gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Saalax Waa sax wax dayac tir ah maysan helin haba yaraatee, xataa kuwa hargaysa dhex mara. Balse shacabku waa dad aad wanaagsan wayna xafideen intii Aabe siyaad uga tagay allaha u naxariistee Markaad garoowe ka tagto ilaa berbera waddadu maysan burburin meelo yar yar mooyee. Berbara ilaa hargaysa ma hagaagsana balse masaafada muhiimkaa ma xuma. Koonfurta way adagtahay in biro laga hadlo iyo waddo,2019ka ama waa mucjiso inaadba aragto bir meel ku tiirsan. Soomaaliya sadex gobol baa ugu dhib badnaa dhanka wadooyinka Tan sheekh, oo dhib badan laga mari jiray Bari oo la oran jiray alxamdulilah, ayadana aad aragtay sida looga faaiiday. Gedo oo loo bixiyay subxaanallah oo aan waxba laga qaban. Intuba waa buuro iyo gaari waa qardajeex iyo dhib badnaa.
  2. Qof fahmi karaaba ma jiro wuxuu ka hadlayo.! Ma af hayeenbaa, mise ra'yigiisuu hadlayaa marka ugu horaysa? Yuu soo fariisinayaa meesha? Maxay tahay labada dawladood oo 60kii jirtay oo uu ka hadlayo? Tabashada? Tabashada marka la fasiro waa cataw ama calaacal waxaana lagu daweeyaa garaabid. Garaabidana waxaa bixiya dadkii wax dhexmareen oo kaliya. Haday ula jeedaan labo dawladood baan nahaye hanaloo garaabo waa ajadde siyaasadeed oo aad u daciifa, sababtoo ah dawladihii dhismay burburkii ka dib kama garaabi karaan waxaysan shaqo ku lahayn iyo dagaal sokeeye soo dhex maray. Waxaan filayaa khudbadda farmaajo inay aad u koobnayd macnaheeduna ahaa umadda waa walaalo, dalkuna waa mid taas haloo wada hadlo, meelna xanaf iyo xumaan kagama jirto. Snm kii marqaama hadii saxaafaddu ag fariisato waxaan la fahmi karin yuu la imaan waana mushkiladda jaadka laga dhaxlo.
  3. من لا يشكر الناس لا يشكر الله Siyaad barre allaha u naxariisto, zaciim buu ahaa, wadadaas waa dhisay, waxayna ahayd meesha ugu khatarta badan gayiga soomaalidu degto la'aanteedna labo jamhuuriyadood bay kala ahaan lahaayeen maabta goboladaas ay isku xirto. Shaqada halkaas gashayna waa shaqo cajiib ah oo aad la yaabayso sida buurta loo dhex mariyay wadada Sanad ka hor baan maray nasiib wanaag wadadu ma brburin waxayna dhex martaa dhul aad qurux badan, xaqiiqdiina waa shacab wanaagsan way xafideen intii tabartood xaqiraadna ma istaahilaan kuwa hadda soo sawiray waa dadkii xafitay. Koonfurtana waxaan ku arkay qaar god ka dhex qodaya wadada, si ay "jay" ama dhagaxa quruuraxa ugala baxaya oo dib u iib gaynaya, hadaad wadadaas martana labada kalyood waa in lagaa badelaa. Waxaase la yaab leh waxaan u qaatay inay leeyihiin waxaa lagu dayac tirayaa bridge jabay, imaaraadkii ay gacanta ka dhukanayeen biro kale xataa maka waayeen?
  4. Suldaan ugaas Professor'da qaar baa quraac ugu geeyay ciidamada snm jiidda hore ee cadawga soomaliya, ay isku hor fadhiyaan, bilaash qofna wax uma bixiyo saaxiib. Intaadan badeecadaada iib gayn waxaa la sameeyaa marketing ama suuq gayn marka hore, hadiyado badana waa la bixiyaa, si badeecadaada loo barto. U malayn maayo inay maraykanka uga yimaadeen inay jamhuuriyadda fii sabiili laah uga shaqeeyaan. Balse caqabada ugu wayn oo hor taala waxaa weeyaan dastuurka snm firqadiisa kowaad waxaa ku qoran in hogaanka ugu sateeya ay leeyihiin beelihii soo halgamay ayadoo waliba qaar daaqadda laga tuuray oo ay duurka galeen beelaha soo harayna xaq waxay u leeyihiin in la wado oo aysan waxba wadi karin marka laga reebo kuwo dharbaaxada ogol haday codkooda kor u qaadaan. Nimankaan soomaaliyadii laga jeclaa way kusoo fashileen xaq bay u leeyihiin inay snm la gurguurtaan waana ka cadho dhawyihiin islaan walaca.
