Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. General Saciid Dheere, The Commander of the Puntland Defence Force with Parliamentarian Hassan Abshir Farah and Governor of Mudug RegionTigey
  2. Minister for Security, Disarmament and Rehabilitation of Territorial Army Khaliif Ciise Mudan with TFG Parliamentarian speaking at Peace signinggathering and feast
  3. Religious Leaders and Traditional Authority by the Elder's from Ayn (Buuhoodle), Bari, Sool, Sanaag, Karkaar, Nugaal and Somali Region of Ethiopia who brokered the peace deal and mediation in 23 days
  4. Garaad Maxamed Shirwac one of the mediation Traditional Elder and Senior Mudug Traditional Elder (Age-wise) speaking at the gathering at which the peace deal has been signed
  5. Heshiis Rasmi Ayaa Gaalkacyo Ka Dhacay Shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen ergooyinkii nabadda ka wadey Gaalkacyo gaar ahaan, guddigii isimadu iska soo xuleen, Dawladda Puntland, Ergada Beesha ********, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ku sugan Gaalkacyo. Shirka oo ahaa qaddo sharaf isla markaana lagu sheegay walqashii nabadda ayaa ka dhacdey Hotel Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo waxaana casumaada fidiyey islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, waxaana gogoshaas lagu guddoonsadey nabad, waxaana gacmaha isku qabsadey Maamulka Puntland iyo beesha ******** oo tirsanaysey in mashaqadii ka dhacdey Gaalkacyo dhib weyn loogu geystey. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ugu horeyntii madashaas ka hadley, Islaanka ayaa u mahad celiyey ergooyinkii iyo Isimadii beelaha ******* ee u yimid in aan dhibaatadu intaas ka weynaan ee xal nabadeed la gaaro, waxaana uu Rabbi uga baryey in ay guryahoodi nabad ku tagaan. Islaanka ayaa sheegay mudadaii 23 Cisho ahayd ee ay ku hawlanaayeen dhibaatadii ka dhacdey Gaalkacyo in maanta xal laga garey nabad la wada guddoonsadey dadku walaalo weeyaan meelna makala aadayaan wixii shaydaanku shuqulka ku lahaana ay baxeen. Garaad Maxamed Shirwac oo kamid ahaa eragdii u dhabar adaygey nabadda maanta Gaalkacyo looga dhawaaqey ayaa isaguna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida dedaalkoodi u mira dhalay rabbina ula garab galay, waxaana uu dhinacyada ku booriyey in nabadda la wada ilaaliyo. Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ah ugaaska beesha ******** isla markaana ergada beesha ******** hormuudka u ah ayaa ka hadley kulankii maanta, waxaana ugu horeyntii uu mahad u celiyey Isimadii ku dedaaley in nabad lagu xaliyo wixii Gaalkacyo ka dhacay, waxa uu ku tilmaamey talaabadii isimadu qaadeen mid lagu farxo, isaga oo sheegay in ay la shaqeeyeen Isimada. Ugaaska ayaa sheegay in wixii dhacay lagu dhameeyey si wanaagsan, Ugaaska ayaa sheegay in haddii iyaga la maqlaayo arrintaasi ay ku dhamaatey sharaf iyo sidii la rabey, Ugaaska ayaa ku kaftamay in Garaad Maxamed Shirwac sheegay in hal rakcad ay dhiman tahay, ragcaddaasna Garowe ayaa lagu dhamayn, anaguna ragcadaas waan idinla dhamayneynaa ayuu yiri Ugaasku, maahan faral noo harsan. Ugaaska ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana uu sheegay in qaddo sharaftii uu sameeyey maanta ay noqotey Rabbi bari, waana khatinkii nabadda. Ugaaska beesha ******** ayaa fariin u dieey dhamaan Jaaliyadaha beesha dadka Puntland meel kasta oo ay ku sugan yihiin, haddii si xun wax la idiinku sheegay, maaha ee arrintu si wanaagsan ayey ku dhamaatey waxaana uu fartiin adag u direy kuwa uu ku tilmaamey warxumatashiil, waxaana uu sheegay in uu kuwaas gaarsiinaayo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdey, wanaagna ay ku dhamaatey, sidaasna la doonaayo in ay qaataan. Dhanka Dawladda Puntland waxaa u hadley Wasiirka Amniga hubkadhigista iyo dhaqeyn celinta DDR Khaliif Ciise Mudan. Wasiirka