-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Aqoonsi ka raadi nin dhul iyo bad soomaaliyeed doonaya waa gunimo. Ingriiskii malaga quustay? Waa tan afrikankii dib loogu soo noqdaye?
-
Waa sax saalax Arsaaqadda ilaahay baa qaybiya waxaa lagasoo kaxeeyay Bangladesh si uu rooti uga cuno berbara. Kuwa dhaawaca u gaystayna waxaa daciifa imaankooda iyo qaneecadooda, waxaana dhici karta inay dhawr jeer waceen ehelkooda oo Europa ku nool si ay wax yar uga helaan. Si kastaba waa dhaqan aad u foolxun.
-
Waa afeef siyaasadeed in kenya loo sheego khaladaadkeeda ayadoo la ogyahay inay ula jeedo xumayn iyo faro gelin Bari waxaa imaan kara in nabar yar oo ay sahlanayso kansar aan dawo lahayn ku noqdo. Snm ayadu waa naf la caari 'jeer' biyo kasoo baxday oo iska qoraxaysanaysa dad bay ula ekaatay marqaan dartiis Nin dhulkiisa boobaya waxna aqoonsan karin waa i salaamay iyo safaarad buu beesha u ogalaaday ma wax dad loo sheegaa?
-
Bangladesh waa dad muslin ah oo faqiira xaq ma'ahan in lagu wax yeelo dhul soomaaliyeed xogaa yaroo yowmiyad ah waa baahanahay bakhtiga looma cuno.
-
Xubinta ugu dhibka badan in laga curyaamo waa maskaxda cafakallah. Jaaliyadda soomalida ee sacuudiga joogta abha ilaa ar'ar waa isku passport waxaa loogu yeeraa (يا صوماليون) Halkaana waxaan lasoo taaganahay jamhuuriyadda qaranka. Walaalayaal ariga ama adhiga sidaad ugu yeertaan ama ugu yeedhaan ama xoolaha barabara laga dhoofiyo caam ahaantood waa xoolo soomaaliyeed Jamhuuriyadaan aad ku indho beesheen xoolaha ku nool makhaayadaha hargaysa oo qudha kuma filna. Waxaad u dawladaynaysaa waa "Ri' iyo Rati aan hadli karin, ama sheegi karin gobolkay ku dhasheen. Xoolaha soomaalida khaliijka waxaa looga yaqaan barbaraawi waligoodna waa yaqaaneen, magacu waa meesha ay kasoo dhoofeen oo ah soomaaliya berbara. Ganacsatadu ma jecla oo waa xoolo misaankoodu yaryahay oo aan hilib badan lahayn Markii la gaaro xajka waa ku waajib in xaaji kastaa neef bireeyo waana suuqa kaliya oo xoolaha soomaalida lagu iibin karo. Marka walaalayaal waa isla anagii waxa dawlada daris ah isigu yeeraya, warqadda saxdaa meesha laga rabo waa dawladda dhexe, ma ahan falaago gooni goosad ah. Markii maslaxad timaado waxaa loogu yeeraa dad gaaraad tihiin, Markaysan maslaxad jirina, carab makala taqaan labo nin oo madaw hadana caato ah, iyo dumar lugaha dhulka ku jiidaya.
