-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Modobe action ain't good for somalia Family hadaad ula jeedo seeraar iyo madoobe lagama yaabo inay meel gaaraan, khibradu waa inay taariikhda ka dambaysa. Shaqada meesha taal way ka wayn tahay guri ugaali lagu kariyo, waa saďex gobol oo qurux badan oo la doonayo in shacabkooda loo shaqeeyo laguna xiro dawladooda dhexe. Hadii xaq ka maqanyahay jubaland nin afka cirka u taagaya ma keeni karo.
-
Mowduuca doodu ma'ahan farmajo iyo madoobe Doodu waa tabasho ka timid maamul goboleedyada qaarkood oo ah waxbaa nooga maqan federaalka dhexe, gaar ahaan galmudug iyo jubaland. Federaalku intuu doono ha xukumo dacwo ma'ahan shaqadiisuu wataa. Mr.madoobe wuxuu leeyahay xaqii jubaland ma hayno!!, Aaway jubaland'ta uu wax u doonayo ma tobankaan nin oo kenyatiga la joogaa mise waa sadex gobol oo uusan wali indha saarin sidii loo doortay? Waligaa ma maqashay madoobe oo socdaal ku tagay magaalo hoos tagta xukunkiisa xataa cirka ha maro haduu doonee? Awoowe kismaayo dhagaxbuur ma'ahan waxaa dega tobonaan qabiil oo qaarkood afsoomaaliba ku hadlin ma aaminsani in nin maskax warlord ku jirto uu wadi karo. Waxaa loo baahan yahay nin xadari ah maskax furan dadka iyo dawladda dhexe isku xiri kara, xaqiisana si degan kusoo dhacsan kara oo aan aftaag lahayn. Xaaf Been kuu sheegi maayee meel fadhi u ah kuma taalo galmudug Koonfurta gaalkacyo mundul lagusoo dhaweeyo kuma yaalo, shaabad warqad galmudug leedahayna wali lama samayn Cadaado warkeeda iska daa. Dhusomareeb kaneecaa ku cunaysa waa haad geed waayay, jufadiisa madaxwyne kale bay dooratay. Nimanka noocaas maamulkoodu yahay maskaxdooduna jahli ka buuxo, garbihii federaalku ku duuli lahaa malagu sheegi karaa? Simply waa maya. Puntland Nimankaan waxay ka dhiganaysaa jaranjaro ay hadafkooda ku gaaraan Hadafkoodu muxuu yahay? Hadafkoodu waa dawlad dhinac ordaysa tan federaalka oo wax kasta oo golaha federaalka kasoo baxa si toos ah dastuurkooda uga hor imaanayo waana camiil shisheeye u adeega oo isla markuu hadlaba la casuumayo. Si kastaba farmaajo wuxuu tooshka ku qabtaa waxa laga dhaqaaqi la'yahay haday noqoto siyaasiyiin dantooda ku indho beelay haday noqoto madax goboleed faasida haday noqoto ganacsato fowdada ku naaxda Fashil waxaa ah hadii aad tooshka dansato oo aad gudcur ku lugayso. Beer qodax ka dhex baxday lama guran karo ilaa qodaxda laga nadiifiyo. Madaxweyne aysan madax goboleedka isku dhici madaxweyne ma'ahan adigoo ka cabir qaadanaya dhaqankooda.
-
18ka May qof kastaa waa ogyahay in beel samaysatay ama kula qayil adoo hoosta ka og inay riwaayad marqaan alifay tahay ama somaliweyn dhinac ka raac adigoo qadiyad aaminsan Balse snm kitaab bay igu mariyeen inaan u matalo reer SSC maalintoodana ma ogoli waa xabsi ay gar ugu leeyihiin.
-
Absolutely waa sharaf dhac inuu usbuuc la fadhiyo dad uu qiimayn karo misaanka ay ku leeyihiin dadka ay xukumaan. Nimankaan uu hor fidhiyo shaqo kuma leh dal iyo dad waxaa u cad in loo kordhiyo sii joogidooda si ay dhuxul suuq madaw ugu iibiyaan ama tubaako darbi ugu dhagsadaan. Rag maslaxadooda u yimid dal waxba lagama waydiiyo.
