gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Allahuma aamiin waa duco fiican suldaan ilaahoow ceebteena astur. Awoowe gacaliye sidaad u qaadatay xaalku ma'ahan waxaa ceeba in sidii caruurtii hogaamiyaha snm loogu ciyaaro Mashruuc la bilaabmi karay sanado ka hor yaa dib loogu celiyay roog cas iyo soo dhawayn waana lagu wada qancay caamo iyo culumo ceebta meeshay ku jirto waa halkaas. Waxaa la yaab leh waqooyigu wuxuu carabta u dhoofi jiray qarniyo badan ka hor Ilaa iyo iminkana la taliye fiican oo dhanka carabta odayga looma helin. Awoowe carab sideedaba ama bataatanba dad ka hooseeya waxba lama qabsato umana qabato taa adeerkaa iga gaarsii Qisada kale oo cajiibkaa oo hadaba meesha ku jirata waxaa weyaan xusbiyadii shacabka aqoonsi ku maaweelinayay sodon sano yaa ayagii la maweelinayaa sidoo kale Soo dhawayn ka fiican tan snm puntland bay goor dhaw u samay doonaan sidoo kale ha degdegin walaalo.
  2. Qaabkii madaxweynaha loo soo dhaweeyay waa wax qabad wayn oo usoo hoyotay snm carrabtu way garanaysaa in intaasu dhinac tuuri karto dad khiyaali ku nool Soo dhawaynta mutarjumka si uu sheekha ugu geeyo, wax wayn bay ka badalaysaa nafsi ahaan nin mudo suuxsanaa. Awoowe xoolaha ama hantida carabta waxaad ku leedihiin sakada, oo ilaahay ku waajibiyay, maadaama aad faqiir tihiin ayaguna hantiiilayaal, taas qudheeduna waa inuu kasabkeedu xalaal yahay. Daarta ugu dheer markay dhisayeen hargaysa dusheeda haraad baa loogu dhimanayay iyo gudaheedaba. Maantana deked balaaran oo ku dhaw 400 meter iyo wado dheer bay dhisayaan faa'iidada kasoo baxdana itoobiyaa lagu qaybin doonaa. Basaboorka snm'na way aqoonsanayaan Xoolaha jamhuuriyadana waa loo dhoofinayaa dhawaan Xookaha jamhuuriyaddu beec gaynayso xagee daaqaan? Saldhigga military oo kan jabuuti ee maraykanka ka wayn asagana way dhisayaan Halkaas waxaa kasoo baxaya Aqoonsi, shaqo abuur, soo dejin iyo dhoofin. Jiif iyo soojeedba miyaanay riyadu dhamaan? Ilaahow run uga dhig waa istaahileene.
  3. Professor juquraafiga dhiga? Waxaan qabaa dadka ay soomaalidu aqoonyahanka ku sheegaan inay wax barashada ku diri doonaan jiilka soo socda hadaysan idaacadaha iska dayn oo aysan ku ekaan inay juquraafiga dhigaan si biilku uga go'in Aragtidayda ku aadan heshiiskaan mowqifka dawladda dhinaca badda way cadaysay, wax kaloo lagu hafto meesha ma yaalaan. Balse waxa rafanaya waa dad nus gawracan isla markaana wax walba daldalool aan jirin ka raadinaya waxayna heleen idaacado ciyaal carrab la' loo dhiibay. Mucaaradnimada wadaniyadda wadata iyo tan munaafaqaddu keento isku si loogumo dhawaaqo cid kastoo caano geel cabtayna way garan kartaa ama way kala saari kartaa. Wadiniyaddu sida hargabka daka uguma dhacdo waa wax la fal gala dhiigga dhuuxa iyo naftaba, laab la kac iyo caadifadna way ka fogtahay Dhawr ceel oo badda laga helay iyo farmaajo yaa soomaalida wadiniyadeedii soo celisay mar qura waa arrin xaqiiqda ka fog. Sodon sano oo cid walba loo furay xuduud dhaqan dhaqaale, xagay soomaalidu ku maqnayd? Xagee hurdeen intaasoo sano? Kenya waxay ku xisaabtamaysaa inay wadankaan baylahdaa wax ka hesho waxaana qabaa, inay isku yaraysay hadayba afar ceel kaliya hawaysatay. Itoobiya waaba isa siisay gebigiisaba siduu u dhanyahay hogaamiye beeleedkii aan casuumaad ka helina waa hogaamiye ka liita kan beesha kale. Farmaajo abey ahmed qorraxda wuu u diiday wuxuuna dallad ku geeyay ilaa hooska, waxa beelihii kaloo dhan ka masayreena waa intaas. Been idiin sheegi maayo hadaad aragto somaali wadan jecel waa waa qof waalan.
