Fiqikhayre
Nomad-
Content Count
5,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Fiqikhayre
-
Dhakhaatiir ka socotey dalka Turkey oo adeegyo caafimaad ka bilaabay Gaalkacyo Isbitaalka Guud ee Gobalka Mudug ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaabmay kaalmo caafimaad oo balaaran ayna wadaan dhakhaatiir taborucaad uga yimid wadanka Turkiga ee aynu walaalaha nahay. Dhakhaatiirtan oo gaaraysa 14 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh sida Qaliimada guuda, Caruurta, Dhagaha/Sanka/Cunaha (ENT), Dhakhaatiirta wax suuxiya, Dhakhaatiirta cudurada guud, Farmashiistayaal, Sheybaaristayaal iyo kuwo kale. Gaalkacyo waxay dhakhaatiirtu soo gaaren maalintii Khamiista (22-Sept-2011) waxaana si weyn usoo dhaweeyey Wasiirka Caafimaadka Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Dhakhaatiirta Gobalka Mudug, Isimada,Shaqaalaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Dhakhaatiirtu waxay saakay hawlgalkoodii ugu horeeyey ee Puntland ka bilaabeen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo waxayna dhakhaatiirtu qaabileen dad aad u faro badan oo bukaano ah kuwaas oo iska diiwaangaliyey Isbitaalka todobaad ka hor imaatinka dhakhaatiirta waxaana Isbitaalku uu dadkaasi siiyey kaarar ay dhakhaatiirta kula kulmayaan. Dhakhaatiirtu waxay saaka bilaabeen eegista bukaanada ugu yimid xanuunada kala duwan waxayna qaabileen dad ka badan 200 oo qof oo bukaano ah kuwaasi oo daaweyn iyo qaliimo loo sameeyey. Qaliimada ay sameeyeen dhakhaatiirtu maantey waxa ku jirey kuwo culus oo ay isugu tageen taladooda iyo aqoontooda iyo kuwo fudud. Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in shaqada dhakhaatiirtu ku bilaabatey sidii ay ugu talagaleen oo horey loogu qorsheeyey, dhakhtar kasta wasaaddu waxay u diyaarisay 3 qof oo isugu jira dhakhtar la shaqeeya iyo labo kalkaaliye oo caawiya. Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin shaqada ay ka bilaabeen Gaalkacyo iyagoo aad iyo aad uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirnayd iyo abaabulkii loo galay soo dhaweyntooda iyo martigalintooda. Dadka laga diiwaangaliyey Isbitaalka Gaalkacyo waxay kor u dhaafayaan 1500 oo qof sida uu sheegay madaxa xogta ee Isbitaaliu, Maamulka Isbitaalka iyo shaqaaluhuba waxay u shaqeynayeen si aad u sareysa iyagoo shaqada u maareeyey hab wanaagsan waxayna horey waayo aragnimo ugaheleen dhakhaatiirtii hore ee Turkey ee dalka timid 2010 kuwaas oo aad u shaqo badna aana ogoleyn caajis iyo in meel la iska fadhiyo. Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobalka Mudug Axmed Faarax ayaa saxaafada u sheegay in dhakhaatiiru ay maantey qaabileen 286 qof oo 6 ka mid ahi ay ahaayeen qaliimo aad u culus, kuso daawooyin loo qorey iyo kuwo ay sheegeen inaysan wax uga qaban karin Soomaaliya aysana waqtigan la socon dhakhaatiirtii qaabilsanaa qaliimada iyo kabida lafaha, Indhaha. Imaanshaha dhakhaatiirta Turkey wax badan ayaa la sugayay waana kalkii labaad oo ay dhakhaatiir ka socota wadanka Turkey ay hawlo caafimaadoo taborucaad ah ka fuliyaan Puntland, sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay dhakhaatiirtu Puntland yimaadeen markii ugu horeysay waxaana la xasuustaa 11 cisho oo ay wadanka joogeen ololihii caafimaad ee