ANWAR

Nomads
  • Content Count

    1,616
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by ANWAR

  1. IM plan to travel to Mogadishu 13 June cant wait!!!!!!
  2. THE PEACE MAKER HAS landED
  3. Mashaariic dhowr ah oo ey ka mid yihiin dayactirka xarumaha dowladda iyo guud ahaan ilaha bilicda caasimadda, mashaariicdan ayaa waxaa maal galinaya qeyb ka mid ah hey`ada UNDP ee qaramada Midoobay. Mashruucyadan ayaa waxaa safar uu dhawaan kaga soo noqday dalka Kenya wasiirka howlaha guud mudane Cabdalla Bos Axmed kala soo hadlay hey`aado caalami ah sida UNDP iyo shirkado kale ee dhismayaal kuwaaso lagu wareejin doono mashaariicdan tirada badan. Mudane Cabdalla ayaa soo hordhigay golaha wasiirada ku dhawaad dhowr iyo toban mashaariic kuwaasoo gidigood ey wada yihiin mashaariic dib u dhiska dalka. http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka837 the FUTURE
  4. Ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi oo xalay ku hoyday magaalada Abuuja ee dalka Nigeria gaarayna maalintii shalay eheyd ayaa lagu wadaa in isaga iyo wafdigiisa ey ka qeyb galaan maanta xaflad caleema saar. Xafladdan caleema saarka ee uu ka qeyb galayo maanta ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane Cali Maxamed Geedi ayaa ah mid lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee dalkaas Al-xaaji 0maaru Yara’uuda oo isagu ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi. Socdaalka rasmiga ee ra`iisal wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegan in uu la xiriiro wadahadal uu la yeelan doono madaxweynaha cusun ee dalkaaso Nigeia kaasoo ku aadan ciidamada ey Nigeria usoo direyso Somaliya. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ey kasoo qeyb galaan xafladdan caleena saarka maanta ee Nigeria madax sar-sare oo ka socota qaaradda Afrika. good news
  5. Bilicda caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa ey kusoo laabaneysaa sidii lagu aqoon jiray ka hor dagaaladii sokeeye, waxaana hada maamulka gobolka Banaadir kadib howlo nadaafadeed ku beerayaan goobihii jardiinooyinka iyo taalooyinka ey ka taagnaan jireen ubaxyo iyo waxyaalo soo jiita indhaha dadka. Talaabadan ku beeridda ubaxyada goobahan ayaa timid kadib howlo nadaafadeed oo ey wadeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka Muqdisho, waxaana shacabka intiisa badan ey ku shaqeynayaan (Iskaa Wax U Qabso). Mar ey socod ku mareysay saakay shabakadda warbaahinta calanka.com deegaanka KM.4 ayaa waxa indheheeda ku dhacayay howlo beerista dhirta ee hareeraha wadooyonka iyo taaladii dheereyd ee SAYIDKA oo iyana lagu abuurayo hoosteeda geedo iyo ubaxyo. Waxaa sidoo kale socdaalka shabakaddu ey ku mareysay goobahan ayaa waxa ey qiimeyn ku sameyneysay amaanka xaafadahan oo runtii ahaa mid aad u wanaagsanaa, waxaana wadooyinka ku arkeysaa ciidamada boliska oo gawaari saaran qaarna wadooyinka ku lugeynaya. Mar aan wax ka weydiinay dad ku sugnaa halkaa sida ey u arkaan howlaha ey maamulka gobolku ka wadaan gobolka Banaadir ee soo celinta Bilicdii Muqdisho ayaa waxa ey ka dhiibteen fikrado kale duwan iyagoo kuligood hadaladoodu u wada socdeen hal jiho oo ah in ey aad usoo dhaweynayaan howsha ka socota caasimadda. Amaanka guud ee caasimadda ayaa ah mid aad u dagan in kastoo xiliyada galbihi iyo habeenkii ey xaafadaha qaar ey ka dhacaan dilal ey geystaan burcad ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo inta badan ey boolisku gacanta kusoo dhigaan. Calanka.com: THE FUTURE
  6. WOW WOW WOW :eek: :eek: IT IS SO beautiful, :eek: :eek:
  7. Wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo diiwaan galiyo dhamaan gaadiidka ka shaqeeya gobolka Banaadir mudo 30 cisho gudohood. Wareegtadan oo wareega hore quseysa gaadiidka xamuulka, basaska, tagaasida iyo dhamaac gawaarida u kala goosha gobolada dalka kana baxada gobolka Banaadir ayaa la sheegay in gaarigii u hogaansami waaya amarkan lala tiigsan doono sharciga. Gudoomiyaha gobolka ayaa ku sheegay wareegtada in talaabadan ey muhiim tahay in et kusoo rogaan gawaarida oo uu ku sheegay in eysan laheyn wax lagu aqoonsado taasna ey khalkhal ku noqon karto amaanka iyo sharciyada taraafiga. Waa markii ugu horeysay mudo ku dhow 17-sano oo lagusoo rogo sharciga tarafikada gaadiidka caasimadda Somaliya iyo guud ahaan dalka Somaliya, waana talaabo wax ku ool ah oo ey ku tilaabsato dowladda dhexe ee Somaliya. Calanka.com: the FUTURE http://www.biyokulule.com/Mogadishu%20view2.jpg
