gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Wali baaritaano yaan ku jirnaa bay leeyihiin si wax la hubo loogu cadaalad sameeyo. Dadka qaarkiisna waxay leeyihiin wiilashu laandheere bay noqdeen cid kaloo lagu badelo, wali lama hayo. allahu aclam Waa in layska samraa haday cadaalad aduunka ku waydo maalinta xisaabta qiyaame baysan waayeen.
  2. Nabi ciise C/S waxay ka aaminsanyihiin inuu naf wakhtigeedii dhamaaday uu badbaadin karo. Hadii la waydiiyo markuu dhashay, Nabi Ciise C/S, asaga qudhiisu soo wax caawiya uma baahnayn caano siiya nadiifiya? see wax u badbaadin karaa adoon alle abuurtay. Gaaladu waa dad aduun ayagoo lunsan yaa santuukh lagu ridi الـلـهـم ارزقــنـا حـسـن الـخـاتــمـة واجـعـل خــيـر أعــمـالــنـا خـواتـيـمـهـا واجـعـل خـيـر أيـامــنـا يـوم لقائك
  3. Mucaaradnimadii qiimahay ka lumiyeen hada waxay ku jiraan rafashadii ugu dambaysay,waxa kaliya oo ay doonayaan aqoonyahan dibada ka yimid oo la naf baxa. Mucaaradnimo waxay ka bilaabeen marti baa naloo yahay, hadana waxay ku shirayaan hotel aan la aqoon oo nairobi ku yaal, aaway laandheeranimadii iyo meekhaankii gaarka ahaa ee muqdisho lahayd?
  4. Sawirkaas markaad si fiican u fiiriso macno wayn buu xanbaarsanyahay. Marka ugu horaysa waa loo yeeray. Marka labaadna waa la iloobay ama meeshii gaariga lagu baarkimay yaa la garan waayay. Mushkilada ugu wayn oo haysata ninkaan odogaa waa fakhriga ama saboolnimada Saboolnimadu waxay u qaybsantaa labo Mid ay kugu adkaato maaraynta nolosha iyo dadkaad ka masuulka ka tahay, waana fakhri caadi ah oo hadaad ducaysato dadaasho si dhakhsaa looga lug baxo. Mid kaa disha damiirka ama (dignity) waana midda haysata soomaalida hogomaayashooda, daawo ma leh, ka hor tag mooyee. Tusaale gaaban yaan idinka siinayaa Biixi bil gudaheed yaa waxaa loo yeeray labo ilaa sadex jeer, wuxuu ugu horeeyay oo qalbigiisa lagu kasbaday waxaa ugu waynaa roog cas baa laygu soo dhaweeyay! Ok ma xuma in niyada loo dhiso si hadafka laga leeyahay loo gaaro. Maxaa kalifay inuu is waydiin waayo soo dawlad gaara iima arkaan maxay shiyuukhda carabtu hargaysa u imaan waayeen markooda si ayagana roog cas loogusoo dhaweeyo, loogana wada hadlo xidhiidhka soo jireenka ah oo labada dal oo walaalahaa ka dhexeeya? Waxay ka dhigeen mudiirka uga wakiilka ah dekedda berbera markii loo sheego inuu beri soo dhoofo waxaa laga yaabaa inuu kabihiisa iloobo, markaana roog cas iska daayee baarkinkii yaa lagu iloobay. Puntland waa la mid, waxaa miis loo wada saaray casho oo la is hor fariisiyay labadii hogaamiye oo caalamku xabad joojinta ugu baaqi jiray wax dhawr saacadood ka yar. Gudaha soomaaliyana waa labo dal oo cadaawad fog ka dhaxayso dad badana isaga laayay xuduudka tuko-raq. Marka lasoo xooriyo warka waa shaqaale masuul uga ah shisheeya wadankoodii Riwaayadaan dekedo caalami ah yaa geeska afrika carab u dhisaysaa waa qayb ka mida marin habaabinta loogasii jeedinayo indhaha shacabka mudiirada u qaabilsan danahooda.
