Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Madaxweynaha oo Britain aaday 12 Oct 12, 2011 - 5:41:45 AM GAROWEONLINE Madaxweynaha dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Garowe iyagoona ku sii jeeda dhanka dalka Britain si ay uga qayb galaan shir caalami ah oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda. Wafdiga Puntland uga qaybgalaya shirka ka dhacaya London oo uu horkacayo Madaxweynuhu ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng,Siciid Maxamed Raage,gudoomiyaha gudiga doorayooshinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo Yuusuf Maxamed Xasan oo katirsan xafiiska Madaxweynaha. Garoonka diyaaradaha Garowe International Airport ayaa sagootinta Madaxweynaha waxa ka qayb qaatey madaxweyne ku xigeenka Puntland ,gudoonka barlamanka,wasiirada xukuumada, mudnayaasha barlamanka,saraakiisha ciidamada booliska iyo daraawiishta Puntland. Ka hor inta uusan bixin ayuu Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxaa uu hadal kooban siiyey saxaafada oo ku saabsan socdaalkiisa,waxana uu sheegay in ugu horeyn magaalada Nairobi uu sii mari doono kulamona la qaadan doono wakiilada dalalka caalamka ee daneeya Somaliya u fadhiyana halkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay intaasi kadib in uu aadi doono London si uu uga qaybgalo shir halkaasi ka dhici doonoa oo loogu magac darey Todobaadka La Dagaalanka Burcad badeeda loogana hadli doono si burcad badeeda dhibaatada ku noqotay aduunka la iskaga qaban lahaa. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi ay kasoo qaybgali doonaan dalalka caalamka qaar,hayadaha caalamiga ah, shirkadaha maraakiibta iyo qaar shirkadaha caymiska aduunka. ‘’Anigu khudbadaan halkaasi kasoo jeedin doono waxaan sheegi doona sida ay ku dhalatay burcad badeednimadu,marxaladaha ay mareen,heerka ay maanta joogaan iyo Puntland juqraafi ahaan meesha ay kaga taal aduunka oo ah meel halis ah oo loo soo ugaarsi tago’’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxmuud. Mar su’aal la waydiiyey Madaxweynaha oo kusaabsan rajo intee le’eg ayay Puntland ka qabtaa in beesha caalmku fuliso balanqaayada ku saabsan ladagaalanka burcad badeeda? Ayaa Madaxweynaha Puntland waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey arintaasi isga tilmaamey in aduunka ay soo kartey falalka ay ku kacayaan burcad badeedu haatana loo baahanyahay in la iska kaashado sidii loo joojin lahaa. Dhanka kale waxaa maanta gegida daiyaaradaha Garowe waxaa soo gaarey wafdi heer sare ah oo ka tirsan Puntland safaro shaqana dalka dibadiisa ugu maqnaa waxana horkacayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen,Cabdi samad Cali Shire sidoo kalena waxa ka mid ahaa wafidga wasiirkahaweenka iyo arimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye iyo duqa degmada Garowe Cabdi casiis Nuur Cilmi Koor. Waxaa xusid mudan in shirka 17 bishan ka furmi doonaa magaalada London burcad badeedana looga hadlayo ay Puntland tahay wafdiga keliya ee kascoda Somaliya oo ka qaygalaya shirkaasi.
  2. The President left for London today passing by/through Kenya where he will attend an International Conference on how to combat Piracy effectively. He is accompanied by members of the President's cabinet as well as the Chairman of the Puntland Electoral Committee (PEC).