  5. Awoowe gacaliye, Dhaqo ceeb maleh hadaad taxi wado iyo hadaad kanguru u qubayso, shaqadu waa masdarka quudkaaga, waana lagu qancaa wixii alle kuu qoondeeyay, muhiimadu waa in kasabkaagu xalaal noqdo waligaa shaqo hoos ha u dhigin. Usoo noqo mowduuca Marka ugu horaysa soomaalida waxaa ku yaraa professor'da waxaana loo buunbuuniyay dhawrka jooga si aan caadi ahayn ayaguna waxay isla tageen todoba samo tan ugu saraysa. Markii loo dhiibo microphone oo wax la waydiiyo meesha ugu horaysa oo ay gacanta saaraan waa laabtooda Waxayna ka bilaabaan erayga "aniga" wixii ay soo gudbin lahaayeen oo dhan waxaa dhamaysta is xayaysiintooda. Mushkilada professor'deena haysta waxaa kow ka ah qabka saa'idka ah taasina waxay ku keentay inay u muuqan waydo meesha ay fadhiyaan waxay tahay. Haddii ardayda mid ka mida waydiiyo maxaa idin fariisiyay dambaska snm cashada ku katsatay waxaa dhici karta inay xanaaqaan oo kursiga ka faniinaan. Aduunka professor'da ka jira tawaaduc ama isla waynaan la'aan bay leeyihiin wax vadana waan soo arkay. Qaar baadan ogaan karin aqoontooda sanado badan lagana yaabaa inay meel hoose kula fariistaan ama meel dhexe iyo meel sare intaba, waana inta mujtamaca ay wax u barteen ka koobanyihiin. Ilmo samatar marna ayagaa is faaninaya marna maraykanjaa aad ula weyn ilaahay baa wayne. Wuxuu ku leeyahay gurigayga waxaa yaal 6000 oo buug aqoontiisana digaag laguma quudin karo. Intaasoo sano bay idaacadaad furto iyo tv'gaad daawato ka maqlaysay ama aad ka arkaysay ma maqashay waxay soo kordhiyeen aan ka ahayn aragti aad u hosaysa iyo kala qaybin waxaan ahayn. Shahaadadoodu waa sax ayagaana qaatay lagumana haysto balse cadayn mayso inay wax walba fahmi karaan. Professor galayr, ma hadal badna sida kuwa kale balse nimanka cashada u sameeyay maysan ahayn inuu socond caass citizen ku sheego dawladii kacaanka, CV'ga lagu qiimeeyo intaysan madaxweyne u noqon snm waxaa ugu horeeya dawladii hore muxuu kasoo noqday. Si kale inuu wax u qalqaalsadaa igala fiicnayd intuu meeshaas mari lahaa. Middeeda kale nimankaan u malayn maayo boos ama mansib ay ku qanci karaan inay snm wali yeelatay. Wasiir snm? Agaasime guud? Safiirada itoobiya iyo imaaraaka? Yaa malayn kara booska ay u qalmaan nimanka ilaahay aqoontaas siiyay?!!
  6. Dalmar haduu daacad yahay kuwii gurceel gabadha yar ku kufsaday buu ka bilaabi lahaa, cadaaladay heshay Waan dhagaystay waraysiga aabaha wuxuuna u ekaa nin aan cadaalad helin Aqoontayda reer mudug jufo yar iyo mid kalaba dilidda in nin gabar loo dilo way ku yar tahay ama maba dhicin Taasna waxaa keenaya colaadaha aysan ka bixin waligood dagaaladana "rag" bay ku xisaabtamaan dumar kuma xisaabtamaan Dhacdadaan way ka duwan tahay wixii horay uga dhici jiray mudug waa arrin ku cusub Marka hore gabadhu waa saqiir aan qaan gaarin marka labaadna qaar ka mida dadka dhibka u gaystay rixim dhaw bay la ahayd sidaan maqlay waana qiso kaloo la yaab leh. Tan sadexaadna jir dil, kufsi iyo naf goyn bay isugu dareen. See loo wajihi karaa Aragtidayda waxaa loo dili karaa ninkii dilay oo nafteeda gooyay, kuwa kalana xabsi dheer waa sida ugu dhaw aragtidayda allena raali ka noqon karo.
