gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Tilaabo Sodon sanoo snm dab afuufaysay iyo kala fogaansho soomaaliyeed aargoosi uga badan, waana dhaqan ay dadkii fiyoobaa ku talaashay. Dadkii reer awdal oo xaq darada ku dhintay iyo kuwii qaxootiga ahaa ama ganacsatadii iyo xataa shaqaalihii dawladda oo hargaysa lagu xasuuqay, xuskoodu waa ka mudan yahay kan snm aragtidayda sababtoo ah maysan hubaysnayn. Waxaa laga yaabaa inaad dhaltay 90kii ka dib, madaxana laguugu shubay in xoriyadda jamhuuriyadda ay snm keentay. l rumayso ama ha i rumaysan snm waxba maysan xorayn Waxay ahayd jabhad aan hadafkeedu muuuqan oo mujrimiin u badan.
  2. Qof naftu kasii baxayso waraysi laga gaarsiiyay intuusan dhiman xaqiiq laguma salayn karo iyo meeshuu ka yimidba aragtidayda. Haday yihiin askar mihnad leh shan xabadood meel halis ah ugama dhufteen wiil yaroo bistoolad wata. Nimankaan mayalka adag qabiilkoodu waa fikir waana tan keenaysa in aduunkoo dhan ku adkaan waayo. Xaqiiqda meesha ku jirta waxaa weyaan aragtidayda waxaan dhisanay dawlado qabiilaysan oo aan is doonayn hadana munaafaqnimo la ilmaynaya.
  3. Galbeedi Saxiib waa wax wanaagsan in lays cafiyo, oo horay loo socdo, waana daawada soomaalidoo dhan u baahan tahay. Balse waxaan marnaba meesha qaban in lafaha reer binuu-isxaaq kaliya shuhadaa noqdaan oo reer awdala lagu khasbo inay indhaha isku qabsadaan sanadkiiba mar faataxadana u akhriyaan snm kaliya.
  4. Aduunka aan ku noolnahay waligaa ku arki maysid dad ama shucuub dalkooda iyo dawladooda hoos u dhiga markay timaaddo in shisheeye la hor istaago, daruuf kastoo jirta. Qaar badan waxay garta siiyeen ugandha ayagoo ku xisaabtamaya sababta labo sano oo dhan soomaaliya u istaagi la'dahay. Qaar way calaacaleen ayagoo xasuusanaya abaalkii 78' dii soomaaliya u gashay ugandha. Qaarna dhalanteed yaa la fogaaday cid kastoo xumaan ka sheegta koonfurta waa saaxiibkood. Xaqiiqdii waa shacab layaab leh waana tan keentay inuu madaxweynaha ugandha afkiisa ka ilaaliyo koonfurta sudan. Dhanka siyaasadda aragtidayda Dalalka ciidamada u dira, dal kale waxay iska ilaaliyaan inay ku dhiiradaan, inay xumaan ka sheegaan, si ciidamadoodu u helaan dariiq ay ku kasban karaan dalka ay la joogaan shacabkiisa. Si kastoo ay u hubaysan yihiin looma ekaysiiyo ciidamo gumayste. Balse taasi waxay dhacdaa markii shacuubta ciidamadu la joogaan, wadaniyad aan ha laheeso un ahayn iyo alla abwaankaasu run badanaa. Gorillaha afrika wuxuu jecelyahay inuu dhul qrux badan ku noolaado caruurtiisa iyo reerihiisana wuu u cadaalad sameeyaa waxaana quruxdiisa sii dhamays tiray oo indhaha caalamka kusoo jeediyay aamusnaantiisa.
  5. Sadex arimood oo lagu arkay soomaaliya burburkii ka dib looma fiirsado arimo badan oo jira awgood. 1- Somaali laga codsanayo inay is dhex galaan. 2- Labo madaxweyne oo isa soo dhawaynaya oo salaan sare fuulay, salaan sharafna ka qaadanaya ciidamo soomaaliyeed. 3- Siyaasi loogu sacabinayo inuu dawladda markaa jirta lugaha qabto si meel madaw afartii sano'ba mar loogu tartamo. Tuulo kasta oo ku taal gobolada dhaxe, bari iyo waqooyi waxaad maqlaysaa suuqa RRA'da yaad ka helaysaa alabta noocaas ah oo raqiis ah. Waxa wax iibsadana waxaa u badan dumar maxaa diiday inay guursadaan?
  6. In kastoo shacabka puntland istaahilaan in la maamuuso maalintooda hadana ma qurux badnayn inay fardo iyo dawaco meel kuwada xareeyaan.