ay fuliyeen kaasi oo ay 4000 oo qof u sameeyeen daaweyn iyo qaliimo kala duwan. Dad badan ayaa aad ugu caafimaaday mana jirin qaliin iyo daaweyn ay ku fashilmeen taasna waxay keentay inay dadku mar walba wasaaradda waydiiyaan goorta ay soo noqonayaan dhakhaatiirtu, wasaaraddu waxay aad ugu dadaashey inay codsiyo badan u gudbiso dhakhaatiirta ka socday Ururka rajada (UHDER) iyo dowlada Turkeyba iyadoo codsanaysay wasaaraddu inay mar kale caawiyaan shacabka Soomaaliyeed codsiyadaas oo ay dhakhaatiirtu qadariyeen ayay ku faafiyeen Soomaaliya oo dhakhaatiirtan raxan ka mid ah waxay ka shaqo bilaabeen Muqdisho. Cabdulqaadir Warsame Yuusuf Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
-
First place of work is Gaalkacyo Dhakhaatiir Turki ah oo kusoo wajahan Puntland howlgalo caafimaadna fulin doona Posted by Pi on September 17th, 2011 Garowe(Puntlandi.com) Koox dhakhaatiir ah oo ka imaaneysa Turkiga ayaa dhowaan imaanaya Puntland, Waxeyna howlo baaxad wayn oo caafimaad ka fulin doonaan Deegaano badan oo Puntland ah, ma ahan markii u horeysey ee Dowlada Turkigu dhakhaatiir usoo dirto Puntland , bishiioktoobar sanadkii hore ayaa koox dhakhaatiir ahi yimaadeen Puntland, kuwasoo howlo caafimaad ka fuliyey Puntland. Dhakhatiirtaan imaaneysa ayaa looga diyaar garoobayaa dhamaan deegaanada Puntland, sida ay ku heshiiyeen labada Dowladeed ee Puntlandiyo Turkiguna howlgalkaan waa lacag la’aan. Jadwalka sida ay ukala tagayaan isbitaalada Puntland iyo wakhtigaba dhowaan ayaan heleynaa oo aan idiin soo gudbineynaa, iyo xiliga saxda ah ee ay soo caga dhiganayaan Puntland. Dhakhaatiirtu waxey badanaa ka howlgalayaan ISbitaalada Waaweyn iyo qaar kamid ah kuwa tuulooyinka, Dadka aan awoodin iney soo gaaraana waxaa socda Qorshe lagu soo qaadayo. Puntlandi.com Garowe
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
The President firmly pointed to where the problem and ill of Somalia lie's and eloquently presented it in his historic and landmark speech which hasn't been seen in it's magnitude and content by any Somali Politician for a long time, which needs to be applauded -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Strong but real and true words by the President which makes the massive welcome of the President to Mogadishu even more worth-while and effective as this trait was missing from the war-torn capital of Somalia but with President's Farole's instant arrival which seems to have found back its voice and worthyness that is appreciated. -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Absolute true words there: Waad ogtihiin meeshaan ka nimid. Way noogu yimaadeen Madaxweynaha iyo Raysul wasaarahaba, meeldhisan baan ka nimid oo maanta foolxumada Xamar ka muuqata aysan ka muuqan. Waxaanu u nimid inaan magaaladii anaga aan ka tagnay ayadoo dhisan oo quruxdeeda la yaabo oo la oran jiray waa magaalada aduunka ugu amaan roon, inaanu maanta naxdin darteed dhexmari kari wayno iyadoo burbursan. Waxaan u malaynayaa in nin walba ku qanacsan yahay in cid dibada ka timid aysan burburin Muqdisho. Waxa burburiyay waa Somali, waxa Qarankii Soomaaliyeed sidaa ka dhigay waa Somali. Waxba yaan isku riix-riixin, cid badan baa dambiga wax ku leh. Cid badan baa dambiga wax ku