The Zack

Nomads
  • Content Count

    7,629
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by The Zack

  1. Taariikh Gaaban oo ku saabsan Sh. Cumar Faaruuq Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Waxa uu dhashay sida loo sheegay goor barqo ah, maalin Khamiis ah, xilli dayr ah, bisha iyo sannadkase lama yaqaan. Carmaale waxa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo. ka koobanayd dugsi Quraan oo uu hayey wadaad la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis, iyo cilmiga oo isagu uu akhrin jirey. Sheekh Cumar-Faaruuq wuxuu ka dhashay qoys diineed. Hooyadiis, Caasha Sheekh Axmed Guure, isaga oo 3 jir ah ayey geeriyootay, aabihiisna wuxuu ka dambeeyey saddex sano. Isagoo weli la gudin baa Aabbihii dhintey. Waxaa markaa Sheekh Cumar Faaruuq soo koriyey ayeeyadiis hooyo iyo walaalihiis ka waaweynaa. Sheekha dugsiga qur'aan, dugsigii 1aad wuxuu galay isagoo 5 jir ah, dugsigii labaad isaga oo 9 jir ah . Macallinkiisu wuxuu ahaa abtigii hooyadii la dhashay oo macallin Xuseen sh. Axmed-guure la yiraahdo. Dugsigaasaa isagoo 12 jir ah uu quraanka ku dhameeyey, hase yeeshee dusha kama qaban. dugsigii 3aad isagoo 14 jir ah ayuu galey. Dugsigaas ayuu Cumar-Faaruuq quraanka dusha uga qabtey isagoo 14 jir ah. Dabadeed qur'aankii waa uu hilmaamay, sababtuna waxay ahayd isagfoo ku mashquulay shicir wax la oran jirey oo dhaqan u ahaa qoyska uu ka dhashay ah ilaa uu shicirkii dusha ka qabtey. Markaa qur'aanka Sh. Cumar-Faruuq 3 goor buu dhameeyey. Ka dibna isagaaba macallin-dugsi noqdey, markaasoo uu 14 jir ahaa. Mar wuxuu ku qabtey dugsi magaalada Qallaafe isaga oo kutubta raacda oo xer ah, una dhiga carruurta reerkii uu markaas uu la noolaa. Reerkaasi oo uu lahaa nin la yiraahdo Olol Diinle, waxay saaxiib ahaayeen aabahiis. Dugsigii labaadna wuxuu u qabtey niman reer Ugaas la yiraahdo, meel la yiraahdo Maraacaato. Dugsigaas labaadna dugsi buu kiciyey. Sheekh Cumar Faaruuq Cilmiga isaga oo 14 jir ah ayaa Fiqiga loo billaabay, Kitaabka Safiinatu Salaat ayaa waxa u billaabay Sh. Cusmaan-Jire Sh. Xuseen-Dhaqane. Dhinaca luqadda Carabiga guriga ayaa loogu akhrin jirey, niman walaallihiis ah oo ay ka mid yihiin Sh. Shaafici Xaaji Cabdi-Suldaan iyo Sh. Murshid ayaa si toos ah ugu akhriyey Naxwaha, Ajruumiga, Camriidiga, Mulxaha, Mutamimka, Qadriga iyo ilaa Alfiyaha. Qaybta Sarfiga waxaa u akhriyey wadaad awowgiis ah oo la oran jirey Xaaji Maxamuud Xaaji Cabdulle, Tafsiirka waxaa u khriyey wadaad la dhihi jirey Sh. Yuusuf muddadaasoo uu magaalada Qallaafe xer ku ahaa. Cilmiga Xadiiska ayuu markaa nin Sh. Ibraahim Muxumed Cali (Sh.Ibraahim Suuley) ka akhristay. Dabadeed Cumar-Faaruuq wuxuu galey madrassa ku taalley Xamar oo la oran jirey "Machadu-Diin bil-Muqdisho" oo ay Masaaridu dhigi jirtey. Halkaasi waxa uu ku dhameeyay dugsiga dhexe. Dugsiga sare waxa uu ku dhameeyay Machad-Altadaamun al Islaamiyah bil-Muqdisho oo ku oolli jirey lambar afar oo ay sucuudigu maamuli jireen. Kadib waxa uu galay Jaamacadda Medina , kulliyadda "Al-Dacwa wa-usuula-Diini", markaasoo taariikhdu ahayd 1975, wuxuuna ka qalin-jabiyey 1979kii. Sheekh Cumar Faaruuq Jaamacadda markii uu dhameeyey waxa uu bilaabay faafinta diinta Islaamka isagoo