Caano_Geel

Nomad
  • Content Count

    625
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Caano_Geel

  1. Nigis Kaladh Badane halkani ma aha Somalinet be aware.
  2. http://www.raxanreeb.com/?p=116853 Hargeysa (RBC) Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ah wakiil xafiiska raysul wasaaraha Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha Hargeysa. Ilyaas Barre Shiil ayaa markii uu yimid Hargeysa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo barlamaanka. Waxaana kadib uu gaaray xarunta madaxtooyada Hargeysa. Ujeedka socdaalka xildhibaanka reer Kenya ayuu ku micneeyey inuu u yimid inuu fariin uu ka sido raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga u gudbiyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Ma cadda waxay ku saleysan tahay fariintaasi, hase yeeshee warbaahinta taabacsan Somaliland ayaa maanta sheegtay in socdaalka Ilyaas Barre Shiil uu gogol xaar u yahay booqasho raysul wasaare Raila Odinga uu dhowaan ku iman doono Hargeysa, walow uusan Ilyaas qudhiisu taasi cadeyn. Socdaalka Ilyaas Barre Shiil ee Somaliland ayaa ah kii ugu horeeyey oo masuul ka socda xafiiska raysul wasaaraha Kenya uu ku yimaado Somaliland oo illaa 1992 ku doodaysa inay Soomaaliya ka goosatay. Waxayna booqashadan timid xilli ciidamada Kenya ay si rasmi ah gudaha dalka u soo galeen iyagoo sheegay inay dagaal kula jiraan ururka Al-Shabaab. Kenya oo deris la ah Soomaaliya hore loogama baran faragelin toos ah oo ay ku sameyso arimaha Soomaaliya hase yeeshee waxaa haatan muuqata in Kenya ay hadda ciyaareyso siyaasad ka duwan tii ay hore ugula dhaqmi jirtay Soomaaliya. RBC Radio Xafiiska wararka Hargeysa
  3. Waa maalin madow, oo ku suntan taariikhda ummadda Soomaaliyeed.
  4. Source: http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_countries_by_number_of_troops :D
  5. ^^ Waan iska garanayaa dee. Ookiyaale ayaad u baahan oday Khadar.
  6. Is af garanwaagii Waqooyi iyo Koonfur (sheeko) Nin reer waqooyi ah ayaa maalin Xamar tagay, ka dibna wuxuu galay rayisle, wuxuuna waydiiyay inuu timaha u feedho, Ninkii reer waqooyiga ahaa: Aar niyaw waxaan doonayaa inaan timaha ii feedho Rayislihii: Xee sheegoosaa nooh? RW: Waar timaha ii feedh baan ku idhi miyaad dhaga la'dahay! R: Intuu dadkii meesha joogay eegay ''fiiriya nooh wuxuu leeyahay timaha iga feedh'' RW: Kaw, waar hadalka kale jooji baan ku idhi oo timaha feedh R: Intuu is kala jiido ayuu madaxa feedh u galinayaa.
  7. Dadka English ka wax ku qoraya, yaa u ogolaaday inay comment ka dhiibtaan topic-gan? Adeer ii dhaafa meesha, lagama ogola luuqadan caantaynka ahe.
  8. JB naga daa dee niyaw...ha ina xayaysiinine, wali Somaliland iyo Hargeisa toona fari kama qodna inta aanay jirin, traffic lights, proper roads iyo clean water for all. Somaliland still waa meel poor ah.
  9. Recognize Somaliland first...Ka dibna waanu eegi waxaanu kuu qaban karno.