  5. Inanta su'aasha waydiinaysa waxaan u malaynayaa inay ka timid laas caanood, sababto ah, kuwa maroodi jeex ka yimid looma ogola inay xayndaabka reerkooda dhaafaan. Shacabka SSC intii la doono ha la ordo waan hubaa inaan dhiig cusub lagu shubi karin.
  6. Su'aasha gabadhu waydiisay waxay ahayd, markii qof wayn loo fasiro see adigoo soo noqday wasiirka koowaad ee soomaaliya ugu qancday inaad tuulooyinka u tagto tabliiq siyaasadeed? Jawaabtiisuna waxay noqotay markii qof wayn fasirto waxaan doonayaa inaan iibiyo ama aysan reer SSC iyo awdal, aysan marti beel u noqon. Martida markii la fasiro waa sooryo loo fidiyo socoto ama masaafur waxaana maamula dadka martida looyahay ama way ku soori ama way kaa seexan masaafurku khayaar ama kala doorasho maleh. Snm calankii awoowayaashii usoo dhinteen bay ku badeleen maro cagaaran gudaha laas-caanood ayagoo waliba ayaga marti loosii yahay. See ugu gorgortami karaa dhul ay maamusho snm, asagoo gobolkiisii marti ku ah caqli gal ma noqon kartaa hargaysa marti u noqon mayno?! Wax aan fahmi waayay yaa aqoonyahanada soomaalida ka khaldan.
  7. Soomaaliya goormay caalamka ku shuruuc noqotay? Ka waran lafaha dadkii ay ka dhasheen hadii la siiyo lafo dad kale oo muslina ama dhagax-buur kasoo jeeda, oo aan ahayn kuwoodii? Mise gaalku wuxuu sheego waa run? Qarashka ku baxaya DNA ama lagu kala saarayo dad muslina oo dhintay waa hore, intii lawada xurmayn lahaa, maa ceel biyaha laga cabo loogu qodo kuwa iminka haraadka u dhimanaya ceel afwayn agagaarkeeda? Hadii la yiraahdo lafo reer kaliya ha la karaameeyo waa dhaqan cusub oo aysan soomaalidu shaqo ku lahayn, meeshaad marto dhulka soomaalida lafo bani-aadam yaad ku kufaysaa, waxii dhintay allaha u naxariisto, iska daaya ku dayashada yuhuuda iyo nasaarada waa talo walaalkiin idin jecel.
  8. Lafahan gaalkii yimaadaba lagu casuumayo in la karaameeyo oo dib loo asturo miyaa loosoo qufayaa awoowe? See loo kala garan karaa kuwii qaxootigii la laayay iyo kuwii snm? Ilaa iyo hadase ma la helay dad lafahooda iyo magacyadooda la is waafajiyay? Dagaalkii ugu dambeeyay oo burco ka dhici jiray oo yaroowe lagu aasaasay dadkii ku dhintay qabuurahoodii xagee ku yaalaan? magacse ma lagu qoray qof kastoo ku dhintay? Waxa la xisaabinayo waa arwaaxda, qofkii dhinta waa dhintay, xurmad iyo si loo asturo yuu leeyahay. Meeshii xabaalo dayacan lagu arko waxaa loo noqdaa culimada qiimaha badan ee waqooyiga ku nool, ayagaa fadwoonaya Ma'ahan inaad gaalo hor boodaan ayadoo loogu dhawaanayo bal in wax aqoonsi soo hadal qaado laga helo.
  9. Freedom of speech hadaad maqasho waa dhaqan gaalo lagasoo minguuriyay ilaahay xad buu noo sameeyay aan ku dhaqano in dhaqan gaalo laga kor mariyaana ma wanaagsana سورة النسا من قوله: ( أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ منكم Aad baan uga xumahay inaan ku khaldo qoys aan aqoon fiican u lahaa Duqdana allaha soo hadeeyo balwadu waxyaabo badan bay qofka ku qaadaa
  10. Lafaha muslinku xurmad badan bay leeyihiin waxaana lagusoo saari karaa fatwa waliba markay aasnaadaan 80 sano ilaa 100 sano oo ay noqdaan (رميم) Snm meel walba majarafad bay la taagan tahay ayagoo jaahil ka ah shareecada islaamka iyo xurmada mowtida.
