib ku gaaro wuxuu ku jawaabi jiray... Aryaa ninka raggaa aa dhashaa aana dhindhaa.!! inkastoo lahjadoodii fiicnayd ay hadda badeleen oo idaacado badan furteen, hadana indho adaygoodu waa tan keentay inay kaxandhaale iyo dac-dheer kula dagaalamaan dadkii waligood degenaa. Aragtidayda dhib kuma jiro in dadka xoolo dhaqataada hayaamaan oo meeshii biyo iyo baad ay xoolahooda uga heli karaan ay tagaan, dadku waa soomaali aakhirka, xadna makala leh, laakiin taasu waxay imaan kartaa markay diinta iyo caqligu shaqaynayo. Dagaalkan wuxuu uga badelan yahay kuwii hore waxaa hor boodaya ama qaribaya, siyaasiyiin iyo ganacsato og inaysan xalaal cunin caruurtodana ku masruufin abid. Ciddii horay ugusii raacaysa xisaabta alle way soo dhawaynayaan somaalidu waxay tiraahdaa dadkaasoo kale wayso uma dhawrna Kornayl iyo ciidan itoobiyaana dagaal beeleed tuulo ka dhacay inaan lagusoo qaban karin cid kastaa way garan kartaa waliba asagoo jufo kale la safan Waa ajande siyaasadeed oo ay ula jeedaan sidii c/lahi yusuf yaa farmaajo'na, itoobiyaan adeegsanayaa. Oromada caagga ku badelanaya dharka duuggaa waa wada kornayl ayayday baan ka maqlay. Gal mudug alle unbaa nabad ka keeni kara qof nabad ka keeni karaa maanta aduunka ma joogo. laakiin waa la qaboojin karaa waxaana qaboojin kara dadka ay nabadda iyo colaadu ka go'do oo ah kuwa dhibku haysto, ugu yaraan inay sugaan inta dumarku dib u dhalayo wiilal kale. Mahad salaad iyo c/shakuur iyo fiqi caruurtooda sariir jilicsan bay ku seexiyeen Tv iyo tallaajadna way ag dhigeen qabiilka waxay ay u arkaan jaranjaro dawlad lagu dumiyo hadafkay is tuseen waa intaas Walaalaheen snm qaybta bidixda fog dad muslina oo dhintay lagama dul mashxarado itoobiya marna waa nooga sokaysaa koonfurta marna waa cadaw beek lagu xaduuqayo waa munaafaqad. Waxaa kaliya oo soomaalidu afka ka tiraahdaa ilaahaw intii dhimatay u naxariiso inta noolna cafimaad degdega sii, haday ducadaas niyadooda ka timaaddo si saxa waa horaa dagaaladu joogsan lahaayeen sababtoo ah ilaahay wuxuu daahiriyo waxaa ugu wanaagsan qalbiga asagiina wasakh yaan ka buuxinay.
