-
Content Count
2,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
53
-
Madaxwynaha somaliland iyo Ethiopia yaa heshiis kala saxiixday yaa ugu muhiimsan wax kastoo cawaaqib xumaa oo dib ka dhici kara Dadku waa indho ku "garaad le" maskax u nool ma jirto. Hadii miis ubax loo saaro, dhawr flash camera ku dhacdo wax kastoo loo keeno way saxiixayaan. Muuse in badan yuu geed ku xirnaa ciddii hal gacan xarigga uga furta waa walaalkiis ay isir wadaagaan. 50 wiil oo laascaanood kasoo cayrsatayna wuxuu bixiyay "huwan" dalkiisa kusoo duushay. 120 malyan oo Ethiopian ahna waxaa la saxiixday heshiis wax wada qabsi waa waali aan horay loo arag.
-
13 garaad yaa isku raacay in meel banaan la dhoobto cirkana ahayn dhulkana ahayn Waa wax lala yaabo!! Adeer federaalka soomaaliya wuxuu ka dhaqaaqi waayay puntland ayagaana keenay oo hadana sheegtay inay hooyadii dhashay yihiin. Khadka usc snm iyo jabuuti u jeexeen ssc waa in ku meel gaar labo sano ah la siiyo, si ayaga iyo puntland labaduba isu burburiyaan. Maskaxdaan waa lasoo darsay ma jirto jufo labo bilood wada socon karta dhaqaale la'aan iska daa labo sanee. Bulsho jastoo badan way ka dhaqaale badan yihiin bulsho yar, dhaqaalaha dadkaa sameeya. Snm waxay laascaanod ku qabsatay dhaqaale markay arkeen dhulkaan banaan oo muqayil kaliya ku nool yahay. Aragtidayda Ssc waxa kaliya oo ay ku badbaadi kartaa ayadoo la midawda puntland. Siyaasadda puntland wax wayn bay ka badeli karaan waxayna noqon karaan qowmiyad xoog iyo xoolo leh wadankana badbaadiya Hadiise ay raacaan damaca garaad iyo horgal daciif ah waligood meel gaari maayaan wayna kala qaybsanaan. Puntland nuclear ma haysato waa jufo meel muhiim ah deggan wax ku darsada oo isku milma dhib iyo dheefba. Waxaa foolxumo iyo ceeb ah ssc oo mar kale huwata calan aysan lahayn.
-
Snm dagaalkeedu xaq ma'ahayn wayna ogyihiin xaqiiqda dhabta ah, intooda waayo aragaa ilmahaaga hadaad xaaraan ku quudisana aakhirka ayagaa dila. Erayga jihaadkana way ku xad gudbeen si xad dhaafa. Jihaadka wuxuu kuu banaan yahay markii diintaada maalkaaga cirdigaaga laguugu yimaado. Alle wuu abaal mariyaa qofkii ku dhinta, markaad xaqaas ku dhimato waxaad qaadan kartaa magaca (mujaahid) Ma'ahan qof kastoo marqaan dhidid ka keeno in loogu yeero mujaahid. Intaas aan kor kusoo sheegay waa loo ilaalin jiray laguma xad gudbin waa xaqiiq warkaan idiin sheegayo. Towbadu way u furan tahay snm jiilka beenta loo sheegay walaalihiin soomaaliyeed wax la qaybsada habrahaan masii wada socon karaan qabiilna qaran ma noqon karo ama heesa ama buraanbura. Hadii aad ka dhaga adaygtaan waxaa imaan doonta maalin uusan misaan lahayn hadalkiinu, habrahoo dhana godkooda biyo ugu galaan Waa talo walaalkiin soomaaliyeed waayo waxaan ogahay inaad soomaali sax ah tihiin.
-
Carfaat Layskuma hayo in afrikaan iyo amxaaro maamulaan koonfurta, xoogna ku joogaan markaan dhexdeenii is dilnay oo daciifnay. Gaalo kale oo walaalahood ah yaa koofiyad cagaaran u xidhay nimankaasu waa sharciyaysan yihiin. Meesha kaliya oo aan islahaa waa lagu faani karaa waxay ahayd waqooyiga oo aan askari ajnabi ah joogin marnabana aan lagu arag. Laakiin snm waxay noqotay ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku afuray Baqdinta aan iminka qabaa waxay tahay in la arkay meesha aad ka jilicsan tahay oo ah "tol" la'aanta. Taasina waxay keenaysaa in amxaar kuul leh lagula walaaleeyo, dadkaagii soomaaliyeedna cadaw kuu noqdaan. Ugu dambayn Adeer hashaasu waa jabtay, waliba si sahlan geelu haduu jabo ma kabmo waa la qashaa, Hashaas jabtay cuna oo karsada intuu amxaar ceeriin ku cuni lahaa. Afeef Hadaad luuqadayda garan waydo raali ahaw, jiilkii hore yaan kasoo jeedaa. Ogowna aduunka waxaan ugu necbahay caadifadda ka sakow, inaan arko soomaali, soomaali kale maydkiisa kor taagan xataa haduu shbaab yahay.
