The Zack

Nomads
  • Content Count

    7,629
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by The Zack

  1. One of the MP's who participated in the so called "consultative" meeting has revealed that the 9 page long agreement that was signed was pre-writen. "Mahiga baa watay qoraakan oo sii diyaarsan, kadibna waa la saxiixay uun " said Maxamed Xasan, a TFG MP. :D
  2. Kooxaha lagu marti qaadi wayay shirka een ka qayb galin waxay u ahayd murugo, is ciilkaambi, waxayna miciin bideen erayadii Soomaalida daashaday ee ahaa “looma dhana, ma taageersanin, IWM.” Waxaa jira 4 kooxood oo shirka lagu marti qaaday balse aan ka qayb galin kuwaasi oo kala ahaa Somaliland, Azania, South West State iyo Xarakada Kaambooni. Wararku waxay sheegayaan in labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ayna raali ka ahayn shirkii ka dhacay Xamar sidaas la adligeed ay kula taliyeen kooxaha ay taageerada siiyaan ee Azania, South West State iyo Kaambooniyiinta inayna shirka xaadirin, halka maamulka Somaliland ay gadaal iskaga afgarteen QM inay ka baaqsadaan shirka.Ugu yaraan Ahlu Sunna Waljamaaca oo sidoo kale kamid ah kooxaha taageerada ka hela Itoobiya ayaa shirka ka qayb galay taasi oo su’aal ka dhalinaysa booska ay Itoobiya iyo Kenya ka taaganyihiin qabsoomidda shirka. Dhanka QM iyo Beesha Caalamka waxay u ahayd maalin farxadeed maadaama ay hirgaleen ugu yaraan waji kamid ah wajiyada cusub iyo siyaasadaha soo waajahan ee la rabo in lagu fuliyo dalkeena iyo dadkeena. Qurbe joogta ayaa dhankooda aan yaraysan suxul duubka iyo is xagxagashada, waxaadna ku arkaysaa meelaha fadhi ku diriryada qaar isugu xiiqay anagu libaax baan nahay idinkuna dawaco ayaad tihiin, anaga waa nala sharfay idinkana waa laydin duleeyay, anagu siyaasadda Soomaaliya waan ka muuqanaa idinkuna ashuun baad ku adintaan, anagaa idinka sidanay, anagay beesha caalamku na rabtaa, anagaa u sharaxan hogaanka dalka waxaan anaga ahayna Soomaali ma xukumi karo iyo erayooyin badan oon halkan lagu soo koobi karin. Isku soo duuboo, shirkii lagu soo gabagabeeyay Xamar oo ahaa shir loogu magacdaray “shirka wada tashiga” ayaa noqon doona mid maalmaha ina soo haya ay Soomaalidu ka sheekayso ayadoon dhooroofin ujeedada lagalahaa, ayadoon qodqodin waxyaalaha ku duugnaa iyo siraha ku qarsoonaa iyo ayadoon dhiraan dhirin waxa xigi kara iyo talaabooyinka soo socda ee QM iyo Beesha Caalamku rabaan inay ku tajriibeeyaan Soomaaliya. KismaayoNews.com
  3. Shirka wada tashiga: Shir dhamaaday Sheekaa ka danbaysa maanta waxaa soo gabagaboobay shir Soomaali loo qabto kii dhawaanahan ugu hadal haynta badnaa, marka la fiiriyo Soomaalida ku kala nool Gudaha iyo Daafaha caalamka dhexdooda. Sida ka muuqatay magaca uu sitay Shirku wuxuu ahaa “wada tashi”, waxaana qabanqaabadiisa iyo hawadintiisa lahayd QM, ayadoo wadamada Reer Galbeedka iyo kuwa danaha gaarka ah ka leh Soomaaliyana ay daaha gadaashiisa ka maamulayeen. Saan cadaale iyo Saan madoobe faro badan oo aan wax danteena iyo maslaxadeena ah toona wadin ayana madasha way roogeen, ayagoo mid kasta isku dayaya inuu xaqiijiyo hirgalinta dana wadanka ama hay`adda uu ka socdo. Shirka waxaa ka soo baxay qodobo horay u sii diyaarsanaa ka horba inta aan shirka la qaban, qodobadaas oo ahaa kuwa aan ka turjumaynin sababta lagu sheegay in shirka loo qabtay oo ahayd “wada tashi”. Dabcan waxaa halkaasi ka soo baxaya in ujeedada ugu wayn ee shirka loo qabtay ay ahayd oo kaliya in la helo sixiix lagu meel marsado barnaamijta soo aadan ee QM iyo beesha Caalamku ugu talo galeen inay ku xaalaan dalkan yar ee 21 sano la daalaa dhacaya qaska iyo labka. Ilo KismaayoNews u waramay ayaa sheegay in 4 guddi oo loo saaray inay soo gudbiyaan macluumaad ku saabsan 4 qodob oo QM ay ajende uga dhigtay shirka ay qaateen woxoogaa shilimaan ah, sidaasna ay ku soo gudbiyeen qoraalo u diyaarsanaa xafiiska wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, kaaga darane waxaa isla waraaqahaas si indho la`aan ah u sixiixay ergooyinka shirka fadhiyay gaar ahaan madaxda DKMG. Puntland ayaa mar alamka yeerisay ka hor xiritaanka shirka, kadib markay taageerada shirka ku xirtay in