Jasiiradda Suqaddarah waa jasiiradda ugu weyn ee afar jasiiradood ee ku yaal meesha ay iska galaan Badyarta Cadmeed iyo Badweynta India. Saddexda kale waxaa la kala yiraahdaa Samxah,Darsah iyo Cabdil-kuri. Dhul ahaan waa 3,625 km² , Waxay dhulka Somaliya u jirtaa 250 km halka ay Yemen u jirto 340 km.
Dadka degaanka waxaa lagu qiyaasaa in ka yar 100.000 oo qof. (70.000-80,000. Waxay luqad Ahaan ku hadlaan lah-jad Afcarabi ah oo la yiraahdo Suqadari.Midab ahaan intooda badani waxay u egyihiin Carabta Yameneed iyo Cummaaniyiinta koonfureed.(Madow furan) inkastoo laga helo qaar yar u eg Yurubiyaan oo indho buluug iyo timo Cas leh,waxayna sheegtaan in ay yihiin Qabiilka Mehriga.
Mahri waa qabiil balaadhan oo Carbeed oo dega inta u dhaxaysa Yamen, Cummaan ilaa UAE.
Dhul ahaan waa dhul Buuraley ah oo kulul, Waxaana laga helaa Shimbiro iyo Dhir aan addunka kale laga helin.Geedka Xijigana waa lag helaa isagoo noocyo badan leh.
Intaan Gumeystayaasha reer Yurub imaan Afrika iyo Aasiya, Dadka reer Suqadara waxay hoos tagi jiraan Saldanaddii Mehriga oo xukumaysay Dhul baaxadweyn leh oo hadda ku kala qaybsan Yemen, Cumaan iyo UAE.
1886 ayaa Ingiriisku Qabsaday Jasiiradda Waxuuna maamulkeedii hoos geeyey waalligiisii u fadhiyey Cadan.
Sida la wada ogyahana Reer Yurub ayaa sameeyey inta badan xuduudaha waddamadii ay Gumeysteen ee Afrika iyo Aasiya,Sidaa daraadeed ayey u dhacday in Saldanaddii iyo Dhulkii Mehrigu u qaybsanaado dhowrkaa Waddan ee aynu soo sheegnay.
1967 markii Yementa Koonfureed qaadatay gobonimadana waxay ka mid noqotay dhulweynahaa Yementa koonfureed oo ay maamul ahaan hoos tegeysay ilaa 1886 markii Ingiriisku halkaas soo galay.
Markaa sida Muuqatana Dadka reer Suqadarah waa dad isir ahaan la wadaaga dadka Mehriga ah ee Deggan Yemen iyo Cummaan iyo UAE.
Xidhiidhka Somalida iyo Suqadara,
Sida aynu ognahay Gumastaha ka hor qabaailada somaaliyeed mid kasta wuxuu lahaa dhul uu sheegto oo u xadaysan oo loo yaqaan
haddii qabiil kale ku soo durkana ay ku dagaalamaan, waxana lahaan jireen Horjooge aiyo la talaiyeyaal
Markaas Dhulka Puntland oo ah Dhulka Soomaliyeed oo ugu dhow Jasiiradahaasna Ma jira Qabiil kamid ah oo ku andacooda amaba sinnaba u sheegta lahaanshaha Suqadra iyo Jasiiradaha kale ee la dariska ahba.
Sida ku cad Taariikhda Somalidu waxay u safri jireen Waddamada Yemen iyo Cummaan oo dhinaca kale badda ka saaran,mana ay sii mari jirin Suqadarah oo jidkeeda oo leexsan owgiis. Waxaa dhici jirtey in mararka qaarkood xilligii Doonyuhu ay Shiraaca/qa ku socon jireen in mararka qaar ay dabayli u qaaddo dhankaas iyo Suqaddarah Hase yeeshee markii ay dabaluhu kala degaan markaba way ka tegi jireen. ogowna Suqadraha Malah wax lagu xisho oo loogu safro.sidaa daraadeed wax xidhiidh ganacsi oo ay la lahaan jireen ma jirin. Waayo Somalida Degaankaas Puntland waxay ka ganacsan jireen intooda badani oo Carabaha u qaadi jireen wuxuu ahaa Geedka maydiga, iyo xoolaha nool, Geedka Maydigana waa laga helaa Jasiiradda Suqadarah, Xoolahana Looma iibgeyn jirin waa dadka oo aad yar oo Sabool ah oo aan innab xiriir la lahan dunida inteeda kale.
Waxaan sheeko odayaal kaga Maqlay in muddo hore abaaro ka dhaceen geeska Afrika markaas ay dad badanoo Somali ahi u qaxeen Jasiiradda Suqadra, kadib markkii abaartii laga baxayna ay soo laabteen.
Haddaba u jeedada Maqaalkaygan gaabani ma ahayn in aan dadk baro Taariikhda Suqadah ee Waxay ahaday markaan arkay Xildhibaan ka tirsan Dawladda Federaalka ku meel gaadh ah waa Cali Cismaan Diinsoor oo ku eedeeyey in Dawlad Goboleedka Puntland ka iibisay
Dalka yemen Jasiirad Somali ay leedahay oo la yiraahdo Suqadarah.
Haddaba waxaa dadka aan ka mid ka ahay ku noqotay
Fajiciso iyo layaab in Xildhibaanku aanuba wax aqoon ah u lahayn Khariidadda, Dhullka, Xuduudaha ama Gobolada uu Xildhibaanka u yahay.
Waa yaabe sidii Ruux wax aanu lahan uga iibin karaa ruuxii lahaa.
Somaliya waa ka suurto gal waayo wax badan baynu Muqdisho iyo agagaarkeedaba ku aragnay in Ruux Gurigiisii ama Beertiisii inta laga qaaday haddana dib looga iibiyey.
Waxaaba ka sii darreyd markuu sheegay in uu caddaymo u hayo. Mar waxaan isi iri Xildhibaan Diinsoor oo aan weligii la Maqlini
ma wuxuu doonayo in uu isku soo shaacbixiyo. Weger ma been buu isku soo shaacbixinayaa?. Markaan wax badan ka fikirey arrinkaas waxaan isku qanciyey in maadaama Somaliya 21 sano oo u dambaysay dagaallo iyo dhibaatooyin ka socdeen in Dad badan maskaxda wax uga dhimneen,taas oo aan markii dambe ku qancay, anigoo Xildhibaankana ugu cudurdaaraya. Waayo Xildhibaanada Xulidooda looma eegin Caafimaadkooda, Aqontooda iyo garashadooda toonna.
Waxaan ku soo gabgebaynayaa hadlakaasi waa hadal meel waayey.
Nabadgelyo
Mohamed S Ali
Mohamed Ali msalah06@live.com