Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Munsaabad lagu maamuusayey asaaskii Puntland oo Garoowe ka dhacday (Sawiro) August 2, 2011 - Written by editor - Edited by editor Iyada oo deeganada Puntland ay wali udabaal dagayaan 13guuradii ka soo wareegtay markii asaasay dowlada Puntland ayaa xalay waxaa munaasabad balaaran lagu qabtay magaala madaxdaPuntland taasi oo ay ka soo qayb galeen golayaasha kala duwan ee dowlada wakiilada haayadaha caalamiga ah u jooga Puntland. Munaasabadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa goobta xafladu ka dhacaysay waxaa lagu xardhay calanka Puntland iyo calanka soomaaliya madax waynaha Puntland c/rixmaan shiikh maxmed ayaa waxaa uu munaasabada ka jeediyey khudbad dheer oo taariikh ka hor khudbada madaxwayaha guudoomiyaha golaah Wakiilada Puntland oo ku soo dhawayey madax waynaha ku soo dhaweeyey ayaa waxaa uu ku booriyey dadka reer Puntland in ay muhiimtahay isku duubnida Puntland isla markaasna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada iyo hor umarka dalka. Madaxwayha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Farole goobta ka jeediyey khudbad dheer oo taariikh ah ayaa waxaa uu ka hadlay dhinacyo badan sida arimaha amniga ,dhaqaalaha siyaasada gudaha iyo dibada dhanka saxaafada oo uu amaan badan usoo jeediyey madaxwaynuhu ugu horayn waxaa uu amaan ujeediyey ciidamada qalabka sida ee Puntland oo sheegay in ay yihiin kuwa meesha lagu fadhiyo laguna seexdo. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay dagaalada ka dhacay bari ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah oo uu sheegay in ay tahay in lajoojiyo lagana gaaro heshiis kama dambays ah madaxwaynuhu waxaa kala oo uu kaga hadlay khudbadiisa oo aad u dheerayd in ay ku howlanyihiin xoojinta amniga ayna ku guulaysteen dhanka soomaliya Mar uu ka hadlayey waxaa usheegay in shirka dib u heshiisiinta ee logu balamay in uu ka dhaco magaalada garawe ay jiraan dad badan oo aan raali ka ahayn oo sheegay madaxwaynuhu in ay doonaayaan in aan soomliya heshiin. Madaxwaynuhu waxaa uu ku dheeraaday dhanka hor u marka Puntland oo uusheegay ay dhibaato ku tahay daganaansho la.aanta koon furta soomaaliya waxaana uu tilmaay in ay siiwadi doonaan in ay Puntland la soo baxdo khayraadkeeda isla markaana ay diyaar u yihiin in ay soomaaliya wax la qaybsadaan markii la helo dowlad dhexe oo faderaal ah Madaxwaynuhu waxaa kale oo sheegay in hor umarka ay dhibaato labaad ay ku tahay dagaalada beelaha reer Puntland oo uu sheegay in dhaqaalihii loogu talagalay hor umarka ay ku baxaan dhexdhexaadinta qabaailka isla markaana hadii ay joogsadaan dagaaladu ay Puntland ujehaysan doonto dhanka hor umarinta. Mar uu ka hadlayey dhanka burcadbadeeda waxaa usheegay in ay dagaal adag lagaleen ayna ka sifeeyeen magaalooyin badan oo xeebaha ku yaala hadana ay uqorshaysantahay in sii ciribtiraan meelaha ay wali ku dambeeyaan. Beesha caalamkuna u balan qaaday in ay mashaariic ka fulindoonaan deegaan kasta oo dowladu ka saaraan kooxaha burcadbadeeda Dhankale waxaa uu ka hadlay doorka qurbajoogta reer Puntland oo uu sheegay in ay door muhiim ah ugu fadhiyaan dalka iyo dadka iyaga oo soo galiya lacag adag oo ay ku masruufaan ehelkooda iyaga oo ka qayb qaata maal galinta dalka. Ugu dambayntii madaxawaynuhu waxaa si ka duwan sidii hore ugu hadlay dhanka saxaafada. Munaasabadii 1da july ayey aheyd markii madaxwaynuhu weerar dhanka afka ku qaaday warbaahinta hase ahaatee habeenkii xalay waxaa uu aad u amaanay warbaahinta oo sheegay in ay door muhiim ah ka qaadato hor umarka bulshada isla markaaana uu qarwaaqsaday doorka warbaahinta. Munaasabadan lagu maamusayey 13 guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay dowlada Puntland ayaa waxaa si aaad ah uga duwanayd munaasabadiihii ka horeeyey dhanka ka qayb galka bulshada qaybaheeda kala duwan iyada oo lagu soo bandhigay sugaan aad usoo jiidatay dadkii goobjooga ahaa