  4. Dhul taako ka mida wax goyn kara ma jiro waa dhaxal ka dhexeeya ku dhawaad 20 malyan. Farmaajo waa nin wax u kala saaran yihiin la mid ma'aha aradaydii usc oo miiska iskasoo jiidanayay.
  5. Suldaan Saxiib hadaad khiyaalkaaga ku hayso ilaa garoowe agteeda ingiriis baa isiiyay waad iga saxantahay waad ka dhul wayn tihiin baxrayn iyo lubnaan. Balse anigu waxaan rumaysnahay in burburkii ka dib soomaalidu noqotay, beelo kala degaana, marada cagaaran oo laas caanood ka taagan haku sirmin. Odweyne Saxiib inta badan sheekadaadu waa isku mid qofkii mar akhriyaana uma baahna inuu mar labaad akhriyo. Gumaysi waan ku wada jirnaa hal qowmiyad baan nahay Gedo qori yuu isku ilaaliyaa xabashigu. Adeerkaa biixina asagoon qori lala agtaagnayn oo dhowr bilood oo qudha laga aamusay waad arkaysay wixii ilmo ka daadatay. Si kastaba qarran waad garanaysaa haddii aad jaamacadii lafoole soo martay hargaysa ciyaalka lagu qaramaynayo waa carruur indhaha laga xanjaynayo aragtidayda.
  6. Erayga qarran si aan caadi ahayn bay snm ugu tacadiday runtiina waxuu u egyahay inuu macno beeli doono hadaan si dhakhsaa wax looga qaban saxaafadana loo sheego inaysan aaska arayga qarran aysan ka qayb noqon. See qaran loogu sheegi karaa beel degta 189 km.? Wiilka ku dhashay badhaadhe markii shaqo qarran loo geeyo gabilay waa qarran run ah oo kumanaan km kusoo dal iyo dad bartay. Kan ku dhashay burco markuu wanlaweyn tago waa sidoo kale. Balse ciyaal lagasoo kaxeeyay gabilay yaa maroodi jeex la geeyay waa labo guri oo iskasoo horjeeda, qofkaan dhulka kala aqoon wuxuu moodayaa dad kala fog oo laysku daray maroodi jeex waxay u bixiyeen hargaysa sidaan filayo. Qarranimo kama aha sidaan filayo hay'adaha reer yurub yaa kula taliyay inay dhalinyarada hadaysan shaqo gayn karin ka mashquuliyaan tahriibka waa sidaan u arko aragtidayda.
  7. Waxaan ku kalsoonahay in mar un caqligoodu soo noqon doono oo diyaaradan dhagaxa la saaray shacabku ku badeli doono sawirkii siyaad barre allaha u naxariistee. Ruushka iyo shiinuhu haday muslimaan intuu siyaad barre u qabtay cid u qaban karta majirto carabna warkeeda daa. Dayac tirka ma garanaysaan macnaheedu wuxuu yahay? Waa olyo burshaato ama jidka ha la madoobeeyo bridge'kuna waa tuubo biyuhu ka baxaan oo jidka la kor mariyo. Waxaana arrintaa keenay in sidaa maskaxdooda loogu ciyaaro, qaab kale oo nin waynoo ilmaynaya loo aamusiyo yaan jirin, waxaana ka dambeeyay abey axmed sidaan filayo.
