Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. A delegation consisting of Mark Bowden, U.N. Resident & Humanitarian Coordinator and UNDP Resident Representative for Somalia and delegates from EU countries visited Puntland visiting Gaalkacyo, Garoowe and finally Boosaaso. They had talks in all three cities and met with the President of Puntland in Puntland's capital Garowe.
  2. Atirisho, I don't know yet how much it will be in capital terms but judging from previous projects and prices of building material it will be costly however the land has been acquired long time ago, so at least it will be cost-effective in that. We hope it will be similar to the Presidential Palace in Bosaso, Puntland's commercial capital or even better as the current one is the former seat of the Governor of Nugaal Province.
  3. Puntland Parliament will move to the western outskirts of the city, new building is under construction
  4. Puntland Parliament will get a new Building in the outskirts of the city of Garowe towards the western outskirts this comes as a presidential pledge to move the Parliament, Presidential Palace and some other ministries out of the city to the western suburbs of Garowe near the mountains.
  5. New Puntland Parliament Building, the Presidential Palace of Puntland and a guest house for important visitors to Puntland in Qardho are all under construction and to be finished soon inshaallaah.
  6. Caasimadda Puntland Oo Laga Dhisaayo Dhisme Cusub Ee Madaxtooyada Puntland WAR SAXAAFADEED 18 September 2011 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub eeMadaxtooyadda Puntland. Madaxweyne Farole oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland iyo Duqa Magaalada Garowe ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Madaxtooyadda Puntland. Madaxtooyadda Puntland oo hada lagu shaqeeyo ayaa ah xafiiskii hore ee Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo la dhisay xilligii Madaxweynihii horeee Somalia Marxuum Gen. Maxamad Siyaad Barre. Dowladda Puntland ayaa waxay hada dhisaysaa dhismaha cusub ee Baarlamaanka Puntland iyo Guriga Martida ee magaalada Qardho. — Communications Office The Puntland Presidency
  7. Powerful words by the President regarding Proclamation of Eid in all over the world, all of Somalia and in Puntland and a few who did not break their fast today which he described them as 'Asaagaa alla ka reeb iyo asaagii ayuu ka haray' and that he used to hear of 'Muslim Khilaaf.' He further said that the authorised Eid is when it is announced by the major Muslim scholars, the government, the Ministry of Justice and Religious affairs and proclaimed by him as the Muslim leader of this country (Imaam) which has been elected to lead agree upon and announce that day and which Eid is today. He warned against divergence and said that these people are being watched carefully by the rest of the people due totheir actions of disunity. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Xusay in ay jiraan Dad aan maanta ciidin lakiin ay yihiin kuwo u guntaday xaytay luminta ummadda Muslimiinta ah aana loo baahnayn kooxyar oo meel isku xirta oo Gaarkooda u tukada ,” ummadaan uma baahna in waxaan jirin lagu qanciyo hal maalin ayaan laga ciidayaa dalkaan Lagana soomayaa” From Raxanreeb.com
  8. Madaxwayne Faroole oo salaada ciida Garawe kala qayb galay kumanaan dad ah August 30, 2011 Magaalada Garowe ee dowlada puntland ayaa maanta si wayn looga ciiday kadib 29 cisho oo dadku ay soo somanayeen, salaadii ciida oo dadka badankiisa ay ku tukadeeb Garoonka ku bada Cagta ee Mire Aware oo uu kala qayb galay saladada Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Golayasha Dowlada kumanaan dad ah ayaana manta ka soo qayb galay Sladaada Ciida tukashadaeeda iyadoo dadkaqaarkii ay Soman yihin gaar aha Qadariyadu Shiikh C/qaadir Nuur Farax oo ka Mid ahaa Culumowdiinkii ka hadlay salada ka hor oo qudbadaha la hormariyay ayaa ku dheraday Dadka Micna darada lagu dilo gaal iyo muslim iyo sidoo kale kala Soomida iyo afuridaba diintu waxaa ay ka qabto waxaana uu sheegay in ay maanta maalin ciida ayna xaaraantahay in la soomo shiikh waxaa kale uu sheegay mar hadii madaxwayhana dalku ku dhawaaqo ay iidtahay waa in la afuro sidookale waxaa uu ka degay in khilaafka laga dheeraado si aan umada soomaliyeed ee 29maalmood soo somay aan la jaah wareerin. Garad Abshir Salax oo ka mida Saladinta Puntland dadkana ugu hanbalyeyay Dadka Cidul Fidriga sanadkaan sanakiisa in ay ku ciidan Nabad iyobarqaaqo waxaan uu diirada ku saaray khudbadiisa in nada la adkeeyo isagoo sheegay in ay waajibtahay ka shaqaynta nabad galyada puntland. Wasirka Cadallada Diinta iyo awqaafta Puntland C/khalif Xaaji Xasan Ajayo oo ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha ayaa ku dheerada in uusan wanagsanayn khilaafku loona bahan yahay in la noqdo Mid qura si qilaafka ku soo dhex noqnoqda Culumada oo dhanka Ciidaha oo kale meesha uuka baxo. Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ugu horayn umada Soomaaliyeed ugu Hanbaleyey maalinta ciidulfiriga ayaadhinacyo badan ka hadlay Dhanka amaanka mar uu ka hadlayey waxaa uu umada puntland uga digay in ay ka hortagaan dadka amnigooda doonaya in wiiqaan waxaana uuaad ugu amaanay ciidamada amaanka ee puntland sida ay markasta ugu heelanyihiin in sugaan nabada guud ahaanba puntland madaxwayne faroole mar uu ka hadlayey dhanka soomaaliya waxaa uu aad ugu dheeraaday muhiimada ay leeyihiin booqashooyinkii ay dowlada kmg ah soomaliya ay ku yimaadeen puntland gaar ahaana puntland waxaana usheegay in ay tahay talaabo horay looqaaday oo muhiimad wayn uleh dhamaaba umada soomaliyeed Dhankale madax waynuhu waxaa uu ku amaanay dadka reer puntland sida ay diyaarka ugu yihiin midnimada iyo in lahelo qaran soomaliyeed. Guud ahaanaba marka la eego magaalada garawe ayaa manta siwayn looga iiday iyada oo dhankale ay jiraan dad aan badnayn oo manta sooman oo ay rabadaan utahay oo iyagu aaminsan in ay manta tahay maalin rabadaan bishuna ay ku dhamaato 30maalmood Maxamed Siciid Yuusuf SBC International Garoowe
  9. Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Maalinta Talaadada Ee Berri Ay Tahay Ciidul Fitr Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in berito oo taariikhdu ku beegan tahay 30.08.2011 ay tahay Ciidul Fidri. Madaxweyne Faroole ayaa Fiidnimadii Caawa isagoo la hadlaayey Warbaahinta gudaha u sheegay dadka reer Puntland in berito si wadajir ah looga wada Ciidayo gobolada Puntland oo dhan. Wuxuu sheegay in la tashi dheer oo ay wada Sameeyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Diinta Puntland iyo Culuma’udiinka in ay isla garteen in berito ay tahay Ciidul Fidri ka dib markii laga soo sheegay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya. Shacabka kunool guud ahaaba gobolada Puntland ayuu ugu hambalyeeyey Ciidul Fidriga,wuxuu ka codasaday in tafaraaruq uusan dhicin loona wada ciido si wada jir ah. In berito ay tahay Ciidul Fidri ayaa sidoo kale laga Iclaaniyey magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo,Buulo-Burde,Baydhabo,Beledweyn iyo gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxaa Sidoo kale iyana laga Iclaamiyey dalka Sacuudiga Carabiya,waxaana laga baahiyey Talafishinada Carabta sida Al-Jazeera iyo Al-Carabiya in Boqortooyada Sacuudiga sheegtay in berito ay tahay maalin Ciid ah bisha Shawaalna ay tahay kow. Horseed Media
  10. Madaxweynaha Puntland Oo Caawa Ku Dhawaqay In Barito Ciid Tahay Garowe ( RBC Radio) Madaxweynaha dawlada Puntland C/raxmaan Maxmed Maxmuud ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay in maalinta bari ah ay tahay 1-bisha Soon fur. Madaxweynaha oo la hadlaya warbaahinta gudaha Puntland ayaa sheegay in uu hambalyo u diraayo dhamaan shacabka islaamka Meel ay joogaan,gaar ahaan Kuwa Puntland. Waxaa uu intaasi ku daray in tashi dheer ka dib oo ay wada qaateen wasaarada Caddlada iyo arimaha diinta Puntland iyo meelo badan oo dalka somaliya oo laga soo sheegay bisha in Ay ku dhawaqen in Puntland bari laga ciido. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacab weynaha Puntland in ay iska ilaaliyaan Kala tukashada iyo kala ciidka oo bariisku mar la Ciido. Inkasta oo aan Puntland Jirin cid si rasmi ah u aragtay bisha hadana waxaa warar sheegayaan in inta badan laga arkay bartamaha dalka somaliya waxaana sidoo kale laga dhawaaqay ciidka Dhamaan dalalka Islaamka gaar ahaan Sucuudiga,Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Caawa Kudhawaqay in Ciid Ay tahay. RBC Radio News
  11. In the Words of Mahiga Special Representative of the General-Secretary: A great day for Puntland and a great day for Somalia, This comes after TFG President Sharif visited Garowe capital of Puntland and before that the Prime Minister of Somalia, H.E. Abdiwali Mahamed Ali. Finally, TFG President Sharif spoke about the anticipated Somali national consultation conference. President Sharif said: “As you all have heard, nowadays there is talk of a consultative meeting that happens either here [Puntland] or in Mogadishu. The president [of Puntland] would love to hold the conference here and I want that too. But I personally requested him [Farole] that we divide into two parts by holding the first conference in Mogadishu, because it’s the capital and there is big change, and the second conference in Garowe.”