  7. Aqoonsiga iyo buunka qiyaamuhu isku mar buu dhacayaa sida muuqata, saaxiib aad baana uga xumahay inaan idin niyad jabiyo balse waa sida uu muuqata. Koonfurta oo dhib ka jiro iyo ayadoo hagaagta kee aqoonsiga u roon? Berigii ay snm siyaad barre la dagaalamayeen, maxay u qarsadeen inay doonayaan gooni isu taag? Soo macno fiican maanta ma samayseen dhanka aqoonsiga ama looma arkeen dad xoriyad usoo dagaalamay, haday horay u sheegi lahaayeen ajandaha dagaalkooda? Macquul ma noqon kartaa in dagaalkii lagu diidanaa siyaad barre loo badelo xoriyad gooni isu taag 90kii ka dib? MP hadlaya waa nin wayn wuxuu ogyahay xaqiiqda jirta, nin wayn wadkiisa waa yaqaan. Waligiin inta shir qabsateen culumada beesha siyaasiyiinta, qurba joogta haweenka iyo dhalaanka ma ducaysateen? Talo iga gaarsii dadka wax garadkaa iyo ciddaan waxba garan labadaba. Ducadu waa muhiim waxaad ku ducaystaan inta beesha laysugu yeero, ilaahow haddii khayr noogu jiro koonfurta naga furfur, haddii uusan khayr noogu jirina nala midee. Xaqiiqdii ducadaas way ka fiicantahay inaad yuhuud iyo nasaaro hoos galgalataan sodon sano iyo dheeraad. Dr.biixi wuxuu ku qudbeeyay dawladaha aan saaxiibka nahay yaa kuwa tunka wayn nagala hadli doona si naloo aqoonsado. Sheekadaas intee habeen baa la qayili karaa aragtidaada? Halkaas soo quus kaagana muuqato? War ninyahow ma doonayo inaan ku daaliyo iyo inaad ii jawaabto midna waxaan doonayaa oo kaliya inaad shaydaanka iska naarto caadina iska dhigto riyadaan sicir barar baa laga qaadayaa Jid ama waddo markaad qaado oo aad ku daasho, geesaha la fiiryaa waxaa laga yaabaa inaad aragto geed hoos macaan oo aad ku nasato iyo dad fiican oo ka ag dhaw, kuuna sheega wado ka dhaw midaad kusoo daashay, lamasii maqiiqnaado.
  8. Waxaan hubaa inaysan jirin cid second class citizen ahayd, dawladii kacaankii barakaysnaa ciyaalkana been buu u sheegay. Siduu ku doodayo hadii la raaco sidee suurta gal u noqonaysaa khaatumo beel bay isu dhiibtay madaxadeena ciidda uma ogola.?!!
  9. Galbedi Maamulka snm ciidamo ha u diro koonfurta iyo sidaanu wax la fiirsan karo ma'ahan waa kaftan, laga yaabee inaad oodweyne buur uusan kasoo degi kari saarayso. Snm labo jufo oo ceel afwayn ku dagaalaanta ama meel kalaba ciidan ku filan uma hayso, xaqiiqda kursiga jilicsan fadhigiisa iyo kan looxa ka samaysan waa kala labo. Snm waxaa lagu tuhmi karaa caqli maadaama ay ku noolaayeen nabad galyo mudo fara badan balse xoog iyo ciidan meesha haba keenin. Waxaa u furnaa albaab aad u wayn oo ay ku oran kareen war dalka aan u talino iyo hargaysa ha noqoto madaxii dalka waan hubaa in wax un kasoo noqon lahaayeen Balse nasiib wanaag caqligoodii iyo maalkoodii waxay isugu geeyeen fuusto daloosha buuxinteed. Tan dhiig joojinta koonfurta. Aragtidayda lagama yaabo in xagjir iyo dawlad, maxkamad leh, oo kii qarax gaysta ku sheegaya ina caasho raage, ku dhashay ceel-juqow, una furantahay rafcaan, taasu dagaal ma'ahan waa dhiiri gelin aragtidayda. Dagaalka fikirka waxaa baabi'in kara fikir kale sida ciraaq, oo niman maro cagaaran madaxa loogu xiray laga horgeeyay, maantana askatoodu jidkay seexataa aysgoon wax baqdin