-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Waa Indheer garad hadalkiis dad kala gooba-goobaysan federaalna ma niqon karàan centralised'na, ma noqon karaan. Puntland waxay u egtahay in hogaankaan hadda la doortay uu ku saqiirayo lix bilood Caburinta ìyo xarigga wuxuu ku bilaabay dadkii jidka qodaxda ka gurayay. Dadka ama waxbaa loo qabtaa oo maamulkoodaa ku filaada, ama waxay qabsadaan yaa lagu abaal mariyaa balse suuro ka bilàwday nin dhergay caloòshiis waa cawaaqib xumo.
-
your writing somali improved masha allah although i did not understand much. i never ever been an african country, only few days transit in Addis long time ago. Serving kenyan will not make you kenyan. Somaalida haduu ku dhasho nfd iyo haduu ku dhasho ras casayr waa isugu mid makala jecla, shaqada hoose iska daa ee meel kore istaag.
-
Waagii hore intaan tabliiqa faraha badan imaan heestaanaan aad jeclaan jiray Waxaad ka baranaysaa dhaqanka iyo luuqada labadaba Tusaale Cosob iyo ďhuldoog leh iyo abaar lagu cagaagto waa caddaan iyo madaw Calcalyada xareediyo omos beer cadaadaay waa caddaan iyo madaw Cadaysimo daruuriyo caad ìyo xayaabaay. Waa caddaan iyo madaw Waxaa kaloo ka mid ahayd heestii Haduu dabku dhaxmoodo maxaa lagu dugsiyaa, ama haday dawo bukooto maxaa lagu dàbiibaa waa sarbeeb xigmadu ka buuxdo Ma ogtahay curyaankaba caga looma wasyine ayaduna waa xigmadda alle oo aad u qurxoon iyo kuwo kaloo fara badan. Hees waa inay xigmad dhaqan iyo luuqad hodan ka tahay ama layska aamusaa. Hadiise ciyaal microphone'ka calyo ka buuxinaya fanaan lagu sheego runtii waa in aas qaran oo qabiiladoo dhan kasoo qayb galaan loo sameeyo. Apo Waa runtaa walaalo. Hadaan waraaqo u doonto afrikaan xafiis fadhiya kan shaaha u kariya yaa iga xiga.
-
Nairobi belongs to Kenyan, are you saying am kenyan? There is deference employer and employee. Fanaan sidiisaba waa goor xun socod macaamiishiisana shaydaankaa ku badan. Ciyaal waxay sheegayaan aan cidina garanayn Bk Bm hadii lagu sheego waa nasiib daro inteeda le'eg.
-
Waad iiga xog ogaalsantahay dad aad la nooshahay Balse waxaan hubaa gaal wuxuu miiska soo saaro si loo wada akhristo iyo waxa maqalka hoose ugu jìra waa kala laba.
-
Somaalida wadamada gaalada tagtay ha iska dayso erayga faras baan ahay iyo carabkaan ay banaanka usoo bix-bixinayaan. Kuwa xilalalka loo dhiibayna ha ogaadeen inay labo gaal oo is raba xafiiltan ka dhexeeya loo adeegsanayo oo aysan run u qaadan, maraykanka waa lawada leeyahay. Waa inay xoogga saaraan inay dalalkii ilaahay siiyay oo aan cidina ka lahayn ku dhintaan kuna noqdaan sida madaxweyne trump sheegay waana eray wànaagsan markii loo fiiriyo runta. Trump waa madaxeyne ay soo doorteen dadkii ugu badnaa maraykanka, asagoo ka turjumaya rabitaankoodana wax macnaa samayn mayso inaad hal nin la dirirto adigoo ku dhex nool 200 malyan oo aan ku doonayn ilaa aad caqiidooda iyo midabkooda yeelato. Waxaan adinkula talin lahaa dadkiina ku nool marykanka inaad codkiina siisaan Mr.trump Nin wax diidi kara yaa wax yeeli kara ama si kale hadaan u dhigo (waraabe godkiisaa la degaa).