leh. -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Puntland State House/Presidential Palace Waad ogtihiin meeshaan ka nimid. Way noogu yimaadeen Madaxweynaha iyo Raysul wasaarahaba, meeldhisan baan ka nimid oo maanta foolxumada Xamar ka muuqata aysan ka muuqan. Waxaanu u nimid inaan magaaladii anaga aan ka tagnay ayadoo dhisan oo quruxdeeda la yaabo oo la oran jiray waa magaalada aduunka ugu amaan roon, inaanu maanta naxdin darteed dhexmari kari wayno iyadoo burbursan. Waxaan u malaynayaa in nin walba ku qanacsan yahay in cid dibada ka timid aysan burburin Muqdisho. Waxa burburiyay waa Somali, waxa Qarankii Soomaaliyeed sidaa ka dhigay waa Somali. Waxba yaan isku riix-riixin, cid badan baa dambiga wax ku leh. Cid badan baa dambiga wax ku leh. -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Caqabadaha hortaagan Qarannimada Walaayaal ama Ergooyin halkaan isugu yimid, howl adag baa idiin taal. Howsha idiin taala taariikhda baad ku galaysaan. Israacii Soomaaliya baad ku dhalin kartaan. Waa ognahay caqabado baa jira. Caqabadaha ugu xun Somalia dib u heshiisiinteeda iyo dib u dhiskeeda iyo inay isku soo noqoto hor tagaan, xabadda iyo qoriga baa la hormariyaa. Mid ka xun baa jirta. Waa Qabyaalad. Qabyaalada ayaa ugu xun, iyo Jahliga uusan qofku garanayn waxa Qabyalad ay tarayso. Jahli weeye. Taariikhda Islaamka wakhti baa jiray oo la oran jirin Jaahiliyah intaan Kitaabka Nabi Maxamad scw loo soo saarin. Anaga wakhtigaas baan ku jirnaa hadaba Nabi ma harin oo Nabi soo baxaya ma jiro, laakin anagaa howshaas nagala rabaa. Waxaan loo baahanahay inaan ka gudubno in ninka ciidan ka ah loo arko inuu Reer Hebel yahay. Waxaa loo baahanyahay inaan ka gudbo ninka dambiga galay inuu Reer ka tirsanahay. Labaduba waxay ka midyihiin dadka dalka degan. Waa in loo arkaa ciidamada inay yihiin hey’adihii nabadgelyada dalka, nin kastoo unifoom qaba oo la soo dhaweeyaa. Nin kastoo dambi galaa waa in loo arkaa inuu dambiile yahay oo uu soo sheegaa kan dadka u xiga, haduu wiilkiisa yahay iyo haduu Aabihii yahay iyo haduu Adeerkii yahay. Arrintaas Qabyaalada ka gudubkeeda waa tii aan Xorriyadda ku helnay. Dad anaga inaka cilmi yar, inaka hanti yar, inaka tiro yar oo ka bilaabmay magaalada maanta aan joogno Xamar 1943-kii ayaa gudoomiyay inaan Qabyaalad waxba taraynin, ee Qabyaalad-la’aan xorriyad lagu gaari karo wayna gaareen. Burburka maskaxda Natiijadii ay dhaliyeen oo anagu aan ku dhalanay, oo ku wax baranay, oo ku barbaarnay, ayaa anagu meeshii ay iyagu ka guureen dib ugu celinay.Waxaynu ka dhaxalnay waxa maanta ina haysta. Waxaa kaloo na soo galay wax aan jiri jirin. Qolo kale baa timid. Xagjirn baa timid, Argagaxisaa timid, burcad badeed baa timid. Waa caqabad kale. Waxaa yimid dadkii u janjeersaday inuu ficil xun qaato oo dagaal, mid qabiil-qabiil la isku laayo ha ahaado ama mid wax lala dirirayo la aqoon ha ahaado inay yimaadeen. Qabyaalad iyo burbur siyaasadaysan oo dad isleeyahay waxbaad ku helaysaa. Magaalada burbursan waxaa ka burbur waynmaskaxda burburtay. Madaxii baa burburay. Waayadii hore oo aniga aan garaadsaday oo Qabyaalad la’aanta aan ku garaadsaday, markii la yaaboQur’aan baa la akhrisan jiray. Hadana ma aqaan Quraanka sida loogu heshiinayo, inta firqadood oo Diin