  8. Hiretage...macnaheeda waxaan u fahmay soo jireen fog ama hido raac aan dhawayn Waxaan filayaa inay maal geliyaan reer galbeedka jabuutina wixii sooryo iyo casho ah ku kabto Dooda waxaad moodaa in loo qabtay dad ingiriis iyo somaali iska dhaleen, boqolkiiba 85 luuqadooda iyo fikirkoodu wuxuu ku cabiran yahay reer galbeed Nasiib darada koowaad oo jirta waxa weeyaan dad dalal kale wax bareen yaa aqoonyahan noo ah oo xalka soomaaliya lawaydiinayaa. Shacabka intiisii kale waa howtul-hamag dabka nuur la dhex istaagi karo u haysta. Erayga muqaddas cuquba wayn baa ka ratib-maysa haddaysan sidii loogu talo galay u adeegsan Hogaamiyaha dooda snm dr.bulxan waa oodweyne, Gabadhuna waa barwaaqo. Waa isku dood siday u dhanyihiin muqadas kaliyaa kuwada duuban. Doodooda waxay ka dhigayaan marka koowaad in hiretage matasho koonfurta. Dr.hadliye iyo c/kariim'na ay snm u hadli karto, maadaama snm u taliso gobalada ay kasoo jeedaan oo aysan doodda qayb ku lahayn. Arrinta kale oo ay iska indho tirayaan waxaa weeye dhabta ama runta koonfurta ka jirta. Waxay ku doodayaan intaysan labada jamhuuriyadood is hor fariisan, bal marka hore koonfurtu labada lugood meel isugu gayso oo haloo wada hadlo labo jamhuuriydood oo ingiriis iyo talyaani muqaddas ka dhigeen. Dad qabiil isu kala ooday oo ay ayagu ka mid yihiin see lugahooda meel isugu gayn karaan oo labo jamhuuriyadood u noqon karaan? waa su'aal aqoonteeda ay kasoo boodeen. Kor halaga bilaabo haloo heshiiyo sida ingiriiska irishka iyo scotland tijaabo ahaan haday shaqaysana xataa jabuuti halagu casuumo. Aragtidayda waxaa xukmanayd in dadkaa walaalaha ah wada casheeyaan waxba kama duwana fadhi ku dirirkii marfashyada yaalay Midka ugu dood liita waan ka ay leeyihiin... hebel xaashi oo ka socda hiretage Wuxuu ku doodaysa in calanka la badelo si snm loo qanciyo, oo aan laga dabo laalaadin dadkaas tashaday. Calanku waa astaan qowmiyad yeelato kan ugu quruxda badan oo aduunka saaran xataa hadday soomaalidu kala tagto wax dambi ah cidna kama gellin. Snm cidna kama daba laalaado sodon sano ku dhawaad baysan koonfurta wax maamula ku darsan cid colaad iyo dhib u gaysatayna aysan jirin Albaabkay istaagaan waxaa loo soo sheegaa inaan la kala aqoon hir shabeele waqooyi galbeed dadkoodana wax la qaybsadaan Waa snm waxa indhaha iska tuuraya koonfurta duco uma hayaan wax wada qabsi ay hurmuud ka noqon karaana ma garanayaan sida loo sameeyo Xoogoodii iyo xoolahoodii waxay ku dhameeyeen aqoonsi noqday dhaan daban-gaale.
  9. Lahjadda uu ku hadlayo xuduudka canfarta kama sokayso iyo tuli guuleedka oromadu dhacday, jubbaland buuna ka xuurtaysan yahay qarnigii 21aad oo waxba ka dhicin. Waxa meesha fadhiya wax yiraahda war naga aamus oo orod masaajidka aad, malaga waayay? wallee magac bilaash ma baxo.
  10. Qalbi-dhagax yaan soo dhawaynay anagoo isku duuban oo gardaro cadaw loogu gacan galiyay Gabdho yar yar iyo musaafur daawo doonayana anagaa jir dilnay intaanan tigreega ku wareejin sababtoo ah tigreegu waa walaalkeen noo aqoonsanaa inaan nahay qarran cilaaqaad fog ka dhaxeeyo, waa munaafaqad god lala galo mida ugu xun Wax cusub ma'ahan in puntland iyo snm shaqaalo tigree waligoodba ahaayeen koonfurtana asagaaba jooga shaqaale ugama baahnayn.