-
Hadalkiisa waxaa ugu muhiimsan dal muslina oo carbeed oo loo ogolyahay xujaaj fara badan inay kasoo xajiso yaan basaboorkiisa wataa oo ah soomaaliya. Jabuuti waxba waan kasoo waayay oo ayadaysanba ku filnayn cadadka loo qoondeeyay, snm cidu ma taqaan. Su'aashu waxay tahay see nin doortay inuu bakhti ku korfadhiisto, jinsiyadiisii uu kusoo cibaadaystay bakhti ugu sheegi karaa? Saaxafadu waxay jeceshahay inay dadka waalan waraysto si mujtamaca waalan intiìsa badan ay u dhagaystaan.
-
See hoteel intaas oo qof ku jirto ilaalo fiican u yeelan waayay, ayadoo ay ogyihiin in xag jirku tolka ka mid yahay wax ka yar 30km u jiraan magaalada? Waagii hore yaa ka celin jiray inay falkaanoo kale gaystaan? Waa su'aalo dahsoon oo madaxa kasoo noqonaya.
-
Waa dhaqan khaliijka laga yaqaan Shirkadahu waa inay sii naas-nuujiyaan shirkado kale oo ah dilaal ama waxay ugu yaqaanaan (مقاول) subcontractor. Aakhirka xoog maalka waxaa soo gaara wax yar oo soomaalidu ugu yeerto hana dhiman hana noolaan waaba hadii ay bixiyaan.
-
Ninkaanu hadal doq'on buu leeyahay, aragtidayda, qofkana laguma xad gudbo adigoon hubin inuu daawo cabay iyo in kale. Wasiir cawad waa nin deggan ka fiirsiga hadalkiisuna aad u sareeyo, aqoon fiicana u leh waxa uu ka hadlayo arimaha gudaha iyo tan dibadda labadaba Balse umaddii soomaalida dàdkii waalnaa kuwii fiyoobaa labaduba Facebook yaa isku si usoo dhaweeyay.
-
Kuwii aan walaalaha ka dhiganaynay yaa na daba taagan kuwo aanan shaqo isku lahayn sida Gini yaa arimaheena afrika dhex geynaya oo wax nala jecel,.!! Waa erayadii khudbadii biixi xagee maskaxdiisu ka foorartaa waxaa laysku hayo waa midnimo soomaaliyeed marduuf jaad ah oo hadda soo dhacay ma'ahan. Faysal waraabe aragtidayda waa nin qalbi fiican waligaa dadka si toos ah looma akhriyo Khudbadiisa waxaa ka mid ahayd waxaa na daba taagan usc ma'ahan waa reer kooban,oo aan sandwich ka dhigan karno hadaan telefon u dirno walaalaheen. Beentiis ma'ahan waligiin ma maqasheen madaxdii farnaajo ka horaysay iyo snm oo wax un dhex mareen shar iyo khayr? Jawaabtu waa maya muhiimada shaqadoodu waxay ahayd inay guryo dhistaan gaara, federaalka iyo gooni goosatadana aan laga xanaajin. Snm midnimada laysku haysto macnaheedaba ma fahamsana Usc waxay ku shubteen inay soo wada halgameen, wayna aaminsanyihiin badankoodu in carabta loo midoobo, oo wadanka lakala qaybiyo ilaa man raximulah.
-
Allaha u naxariito intii dhimatay inta dhaawacana allaha buskeeyo Qaranimada beentaa markaanoo kale yaa bartaa wax dhex geli kara ma jiraan ilaa abaaru timaado.