sheeganaysa iyo in meel ka baxday garan mayno Anigu kolay midna ma ihi. Marka halaga ducaysto dadka aniga oo kale ah oo aan midna ka tirsanayn. Canshuurta iyo Ganacsatada Waxaa jira oo kale ka faa’idaysteyaal baa jira ka faa’idaysta dagaalka oo aan garayn khasaaraha ay keenayso. Ganacsatada baa ka mid ah qaarkood. Xamar baa lagu tilmaami jiray. Ma rabaan canshuur inay bixiyaan. Puntland laftigeeda waa ka jira. Waxa aan furdooyinka ka qaadno mooye, macaashka lagama qaadi karo ma bixiyaan. Canshuurtu waxaa weeye, naftaada ku daafac oo horumarkaaga ku samee. Hadii aadan saas yeelin, mid jiri ah baa kaa qaadaya adna dhulkuu ku dhigayaa wayna dhacday. Waa ognahay Al Shabaab inay baad ka qaadaan ganacsatada. Laakin canshuurta dowladu ay ku waajibisay oo dadka adeega loogu qabanayo ciidanka amniga mushaarka lagu siinayo ma bixinayaan laakin baada way bixinayaan. Anaga laakin waxaan ka xishoonaa inaan baad ka qaadno. Marka way imaan doontaa in ninkaan canshuurta bixin uu la mid noqdo burburiyaha Qaran uu la mid noqdo waa imaanaysaa waana ku xisaabtami doonaa. Somalida ceeb bay ka baqdaa. Waagi hore kolay siday ahaan jirtay. Markay qabiilka ahayd waxay oran jireen reerkeena waxaasaa ceeb ku ah, gabadheena guur ma leh. Gabdhaha guurkooda aad baa loo jeclaan jiray xoolo badanna waa laga qaadan jiray waana la isku ixtiraami jiray. Hada ma aqaan waxba lagama xishoodo. Maahmaahyo cusub baa soo baxday waxaa la yiraahdaa “Ceeb waa afmaroojis cidna waxba kama qaado.” Waa maahmaah jiri ay bixisay iyo waxaan xishoonayn. Waxa dadka xagta oo hantidooda qaata aan sharafta ku noolayn. Kuwaasi meel fog gaari mayaan. Mahadcelinta Beesha Caalamka Waxaan jeclahay intaan hadalkeyga ka bixin halkaan mahad uga soo celiyo Beesha Caalamka dhamaanteed, garabka ay siiso Somali oo ay ugu horeeyaan Dowladaha IGAD oo shirkii 2002 ilaa 2004-ta waday iyo kuwa deeq-bixiyaha ah oo caalamka oo Dowladaha Reer Galbeedka ay ugu horeeyaan oo iyagu dadka Somalida ah muddo ka badan 30-sanno iyo dheeraad wixii qaxaayay ama Dowladii Militariga haka qaxeen ama intii ayagu ay islaayeen oo barakicii Soomaliyeed dalkooda dajiyay oo aan isleeyahay dadka Soomaliyeed maanta deegaamadaas bay ku noolyihiin waxna ku bartaan. Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinayaa Dowladaha deriska ah oo kumanaan-kun Qaxootiga Soomaaliyeed oo abaaruhu barakiciyeen albaabada u furay oo dalkooda ku haya. Waxaan mahad usoo jeedinaya guud ahaan cid kasta oo Somali gacan qabatay muddaan adag oo taariikhda galaysa oo la xasuusan doono. Si gaar ah waxaan jeclahay inaan ugu mahadnaqo Raysul Wasaaraha Dowladda Turkey Recep Tayyid Erdogan oo isagoo Qoyskiisa wata u bareeray Muqdisho oo anagu maanta sidaan kusoo dhexmarnay ILAAHAY ogyahay wuxuu tusaale u noqday Beesha Caalamka madaxdeeda oo dhan inay imaankarto Xamar. Si gaar ah ayaan asaga iyo dowladadiisa ugu mahadcelinayaa. Ducada Madaxweynaha Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu qulubteena isku soo celiyo dhibaatadana inaga saaro, iyo xumaanta, iyo cuqdiga iyo xasadka iyo qabyaalada, iyo midnimo xumada iyo meel soke wax ka eegid. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu Dadka Somaaliyeed mideeyo oo Qarankii Soomaaliyeed dib usoo cesho. Inaga ayay inagu xiran tahay ogaada. Waa inuu nin walba wax qabtaa. Aad iyo aad baan idinku mahadcelinayaa dhagaysiga wanaagsan dhamaantiin oo dhan. Wassalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatu La xiriir: Xafiiska Madaxweynaha Puntland Email: info@puntland-gov.net -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