baarlamaanka iman doona sanad kadib la siiyo saami dhan sadex dalool hal meel. Kulamo khaas ah kadib ergada Puntland waxay sixiixday heshiiska ayadoon la ogayn balanqaadyada ay heshay ee sababay inay ogolaadaan ka qayb qaadashada xiritaanka shirka. DKMG waxay u ahayd maalmo farxadeed maadaama Xamar lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen ergooyin ka socda, UN iyo wadamada safka hore kaga jira danaynta arimaha Soomaaliya. Waxaa kaliya deeqay oo ku filaaday madaxda DKMG in la yiraahdo waxay marti galisay shir ay u dhantahay beesha caalamka, arintaasina waxay ahayd mid aad ka dareemayso ayadoo la isugu marxabaynayo Villa Somalia iyo waliba xarumaha kale ee DKMG. Garabyada Soomaalida ee ka soo qaby galay shirka waxaa badan kood ku filaa in lagu sharfay inay ka soo qayb galaan shirka danahooda lagaga hadlayo. Puntland iyo Galmudug waxay u ahayd goob dhoolatus oo midba midda kale u muujinayso awoodeeda iyo saamaynteeda arimaha Soomaaliya heerka ay joogto. Waxaana is reebreebka labadooda badiyay Puntland oo ku guulaysatay inay qadar saacado ah hakad galiso habsami u socodka shirka isla markaana bogagga hore ee saxaafadda ku soo baxaan.
  4. Abtigiis;744509 wrote: Comrade Zack, You do realise I am very, very disappointed with you. Ninkan maxaad ugu camirtaa? Why do you feel it is important to respond to a woyane Vuvuzela? Please arintaa dib u eeg oo ninkani kaligii ha isla sheekeeystee faraha ka qaada. Must we issue an official communique for you, Kamavi and the rest of sons of the soil for us to be spared this insult? Whether a chinese is ambushed or not, whether Admiral is lying or Melez is sodomized is neither here nor there. We are at war with locust-eating Tigres and we simply should not care about what they say. Don't chase their propaganda. Kor u baxa! Hallo, Hallo? Ma i maqlaysaan? Wareega. Afar iyo afartanka u wareega! Garaad, while I respect your take, I think we disagree on this one. I know where you are coming from, waxu in loo jawaabo uma qalmaan baad joogtaa. Anigu waxaan qabaa Wayaanaha meel kasta oo aan ku arko in lagu tufo. Maalin dhaweyd anagoo makhaayad xabashi Mit_Mittaa ka cuneyno baa mid Tigree ah oo cattaaa oo kale naga fadhiyay nagu yidhi ma Somali shabaab baa tihiiin isagoo markaas kaftan ka dhigayo oo afka caddeeynaya.. sidaan ugu tufay xabashidii kalaa xitaa yaabtay.. I intentionally took his words out of context. Marka xabashida meel kasta oon ku arko waan isaga tufaa, kan yaree uraagga ah ee kobtan SOL wax kusoo xar xaqiiqana sidaas oo kale in loogu tufo umbaan qabaa. Taladaadase waan tixgelin as always
  5. Ey yo Alpha Blond, congrats! Make it a good one, make the girl smile. Obviously, she is innocent young girl bless her heart! Yo Liyyah, I like your list of requirements, it says nothing about polygamy. :cool:
  6. I think you hit it right on the head.
  7. Did anybody read the article? People sometimes comment for the sake of commenting lol.
  8. Aaliyyah;744864 wrote: ^Are you referring to the wife you bought from kenya? ..I would say that counts too..The question is the best thing u bought? so, if u think she is the best thing u bought..then why not LOL salaam Loooooooool talk about throwing someone under the bus.
  9. AKhadar, that was very good summary, thanks for keeping us posted inaar. The community seems to be heading to the right direction, may Allah make it easy for them. Golkhaatumo shall succeed.
  10. Ayoub, you got it. Tune in it is. Norf, the keyword is "pay" miyaa kawaddaa lol.
  11. Ngonge, need a radio? There is an app for that. Do you also want to monitor what the cops are saying to other cops? There is an app for that, too. There is even an app that can iron your clothes. Norf, passport doesn't count ninyahow. Midda kale doesn't the citizenship overweigh the passport?
  12. ^My Phones. Can't live without them. I barely sit and use a computer for personal stuff any more (Aside the times I am at work - 8 hrs a day unfortunately lol). Every thing is now done on the go. Thannks to my Thunderbolt and iPhone4. My phones can even deposit a check to my account. How awesome!