ah qabin. Somaaliya iyo Afghanistan waxaa loo sheegay inay xaquuqul insaanka dhawraan dadkii ka dhintana ay aas qarran u sameeyaan. Waxaa kuusoo haray siyaasiyiinta reer gurceel haddii loo dhiibo talada dalka waan hubaa inaysan waxba soo kordhinayn aan ka ahay dhul boob iyo suuq madaw. Wakhtigii qabiilku awoodda lahaa waa laga gudbay reer (mundul) haday waxay toosin karaan sodon sano yaa la ag fadhiyay. Arrinta ugu muhiimsan waxaa weeye dal dagaal ku jira haddii aad qabiil kusii kala qaybiso intee buu fogaan karaa? Wayna muuqataa sida qoraxda shayga kaliya oo qalbiga snm iyo usc farxad gelin kara waa inay arkaan dad dhintay oo laamiga daadsan, si dawladda loo dhaliilo Qaybta usc, gar bay leeyihiin, waxay ku doodayaan ratigaan sodon sano aan ku kicin waynay macquul ma'ahan inuu labo sano ku istaago. Qaybta snm waxay ku doodayaan aqoonsigaan ku tiir iyo tacab beelnay markaan is lahay mirihiisii gurta yaa naloo sheegay inaan gal-mudug ag fadhiisano. Warka marka lasoo xooriyo saaxiib arrintu waa qabiilaysi, qabiilna iskama celin karo fikir mayal adag ha u fadhiyin. Maanta handbrake ii jiid aniguna beri, waa xaqiiqda taal soomaaliya iyadoon korka laga salaaxayn. Tusaale C/lahi yusuf wuxuu doorbiday inuusan beel marti ugu noqon muqdisho taa badelkeedana uu itoobiyaan walaal ka dhigto (u fiirso halista meeshaas ku jirta) Farmaajo wuxuu doortay beel ka baxsan xayndaabka muqdisho ootay waxaadna ka garan kartaa cabaadka ka baxaya ayagoo dhamaantood afhayeen u wada noqday shabaab. Warkayga akhriso saaxiib maxay tahay D'irta 2019 boodhka laga jafayo ayadoo bishii ramaadaan soo dhawdahay?
  10. Barnaamikaan Al- jazira, markii lasoo koobo ujeedkiisu waa dagaalka dekadaha. Oo macnaheedu yahay sidii imaaraadku u kontorooli lahaa dekadaha geeska afrika si aysan u dhicin wax la tartama. Arrinta kale oo muhiimkaa waxaa weyaan jabuuti waxay gabadha wariyaha waydiisay, su'aal muhiim ah oo ahayd. Haddii shirkada imaaraadku idiin soo bandhigtay heshiis qoraal ah, oo ay ku taal 50 sano inaydaan waxba ka qaban karin dekadihiina, cid kalena heshiis la geli karin maxaad u saxiixdeen heshiiskaas markiisa horeba??? Jawaabtiisu waxay ahayd dawlada yar baanahay waana naloo hoos geliyay heshiiska, dib baan ka ogaanay inay ujeedku ahaa dalka iyo dadkaba in shirkad gacanta u gasho. Khalad dawladu gasho wax sahlan ma'ahan aragtidayda gudi aqoonyahan, baarkamaan ilaa dawlad, madaxweyne see looga waayay qof garta khidadka meesha ku jira?! Midaan snm iyo Eritrea imaaraadku waa boos celis uu doonayo inuu saldhig ka helo ayagana ku maaweeliyo mashruuc u badan dhar bixin iwm ama qawda maqashii. Sababtuna waxaan ku qiyaasayaa madaxweynaha Eritrea waa nin aan laysku halyn karin oo go'aamo fudud, cid kaloo uu talo wadaag layahayna aduunka ma joogo. Snm waa ilmo yar oo aan kursi fadhigiis qaban karin, waa gobol soomaaliya ka mida oo aan wali la aqoonsan sharciyad 30 sano iyo 50 sano midna ma heli karo Boob iyo dhacna ma jirto dawlado u bareeri karta. Dhanka koonfurta waxay ku leeyihiin cumalaa ama daba-dhilfyo u adeega, balse tooshka ku shidmay mid la damin karo ma'ahan joogista farmaajo iyo tagistiisaba.
