-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
I will rule everywhere, pure somali doesn't need a shade from any one.
-
Who gave you that information?
-
Dhaqanka iyo talanted waxaa ka horeeya inuu ku diin yahay. Haduu muslin yahay congratulations. Hadii uu atheist ama gaal yahay fitnadeeda allaha ka qabto hablaheena wanaagsan. Suldaan Ma u malaynaysaa naag afrikada bari iyo tan galbeed kala sooci wayday inay qabiil taqaano?
-
knowledge, should be cured the ignorance, if that not happen, then we are real trouble. Waligeen ma jahli iyo takhaluf baan ku jiraynaa? Doollo hadii loo bixiyay wax dhiba kuma jiro waa magac ahaan. Degmo ahaan intuu doono haka koobnaado waxaan hubaa in puntland iyo somaali kalaba degto ugu yaraan sadex ilaa afar degmo, sida galaadi bookh wardheer laftigeeda iyo tuulooyin aad u fara badan. Somaali galbeed in xukuumad laga dambeeyo iyo cidii ay magacwdo, way ka wanaagsantahay in qabiil marti loo noqdo. jubaland is not only tall man's home. Allow other people's rule, then your ruling will be acceptable. you don't need kenyan protection, for no reason, fighting brothers under occupation is very shameful.
-
Gardaradooda wax hor istaaga markay waayeen bay ceeb ka dhigeen puntland yaa dagaal na dhex maray! Aad baan uga xumahay in puntland loola dhaqmo sidii gabar lasoo dhibaadiyay oo roob dhex ku helay. Farmaajo dambi uusan gelin in loo labiso aakhirka ramadaan asagay u fiicantahay waana siyaasad naf la caarinimo ka muuqato. Hor ilaahay baan maxaabiis usii daynay iyo nabad jacayl, ayagoon aqoon u lahayn beentu meesha ay ka joogto caqiidada islaamka waa jaahilnimo wayn.
-
Aragtidayda Somaalidu sida ay u dhantahay xoriyaddu waa cudurkooda koowaad oo si safmara u dili kara, ka hor tag iyo tallaalna ma leh. Ina Iley taliskiisii iska daa kilinka 5aade, soomaalida xorta sheegata itoobiya lagumasoo hadal qaadin karin tuulo ka mida. Gudoomiye uu magacaabay ina iley, beesha hadda is waalaysa quraan iyo duco inay ula yimaadaan mooyee waligood hadal lagama maqal. Kobta'tadan anagaa iska leh laga dhamaan maayo cid kalana waxba uma ogola, mushkiladuna waa xoriyadda. Hadii la waydiiyo gudoomiye degmo oo beri la badali karo maxaad ku mucaaradaysaan waxay ku jawaabayaan batrool iyo gaas baa ka buuxa ! Batrool iyo gaz dhulka soomaalidoo dhan waa ka buuxaa, hadii amxaaro soo saarto kan ku jira killinka, qaybintiisa soo ayagu iskama leh, yaa adiga wax kaa waydiinaya? Waxaa laga yabaa tuulooyinkaa caro gaduudaa, gudoomiyaha loo magacaabay inay jabhad cusub u asaasaan oo dad badan ku naf waayaan. Laandheeraha sida soomaalidu u taqaan ma'ahan, laandheeranimadu waa qab deeqsinimo ka buuxdo, ma'ahan tiro aan tayo lahayn.
-
Xiriirkaan u jarnay haduu faraha ka bato macnahaa ka lumaya, intee jeer bay xiriir jareen? Waligood fedaraalka xiriir ma la yeesheen? Senotoorada iyo xildhibaanada hoose maxay ulasoo noqon waayeen si erayga xiriirba loo waayo?