  7. Qaabkuu wax u dhaqayo uma eka nin dharkiisa dhaqanaya Qof kastoo amxaar u khidmeeya geed hoosti baaf waa loo dhigi
  8. Dalmar Adeer goboladaas si unbay noqone, inta isu tagtaan culumo caaqil iyo siyaasiba, isbaarooyinka u dhaxeeya koonfurta gaalkacyo ilaa cadaado masaafurka ka qaada oo dad muslina oo la dhex mari karo gobalada dhexe ka dhiga.
  9. Somaalidu waxay isku diiday qabiil waana tan ka dhigtay qowmiyadda ugu daciifsan itoobiya, waa dhaqan soo jireen ku dhaw oo taxan ilaa soomaaliyada fog Awoodda ay isku muquuniso waa yaa u khidmayn kara amxaarka dhexe, kan ugu dhaw yuu taladiisa qaataa msrkaas, wuxuuna ku amraa madaxa is maamulka oo markaas jira, inuu gacantiisa ku qoro warqadii uu shaqada kaga tagi lahaa. Ina illey ka hor lixdii biloodba mid cusub bay magacaabi jireen waxaana filayaa inay sidii hore kusoo noqotay. Abey ahmed maamulkiisa dumar baa u badan, nin dumar iska hor mariyayna qidhiisu meel fog gaari maayo.
  10. Markii laga tago kaftan siyaasadeedka puntland Puntland waxay sheegataa in badan, inay hooyo u tahay federaalka soomaaliya. Hooyana waxaa ugu horeeya oo laga helo waa xadaano. Xadaanadu waxay ka bilaabataa marka ugu horaysa oo ay dhugato ama eegto ilmaha ay dhashay. Puntland dhaqankeedu wuxuu ahaa sanadihii badnaa oo lasoo dhaafay hooyo aan arag waxay dhashay, mana sheegi karto wiil gabar midkuu ahaa. Eegmada koowaad ee hooyada waa dastuurka iyo maxkamadii ilaalin lahayd, oo ah heshiis isku hayn kara dalkoo dhan. Waxba kamaysan qaban arintaas, si ay ilmaheeda u korsato. Kama go'in soomaaliya inteeda kale sida snm, kumana jirto talo ahaan tayo ahaan midnaba. Shaqada ugu fiican oo ay qabtaan waa in shantii sano mar la doorto jufadii doorka lahayd. Waxaan aaminsahay dabeecadda iyo fikirka ku kooban beeshayda inuusan dal iyo dad bad-baadin karin, haddaysan la imaan hogaamiye aragti dheer oo geesi ah, iimo muuqdo odoroskayga sida wax u socdaan, balse magafe waa alle oo waan khaldami karaa.
  11. Nin dad dilay oo waashay hadaad aragto qalbigiisu ma wada xumayn markiisii hore. Qirashada ninkaan waxay ka dhigann tahay markiisii hore ma wada xumayn Lool qaarbaa ku casaaday xaraanta garan maayo waxay raaciyeene
  12. Galbeedi Aqoon beeleedkaagu shaki wayn bay i galisay, ma la hubaa inaad "Awdal" ka timid? inta badan reer bariga dagaalkooda lama garto waa noocyo badan yahay gacan ka hadalkooduna waa yar yahay. Reer mudugna markuu ag maro waad ka garan kartaa wuxuu damacsanyahay. Farmaajo hadduu reer mudug yahay way is fahmi lahaayeen C/wali balse nasiib wanaag waa reer anzaloti. La dhaqanka reer barigu shaqo sahlan ma'ahan. Farmaajo hawl badan baa kusoo fool leh markaan akhriyay qaabka ninkaan wax u bilaabay. Tan xasan sherkh Xasan sheekh mustaqbalkiisa siyaasadeed wax macnaa maleh, aragtidayda,mana filayo inuu galgal fiican ku yeelan karo gobolada sababtu maxay tahay? Shacabku wuu kala garan karaa daacad iyo danayste gobolkuu doono ha joogo. Haddii masuul lagaago dhigo shaqaale shirkadeed ama wasaarad qosolkaaga lama tuso wax qabadkaagaa la tusaa. Ka warran hadii dal dhan laguu dhiibo oo intaasoo sano burbursanaa? Dhoola cadayntaadu soo dastuurkiisa ma baal marsana? Xasan sheekh intaasaa lagu bartay sidii doono haloo dhigo Waxbuu isku waday federaslka, goboladu ma didsanayn way is jeclaayeen bitibiti. Wuxuu daciifinayay federaalka dhexe, asagoo danihiisa gaarkaa wata, madaxda goboladana waxaa usoo baxay timo aysan lahayn oo dhib badan u keenay shaqada dawladda dhexe ee hadda jirta.