  8. Axad, May 27, 2007(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, waxaana xafladdaas laga furay meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Xafladda lagu furayay Safaaradda Itoobiya waxaa ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen,Madax ka socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda. Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay Xafladdii lagu furayay Safaaradda Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya ay dadka Soomaaliyeed u hurtay waxa ugu wanaagsan ee la isu huro oo uu ku tilmaamay dhiig ay u daadiyeen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan abaalkaasi iloobi doonin. Ra'iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen waa hore Colaadihii sida uu u yiri macmalka ahaa ee labada Dal ka dhex dhacay, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in ay labada dal iska kaashadaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen cadawga kaliya ee ay leeyihiin oo ah faqriga iyo horumar la'aanta heysata. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu dib u furo Safaaraddii Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka Xiriirka ka dhaxeeya labada dal oo uu sheegay in aysan kaliya wadaagin xuduud, balse ay wadaagaan dhaqan dad iyo Diin, wuxuuna ku baaqay in xiriirkaas lagu faro adeygo oo aan la wiiqin. Seyoum Mosfen waxaa uu intaas ku daray in Xiriirka labada dal uu weligiis ahaa mid wanaagsan, balse ay saameynayeen is-bedello ay la imaanayeen Dowlado labada dal soo maray, wuxuuna ku baaqay in haatan wixii ka dambeeya lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa taariikhihii xumaa ee labada dhinac soo maray, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in aysan dan ugu jirin shacabka labada Dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu sheegay in joogitaankiisa Magaalada Muqdisho ay muujineyso in ay Soomaaliya nabad tahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas si weyn u farxad gelineyso, bacdamaa ay Soomaaliya muddo dheer ahayd mid dowlad la'aan ah. Seyoum Mosfen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay in ay magaca Diinta ku gambanayaan, isla markaana ay uga faa'iideysanayaan dano gaar ah oo ay leeyihiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kooxahaasi mowqifkooda laga fahmay Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, "Diinta Islaamka waa mid Nabadeed oo aan dadka fareynin in wax la dhibaateeyo, mana ahan mid loo isticmaalo dano gaar ah"ayuu yiri Seyoum Mosfen. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Itoobiya oo Ciidamo aad u tiro badan ay ka joogaan Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo dalka Soomaaliya Safaarad ka furata tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya. http://www.hiiraan.com/news/2007/may/wararka_maanta27-1286.htm http://www.shabelle.net/2007/May/n11736.htm#1 IT IS SO beautiful, THE FUTURE
  9. is the Ethiopian embassy in VILL SOMALIA :eek: :eek:
  10. WHY ARE YOU SO crazy ABUT Sh/hoose DUKE?? :confused: :confused:
  11. THIS GAME IS suit for OVER 18 YAERS OLD
  12. MOGADISHU (AFP) - Ethiopian Foreign Minister Seyoum Mesfin arrived here Friday for his first visit since an Ethiopian offensive last month ended some of the worst fighting in the Somali capital's volatile history. The minister, accompanied by some 30 officials, met President Abdullahi Yusuf Ahmed and Prime Minister Ali Mohamed Gedi on his arrival in Mogadishu. "The visit is to discuss bilateral issues," an Ethiopian ministerial advisor told AFP, declining to give details on the length or content of the visit. The delegation, travelling in armoured vehicles from the African Union peacekeeping force in Somalia, also visited the recently-renovated Ethiopian embassy, near the presidential palace Villa Somalia. At the start of the year, Ethiopian-Somali troops ousted the Islamic Courts Union, which had called for a holy war against Addis Ababa and rejected the Somali interim government, set up in 2004. Islamist-led insurgent attacks have been increasing in Mogadishu since an Ethiopian offensive at the end of April put an end to two bouts of heavy clashes that killed hundreds and forced tens of thousands to flee. The Horn of Africa nation plunged into lawlessness with the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre and more than a dozen attempts to restore central authority have since failed.
  13. Xabashis gathering intelligence hehehe what intelligence will they get lol
  14. ANWAR

    hooyooy macaan.