  8. Haday sax tahay oo aysan ahayn dacaayad snm soo maluuqday waa talaabo horumar leh oo puntland ku talaabsatay Caasho yar waa ka muhiimsan tahay dagaal xuduudka sool ka dhaca waana iga daacad hadalkaasu sida alle ogyahay.
  9. Reer mudug waa hore yaa ugu dambaysay mudug dadka hadda ku nool ma'ahan dadkii loogu yeeri jiray reer mudug, maamulada meesha ka jira, yaa laga rabaa inay magac kale u bixiyaan. Usoo noqo mowduuca Aadanaha hadda ku nool dunida dhamaanteed wuu is badelay dhaddig iyo laboodba. Reer galbeedka ninbaa ugu yiri anigu ilmo kuma korsane, gacanta waa inaad haysaa ilmahaaga da'duu doono ha jiro wiil iyo gabarba waxaa looga baqayaana waa banii aadam. Somaaliya qisadii iigi horaysay oo aan maqlo igana yaabisa waxay ka dhacday hargaysa markii rag lagu eedeeyay inay kufsadeen gabar lix jir ah. Tii iigu xigtay waa midaan ka dhacday gaal kacyo Hadaba su'aasha is waydiinta leh waxaa weeyaan muxuu orgiga ama wanka ariga ku jira oo caqliga lahayn ficil kaanoo kale uga xishoodeen? bini aadam ilaahay karaameeyay oo lagu amray inay malaa'igoo dhan u sjujuudo ibliis mooyee uga xishoon waayeen? Aragtidayda waa mukhaadaraadka, maan dooriyuhu wuxuu soomaaliya u galay si aan caadi ahayn noocuu doono ha ahaado Dhalinyaradii maskaxdoodu aysan awalba fiicnayna wuu la fal galay maxaa kasoo bixi kara markaas ka dib? Soomaalidu waxay ku waalanaysaa halasoo qabto abaalkooda ha la mariyo ayagoon garanayn meesha biyuhu ka imaanayaan.
  10. Abtigiis ma waxaa soo dhaweeyay wasiir snm ka socda? Asagoo xafiiskiisa ugu gayn doona madaxweynaha snm sidii safiir itoobiya ka socda !!
  11. Somaalidu waxay leeyihiin dhaqan adoon qaawan. Waxay aaminsan yihiin kii u dhaw amxaarka inuu suldaan u yahay inta kale Snm ssdf usc ssssss kuligood waxay wadankooda ku dumiyeen anaa kaa adoonsan. Waxaase iila caqli liita dhamaantood marka laysku daro kuwii noogu badiyay dhaqankan amxaarada oo aakhirkii ku qancay inay helaan xisbi adis ababa laga xukumo. Macquul ma noqonaysaa intaasoo kifaax iyo shahiida inay maanta xisbi ka baryaan amxaar? Yaa noo fasiri kara xornimo u dirirkii ay noo sheegi jireen wuxuu ahaa? Oohintii qalbi dhagax naga baxday nafaqo daradii ay nagu reebtay wali way naga muuqataa. Dadkii aan la tacaadufsanayn intaasoo sano oo dhunkashada amxaarka nooga hor maraya see loo fahmaa? Ma dhici kartaa itoobiyadaan ay u heesayaan soomaali galbeed inay raysul waasaare ka noqdaan? Xaqse ma u leeyihiin?.....Mustaxiil....!! Adoon waxaa ugu fiican kan is xoreeya maskax iyo jir ahaanba Ama kan ogolaada oo maqla sayidkiisa sida snm.