  11. Waxaa ila haboon inuusan lumin basaboorkiisa maraykanka intuu waraabe dhashiisa cunaya ku dhafri lahaa.
  12. Xalimo soofe? hadii ay tahay islaantii buraanburi jirtay oo ee reer puntland waxbaa khaldan.! Reer soofe qaarkood digsigii hoose dhexe xasuustayda wali way ku jiraan waxay ahaayeen qoys cariiq ah oo aad u dhawrsoon wax barashada jecelaa berigaas. U malayn maayo inay haday tahay qoyskaan sheegayo ay shacuurteeda ku aadan dawladda, qaabka noocaas ah kusoo gudbinayso hadaan xanuun dhimirkaa jirin ama aysan ahayn soofaysane kale.
  13. Maxaad ducada ugala bakhaylaysaan zaciimkaas qiimaha badnaa, hadii dalkii jabhaduhu dumiyeen ay wada dhisi waayeen Qaybna gooni u go'day Qaybna waayaradii la baxday. Thank You Sir, No More Question.
  14. Nimankaas geedka qalallan hoos fadhiya, oo duqsiga wajiga ka ceshanaya, maysan lahay awood ay afkooda kusoo mariyaan gooni isu taag baan doonaynaa cid miino ku difaacaysayna ma jirin, saaxiib. Erayada Mujaahid, ingriis baa gooni wax noogu gooyay, halgankii xoraynta, xuduudka qaranka, waxaas oo dhan iyo ka badan waxay soo baxeen markii siyaad barre muqdisho ka baxay. Si fiican u dhagayso hadalka adeer biixi marlabaad iyo mar sadexaad. Wuxuu yiri waxaan u sheegayaa umadda soomaaliyeed inay hargaysa kismaayo iyo afgooye isugu kaaya mid tahay. Halgankeenuna yahay si aan afweyne dalka uga xorayno, xukun loo simanyahayna oo cadaaladana, umaddu u hesho. Siyaad barre wuxuu snm ka sameeyay dacaayad raqiisa, kuna sheegay inaan doonayno in dalka lakaka gooyo. Walaalayaal waxaasu ma jiraan waa been abuur iyo dacaayad uu afweyne naga sameeyay.! Berigaas soo nin muslina ma ahay muxuu beenta ku falayay? Hadiise dad muslina la marin habaabiyo oo dad badan ku dhintaan maxay shareecadu ka qabtaa? Muu si geesinimo leh oo raganimo ku jirto u cadeeyo mawqifkii snm sida jabhadii Eritrea oo kale, maanta waxay u ekaan lahayd taariikh laga doodi karo aragtidayda.
  15. Boosaaso garoowe ilaa gaalkacyo waa dhul ku fiican inaad gaari ku marto, dhanka waqooyiga hadii aad garoowe ka aado ayadina sidoo kale Daal badan yaa maskaxdaada ka baxay siiba markaad daawato dhulkaaga hooyo Waxaa jirta meelo dhexe oo udhaxeeya burtinle ilaa kal bayrka oo laygu yiri shirkad jarmal ah yaa lacag looga cunay oo wadadiiba laga leexday qarda jeex dheer. Si kastaba dhulka iyo dadka soomaalidu wuxuu ku qurux badan yahay inaan lakala goobo goobayn. Snm siday isu leedahay dawlad gaara iska dhig oo soomaaliya daris la ah bay shacabkooda dhabarka ka jabinayaan. Way fahmi la'yihiin aqoonsigii hadii dibadda laga waayay gudaha hakusoo celin.
  16. Waqooyiga gabilay dhanka badda xiga hadii miino lagu aasay waxaa aasay waa snm sababtoo dawlad miino uma aasto dad iska garab rarato ah Si fiican u dhagayado adeerkaa asagaa taariikhda ku baraya Waydii goormaa ugu dambaysay erayga umadda soomaaliyeed 89kii?
