-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by gooni
-
Waxaa is waydiin mudan Maxay tahay sababta labadii madaxweyne ee hore madoobe ugu naf baxayaan? xaaf iyo cosoble aan kalmad looga maqal? Dawlad goboleed ka sareeya ama ka awood badan federaalka dhexe kee dani ugu jirtaa shacabka soomaaliyeed? Haday kusoo caano shubaan ustaad madoobe oo kaaraan dib ugusoo noqdaan maxaa soo kordhaya? Ma dhici kartaa in dawlado shisheeye ku maal galinayaan odoyaashaan inay awoodda qaranka daciifiyaan? Muxuu imaaraadku labo airport oo caalami ah uga dhisayaa puntland iyo berbera balan qaad midaysan oo isku mara? Maxaa ciidanka danab markay horumar sameeyaan ayaagoon dhamaystirin shaqadii xoraynta, abaan duulahooda loo dalacsiiyaa kii korana loo tuuraa? Maxay kenya khadkeeda badda u qaloocisay hadana u dalbatay wada hadal? Maxay?maxay?maxay?!!!
-
Puntland xaal ha la siiyo waan ku raacsanahay. Sababtoo ah waa jufo taqaan siday meertada u kala leeyihiin ayagoon dhibtoon Madoobe asagoo 8 sano dhuxul beec gaynayay yuu garan waayay somaalinimo iska daaye xataa tolkaa si daacada ula tartan.
-
Private Port at Garcad may revolutionize the Horn of Africa
gooni replied to Old_Observer's topic in Politics
intee sano ayaad jirtaa cimrigaaga allaha dheereeyee? -
Private Port at Garcad may revolutionize the Horn of Africa
gooni replied to Old_Observer's topic in Politics
Tala mooge Ina adeer hadii fooxii la shido beeshu guriga la gasho waa dhibaato. SSC waxaa u geeyay inay ehel ka dhigtaan somali diid waa arintaas uu maamulka puntland caadaystay. Hobyo waa dekadda gal-mudug Bosaso waa dekadda puntland Barbera waa dekadda snm Kismayo waa dekedda jubaland Hir shabeele waa inay ka heshaa War-shiikh Koonfur galbeed waa inay ka heshaa baraawe Haduu dani booska farmaajo joogi lahaa ma garacad buu dhis lahaa mise hobyo aragtidaada? Haduu garacad dhiso cadaalad ma'ahan aragtidayda hadiise ay iskood isku abaabulaan waa karti beeleed wanaagsan. -
Madobe wuxuu ka hor yimid dawladnimada iyo sharuucda dalka waana khaa'inu wadan. Wuxuu xiray hawada kismayo badda iyo bariga asagoo ku hadlaya afka kenya. Nimankaan isku sheegaya madaxwynayaal hore ma waxay taageerayaan in dalku fowdo iyo is doorasho kala madaxbanaan ku jiro? Aragtidayda waxaa u fiicnayd inay dawladda hadda jirta waxna ku raacaan waxna ku diidaan waa aragti siyaasdeed oo fiican, si ay u kasbadaan shacbiyadda farmaajo qaarkood Balse haday beel un isku daba galaan warlord'na ku caano shubaan waxay hoos usii dhigaysaa sumacadoodii ayagoon awalba saa usii fogayn.
-
Private Port at Garcad may revolutionize the Horn of Africa
gooni replied to Old_Observer's topic in Politics
Mr.Old Dekedda khaaska loo leeyahay ama beeshu samaysato waxay ka barako badan tahay tan dawladdu dhisto soo ma'ahan hadalkaaga nuxurkiisu? Awoowe gacaliye laf cad yaad toobin ku haysaa. Dawlad waxay dhisto waa ka kuwaaliti fiicantahay tan beesha lagasoo ururiyo waa maal gelin ama deeq dhab ah oo ayatiin dheer leh. Hobyo beel u adeegi mayso waa ganacsi furan sida tan bosaso ugu adeegto dadkoo dhan canshuurta dawladdu heshana waa jiritaankii dawlad nimada. Faa'iidada ku jirtaana waa lawada leeyahay dhulkana waa lawada leeyahay sidoo kale. Galkacyo ganacsadaha jooga haduu kala doorto hobyo iyo bosaso iyo xataa garacad hadii maal gin fiican loo helo oo laga gudbo adna ka ag dhiso waa ķhayr soo kordhay. Puntland waa inay ka waantowdaa daciifinta dawladda dhexe hadii kale waxaa imaanaysa inay gudaheeda sii kala baxdo mar kale. (xerada waa la waynaystaa adoon xoolo badan lahayn daacadnimadu waa barako) -
Private Port at Garcad may revolutionize the Horn of Africa
gooni replied to Old_Observer's topic in Politics
Hobyo iyo garacad waxba isuma jiraan masaafo ahaan, puntland dhaqankeedu waa dukaan ag furo oo ka mida taajirada soomaalida ay dhaqan ahaan u leedahay Bosaaso waxaa ku taal deked qiimo badan ayadaa loo baahnaa inay xoogooda isugu geeyaan dayactirkeeda waa deked u dhaw gacanka carabta oo in lala tartamaa ay adag tahay. Farmaajo waxay ku diidanyihiin siday ila tahay tartanka uu ku furay dekedahooda si ay ugu ekeedaan dawlad daris la ah gobolada kale oo difaacata amnigeeda dhaqaale. Waa wadan dadkiisu aysan waxba isu ogolayn. -
Baahida laguu sheegayo waa shaqo la'aanta. Nin xabag ,xoolo, kaluun iyo dahab ku kor fadhiya qayilaadda snm oo sahyuuniyadu maal geliso tolkiii inuu godooyo waa jariimo inteeda le'eg. Saxiib i rumee waligay gaal marti uma noqon Maskiin iska xabkaysta yaan ahaa waligay Hadaan gaalo la joogo soo sidaadoo kale mutacalin ma noqdeen faraha looga gubtay?