-
Suldaan nin aqoonyahan oo muxtaram ah yaad ahayd balse aqoon beesha dhaafsan waad ka indho beeshay. Farmaajo siyaasada uu soomaaliya ugu yimid ama loo doortay waxay ahayd dad kala qaybsan oo qoys qoys u kala degan itoobiyana korka ka maamusho. Intaa miyaad igu diidantahay walaalo? Maxay tahay shaqada ugu horaysa oo uu qaban karo aqoontaada markay noqoto arimaha dibada ee dalka qaabka noocaas ah kusoo dhaqmayay sodon sano? Waa inuu la kulmaa taliyaha guud, diyaarad la raacaa layska wataa si ugu yaraan uu fara gelintu uga yaraato. Taasna wuu ku guulaystay waana midda keentay in dumarkii oo dhan caroodaan. Ma yeelan karo khayaar uu madaxa ku taago mar hadii dadkiisa iyo dalkiisuba gumaysi dadban iyo mid toos ahba labadaba ku jiraan Ma maqashay gabaygii Ha laydilo, ha lay dayriyoo doqon ha laymoodo. Duleedyada ha laygala hadloo, dumarku ha hiifo. Jeeraan dubaha meel la helo aan iska duubnaado. Markhaati waxaad ka ahay inaadan aragti dheer lahayn doodaada dulucdeedu waxay kusoo ururaysa, beeshayda itoobiya uma talin karto toos ahaan balse maskaxdeedaa la midaysan. Soo ma ogid in dhakhtaradu cudurka maskaxda gala aysan si sahlan ku dawayn karin markii la barbar dhigo kan jirka caadiga ah ku dhaca? Si kastaba farmaajo iyo golihiisa barakaysan labaduba sumucadii soomaaliya qayb fiican bay kasoo celiyeen oo aan la inkiri karin wayna ka fiican yihiin kuwii iska qosli jiray ayadoon wax lagu qoslaa meesha oolin.
-
26'ka jun koonfurtaa u dabaal degtay bay ku naceen. 18'ka May'na waa beesha hanala qarameeyo. Reer laas-canood way garanayaan heesta dulucdeeda iyo cidda aliftay labadaba.
-
Suldaan Wax badan yaa isaga kaa qasan awoowe. Sodon sano bay snm beesha caalamka hor taagnayd waxbana kamasoo naasa cada sida muuqata Koonfurtana sidoo kale sodon sanoo towfiiq xumaa bay kusoo jireen Xalkii waxaa gacanta loo geliyay itoobiya iyo waxa loogu yeero IC. Hadii arrintu meesha taala ay snm majaraha u hayso ayadaa surwaal le'eg ku tolan lahayd caalamka dhinac ka raaci lahayd. Dhiiqada meesha taala soomaaliyoo dhan bay lugaha ugu jirtaa koonfur galbeed bari iyo waqooyi. Farmaajo nin layska wato ma'ahan wuxuu doonayaa in itoobiya fara gelinta ka dayso gobolada soomaaliya wuuna ku guulaystay in badan in kastoo ay adag tahay in itoobiyaanku kasii jeesto qowm aan is doonayn jacaylkoodana la seexan la' Muqdisho madaxweyne nool oo naftu ku jirto waligood ma jeclaan, hadana laga sugi maayo sababtoo ah dadkii jacayl yaqaan yaa wax jeclaada. Snm waa daciif inay shisheeye iyo itoobiyaan isku xoqdo mooyee ma qabo inay oday soomaliyeed noqon karto.
-
Suldaan dambiga ma joojin kartide iska yaree bisha ramadaan Aniga iima muuqato somaali heshiinayso in cid dhex gasho waana sida ugu quruxda badan Balse snm waxaa laga furfuri la'yahay waa in beesha caalamka iyo itoobiya nagu dhex jirtaa hadii kale waxaan u ekaanaynaa gal-mudug iyo hir-shabeele. Ninkaan farmaajo ah oo aad doqonka layska wato u aragto amuu maslaxdda dalkiisa iyo dadkiisa maqaar ey ugu sexanayaa si adeerkaa biixi ugu godlodo somaaliya itoobiya iyo snm yaa wada hadal u furmay?