    Originally posted by Jabhad: http://www.ilaqosal.com/details.php?image_id=161 video is black i cant see
  15. Waxaa maalinta berito ah lagu wadaa in ey ka bilaamaan caasimadda Somaliya ee Muqdisho tirakoob balaaran oo guri-guri ah kaasoo ey fulinayaan ilaa 200 oo dhalinyaro ah kuwaasoo loosoo xulay howshan una soo gabagaboobmay tababar ey ku jireen maalmihii ugu danbeeyay. Dhalinyaradan oo uu shalay ugu qabtay xaflad dhameystirka tababarkooda hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xameeb (Maxamed Dheere) ayaa uga mahadceliyay sida sharafta leh oo ey ugu dhiiran yihiin u adeegida shacabkooda iyo dalkaba. Ka Dhageyso Halkan Gud. G/Banadir Maxamed Dheere Howlahan tirakoobka ayaa ah howlo lagu diiwaan gelinayo tirada shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir oo aan la tirin cadadooda tan iyo sidii ey uga qarxeen dalka Somaliya dagaaladii sokeeye ee bilaamay 1991. Tirada dadka ku dhaqan caasimadda Somaliya amaba gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2-malyan oo qof, inkastoo eynan jirin cid si dhab ah tiradaa u xaqiijin karta ilaa iyo iminka. Waa markii ugu horeysay oo tirakoob caalami ah laga sameeyo gobolka Banaadir gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana dhalinyaradan loosoo xulay hoshan garab taagan oo ula diyaar ah wax walba oo ey u baahdaan dowladda hoose gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir. Dhinaca kale waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho howlaha nadaafadda iyo burburinta guryaha ama sandaqadaha sharci darada lagu dhistay mudadii 16-ka sanadood ee dowlad la`aanta ka jirtay dalka Somaliya, waxaana intaa dheer in shacabka Muqdisho ey si buuxda ula shaqeynayaan maamulka gobolka Banaadir eyna wax weyn ka badaleen bilicda caasimadda. Waxaa sidoo kale banaanka looga saarayaa maalmaha soo socda sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo ey lawareegi doonaan howshooda ciidamo boolis ah oo suga amaanka magaalada. Calanka.com FUTURE
  16. Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ayaa goor dhoweyd ka soo degay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, isagoo ka soo duulay saaka magaalada Kampala ee xaarunta dalka Yugandha halkaasoo uu fariisin ka dhigtay bilihii ugu dambeeyey tan iyo markii laga saaray magaalada Muqdisho xubnihii isbaheysigii laga itaal roonaaday ee la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda. Bashiir Raage ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweyey taageerayaashiisa iyo gaadiid Tikniko ah oo aad u tiro badan, waxaana markii uu soo degay dhexda uga hor yimid guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb M/dheere iyo xubno kale oo ka tirsnaa maamulka gobolka iyo dowladda, waxaana xusid mudan in xubinii ka qeyb qaatay soo dhoweyntiisa ay ka mid ahaayeen saraakiisha sar sare ee ciidamada AMISOM oo la sheegay inay xiriir dhow leeyihiin ganacsadaha. Bashiir Raage Shiiraar ayaa waxa uu u gudbay gurigii uu ka deganaan jiray magaalada Muqdisho kaasoo ku yiilay degmada Shibis, halkaasoo ay caleemo qoyana ku soo dhoweyeeyeen taageerayaal fara badan, mana jirin wax hadal ah oo uu saxaafada siiyay, balse waxaa la filayaa inuu saacadaha soo scoda shir jaraa'id u qabto saxaafada. Bashiir Raage Shiiraar ayaa horay uga tirsanaan jiray isbaheysigii fashilmay ee la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabadda oo ay ku midoobeen illaa 11 hogaamiye kooxeed kaasoo markii dambe hardan ay la galeen golihii maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed looga saaray dhamaamba xubnahaasi magaalada Muqdisho, inkastoo ay dib ugu soo laabteen intoodii badneyn magaalada iyagoo xubno ka ah dowladda federaalka. dayniile.COM
  17. our secessionist friends will get mad FUTURE
  18. show me the pictures of ethiopian soliders swimming in our beacheS??????? THE FUTURE