-
Content Count
7,629 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by The Zack
-
Azania, 65 xildhibaan, 35 Guurti Kn: Shalay sidii aan faafiney waxaa madasha shirka maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo lagu doortey madaxweyne uu yeelanayo maamul goboleedka Azania xilkaasi oo loo doortey Prof. Maxamed Cabdi Gaandi. Maanta shirka waxa uu xulayay xildhibaanada ka mid noqonaya baarlamaanka Azania, tirade guud ee xildhibaanada waa 65 xildhibaan oo ku imanaya qaab deegaaneed Degmo kasta waxaa xildhibaanada qeebsanaya inta beel halkaasi degta iyadoo aanan loo eegeynin qeebta quursiga ah ee 4.5. In qaab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada dadka matalaya waa wadiiqada kaliya ee ay xalka u arkaan dad badan oo Soomaali ah, sababtuna waxa ay tahay waxa ay meesha ka saareysaa nidaamka awoodqeybsiga quursiga ku dhisan ee 4 iyo bar, si kale hadii loo dhigo ma dhacayso in dastuurka dalka lagu dhaqayo ay ku qornaato in dadka qaar ay dad kale ka sareeyaan. Sida aan ku heeyno xogaha shirka kasoo baxaya ee rasmiga ah, 3 magaalo oo kala ah Kismaayo, Bu’aale iyo Baardheere ayaa la siinayaa kuraas ka badan degmooyinka kale maadaamaa beelaha degen ay tiro badanyihiin, sidaasi darteedna loo baahanyahay in aysan jirin beel ka qada kuraasta la qeeybinayo. Magaalooyinka Afmadoow, Xagar, Badhaadhe, Balad Xaawo, iyo Garbahaareey ayaa ah kuwa kaliya ee aysan beelaha qeebsanin, islamarkaasina kuraastooda loo qoondeeyey beelaha lagu yaqaano ee u badan, Buurdhuubo, Luuq, Baardhaaree, Bu’aale, Saakoow, Jillib, Jamaame iyo Kismaayo ayaa waxaa qeebsanaya beelo dhowr ah oo halkaasi dega. Waxaa iyana la qoondeeyey golaha Guurtida in uu noqdo 35 wakiil oo ka kala imanaya hogaanka dhaqanka beelaha gobolka dega. Waxyaalaha shirka kusoo kordhey waxaa ka mid ah in uu madasha shirka kusii jeedo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo madasha ka maqnaa wax lagu micneeyey isfahamwaa ka dhashay qaabka shirka loo wadayo iyo arrimo kale, laakiin waxaa la sheegey in la xaliyey kadib markii uu dhexgalay nin horey xildhibaan horey uga tirsanaan jirey baarlamaanka Kenya. Shirka waa uu socdaa, marka ay beelaha qeebsadaan xildhibaanada ayay hadane soo xulayaan shaqsiyaadka matalaya, kadibna waa la dhaarinayaa. Waxaan soo gudbin doonaa magacyada xildhibaanada iyo golaha guurtida oo lagu wado in 24ta saac ee soo socda la dhameeyo hoowshooda. KismaayoNews.com Isha Sawirka: jubbalanddf.net
-
Al-Miskiin;707265 wrote: Ps. "Agah" kalmad dayn(borrow) igu ah weeye Insha Allah, marka yaanan daaqada la igala bixin. Dude you don't have to apologize for using a Somali word.
-
Kamavi, Adeer Xidig shouldn't accept a "vice" minister post even it is for the Gaashaandhiga! Go for wasiirnimo ama meesha ka soco dheh Jokes aside, the whole TFG thing is not stable these days, August is just around the corner and nobody is sure what is going to happen.
-
'Liibaan';707904 wrote: Zack ma la yaabtay, xaasidiin baa meeshan ka buuxa, oo dadka aan la jecleen waxa ee naftooda la rabaan. Vive Azanialand Liibaan haa sxb waan yaabay wallee. Locals of three states in Somalia decided to gather and make a coalition state and kick the Shabaabs out of their cities. All of the sudden the haters couldn't hide their faces(or maybe their rear ends), not sure why. Al-Xaasidu idaa Xassadda aa meesha ka socoto sxb. I have good news for you Libaanow, there is nothing these haters can do about the creation of the beautiful state of Azania! The train has been ignited and it is going to start moving soon.
-
^You support Xiiman and Xeeb and posted multiple threads about it, you also support Galmudug and now you are against Azania? I see the common denominator of the first two, the big H. P.s. Sakiin for President!
-
Holly cow! This is beyond craziness!
-
Xaaji Xunjuf;707853 wrote: Azania i like the sound of this new mamuul sounds exotic More exotic than Somaliland?