-
Qisada ugu wayn oo riwaayadan ku jirta waxay iila muuqataa, abey yaa loo diiday inuu hargaysa yimaado farmaajo dartiis. Sida snm in badan sheegtay cadaw aan ahayn koonfurta soomaaliya kuma laha geeska afrika waana cuqdad gacan ku rimis ah oo ay aduunka ku marin habaabinayeen mudo aad u dheer. Hadii abey kaligiis imaan laha waan hubaa in ubax qalalan lagusoo dhawayn lahaa, hargaysa siday u dhantahayna lagama seexdeen hadaysanba ka codsan inuu lasii joogo ilaa 18ka may. Aragtidayda intii amxaar dhexdhexaadin lahaa waxaa ka fiican inaysan waligood heshiin.
-
Awdal waa gobolka kaliya oo dareen la'aan lagu seexdo dhulka soòmaalidu degto,waxaana ugu wacan aano la'aanta. Aanada ama aargoosigu waa dulum aad u wayn waxayna ku dhacdaa dad aan waxba galabsan masaafur war-moog iwm. Aragtidayda aabaaraha gaajada towfiiq la'aanta soomaalida ku habsatay waxaa ugu wacan arintaas dadka aan waxba galabsan layska laynayo. Carabta hadii labo nin is disho kii wax dilay way qisaasaan ayagoo ula jeeda inaysan fitno ka dhex abuurmin beelaha Dawaladahooduna waa qabiilo isu tagay siiba khaliijka. Waa ku ceeb in haday keenaan 59 diyo lacag u dhiganta inay qaataan sababtoo ah waxay meel ka dhac wayn ku noqonaysaa qabiilka diyada qaatay. Halka soomaalidu qayilaad loo dhan yahay laga helo. Qabiil markaad qaadanayso waa in la garanayo diintu uu haysto cadaalad samayntiisa dhaqankiisa iwm. Snm waligeed lama maqal lamana arag dad ay qisaas ku dishay. Dadka wax dila inta badan ma fogaadaan waa lasoo qabtaa sababtoo ah waxa kaliya oo lagu leeyahay waa diyo.
-
Waa gudoomiye balse gumaystihii si dib looma jeclaan.
-
Badhasaabku wuxuu ogyahay inaysan waxba ka jirin saraakiisha la laayay qaran bay ka dhinteen oo ay qabiil ka dhinteen. Xaq buu u leeyahay inuu naftiisa u baqo. Waa dhaqan soomaali sargaal la dilay in badhasaab looga gam'o. Snm ayagoo jufooyinkoodii qabiil ku qancin waayay, bay qabiilo kale qaran baad tihiin furinta hore ku gaynayaan Allaha u naxariisto intii dhimatay fitnada haka ducaysteen.
-
Waa wax lala yaabo nin somaaliya hogaan looga dhigay afar sano oo fikirkiisu sidaa u shaqaynayo Cabdi shakuur wuxuu doonayaa meeqaanka xamar wuxuuna ka yimid gurceel Xasan sheekh wuxuu doonayaa meeqaamka xamar wuxuuna ka yimid ceel dheer oo ku taal galgaduud geeska ugu dambeeya Fiqi wuxuu ka yimid bandiiradley xamar meeqaankeedana dhaxal buu ku leeyahay Xamar waxay noqotay guri dhaxal beel loogu qaybiyo Muhiinadooduna waa in dawladnimada soomaaliya oo dhan meeqaamka xamar hoos tagtaa. 16 ka degmo Sadex waxaa leh reer gaalkacyo, afarna waxaa leh reer cadaado, sideedna waxaa leh reer aadan yabaal. Mida soo hortayna, waa xamar weyne beelaha banaadirigu ma maamuli karaan meeqaamka iyo dastuurka halala sugo.