  11. Siilaanyo nin gabow la hurduu ahaa u malayn maayo inuu wax ka ogaa dilaaliinta iyo wax lakala macaashayay midna.
  12. Dad inkaar qaba laga waayi maayo aduunka odaygaa 80 jirkaa waxaa dhici karta inay biyaha wax ugu dareen.
  13. Awoowe garaadka qofku asagoon markiisii horaba fiicnayn hadii aqoon aan geli kari lagu shubo, waalli buu ka qaadaa. Aduunka waxaan ugu jeclahay shakhsiyan inaan arko nin reer waqooyi ah oo wadani ah oo u taliya soomaaliyoo dhan si farqiga iyo cuqdaduba nooga baxdo dal iyo dad isku mid ahna la helo,waadna soo aragtay qiimaha ay lahayd berigaad jaamacadii lafoole u kalihi jirtay. Soo siyaad barre ma dhiman waa hore hadiiba uu dhib jiray sidaad sheegateen? Markaad aragto odoyaal godkii talaabo u jira ama ka yarba, oo ku doodaya cadawgeenii baa halka soo fadhiya, cadawgeena meel aan ugasoo wadajeesno, cadawgeenu wuu nagu farxayaa, cadawgeenu qaranimo uma ogola beesheena, dhaqaqankaas iyo dhaqaale wada socda oo dadka lagu kala fogeeynayo yuhuudaa iska leh wax soomasli shaqo ku leedahay ma'ahan. Yaa cadaw u ah waqooyiga bal is waydii inta keligaa meel qabaw fariisatay? hadaad qayishana dhawr laamood soo qaado ha iska badin si aadan isugu dhex yaacin Awoowe dadka waan kala aqaan intii igu fillan, shacabka soomaalida waxaa ugu qalbi fiican uguna daacadsan reer jabuuti darajada labaadna waxaa gelin lahaa waqooyiga. Tan sedexaad inteena kale aan isku qabsano Hadii aqoonsigii la waayay mashruuca jacayl iyo midnimo maad ku bedashaan intaad abuur cusub talaviv u dooni lahaydeen.
  14. Odweyne Saxiib lagama yaabo inaan beel u gefo soomaaliyeed ama dad muslina aan yuhuud ku sheego Khalad ha fahmin Soomaalidoo dhan ama waa rixim ama waa casabo wax u kala saaran aysan jirin Waxaan ka hadlayo waa khidada yuhuudu siday noola fal gashay oo ay ugu horayso wadajirka umadda ayadoo ka bilawday snm. Waxaa jira su'aalo faro badan oo aad kaligaa is waydiin karto adigoon ii jawaabin qof kalana u jawaabin Aduunku wuxuu si fiican isu badelay dhacdadii lagu dumiyay dhismihii maraykanka, qof yuhuuda uma shaqo tagin subaxaas!!. Haday ogaayeen in dhacdadaasu dhacayso maxay uga digi waayeen muslin iyo gaalba? Waa su'aalaha khuseeya caalamka kale soomaalidu shaqo kuma lahan. Waqooyiga soomaaliya waxaa ka jira maamul ka daciifsan kuwa koonfurta kana balwado iyo qaadiro badan Maxay kayd uga dhigteen xagjirku ayadoo waliba lagusoo dhaweeyay yuhuudda kuwooda ugu dhaqanka xun?! Ma lagu qanci karaa shacabka iyo ciidankaa isku duuban darteed, yaa ka hor istaagay qof doonaya inuu is dilo kumana dhex dhuuman karo? Dhib lama jecli ilaahayna uma keeno shacabka waqooyiga, balse khidadka meesha ku jirta yaa ah inay dab iyo biyo isku hayaan. Weligaa ma maqashay in dawlad carbeed isku dayday ama xoogga saarto inay iibsato qudus guryihii u haray reer falastiin? Si ay udayac tirto ugana dhisaan dhul qurxoon oo lagu raaxaysto? Baaritaan qoto dheer ku samee ajandaha snm iyo cidii ka dambaysay asaaskeedii adigoo adeegsanaya inta yar oo kaaga hartay maskaxda kaa sii guuraysa. Midna haka yaabin weligaa sida alle noo sheegay inay raali kaa noqdaan si kastoo aad u dhunkato ama u jeclaato ilaa aad ka mid noqoto.
