ANWAR
Nomads-
Content Count
1,616 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by ANWAR
-
is this bad or good news for SOMALIA??:confused:
-
Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Caruur aad u da’yar oo la sheegay inay kasoo goosteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Caruurtaan 9-ka ah ayaa waxaa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxaana maanta lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Waaberi ee goblka Banaadir halkaasi oo ay kula hadleen Warbaahinta qeybaheeda kala duwan. Caruurtaan yar yarka ah ayaa waxaa ay sheegeen in dugis quraan ay ka baranayeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir xili ay tilmaameen in dhinaca Al Shabaab uu u ka xeeyay nin ay sheegeen in uu deganaa degmadaasi haatana uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidamada Xarakada Shabaab. Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Kornel C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay goobtii Caruurtaasi lagu soo badhigay ayaa waxaa uu sheegay in Al Shabaab aysan wadin wax diin ah, isagoo tilmaamay in Caruur da’doodu ay ka yartay 15-sano ay qorsheeyeen inay dagaalka kaga horkeenaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. Barise ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid ayaan daro ah ayna ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay rag uu sheegay inay dambiyo kala duwan kasoo galeen dalalkii ay u dhasheen. Qaar ka mid ah Caruurtaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in markii laga ka xeeynayay degmada Waaberi ay ciidamada Shabaab geeyeen fariisimo dagaal oo ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Caruurtaani yar yarka ah oo ay maanta soo bandhigeen Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaan xiligaasi wadan wax hub ah iyo sidoo kale dariiska ciidamada Xarakada Al Shabaab hase ahaatee Caruurtaasi ayaa wajiyadooda waxa ka muuqanayay raad murugo ku beeraya qofkii arkaa.
-
Caruur kasoo goosatay Shabaab oo lagu soo bandhigay Waaberi Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Caruur aad u da’yar oo la sheegay inay kasoo goosteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Caruurtaan 9-ka ah ayaa waxaa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxaana maanta lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Waaberi ee goblka Banaadir halkaasi oo ay kula hadleen Warbaahinta qeybaheeda kala duwan. Caruurtaan yar yarka ah ayaa waxaa ay sheegeen in dugis quraan ay ka baranayeen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir xili ay tilmaameen in dhinaca Al Shabaab uu u ka xeeyay nin ay sheegeen in uu deganaa degmadaasi haatana uu ka tirsan yahay Saraakiisha Ciidamada Xarakada Shabaab. Afhayeenka Ciidamada booliska ee dowladda KMG Soomaaliya Kornel C/laahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay goobtii Caruurtaasi lagu soo badhigay ayaa waxaa uu sheegay in Al Shabaab aysan wadin wax diin ah, isagoo tilmaamay in Caruur da’doodu ay ka yartay 15-sano ay qorsheeyeen inay dagaalka kaga horkeenaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. Barise ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi ay tahay mid ayaan daro ah ayna ka dambeeyeen sida uu hadalka u dhigay rag uu sheegay inay dambiyo kala duwan kasoo galeen dalalkii ay u dhasheen. Qaar ka mid ah Caruurtaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in markii laga ka xeeynayay degmada Waaberi ay ciidamada Shabaab geeyeen fariisimo dagaal oo ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Caruurtaani yar yarka ah oo ay maanta soo bandhigeen Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaan xiligaasi wadan wax hub ah iyo sidoo kale dariiska ciidamada Xarakada Al Shabaab hase ahaatee Caruurtaasi ayaa wajiyadooda waxa ka muuqanayay raad murugo ku beeraya qofkii arkaa.
-
Ximan iyo Xeeb oo been abuur ku tilmaamtay inay midoobeen Galmudug :confused::confused: Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud ayaa been abuur ku tilmamay inay midoobeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cumar (Hagafeey) oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa uu beeniyay in la mideeyay Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo kuwa Maamulka Galmudug State. Afhayeenka ayaa sheegay in hadaladii dhawaan ay ka maqleen Idacaadaha qaar ee sheegayay in la mideeyay ciidamada labada Maamul ay tahay wax ka majiraan islamarkaana aysan jirin meel ay ku midoobeen labada ciidan, waxaana uu intaasi ku daray in xiligaan aan munaasab ahayn arintaasi. Max’ed Cumar (Hagafeey) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay jireen kulamo ay yeesheen Taliyayaasha ciidamada labada Maamul ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in kulamadaasi looga hadlayay sidii loo hishiisiin lahaa Maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda labadaasi Maamul, isagoo sheegay in hadalkaasi uu yahay mid looga been abuurtay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb. Ugu dambeyn ayaa Afhayeenka waxaa uu sheegay in wadaan hadaladii loogu doonayay in lagu hishiisiiyo Maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda labada Maamul ay meel wanaagsan marayaan islamarkaana goor dhow la filayo inay kasoo baxaan hishiis wax ku ool ah. Dhowaan ayay aheyd markii Xasan-Timo wayne oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug uu sheegay in labada Maamul ay mideeyeen Ciidamooda taasi oo uu ku macneeyay sidii ay ugu hortagi lahaayeen kooxo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Xuduuda ay wadaagaan labadaasi Maamul.