  11. الشهادة ورقه تثبت انك متعلم لكنها لا تثبت ابدا انك تفهم Waa xikmad aad u qiimo badan qofkii sameeyayna asiibay. Xaqiiqda qofka khusayso yaa la doonayaa inuu ku gar qaato, it is not trolling. Safiirku wuxuu ka dambeeyaa markii aqoonsi yimaado ka dibna wuxuu matalaa dalkiisa asagoo sharaf iyo karaamo looga gudoomo waraaqihiisa danjiro-nimo Balse hadii aad qof badeecad ama ganacsi u doontay oo ku dhoofay basaboor somali ah aad ku sheegtaan safiirka snm waa torolling sax ah iyo qar iska tuur Erayga ina gumeed igama xanaajiyo wakhtiga la joogo, beri aan ka xanaaqi lahaa way isoo martay. Soomaalida oo dhan aduunka kale waxaa looga yaqaan ilmo-gumeed. Haddii aad dariishad gaal iyo muslin istaagto oo aad tiraahdo aniga iyo caruurta iyo xaaskii yaa isku kor bakhtiyayna ha la caawiyo, soo ina gumeed ma tihid? Awoowe qiso yar yaan kuu sheegayaa Anigu qurbo joogtaan ka mid hay beri aan dhoofay meel laga shaaheeyo agteeda yaa waxaa soo fariistay nin kabo-tole ah, kamana fogayn meeshaan fadhiyay Wuxuu jawaan ama jooyad kalasoo baxay qalabkii lagu mudi jiray kabaha sida mudac, dubbe yar iyo dun uu ka diirayay taayar baabuur oo dhamaaday. Xoogaa yar ka dib asagoo shaqadiisii isu diyaarinaya yaa waxaa u yimid wiil yar oo uu dhalay sidaan filayo, wiilka waxaan ku qiyaasay ilaa toban jir Wuxuu gacanta ku wataa jeeg yar oo kuwa caanaha lagu shubto ah, wuxuu yiri aabe hooyo caanay iisoo dirtay. Odaygii si deggan buu ugu sheegay wiilkii aabe haddaan soo fariistay meesha walina waxba imasoo geline orod oo iisoo jiiree inta jeegga meesha iska dhigtid....iska tag wiilkii Isla markiiba gabar kab laalaadinaysa yaa u timid adeer ii fiiri kabtaan,,, intee? waa intaa... haye. Mid kale sidii oo kale, hadhaw yaa wiilkii soo noqday asagoo neef tuuraya oo soo ciyaaray wuxuu isugu dhiibay jeeggii caanaha iyo lacagtii Anigu shakhsi ahaan in kastoon waligay qaxooti noqon gacanna aanan xafiis sadaqo bixiya u taagan waxaan ninkaas ka bartay dhawr arimood oo macno fiican Tan koowaad arsaaqadda alle bixiyo inay kuu imaan karto xataa haddaad geed hoos fariisato Labo inay farsamadu tahay waxaad ku noolaan karto oo kugu fillan kaana korin karta gacan hoorsi Sadex in soomaalida laandheeraha sheegta "gun" yihiin oo ay sadaqo gaalna gobonimo u yaqaanaan qofkii shaqaystana "gun" u yaqaanaan. Awoowayaal xaqiiqdu waxaa weeyaan safiir, madaxweyne, qarran, intaasba waad ka been sheegteen.
  12. Safiirkeena shiinaha yaa cod muuqaala laga hayaa asagoo sii galaya aqalka shiinaha Dr.baashana, iminkuu ku mashquulsan yahay sidii qaadka miirawga ah loo gayn lahaa hargaysa Xafladdii caleema saarka ee south sudan yaa madaxweynaheena laga casuumay madax afrikaana oo badana, wuu kala hadlay qadiyadda gooni u istaagga waxayna noo ballan qaadeen in xaflad kasta oo caleemo saara lagu casuumi doono. Walaalayaal marqaanka hadduu saa'id noqdo dadka fiyow waa idinka cararayaan, ugu yaraan khiyaalka nus nus ka dhiga si ay maaweeladu usii socoto Sodon sano koonfur shaqo iskuma lahayn waa sax Aqoonsi ma hayno waa sax Nabad fiican baan haysanaa allaha noo siyaado waa sax Itoobiyo uma baahnin hadana waan ka seexan la'nahay jaceelkeeda waa sax Ingiriiskii arinteenii dib buu u dhigay intay yurub kala baxayaan waa maaweelo Marqaanka xad u yeela mudabayaal aqoonsigu waa nimco alle bixiyo wuuna idin siiyay.