  15. Suldaan Siyaad barre taariikh beena ma qorin waligiis. Wuxuu qoray taariikhdii daraawiishta oo sax ah iyo halgankii xoriyadda soomaaliyeed. Taariikhda snm lowyo caddo ilaa sool ka dhigto maxay ka hadlaysaa walaalo, ama ku saabsantahay? Tii ingiriiska dhulka looga xoraynayay beesha dhexe badankeedu maysan ogolayn xoriyad, waana tan keenaysa in ilaa maanta laga hor dhaqaajin waayo xafiiska boqoradda. Odweyne Saxiib xaqiiqda jirta layskama indho tiro, markii dalka dawladiisu dhacday taariikhda xoriyadda snm lagamasoo bilaabi karo. Aduunka aad aqoonsiga ka doonayso asagaa macluumaadka kaydsada wuuna naga badiyaa arimaheena gudaha Burburkii ka dib, dalkoo dhan wuxuu isu badelay beelo, ayadoo loo arkay xalka koowaad in beel walbaa degaanka ay kasoo jeedo ku ekaato, inta roob alle keenayo. Beelihii mid ka mida yaa qarran isu badeshayna wax soconaya ma'ahan. Talo ahaana waxaan soo jeedin lahaa in wiilashaa tuutaha loo xiray aan hooyooyinkood laga fogayn xuduud ingiriisna lagu layn Eraygan (D,ir) waa igu cusub yahay xaqiiqdii, inta aqoontaydaana waa beel yar oo aad u facweyn. Waxaa jiray berigii dawladihii musuqmaasuqa in cigaal buste ama go' looga dhigay si wax wada qaybsiga qabiilada laysugu dheeli tiro. Balse qaabka dhalashada meelna kamasoo gasho Hadaysan awr kacsi ahayn, siiba markii la wajahayo beelo kale taas wax beena kama sheegin waa sida saxdaa. Reer jabuuti, reer berbara, reer awdal, reer xeraale, afartaa wiil isku oday baa dhalay aan gabaru u dhaxayn waiigeed lama maqal taariikhda qabiilada soomaalida wax jirana ma'ahan. Tan yuhuudda deelqaaf ma'ahan cidna uma gefin Sida saxdaa yuhuudu waa cadawga ilaahay iyo intii rumaysayba, mana daynayso dal yar oo muslina meel istaraatiijiya ku yaal isla markaana baylahan ama dayacan ilaa fircoon somaalida kama aysan dhex bixin, balse qofka caadiga ah ma dareemi karo Erayga FIR iyo COON waa afsoomali Wax qarsoon ma'ahan inay snm la fal gashay dhaqan ahaana way ka muuqataa markaad fiiriso taalooyinka cuqdada taariikhda beentaa oo hadba boodhka laga jafayo iwm.
  16. Awoowayaal Anigoo isu haysta qabiili laandheera ah sidiinoo kale yaan ku dhex aroosay gabar qurux badan hadda ka hor Dhawr beri guduhoodna ina adeerkaa labaad yaa nin jufadiina ah dilay baa laygu yiri ee is ilaali.!! Ma nin qalbigiisa baqdin la geliyay baa aqal dhexdiis malab ugu dhadhamayaa? Maalinkaas yaan ogaaday inaysan waxaad tirinayso faa'iido lahayn iyo qabiilaysi haduu dhaafo sidii alle u asteeyayna waxaana laga dhaxlaa cawaaqib xumo. Hadaad aragto beel tashatayna waa laangaab, dhaqanka soomaalida, meelna gaari mayso ayagaa is dulmaya iskana hor iyo dabalaaban doona beri ama maanta. laandheeraha runtaa wuxuu ku qancaa soomaalinimo iyo dawladnimo. Usoo noqo mowduuca Haddii ajandaha snm aysan yuhuudu ka dambayn oo aad midnimada soomaaliyeed ogashihiin reer sool iyo sanaag waa laydinku dari karaa dhaqan iyo dhaqaalana waad wadaagtaan. Balse adinkoo beel ahaan u tashaday ajandihiinuna fog yahay shacabkaas iyo goboladaas lama tuuri karo waa arinta dhabtaa oo ah in la wajaho. Suldaan Saxiib waan kuu sheegay snm waxa ay isticmaalayso waa qisadii wiil waal oo ahayd cadka rag isku raaco waa hunguri Maamulka puntland haduu u taliyo gobolada laysku hayo wax ceeba kuma jirto narna soomaalinimo bay ogol yihiin marna waa isir-wadaagood. Shaabadda aad sheegayso oo aad wanka ku dhufataan waxaad arki lahayd markaad si fiican u fiiriso nimanka u shaqeeya snm oo hargaysa jooga. Kuwa garoowe, shaqada loo igmaday waa inay kala doortaan ilmo saleebaan markii shan sano dhamaato, lakiin hoos fiirin maayaan sida kuwa hargaysa oo laysugu daray kursi gaaban in la fariisiyo iyo shaqo aad faro badan oo ay ugu horayso inay dhexdooda dhiig iska daadiyaan si loo sugo xuduudka snm.
  17. Wuxuu ka qowmamaynayaa xoriyadii ingiriisku siiyay, qarnigii 21aad. Waan hubaa inuu xoriyadii la siiyay berigaas,uu ka jeclaan lahaa inuu raashinka u kariyo maanta.
  18. Xniinyo waaba laguu ogolyahay maxaad ku fulaysaa kuwo siyaadaa? Snm waxaa u shaqaynaya rag kasoo jeeda gobolada laysku hayo mushaarkoodiina qaatay qaadkoodiina soo duubtay. Halka puntland, ay qol isaga xaraysan yihiin 5 sano ka dibna ay doortaan cumar iyo ciise kii doorka leh, fitnana looma ogola inay soo hadal qaadaan. Puntland waa laga yaabaa inay federaalka dhexe dacalka ku dhegto ama ay ku soofayso maamulada kale balse u malayn maayo inay snm dhul ka ceshanayso. Mida kale reer gedo waxba ugama baahna berigii qabiilaysiga waa laga gudbay Maal iyo dad ku filana waa haystaan waxa is hayaan oo qarranka isaga dhigayana waa jufo yar iyo badhkii caare ka haray.
