Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Illaahay baa mahadleh, maamul Puntland baa leh Murti Faroolaa leh, muruqna xoogaa leh Murti Faroolaa leh, muruqna xoogaa leh
  2. Hanbalyo xaflada taariikhiga aheed ee sanadguurada 13aad ee asaaskii Puntland 02. Aug 2011 Waxaa maanta ay dad baddan dib u xasuusteen dabaaldegyadii loo dhigi jiray 21 Oktoobar ee xuskii kacaanka, kadib maanta markii ay si taariikh ah ay socod ugu soo mareen fagaaraha caasimada Puntland ee Garoowe kumanaan dad ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa ay dadku isweydiiyeen waxani ma riyaa mise waa Garoowe. Arintaas waxa ay marag ma doonto u noqonaysaa horumarka uu ku tallaabsaday nidaamka madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo runtii maanta dhigay taariikh cusub oo u dhalatay Puntland. Waxaa kasii darnaa hubkii noocyada kala duwan ahaa ee ay soo bandhigeen ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Waxaa iyaduna caawa aheyd guul iyo wax lagu farxo sida tooska ah ee uu TVga caalamiga ah ee Universal u soo tabiyey xafladdii caawa ee ka dhacday aqalka Madaxtooyada ee Garoowe. Runtii taariikhda iyadaa is qoreysa waxaan leenahay mar labaad iyo mar saddexaadba Guul iyo hanbalyo. Haku socoto sidi loogu talagalay, ayafoo a taasi sii dheertahay dadaalka Jaaliyadaha Puntland ee dunida dacaladeed ay iyagana ula qeybsaden dareenkooda wadani nimo xuska dhalashada Puntnad. Caawa gidaar walbaa oo aad marto waxaad maqlaysaa qof kaligii ku heesaya kudayo Puntland, maashaa’allaah waa guul soo hoyatay. Maamulka waxaa kaliya oo aan mar labaad iyo mar saddexaadba farayaa in uu gacan bir ah ku qabto ammaanka guud ahaan Puntland. Runtii quruxda ummad ay leedahay waxa ay muuqataa marka amni lagu seexdo. Waxaan kaloo maamulka aan u sheegayaa mar walbaa in ay isticmaalaan saxaafadda waayo, saxaafadda ayaa ku soo saari karta kuna baabi’in karta ee fadlan ka faa’ideysta, sidi caawa oo kale – Well done. Wabilaahi Towfiiq – Cabdixakiim Jaamac Jooje Social Development Adviser
  3. GAROOWE :Nuxurka Khudbadii M-wayne Faroole 1-da Augst oo uu kaga hadlay arimo badan August 2, 2011 7:26 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe :-M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole ayaa xalay khudbad dheer ka jeediyay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Garoowe taas oo ku aadan xuska munaasabadda 1–da Augst ee sanad-guuradda 13-aad ee asaaska Puntland wuxuuna si wayn uga hadlay ammaanka Puntland, Buurta Galgala,, Macdanta, beelaha dagaamalaya, , burcad-badeeda , Warbaahiinta, Dhalinyaradda, Qurbajoogta, waxaqabadka Dawladda, Dhaliisha Dawladdda iyo shirka Soomaalida. M-wayne oo la socdaan madax badan oo ay ka mid yiiin kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha Wakiilada iyo Wasiiro,Taliyaha Ciidanka Puntland ayaa lug uga yimid madaxtooya wuxuuna u gacan haatinayaa shacab badan oo tubnaa madaxtooyadda illa barxadda Garoowe oo uu salaan ku qaatay Shacabka oo tubnaa madaxtooyadda illaa barxadda Garoowe oo salaamaya madaxda Puntand uu ka mid yahay M-waynaha Ammaanka. M-wayne Faroole, ayaa waxa uu sheegay in ay Puntland tahay ammaan oo aan loo joojin doonin qof Miino wadada geeskeeda ku aasa oo dila 2 qof ama qof qof ku dila gaadmo, waxa uu sheegay in ammaanka Puntland uu yahay mid wanaagsan sidaasdarteeedna aysan cidna waxba ka dhimi Karin oo ka qaadin Karin, Puntland ma aha meel si sahlan loo burburin karo, waa meel dad leeyihiin oo ay ilaashanayaan kuwaas dhibaatada wadana cidna waxba uma dhimayaan qofkii ay dillaan Allaha u naxariisto iyakana cadaabta bay galayaan. Buurta Galgala. Buurta Galgala, ayuu sheegay in heshiis lala galay dadka deegaanka oo gartay sida uu sheegay M-way nahu nabadda waxay tahay, wuxuuna sheegay in dadka deegaanku ay soo jeediyeen in colaadda la dhammeeyo oo lasoo afjaro oo aysan macno lahayn dhiig daata ayna codsadeen in la soo daayo 9 maxbuus ayna ka aqbaleen, wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhawaynayo cid-kasta oo nabad qaadanaysa. Macdanta. Macdanta, oo uu si dadban uga hadlay M-waynahu isaga oo la xiriirshay colaadda buurta Galgala ayaa waxa uu sheegay in dadka lamarin habaabiyay oo leesheegay in ay dhagxaan la guranayo “Dhagax hadii la qaato maxaa ku jaban halkan aan fadhino fiirsha waxa dhagxaan yaala haddii dhagaxu macno leeyahay awalba waa iska yaalay haddii kalana muxuu waxtar ah oo uu leeyaahy ayuu yiri. Beelaha dagaalamaya. M-waynahu, wuxuu sheegay in ay jiraan beelo dagaalamaya oo dhibaato xoogan ka dhexjirto kuwaas oo aan la garanayn ujeedada ka dambaysay, wallow, uu