-
Marka ugu horaysa kismayo sida lagu yaqaanay waxaa degi jiray dad ganacsi geeyay oo ka kooban somaali oo dhan, dad xeeb ku nool ah oo risiqooda badda ka doonta iyo dad xoolahooda ulasoo roob raaca. Taa macnaheedu waligiis wuxuu ahaa gobol barwaaqo ah. Magaalooyinka qadiimka ah sida kismayo berbara, marka, luuq muqdisho, muslin iyo gaalaba waa lagu wada noolaa. Arinta labaad axmed madoobe waa nin xumaan iyo samaan labadaba leh Samaanta anigu aan ku tix geliyo aragtidayda waxaa ka mida meelishiyadiisa wuxuu u sameeyay kala dambayn aysan qabiiladu isku dhicin dhexdooda gudaha kismaayo, waana arrin aad u muhiim ah. Xumaantiisa waxaa ka mida jubbaland wuxuu ka dhigay magaalada kismaayo kalgeed oo uu kula fadhi diriro dawladda dhexe. Waxaan qabaa inuu la tartami karo cid kasta haduu miisaanka madixiisa iyo lugihiisa isku dheeli tiro. Tan magaalooyinka iyo qabiilada Magaalo hal qabiil dego magaalo ma'ahan. Tusaale hargaysa waa magaalo aad u wayn runtii waxay u kala degaan xaafad xaafad.beealaysan. Ninka qurbaha ka yimaado oo doonaya inuu guri dhisto toos wuxuu u aadaa meesha beeshiisu degto xataa haday buurta naso hablood soo xirto. Muqdisho ninbaa wuxuu ii sheegay inuu gurigiisii gaday oo uu isla muqdisho guri kale gatay, markii aan waydiiyay sababta uu gurigaa qaaliga u xaraashay wuxuu ii sheegay in beel dhib badan looga caray xaafadaasoo dhan. Meel walba dhulkii soomaaliya ayadoo la wada degan yahay yaa hadana la kala deggan yahay ama lakala jufaysan yahay tuulo laga bilaabo ilaa magaalo wayn. Hadii aad ka hesho magaalo loo wada dhan yahay dhulka soomaalidu degto sidii aan beri ahaan jirnay, ka iibso guri, waa hadii aad hesho waa fursad dahabi ah Inta aad ka cararayso qabiil aad is leedahay waa kaa fog yahay ogow jufadaadaa sii kala jufaysan.
-
Cag-jar waa ku filanyahay soo dhawaynta abtigiis muuse. Dawlad abey ahmed airport'ka kusii sugo un, yaysan nagu noqon, waxa kaloo dhan mushkilad maleh waa oday soomaaliyeed. Shacab caadifadaysan oo calanka Gini wata yaa hargaysa kusoo dhaweeyay, laakiin khudbadiisaa mar kale niyad jabisay.
-
Dhulka waa la wada leeyahay lama kala leh walaal 1988 dii, kismaayo yaa lahaa? Anigu shakhsiyan ma aqaan cid iska lahayd waxaan u aqaanay dhul soomaaliyeed Reer waamo, reer mudug, reer gabiley, dhul makala laha somali waa somaali. Xaq ma'ahan inaad kenya iyo Ethiopia ka ogalaato inaad noqoto darajada labaad walaalahaana isugu sheegto darajada koowaad iyo inaad dhulka kala leedihtiin. Axmed madoobe hadii mar kale la doorto wuxaa sii cakirmaya arimaha jubaland iyo dawladda dhexe. Waxaa la doonayaa muwaadin dhago fudud oo shaqada si daacada ugasoo baxa haduu doono wiilkuu dhalay ha noqdo.
-
Nimankan markay hadal iyo socod ku daaleen dagaalkii dhinac kale, bay u badaleen. Arinta aan la yaabay oo maskaxdayda marnaba geli wayday waxaa ka mida Siyaasi laas-caanood kasoo jeeda oo ka dhex istaagay shir snm leedahay ama 'xus'oo leh siyaad barre yaa hargaysa nagu xasuuqay, farmaajana cadaawadii adeerkiis yuu noo hayaa! Dhaqaalo xumaa jirtee waa hore yaan qabiiloo dhan isaga tegi lahayn.