-
Federaalku wuxuu noqday erayga ugu maqalka badan dhagaha soomaalida waxaana mar walba la socda erayga kale ee khilaafka. Aragtidayda kama shaqayn karo soomaaliya waxaana sababta ugu wayn ka dhigi lahaa is aaminaad la'aanta Dastuurka qabyadaa asagana ceeriinkaa lagu cunay, qodobka 54aad iyo kan 55aad labaduba waa sax. Puntland waa asaasaha federaalka sida ay sheegaan kumana kalsoona dadka u matala sharuucda federaalka ee muqdisha jooga. Wafdigii dibadda aada, dad puntland ka socda ha lagu dhex daro si ay ula socdaan ajandaha socdaalka. Batroolka lama saxiixi karo ayadoon gudi isku dhafa la helin Macaawinada waa in lagusoo qoraa magaca puntland intaysan Istanbul kasoo bixin Waxaas iyo ka badan waa inay u heshaa xulufo la dagaalanta dawladda dhexe afkaarteeduna u shaqayso. Xaaf waa tagey sida muuqata waxaa kaliya oo uu raadinayaa meel uu ku naf baxo. Puntland waxaa uga muhiimsan badbaadinta xaaf, inay hesho xulufo cusub oo hawshii halkii kasii wada. Afķa hadii ilkuhu ka dhamaadaan, hal iligoo ka taagan waa foolxumo, madoobe waa ogyahay meesha wax marayaan, killin 5aad iyo kukuyo waxaa ka xoog badan rabitaanka shacabka. Khilaaf iyo dhib hadii la waayo xal la arki maayo. Miro kastoo la abuuro dhib lagu tabco iyo sabur dheer baa lagu cunaa, federaalka maray noqotaba waa lasoo aasi insha allah.
-
Maskiin waa macluumaad u fiican qofaan goob joog ahayn mahadsanid Saxankaa ay gacanta kula jireen sadaqo ma ahayn waa baad, ay u arkayeen inay xoraysteen hanti guud iyo mid gaara labadaba, dhaqankaasna wali kasii muuqdaa.
-
Reer gedo miyaa rartay masagadii reer baýdhabo? Horay uma maqal afhayeenka reer gedo ma ahi balse waxaan rabaa inaan kuu sheego qabiil diinta si fiican u qabsaday oo isku duuban lagana nabad ģalay soomaaliya kuma noola. Cali mahdi ama daar ha dhisto ama wado isku xirta aadan yabaal iyo ceel-juqow ha daah furo, waa gacan ku dhiigle adeer. Afartaa bilood oo dad iyo dugaagba nolol u diideen aan kala joogsi lahayn waa taariikhaha ugu madaw soomaaliya.
-
Wuxuu wax ugu qori waayay waa aqoonyahan. Farmaajo qalbi dhagax buu dhiibay, singubna aas qaran buu u sameeyay beeshu qaadan mayso weeye dulucda hadalkiisa. Aragtidayda way ku saxanyihiin soomaaliya waxaa wax lagu qaybsaday qbiil mayd walbaana in qabiilkiisa lala aaso dastuurkaa hadda aan haysano yaa qoraya wax aas qarran la yiraahdo ma jiraan. Wuxuu ku leeyahay waxaa lagu dhinac aasi lahaa, aadan cadde iyo generaal daa'uud balse farmaajo dartiis yaa jigjiga nagu khasabtay Bal munaafaqadda uu maydka la kor taaganyahay fiiri.! Mar labaad allaha u naxaŕiisto, meeshii lagu aasaba xisaabta qabrigga allaha u fududeeyo, ducadaas yaa u mihiim ah marxuumka.
-
Afartii bilood oo ay u bixiyeen caga bararka oo dadku ku noolaa qolofta mooska iyo qaraha, waliba qofkii heli karay wakhtigaas, dambigeedii luquntay ugu jirtaa ilaa yumu-diin. Tan daarta waxay muujinaysaa in nabad iyo nolol muqdisho ka bilaabatay, dhisidda dalkuna waa ka baraka badan tahay dal shisheeye dhisidiis.
-
Aqoonsigii iyo gooni isu taagii waxba maka garan wayday? Kismaayo cidii doonto haka taliso...shardi waa inaysan jufo isku warwareejin talada, noqona qofka talada loo dhiibo daba dhilif shisheeye u adeega.
-
Jubaland aragtidayda madoobe wuxuu doonayaa inuu sii joogo inta kenyaatigu raali ka yahay Musharixiinta ay isku beesha yihiina waxay doonayaan in sida puntland marba jufo reerka ah lagu wareejiyo. Labaduba waa khaldan yihiin, juba land geedihii lagu dhuuman jiray waa la shitay.