-
Suldaan Waligay qaxooti ma noqon caydh'na ma qaadan Europe iyo americana cagtayda ma dhigin, marka laga reebo Europe'ta bari waagii aan sharafta lahayn, horta intaas ogow waa xaqiiq alle iyo aniguba ognahay. Tan reer maakhir waa beel cariiq ah oo ilbax u badan, ninkaan hadlaya xoogaa uu ku qayilo yuu ka doonayaa tolkiis balse inuu isku xiro qadiyada sharaftooda karaamadooda iyo dhaqaale ma wanaagsanayn waa hadiiba aad noo keentay cod sax ah.
-
Madaxweyne waa inuu yaqaan qofka iyo sharciga kan sareeya hadiiba ay dhacday. Balse faa'iidada laga helay dagaalkii usc waxaa ka mida in maskax ahaan dad badan u dawoobeen.
-
Hadaanan dhaqaale idinka helin reer huuno yaan dib ugu noqonaynaa intaan is yara dhaq-dhaqno.!! Damiir iyo gaajaa dadkaaga iyo dalkaaga lagu difaacaa Maakhir dhagax aad fujiso hoostiisa yaaba dahab laga helaa baan maqlay, qurbo joog xoolo laga keenay kugu raagi maayaan, orgi iyo wan iibso oo iska tuur shaatiga snm.
-
Ma jirto cid sheegi karta ilaa maalintii soomaalidu ku biirtay jaamacadda carabta, mashruuc soomaalidu ka faa'iiday oo la taaban karo. Carabtu waxay wax tartaa mujtamaca ayaga ka horeeya. Soomaalida waxaa siraya sakada iyo quudinta alle ku waajibiyay inay bixiyaan waliba telefishikoodu la socdo. Warshadii sifaynta batroolka ee ciraaq ka dhistay jasiira sokodeeda oo aanan garanayn deeq iyo dayn miday ahayd mooyee, waligay ma arag mashruuc loo shaqo tago oo carab laga faa'iiday. Biraha ay ka badelaan dekadooda haday ku xiraan babera koofiyado badana soo diraan waa mashruuc wax qabad u noqon kara maamulka jira, hadalkiisuna shacabku waa jeclaanayaa,sababtoo ah shacabku waligiis ma cunin waxay gacantooda kula soo baxeen wax si saxa u jiheeyana maysan arag.
-
He need to walk half hour a day, he will be fine.
-
Waxaan maqlay nin reer mudug ah yaa quraanka bartay oo sheekh noqday hada ka hor Reer mudugu waxay quraanka ka baran jireen somaalida galbeedka, haduusan waxba aqoon xataa waa u karaamaysnaa ninkii ka yimaada galbeedka, way xoolayn jireen ama deeq fiican bay siin jireen ama xataa guur iyo degaan lagu sharfo yuu heli jiray. Sheekhii reer mudugga ahaa wuxuu arkay inaan cidina shaah u karinayn wax quraan akhris waydiisanaya aysan jirin. Shir tolkiis fadhiyo yuu u yimid asagoo xanaaqsan maalintii dambe wuxuuna ku yiri kitaab aan tol lahayn anigu sidan maayo wixii maanta ka dambeeya. Dalxa wadaadka uu sheegayo reer mudug ka gadmi maayo waa dad xataa wadaadkooda dila. Mushkiladoodu ma yara waxaadna ka garan kartaa maamulkooda bac khafiifta noqday.