  12. Muqdisho maxay kaga duwan tahay magaalooyinka kale? Waa su'aal aad muhiim u ah Qof walbaana aragtiisu waa u gaar sida dadka wejiyadooda alle u kala duway bay ayaduna u kala duwan tahay Aragtidayda Waxaa marinkii iyo meekhaankii ay muqdisho lahayd, ka lumiyay markii beelu sheegatay 16 degmo oo aad u wayn oo isku magaalo qura ah, hadana soomaaliyoo dhan wadnaheedii ahayd ama wada dhisatay. Kow Beeshii sheegatay waxaa ku filaaday hantidii dhex taalay ilaa iyo maalinkii la degay oo wax walba lahaa, waxayna is tuseen inay dawladnimo looga maarmi karo barwaaqdaan la helay ama ha noqoto hanti guud ama ha noqoto mid gaara. Canshuur lagaamo rabo qofkii gurigiisa sheegta xabad isaga dhufo, haduu asagu doortay inuu meelaan sharci ka jirin af soomaali la yimaado. Waxaad tusaale kuugu filan ganscsatadu waa labo wajiilayaal odoyaashunu sidoo kale (ilaa man raxìmulaah) Shacabka caadiga ahna jidka la xiro wuu dhibayaa oo ayadana waxaa is-gaarsiinta looga sheegay ama ay ka maqleen in beesha kaliya la dhibayo reer boosaaso wax mushkilada haysan fooxooda iyo kaluunkoodana dabku ka damin. See loo xasilin karaa muqdisho? Walaalayaal iyo wadankaan meel fog buu ka yimid talada ha la wadaago laguma xasilin karo aragtidayda. Waxaa laysku wadaa xukun adag iyo mid qabow oo is garab socda Qofkii loo qubeeyo shukumaan baa la siiyaa waa qaacido fiican oo wax lagu wadi karo Mushkiladda ugu wayn waxaa weeyaan Matalan,dadka markii la istaajiyo meel lagu baaro oo ciidamada amnigu joogaan maxaa la waydiiyaa? Ma qabiilkee tahay? Mise gobolkee ka timid? Aabahaa magiciis? Ciidanka amniga waxaa ugu horeeya oo is bara ayaga iyo shacabka waa aqoonsi uu jeebka kalasoo baxo qofka la waydiiyay. Aqoonsiga iyo ciidankana waxaa is bara macluumaadka ku kaydsan oo aad u fara badan. Intaa hadii soomaaliya laga waayo waa duur joog bahalo dilaa ah meel ugu xaraysan tacsina laga dhamaan maayo abid. Shirkada telefonada dad gaara leh ka warran qof aan sumad lahayn haduu todoba kaar ha maalin ah gadan karo?! Dawladda iyo ayagu way kala madax banaan yihiin. Taarikada gaariga puntland snm iyo muqdisho way kala madax banaanyihiin wax xirrir amni ah kama dhexeeyo waa sedexda taariko oo soomaaliya ka shaqayso Warkayga markii lasoo koobo dawlada soomaaliya waa dawlad ku dhex jirta dawlado kale oo hadafkoodu yahay siday dhaqaalo u samayn lahaayeen ciidankooduna waa wax alle waxaan waxaan dawladnimo rabin.
  13. Allaha u naxariisto ehelkiisiina samir allaha ugu badelo Muqdisho waa meel dadku isaga xeraysan yahay sumad ma leh. Gaarigii qarxa taariko ma leh qofkii dhinta faro kaydsan ma leh telefonka qofka iyo No'kiisu isma leh Ciiddan kasta waxaa ka fiican raad raaca qof kasta lagu samayn karo. Xagee seexdaa? Maguciis? Goormuu dhashay? Ma soomaalibaa? Yaa ugu dambeeyay oo soo wacay telefonkiisa? Macluumaad faro ma laga hayaa? Way joogaan dal kastoo ku yaal aduunka dadka xag jirka, balse qof kasta sumaddiisa gaarkaa way kaydsan tahay Waana sahal in dadka amniga ka shaqeeya ay ka hor tag iyo ka daba tag labada heli karaan. Muqdisho iyo soomaaliyoo dhan hawl badan yaa ka qabyaa.