  12. Dr.Axmad Caydiid Ibrahim the new Education read the agreement to the Press
  13. Puntland & dawlada federaalka ah oo heshiis ka kooban 13 qodob isla meel dhigay. Mon, 29 Aug 2011 14:29:06 -0400 pm -04:00 -14400 Garowe, Aug 29 - Heshiis nuxurkiisu yahay is-kaashi, wada-shaqayn & dhaqan-gelinta heshiiskii Galkacyo 2009 ayaa ay kala saxiixdeen madaxada dawlada federaalka ah ee Somaliya iyo madaxda Puntland. Shir jaraa'id oo ay ku qabteen Garowe R/wasaaraha dawlada federaalka ah Dr. C/weli Maxamed Cali 'Gaas', iyo M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa tafaasiil laga bixiyey qodobada heshiiska ee ay kala saxiixdeen labada dhinac. Prof. Maxamed Caydiid, wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah ayaa saxaafada u akhiryey qodoba heshiiska ay labada dhinac isla meel dhigeen; qodobada ayaa waxaa ka mid ah: Is-kaashi: 1. Xoojinta wada-shaqaynta & xiriirka joogtada ah ee labada dhinac, 2. Dhaqan-gelinta qodobadii heshiiskii Galkacyo ee 23-ka Ogoosot, 2009, Amniga: 3. Is-kaashi dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, burcad badeeda, iyo tahriibka, 4. Puntland oo laga taageero tababarada, qalabaynta iyo gunnooyinka ciidamada aminga sida bilayska, daraawiishta, nabad-sugidda & asluubta, 5. Dardargelinta akaademiyada tababarka ciidanka ee Carmo, 6. Dhismaha ciidanka badda ee Somaliya, Koboc dhaqaale & siyaasadeed: 7. Dawlada federaalka ah oo dhiirigelinaysa koboca dhaqaale & siyaasadeed ee Puntland, Federaalka: 8. Labada dhinac oo iska kaashada dhamaystirka dastuurka federaalka ah ee xilliga kala-guurka, 9. Hirgelinta iyo dhismaha dawlad federaal ah, iyo dhiirigelinta maamul federaal ah oo buuxiya shuruudaha axdiga ku meel gaar ah. Wadaag mucaawino: 10. Si isu-dheeli tiran oo loo qaybiyo mucaawinada dibedda, lana wada gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan, 11. Dejinta qorshe lagu daryeelo barakacayaasha ku sugan Puntland oo lagu qiyaasay 400,000 oo ruux, 12. Dejinta qorshe looga hortagayo abaaraha, 13. Daryeelka iyo dhawrida xuquuq al insaanka oo la xoojiyo, lagana wada shaqeeyo. Waxaa goobjoog ka ahaa R/wasaare C/weli Maxamed Cali , M/weyne C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo xubno ka tirsan golayaasha dawlada ee labada dhinac. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  14. GAROOWE: Puntland & DFKMG oo heshiis iskaashi gaaray August 29, 2011 5:29 pm GMT Garoowe: (pp) - Masuuliyiinta Dowlada Puntland iyo Dowlada DFKMG Soomaaliya ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay heshiis iskaashi oo ay si wada jir ah u wada gareen. Ka hor inta aan la soo bandhigay qodobada lagu heshiiyay waxaa la magacaabay guddi wasiiro ah oo labada dhinac ah, isla markaasna ka dooday qobada ay ku heshiinayaan labada dhinaca . Heshiiska ay maanta wada gareen Puntland iyo TFG ayaa waxaa saxaafada u akhriyay Wasiirka Waxbarashada DFKMG Soomaaliya oo sheegay Puntland iyo DFKMG Soomaaliya ay ku heshiiyeen qodabo muhiim ah qodobadaasi oo ka koobnaa 13 qodob, waxaana Warsaxaafadeedkaasi akhriyay Wasiirka Waxbarashada DFKMG Soomaaliya , Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane C/raxmaan Shiikh Maxamad Faroole ayaa sheegay inuu ku farax san yahay heshiiska sida toos ah ay maanta ula gaareen Dowlada KGM Soomaaliya ,wuxuna intaasi ku daray sidoo kale inuu ku farax san yahay imaatinka wafuud caalamiya oo ka timi DFKMG Soomaaliya. Sidoo kale waxaa hadlay Raysil wasaraha Soomaaliya Dr C/wali Maxamad Cali wuxuuna sheegay in ka hadal uu ku ekaan qodobada lagu heshiiyay, balse ay dhan waba kala shaqayn doonan Puntland. Ugu danbayntii war saxafeedkaani maanta sida wada jirka ah uga soo baxay Puntland iyo TFG ayaa waxay kusoo dhamaaday jawi dagan, waxaase meesha ka baxaysay shakigii & khilaafyadii horay u dhexyaalay Puntland & DFKMG Soomaaliya. Siciid C/salaam Siciid Wakiilka Puntlandpost-Garoowe PL