  3. Madaxweyne Puntland oo kicitimay Britain iyo ku xigeenkiisa oo dalka ku soo laabtay Madaxwaynaha Puntland Dr Crixmaan Sheikh Maxmed Maxamuud Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaaalda Garawe iyagoo oo ku sii jeeda magaalada London ee Caasimada Dalka Ingriiska Halkaas oo uu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimaha Burcad badeeda iyo arimo kale. Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka kenya oo ay isaga iyo wafdigiisuba kulan kulayeelan doonaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya kadibna usii gudbidoonaan magaalda London ee dalka ingiriiska. Madaxwayanaha oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha war fidiyeenka hadal kooban siiyey ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkoda iyo cida ay la kulimi doonaan waxaana uu sheegay in ay ku horayndoonana magaalada Nairbobi oo ay kula kulmayaan dalalka daneeya arimaha Soomaliya wakiilada ujooga dalka Kenya iygoona uga sii gudbidoona dalka England oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah uu sheegay madaxwaynu in uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan dhibaatooyinka burcad badeedu ku hayso soomaliya gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ay burcad badeedu sida wayn u saamaysay Madaxwaynaha waxaa ku waheliyey safarkiisa xubo ka mid ah golaha xukuumada iyo gudiga doorashooyinka. Dhankale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garawe madaxwayne ku xigeeen Puntland Gen C/samad Cali Shire oo baryahan dalka dibadiisa ku maqanaa. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu safarkiisan uu ugu soo laabtay magalada Garoowe xarunta Puntland uu kaga yimid wadamo dhoowr ah ooka mid ah wadamada Deriska sida Wadamada Ethoipia iyo Kenya. Maxamed Siciid Maxamed
  4. Madaxweynaha Puntland oo u kicitimay London iyo Kuxigeenkiisa oo Garoowe ku soo laabtay+Sawiro October 12, 2011 Madaxwaynaha Puntland Dr Crixmaan Sheikh Maxmed Maxamuud Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaaalda Garawe iyagoo oo ku sii jeeda magaalada London ee Caasimada Dalka Ingriiska Halkaas oo uu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimaha Burcad badeeda iyo arimo kale. Madaxweynaha ayaa sii maraya magaalada Nairobi ee dalka kenya oo ay isaga iyo wafdigiisuba kulan kulayeelan doonaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya kadibna usii gudbidoonaan magaalda London ee dalka ingiriiska. Madaxwayanaha oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha war fidiyeenka hadal kooban siiyey ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey socdaalkodaiyo cida ay la kulimi doonaan waxaana uu sheegay in ay ku horayndoonana magaalada Nairbobi oo ay kula kulmayaan dalalka daneeya arimaha Soomaliya wakiilada ujooga dalka Kenya iygoona uga sii gudbidoona dalka England oo ay kaga qayb galayaan shir caalami ah uu sheegay madaxwaynu in uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan dhibaatooyinka burcad badeedu ku hayso soomaliya gaar ahaan Puntland oo kamid ah meelaha ay burcad badeedu sida wayn u saamaysay. Madaxwaynaha waxaa ku waheliyey safarkiisa xubo ka mid ah golaha xukuumada iyo gudiga doorashooyinka Dhankale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garawe madaxwayne ku xigeeen Puntland Gen C/samad Cali Shire oo baryahan dalka dibadiisa ku maqanaa. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu safarkiisan uu ugu soo laabtay magalada Garoowe xarunta Puntland uu kaga yimid wadamo dhoowr ah ooka mid ah wadamada Deriska sida Wadamada Ethoipia iyo Kenya. DAAWO SAWIRADA IMAANSHADA MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO SAFARKII MADAXMYNAHA. Sawirada MAdaxweynaha Safarkiisii Maxamed Siciid Maxamed SBC International Garoowe.
  5. GAROOWE: Madaxwaynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo uu ku sii jeeda Dalka Ingiriiska October 12, 2011 Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Puntland Safarka Madaxwayna Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qayb galayaan shir looga hadlayo ka hortaga falalka burcad badeedka oo ka dhacaya wadanka Britain gaar ahaan magaalada London. Hadal kooban uu madaxwaynaha Puntlanda Saxaafada ku siiyay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu tilmaamay shirkaasi ka dhacaya magaalada London uu yahay mid intiisa badan looga hadlayo nabaad guurta iyo xaalufka kooxaha burcad badeedka ay ku hayaan biyaha soomaaliya. Waftiga uu hogaaminayo madaxwayne waxaa ka mid ah wasiirka dekadaha iyo la dagaalanka burcad badeedka, Xoghaynta gaarka ah ee madaxwaynaah ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland. Waxaana lagu waddaa inay kusoo hakan doono magaalada Nayroobi oo ay kulan kula qaadanayaan hay’adda caalamiga ah ee daneeya arimaha Puntland. Siciid Cabdisalaam Siciid Wakiilka Puntlandpost-Garowe PL
  6. Somaliland delegation intended to take part in the Consultative meeting to be held in Garoowe capital of Puntland lead by Suldaan Caydaruus Saalax Dhegaweyne condemned Silanyo's visit to Sool and Sanaag as an provocation and aggression towards Puntland.