  14. Soomaalidu xikmadda iyo codkarnimada waxay u taqaan si ka duwan sida caalamka kale u yaqaan Labadaa arimood oo laysku darayna waxaa aabe u ah caqliga oo waayo aragnimo noloshu keento lagu kabo. Muuse biixi sida hadalkiisa ka muuqata itoobiya wuu ku bah-dilmay. Waxaan markhaati ka ahay inuusan oday soomaaliyeed hadalkiisa lahayn inaba. Meesha uu ka leeyahay waxaan ku niri dad is maamuli kara yaan nahay ayaguna isma maa muli karaan hadal itoobiyaan loo sheego ma'ahan. Dastuur baan leenahay koonfurta keeduna waa magac u yaal hadal oromo loo sheego ma'ahan. Markaasaad koonfurta naga dooranaysaan anagoo daris idin la ah wax walbaba idin la ag taagan waa is bah dil ay ahayd inuu ka qajilo ama ka xishoodo. Soomaalidu waa dad wada dhashay oo isku mid ah dhan kasta waa markii xaqiiqda la aado,wax kastoo ka dhexeeyana ayagaa xalkeeda laga rabaa. Waxaa hubaal ah shacabka uu hor taagan yahay oo uga sheekaynayo waxa uu kala kulmay gar-naqsigii abey ahmed inay uga lexo jeclo badan yihiin koonfurta uu ka dacwooday, xataa kuwa dega, wayna og yihiin dalkoodii iyo dadkoodii inaysan cadaw u noqon karin Aragtidayda mushkiladda xikmadda ka qaaday waxay ka timid halkii sano ee itoobiya ka aamustay Haddii maalinkii abey ahmed la doortay la casuumi lahaa sidaan wuu ka yara roonaan lahaa sidaan is leeyahay.
  15. Nimankan mucaaradkaa isbaarada ha la qaado yaa uga dhib badan "bad" soomaaliyeed baa la dhacay. Kenya cilaaqaadka soomaaliya inta uga lumaysa yaa ka badan tan ka lumaysa soomaaliya, dhanka amnigooda iyo dhaqaalahoodaba.
  16. Waa runtiis awoowe xil sare iyo mid dhexe labadaba looma ogola. Kuwa aqoonsiga doonaya, yaa qudhoodu is dhex gelin waxbana isu ogolayn. Tusaale hargaysa kuwa dhanka gabilay xigta ka dega umasoo gudbaan dhanka soke, haday yimaadaana qoraxdu uguma dhacdo. Burco waa sidoo kale way u kala qaybsantahay. Qarranka ay sheegayaan waa jufada xukunka haysata markaas. Dhanka cunsiriyadda ama hayb sooca way kaga horeeyaan koonfurta intaan ka aqaan, balse hadana wax sidaa ugusii fog ma'ahan oo wadnahooda gaartay waa wax ku salaysan masaalixdooda gaarka ah.
  17. Beelaha la hayb sooco waa ku dulman yihiin snm. Sababta keentayna aragtidayda ma'ahan nacayb gaara oo beel ahaan loogu hayo waa nadaamka meesha ka jira oo beel ku dhisan qudhiisa lagumana sheegi karo dawlad laga dacwoodo. Dawlad waxaa noqon kara dad aan jufaysnayn nadaamkoodana ku saleeya aqoon karti iyo arimo kaloo wanaagsan. Dadka la hayb sooco boqorkoodu ma ahayn inuu baal goroyo madaxa saarto qudhiisu, soomaaliya waxay uga gudbi karaan hayb sooco inay aqoonta diiniga ah iyo tan maadiga ah labada xoogga saaraan, haddii ay kusii darsadaan farsamadoodii gacantana ayagaaba aakhirka wax hayb sooci doona. Wax yaabaha iga yaabiyay oo aan somaalida cusub ka bartay waxaa ka mida Fanaanad caana oo da'wayn oo labo beelood isku haysato! Beelu maxay qiimo ah oo ku fadhidaa? Xataa hadiiba la kala sare mariyo oo la dambaabo waligay ma maqal beesha ay leedahay waan ka lumay oo barbera deggan. Kuwa magaalada sheekh deggan oo walaasheed la joogto sida ay sheegtayna, qof kastoo soomaaliya asagoo uurka hooyadi ku jira ayuu maqlay waa beel caan ah oo soomaaliyoo dhan taqaano magaalo qurux badana way ku dhalatay. Taas waxaa laga baran karaa in cunsiriyadda soomaalida lagu tirtiri karo dhaqaale iyo aqoon hadiise ay niyadda gashadaan inay ka hooseeyaan dadka kale ama qabiil kale ama xaafado gaara degaan cadaalad ka heli maayaan qabiilo kale waligood, ama qarran ha la baxeen ama reer suldaan cali.