Landmark Speech of President Abdirahman Mohamed at the CM in Mogadishu. Khudbadii Madaxweynaha Puntland Faroole ee Shirkii Muqdisho Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Shirkii Muqdisho, 4 September 2011 ayuu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin: Burburka Qaranka, Badbaadinta Soomaaliya, Arrimaha shirka, Dib-u-heshiisiinta, Caqabadaha hortaagan Qarannimada, Burburka maskaxda, Canshuurta iyo Ganacsatada, iyo Mahadcelinta Beesha Caalamka. Khudbadda oo dhamaystiran waxay u qorayd sidan: Puntland State of Somalia Garowe Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Shirkii Muqdisho Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) Muqdisho, Soomaaliya 4 September 2011 Assalamu calaykum Waraxmatullahi wabarakaatu Mudane Madaxweyne, Mudane Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudane R/W ee DFKMG ah, Mudaneyaasha hey’adaha caalamiga, wakiilka UN Amb. Mahiga, Uqaybsanaha Arrimaha Bini’aadamka ee UN Mark Bowden, Martida kale oo ka socota Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo Safiirada jooga,Xubnaha Baarlamaanka, wafdiyo ka yimid Somalia inteeda kale, Puntland, Ahlu Sunna, Galmudug, marti sharafta kale. Salaan ka dib, sharaf wayn waxaa ii ah in maanta shirkaan qiimaha badan oo loogu magacdaray Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Somalia, inaan maanta halkaan u imaano aniga iyo Wafdiga Dowladda Puntland. Waa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah shir Somali arrimahiisa lagaga arrinsanayo Somalia gudaheeda lagu qabto. Guul weyn bay noo tahay inaan maanta isu nimaano, is taabano, wada hadalno, wixi noo dhaxeeyey oo aan qiimo lahayn meel iska dhigno, wixii noo dan oo aan heshiis ku nahay wada qaadano markaan wada hadalno. Burburka Qaranka Cid kasta oo gacan na siinaysa aad bay ugu mahadsan yihiin, laakin waxa howshu u taala waa anaga. Waa wax wayn in laga hadlo mawduucyada gaarka ah oo halkaan lagu soo qoray oo la rabo in wax lagu qabto mudada soo socota oo 1-sanno ah, si loo dhamaystiro ILAAHAY idinkiisa amni-ku-soo celinta Somalia daafihiisa oo dhan. Waad ogtihiin meeshaan ka nimid. Way noogu yimaadeen Madaxweynaha iyo Raysul wasaarahaba, meeldhisan baan ka nimid oo maanta foolxumada Xamar ka muuqata aysan ka muuqan. Waxaanu u nimid inaan magaaladii anaga aan ka tagnay ayadoo dhisan oo quruxdeeda la yaabo oo la oran jiray waa magaalada aduunka ugu amaan roon, inaanu maanta naxdin darteed dhexmari kari wayno iyadoo burbursan. Waxaan u malaynayaa in nin walba ku qanacsan yahay in cid dibada ka timid aysan burburin Muqdisho. Waxa burburiyay waa Somali, waxa Qarankii Soomaaliyeed sidaa ka dhigay waa Somali. Waxba yaan isku riix-riixin, cid badan baa dambiga wax ku leh. Cid badan baa dambiga wax ku leh. Badbaadinta Soomaaliya Laakin maanta anagay na haysataa. Waxaan halkaan isugu nimid inaanu dalkeena dhiigbaxaya inaan wax ka qabano ayaan isugu nimid. Hadaynaan