  17. Miinadu waxay ka hartay dagaalkii 77 gobolada soomaaliya oo dhan way ku jirtaa ilaa maanta. snm wax sidaa u wayn oo miino laysaga difaaco ma'ahayn, taangiyo iyo hub culusna maysan lahayn awoowe. Inta badan waxaa soo hor mari jiray caruurta iskuulka oo gabdho u badan ayagoo qaylinaya ama dhagaxaan ku tuuraya ciidamada. Dhawr iyo sideetankii wakhti sidaa u fog ma'ahan hadaad nin yar ahayd, ama aadan dunidaba joogin, warayso dadka aan jaadka cunin. Siyaad barre carruurta soomaaliyeed abahood yuu ahaa markuu dhunkadana ilkihiisoo dhan yaa muuqan jiray farxad qalbiga kasoo go'day darteed Wuxuu siin jiray waxbarasho lacag la'aana Caafimaad lacag la'aana Waalidiintood oo dabaqada dhexe u badnaa ama shaqaale dawladeed ahaa Soomaaliya waxay ahayd dalka aduunka ugu quruxda badan. Waxaad ku wareertay waa dacaayadda iyo sawirada faraha badan, oo snm ugu tala gashay inay aqoonsi ku doonato oo ay lasoo baxday buburkii dawladda dhexe ka dib. Nimankaan aad muhaahidiinta ugu yeertaan, been kuu sheegi maayee, mid guriga kasoo bixi jiray kuma jirin 90kii ka hor, habro toob bay u badnaayeen. Dagaal waa jiray balse sidaa uma waynayn, hadii aad doonayso inaad si fiican u fahamto waxaad is waydiisaa Maxaa gooni isu taagga loogu dhawaaqi waayay 88'kii 89'kii oo waliba dawladdii dhexe sii daciifaysay? Miinadu dadka ha laga saaro waa shaqo fiican oo waliba sawaab ama ajar badan, balse anti tank yaa snm laysaga difaacay waa sheeko raqiis ah oo aan macno ku fadhiyin..
  18. Ciyaalkan waxa laynaya waa adeeradood Allaha u naxariisto intii dhimatay, Dhimashadu qiimo lama leh siyaasiyiinta habawsan iyo kuwa sharciga u diidan si aan guryaha ay dhaceen loogu qabsan. Dhiigga ciyaalkana waxay ka dhiganayaan energy' ay ku hadlaan. Waxaa kaliya oo cusub labadaan sano oo farmaajo joogay, magtii meel ay u raadsadaan bay heleen xataa kuwii alshabaab laga dilay.
  19. Sidee bilaa basaboor loogu dhoofaa? Waa inay basaboor kasoo qaataan buuhoodle ama garoowe hadii snm u diiday jinsiyadoodii Qof gacan maran oo aan wax aqoonsi ah wadan meeshuu doono ha aado markii horeba khalad bay ahayd.
  20. Haduu sidaa u baqayo, markii horeba maysan ahayn inuu highway aado, ama uu ka gudbo heesihii uu dumarka u fasiri jiray. Sirdoonka wax dila qof kasta iskama dilaan, waa ciyaal yaryar waxa hurdada u diiday.
  21. Maakhir Waxaa jira waxaysan fahmi karin, ilaa abid, oo ah taariikh been ah lama sanayn karo siyaad barre iyo snm midnaba. Sayidku wuu gubaabin jiray qabiilada, haduu gaalo ku tilmaamo macnaheedu ma'ahan inay ka mid yihiin Wuxuu uga digayaa waa inaysan calooshooda u furin oo aysan u adeegin sida khaadimka oo kale ayagoo muslina. Waayo ilaahaybaa noogu sheegay quraankiisa kariimka ah. (وَلَن تَرْضَىٰ عَنكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ ۗ) Lagama yaabo in gaalo raali kaa noqoto ilaa aad noqoto mid ka mida. Usoo noqo mowduuca Hadafka soomaaliya laga lahaa inay gaalo yeeshaan waxaa loosoo maray marxalado badan Waxaa lagasoo bilaabay in magaca England ama "igllan" soomaalida looga dhigo wax qurxoon oo gabdhaha ay magac uga dhigtaan Waxaa ku xigay in la aamino in dhulkii ingiriis gumaysto ama cagaha dhigo uu yahay daahir xaq u leh inuu aduunku aqoonsado. Waxaa ku xigay in xaquuqda dumarka ay ka bilaabato inay iska khafiifiyaan dharka culus ilaa la gaarsiiyo inay qaawanaan ku dabaashaan. Waxaa ku xigay in loo furo siminaaro sida caruurta loo tarbiyeeyo, xadaanada ama waxa ay ugu yeeraan (kindergarten) kuwa ugu fiican uguna qaalisan waa kuwa ubadka bara dhaqanada reer galbeedka. Meel naloo daayay ma jirto xafiiskoodana waxay ka furteen meesha laga jecelyahay dhulka soomaslida intay sahamiyeen. Waa muuqataa inaan snm, waligeed la aqoonsanayn, ilaa caloosha looga afuufo jesus spirit.