  10. Laba nin baa ku wada jiray dugsigii Xalane ee tababarka lagu qaadan jirey ee ku yaalay magaalada Muqdishu xilliyadii todobatanaadkii iyo sideetamaadkii 1970s, and 1980s. Labada nin midi waa reer Muqdisho oo gurigooda ayuu Jimcaha u caraabaa. Ka kalena waa reer Hargeysa oo isagu magaaladan cid kama yaqaan oo inta badan xerada Xalane dhexdeeda ayuu iska joogaa. Waxa dhacaysa in ninkii reer Muqdishaad uu mar walba cuntooyin kala jaad ah uu u soo qaato Xalane sanduuqna ku qufusho oo sariirtiisa hoosteeda gashado maca dharkiisa. Habeenkii danbe ayuu kii reer Hargeysa gaajooday intuu saqdii dhexe kacay ayuu sanduuqii intuu gabigiisiiba banaanka u qaatay ku soo jabsaday oo wax ka soo cunay ka dibna ninkii halkii uu hore u yaallay u dhigay sanduuqii. Xilli ay weli waaberigii ku dhowdahay ayuu u kacay kaadi ninkii reer Muqdisho, markuu sariirta hoosteedii eegayba mise waaba sanduuqii oo walhanaya oo afka kala haya, YAAB!. Ayaamahaas uun baa Matato (ama Nigis) qofba siduu u yaqaan ayaa Talyaaniga alaab looga keenay ku jiray sanduuqa. Matatihii oo koonaha sanduuqa ku jiray ayuu markiiba tebay ninkii lahaa oo yidhi; "Waar yaakhii yaa arkay Matatahaaygii!?" isagoo kor u qaylinaya oo dadkii hoolka hurday oo dhami maqlayaan. Dadka qaar baa sariirahoodu is kor saaran yihiin ee la soco. Wuxuu hadalkii kor u sii qaadaba, oo marba gees u socdo, isagoo uu xataa hanjabaayo isagoo leh; "Walaahi Eber aan ka dhigaa ka aan ku qabto Matatahayga". Haddaba cid u jawaabta waa la waayey oo dadkii oo dhami wax hurda oo aan maqleeyninba, iyo wax isnabaya oo is leh waar yaa ninkan idinka aamusiiya ayaa la noqday. Kama danbeeystii ayuu qayladii la ag tegay sariirta kii xaday laftiisii isagoo leh; "Waar Matatahaygii yaa arkay, yaa arkay Matatahaygii", Haddaba kii reer Hargeysa oo khaatiyaan taagan oo leh waar aad ka seexatide yaa kaa kaxeeya ayaa mar qudha la soo boodaya; "Waar annagaa cunaye, naga seexo!", isagoo u haysta in Matataha la yidhaa mac-macaankii uu ninka ka cunay. Halkii baa dadkii hoolka hurday oo dhami ay qosol la wada tooseen, xataa kii raadinayey baa qosolkii ku daray. Hab Adeegsiga Sheekada Waar marka lagugu wareeriyo waax maad aragtay ayaad odhan; "Waar annagaa cunaye na daaya" eesh qiyaasak!#
  11. Somaliland vs Somalia Balaadhan - Balaaran Laxoox - Canjeero Mudalab - Kabar-yeeri Beed - Ukun Kalluun - Mallaay Xabxab - Qarre Muqumad - Oodkac Hagbad - Ayuuto Xabuub - Yaanyo Saaka - Saakey Waaryaa - Arrey Kimis - Mallawax Sibidh - Shamiito Xadhig - Xarig Ayeeyo - Abooto Inaadeer/ Walaal - Abaayo/Aboowe kusii dar haddaad garanayso fadlan
  12. Madxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in gobolka Togdheer laga fulin doono mashaariic faro badan, waxaanu yidhi “Gobolkan Togdheer ee aan maanta joogno mashaariic badan baa laga fulin doonaa oo qorshaha noogu jira, qorsheyaashaasi waxa ka mid ah ceelal ay inoogu deeqeen Imaaraadka carabta, waxa kale oo ka mid ah Iskuulo badan oo la dhisi doono. Waxa kale oo la dhisi doonaa goobo caafimaad.” :D
  13. :D http://www.godine.co.uk/shabab-express-bishopsgate-leeds?gclid=CNLj54Hy2KsCFQIKfAodcz9iOw