-
The Guulwade were school drop outs and kidsborn out of wedlock (Ubaxii Kacaanka). Suldaan. Awoowe markaad qofweyn oo xil kas ah noqoto wax walba laguma sheekeeyo hadii aadan dhalan oo adan aduunka joogin wakhtigaas waydii dadka kaa waawayn si aadan caruur kale usii lumin ama aadan u gudbin macluumaad khaldan. Guulwade wuxuu ahaa (جيش الشعب) wuxuu hoos tagi jiray ama asaasay XHKS xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed Ubaxa kacaanku wuxuu ahaa ardayda yaryarka ah oo isugu jiray wiillal iyo gabdho ama waalidkood ha joogo ama agoon ha ahaadeen iskool walbana waxaa laga qaadan jiray kuwa ugu firfircoon uguna quruxda badan (حسن المظهر) waxayna hoos tagi jireen degmada iskoolku ku yaalo si ay ugu faanaan markii shir la xisaabtan ah u yimaado. Shaqo qaran Shaqada qaranka waa waajib la saaray jiilka dugsiga sare dhameeya inay bartaan shaqada ciidanka si ay u difaacaan dalkooda una noqdaan kayd diyaar ah. Ciyaalka la tuuro oo dawladda koriso waa kuwa ugu daacadsan aduunka dalkastoo la joogo aabahood iyo hooyadood waa dawladii daryeeshay. Sidaa u faham walaal, hawl dawladu qabato way ka wayntahay labo jufo oo uu meel banaan oday biixi isugu keenay.
-
Doolow iyo doollo Doolow waa magaalo ku taala dhinaca gedo una qaybsanta labo, doolow somaliya iyo dawlow ismaamulka Ethiopia Doollo Waa gobol ka tirsan ismaamulka Ethiopia xuduudna laleh galgaduud iyo mudug somaaliya, ilaa buuhoodle togdheer sidaan filayo.
-
Dadka somaalida ah ee kenya ku hoos nool beel kaliya ma'ahan waa qabaa'ilo badan oo ka qiimo badan hal beela. Ethiopia sidoo kale, ujeedka ha beela isugu aragto inay wakiil ka tahay soomaalida kale ee ku nool dhulkaas waa khalad. Inta badan waxaad ka maqlaysaa dad aad uga carooday dhiibistii qalbi dhagax, jecelna inay soomaaliya ka hoos maroyaan kenya iyo Ethiopia, arintaas darteed. Socotada ama musaafurka soomaalidau, waxay door bidaan inay maraan dhulka uusan OG' degin labadaa dal, si aan loo jaajusin ama garan waa loogu wax yeelin. Maxaa keenay hadaba, ayadoo dhibkaa soo jireenka ah uu jiro, inay qalbi dhagax oo nin uu af yaqaan loo geeyay uga samri la'yihiin?!
-
Kenya Denies Somali lawmakers and ministers into Nairobi
gooni replied to Che -Guevara's topic in Politics
Kenyatiga wax waynbaa ka khaldan siyaasadooda. Senetor, maamul gobeleed xildhibaan, culumo, ganacsato, aqoonyahan, koligood waxay u diyaar yihiin inay danaha kenya difaacaan Maxay ugu diidaysaa viisaha dad iskaa wax u qabso ugu shaqaynaya?!! Wafdigii hargaysa ka yimid wajeer lamasoo marin diyaaradii siday, si toos ah bay nairobi uga degtay waana maamuus gaar loo siiyay jamhuuriyadda habawday. farxadii ka muuqatay wafdigii balaadhnaa waxaad moodaa inay xajkii joogaan. Somaalida kenya iyo Ethiopia waa shaqaale aad u firfircoon, balse soomaali iskood isu duleeyay waxba uma qaban karaan. -
Suldaan U malayn maayo qof caqligiisu joogo inuu beel jinsiyad waydiisanayo Waxaase laga yaabaa wiil iyo hooyadii lagu khasbay inay waraaqo u doontaan xafiiska snm.
-
Somaaliya iyo kenya waxay isku hayaan waa dhul, waana qadiyad aad ugu culus qof kastoo somaali ah. Balse waxaa jira "cad" aysan dumarku ku xisaabtamin oo soomaalida ula mida dhaqanka snm.
-
Qof mukhaadaraad ka ganacsada wuu ogyahay inaan karfan looga gadi karin xoolhiisa markii ajashiisu timaado, mana ahayn in dad muslin ah masuul looga dhigo asagoo dhaqanka noocaas ah leh. Balse towbaddu way furan tahay allaha soo hadeeyo.
-
Suldaan awoowe nin daar ku jiraa daruur ma arko Australia waxaa lagu joogaana waa dhalashadooda markii qaxootiga laga baxo. Wadamada loo xoogsi tago iyo kuwa loo cibaado tago midna ma aqoonsana basaboorka snm qof iyo labo xakuumada wataan wuxuu soo taago waa layska shaabadeeyaa macno wayn ma leh. Awoowe dadka kasoo safray gabiley iyo arabsiyo oo gaalkacyo iyo garoowe safka ugu jira nin Australia jooga xaalkooda ma oga. Hadii hargaysa ka dhex helaan basaboorkii ay xaqa u lahaayeen waa horumar wanaagsan.