-
Awoowe waan kaa aragti duwanahay nin kacaan samayn karaa ma jiro Xayndaabka qabiilku waa silig aad u adag waxaa kaliya oo goyn kara kacaan caqiido oo aan inaba shaqo ku lahayn awood qaybsi iyo beesheena waa laga tagey kuna dhisan wastiya ama dhexdhexaad,oo aan qoor goyn iyo gaalaysiin kaliya aqoon. Nimanka nairobi hankoodu markiisii horeba meel sare ma gaarsiisna waa qas wadayaal maslaxdooda ku dabran Xasan shekh, iyo shariif. Waxay ku faanayaan inay isku hayeen federaalka ayagoo ilowsan isku hayntu haday kala baqid ku fadhido aysan macno lahayn Carabtaa ku maah maahda الي يستحي من بنت عمه ما تجيب عيال Ninkii ka xishooda ina adeertii ciyaal kama dhali karo. Inay dawlada shisheeye oo fara gelinaya arimahooda gudaha wax iska yiraahdaana warkeedaba daa. Isku dhaca dawladaha shisheeye iyo dawlad goboleedyadu wuxuu keenayaa in aakhirka xal yimaado waayo hadaan isku dhac jirin cidina xal raadin mayso Isku dhacyadu waa muhiim waxayna ka mid tahay wax qabadka dawladda hadda jirta.
-
28ka sano oo snm kusoo tacabtay aqoonsi doonka asagu labo sano kaliya yuu la joogaa waxaan hadal ahayna sooma kordhin Waan hubaa hadii la waydiiyo shanta tiir islaamku sidee isugu xigaan inuusan garanayn.
-
Waa hadal sax ah Dr.Galbeedi Farmaajo waxaa la tartami kara nin cusub oo naga lamiya wakhti kaloo faro badan. Dadka badankiisu dooni maayaan inay arkaan madaxdii hore ama tasted hyenas. Farmajo waxay isku dhaceen maamul goboleedyada iyo snm. Sababtuna waa ma jiro dal aduunka ku yaal oo ay ka safraan 7 madaxweyne mid walbaana beeshiisa matalo.. Ma jiro dal aduunka ku yaal oo beesha caalamka carab afrikaan mid walbaa taladiisa wax ku leeyahay Inta kaliya oo farmaajo diiday waa intaas, cadawgana ku yeeshay. Ma qabo inuu jiro qof la tartami kara wakhtigan, nin qabiil u adeegana ma'ahan. Hadiise kacaan cusub oo dadka iyo dalka caqiidadooda oo sax ah ku hogaamiya la helo waa kacaanka ugu fiican oo farmaajo badeli kara waxaana tusaale noogu filam dhawrkii bilood ee maxaakiimta. Sadexda xusbi oo muqdisho ka istaagay waa isku beel sida (ucid, kulmiye, wadani) Waxaa kaliya oo ay baadi goob ugu jiraan inay helaan meeqaamkii muqdisho si soomaaliyoo dhan beel marti ugu ahaato.
-
What is SOLers views and stand on situation in Sudan?