  13. ^Hmm.. intersting. So the goal is to bring the SSC community to unity regardless to what side? Does that mean there is a possibility they will agree to join Somaliland? I mean if the majority decides to do so. That would be something.
  14. This doesn't make sense. Isn't the Goolkhaatumo meeting being facilitated by the SSC? Isn't Las Caanood currently under Somaliland admin? Last time I checked, SSC was fighting against Somaliland, how would it be possible for the SSC folks to hold a meeting in a town occupied by the entity they are fighting against? AKhadar, waryaa sheekadan isku geddi oo kala geddi oo macna kasoo samee.
  15. munirah;744077 wrote: The number of divorce rates in our somali communities are growing faster than ever... Any reasons to why that is ? I just wonder sometimes what ppl are doing so wrong these days that they can't even keep a marriage together. Anyone? So is this based on some sort of study? Survey? How do u know what you are telling us? Actually the divorce rate has been declining recently. According my own study, the divorce rate of the Somali community has been spiking in the late 1990's and early 2000's. The reason for the recent drop is haweenkii oo saaxiga keenay. It used to be "naa heedhe bacda banaanka u dhig!". "doesn't he know that in the west, it is "ladies first"". Plus some men came to their sense finally, at least in the part of the world I live in. There is now less Mirqaanis, less drug addicts, and more hard-working faaraxs. Based on aragtideyda, the divorcees lerarned their lessons the hard way and now understand the benefits of the sweet marriage. Minor things like "Who was that girl on the phone waryaa, change the baby's diapers waryaa(while she is talking to her girlfriend on the phone" are not causing break ups any more.
  16. LOL@title of the thread. I feel for the Malasian fella but come on, tens of civilians, Somali civilians, are killed daily in Somalia.
  17. Dabrow;744303 wrote: I was not even mention your name. But its good sign that you are self-aware about ur problems. This is a public forum and I was expressing my mind....but then I forget this is "your thread" Loooooooool@your thread.
  18. Aside from copying and pasting stuff other people wrote I have never seen a tangible 2 paragraph long article or debate by you, I mean your own work. If you feel good about that, awesome! Kudos to you! Post more pictures other people took as well, car aan kugu qabsado. I am just saying don't try to tell us what parts of the site we can post on. Why dodge the big question? What did u mean by face me like a man?
  19. Somalina;744289 wrote: I didn't ask your opinion, neither for your advice. Gaal dil gartiisana sii. Don't be a hypocrite, don't say things you don't mean if you can't handle yourself at the end. Don't hide behind other nomads either, be brave and buy some courage to face me. . I wasn't giving my opinion to you, I posted it on SOL. If you think, you own some parts of th site bal noo caddee. Nobody offered you my opinion. As we have already learned in this same forum, booto cidla iyo boolo xoofto iyo "face me" baa lasoo taagan tahay meesha. Face you in what way? Insult you? Because you have never been able to challange anyone in debate here at SOL. You personally attack anyone who questions your stance on any thing. Bal clarify, what do u mean by 'face me"?
  20. There is no such thing as my thread or your thread. This is a public forum. The stuff that you don't want us comment on should posted to some private forum. And one last time, aint nobody is following nobody here, attention can be gained in a different way, not "hey is looking at me" non sense. I comment on any thread I wish. Libaax-Sankataabte;744283 wrote: Nomads, let us stay civil please. LST, sorry man. I didn't mean to get personal with anyone. I apologize to the site from my part. All nomads need to understand, ISSUES should be disccussed, not PEOPLE or personalities.
  21. Somalina;744280 wrote: Continue stalking me on SOL and see where that takes you. How is calling the so called meeting a fruitless a stalking to you? Do you have a new definition for the word "stalking" or are u demanding the action? Somalina;744280 wrote: I will say anything I want to whomever I please at any time at any place and there is nothing Abdi Iley can do about it. . You have that right! But like I said in this thread earlier, note that anybody else has that right too. Anybody can post on any thread they wish. And oppose any thing in the Somali political arena.
  22. Somalina;744277 wrote: It's none of your G da*N business. Is it now? is your name NASSIR, or Ilka Jir? No soo ma ahan, raadso wax kula jaqjaqleeyo. Maybe next you will need to think twice before posting little comments towards me. You are the one who started talking to me when I was addressing Xaaji Xundhuf, hakaa saarto. Now, why Ilka jiir? Is Nassir's name Ilka jiir now?
  23. NASSIR;744252 wrote: 'Consultative Clan-based meeting' is the correct title. We're back to the pre- Islamic Courts era: Warlordism. Somalina;744256 wrote: Yeah, tell that Ilka Jir. Why should he tell that to Ilka jiir? Because Ilka jir is his kinsman? See you can't hide your true clan mentality, can you? This fella's name is Nassir, he is entitled to his own point of view. Ilka jiir mesha maxaa keenay? So much of "I am from Xamar"! Sheekooyinkan raqiiska ugee reer Hiiraan adna LOL.