-
Hadal madaxweyne iyo mid nin oday ah midna ma leh. Jubaland iyo gal-mudug waa ku wareereen federaalka dadkana way nacsiiyeen. Waxaase la yaab leh caqligii ay darbiga ku fuuleen wali way u mashxaradayaan.
-
Ninkaanu wiil yaroo dharka ciyaaraha soomaaliya labisan difaaci maayo ee waa xag jir ay ku fogaatay nacaybka somaalida kale, iskuna diraya beelaha hargaysa. Basaboorka waa lagu dhoofaa oo lagusoo shaqaystaa waa masdar al riziq Mar waa lagusoo xijiyaa oo lagusoo cibaadaystaa Mar waa laysku soo daweeyaa oo dhakhtar lagu doontaa Dal aan la aqoonsan dadkiisa wanaagsan muxuu indhaha uga tuurayaa?
-
Cheelle Arrinta labo u kala qaad adigoo maanka ku haya runtu inaysan ragga xiijin Tan kowaad waa asaaskii dhibka haysta somaaliya oo ah in qabiil laysku dilo laguna dumiyo dawlad, ayadoo wax dulum iyo dhib ah la qabin. Aabihii asaasayna wuxui ahaa geesgii asaasay puntland mudane c/lahi yusuf Kana dhigay budo giooni u tuman, markuu dalkii intiisii kale quluubtoodii madoobeeyay. Tan labaad waa tagidii siyad barre, siyaad barre wuxuu ka tagay dal dhisan iyo dad wax qora wixii dhib ah oo ay la yimaadeen dabadiis ayagaa ka masuula. Tan soo raacda waa tan waafaqsan mowduuca wax barashada, ilaa iyo hada dadka aqoon iyo cilmi, ciiddan, dhankasta wax la bidayo waa dadkii kacaanku wax kusoo bartay Sodonkii sano ee ka dambeeyay waxaa la dhisay iskuula badan iyo jaamacado ka badan iskuulada inay dal aqoon ku badbaadiyaan iska daaye ayagaa naftoodii in kaluun cuno u hibeeyay,. Sababta koowaadna waa tayo xumada aqoonta iyo dawlad la'aanta.. Waxaan caqli gal noqon karin in mufakar aqoon leh sidaadoo kale, inuu kala garan waayo samankii siyaad barre iyo maanta oo uu agtaagan yahay toban madaxweyne oo kabo kala gedisan wata.
-
Allaha u naxariisto Nin reer laascaanood ah boliiska burco ma loo dhiibi karaa? Hadiise qof xabad uga baxsato yaa magtiisii bixinaya?
-
Lool kacankii wax looga samro lama hayo saxiib hadaan la iska indho cadaynayn sodonkii sano ee kacaanku mootanaa waa wakhti ka badan intuu soo talinayay miraheediina way muuqataa. Ma aamin lahayd jaamacadii umadda in shisheeye wax barasho usoo doonan jiray? Fasaxaaga soo socda hadii alle idmo markaad garoowe tagto, baadiye kasoo kaxee wiil 15 jir ah, oo geel la jooga waxaad gaysaa iskoolka ugu fiican magaalada waxaad ku tiraahdaa waa inuu fariisto dugsi sare wixii kaaga soo noqda nala wadaag adigoo mahadsan. Waxay kuu sheegayaan inaad gayso sadex bilood oo wax barasho habeen ah oo u dhiganta dugsi hoose oo bil ah dugsi dhexe oo bil ah iyo tan sedexaad oo uu kala fariisanayo dugsiga sare waaba intaa wax barashada ilaa tuulo gaartay oo aad sawiradeeda daawatay. Kuwa caadiga loo geeyo iskuulka ayagoo yar yar waxaa qol yar la fariisiyaa 60 ka badan kuraasta dambe kuwa la fariisiyay iska daa inay sabuurad arkaane haday oxcagin helaan bay nasiib leeyihiin. Iskuulku waa buuxaa wali lagama maqal somaaliya muhiimku waa $, aqoon tayo leh waxay u baahantahay dawlad kontoroosha iyo manhaj sharci ah oo lagu hago. Ma qabo niman lacag ka samaynaya waxbarasho aan tayo lahayn in amaan loogu daro oo aan lala xisaabtamin. Ramadan kariim saaxiib long time no see.
