Fiqikhayre
Nomad-
Content Count
5,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Fiqikhayre
-
65-arday oo tababar farsamada gacanta ah Garoowe loogu soo xiray Waxaa maanta tababar muddo 3-bilood ah soo socdey Dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe (GVTC) loogu soo xiray 65-arday kuwaas oo kasoo laabtay falalka Burcad badeednimada oo ay horay ugu howlanaayeen waxayna intii uu tababarkaasi soconayey barteen xirfadaha farsamooyinka gacanta oo kala duwan. Dhalintan tababarka loo soo xiray oo ka kala yimid magaalooyinka Bosaaso, Garoowe, Ayal , Bendar Bayla iyo Xafuun ayaa noqonaya dufcaddii 4-aad ee loosoo gaba gabeeyo tababar noocan oo kale ah waxaana sidoo kale tababar muddo 4-bilood ah socon doona loo furay arday kale. Munaasabad ardayda tababarka dhamaysatay shahadooyin lagu gudoon siinayey kuwa cusubna loogu furayey oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirudowlaha maamul wanaaga , Wasiir ku xigeenka cadaaladda , Agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaarada waxbarashada , Duqa degmada Garoowe iyo Madax kale oo ka socdey Hay’adaha NCA oo iyadu fulinta Barnaamijkan gacan weyn ka geysatay. Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay Cismaan Guureeye Kaarshe oo ah maamulaha dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe wuxuuna sheegay in ardaydan maanta tababarka loo soo xiray ay yihiin dufcadii 4-aad ee ay tababar noocan oo kale ah siiyaan ,wuxuuna tilmaamay in xiligan ay yihiin kuwo leh xirfad ay ku shaqaystaan islamarkaana ay noloshooda ku horumarin karaan. Madaxa Hay’adda NCA ee Puntland Yuusuf Cabdiqaadir oo isna Munaasabadii ardaydaasi tababarka loogu soo xirayey ka hadlay ayaa sheegay in ardaydani ay yihiiin kuwo si fiican uga faa’iideystey fursadii waxbarasho ee ay heleen , wuxuuna ku booriyey ardayda cusub ee maanta tababarka loo furay in iyaguna ay sidaas si lamid ah uga faa’iideystaan. Agaasimaha waaxda tababarada ee Wasaarada waxbarashada oo isna madasha xafladu ka dhacaysey hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in wasaarada waxbarashadu ay qayb weyn ka qaadatay sidii Barnaamijkani uu u fili lahaa iyadoo ku deeqday manhajka iyo goobta wax lagu baranayo oo ah mid si aad ah u qalabaysan. Sidoo kale Mas’uuliyiintii xaflada ardaydaas 65-ka ah tababrka loogu soo xirayey ka hadlay waxaa kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Maxamuud Siciid wuxuuna Hay’adda Barnaamijkan gacanta ku haysa ugu baaqay in maadaama ardayda tababarkan ka faa’iideystey ay wiilala u badan yihiin ay tahay in Hay’addu dhanka gabdhahana ay ilgaar ah ku eegto maadaama ay gabdhuhu yihiin qayb muhiim ah oo bulshada ka tirsan. Ugu danbayntii wasiirka maamul wanaaga oo isagu ardaydii tababarka farsamada gacantu usoo gaba gaboobay Shahaadooyinkoodii gudoonsiiyey ayaa ku tilmaamay in Barnaamijkani uu yahay mid wax ku ool ah kaas bulshaduna wax badan ka ay ka faa’iideysan doonto wuxuuna ugu baaqay dhalinyaradii tababarkaas loosoo xiray inay si wanaagsan uga faa’iideystaan aqoontii ay barteen dadkooda iyo dalkoodana ay si xilkasnimo leh ugu adeegaan. Si kastaba ha ahaatee waa dufcadii 4-aad oo dhalinyaro ah kuwaas oo tababar farsamada gacanta ah loogu soo xiro dugsiga farsamada gacanta ee Garoowe halkaas oo dhaqan celin loogu sameeyey dhalinyaro tira badan oo kasoo laabtay howlgalada Burcad badeeda oo ay horay ugu lug lahaayeen. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed – Media Garoowe
-
Wefdi ka socda Malaysia oo cusbataalka Gaalkacayo maanta booqday Wafti ka socda hay’ad Malaysian ah oo magaceeda la yiraahdo Malaysian Relief Agency (MRA) ayaa maantey soo booqdey Isbitaalka guud ee Gaalkacyo halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Prof. Maxamed Jaamac Salaad. Waftigan oo ka koobnaa dhakhaatiir iyo Wariyeyaal u dhashay Malaysia ayaa ujeedkoodu ahaa qiimeynta adeegyada caafimaadka ee Puntland iyadoo ay booqanayeen Isbitaalada guud. Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftiga hay’adda MRA waxa uu kusoo dhaweeyey Isbitaalka isagoo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ee ay xaaladaha caafimaadkana eegayaan. Wasiirka Caafimaadku waxa uu waftigan uga warbixiyey xaaladaha caafimaadka ee Puntland iyo baahiyaha jira isagoo sheegay in dhakhaatiirta caafimaadku ay yar yihiin guud ahaan Puntland ay ku sugan yihiin 73 dhakhtar oo inta takhasusyo lehna aysan ka badnayn 10 dhakhtar kuwaasi oo iyaguna ah dhakhaatiir mudo soo shaqeynayay oolaftoodu aan helin wax tabobar ah tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor. Isbitaalada Puntland ayaa wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay inay ka shaqeynayaan 7 ka mid ah kuwaasi oo ku yaala magaalooyinka waa weyn iyaguna aysan qalabaysnayn baahida qalabkuna ay aad u wayn tahay. Tusaale ahaan wasiirku waxa uu usoo qaatey inaan Isbitaaladu lahayn Oxygen wax lagu qalo hadana dhakhaatiirta Turkey ee joogta ay ka baaqsadeen qaliimo ay Isbitaalada ku samayn kareen hadii la heli lahaa Oxygen. Wasiirka Caafimaadku waxa uu ka codsaday wefdiga Malaysia inay ka caawiyaan wixii ay gacan ka gaysan karaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah sida qalabka Isbitaalada, Daawo iyo tabobaro kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalada. Wefdiga ka socda hay’adda MRA oo ah hay’ad cusub oo Puntland soo dagtey fadhigeeduna yahay wadanka Malaysia ayaa soo dhaweeyey hawlgalka caafimaad ee ay Gaalkacyo ka bilaabeen dhakhaatiirta Turkey waxayna wasiirka caafimaadka uga mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee u baahi qaba adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Waftiga MRA waxay sheegeen inay sahan ama hordhac u yihiin dhakhaatiir ka socda wadankooda oo ay sheegeen inay imaan doonaan dhawaan kuwaas oo ay hada qorshihii ay ku imaan lahaayeen ay wadaan ayna iyagu kasoo hormareen hadana ay gudbin doonaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee ay xogta ku aruursheen intii ay joogeen iyagoo sheegay inay sii wadayaan inta ay joogaan indho indheynta iyo qiimeynta ay ku wadaan caafimaadka Puntland si ay wax uga qabtaan wixii ay kari karaan. Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo wefdigan shirka wasiirku la yeeshay kala qaybgalay ayaa isaguna ka mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Isbitaalka Gaalkacyo isagoo u rajeeyey inay kaalin mug leh ka qaataan badbaadinta umadda ayna ku daydaan dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu si muslinimo ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan. Dhakhaatiirta Malaysia waxaa la filayaa inay dalka yimaadaan bisha soo socota sida ay sheegeen wefdiga MRA hayeeshee tirade dhakhaatiirtaas iyo inta ay joogayaan maysan sheegin hadana waxa wasiirka caafimaadku uu ka codsaday in dhakhaatiirta ay baahida weyn u qabaan inay ka mid yihiin dhakhaatiirta qaabilsan lafaha iyo cudurada dumarka oo ah kuwo qaliin iyo daaweyn. Wefdiga ka socda hay’adda MRA ee dalka Malaysia waxay la kulmeen dhakhaatiirta Turkey ee shaqada caafimaad ka wada Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo sidoo kale ay booqdeen qaybaha Isbitaalka sida Saalada qaliinka, Qaybta caruurta, qaybta bukaan jiifka iyo kaydka daawada waxayna uga mahadceliyeen wefdigu dhakhaatiirta Turkey shaqada ay hayaan iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin in hawlgalkaas oo kale ay fuliyaan hadii alle idmo. Horseed Media Source: Wasaarada caafimaadka Puntland
-
GAAKACYO: Wufuud ka socota malaysia oo booqday isbitaalka Magaalada Gaalkacyo September 26, 2011 10:51 am GMT - Written by PP - Edited by PP Print Gaalkacyo: (pp)- Wafti ka socda hay’ad Malaysian ah oo magaceeda la yiraahdo Malaysian Relief Agency (MRA) ayaa maantey soo booqdey Isbitaalka guud ee Gaalkacyo, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Prof. Maxamed Jaamac Salaad. Waftigan oo ka koobnaa dhakhaatiir iyo Wariyeyaal u dhashay Malaysia ayaa ujeedkoodu ahaa qiimeynta adeegyada caafimaadka ee Puntland iyadoo ay booqanayeen Isbitaalada guud. Wafi ka socda hay'ad Malaysian oo booqday isbitaalka Gaalkacyo Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa waftiga hay’adda MRA waxa uu kusoo dhaweeyey Isbitaalka isagoo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ee ay xaaladaha caafimaadkana eegayaan. Wasiirka Caafimaadku waxa uu waftigan uga