ayaa si weyn u soo dhaweeyey heshiiska iyo qado sharafta oo uu ku tilmaamey nabaddii Gaalkacyo oo loo walqalay. - Aniga oo ku hadlaaya magaca Xukuumadda Puntland heshiiskaasi waad mid rasmi ah oo hirgelay, waxaan balan qaadeynaa in aan ku dhaqano oo fulino, weliba gacmo jilicsan ayaan ku fulineynaa, taas oo aan uga jeedo in aan dulqaad weyn muujin doono. Xafladda loogu walqalay nabaddii Gaalkacyo isla markaan algu tilmaamey Rabbi barri ayaa waxaa ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac, Xildhibaan Cabdiwaaxid Calioo ka socdey Baarlamaanka Dawladda Federaalka. Maalintii Sabtida ee ku beegnayd 24 Sept ayaa 16 Isim ee loo soo ray xal ka gaarida dagaalkii Gaalacyo waxay soo saareen go’aamo gaaraya 10 kuwaas oo lagu soo afjaraayo nabadgelyo darrida halkaas ka taagneyd. Sidoo kale Isimada ayaa sheegay in heshiiska lagu dhamaystiri doono magaalada Garowe uuna goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Dagaalka Gaalkacyo ka dhacay maalmihii 1 - 2 Sept ayaa la sheegay in uu ku bilowdey si kedis ah kadib markii Ciidanka amniga Puntland ay iskudayeen in ay soo qabtaan nin ku sugnaa xaafadda Garsoor kaas oo ay sheegeen in uu ahaa al-Shabaab ay ku tuhunsanayaayeen in uu falal amni darro ah ka wado gaalkacyo, ninkaas iyo koox la socotey ayaa la dagaalantey ciidankii Puntland, waxaana ninkaas difaacey oo u soo gurmadey malayshiyo ka tirsan beesha ********, dagalkaas oo isu beddalay mid aad u culus, waxaana Isimadu sheegeen in maalintii labaadna Dawladdu xakamayn waydey dagaalka, waxaa ku dhintey labada dhinac dad kor u dhaafaya 60 qof, waxaa ku dhaawacmey dad badan, waxaa ku dumey guryo iyo hanti kale, waxaana uu saamayn ku yeeshay guud ahaan magaalada iyada oo laga barakacay. Si kastaba ha ahaatee nabadda maanta la guddoonsadey ayaa ah mirihii dedaalkii Isimada Puntland iyo guud ahaan ergooyinkii beelaha ******* Ismaaciil, nabadda Gaalkacyo ayaa ahayd mid marba cayn isu beddeleysey sanadkii u danbeeyey, bulshada ayaa u hamuun qabta nabad iyo wada noolaansho buuxda, taas oo ah midda hadda soo hilaacaysa. Axmed Maxamed Cali Horseed Media Gaalkacyo, Puntland
  6. As of today, the Gaalkacyo conflict has been put to end. A Document has been signed at a large gathering to witness what has been agreed upon. The Deal has been brokered by Traditional and Religious Elders from Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Karkaar, Galgaduud and Wardheer (as it's traditional norm and something inclined in the peace-loving people of Puntland and affiliated clans, which had it's results in these parts being the least effected by inter-tribal warfare as every disturbance and trouble is put to bed by a mutual third party trusted by both). The Deal was brokered in 23 days through pain-staking mediation and at the end a conclusive ruling has been made by the mutual third party which all parties signed and promised to implement and adhere to. At the end the Peace deal has been signed in a ceremonial gathering witnessed by lot's of on-lookers and happy faces. There is a remainder by which the effected clan-elders will travel to Garowe to sign the peace deal in front of the President Abdurahman Mohamed Mahmoud as a witness. Maashaallaah, Allaahu Akbaar falillaahil xamd.
  7. One thing is sure: The Prime Minister's comment surely doesn't help the 'Recognition cause' if the PM today even vaguely tried to push the issue to the side secessionist hardliners such Jacaylbaro and Co which now includes NGONGE would hail it tantamount to recognition but as he now voiced cleary and put his weight on the side of 'No Recognition' the secessionist group tries to brush it off as a mere talk but alas it's bigger than that and a reaffirmation and continuation of the pattern of late. The PM spoke well and said how it ought to be said.