-
Snm waligeed xaq kuma dagaalamin ilaahay baa ka carooday caruurta muslimiinta oo ay beenta iyo cuqdada barayaan ku dhawaad nus qarni. Jufo yar oo laascaanood degta bay waxay u bixiyeen "huwan" markay arkeen geedihii iyo cawskii oo la safan iyo hooskoodii oo daba ordaya. Waalaalayaal dagaal sidiisaba waa inuu xaq yahay,haduusan xaq ahayn ha gelin. Dagaalkii ingiriiska xaq ma'ahayn, waayo xuduud buu na siiyay aan gaar u leenahay oo soomaalida kale naga dhex saaray. Wax yar baa ka dhimanaa aqoonsiga intaan dhibkaanu imaan 32 sano yaan hashaas jabtay caano ka sugaynay. Ugaaska amxaarada ka ducaysta asagaa inkaartu ka timid dhulkuu idinla xoreeyay berigii faqashta looma abaal gudin "deked" yarna lama siin, waana walaalkiin sidaad sheegaysaan. Odayaashii oodweyne iyo suldaankii ma xamar bay iska aadeen? Yaa xaalkooda ka warqaba? Waan hubaa inay soomaali-weyn maanta jecel yihiin.
-
Seas fire meel uu ka shaqayn karo somaaliya kuma taalo Dhimasho iyo dhaawac badan ka dib, bay wada qayili doonaan waan soo aragnay in badan. Qayb maskaxda soomaalida ku jirta yaa wax ka khaldan yihiin mana garanayo magaceeda. Snm orodka iyo dagaalka way ku khaldan yihiin. Ssc inay ictiraaf xasan sheekh ka doonaan way ku khaldan yihiin ayaguna. Snm dagaal waxba kuma keeni karaan dhib sii kordha mooyee. Edna aadan halaga war sugo intay ingiriiska kasoo noqonayso 30 sano oo kale ga qaadato. Nabad baa qayilaad fiican leh walaalyaal. Ssc fudaydka reer abtigiin koonfur ha la'aadinina walaalayaal. Caqli usc ka yimid ma'ahan labo sano ha la tijaabiyo inay ssc hogaan qudha isku raacdo iyo in kale. Waa takhdiid ka yimid maska haanta gunta u fadhiya. 11 garaad iyo fahiimo quuje mid la raaco yaa la garan la'yahay bil gudaheed. Aaway maamulkii iyo madaxweynihii?! Markaad is aqoonsataan oo aad kala dambaysaan adinkaa wax aqoonsan doona. Usc, riyaha dabadooda alaa fayday,lama wadi karo waxna ma wadi karaan. Caqliga social media yuusan idinkala qaybin oo idin kala dilin hal microphone ku hadla,hal garaadna ka dambeeya waa intaas aqoonsiga saxdaa. Garaad jaamac, garaad samatar, garaad cali, garaad ismaacii, garaad yaasiin waa lagu wareerayaa wuu inuu jiraa garaad iyo saldanad kasii hoosaysa si aysan ayagu isugu dhicin Bal geed hoostii fariista insha-allah oo xataa midabaka koofiyadda garaadka guud noo sheega. Waa walaalkiin gooni guure.
-
Waagii farmaajo intuusan hadlin waxaa afkiisa kasoo dhici jirtay doobada awrta qooqan Maantana wuxuu u hadlayaa sidii umul ilmo ka dilmeen Joogidiisa puntland, waa wakhti ka lumaya federaalka iyo puntland labadaba.
-
Adeero... dagaalka gooje cadde waa nasiib daro iyo magac xumo duriyaddu masuuliyadiisa ay qaadanayso Balse duriyadda waa lala gobonimo diriray xaqiiqdii ayagoo daalimiin ah yaa si fiican loo hagaajiyay. Bal ka warran hadaad xaaskaaga usc ugusoo carari lahayd? Dhakhaatiirtu waxay oran lahaayeen dhawr bateri yaa ku fogaaday wadankana waxba loogama qaban karo Iminkana gaari baa laguusoo saaray ayadoo dhar cusub loo gaday Jooga dalkiina dulumkana iska daaya waa wax laga qalbi jabo wiil soomaaliyeed oo mayd wiil kaloo soomaaliyeed kor taagan.
