Washignton: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka.
24. juni 2009
APL
Washignton(AllPuntla nd)- Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo waqtigan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay Madax ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka iyo Xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Mareykanka.
Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmay Diblumaasiin ka tirsan Maamulka Madaxweyne Obama oo ay ka wada hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya, mid ka mid ah madaxda dowladda Puntland ee la socota Madaxweynaha ayaa usheegay AllPuntland in uu Madaxweyne Faroole ugudbiyey dowladda Mareykanka ka dalbashada wada shaqeyn dhexmarta labada dowladood.
Dowladda Mareykanka ayaa casuntay Madaxweyne Faroole todobaadkii hore, wuxuuna ka qeybgalayaa maalmaha nagu soo aadan shirweyne ay si wadar ah uga qeybgalayaan Hogaamiyaal African ah, gaar ahaana shir ay imaan doonaan rag ka socda Maamulada dowladda Soomaaliya & Maamulka la baxay Somaliland.
Mudanayaasha Aqalka baarlamaanka ee Mareykanka uqaabilsan Africa oo ugu horeeya Mr. Donald Payne ayaa fadhiga shir gudoominaya, waxaa uu ka sheegay maanta magaalada Washignton in ay madaxdan kala hadlayaan xaaladaha iskaashiga amaanka, dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa soo qaadi doona amaanka deegaanadiisa Puntland oo ay ka jirto nabadgalyo laysku haleyn karo, Arimaha Burcad Badeeda oo ay xukuumadiisu dagaal adag kula jirto iyo Iskaashiga uu ka dalbanayo wadamada Caalamka, isagoo si guud usoo qaadi doona xaaladaha gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
F. C. Geylan
AllPuntland