  13. lubnaan nigeria kosovo lubnaan waa dad faransiisku dastuur u sameeyay kuna heshiiyay in gaalku madaxweyne noqdo siiba maaroonigga suniguna wasiirka kowaad shiicaduna baarlamaan Waa dal aad u yar mana qaybsami karo nigeria waa dad ku heshiiya awood qaybsi iskuna maamula maysan dhicin in gaaladu xoriyad waydiisato muslinka umana dagaalamin Kosovo waa meel reer galbeedku ku qayilaan muslin iyo gaalna isku si usoo dhaweeyaan. Soomaaliya gumaystihii wuxuu kasoo reebay hangoolkaas yar ee badda ku teedsan waana hantiyi waynay waa caqli xumo in snm aaminto in inta beeshoodu maamusho, yaa dahabka soomaliya laga helaa laguna aqoonsan doonaa aakhirka ayagoo iska qayilaya.
  14. Walaal gacaliye dr.odweyne mowduuco ma'ahan hablaheena sharafta badan inaan ku doodno ama u kala doodno Mowduucu waa gaal lala xidido oo aan laga qajilayn, si uu difaaco gooni isu taagga beesha. Inta badan waxaad kusoo celcelisaa gedo iyo gabdho la kufsaday. Walaal Nairobi ma tagtay waligaa? Adisababase? ma maqashay kuwo magafe ilmo saxaraha ugu dhalay? Awoowe kuwa ugu xigmadda badan markii la waraysto burco iyo hargaysay kasoo tahriibeen wayna hadlaan waa dad nool oo karti leh? Maxuu yahay farqiga u dhaxeeya kuwa kenyati kufsaday iyo kuwaas aan kor kusoo sheegay? Nabadda aad walaalkaa ugu fasnayso ama aqoonsiga ku doonaydo maad hablahaas ilkaha cas ku asturtid? Dumarku waa sharafta Nin kastaa oo muslina ku dhaarto, haddii aad hargaysa muqdisho iyo gedo ku xafidi wayday aakhirka waxaad sharaf u qaadansysaa ayadoo luntay inay kuu doodo ama gaal gacanta haysto, waana sida doodaada ka muuqata.
  15. Wada hadalku waa markhaati fur un.!! ee dad afrikaan gumaysto wada hadal loogama baahna!! Waxaan u gartay waa nala fariisteen qudha inuu hadafka snm yahay soo sidaa soo ma'ahan biyo dhacaagu? Suudaan lagama fiirin dhaqaale luuqad iyo waxaan ka bitibitisiinayso Sudaan waxaa laga fiiriyay diinta aqoonsiga ka horna waxaa saxaafadda iyo kaniisadaha loo sheegay inay adoon u yihiin khartuum oo carab muslina Hadafka koowaad oo aqoonsiga keenay waa kaas awoowe. Snm waxay ku dooday inay ahaayeen sidoo kale adoon la gumaysto xoriyaddeedana ku keentay qori caaradiis balse ay wali yihiin muslin sax ah si loo aqoonsado Ilaahay amarkii marnaba marqaanku ma tusin in taariikhdeena caalamku naga badiyo. Wada hadalka aad doonaysaan hadduu noocaas yahay jaadkiina iska cuna awoowe gaaladana u sheega inaysan aqoonsigiina ku xirin meel afrikaan gumaysto.
  16. Suudaan iyo soomaliya farqi aad u wayn baa u dhaxeeya, garaabada iska tufa walaalayaal. Dadka wax aqoonsada xafiiskoodu ma muqdishuu ku yaal? Muxuu yahay wada hadalkaan aad ku waalateen? Haddaad u sheegteen inaad soomaaliya ka xorowdeen 90kii maxay idiin aqoonsan la'yihiin? Walaalayaal waalidda waa la dawayn karaa hagoogta iska qaada oo dadkiina dhinac karaaca.