  7. Issimo kasoo jeeda Somaliland oo Cambaareyey Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee gobolada Sool iyo Sanaag October 11, 2011 Issimo kasoo jeeda maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa cambaareyey safarka uu maalmahaan ku marayay qaar kamid ah degaanada gobolada Sool iyo Sanaag Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahim (Dhegoweyne) oo Afhayeen u ah 14-Issimo kasoo jeeda Beesha Galbeedka Burco kuna sugnaa waayadan magaalada Garoowe ayaa safarka Siilaanyo ku tilmaamay mid colaad ka abuuraysa gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland iskuna haysta magaalada Laascaanood. Waxaa uu sidoo kale cambaareyey Safarka Siilaanyo uu shalay ku gaarey magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag taasna uu ku tilmaamay mid colaad ka dhex qarxin karta labo beelood oo mudooyinkaan isku hor fadhiyey halkaas kana soo kala jeeda Galbeedka iyo Bariga Ceerigaabo. Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay Siyaasiyinta kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ee hadba ku biiraya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland,wuxuuna ugu baaqay in ay hal dhinac ku adkeystaan. Waa markii u horeysay Issimo kasoo jeeda maamulka Somaliland ay cambaareyn ujeediyaan Madaxweynaha Somaliland ee la xirrirta safarka uu maalmahaan ku marayay gobolada lagu murasanyahay ee Sool iyo Sanaag. Bosaso Press
  8. Ciidamada dawlada Puntland oo dhaqdhaqaaq kabilaabey deegaano katirsan gobolka Sanaag kadib markii ay soo gaareen deegaano katirsan gobolkaasi wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo. Oct 11th, 2011 Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee dawlada Puntland Maxamuud Siciid Nuur Dabeyl oo lahadley warqabadka warbaahinta Puntland Reports ayaa si kulul uga hadlay booqasho uu madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Sanaag. Gudoomiyaha gobolka Sanaag waxa kaloo sikulul uu uga hadley fara gellinta uu maamulka Somaliland uu ku hayo deegaanada ay ka aramiso dawlada Puntland ee gobolka sanaag, waxaana uu gudoomiyaha uu hadalkiisa kudaray in wafdigan uu hogaaminayaao madaxweyne Siilaanyo qaarkood ay isu diyaarinayaan in ay yimaadaan Degmooyiinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan. ee Sanaag bari oo ay maamusho dawlada Puntland Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in amaanka ay aad u adkeeyeen. Gudoomiyuhu wuxuu u digay dad uu sheegay inay been u soo sheegeen Axmed Siilaanyo oo ay ku yiraahdeen “Somaliland baa laga taageersan yahay Sanaag” sida buu yiri taasoo ah arin xaqiiqada ka fog. Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Bariga Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ee halkaa ku sugan maanta heegan la galiyey ka dib markii wafdigii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay xalay ku soo hoydeen magaalada Ceergaabo oo ah xarunta gobolka. Siilaayo ayaa shalay khudbad ka jeediyey degmada Ceelafweyn, isagoo dadweynaha gobolka Sanaag ku tilmaamay kuwii ugu horeeyey ee wax ka dhisay maamulka Somaliland. Xiisadan ka taagan gobolka Sanaag ayaa sii xoogeysatay ka dib markii maanta ay soo bexeen warar sheegaya in wafdiga Axmed Siilaanyo ay tegi doonaan degmooyinka Dhahar iyo Laasqoray. Madaxtooyada Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay toddobaadkan ku cambaareysay booqashadii Siilaanyo iyo wafdigiisu ku tageen Laascaanood iyo jiida Tukaraq oo ciidamada Puntland difaac kaga jiraan.
  9. Maamulka Puntland oo ciidamo soo Dhoobay Gobalka sanaag iyo Siilaanyo oo ku sugan Gobalkaasi. Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxa la soo dhoobay deegaano hoostago Gobalka sanaag oo maalmihii las oo dhaafay ay ka taagneyd xiisado dagaal oo u dhaxeeyay maamulada Somaliland iyo Puntland. Masuuliyiinta maamulka Puntland ee Gobalka Sanaag ayaa maanta dhankooda waxay ka hadleen arimaha imaanshiyihii Madaxweynaha MaamulkaSomaliland oo tagay Gobalka. Maxamuud Siciid Nuur Dabayl oo ah Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in marnaba aysan qaadan doonin in ciidamada iyo madaxweynaha Maamulka Somaliland aysan usoo gudbin degmoyinka uu ka dhawaajiyay oo ku yaala Bariga Sanaag waxaana ka mid ah degmooyinkaasi Dhahar, Laasqoray iyo Badhan. Sido kale Dabeyl ayaa sheegay inay aad u adkeeyay amaanka goobaha uu ka dhaawiyay isagoo sheegay in ciidamo ay soo dhoobeen deeganadaay ka shaki qabaan inuu soo gaaro maamulka Somaliland waxana tasi ay ak dhigan tahay in mamaulka Puntland uu dagaal u diyaar garoobay. Ciidamo dhowr ah oo ku sugan deegaanada Bariga Sanaag ayaa la soo sheegaya in heegan buuxa la geliya si ay usugan amaanka.