  18. Somaliya gaas iyo batrool uma baahna aragtidayda dad geel isku dilayna dollar ku heshiin maayaan. Somaaliya ilaahay wuxuu siiyay barwaaqo dabiici ah oo ay ugu horayso hawada la neefsado Wuxuu siiyay dhul bikraa iyo xeeb dheer oo kaluun ka buuxo Wuxuu siiyay xoolo nool oo si fudud u tarma haday helaan dad caqli ku dhaqda. Waxaan xasuustaa anigoo yar markii dugsi quraanka nalagasoo daayo muqdisho inta u dhaxaysa guriga iyo dugsiga waxaan ka cuni jirnay miro dabiici ah oo ilaahay beeray, cid iska leh ama beertay ma jirin, waxay ugu yeeri jireen "murcood" waa dhanaan iyo macaan isku jira, ilaa iyo hadana dal kale kuma arag. Wadankoo dhana sidaasuu ahaa miraha laga cuno ilaahay baa noo beeray iyo dabagaale. NIMCADA HADAADAN ALLE UGU SHUKRIN, WAY SUULAYSAA. HADAAD KU SHUKRIDANA WAA LAGUU SIYAADIN ( waa sida alle noo sheegay) Arinta batroolka waxaan ka xasuustaa baaristii laanta buuro ee shabeelada hoose ay shirkadii Chevron ka samaysay nooguna bushaaraysay in gaz dabiici ah ka buuxo ilaa afgooye. Sahankii dhulka waa lasoo sameeyay waxaa lagu daray kan badda oo ay hadda sameeyeen, taa macnaheedu waxaa weeyaan dhul nimcadiisu labada wejiba loogu noolaan karo batrool iyo batrool la'aanba. Soomaalidu aqoonyahankooda iyo culumadoodu waxay ku doodayaan inaysan wali dawlad noqon loona baahan yahay in barwaaqadaan jiilka aan caqli xumada ku dhali doono meel loo dhigo oo aan laga taaban. Aduunka dadku ma wada taliyo dad baa loo xil saaraa talada ayagaana looga dambeeyaa. Siyaad barre waxay ku sheegeen kaligi taliye waxayna ku noolaayeen nolosha afrikaanka ugu qaalisan. Dawladan federaalkana oo hadda jirtana waxay talada u dhiibteen ku dhawaad 400 oo qof oo loogu tala galay inay dalka u taliyaan, waxayna doodu wali taagan tahay shirkad batroolka baarta laguma aamini karo.
  19. Jufo yar oo la yiraahdo abokor jaamac, yaa dhibka u gaystay beel cariiq ah ama reer boorame, ka dibna odoyaal baana ka fujiyay oo dhex galay si aan loosii layn waa ihaano ama xaqiraad inteeda le,eg. Lafaheena xuso kuwiinana hasoo hadal qaadinina waa ihaano kale. Waa dadka ugu nabadda jecel uguna aqoonta fiican soomaalida sida la qoray. Magaaladoodana cid looga dilo mooyee qof kuma dilin sidaan taariikhda lagu sheegay. Marnaba kama aysan hor imaan riyadaan aqoonsiga wayday si loo wada noolaado oo dhib u imaan. Dad aan dhib looga baqayn inaba, maxaa keenay in la aamusiyo oo wiilashooda aqoonyahankaa mujrimiin lagula xiro jeel madaw?