  13. Geellu waa xoolo barakaysan. Shaqadiisuna ma dhib yara waxaa igu cusub maro ama tuwaal naasaha looga tirtiro intaan la lisin, waa aqoon qurbo joogtu soo kordhisay sidaan filayo Geella naasihiisa iyo digadiisu isma gaaraan, digadiisana sayntuu ku firdhiyaa haduusan xanuunssnayn markuu fadhiyana inta badan naasuhu dhulka ma gaaraan waa haybad u gaara Waxaa jira dad ula dhaqmay sidii digaagii oo meel ku xareeyay si ay dhaqaale caanihiisa uga sameeyaan magaalooyinkana ugu beec geeyaan. Waxaa igu maqala inay siiyaan buskut dhacay iwm waxay u arkaan nafaqo ay caano badan uga heli karaan taasina waxay keentaa in digadiisii isu bedesho dareere waana lagu khasbanyahay xataa in la iska dhaqo intaan la lisin. Waxaan ku arkay geel ku xaraysan oo aan sidaa usii badnayn magaalada "oog" kuray agtaagnaana wuxuu ii sheegay inuu daaqsin geeyo oo fiidkii un soo xareeyo. Iima saamixin inaan caano ka cabbo safar iyo suunka surwaalka oo igu dhuuqsanaa dartiis. Ciidda soomaalidu waa "bikro" ayadaana lagu faro xalan karaa waxaadna ku garan kartaa markii dhibic roob ah ku dhacdo udgoonka kasoo baxa.
  14. Maakhir Muwaadinka afarsano lagu noqdo waa "karam" aysan caalamka kale bixin reer galbeedka mooyee inkastoo aan la yaabo kuwa dharka dhigtay markay maqleen inay muwaadin noqdeen Carabtu waxay ku maah maahdaa (القريب يكون اديب) qofka qariibkaa waa inuu dhawrsanaadaa. islaan waayeel ah oo dhalashada ingiriiska haysata oo hindi imaaraadka qaybta socdaalka looga turjumayo, dhalasho ma ahan waa soo dhawayn ay idin soo dhaweeyeen. Sakiriye iyo jingeli farmaajo intuba waa shisheeye iyo sokeeye labadaba. waxaana ku wanaagsan mar haday madax sare iyo xildhibaano noqdeen inay ka tanaasulaan dhalashadii reer galbeedka ugana mahad celiyaa soo dhawayntoodii markaa ka dib ay ka hadlaan in muwaadinku ka xaq leeyahay ajnibiga Wax wayn iiguma muuqato bangi aan lacagu ool shillin soomaaligiina kaba suulay dalka, nin u shaqo tagay. Khadaafi imaadan fahmin saxiib Ilhaan idaacadaha layska arko yaan ka daawaaday ayadoo leh qaxooti baan ahaa maantana sharci dejiye maraykana waa tusaale Maxaa diidaya in gaalka ingiriiskaa asna muwaadin soomaaliyeed laga dhigo si uu bangiga dhexe ugu shaqeeyo? kitaabka injiilkasna lagu dhaariyo sida ilhaan quraanka kariimka loogu dhaariyay? Mise soomaalidu jinsiyadaha aduunka way qaadan karaan ayagana xataa shaqo lagama heli karo? bal noo faah faahi aragtidaada adigoo mahadsan.
  15. apo Allaha ku hadeeyo awoowe galbeed iyo bari somaali baa leh hana ku riyoon waligaa in reer meel yeesha uu horumar keeno.