  10. Maamulka gobolka Sanaag oo heegan geliyey Ciidamada Daraawiishta October 11, 2011 Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa heegan geliyey Ciidamada Daraawiishta ku sugan aaga xuduuda Puntland iyo Somalialnd. Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa maanta u ambabaxay dhinaca degaanka Yube ee ka shisheysa degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay inuu kusoo fool leeyahay Madaxweyne Siilaanyo. Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in ay heegan geliyeen Ciidamada difaaca kaga jira halkaas hadii uu isku deyo in Madaxweyne Siilaanyo soo galodegaanadaas oo uu tilmaamay in ay ka tirsanyihin Puntland. Maxamuud Siciid Nuur (Dabayl) ayaa digniin culus u direy wefdiga Somaliland in ay soo fara geliyaan ama soo galaan degaanada ay ka taliso Puntland taas oo uu sheegay in cawaaqib xumo ay kala kulmi karaan. Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaaya in Madaxweyne Siilaanyo uu doonayo in uu soo gaaro degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag. Bosaso Press
  11. Puntland oo Heegan Sare Gelisay Ciidamada Daraawiishta iyo Siilaanyo oo ku Wajahan Gobolka Sanaag Badhan ( DHM-News ):- Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa heegan galiyey Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolkaasi ku dhaqan taasi oo looga soo horjeedo booqasho la sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu tegi doono qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo kamid ah gobolada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee maamulka Puntland Maxamuud Siciid Nuur Dabayl ayaa u dheegay DHM Radio in Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag heegan sare la geliyey isla markaana ay diyaar u yihiin ka hortagga Siilaanyo ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dhanka magaalada Bossaso ay kasoo gaareen Ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil dhanka Meleteriga khibrad u leh kuwaasi oo Ciidamada gobolka Sanaag ee daraawiishta Puntland abaabuli doona. Warar kale oo naga soo gaaraaya magaalada Garoowe ayaa sheegaaya in Ciidamo ku jiray xerada Ciidamada 54-aad ee magaalada Garoowe loo qaaday dhanka gobolka Sanaag kuwaasi oo qayb ka noqon doona Ciidamada ay Puntland ugu talagashay in ay ku dfaacato gobolka Sanaag Sidoo kale Ciidamo kamid ahaa kuwii ka qayb qaatay dagaalkii ka dhacay Buurolayda Galgala ayaa wararku sheegaayaan in laga qaaday deegaanka Kalabayr oo Bossaso 60-km u jira kuwaasi oo la geeyey deegaano hoosyimaada degmada Badhan oo dhanka Puntland u ah xarunta gobolka Sanaag. Difaaca ugu horeeya ee Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in uu ka xiran yahay deegaana Yube oo dhanka Ceerigaabo kaga aadan magaalada Badhan. Madaxweynaha Somaliland oo dhowaan booqday magaalada Laascaano oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland hase yeeshee iminka gacanta ugu jirta Somaliland ayaa waxa uu shaaciyey in u tegi doono gobolka Sanaag taasina waxay keentay in Puntland samayso abaabul dagaal. Puntland iyo Somaliland ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2002-dii isku hayey lahaanshaha gobolada Sool iyo Sanaag waxaana labada dhinac ku dhexmaray dagaallo geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Ku Xidhnow Dhacdooyinka.com Mar Walba Si Aad Ugala Socoto Wararkii Ugu Dambeeyey ee Soomaaliya iyo Xaaladaha Kala Duwan ee Dalka kadhaca. Jaamac Joofane
  12. Puntland government promised everything in their hand to assist Sanaag Dervishes against the secessionist aggression towards the State, borders and it's people