-
Yes he was and fsther of the nation Somali children 1982 M.FACEBOOK.COM Somali children 1982
-
Geed walba mirihiisuu dhalaa Dr.chuevara
-
You calling siyad barre dictator and i call father. The usually children dasn't like to wake up early morning, and they dont like to take hospital as well.but when they grow old they should appreciate their parents and realise there were good care. Any way is not your folt you fllowing what you hear. Dictatorship better than lawless my little sister. Nin waraaqihii siyaad barre uu guriga ku siiyay wata waa nin la hubo inuu xoolihiisa leeyahay. Aad baan uga xumahay inuu sodon sano ka dib gurigiisa helo asagoo ilmaynaya.
-
Dhul la dhaco hanti guud iyo mid gaaraba, waa sababta dawladii dhexe loo dumiyay ilaa iyo hadana loo diidan yahay sharci iyo kala dambayn in la helo. Jaamacadii yaa laga la'yahay ciyaalkiina dugsiga sare soo dhamaystay wax ga ku barteen. Maxaad ku diideen in wax lagu barto guryaha jaamacadda waxay ku jawaabeen, badaraa ii dhex yaal.
-
(Wayrax) hadaad maqasho, waxaa wayraxa lo'da, ma lo' buu masuul ka yahay mise dad? Waxaan dhagaystay waraysi uu idaacad siiyay uu ku sheegay inay dad badan soo xireen ilaa 20'tan ka gaaraya, hadana wuxuu gadaal ka raaciyay inkastoo aysan ahayn kuwii wax laayay, su'aashu waxay tahay maxay usoo xirxireen hadaysan waxba gaysan?!! Waa nin wareersan nairobi buu tubaakadiisii kusoo iloobay.
-
Allaha u naxariisto Dhaqan cawaan xad ma leh, fitnada xagjir sameeyo dadka reer kinfur-galbeed yaa ka masuula ee ha layska laayo waa waxaan caqligu qaadan karin.
-
Farqiga u dhexeeya dagaalkii ssdf iyo snm la gashay dawladii dhexe, waxaa waxyeelo badnaa kii ssdf aragtidayda. Ssdf waxuu target'keedu ahaa beshii siyaad barre, ayagoo aan kala sooci jirin inuu geel la joogo iyo inuu wasaarad u shaqeeyo Halkaas waxaa kasoo baxay askar iyo saraakiil beeshii siyaad barre oo ayaguna qanuunka gees maray dhibna gaystay. Snm waxay ku dhex degaalantay caruurtooda, marnaba meel banaan ma istaagin. Mujaahid oo dhan wuxuu soo baxay markii dawladii dhexe ka baxday muqdisho. Gabadhaan allaha soo hadeeyo waligeed wax ma jeclaan sida ka muuqata, waana xag jir aad u fog. Hadalkeeduna wuxuu ku qotomaa, qori iyo qiiqiis waa laysla tuuraa, mana kala jecla siyaad barŕe iyo cadde muuse. Snm waxay ingiriiska iska shabahaan, ama isaga egyihiin labaduba ayagoo hoosta kaa neceb yaad ku dhex noolaan kartaa.
-
Gabadhaan waa aqoonyahan beeleed qiimo ugu fadhida beesheeda Waxaase aad ii cajibisay jawaabta ay siisay ninka punland kasoo jeeda u ku cataabaya in sidoo kale baraago laga aasay ama la xasuuqay. Waxay ahayd inay la tacaatufto maadaama dumarka lagu tilmaamo inay ka qalbi qabaw yihiin ragga.
-
Markuu dad laayay buu salaad aqimay cidina kaa dhagaysan mayso adeer dambiile waa dambiile
-
Thanks for hospitality and kindness. Take my free advice little brother, be proud good and strog nation, not wild tribe. Abtigiis tolka waa nin wax kala saaran yihiin balse way ku adagtahay inuu geel geeso u yeelo.