-
Dadka qaar provided constructive canaan others are just plain haters. I see some who applaud for Puntland, Galmudug, even xiiman and xaax who are against our newly born beautiful AZANIA? Shaqo yeesha yaa dhaho kuwaas. As far as the name, Ilaahow maa loo baxsho Car-taabo-land, it aint your freaking business, dadkii lahaa baa ula baxay.
-
Salaax, his excellence shariif xassan hasn't been told any thing but yes Mahiga has a voice in the TFG.
-
^are you clean from tribalism? I bet u secretly support ximan and xeeb and galmudug lol.
-
Bal muxuu ku qosli Ina Siilaanyo?
-
Whoever pays the bills is the boss of the house. On your other question, Shariiifka knew this from get go, he has been told clearly and he agreed that he had two years to hold elections, now it is that time. Bal doorShada maxuu ugu carari? Doorashada waxey ka dhici xamar, baarlamaanka baa fartaag ku codeyn.
-
MoonLight1;707540 wrote: Waryaa Zack, how is adeer Gaandi doing this morning, when will he be back to his capital Kismayo. : D. Kismaayo is not the capital but the president is doing great!
-
^maskiin, I don't see what the fuss is about. Somalia obviously failed to wake up from the deep sleep collectively,, I don't see any problem if they wake up one at a time. Somali, the P in puntland is not in the Somali alphabet too and neither is the "land" in somaliland a Somali word.
-
^he is from xamar dee lol
-
The official capital city of Azania State will be Bu'aale and not Kismaayo. Very interesting. Bu’aale waa caasimada maamulka Azania Kn: Shirkii ka socdey Kenya ee uu hormuudka ka ahaa Prof. Gaandi ayaa waxaa lagu ansixiyey qeybo ka mid ah dastuurka uu yeelanayo maamul loo dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo. Waxaa ka mid ah in maamulkaasi lagu magacaabayo Azania State of Somalia, magaalo madaxdiisana ay noqoneyso Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe , waxaa kaloo la ansixiyey astaanta calanka oo ka kooban midabo Madoow, Guduud iyo buluug oo uu dhexda kaga yaalo xayawaanka Maroodiga. Shirkii furitaanka ee Shallay ayaa waxa uu ahaa mid kasoo qeybgalkiisa uu aad u sareeyey , ka sokow ergada 3-da boqol ee qof ah ee shirka ka qeybgashay ee aduunka daafihiisa iyo gudahaba ka timid, waxaa sidoo kale ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka midowga Afrika, madaxa AMISOM, Saraakiil IGAD ka socota, Midoowga Yurub iyo Maraykanka. Shirka waxa uu ku furmey khudbado ay jeediyeen qabanqaabiyeyaasha iyo madax kale oo majaraha u heysa barnaamijkani siyaasadeed, qoraal ku saabsan manafestada siyaasadeed waxaa jeediyey Cabdicasiis Cusmaan Maxamuud, waxaa kaloo hadalo ka jeediyey Prof. Gaandi iyo Khaliif Guure. Dhamaan beelaha Jubbooyinka iyo Gedo dega waa ay ku idilyihiin shirka, markii uu ajandihii furitaanka ahaa dhamaadayna waxa banaanka loo saaray saxaafadda iyo martidii kale iyadoo uu shirku galay gorfeynta barnaamijka u yaala oo ah mid aad u dheer. Waxyaalaha ay tahay in la’isla meel dhigo ayaa waxa ka mid ah ansixinta dastuurka uu maamulka yeelanayo oo qodobo ka mid ah la ansixiyey sida aan kor kusoo sheegney, kadibna lasoo xulo golaha baarlamaanka, golaha guurtida oo iyagu aas-aas ahaan horey u jirey balse ay tahay in la sharciyeeyo, baarlamaanka ayay tahay in uu doorto madaxweynaha oo isaguna ay tahay in uu soo xulo xukuumad. 24 kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ku raadjoogey xogta rasmiga ah ee shirka, tuducyada soo socdana waxaan kaga hadlayaa fahamkeyga iyo xogta jirta. Marka koowaad shirkani waxaa lagu tirin karaa kii ugu muhiimsanaa ee ebed loo qabto gobolada Jubbooyinka ama looga hadlayo arrimo quseeya goboladaasi, waxaa xitaa lagu doodi karaa in marka la eego agaasinka shirka iyo sida loo maamuley aysan jirin shir la mid ah oo Soomaalida loo qabtay, malaha waxaanan filayaa in wax laga bartay waayo aragnimo laga qaatay shirar hore oo la qabtay oo dhab ahaantii halkii looga gol lahaa in wax lagu dhiso wax