-
Waa sax labaduba waa carabi waana sida soomaalidu u taqaano Balse luuqadda carabiga qudheeda yaa u qaybsanta luuqad hore iyo luuqad dambe Labada erayba waa luuqaddii carabta ee hore حرسي ...حرس Waa xijaabkii iyo sidaan u naqaanay قرطاس .ورقة ملفوفة على شكل قمع ، توضع فيها الأشياء . Qaamuuska carabiga waa warqad isku laalaaban oo wax ku qoran yihiin Af soomaaligu waa carabi qadiima
-
Qardhaas iyo xirsi waa isku mid Qardhaas waxaa kaliya oo noqdaa hal macne oo ah qardhaas. Xirsi wuxuu noqdaa marka laga reebo macnihiisa, magac loo bixiyo wiiĺasha Waxaa kaloo uu noqdaa (xijaab) marka reer miyiga xooluhu ka lumaan waa loo xirsi xiraa ama waxaa loo akhriyaa quraan si ilaahay uga badbaadiyo bahalada wax dila loona baadi helo. Muqdisho markii si saxa loo fasiro waa meeshii ay ku xirnayd boqoradda shinida la'aanteedna aan malab la samayn karin.
-
Waa sidaad sheegtay, samafale. Kenya waxay si daacada uga shaqaynaysaa sidii ay somaliya u daciifin lahayd, taas waa ajandaheeda koowaad oo u haray ama ha noqoto maamul gobeleed ama snm ama xataa siyaasi khafiifa. Dawladda soomaaliya xiriirka ay u jartay Gini macnihiisu waa digniin kenya ku socota. Gini cilaaqaadkeedu markii horaba ma tirsanayn waxayna u egtahay in koobku buuxo wixii hadda ka dambeeya aragtidayda. Waxaa kuusoo haray qadiyadda Sideedaba qadiyadu hadii ay tahay aan badda soomaaliya qaato ama ugu yaraan qayb ka helo, hadii aad diidaan waan idinkala qaybin dhul ahaan iyo dad ahaanba aragtidayda waxay soo dedejinaysaa xalka soomaaliya, qabiilada soomaalida waxaa mideeya duulaan shisheeye sida lagu yaqaan. Snm misaan wayn ma leh oo aan ka ahayn in laga dhigto 'ul' jaban oo dhabarka looga taabanayo muqdisho. Waxayna sidoo kale heli karaan maamulo badan oo u dhago nugul, qadiyadda taalana loogu sheegi karo wax fudud ama memorandum of understanding.
-
Waxaa laga yaabaa in dawladaan yar ee afrikaanka ah snm isaga dhigtay madaxweynihii soomaaliya oo aysan aqoon badan u lahayn soomaalida burbursanayd 30 ka sano. Afrikaanku inta badan horay uma seexdo soo jeedkiisaa badan. Dawladda somaliya ayadaa laga rabaa inay update ku samayso dawladaha caalamka intii ay ka gaarto socdaalo qoraalo safaarado iwm Xataa dawladaha carabta oo noogu dhaw qaar baa u haysta 21 October inay tahay maalintii xoriyadda somaliya. Muse bixi wuxay uga dhigantahay guul uu shacabka kusii maaweeliyo, aqoonsigii intaasoo sano la sugayayna uu soo dhawaaday. Geni yaa na qaabishay Botswana waa la balansanahay sanadka soo socda, ee waa inaan cadawgeena u midawnaa sida ugu dhakhsaha badan, waa khudbadiisa markuu soo noqdo.
-
Ugaas suldaan Soòmaaliya waa soo kabanaysaa sida muuqata. Libaax dhaawacan dacawo iyo waraabe la socda waa isaga filanyahay.
-
Waa su'aal fiican qof walbana aragtudiisu waa u gaar Mr bille Ingriiska gumayste uma ýaqaanaan taa badelkeeda abaal badan bay u hayaan, oo ah inuu xuduud u sameeyay ayaga u gaar ah. Gumayste waxay u yaqanaan siyaad barre xoriyadda ay u dabbaal dagaana waxay ka dhigteen 18ka may, oo aan la garanayn waxay April uga boodeen.