  17. Dr.odweyne Layskuma hayo markii gaaladu xoogga saartay inay dumarka iyo caruurta naga fogaystaan dhib wayn imaanayo wayna fahamsan yihiin in tiirka asaasiga ayaga yihiin. Waa iska caadi aragtida soomaalida maanta joogta in gabar soomaaliyeed gaal guursado,sababtoo ah reer galbeedka diin iyo dhaqan kama shaqayso qof walbaa asagaa u xor ah nolashiisa Soo sidaa ma'ahan doodaadu? Haddii aan garta ku siino waxay ahayd gaalka seediga idiin noqday inuusan miiska keenin wixii gabadhu sariirta ugusoo sheegtay, wax meesha qabta ma'ahan inaan gaaladii beelaha ku dhex darsano.
  18. Wada hadalka khalad weyn baa laga fahmay, muxuu yahay wada hadalku? maxaa laga wada hadlaa? yaa wada hadlaya? Jawaabta snm Waa wada hadal u dhaxeeya somaliland iyo soomaaliya. Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo kala tagi lahaa Waxaa wada hadlaya labo gudi oo labada madaxweyne, ka wakiil ah, dibna ugala noqon wixii kasoo baxa. Aragtidayda qof kastoo caqligiisu joogo wuu garan karaa in snm doonayso marfish ay ku qayisho iyo wakhti lumis Beesha caalamku haddii uu aqoonsigii u diiday una sheegay inay la hadlaan walaalahood si deggan, oo miyir ka muuqdo, macnaheedu ma'ahan koonfurtaa aqoonsi idiin haysa aada. Macnaheedu waa ka wada hadla sidii aad dalkiina oyo dadkiina u midayn lahaydeen, ugana shaqayn lahaydeen horumarkiisa. Ka wada hadla awood qaybsi isula imaada caqli bisil oo cuqdad iyo xsnaf lahayn. iska ilooba wixii idin soo maray, mar haddaysan jirinba dawladdii aad wax ka tabanayseen. Dawladdii kacaanka cid "ictidaar" ama raali galin ka bixin karta ma jirto waxaa ka nool, biixi, morgan, siilaanyo riyaale ina dafle ayaga ha la mideeyo marka hore ka dibna raali gelin ha la waydiiyo haddii tabasho jirto. Wada hadalka caalamku snm usoo diray waakaas, ma'ahan koonfurta ula taga ama aqoonsi ka waydiista, inta beeshu degto ama ha noqoto meel snm iyo amxaar ku qayilo oo ha loogu yeero jamhuuriyadda iskeed u marqaanta. Farmaajo cadaw ma'ahan waligiisna noqon maayo, kaliya wuxuu doonaya inuu snm u shido nalkii ay jaranjarada khaldan ku fuushay. Si ay ugasoo degaana, waxaana la gudboon inay ka faa'iidaystaan intaan korontadu tegin oo aysan arladu mugdi noqon mar kale.
  19. Mowduuca muhiimadiisu waxaa weeyaan. Hablaheenii daahirka oo alle karaameeyay, in loo adeegsado ictiraaf oo gaal fadareeyo waa wax shareecada iyo dhaqanka suuban ka fog.
  20. Farmaajo colaad ma abuurin sida snm u dhigayso aragtidayda. Farmaajo wuxuu gudanayaa wax kastoo qof masuula xilkiisu noqon karo. Jamhuuriyaddu haddaysan aqoonsi haysan waa inuu taliyaa kan la aqoonsanyahay taasi waa waajib asaga saaran, waxay "qoonsiga" dhibka iyo colaadda ka dhigayaana waa intaas. Waxaan fiirsaday dooda oo buuxda waxaana iigasoo baxday in snm caqligeedu soo noqonayo, si ka fiican sidii ay ula dhaqmi jireen madaxdii farmaajo ka horaysay, taasna wuxuu ku kasbaday dadaal uu sameeyay sida muuqata. Muhiim ma'ahan inay saga la hadlaan ama ay hor fariistaan, muhiimaddu waa inay dareemaan xaqiiqda dhabtaa oo ah inay ka mid yihiin dal-waynihii soomaaliya, farmaajo ka hor iyo ka diba oo aysan suurto gal noqon karin in riyo qabiil, qarran aan la aqoonsanayn lagu wado. Aqoonyahankooda qiiradii calaacalkii waa ka muuqataa balse doodoodu waa mid wax soo dhawaynaysa aragtidayda mana xuma.