badan lagu burburiyey, waxa kasoo baxayna ay noqdeen kuwa sii murjiya xaalada. Shirkani waxa uu kaga duwanyahay shirarkii hore oo dhan in uusan ahayn shir inta meel la’isugu keeney dad wada darajo siman oo aan hogaan lahayn, lagu yiri maamul samaysta, taasi badalkeeda shirkani hal hogaan ayuu leeyahay marka ay timaado maamulka iyo maareynta, gorfeynta iyo go’aanadana waxaa leh kasoo qeybgalayaasha, taasi waxa ay fududeysan in ergada shirka lagu casuumayo aysan muran galin. Xili amaanka Kenya uu aad u xunyahay, dadka doonayo in ay barnaamijkani jalaafeeyaane ay aad u badanyihiin ayaa waxa aad loo qariyey halka rasmiga ah ee uu shirka ka dhacayo, waxaa xaqiiqo ah in aysan ahayn Naivasha oo si weyn saxaafada ugu shaacday. Sida aan kasoo xigtey dad shirka goobjoog ah oo aan taleefoonka kula hadlay, maamulka laga filayo in uu kasoo boxo shirkani ayaa lagu tilmaamay mid ka tayo badnaan doono Puntland iyo Somaliland oo muddo sanooyin badan ah shaqaynayay. Waxaan weeydiiyey dooda ku saabsan in dad lagu yaqiiney arrimaha Jubbooyinka iyo Gedo in aysan shirkani qeyb ka ahayn, waxaa la i siiyey jawaab ah “maba xumee maxay jubbooyinka iyo Gedo kusoo kordhiyeen oo hormar ah? Dhibaatada hadda taagan maka dul qaadi karaan? Haddii ay wax dan u hayaan, meesha danta goboladaasi looga wadahadlayo maxaa ka hortaagan in ay yimaadaan” anigu ma ahan su’aalo aan ka jawaabi karo. Laakiin anigoo ah saxafi Jubbooyinka ku dhashay, xogogaalna u ah wixii dhacay 20 kii sanno ee lasoo dhaafay waxaan si madax banaan u sheegi karaa in aysan jirin hal qof oo magac hogaan sheegta oo inaba ha yaraatee wax u qabtay gobolka in uu uga sii daro mooyaane, su’aasha aan qabose waxa ay tahay maamulka lagu dhiso shirkani socda muxuu soo kordhin doonaa?, jawaabta sahlan waxa ay tahay in laga wardhoowro. Taxliilkeyga labbo arrin oo xasaasi ah ayuu shirka ka gudbey maalintii koowaadba, haddii ay jiraan 4 maamul goboleed iyo malaha kuwa kale oo soo socda oo dhamaantood Jubbaland ma baxay in magacaasiba faraha looga qaaday si ugu yaraan ay dadka iyo aduunka ugu wareerin kala saarista maamulada isku magaca ah, laakiin waa maxay magaca Azania? Tixraac aan ku sameeyey magacani cusub ee Azania oo run ahaantii ah mid aysan dadka intooda badan aqoonin, asal ahaan magacani waxaa la sheegey in loo yaqiiney dadka dega xeebaha dhulka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, mudo qarniyo ka hor aduunka intiisa kale waxa ay dadka dubkooda madoowyahay ama cajabta ah u yaqiineen Azania. Sanadii 1958 dalka Ghana ayaa hogaamiyihii dalkaasi xoriyada u dhaliyey Gwame Inkurumah waxa uu soo jeediyey in xisbgiisii xiligaasi in loo bixiyo Azania, sidoo kale markii dalka Koonfur Afrika ay ka xoroowdey nidaamkii midabtakoorka Cadaanka Tirada yar sanadii 1994 tii ayaa waxaa lasoo jeediyey in Koonfur Afrika loo bixiyo Azania, laakiin xisbiga talada haya ee Afrikan National Congress ANC oo heystey taageerada dadka inteeda badan ayaa diidey magacaasi oo uu u arko magac uu gumeystaha bixiyey oo lagu bahdilayo dadka Madoowga. Waxaa xusid mudan in illaa manta Koonfur Afrika uu ka jiro xisbi siyaasadeed baarlamaanka ku jira oo lagu magacaabo Azania, sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Muzambique xeebaheeda iyo jasiirada Madakaskar ayaa sidoo kale loo yaqaanaa magacaasi. Wax kasta oo uu ahaadaba waxaa cad in magacani uu yahay howl cusub oo u taala maamulka lasoo dhiso sidii uu dadka uga gadi lahaa, islamarkaasina dadka u aamini lahaayeen in uu yahay wax ay iyagu leeyihiin. Kismaayo mise Bu’aale? Arrin kale oo micno samaynaysa waa halka noqoneysa caasimada maamulka, markii isbahaysigii dooxada Jubba uu Kismaayo ka talinayay maamul goboleed qorshihiisa la waday waxaa caasimad looga dhigey Garbahaareey, in markani Bu’aalo laga dhigo wallow aysan dad badani filanaynin hadane ma ahan wax lala yaabo, laakiin sabab? Iyadoo uusan maamul jirin, ayaa magaalada Kismaayo waxa ay waligeed ahayd mid