-
Haaruun macruuf Ma garan karo in qof kastaa akhrin karo, midabkiisa saxdaa Dhacdooyinkaas waa wayn wuxuu kasoo qaatay kuliyadii jaalle siyaad oo uu ka dhigayo daciif, ama dhacdooyin soo dhici jiray oo iska caadi ah Munaafaqu gaalka waa kaga hooseeyaa naarta. Ilaahow hanagu dilin munaafaqnimo.
-
Waxaa la yiri, juxa ninkii la oran jiray yaa dameer soo kiraystay si uu hawlihiisa ugu qabsado. Dameerkii markuu kooraystay ana fuulay, yuu marna koonfur ula cararaa marna bari marna galbeed...way ku adkaatay xataa inuu istaajiyo, dhidid iyo juhdi wuu ka dhamaaday. Dadkii yaqaanay, qofkii ka horyimaadaba wuxuu waydiiyaa...war juxa xagee u socotaa? Wuxuu ugu jawaabaa meesha dameerku u socdo. Soomaaliya waxay ku socotaa meesha dameerku u socdo.
-
Hamse wuxuu la mid yahay ninkii sheekha fadwada waydiiyay oo ku yiri... Sheekhow waxaan ka shaqeeyaa makhaayad khamarada lagu gado, laakiin anigu qaybta cuntada yaan joogaa ee macaashkaygu ma xalaalbaa? Fahad yaasiin waxaan kula talin lahaa mayd waa loo duceeyaa balse wax looma sheego.
-
Ra'iisul wasaare position is being replaced
gooni replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Kursiga la tuurayo reer gaar ugu qoran ma jiro,waana caqabad in la wada taliyo oo aan lakala dambayn. Dr. Deni wuu ogyahay qabiilkuu u dhashay inaysan soomaaliya degin, dal iyo qabiil midna dan kama leh. Beri, reer usc yaa qayb u heli kara, laakiin waa in dadku garanayo sharcigu inuu umadda u sinaado oo lakala dambeeyo, bisaylkaasna aad baan uga fogbahay. Madaxweynuhu tol-beelay geel ciidanka ha loo qalo yuu ku yimid intii geela keentayna xukunkuu u dhiibay, waa adag tahay in laga rumaysto guri barwaaqo inuu soomaaliya u raro. Tan kale Usc ayagoo raysl- wasaare farmaajo ka xoog badan haysta yaa la aamusin waayay ka waran ayagoo beri qayb u helay raysul wasaare ama madaxweyne ku xigeen daciifa? Wadanku wuxuu u baahan yahay ciidan adag iyo maxkamad adag oo qabyaalad iyo qabiilaysi ka madax banaan Taasna waxay ku imaan kartaa inqilaab ciidan barakaysan oo aan mar kale u heesno, anagu tagnaye caruurta noo badbaadiya. Wax kale oo isu keeni kara reer daba musmaar anigu ma garanayo. -
Munduloodka garoowe wuxuu rabo yaa shaqaynaya walaalayaal, Faroole wuxuu u taagan yahay badbaado qaran si uu uga hortago geedi injir leh.
-
Exactly ma jiro tusaale ka fiican midkaa aad keentay Rooble uxuu ahaa ciyaal maamo tolkiis iyo deni oo iska dhex ordayaya ka dhigeen faas af badan oo darmaajo lagu tuuro. Xamse iyo deni waxay heshiis ku ahaayeen dulumkii caanka noqday ee doorashadii kismaayo 3 oday ii keen aan midkaan doono kala baxee, soo sidaa ulama socotid? Power sharing laguu sheegayo waa dad isku duuban hadii nin kaligiis meel istaago ciduu matalaa ma jirto. Waxaa la rabaa aragtidayda puntland inaysan kala jeclaan booska qabiilaka la siiyay haduu jufadeeda kasoo jeedo iyo hadii kalaba, waxaa uga macno badan inay awoodooda gobol ku taageeraan R/W xafiis iyo sharafna ku yeesho garoowe. Balse hadii uu yiraahda ma kiibaa hadlay... ii dhiiba makarafoonka aan jawaabee gabdhaha mashxaradda yaqaanana ha la soo toosiyo waa daciifnimo aad u wayn aragtidaada Tan dagaalka laas-caanood Shacabku ayagaa is xilqaamay oo walaalahood garab istaagay, dawlad maysan jiheen, markuu arkay inuu meel cidla ah taagan yahay, yuu dhidid been ah iska keenay, waana dhidid siyaasadaysan, waayo horay waligiis kalmad caadifad tolnimo kuma difaacin SSC.
-
Popular Contributors