  19. Isma lahayn dhalin yarada maanta waxaa laga heli karaa, cod iyo caqli ku deeqa ninkaan ka hor. Puntland jufooyinkii tuulooyinka degenaa waxay ka codsanayaan inay snm iska difaacaan Dhanka kalena waxay sheeganayaan maamul sharci dejiye, fuliye ciidan iyo madaxweyne leh oo beeluhu kuwada dhan yihiin kuna heshiiyeen. Runtii waa ceeb in beel yar iska walaaqato dhulkii udgoonka iyo nabaddaba lagu yaqaanay.
  20. Awoowe jawaab kooban yaa su'aal kooban looga jawaabaa geella iyo goroyadu isku hees ma'ahan. Maxay yihiin waraaqaha laga rabo koonfurta si snm jamhuuriyad u noqoto?
  21. Dr. Odweyne Waan garan karaa inaynaan xaqiiqda isku af garan, si waligeedba loo doodo, ama ha noqoto afkaar ama ha noqoto xal kaloo ka wayn labadaba. Awoowe marka ugu horaysa waxaad isu haysataan cid kale waxba loogama doono waa arin idinka idin khusaysa. Marka labaad hadii 26'ka jun ahayd maalintii waqooyigu dawlad noqday maxaa loogu dabaal degi waayay sida caalamka kale? Hadii arintu tahay fad ama ha fadin koonfurtana IC u taliyaan, maxay west Africa noogu lugoynayaan oo noo fogaynayaan? May aqoonsigiina idin siyaan adinkoon safar dheer gelin oo qaadkiina isaga fadhiya? Awoowe arintu sidaa iiguma muuqato ma jiro madax-wayne, dhulkiisa iyo dadkiisa dawlade kale u hoos fariisan kara. Jabhad iyo dawlad waa la dhex dhexaadin karaa wayna soodhacday in badan balse fikirka labo jamhuuriyadood oo walaalaa yaa Ghana lagu wada hadli siinayaa waa hadal boos waayay. Dawladaha khiliijka hadaan tusaale fudud kuugusoo qaado boqortooyadoodu waa isku cashiiro ama jufo hoose badankooda, marka laga reebo cumaan Waa isku af dhaqan isku dad diin iyo wax walba kuligoodna waxaa soo gumaystay ingiriiska Markuu ka tagayay mid walba wuxuu ugu tagay xaakim ka taliya, ama dawlado kala madax banaan. Waxay leeyihiin maalmo kala duwan oo ay xoriyadooda u dabaal degaan iyo mid walba callan u gaar ah. 26kii jun waxa xoroobay waqooyiga soomaaliya, balse dawlad ma noqon. Waxay dawlad noqdeen 1'dii July oo la midoobay, intaas ma mugdibaa ku jira? soo waadax ma'ahan walaalo? Hadii aad shallaynaysaan, waa laga dayriyay shalayga mana fiicna laga yaabee sharta aad dawladii kacaanka kaga cabanaysaan mid ka wayn in waqooyiga Alle ka xijaabay. Shallayga, ama war maxaan koonfur ka doonay berigaas waa laydinkaga caqli celin karaa, wayna ka fiican tahay roog cas baa naloo dhigay iyo riyo lagu daalo. Walaalayaal qadar alle yaa wax walba ku dhacaan wayna dhacday iska samra oo dadkiina dhinac ka raaca waa talo fiican Haddii idinka laydin aqoonsado, puntland gooni bay u go'aysaa, hir-shabeele sidoo kale. Maxaa "dan" ah oo ku jira jamhuuriyado yar yar oo aan aqoon sida geella loo kala ceshado? Caqliga saliimkaa waa midkaan Ghana naf ka doonin aragtidayda.