xaruntiisu tahay Sacuudiga. Waxa uu duubay cilmi fara badan oo ay ka mid yihiin kutubo badan oo ilaa iyo 12 kitaab ah oo tafsiirka ah iyo siirada oo dhowr kitaab ah, manhajul-Muslim, taysiirul-aclaam, Arbaciinu-Al-Nabawi iyo kutub fara badan oo noocaas ah intii uu joogey Sucuudiga. Kutubadaas ayaa gaarey Yurubta iyo Ameerikaba. Kutubtaas dartood baa dadkii ku noolaa dibedda ay jecleysteen inay arkaan, markaasoo uu 1993kii bishii July 12keedii uu Shiikhu tegay dalalka Sweden, Norwey, Danmark, Finland, Swizarland, Ingiriiska oo uu ka sameeyay muxaadaraad iyo duruus kaleba. Kadib sannadkii 1996 ayuu ku noqday Soomaaliya, waxaanu tagey magaalooyinka Muqdisho, Marka, Qoryaaley, Afgooye, Wallaweyn, Buurhakaba, Beydhabo. Sheekh Cumar Faaruuq intii ka dambaysay burburkii Soomaaliya waxa uu waday barnaamij ballaaran oo ka kooban seddex qaybood. Kan hore waa midaynta culimada diinta ku abtirsada, mid mid ama xisbi xisbi ha ahaadeene; Kan labaad (Tawjiihul Uzucamaa) la talinta iyo toosinta ragga qabqablayaasha ka ah siyaasadda Soomaaliya; iyo qaybta seddexaad (Tadqiiful-Ummah) oo ah waxbaridda ummadda Soomaaliyeed, oo siduu sheegay Shiikhu "goorahan dambe Ilaahay hanuun siiyey" sidii looga haqabtiri lahaa diinta, hadday tahay akhriska kutubta ama wacdi iyo waano. Sheekh Cumar Faaruuq waa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed uga haybaysato, waxqabadkiisuna uu ka muuqdo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, iyadoo cilmigiisa dunida oo dhan laga wada raacdo. Dalka Sucuudiga oo uu degganaa tan iyo 1974kii, waxa uu si toos ah uga akhrin jiray kutubta, kuwaasoo cajaladaha laga duubo muxaadarooyinkiisa ay soo gaari jireen dunida inteeda kale. Laba goor ayuu sannadkan Soomaaliya tegay Sheekh Cumar Faaruuq, halkaasi oo uu ka bilaabay tafsiir xaafadda km 4, duruustaasi oo maqal iyo muuqaalba laga duubay si mar walba loo isticmaalo faafiddooduna u fududaato. Waxa uu islamarkaa Jimcayaasha jeedin jiray muxaadaro looga kala yimaado Muqdisho iyo magaalooyinka ku hareeraysan sida Afgooye, Marka, iyo Qoryoolay. Tirada ka soo qaygasha dhagaysigiisa waxa lagu qiyaasay 4000 oo qof markiiba, iyadoo celcelis ahaan ay 1500 oo ka mid ahi haween yihiin. Sheekh Cumar Faaruuq booqashada uu Toronto ku yimid waxa ay ka dambaysay codsiyo iyo martiqaad ay bulshada Soomaaliyeed ee Kanada u fidisay in uu u yimaado. Intii uu ku sugnaa Toronto waxa uu ka akhriyey laba risaalo oo kala ah "al-caqiidal-Waasidiyah" iyo "al-caqiidal daxawiyah". Waxa kaloo uu bixiyey muxaadarooyin kale oo ay ka mid yihiin kuwo dumarka u gaar ah iyo kuwo ragga u gaar ahba. Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu leeyahay 13 carruur ah iyo afar xaas. W.Q. Maxamed Xasan
  2. Originally posted by Warancade Al Falastini.: It aint healthy my man. If you see things through clanish lenses, You will be predictable and boring. Warancade, Are we being honest here or what sxb? Don't you love your clan over others? Runta iska sheeg, hypocrisy is what is not healthy walal. To be honest, it is not only you and I, it is most Somalis, yes MOST! To overcome this, first we have to admit this disease before we can cure ourselves, denial is not going to get us any where.
