Reer Banaadir

Nomads
  • Content Count

    78
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Reer Banaadir

  1. Juje Walaal inanka me wuu kaa saxsan yahay markaan, waayo gacan walaaltinimo buu kuu soo fidiyey ka qaado. anigu waxay iila muuqataa in meesha waxa keliya dooda loo soo galay inay tahay in la is fahmo oo aragtida la iswaydaarsado si la isugu soo dhawaado, maha in colaada joogto la sii wado mar haddu mid soo dhawaado qalbi furan baa lagu soo dhaweeyaa. Me adigana maddaam aad garatey waxa ay yihiin kuwa dalk u taliya waa inaadan maanta iyo wixii ka danbeeya qiil danbe u yeelin ama u doodin xumaanta goorta laga sheego. Hadda rag iyo dumarkiina soomaalida ah ee meesha isugu yimid hal baan idinka wada codsanayaa waa haddaad daacad tihiin. Nin ama naag waloy qaado warqad iyo qalin. Warqaddaa u qaybi labo dhinacna khalad ku dul qor dhinacna sax ku dul qor, deeto qoloda aad raacsantahay ugali waxa ay ku sax sanyihiin iyo waxa ay ku qaldan yihiin is barbar dhig waxaad ogaan waxaad raacsantahy inaysan soomaali waxba u hayn.
  2. Walaal Duke wax badan baan ka akhriyey meesha waxaad ku soo qortid, waana wax laga naxo wax, waayo cimrigayga inta aan noola isma oran nin soomaali sheegta ayaa udoodi doona duleysigiisa, dariiqna u furaya dabka loosito in isaga lagu gubo, damaanadna u qaadaya kii dambigaa ka galay. War heedhe Dowladi carrigaa majoogtee, aamu war maheyside. Qof aan Kalsooni ku qabo oo Ahaa dadka jeclaa inay dowladaan hore u marto oon la yaabi jiray baa dorraad ka shoogalay soomaaliya soona maray Nairobi markii Cabdullaahi Yuusuf iyo Geediba wada joogeen, wuuna soo wada arkay labadooda. Waxuu wacad alla maanta kumareyaa inaysan dowladi ka jirin soomaaliya, muqdishana nabadi ka jirin. Waxa ka socdaa Soomaliya buu yiri waa waali iyo wax is moogsii. Waxa uu yiri; maxaa wax la heshiisiin kuwa dowladda u sarreeya baaban heshiis aheyn oo adduunka isu neceb midiyana isu soofeysanaya hoos. dabargoyna iskula jira, midba midka kale ayuu isku dayayaa sidii uu xabashi u tusi lahaainu ka xigo sidii ay isku dhiig yihiin xabashigaa. Askari majirto oo ciidan wax badbaadshaa carriga majoogaan iyagii baaba gaajo meelaha ku dileysaa oo hadey waxey bilaabeen inay sidii ********ta lagu yiqiinany ay isbaaro dariiqyada dhigtaan sey quutulyoonkkdan kaga helaan, taa waxaa u dheer buu yiri maalinkasta waxbaa lagu qarxiyaa oo waa ladilaa. Shacabkii ba waxey taa ugu dareen in askarta aktooda lag foogaado oon xattaa wax laga iibsan waayo iyagii baa dadka dhacaya hadey taa shacabku ka badbaadaan waxaysan ka badbaadeyn qarax lala beegsadey askarigaa agtooda jooga, marka buu yiri shacabkii waaba ka cararaan askarta aktooda waayo khasaaro mooye wax faa'iido ah aktooda kuma heystaan. Marka boowe inoo sheeg waxa meesha yaal ee aad adigu qudha ogtahay, ee inta yadii kale aanan war u hayn. Haddii aad leedahay dadkii Dowladdal daacadda u ahaa kuba makhaati kaceen oo dhabtii ka hadley iyo xaaladdu sidey tahay soo arkay ay been sheegayaan?waa xayse dowladda meesha joogtaa haddi aysan awoodin inay askartii ay qoratay inay biisho, shacabkeediina ka didayo sida duunyada daaqsada uga didaan duulka wax cuna? war duke damiir iyo dub danqada yeelo waa haddaad dalkaa iyo dadkaa u dhalatay,daacadina kaa tahay darajo soomaaliyi leedahay, duco ugu dar in durriyad dalka jecel in ilaah ugu deeqo dadka soomaalyeed, Dulligaa inkaaran alla ka dulqaado,dowladi meesha ma jirto dictatoro mooyee...
  3. Waryaada hee Maanta waxaan ogaaday Bani-Aadam soomaali Ka fulaysan inaan ilaah abuurin, sabatoo ah kuma jiro nin inta istaaga yiraa, war qalad baan sameeyey ama baynu sameynay, waxaanan diyaar u ahay inaanu ka laabanu, cafisna wediista dadkii uu ka galay ama ay ka galeen. Eeyaada miyaydaan ka daalin calaacalka iyo diifada. Miyeydaan aqoon inaad tiraahdaa war doonimaayo inaan is duleeyo mardambe, kartideydu waa inaan danbigeyga qirto cafisna dalbado. Runta ahdeynaan been ka sheegin waynu wada ognahay inaan meesha lagu heyn waxaan munaafaqiin ahayn. Waawarey Reer waqooyi sow iyagii shaley lahaa naga kaxeeya wanlawey waa wada argagixiso miidhan oor inanka Adis baa inooga dhow kan xamar. Ma maantey noqdeen muxaafidiin goortay arkeen ina Adis iyo ina reer Bari oo is baheystay si ay u barakiciyaan inanka banaadir oo balo kale isna ah. Waan hubaa inaysan ka aheyn bad-baadi banaadiri ee waa ku bahdil ina bari. Walaal beenta daaya soomaali waa wada belo miidhan, Baaskoodina maantuu badahodii soo wada degay. Waligood iyagoon baa isu bahalo ahaa, beldaamahooduna burburin jiray, bakhti isku wada sheegi jiray. Bawdadana is wada jara ka billow Baardheere iyo Buaale aagood, sii mar Banaadir iyo Beledweyne, booqo Burtinle iyo Bari, socdaal baaxadleh ku mar Burco, Berbera iyo Boorame bedka u dhexeeya, ee maanta itus soomaali aan bebe isu cabeysaneyn, Xabasho Baasna Boowe oraneyn/???