anagu la imaan niyosami iyo waxqabad inaga dhab ah, cidkastoo dibada nooga timaada, ama ha ahaato wadamada deriska ah ee IGAD oo keenay ciidamada maanta Muqdisho amaankooda la harsanayo, ama dunida inteeda kale, oo iyagu ilaa maalintii burburka Somalia aan ka daalin in dadkaSomali garab taagnaadaan. Ha ugu dambayso caalamka oo dhan oo maanta usoo gurmaday dadka gaajada iyo macluusha u liita oo abaaruhu ay saameeyeen iyo dadka barakaca meel walba ku jooga. Anaga hadaan Somali nahay waa inaan anagu qaadna mas’uuliyad inaan amaankeena soo celinaa, inaan horumar dalkeena u samayno, inaan dadkeenii iyo dalkeenii kala go’ay dib isugu soo celino. Rageena maanta talada haya ILAAHAY aan la kaashano aan aragno Somalia oo mar labaad midowday inaan aragno. Sida ILAAHAY Qu’raankiisa ku yiri: Innallaha yugariyu maa bi Qowmin, xataa yugayiru maa bi anfusihim (Suraatu Racad, ayaada 11) Dad dibada inooga yimid gacansiin mooyee waxaan uga baahan nahay nama siin karaan. Waxaa loo baahan yahay in kalsooni aan isa siino, is-aaminno, in wixii tagay la iska masaabaxo. Inaynu ka shaqayno sidii loo wada noolaanlahaa, iyo sidii la isku soo dhexgali lahaa, sidii aasaaska loogu dhigi lahaa dowlad Qaran oo Soomaaliyeed oo soo noqota, dowladaha caalamka meel ka gasha, sharafta ummada Soomaaliyeedna soo celisa. Arrimaha shirka Ajendada shirkaan waa cadyahay. Waxaa weeye mudda 1-sanno ah inaanu ka shaqayno qodobayno sidii amaanka dalka oo dhan loo sugi lahaa, sidii Constitution ama Xeer Qaran oo Federal ku dhisan oo lagu wax qaybsado maamullo ku jiraan Dowlad Dhexe-na ay jirto in lagu dhamaystiro, in Baarlamaanka tirada badan 550ka ah oo kii India ka badan loo celiyo tiro macquul ah, way dhici kadhaa tiro ka mid ah 550-kaas inay isyiraahdaan amaad soo noqon weydaa, ILAAHAY baa calafka haya meel kale baad wax ka helaysaa. Waxaan anaga hadda ka hor soo jeedinay 123-dii Dowladii Soomaaliyeed oo dadku doortay oo 1969-kii ciidamadu rideen in lagu daro bar-kaliya oolaga dhigo 185- xildhibaan. Inaka badan. Waxaan u malaynayaa in dalka Soomaliyed uu bixin karo kharashkooda. Waxaan u baahanahay dowlad-wanaag. Dad yar oo aan aniga aan ka mid ahay baa xasuusan. Dadkiina qaar waxay leeyihiin maxaa loola jeeda,hadaysan buug ka akhrin maba aysan soo arag. Waxaa weeye dowlad muraayad ah oo dadku arkayo waxa meesha lagu samaynaayo. Waxaa weeyedowlad oo hey’adaheeda iyo adeegyadeeda ay dhisan yihiin, kuwa amniga, kuwa tacliinta, kuwa caafimaadka, dhinac walba ay dhisan yihiin. Dib-u-heshiisiinta Waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dib u heshiisiinta meelaha dhibaatadu ka jirto oo wax badan tirsanaya. Anaga waxba tirsanmeyno haddalaakin wax waa dheceen. Anagaa Xamar maanta nimid. Waa markii sadaxaad aniga aan Xamar imid maanta. August 1991 shirkii Djibouti waan ka qaybgalay, waxaan imid 2000 ayaan imid, maantana waan imid. Toban toban sanno baa u dhaxeeya. Hadaan maanta wax ka soo bixi waayaan waxaad ogaataan in la kala tashan karo. Wax badan dad badan bay ku xiran yihiin. Fursad baa maanta haysanaa aan ka doodno wixii macno leh, wixii xunna xusuusteeda aan ka tagno. -
Massive Welcome for President Farole in Mogadisho Video
Fiqikhayre replied to Fiqikhayre's topic in Politics
-
Popular Contributors