  3. Somali Pirate, Apparently yes, it is too much to ask. We are too backward to move forward again. Each one of us thinks that his little clan is superior to others. Ilaahay hanasoo hanuuniyo...all of us, culimo iyo caammaba. We should all listen to Timacadde's half-century old advice: Dugsi maleh qabyaaladi waxey dumiso mooyaane or his "Dadkaan lahadlayaa baan laheyn dux iyo iimaane" would apply to all of us.
  4. I just noticed that Sanaag alone is larger than Togdheer, Saaxil and W/galbeed combined. Illeen nimanku meeshaas isku dhajiye. Gartay gartay and gartay.
  5. Lool@I and other Somalis from Puntland welcome it. Obviously the Qat chewers from "Puntland" don't welcome that! And I am afraid they are the majority.
  6. Originally posted by General Duke: Can we expect a similar policy from Hargaysa Heck no! Not gonna happen.
  7. ^Correction: Haddaad amaan dooneyso dhimo haddaad cay dooneysana guurso.
  8. Yey won't be missed ee sheekadaas caatada nala dhaafa, dabbaqoodhigii aduunkuu ahaa, that puppet has done every thing he could to be called Mr. President waxna wuu ka faa'iidi waayee. War hana dhaafo kaas, al-xamdulilah.
  9. Oz, I agree wallee, nothing else would be the answer.
  10. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: quote:Originally posted by The Zack: quote: Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: quote: Originally posted by The Zack: ^Majority rules, sorry : ) Minority eh ?? ,,, and Fahiye was calling them garaabo yesterday. Maasha Allah .... Yes majority rules! Isn't that the democracy you were advocating for in your place? But i thought you said they are the majority in your place ,,,, Yes but the majority has sub-majority lol.
  11. ^Xaasid, as long as Somalia has the likes of you we won't get to no where. I want my enemies under ground kulahaa.
  12. Red Sea, Aren't you being too much on the defense line? I don't think it is good idea to share a PM you sent to someone just to prove something.
  13. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: quote:Originally posted by The Zack: ^Majority rules, sorry : ) Minority eh ?? ,,, and Fahiye was calling them garaabo yesterday. Maasha Allah .... Yes majority rules! Isn't that the democracy you were advocating for in your place?
  14. ^I agree that the wifi is a great feature not only for cells but also for computers ( like couple of years a go, I had a neighbor who has had his wifi unsecured and I used to use it with him without his knowledge lol)but what I was saying was AT&T's $29.99 data plan is unlimited, yes it is unlimited! No overage charges no matter how you use it and their 3G coverages locations is real big, they pretty much cover all the big cities.
  15. Haneeefah loool. I didn't know you knew all these terms: Dooro Wad, Dibsi, Qey wad, Shuuro and Mid-Middaa.
  16. Abwaan, you should be a moderator in the politics section. Horta can we nominate a moderator or select one mise it has to be done by the owner of the site?
  17. Geel_Jire, I don't know where you are but here in the USA, the Iphone is exclusively available thru one carrier, AT&T. And you have to pay $29.99 for the data plan or you just can't have the phone unless you unlock it which is lil' risky because the voids the waranty of the phone. So no need for wifi.
  18. Originally posted by AYOUB: ^^ That is not what I meant. Now go back to your village. They're missing their ****. Do you understand? Go! Shu! Shu! So you have no idea of what you are talking about? You are the one who needs to shut the ***** *** and go back to where you are really from.
  19. ^You mean those who resided in refugee camps in Harta Shiikha, Daroor and Gaashaamo bari and still there? They can stay with Ethiopia if they want to.
  20. Somaliland should just stick to its land, Gobolada dadka kale leeyihiiin faraha ka qaada. It is clear that Sool and some Sanaag areas don't wanna be part of SL just like SL itself doesn't wanna be part of the greater Somalia.