  22. Lool soo dhawayn fiican yaa naloo sameeyay si cadawgeenu u naxo. Waa nin ay hogaamiye ku sheegayaan, hadana ma fahamsana waxa asaga iyo koonfurta ka dhaxeeya waxay yihiin, iyo waxa wada hadalku yahay, iyo waxa laga wada hadlayo midnaba. Waxaa taas daliil u noqonaysa siduu ugu aradanyahay waaqiciga dhulka yaala Kow wuxuu sheegay, intaysan habruhu, u mashxaradin, labo dawladood baan ahayn 60kii ka hor. Dawladnimada wuxuu u yaqaan gaar baa naloo gumaystay.! Markii gobolada waqooyi xoriyadda heleen calan ay leeyihiin oo u gaara kor looma fiirin waad isixi kartaan hadaan khaldanahay. Waxay sugeen walaalahood koonfurta wayna la midoobeen ayagoo isku duuban bay calan buluug ah kor u wada fiiriyeen waxaana loo bixiyay midowgii labada gobol kiwdii July. Xuduudkii ingiriiska iyo talyaanigana wuxuu u yaqaanaa muqadas mudan in dhiig loo daadiyo asagoo u haysta inay ahayd hadiyad ingiriisku beeshiisa ku maamuustay.. Waa hadal meel waayay iyo nin habow la fogaaday. Wuxuu kaloo leeyahay koonfurta waxaa laga la'yahay gurigii naga buburay see loo dhisaa.!! Gurigii naga burburay see loo dhisaa layskuma hayee waxaa laysku hayaa see u kala dhisanaa. Ghana waali iyo marqaan baa gaysay aragtidayda, xal uu afsoomaali ku waayay Ghana u keeni mayso.
  23. Si fiican buu hadlay. Una malayn maayo beelaha "badhan"inay la kala safanayaan "rag" is haya, ama ay godob ka galayaan kuway is ood xigaan dhaqankoodu waa qadiim aad u sareeya. Balse kii ay wasiir u bixiyaan wuxuu doono ha sheego waa nin mushaar qaata.
  24. Odweyne Saaxiib garawshiyada tan ugu fiican waa midda aad qarsataan adinkoo xaqiiqda og Aniga waa ii sadaqo, hadaan idiin sheego waxii maaweelo ah, inaaydaan umadda wax qabad uga dhigin, oo aad meelaha lagu marqaamo la aadaan Baraha lagu kala fikir qaatana aadnan la imaan sawiro iyo soo dhawayn ee aad la timaadaan wax qabad dhab ah iyo waxa laga faa'iiday heshiisyadii hore ee carabta. Awoowe aniga aragtidaydu waxay ku wajahan yahay soomaalidoo dhan, gaar ahaan snm oo marqaankoodu saa'id noqday baryahaan dambe. Khaliijku dhaqaalahooda dayax gacmeed kuma samayn iyo aqoon loo aayo. Waxay ku batrteen sida dawladaha faqiirkaa dadkooda loogu shaqaysto loona bah-dilo. Snm haday saldhig military iyo dekado isugu darto carab, waxaan hubaa in reer hargaysa derajada sadexaad ka noqon doonaan dhulkay soomaali calankeedii u diideen. Adeer carabtu waxay soo ogaatay inaysan soomaalidu isku filnayn maskax ahaan ama nabad ha haysataan, ama yaysan haysane, waxayna is tuseen mar haday yihiin dad muslina oo jaamacadda carabta ku jira, inay turkiga iyo reer galbeedka kula tartamaan khayraadka soomaalida koodana dhufays uga dhigaan, macnaha (dhaxal goroyo dhabad baa leh) Waligaa ma maqashay dal carbtu gacan qabatay oo horumar gaaray? U fiirso hadalkayga hal sano ka dib yaad casuumaad kale oo ku farxi doontaan ayadoo mashruucii wali wadada kusoo jiro. Anigoo geel lisaya oo jooga buurtii hoos-wayn, yaa fahamsan takhdiidka meesha ku jira. Adinkoo jaamacado sheeganaya lafoole ilaa oxford yaa sawir iyo roog cas oo airport'ka gadaashiisa la dhigay lasoo shir tagay. Farmaajo wax wayn buu ka badelay siyaasadda dibadda ee soomaaliya wax qabadka qatar'na wuu muuqdaa wuuna soo dedejiyay.. Kuwa kalana wali waxaa laga sugaya wiishkii konteenarka lagu dejin lahaa iska daa dekad ay dhisaane, taasina waxay ku timid isku mid ma noqon karaan haybad dawladnimo iyo beel iskeed isu boqratay.
  25. Waa mowduuc muhiim ah qofkii wakhti u haya. Carabta xoolaheedu way kusoo raaxaysteen waana soo afjarmayaan sida boobkooda ka muuqata. Waxa laysugu yimid waa agoonta xoolaheedii Soomaaliya waxaa laga helay dekado aad u badan, macaadinta noocyadeeda kala duwan, batrool iyo gaas badda iyo berigaba, xoolo nool oo sida ugaarta hilib macaan oo dabeecadda ku nool, hawo aan sumaysnayn iyo ciid bikra ah. Balse nasiib wanaag waxay noqdeen dameer malab la saaray.