  8. Nonetheless it's liveable and a Somali Refuge, the mother of all the destitute Somali's who own a decent living and their dignity held intact
  9. Bosaso is Puntland's largest city and commercial hub with a Port located on the Gulf of Aden's Bab-el-Mandeb hence the sweat and heat
  10. Qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbataalka Bosaso Waxaa maanta oo (salaasa) ah taariikhduna ku beegan tahay 27/9/2011 si rasmi ah loo furay qayb cusub oo dhowaan lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso. Dhismahan oo ah mid aad u qurux badan islamarkaana ka kooban qaybo loogu tala galay in la jiifiyo dadka bukaanada ah , iyo qayb xafiisyada cusbataalka laga dhigi doono ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday qaar kamid ah ganacsatada Puntland iyo Rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland. Munaasabadii dhisma cusub ee cusbataalka Boosaaso lagu soo kordhiyey xarigaga lagaga jarayey oo lagu soo beegay imaatinka dhakhaatiirta Turkishka ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdilaahi Warsame , Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim , iyo Gudomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan. Sidoo kale waxaa munaasabadaas goob joog ka haa qaar kamid ah ganacsatadii ganacta ka geystey hirgelinta dhismahan oo ay kamid yihiin Ismaaciil Cabdisalaan iyo Cabdiladiif Yuusuf Barre , iyo Mas’uuliyiin ka socda shirkada Isgaarsiinta ee Golis oo iyaduna kaalin fiican ka qaadatay hirgelinta qaybta cusub ee cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso lagu soo kordhiyey. Si kastaba ha ahaatee dhismaha lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee (Bender Qasim) Hospital ayaa ah mid la rumeysan yahay in waxabadan uu ka tari karo habsami usocodka shaqo ee cusbataalka waxaana talaabada ay ganacsatada Puntland qaadeen si aad ah u soo dhoweeyey guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.
  11. The General Hospital of Bosaso (Bander Qasim Hospital) has been extended and a new Building has been raised and officially opened today.
  12. Ra´iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Gaas oo Garoonka Diyaaradaha Copenhagen kasoo degey saaka Posted by Pi on September 26th, 2011 Copenhagen(Puntlandi.com) Ra'iisalwsaaraha iyo Waftiga la socda oo uu kamid yahey Afhayeenka Dowlada Ing. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa wadanka joogaya ilaa jamcada, iyagoo ka qayb galaya shirar Caalami ah. Puntlandi.com Copenhagen
  13. R/wasaare C/Weli oo beeniyay in ay ka bexeen khudbadii Ahmedinajad ee QM R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa markii ugu horeysay beeniyay warar baryahan dambe soo shaac baxay kuwaas oo sheegayay in wafdigii Soomaaliya ay ku xumeeyeen madaxweynaha dalka Iran Ahmadinejad kadib khudbad uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay laba beri ka hor. Wafdiga Soomaalida iyo wufuud kale oo u badan dowladaha reer galbeedka ayaa faarujiyay kuraasta kadib markii ay bilaabatay khudbadda madaxweynaha Iran, sida ay qoreen warbaahinta qaarkood oo ka soo baxa dalka Mareykanka. Madaxweynaha Iran Ahmadinejad ayaa khudbadiisaas ku weeraray dowladaha Mareykanka iyo Israel, waxaana uu sheegay in mareykanku isaga soo abaabulay weerarkii 11/Sebpember ee lagu qaaday daaraha New York si uu u difaaco Israel. Ahmadinejad ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii ay ciidamada Mareykanka dhawaan ku dileen hogaamiyaha Al-Qaacida Osama Binladen uu ahaa mid la soo dhoodhoobay oo ay ka dambeyso sir maadaama meydka Osama lagu tuuray badda. Soomaaliya ayuu sheegay r/wasaare C/weli in aysan ku xumeyn Iran oo ay fadhiday khudbadda inta ay ka dhamaaneysay, waxa uuna sheegay in ay ku qado seegeen dhageysiga khudbadda Ahmadinejad.