gooni replied to Old_Observer's topic in Politics
Aragtidayda Suudaan waa shacab wadaniyad leh garanaya qiimaha dal iyo dawladnimo leedahay Ciidankooda kornayl walbaa lama tagi karo askarta beeshiisa Madaxweynihii la xiraa qabiil u mudaaharada ama u dagaalama ma jiro Markii lasoo koobo waxay xaq u leeyihiin oo istaahilaan inay helaan xukum madani ah oo shacabku soo doortay Askartu xuduudka dalka ha ilaaliso iyo amniga qowmiyadoo dhan. Halka soomaaliya u baahantahay taas cagsigeed ama badelkeed inay hesho ciidan sodon sano wadaniyadda akhlaaqda iyo nolosha bara. -
Awoowe burburkii ka dib somaaliya waxay noqotay baradho bisil oo dameer jiran jiidayo. Ma jiro gobol xuduudkiisa, ciidan iyo xoog ku ilaaliya, ama satellite kula socda dhaqdhaqaaqa xuduud qabiileedkiisa. Adigoo ka mida aqoonyahanka snm, ma waxaa farxad iyo rayn rayn ku gelinaya kenya koonfurtana waa gumaysataa waqooyigana waxay qarka u saarantahay inay aqoonsato.? Macquul in aqoontii aad kusoo daashay aad sidaa u khasaariso? Farqiga u dhexeeya koofurta iyo waqooyiga in badan baan ra'yigayga ka dhiibtay Koonfurtu shaqadii gumaystuhu ka doonayay waxay ku fulisaa xoog iyo qori caaraddii iyo kala qaybin. Waqooyiguna asagaaba diyaar la ah, tacab iyo dhib la'aan macnaha waaba iska ogol. Kenya waa dawlad adeer, maalin walbana waxay qaabishaa qabiilo soomaaliyeed oo arimo kala duwan ugu socda Kuwo aqoonsi doonaya Kuwo dhaqaale iyo kobaca bililiqada ugu socda. Kuwo leh hadii ciidankiinu naga tago garan mayno, si caano loo dhami doono. Kuwo leh hay'adaha deeqda bixiyaa na casuumay oo bariga fog waxaan uga nimid maslaxadda beesheena. Kenya eed maleh walaalo, waana tan keentay inay xuduudkii "badda" ay u raadiso qabiilo la xaliya, oo dawladnimo ka madax banaan. Waxayna isku tilmaamaan qoys ka mida soomaaliya, loona baahnyahay in hoos loo wada hadlo intii lays dacwayn lahaa, sidii siyaasi cabdi shakuur iyo ina sharmaake horayba u sameeyeen.
-
He is great and clean leader we all need him. Maybe you need him more than i do, use your frozen brain, otherwise you will be interpreter forever.
-
Waxaan qiyaasayaa inaadan u jawaabin sidii reer dhagax-buur iyo goday midna Waxaan hubaa inaadan shaqo ku lahayn reerkaad af hayeenka isaga dhigayso. Aan ka gudubno dhaqan beeleedka hadii beelu qiimo leedahay socodkeenaa laga garan lahaa. Mucaaradka waxaa laga rabaa inuu sadex arimood fahamsan yahay intuusan mucaaradba noqon Kow waxa diintu ku waajibisay oo ah inuu fitno been iyo naar afuufnimo iska ilaaliyo Labo inuu wadaniyad leeyahay oo asagoo sharci dejiye xasaanad haysta uusan hotel dal dal shisheeye arimaha dalkiisa uga hadlin. Sadex inuu iibin karo fikir fiyow oo uu kaga fiicnaan karo dawladda hadda jirta si uu beri hogaamiye loo istaago u noqdo. Nimankan waxay isku bahaysteen beel waxayna u yeerteen intaysan caqli badan ku ogayn Beri markay muqdisho ku noqdaan waa xor afkoodu furan yahay Waxay abaabuli kara gaari gacan layda iyo inta saliidda iibisa. Beesha caalamka iyo kenya waxay u sheegayaan in loo diiday inay ku shiraan muqdisho. Hadii aad tahay reer miyir walaal dameeru dhaan raacday ha noqon meel kaligaa istaag waan hubaa inaad dadka ka dheertahay Nimankan waxay doonayaan Suuq nadaw, doollar madaw, guri madaw, qarax madaw, ha iska daba galin naftaada ilaasho waa talo walaalkaa ku jecel.
-
Awoowe nimankaan mucaaradkaa waa qabiil soocan oo qas wadayaal u badan. Haday farmaajo oo anzaloti ku dhashay qabiil ku diideen ama ay ku sheegeen inuu marti u yahay, adeerkaa oo dhagax buur ka yimid ma u malaynaysaa inay biyo u shubayaan? Dhawr oday oo aysan caqli badan ku ogayn baa shirkooda ugu yeereen, wax macno uu leeyahay ma jirto waa budo gooni u tuman oo hadana ciid ku daadatay.