  21. Xaji Madaxweyne noocee ah yaad koonfurta la doonaysaan aragtidaada,bal sifooyinkiisa mid iyo labo ma noo sheegi kartaa adigoo mahadsan?
  22. Warkaan marka ugu horaysa iska hubiya, hanfadonimo yaysan idin qaadin, walaalayaal. Marka xigta haddii ayba dhacdo inuu dhaqaalo bixiyay waa tan waqoyi galbeed xaqa ugu lahayd jamhuuriyadda federaalka, si wax looga qabto abaaraha nabaad guurka gudniinka fircooniga ah iyo tahriibka dhalin yaradeenii la haray. Mucaaradka koonfurta waxba lagama dhagaysto waa "Ri"madaxa dhari kula jirta, makala garanayaan meel dalku u socdo iyo waxa mucaarad wadaniyad leh macnihiisu yahay. Waxa laysku hayo waa dhul soomaaliyeed oo xor ah taako ka mida waa ka qiimo badan yahay malyan qof, sababtoo ah dadku wuu dhashaa oo is dhalaa, lakiin dhulku ma dhasho ismana dhalo. Adcaf al iimaan waa inuu farmaajo wax un isku dayaa wax badana wuu qaybtay runtiina waa daacad,sida la sheegayna daacadda baasto miirkaa biyo u celin kara. Snm waa naf la caari dhagaxa iyo xunbadana way kala garan la'yihiin. Waxay dantu ku khasabtay inay odoyaasha oromada u ergoodaan si ay ugala hadlaan abey ahmed, bal inuu mar kaliya neefta ku dhaggan kasoo saaro ama casuumaad ha noqoto ama qof xafiiskii tigreegu ka guuray fariista ha usoo diro. Snm caqligii waxaa ka qaaday qaadka hareerigaa marnaba xisaabtooda kuma jirto in oromadu soomaalida u taqaan hal qabiil,xasuuqooduna xaq yahay Shalay bay shayd markay laynayeen mooyaale ka hor dadka waqooyiga kasoo jeeda, umusha xataa way ka dhakhso badan yihiin aragtidayda.
  23. Wax khalad ah kuma jirto aragtidayda, inuu haddii xoog waayo xeelad lala yimaado ama dhaqaale ha isticmaalo ama wacyi gellin ha sameeyo hadafka ugu dambeeyaa waa in la helaa dal soomaaliyeed oo xuduudkiisa iyo calankiisu mid yahay Isku day kastaa, guul iyo fashilba way ka dambeeyaan kama horeeyaan.
  24. Odweyne sidii caadada kuu ahayd khalad baad fasiratay. Shacabka puntland waxaan amaan ahayn ma istaahilaan xaqiiqdii waa dad nabadda jecel isbaaradana neceb "Qab"way leeyihiin oo madaxooda ciidda uma ogola. Maamul kasta wuu la noolaan karaa hadduu noqdo kii c/lahi yuusuf oo sharta badnaa iyo kii cadde muuse oo qabawga badnaa haddii lasoo koobo waa shacab iska abaabulan oo khilaafkooda gudaha maarayn kara. Arrinta laas-caanood xallinteeda way ku guda jiraan sidaan filayo doorashada ka dib.
  25. Wax la fahmi waayo ma'ahan Soomaaliya waxaa jooga awoodo shisheeye oo aad u fara badan waxayna leeyihiin masaalax amnigooda. Waxay ka qabaan shaki maadaama uu dagaalo aad u kharaar lasoo galay khibrado badana uu u leeyahay dagaalada noocyadiisa kala duwan. Shekh shariif wuxuu ka mid ahaa maxaakiimtii Robowna qaybtii mayal adayga maxaakiimtii uga go'day waa labada nin farqiga u dhaxeeya.