-
Carabtaa maaweelinaysa ayaguna shacabkay maaweelinayaan. Garoonka masar yaa ka yara wayn baan u malaynayaa kulahaa Aaway dekaddii? intaangaroonka la dhagax dhigin?
-
Kaligi talis wuxuu ka jiraa puntland, federaal iyo dawlad dhexe intaba ma ogola, waa maamul jufo oo aan jiho iyo jid loo raaco lahayn. Dastuurkii ku meel gaarka ahaa qaybna way diideen, intii soo hartayna snm hala sugo bay ku taliyeen. Manhajka wax barashada ama shahaado midaysan waa waxa ugu fudud oo ay kula heshiin karaan federaalka dhexe Balse doodoodu waxay kusoo ururtay puntland waa ka fac wayntahay federaalka shalay la dhisay waana ka horaysay. See 21 jir 4 jir wax ugu sheegi karaa? Ama aqoonyahan ha sheegto ama culumo ha sheegto maamulka puntland, qofkii sharci ku difaaca waa qabiilayste aan rajo lahayn. Dhanka amniga waa shacab baràkaysan oo aan dhib jeclayn cid kastaana maamulan karto. Markii warka lasoo koobo Puntland maamulkoodu wuxuu doonayaa federaal calankiisu gaar yahay, manhajkiisu gaar yahay, ciidankiisu gaar yahay, arimihiisa dibadda gaar u tahay, hawadiisu gaar tahay, kaluunkiisu gaar yahay, hadana daris la noqda federaal kale oo ay fowdeeyaan.
-
Cute halimo?!! She is keep saying, Kampala to Nairobi my mother, where is her father? Why always father missing? I see Western beautiful gardens Awlaad, ilaahow isii kaliya lama dhaho, waxaa lagu ducaystaa ilaahow awlaad saalax ah oo caafimaad qabta igu arsaaq ama isii si aysan imtixaan kuugu noqon. My dear brothers and sisters go back home as soon as possible.
-
Ninyahow Kaligii talis lama hayo Wada talisna lama hayo Isku tashina lama hayo Kala tashina lama hayo. Hadii dastuurka lala sugo snm oo rajo beeshay waxaad u ekaanaysaa adigoo qof xanuunsan sariir la seexday, inta badan dadka xanuunsan in godka loo sii raaco way jecelyihiin asxaan maleh. Dawladaan hada ka dhisan muqdisho waxay isku dayaysaa inay soomaaliya hesho federaal sax ah oo hoos yimaada dawldaii dhexe oo kulmisay dhamaantood. Balse mushkiladda jirta waxaa weeyaan puntland ma doonayso federaal, waxay doonaysaa dawlado daris ah oo afka walaalo ka ah, hal calana ka dhexeeyo. Majirto meel horay loogusoo arkay federaal nooçaas ah aduunja lamana sheegin. Tusaale Fedaraalka dhexe waa inuu fara gelinta ka daayaa gobolada see loo fahmaa? Haduusan goboladiisa fara gelìn ma kaluun buu qoraxanayaa? Federaalkii kale waxay leeyihiin waa inaan noqonaa sida puntland oo hal jufo si qurux badan isugu wareejiso markii kaltankooda la gaaro. Puntland'na waxay leedahay waa in sida snm hawsheenu gaar noo noqotaa anagoo calanka buluugga ah si been abuura u huwan. Aragtidayda Dastuurka looma baahna snm iyo aftideeda. Wanka markii la gawracayo kuwa kale waa laga qariyaa sida shareecadu qabto Sanaag, sool, awdal, togdheer barkeed intaba waa laga qaadi karaa afti Hadii afti aad sideed dukaan iyo sideed bakhaar oo kala duwan aad waydiiso shan haday haa u codayso hargaysa waa ku gawracan tahay. Somaalidu waxay dhahdaa nin faas haysta qoryo ma waayo, xalku wuxuu ku jiraa in dadka loo shaqeeyo hadal iyo shir jaraa'id waxba keeni maayo Aakhirka hadii alle ìdmo waa in cadawga federaal qabiilaysiga meel loogasoo wada jeestaa waa hadii la rabo in qowm ahaan loo badbaado.
-
Talo mooge Ciidda ama dhulka, markii laga qaadayo sample, meelo kala duwan oo dhulkaas ka mida yaa laga qaadaa, muhiim ma'ahan in dadkoo dhan afti la waydiiyo. Waqooyiga dhulkii aftida laga qaadi lahaa snm yaa xoog ku haysata.! Soo ceeb ma'ahan inuu adeer faroole shirka la yimaado dastuurka snm halala sugo?