Soomaalida oo dhan isku heysato oo kolba duulaan hor leh lagu soo abaabulo oo ay kolba gacangasho, Bu’aale ma jirin cid ay dani ka gashay in ay qabsato, malaha xariifnimada maamulkani cusub ayay ka dhalatay in ay Bu’aalo ugxaantooda geystaan si haddii buulkani Kismaayo loo maaro waayo uu maamulka xaruntiisa uga sii taliyo, ama malaha in haddii Shabaabka Kismaayo laga saari waayo uu maamulka Bu’aale kusii shaqeeyo inta laga dabcinayo difaaca Alshabaab, ama malaha waxaa laga baqay in qabqabsiga beelaha ee magaalada in uu maamulka ka shaqayn waayo? Haddii Puntland ay Garoowe caasimad u noqon karto, Boosaasana ay deked iyo xarun ganacsi noqon karto, ma jirto wax diidaya in Bu’aalana ay xarun u noqoto Azania. Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)
-
^Apparently the name is referred to a portion of the Southeast African coast south of the Horn of Africa which is where the Jubba's of Somalia are located. On your other point, I am being told that this new state has the blessings of the AU, IGAD, and most importantly Kenya so let's see how that goes. And I disagree with you when you stated that the regional states loot the country. Puntland and Somaliland are peaceful states.
-
"Somali lawmakers, officials from the African Union, the Inter-Governmental Authority on Development and regional elders are discussing the plan at a seven-day meeting in Nairobi, the newspaper said. "
-
Som@li, haaheey ciidankii Siyalow lagu tababaray oo leadership la'aan heysay baa diyaar ah. They are the locals and they are loyal, too. Hayeeey Al-shabaab watch out! P.s. PhD is overrated? I dare you to tell me one SOLer that has it? Yes, I did dare you LOL. Even our elderly NGONGE has Bachelors only LOL. I am glad you are working on it, get PhD or die trying sxb LOL.
-
Shariif Supporter, Jowhar.com: War deg deg: Mahiga oo ku dhawaaqay in Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Nairobi lagu marti qaaday Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa ka sheegay Magaalada Muqdisho in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu marti qaaday Magaalada Nairobi, si ay uga qeyb galaan shir wada tashi ah. Hadalkan ayuu ka sheegay Mahiga kulan uu kula qaatay Magaalada Muqdisho Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG, isagoo sheegay in shirkaas aanu aheyn shir dib u heshiisiin sida uu yiri. Kulanka marti qaadka ayaa waxay Saddexda Mas'uul si wada jir uag qeyb geli doonaan dhamaadka bishan, iyadoo qeyb ay ka tahay khilaafka u dhaxeeya saddexda Mas'uul oo ku wajahan waqtiga Dowladda KMG u harsan. La soco wixii ku soo kordha Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com
-
Mahiga told Both Sharifs and Farmajo to come to Nairobi. Beesha Caalamka will basically tell them to give the election the go ahead we have all been waiting for .
-
Sensei;707436 wrote: Very knowledgeable person. That is damn right! The oldie has two PhDs! I can't get one PhD and the dude has two LOL. I guess I need to step it up, I still get time. I have no idea what the name "AZANIA" stands for, I don't know where the hell they get that from but the plan to make "Maamul Goboleed" for the sisterly states of Jubbooyinka and Gedo has been well overdue. I say it is about that time!
-
Shariifka is trying to postpone the elections, not sure why. An African is African walle. Adeer you clearly knew you had TWO years to clear the Xamar mess but you have failed. (Wadanka wuu qasnaaa, alshabaab baa i hor istaagtay, balaayaa xamar ka buuxdo excuses won't work). Your two years up! Understand that. However, you still have the right to run again, you have no rights to stop the elections. Asagoo sidaan u tabar daran buu rabaa inuu booska xoog ku heystee hadduu xoogeysto yaa ka fujin doono? Shariika kale bring your a** to the ballot! If you win it, we will all support you but you can't keep the presidency with you by xoog. Banaanka is keen duqa!
-
Popular Contributors