  20. Tilaabo Adeer muhiim ma'ahan in laysu jawaabo, muhiimku waa inaad akhrisaa waxaad wax ka faa'iidayso, laga yaabo adigoo iminka dafirsan inay maalin ku anfacdo. Taariikhda snm boqolkiiba 98 waa been, u badan in dadka walaalahaa lagu kala fogeeyo, aqoonsi beenana lagu maaweeliyo inta cimrigooda ka dhiman hadaysan is daba qaban. Usoo noqo mowduuca Duuliyaasha soomaalidu waxay ahaayeen muwaadiniin soomaaliyeed oo loogu talo galay inay dalkooda ka difaacaan cadawga gudaha iyo dibadaba waana shaqo ay dhaar usoo mareen Jawaabtaas waxaa bixiyay dhawr iyo sodon sano ka hor cali samatar allaha u naxariisto. Duuliye diyaarad dagaal looguma tala galin inuu dalxiisayaal qaado, mucaarad hubaysan oo dawlad iyo shacab aan arxan u galayn waa waajib in lala dagaalamo. diyaaraduhu inta badan way argagax gelin jireen cadawga oo shacabka ku dhex milnaa. Way dhici kartay meelo kooban oo ay macluumaad dhulkaa ay ka haysteen. Waa guuxa diyaaradda waxa duqaynta laguugu sheegay siyaad barre allaha u naxariistee ma ogolayn in shacabkiisa la laayo waa markhaati ma doonto. Duuliyahaan jabuuti iska dhiibay nin iskii yurub u jeclaaday buu ahaa sidaan filayo baryahaas waxaa socday kacaanka is dhiibidda yurub. Waana tan keenaysa inuu sadex habrood la muduhaaraado asagoo qaxooti ah. Waxaan xasuustaa hotel la oran jiray taleex oo tarabuunka u dhawaa yaa waxaa meel ilasoo fariistay labo nin isla markiina isla sheeko noqonay sida soomaalida caadada u ah Mid waa kornayl duuliye ah midna waa askari ilaalinaya igama qarin shaqadooda iyo midka kornaylka ah maadaama aysan labisnayn. Waxaan la yaabay sababta duuliyaha loo ilaalinayo kuwa jeneraalo ahna suuqooda u mushaaxayaan Askarigii oo aan sidaan filayo hubaysnayn yaan su'aashaas waydiiyay iyo sababtu keentay in la ilaaliyo Wuxuu ii sheegay in magiciisa la yiraahdo (hebel) oo magac caana ahaa sababta uu ilaalinayana aysan ahayn cadaw looga baqayo, taa badelkeedana uu yahay nin dalkiisa soo difaacay soomaaliduna jeceshahay siiba dagaalkii 77 waa gartay magiciisa balse wali ma helin sababta ilaalada iimana uusan sheegin si fudud. Waxaa u yimid wiil kabalyeeri ah ama adeegaha hodheelka wuxuu ka dalbaday kokolo iyo shaah askarigaa Kornaylkii wuu istaagay sidii nin suuliga tagaya wuxuuba lasoo heshiiyay kabalyeerigii inuu biyo kulul ugusoo dhex daro kokoda. Wuxuu kusoo noqday kursigiisii wax yar ka dib waxaa yimid dalabkii oo baraf wata Askarigii si degan buu kookadii u ursaday uguna sheegay inuu u keeno mid caadi ah oo aanqasnayn Wuxuu ii sheegay in cadawga laga ilaalinayo yahay biyahaas kulul daawana ugu socoto isbitaalka "xoogga" oo uu xanuunsanayo sidaana ugama fogayn hoteelka aan markaas fadhinay. Ujeedka aan ka wato sheekadan waa inaad ku barataan qiimaha geesiga dalkiisa difaaca uu ku leeyahay dawladiisa. Hadiise geesi iyo mujaahid aad ku sheegtaan nin dalkiisa khiyaamay dumarna ku dhex dhintay waa nasiib daro inteeda le'eg. Dawlad waa la mucaaradaa waana lala dagaalaa waana la badelaa balse ma wanaagsana in dhufays sodon sano isla magaaladii dhibku ka dhacay looga jiro, cuqdadna taariikh ma guurtaa laga dhigo. Intaas waa free akhriso han ii jawaabin anigu sadaqadayda mar walba waan la baxayaa.