sheegay in dagaalka ka dhaxeeya beelaha qaarkis ay arimo siyaasadeed ku lug leeyihiin sida la sheegay ayuu waxa uu ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan, “haddii ay anaga naga soo horjeedaan oo raga iska dhammeeyaan maxay anaka noola imaanayaan ayuu yiri”,……Dawladda Puntland ayuu sheegay in ay dhaqaale iyo wakhti badan ku bixisay heshiisiintooda, wuxuuna M-waynuhu dib ugu soo ceshay maahmaah uu 2 sano ka hor isticmaalay bilowgii dagaalka oo ahayd “Korintooda kala dhicintooda baa iiga daran”. Burcad-badeeda. Burcad-badeeda, ayuu sheegay in ay Puntland ay aad ula diriritay wuxuuna tusaale u soo qaatay Degmada EYL oo uu sheegay in ay ahayd goob ku caan baxday burcad-badeed in ay Saldhig u tahay waxa uu sheegay iskaashi ay sameeyeen Dawladda, Issimada, Odayaasha dhaqanka iyo dadka deegaanka looga si feeyay burcad-badeedii oo iminka wax burcad-badeed ah aysan joogin deegaankaas, wuxuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan dhalinyaraddu burcad-badeeda oo ay hubka Dawlada ku soo wareejiyaan wuxuuna ballan qaaday in cafis loo samaynayo ciddii ka tanaasusha burcad-badeednimada kuwaas oo aan ka diiwaan gashanayn QM. Warbaahinta. M-wayne Faroole, wuxuu ammaan u jeediyay warbaahinta oo uu ku tilmaamay Seef labo af leh oo waxna burburin karta waxna hagaajin karta “1-dii Lulyo haddii aan hadalnay hadda sidii hore maaha waxaan ku ahay maqsuud Warbaahinta sida ay u tabinayaan wanaaga iyo sanad-guuraddda Puntland waan ku faraxsanahay in aan hadda isku soo dhawaano Warbaahinta ayuu yiri. Dhalinyaradda. M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxaan Faroole, waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay Odayaashu dhalinyaraddu ay kuraasta u baneeyaan uuna uu ka mid yahay isagu qudhigiisa dadka la doonayo in ay nastaan, wuxuu sheegay in aysan haboonayn in dhalinyaradda gadaal looga yimaado oo la keeno nin wayn ama oday aan ku haboonayn shaqada wiilkii ama gabadhii dhalinyarada ahayd ee aqoonta lahaydna aan waxba loo dirsan, “waxaan balan qadaayaa in aan ka shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta ay dhalinyaraddu ku leedahay maamulka Puntland ayuu yiri”. Qurbajoogta. “Waxaa iska jira waxyaalo cay ah oo laga sheego dadka Qurbajoogta ah waxaas ha dhagaysanina waxaan idiin sheegaya dadka dadka biilka u soo dira waa qurbajoogta dadka waxbartay waa Qurbajoogta reer baadiyihii dibada ma aadin ee dadkii aqoonta lahaa baa dibada u baxay kuwaas oo ay lagama maarmaantahay in aqoontooda iyo masxkaxdoodaba ay dalka u faa’iideeyaan ayuu yiri. Waxqabadka Dawladda. M-waynahu, wuxuu sheegay in Dawladdu ay waxbadan qabatay oo halkan qayb ka mid ah lagu soo ban-dhigay Flim in badana oo aan la soo bandhigana ay jiraan, wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaalo kale oo badan oo u baahan in la qabto laakiin markasta lama arko waxa wanaagsan ee waxaa la arkaa oo laga hadlaa waxyaalaha aan wanaagsanayn. Dhaliisaha Dawladda. M-waynaha Puntland oo jawaab ka bixinayay fan-suugaaneed lagu cabiray dhaliilaha Dawlada iyo waxqabadkeedaba oo ay soo jeediyeen abwaano ka qayb-qaadanayay munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in dhankooda ay dhaliisha qaadanayaan balse inta kale laga doonayo in dhaliishooda ay qaataan si loo saxo khaladaadka jira. Abaaraha Koonfurta. M-waynuhu,, wuxuu Alle uga baryay in dhibaataada ka saaro Koonfurta Soomalaiya oo uu soo cesho ammaankii iyo kala dambayntii “ waa walaalahayo waan isku khasbanahay in aan iskaalmayno, hadii Koonfur colaad iyo abaarba ka jirto meel inakama jirto waa ina saamayn marka waxaa habboon in aan meeshooda wax uga qabano waxaan ku baaqayaa in la caawiyo dadka tabaalaysan ee abaartu waxyeelaysay Dawladdu diyaar bay u tahay waxaana u saaraynaa Guddi ka shaqeeya arimahan iyo taakulaynta dadkan ayuu yiri”. Shirka Nabadda Soomaaliya. Shirka Nabadda Soomaaliya, ayuu sheegay in lagu qaban doono Puntland waa ay jiraan dad hadlay oo aan ku faraxsanayn in Puntland in lagu qabto waxaan rajaynayaa in ay iyakuna nagu soo biiraan laakiin guud ahaan waxaa la isla waafaqsan yahay in Puntland lagu qabto, aad iyo aad baan ugu han-waynahay in shirkaasi lagu qabto Puntland. Sikastaba, khudbada M-waynaha ee ku aadan 1-da Agust ee dabaaldaga asaaska sanadguurada 13- aad ee Puntland ayaa aad iyo aad uga duwan khudbadii 1-da Luulyo ee isla M-waynuhu jeediyay taas aad u kululayl meelo badana Dhariga furka ka xoortay sida hawlwadeenada warbaahinta oo khudbadan si wayn M-waynuhu dhagxaan baraf ah u dhexdhigay dharigi horay u karkaray. Axmed Cabdisalaam Puntlandpost.com