warbixiyey xaaladaha caafimaadka ee Puntland iyo baahiyaha jira isagoo sheegay in dhakhaatiirta caafimaadku ay yar yihiin guud ahaan Puntland ay ku sugan yihiin 73 dhakhtar oo inta takhasusyo lehna aysan ka badnayn 10 dhakhtar kuwaasi oo iyaguna ah dhakhaatiir mudo soo shaqeynayay oo laftoodu aan helin wax tabobar ah tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee Soomaaliya 20 sano ka hor. Isbitaalada Puntland ayaa wasiirka caafimaadku waxa uu sheegay inay ka shaqeynayaan 7 ka mid ah kuwaasi oo ku yaala magaalooyinka waa weyn iyaguna aysan qalabaysnayn baahida qalabkuna ay aad u wayn tahay. Tusaale ahaan wasiirku waxa uu usoo qaatey inaan Isbitaaladu lahayn Oxygen wax lagu qalo hadana dhakhaatiirta Turkey ee joogta ay ka baaqsadeen qaliimo ay Isbitaalada ku samayn kareen hadii la heli lahaa Oxygen. Wasiirka Caafimaadku waxa uu ka codsaday wefdiga Malaysia inay ka caawiyaan wixii ay gacan ka gaysan karaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah sida qalabka Isbitaalada, Daawo iyo tabobaro kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalada. Wefdiga ka socda hay’adda MRA oo ah hay’ad cusub oo Puntland soo dagtey fadhigeeduna yahay wadanka Malaysia ayaa soo dhaweeyey hawlgalka caafimaad ee ay Gaalkacyo ka bilaabeen dhakhaatiirta Turkey waxayna wasiirka caafimaadka uga mahadceliyeen dadaalka uu ugu jiro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee u baahi qaba adeeg caafimaad oo dhamaystiran. Waftiga MRA waxay sheegeen inay sahan ama hordhac u yihiin dhakhaatiir ka socda wadankooda oo ay sheegeen inay imaan doonaan dhawaan kuwaas oo ay hada qorshihii ay ku imaan lahaayeen ay wadaan ayna iyagu kasoo hormareen hadana ay gudbin doonaan baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee ay xogta ku aruursheen intii ay joogeen iyagoo sheegay inay sii wadayaan inta ay joogaan indho indheynta iyo qiimeynta ay ku wadaan caafimaadka Puntland si ay wax uga qabtaan wixii ay kari karaan. Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo wefdigan shirka wasiirku la yeeshay kala qaybgalay ayaa isaguna ka mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Isbitaalka Gaalkacyo isagoo u rajeeyey inay kaalin mug leh ka qaataan badbaadinta umadda ayna ku daydaan dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu si muslinimo ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan. Wasiirka Caafimaadka & Wafdiga oo warbixin dhegaysanaya Dhakhaatiirta Malaysia waxaa la filayaa inay dalka yimaadaan bisha soo socota sida ay sheegeen wefdiga MRA hayeeshee tirade dhakhaatiirtaas iyo inta ay joogayaan maysan sheegin hadana waxa wasiirka caafimaadku uu ka codsaday in dhakhaatiirta ay baahida weyn u qabaan inay ka mid yihiin dhakhaatiirta qaabilsan lafaha iyo cudurada dumarka oo ah kuwo qaliin iyo daaweyn. Wefdiga ka socda hay’adda MRA ee dalka Malaysia waxay la kulmeen dhakhaatiirta Turkey ee shaqada caafimaad ka wada Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo sidoo kale ay booqdeen qaybaha Isbitaalka sida Saalada qaliinka, Qaybta caruurta, qaybta bukaan jiifka iyo kaydka daawada waxayna uga mahadceliyeen wefdigu dhakhaatiirta Turkey shaqada ay hayaan iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin in hawlgalkaas oo kale ay fuliyaan hadii alle idmo. Wasaarada caafimaadka Puntland Daabacaadda: Puntlandpost.com
-
Dhaqaatiir Turki ah oo ka howl galaya Gaalkacyo Dhaqaatiir Turkish ah oo howlo caafimaad ka sameynaya Soomaaliya/AA Dhaqaatiir u dhalatay dalka Turkiga oo tiradoodu ay dhan tahay toban ayaa lagu wadaa in howlo caafimaad ka fuliyaan isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in dhaqaatiirta Turkish-ka ah ay magaalada Gaalkacyo ka sameyn doonaan howlo caafimaad oo ay ka mid tahay ka hor tagga nafaqo darrada, qaliinno lagu sameynayo uur ku jirta iyo dadka faruuran. Mid ka mid ah dhaqaatiirta ayaa sheegay in howlahan caafimaad ay uga faa’ideynayaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ku dhaqan magaalada Gaalkacyo. Maamulka Puntland iyo dadka danyarta ah ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay howlaha caafimaad oo ay dhaqaatiirtan ka sameynayaan magaalada Gaalkacyo.