  21. Suldaan Maadaama aad nin yar ahayd waxaa laga yaabaa inaad kala garan wayday rasaasta dhulka ka dhacaysa iyo baqdin gelinta guuxa diyaaradda. Diyaaradu, waxay duqayn kartaa hadaf gaara oo cayiman, xaafado la degan yahay oo wax ku jira aysan ogayn ma duqayn karto. Snm mushkiladeedu waxay ahayd, maysan ahayn, jabhad hor istaagi kartay dawladii soomaaliya ee markaas jirtay, waxayna inta badan la joogtay caruurta iyo dumarka, taasina waxay keentay khasaare soo gaara dadka shacabkaa siiba dagaalkii dhulka, oo nasiib daro ahayd runtii.
  22. Maakhir Waxay u mudaaharadaayaan inaan la dhicin khayraadka beeshooda. Duuliyahaan haday sax tahay waxuu sheegayo maxay snm xaflad ugu dhigi wayday taalada hargaysa hoosteeda? Waxay snm isku iyo qofkii saminaar loo diraba isku dhiibi jireen been iyo dab lagusoo dhigay yaraantoodii ama jadeeco ama cagaarshow loogasoo gubay. Reer galbeedkuna way rumaysteen sababtoo ah maysan arag waligood ciyaal cudur laga gubo Dalka beenbaa lagu burbriyay ilaa iyo hadana lam towbad keenin Xataa biixi waxaa loo diray tababar kororsi dhanka ciidanka cirkaa wuuna goostay waa khaa'inu wadan aan biyo is marin.
  23. Mucaaradku waa wax wanaagsan oo loo baahanyahay in dadku ilaashadaan dalkooda iyo khayraadka ku jira Meeshaan waxaa ka muuqata marin habaabin aan macno wayn lahayn Xog ururintu waa shirkaduhu ha ogaadaan meesha ay danahoodu dhaqaale mustaqbalka ku wajahan yahay wax walbana waxay leeyihiin bilow meel dhexe iyo dhamaad. Balse dadka mucaaradkaa qudhoodu "Data" ayay leeyihiin oo waxaa jiray nin been la qalin jiray oo oran jiray libaaxa ha layga fujiyo. Markii loo yimaado ama loosoo gurmadana dhoola cadayn jiray. Markii been lagu bartayna aakhirkii libaax runa u yimid qaylo dambana laga maqalm CC/shakuur waxaa loo haystaa inuu baddii soomaaliya iibsaday see loo rumaysan karaa inuu batrool, gudaheeda ku jira u difaacayo. Xasan sheekh intuu xukunka hayay waxaa la boobay ama la bixiyay dhulkii la oran jiray hanti guud waana tan keenaysa inuu malabsi joojin waayo. Guud ahaan soomaalidu mucaaradkeedu wadaniyad ma leh waa qabiilaysi iyo dano ayaga u gaara waana idiin sababaynayaa Waligaa arki maysid beesha hogaanka haysa markaas oo wiilkooda mucaaradaya ama kasoo hor jeeda maamulkiisa. Waa jufo kale oo soomaaliyeed oo aysan isku lahjad ahayn, waxa mucaaradku ka yimaado, haduusan doqon ahayn sida sharuucda qabiilkooda ku qoran.
  24. Dr.odweyne Saxiib waan ku salaamay, ma snm markii wax laga sheego unbaad soo toostaa? Waan kugu raacsanahay dadka gedo kasoo jeeda markay hargaysa joogaan waxba kama sheegaan snm sababtoo ah qabiil degaankiisii jooga oo hubaysan waa inaad khalad iyo saxba ku raacdaa si aan naftaada dhib usoo gaarin Kuwa reer hargaysa haday ayaguna gedo tagaan siyaad bare way u duceeyaan waa iska caadi. Balse dadka waawayn xaqiiqda way la socdaan waxaan isku haysano waa jiilkaa noo soo baxaya oo cuqdada lagu marin habaabinayo sida tilaabo suldaanka iyo kuwo kaloo badan.