-
Somalis disgust me...100's of Somalis arrested in Norway
ANWAR replied to Mad_Mullah's topic in General
heheheh -
Somalia will be African superpower i just know it Inshallah But TFG must first straight up somethings
-
Somaliland vice president opens new university laboratory + PICS
ANWAR replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Mashallah Good news -
War-Saxaafadeed (Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 22,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed ayaa maanta waxaa uu tagay Barta Dhexe ee dagaalka. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale waxa uu xalay ku dhaxay Barta Hogaaminta dagaalka, asiga oo halkaas si toos ah uga hogaaminiyay qaabka amniga loogu sugayo koofurta Soomaaliya. Madaxweynaha oo ku sugan Barta Dhexe ayaa wuxuu sheegay in caruurta lasoo marinhabaabiyay ay ka waantoobaan oo eey usoo jeestaan sidi wadankooda eey nabad ugu horseedi lahaayeen. Waxaa kale uu Madaxweynaha Jamhuuriyada sheegay in ajaanibta wadanka isaga baxaan oo ay ku laabtaan dalalkooda si xal loogu helo dhibaatada ka jirto dalka Soomaaliya. Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa xalay ilaa saakay waxeey dagaalo qorsheeysan ay ku qaadeen kooxda argagixisada ee Al-Shabaab Al Qaceeda . Madaxweynaha iyo shacabka Muqdisho ayaa waxay dul istaageen meydadka Shabaab oo daadsan meelo badan oo xalay iyo maanta laga qabsaday. Dowladda ayaa guulo isdaba joog ah ka gaareyso dagaaladda ka socdo Goboloda Koofurta Soomaaliya. --
-
Liqaye;704237 wrote: By the way did you see the documentary on hamarweyne on universal t.v aired a couple of weeks back? no do you have link pleas
-
DKMG oo markii ugu horeysay iskuul lacag la’aan ah ka furtay Muqdish Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta iskuul lacag la’aan ah ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay jiraan caruur badan oo u baahan in ay helaan waxbarasho islamarkaana aan heysan awood ay isaga bixiyaan qarasha wax barashada. Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya Muuse Faarax xayd oo maanta booqasho ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradaasi, ayaa waxaa uu xariga ka jiray iskuul cusub oo uu tilmaamay in uu hoostagayo dowladda KMG islamarkaana wax lagu barayo ardeyda Soomaalida ee aan fursada u helin in ay xiligaan wax bartaan. Muuse Faraax ayaa sheegay in ardeydu ay si lacag la’aan ah wax ku baran doonaan, isagoo intaasi raaciyay in iskuulka ay wax weyn ku soo kordhin doonto wasaarada waxbarashada ee xukuumada KMG Soomaaliya. Iskuulkaani oo lagu magacaabo Max’uud Mire kuna yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa ah iskuul horay u jiray waxaana dowladu ay haatan ku sameysay dib u dayactir, iyadoo uu leeyahay barxad weyn oo caruurta ay kubada ku ciyaaraan. Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG Soomaaliya ay iskuul lacag la’aan ah ka howlgaliso gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana arintaani ay faa’iido weyn u tahay hadii ay sii socoto jiil farabadan oo aan qoysaskooda awoodin inay bixiyaan qarashaadka iskuulaadka kale lagu dhigto.
-
Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta iskuul lacag la’aan ah ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay jiraan caruur badan oo u baahan in ay helaan waxbarasho islamarkaana aan heysan awood ay isaga bixiyaan qarasha wax barashada. Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya Muuse Faarax xayd oo maanta booqasho ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradaasi, ayaa waxaa uu xariga ka jiray iskuul cusub oo uu tilmaamay in uu hoostagayo dowladda KMG islamarkaana wax lagu barayo ardeyda Soomaalida ee aan fursada u helin in ay xiligaan wax bartaan. Muuse Faraax ayaa sheegay in ardeydu ay si lacag la’aan ah wax ku baran doonaan, isagoo intaasi raaciyay in iskuulka ay wax weyn ku soo kordhin doonto wasaarada waxbarashada ee xukuumada KMG Soomaaliya. Iskuulkaani oo lagu magacaabo Max’uud Mire kuna yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa ah iskuul horay u jiray waxaana dowladu ay haatan ku sameysay dib u dayactir, iyadoo uu leeyahay barxad weyn oo caruurta ay kubada ku ciyaaraan. Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG Soomaaliya ay iskuul lacag la’aan ah ka howlgaliso gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana arintaani ay faa’iido weyn u tahay hadii ay sii socoto jiil farabadan oo aan qoysaskooda awoodin inay bixiyaan qarashaadka iskuulaadka kale lagu dhigto.
-
Fido had nothing to do with it. looooooool;)
-
This topic is insulting to all the dogs in the world....the dog is more valuable than this shit dead man
-
what is they do??
-
firstly what do you mean by ''Sheikh Dalxis Ubaadkiisi asked Meesh iska buxiiyey.'' whats you point?????? second... those people have no other place to stay do you not think it is good? . Third... you should never make fun of politicians by showing images of suffering people ... Adeer
-
Your unmoral topic and comment prove That you are only child .. go and play with cars adeer Internet is not for you!!
-
i will never ever WORK for UN......
-
Asad Maxamed Cilmi is my big brother kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
-
Ciidamada Dowladda oo la wareegay Degmada Dhoobleey Ciidamada dowladda ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta dagmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada Hoose kaddib dagaallo culus oo saakay ka dhacay dagmada Dhoobleey. Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la xaqiijiyay in saakay ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose kaddib dagaal culus oo degmadaasi ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka Khaweerijta Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa degmadaasi uga baxay dhanka bari iyadoo ciidamada Dowladdu ay ku sii raad joogaan firxadkooda, waxaana halkaasi saaka laga maqlayay rasaas goos goos ah sida Radio Muqdisho ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanku. Qasaare xooggan ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ka soo gaaray dagaalkaasi, waxaana la filayaa in dhawaan Saraakiisha ciidamada Dowladdu soo bandhigaan Khasaaraha ay u geeysteen Khawaarijta Shabaab. Ciidamada Dowlada ayaa in muddo ah diyaar garoow ugu jiray sidii ay ula wareegi lahaayeen deegaannada ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab, iyagoo hore ula wareegay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolka Gedo