  22. Medvedev iyo putin Khayre waa nin karti leh, qalbigiisana hadla, daacada, musuq maasuqa neceb. Waa nin mustaqbalka siyaasadda somaaliya meesha ugu fiican kaga jira wakhtiga la joogo aragtidayda. Asagoo og in beeshiisu badankeedu aysan jeclayn kala dambaynta hadana waa horu socod dulqaad leh waa arrinta ku haboon marxaladda lagu jiro. Waxaan u rajaynayaa inuu noqdo hogaamiye taariikhda soomaaliya meel fiican ka gala. Laguma badeli karo dad aqoonyahankooda iyo siyaasigooduba markay hadlayaan aan garan karin in shacabku akhrin karo wadaniyadoodu inta ay la'egtahay.
  23. Suldaan Taariikhdii sayidka hadaad isku daydo inaad inkirto waa adigoo calaacal kor ugu taagay qoraxda. Sayidku wiil uu dhalay yaa xayle salaase la fadhiyay oo itoobiya la midaysnaa waa sheeko cusub oo aan waligeed la maqlin xataa, xanta soomaalida kuma dhex qarsoonto Waan garan karaa in beeshu ay sayidka kula calawday gabayo badan oo ku xagliyay inay ingiriiska jeclaayeen taasina wax qarsoon ma'ahan ilaa iyo maantay muuqataa. See ku dhacday inaad adigoo aqoontaas leh, aaminto ana rumayso in qabiilkii ingiriis gumaysto xaq u yeelan karo inuu dawlad gaara noqdo? Soo ma ogid in taariikhda runtaa ah inuu ingiriisku doonayay inuu itoobiya siiyo gobolada waqooyi midnimada degdegeediina ay arintaasu kow ka ahayd? Awoowe sayidku iskama gabyin nin qabiilada soomaalida kala yaqaan buu ahaa? Sayidku qabiilayste shaqo kuma lahayn, wuxuu ahaa dariiqo wadaadaysan cidii xukunkiisa ka hor timaadana xoolahana waa ka dhici wuuna layn jiray. Reer barigu, way ka badiyaan sida buuraha loo fuulo somaalida kale xataa degaanada ka buuraha badan, asagaana baqdin darteed ku baray ilaa iyo hadda xataa geella markuu buurta fuulayo way la hadlaan waxay ku yiraahdaan (Xajiso is banbaani) markaas yuu lugta la raadsan meel fiican si uusan u jabin. Soo maadan maqlin gabaygii.....ilaacumaan ay xafidern (Daanyeeri meelaysan korin dani majiirsiisay) Dagaaladii uu ingiriisku la galay oo oo koofil ku dilay, markii ugu horaysayna ay afrika diyaarad lagula dagaalamo, ma siyaad barre, yaa sameeyay? Hadaad damacdo inaad wax xaqirto indhaha layskuma wada qabsado xoogaa biririq ah yaa la daystaa si wax isugu kaa dheeli tirmaan. Midda ugu daran oo ii muuqata waa inaad aqoontiina isugu gaysaan inaad samaysaan taariikh gacan ku rimis ah ama malo awaal lagu dhisay, ka dibna manhajka iskoolada ay ku daraan ayagoon, ku xisaabtamayn dhibka beentu keento.
  24. Xataa hadii ay tahay gabadhiisa waxay muujinaysaa qiima beelka ku dhacay darajada "Dr".
  25. Waa igu adkaatay inaan fahmo waxa ninkaan odayga uu qoray.