  16. Awoowayaal Muxuu yahay farqiga u dhaxeeya soomaalida jinsiyadaha shisheeye haysata iyo shisheeyaha kale? Guri joogtii waxaa indho u noqday dibad joogtii, waxay doonaan bay noo akhrinayaan lamana hadli karno sababtoo ah masaariifta reerka ayagaa bixiya. Hadaad muwaadinimo u doodaysaan tuura jinsiyadaha kale oo dalkiina u shaqeeya. Hadii reer galbeedku idinku amro inaad dalkiinii ku noqotaan waan hubaa inaad oran lahaydeen asagoo dhan qaata, ee aan idinla joogno. Gaalada gacanta midigna waad ka dhunkanaysaan gacanta bidixna waad ka qaniinaysaan. Gabadhii aqalka sare tagtayna waa loo dabaal dagay, gaalkii bankiga soomaaliya u shaqo tagayna waa lagu mudaaharaadayaa. Taasi soo abaal dhac idinkuma aha? Bangiga dhexe sodon sano waxaa ku noolaa bisado jirran silsilidihiisiina waxaa loo safriyay Nairobi. Xagay ku maqnaayeen 40'kun oo dhaqaalaha bartay intaasoo sano? Mushaarka ay bangiga dhexe oo gaalka lagu haysto yaa bixinaya? Waa sax in muwaadinku ka horeeyo ajnabiga, balse yaa muwaadina? Madaxweynaha, sharci dejiyaasha dawladda, intuba waa ajaanib suurta gal noqon mayso in guri joogta lagu wareeriyo kala doorasho shisheeye Waxaa nagu maqala caddaanku way ka tuugo yar yihiin madawga dhanka aaminaadda. Anigu shakhsiyan waxaan aaminsahay in oohin kasta oo soomaali ka timaada aysan run ahayn.
  17. Apo Siyaad barre allaha u naxariisto Hadii lagu eedeeyo inuu dad somaaliyeed dhul siiyay ama dejiyay waxaadan garanayn sida xaal dhaqankiisu ahaa Buurdhuubo waxuu ku aasaasay barakacayaal ka yimid galbeed waa wadnaha gedo haday maanta yiraahdaan qabiil kalaa iska leh way ku khaldan yihiin hargaysa ilaa jalaqsi ilaa raas kabooni somali baa leh Ujeedkiisa waxaad ka garan kartaa inuusan ahayn qabiili, ee uu ahaa soomaali Baardheere haddaad adigu leedahay maxaad u leedahay anigaa iska leh? yaa kaa raray? goormaad ka guurtay? Berigii dagaalada sokeeye, dadku qaxay yaa ina cumar jees dadkii wadada ama dariiqa u galay asagoon fahamsanayn ujeedada dagaalkii usc. Waxaa u tagay odoyaal waxaana loo sheegay in dagaalku uusan ahayn in la badelo siyaad barre iyo nadaamkiisa oo uu dagaal qabiilaysi yahay, wuu fahmi waayay.! Hadaba wixii "rag"ah, la dagaalama oo ha la nabad geliyo dumarka iyo caruurta ayadana waa fahmi waayay.! Aakhirkii waxaa fahamsiiyay usc markii ciidankiisii xabadda lagu farooriyay ayagoon wali caanihii afka saarin. Sodon sano ka dib raadkii axmad madoobe yuu ka muuqdaa iyo taageerayaashiisa wali waa faham waa iyo garan waa iyo anigaa iska leh.
  18. Tolmooge adeer, Sidaad moodayso ma'ahan, xaalku wuu ka duwan yahay sida qurbo joogtu wax ugu sawiran yihiin iyo waaqiciga dhulkii ka jira. Jubaland waa sadex gobol oo laysku daray, waana gobolo ilaahay nimco badan ku manaystay, waxayna ka mid yihiin gobolada ugu fiican oo soomaalidu degto. Waa gobolo ay ku noolyihiin qabaa'iilo kastoo soomaaliya, taas macnaheedu waxaa weeyaan waxaad ka helaysaa nolol ka qurux badan, jufo magaalo wayn degtay. Adeerkaa axmad sanado badan yuu u dhaxeeyay jawaanka dhuxusha ee dekadda hor yaala iyo aqalka uu ku hoydo, oo kenyaatigu ilaaliyo, waxba kumasoo kordhin goboladaas quruxda badan, haba yaraatee Miyaad sheegi kartaa hal shay oo intuu joogay wax un ka dhaqaajiyay? Maamulkiisu wuxuu ka mid noqday naafada dayacan, ayagana dawladda federaalku way ku guda jirtaa siday u heli lahaayeen xaquuqdooda. Haku sirmin tuutaha reer miyir walaal. Waxaa laga yaabaa inay kugu noqdaan ninkii reer bariga ahaa oo bur saliidka hawadu ka buuxdo cantuugay oo yiri boowe kanu aa beentiise mid kale ma haysaa? Si kastaba dagaal sokeeyo idinka alle wiil danbe nooga dhiman maayo. Odaygaan, mid wax dhaqaajin kara waa in lagu badelaa muhiim ma'ahan sadexdaa gobol, kuu kasoo jeedo iyo beeshiisa midnaba. Waxaan rabaa inaan kuu sheego arrin ay soomaalidu wada ogtahay hadana iska indho tirayso. Farmaajo wuu ka shacbiyad badan yahay maalinkii la doortay maanta rumee ama ha rumayn. Sababtana waan kuu sheegi aragtidayda hadduu qabiilayste yahay waxay isku beel noqon lahaayeen Dr. gaas iyo madoobe oo dastuurka soomaaliya isku beel ka dhigay. Hadduu tuug yahayna waxaa la maqli lahaa islaantiisa oo afarta jardiino iibsatay, iskool banaadir'na carbuun ka bixisay. Dr.Gaas wax kale ma eersan, waana kii iska tagay asagoo dhidsan Quluubta shacabku xataa waxay dhex geli kartaa xildhibaano tuugo iyo musuq maasuq ku caan baxay.