-
Tolmoge Maxaad u malayn lahayd hadii magaalo somaaliya ku taal habeenkii inta dadku hurdo lagu xiro stoplight'ka gawaarida kala haga oo subixii markay soo toosaan bajaajleyda iyo gaarilaydu indha ku dhuftaan nal sadex loon isu badelaya? Kow waxa bilaaban lahaa mudaaharaad labo waxa ku xigi lahaa bililaqaysi, aaway sodonka sano aqoonta aad sheegayso xagee ka martay dadkaan iska ordaya? Sodonka sano qishka waxaa siinayay ardayda ninka iskoolka leh. Dawladd. Sharaxeeda saxdaa waa mulkiilaha dalka ilaahay ka sokow Hadii guryihii la deganaa No lahayn, dadkii magac lahayn, gawaaridii sumad lahayn,wax barashadii manhaj lahayn, daawadii fayo dhawr lahayn, dhakhaatiirtii shahaado lahayn Soo kama fiicana inaad ku noolaato xadiiqada lacagta lagu daawado oo dal fiican ku dhextaal? Qof walbaa xor haduu u noqdo inuu wuxuu doono baro ciyaalka wax badan yaa halaabaya sida hadda ka muuqata dalkeenii. Goodax waa ninkii ugu horeeyay oo imtixaan celiya, inta taariikhda la ogyahay waana iftiin muuqda.
-
Galbedi Apo, maskax uma jawabo waa ilmo yar oo habaw ah, wadan farmaajo siyad bare waa isugu mid. Waxaase kaasii yaabinaya aduunka meel kasta tag waligaa arki maysid dad lagu sheego aqoonyahan, siyaasi, culumo, madax goboleed oo dalkooda dal kale kale ka raaca. Runtii baqdinta ugu wayn aduunka waa markii damìirku gadmo cudurkaas calamadihiisii soomaaliya way ka muuqdaan cafakallah. Tan gacanta birtaa Somaaliya lagama yaabo inay aqoon, tanaasul, caqli, federaal, dimuquraadiyad, dawlad sax ah ku noqoto. Aragtidayda waa sadex, labo la heli maayo oo ah, in la helo kacaan ciidan ama mabda' iyo qabiil ku adkaada awoodda dalka. Tan sedexaad oo ah fursada ay raadinayaan dadka intiisa badan waa in dalku galo gumaysi, ka dibna bartaan wadaniyadda ama waxa wadan loogu yeero,kifaaxa lagasoo maro xoriyadda waxay u haystaan hees la qaado. Sabuuradooda qabiil kaliyaa ku qoran wakhtiga la joogo walaalo. Ilaahay wuu bedelaa quluubta ducada ugu fiican waa ilaahow quluubteena xaqa waafaji, waliba ducadaas waxay ugu fiicantahay markii aad sujuudda dhulka dhigto... allahu'ma aamiin.
-
What you mean local matters? Awoowe waan hubaa adiga iyo ardayda imtixaanka laga xaday hadii laydin waydiiyo waa maxay dawlad inaad u jawaabi lahydeen sidii muuse suudi. Sodonkii sano ee lasoo dhaafay wax barasho macno leh kama jirin soomaaliya waana tan keentay inay la yaabaan imtixaan lagu celiyo. Waa dukaamo iskood u ganacsada ardayda jaamacadda la geenayo ma haystaan aqoontii dugsiga hoose. Ma cabiri karo mana garan karo wiil yar oo reer galbeedka jooga aqoontii hore ee somaaliya iyo tan maanta taal farqiga u dhexeeya.
-
Sodonkiì sano ee lasoo dhaafay ma jirin arday imtixaan ku dhacay wax barashada soomaaliya waa $ dugsi gaar loo leeyahay oo aan dawlad ku xirnayn waa dukaan macaamiil u baahan. Mushkiladan waxaa ka dambeeya isbaaraley aragtidayda, waana arrin u fiican ardayda inay helaan imtaxaan dhab ah oo kalsooni geliya.