  19. Samafale walaale puntland waxaa ka dhacday doorashadii ugu qurux badnayd oo beelu is doorato abid Waana ugu hambalyaynayaa walaalaheen, laakiin wax meesha qabta ma'ahan inay jubaland la jeclaadaan warlord isu arka hogaamiyihii kuuriyada waqooyi Tan konfur galbeed shariif sakiin nin ka takhdiid badnaa hogaamiye kama noqon soomaaliya, daciifna ma ahayn sidaas oo ay tahay duullal hoose yaa dhabarka ka taabtay waana iska tagey asagoon dhib iyo dagaal ku samayn reer KG. Madoobe hadduu doorto inuu xoog kusii joogo wax badan yaa ka halaabaya soomaaliya gaar ahaan reer jubaland waxaana u roon inuu iska lugeeyo intaysan qoraxdu sii kululaan, meeshu garoowe ma'ahan boowe.
  20. Madoobe intii tagtay asagaa ugu liita haduu isku dayo inuu jubaland god waraabihii ku celiyo mar kalena, asagoo garku ciroobay geed hoostiis waa lagu waraysan. Balse aragtidayda taasu dhici mayso idinka alle.
  21. Sidaad isu leedahay bal tuuji mowduuca suldaamadu qoreen yaa waxaad la kulmaysaa ilmo yaroo jalaato isku haleeyay warkood.
  22. Khayrkiisa kaliya allaha siiyo umadda doortay. Waxay noo sheegeen in jiil cusub oo dhalinyaro u badan baarlamaanka sanadkaan soo galeen oo is badel lama filaana dhici doono Nasiib wanaag dastuurkooda waxaa ku qoran inaysan cid aan cusmaan ahayn dooran karin sababtoo ah shan sano iyo bilo bay ka sugayeen walaalkood cumar. Dawladda puntland waxay ku labaatan jirstay sadex jufo oo abahood lasoo dardaarmay.
  23. Way niyad xumaayeen imaashihiisa ka hor ayagoo og inuusan waxba kusoo kordhinayn, hadana ingiriis yaa nasoo booqday wax wayn bay la tahay aragtidooda.
  24. 20 musharax yaa Dr.c/wali dhaliilay asagoo hor fadhiya dhan kasta Waxaa la yaab noqotay, jawaabtiisa oo aan wax is difaaca uusan meel kasoo gelin. Taas waxaa loo qaadan karaa inuu eedahaas oo dhan ku sifoobay. Xataa ma oran sidii sayid c/dille xasan waxaad iga dambaysaanba waa dayrta maanta ahe.
  25. Meeshan dagaal qabiil dib uga dhici maayo balse waxaa jirta inuu dhaqanka madoobe oo u muuqda qar iska tuur. Kismaayo kuma dayan karto garoowe waa magaalo ilaahay xaalkeeda ogyahay waligeedna ka dhici mayso in beel ku takri fasho. Suurta gal noqon mayso inay jigjiga soo baneeyaan oo kismaayo kula dagaalamaan somali kale waana caqligii onlf kula dagaalantay sbasiiniya aakhirkiina xisbi loogu taliyo xataa ku wayday. Farmaajo wax dan ah ugama jirto inuu la dagaalamo puntland iyo jubaland ayadoo beelaha muqdisho sheegtay ay ka sugayaan in meekhaanka caasimadda beeshooda lagusoo wareejiyo. Farmaajo wuxuu u baahan yahay inuu helo dad nadiif ah oo dhisi kara dalkooda iyo dastuur lagu dhaqo dadka soomaaliyeed. Haduu waayo dadkaas aan kor kusoo sheegay, wuu ogyahay sidaan filayo inaysan dagaal beeshiisu la gasho walaalahood ilmo caano dhame aysan wax faa'iido ah laga dhaxlayn.