Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Markabkii Ugu horeeyey ee Lubnaan Xoolo u qaada oo Boosaaso ka shiraacaday October 14, 2011 Boosaaso:-Waxaa shalay ka ambabaxay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Markab weyn oo nooca xamuulka ah kaas oo xoolo tiro badan u qaaday wadanka Lubnaan .Markabkan ayaa ah midkii ugu horeeyey ee xoolo u qaada wadanka Lubnaan waxaana arintaas si weyn u soo dhaweeyey ganacsatada gobalka Bari iyaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyatay Ganacsatada reer Puntland. Guddoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud oo Saxaafada kula hadlay Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in markabkaan uu ka yimid dalka Lubnaan uuna xoolo u qaadi doona Lubnaan .Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadaal faro badan ku bixiyeenGanacsatada Puntland iyaga oo kaashanaya Maamulkooda in ay u suurto gasho in ay xiriir la sameeyaan ganacsatada dalka Lubnaan. Dhanka Kale waxaa fududeeyey in ganacsatada Puntland ay xoolo u dhoofiyaan dalka Lubnaan Shirkada Somali Livestock sida uu saxaafada ka sheegay Gudoomiyaha Shirkada Cumar Ismaacil Waaberi . Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaaciyey in Dalka Masar dhawaan ay xoolo u dhoofin doonaan uuna iman doono maalmaha soo socda markabkii xoolaha u qaadi lahaa dalka Masar.Gudoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay dhamaan ganacsatareer Puntland in ay ka faa,ideystaan fursada badan ee jira. M_M Deeq Halgan.net
  2. Sanaag Commander of the "Darawiish" Colonel Cashuur and Governor of Sanaag Mr. Dabayl speak about operations/actions they have commenced/carried out in North Ceerigaabo SANAAG: Taliyaha Ciidanka Darawiishta Puntland & Guddoomiyaha Sanaag oo ka hadlay Howlgalo ay ka sameeyeen Waqooyiga dhinaca Ceerigaabo October 14, 2011 Ceerigaabo: (pp)- Col.Cabdilaahi Cumar Cashuur oo ah taliayaha Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag ayaa faahfaahin ka bixiyeyHowlgalo ay kula dagaalamayaan dhul durugsiga maamulka la magac baxay Somaliland waxuuna sheegay taliyuhu in ay ciidaamada Amaanka ee Gobolkaasi maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen heegankii ugu sarayey. Col. C/laahi Cumar Cashuur oo ka hadlay ammaanka gobolka Sanaag C/laahi Cumar ayaa siwayn uga biyo diiday Booqashada gaadmada ah ee maamulka la magac baxay somaliland ay ku soo gaaareen deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag , isagoo sheegay inay jireen Awamiir ay ka soo saareen faragelinta maamulka Siilaanyo isla markaasna ay isaga difaaci lahaayeen hadii maamulka siilaanyo uu lagaha la soo galo deegaanada ay ka taliyaan maamulka Puntland ee ay beeshu degan tahay, wuxuu intaas ku daray in ay howshooda ugu weyni ay tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen xuduudadaha Puntland. C/laahi Cumar ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamada Amaanka Puntland ay kalsooni badan ku qabaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanada Puntland, taliyaha ayaa intaas sii raaciyey inay la dagaalamayaan wax kasta oo ka soo horjeeda Amaanka guud ee Puntland. Guddoomiayaha gobolka Sanaag,Maxamed Siciid Nuur (Dabyl) Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabyl) oo isagana saxaafada la hadlay Malintii khamiista ayaa sheegay inay siwayn ula dagaalamayaan Maamulka isku magacaabay Somaliland, isagoo ku tilmaamay waxa ay Wadaan daan daansi iyo daldurugsi badheedhe ah,hase ahatee ay taasi ka tabaabushayteen, ayna kala kulmi doonaan cawaaqib xumo ,guddoomiyuhu uu intaas ku daray inay heegan geliyeen ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Badhan & Waqooyiga Ceerigaabo iyo tuulooyinka u dhow dhow. Heegankaan ayaa la geliyey ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag iyo magaalooyinka hoos yimaada ayaa yimi , kaddib markii laga warhelay inuuMadaxweyne Siilaanyo iyo wafdi la socday ay asbuucan bilowgiisii ay isku dayayeen inay yimaadaan deegaanada hoos yimaada Puntland ee gobolka Sanaag, iyadoo arrinkaas ay ka hortageen ciidamada daraawiishta ee gobolka Sanaag oo la geliyey heegan ciidan , arrinkaas oo baajisay inay booqdaan deegaanada ay ka taliyso Puntland. Maxamed Axmed Ciise Puntland-Bosaso
  3. Madaxweynaha Puntland oo London u ambabaxay Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay uga qeybgali doonaan kulan looga hadlayo dhibaatooyinka burcad badeedda. Madaxweyne Faroole iyo wafdigiisa oo martiqaad ka helay dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu casumay inay ka qeybgalaan kulan loogu magac-daray ‘kulanka toddobaadka ee la dagaallanka burcad badeedda’. Madaxweynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ka hor intuusan ka ambabixin Garowe ayaa sheegay inay ku hormari doonaan dalka Kenya oo ay kulammo kula qaadan doonaan wakiillada dowladaha daneeya Soomaaliya iyo hay’adaha halkaas fadhiggoodu yahay. Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in shirka ka furmaya London ee la dagaallanka burcad badeedda ay ka qeybgalayaan dowlado, hay’ado caalami ah, shirkadaha maraakiibta iyo kuwa caymiska qaabilsan, isagoo sheegay in uu khudbad ka jeedin doono halkaas. Dhanka kale, waxaa maanta dib ugu laabtay Puntland madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ku dhowaad hal bil ku sugnaa dalka Itoobiya, si loo sii daayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu xiray deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, kaasoo sii-deyntiisa markii dambe lagu guuleystay. Wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Maxamed Xasan Bare, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Siciid Maxamed Raage iyo xog-hayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xasan.
  4. Madaxweyne Faroole: ” Dhibaatada Burcad badeeda waa in la iska kaashado oo aan loo kala harin” Madaxweynaha Puntland oo maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska oo uu kaga qeyb gelayo shir mudo sadex beri ah socondoona kaas oo 18-ka bishan aynu ku jirno ee October furmaya islamarkaana dhinacyada kasoo qayb gelayaa ay uga arinsan doonaan sida wax looga qaban karo dhibaatooyin ay Burcad badeeda Soomaalidu ku hayaan ganacsiga dunida , iyo isu socodka gaadiidka ganacsi ee ku goosha badaha Soomaaliya ku xeeran. Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed oo wax yar ka hor intii eysan isaga iyo Wefdiguusu magaalada Garoowe ka ambabixin Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maraakiibta dagaal ee Caalamiga ee howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya aysan waxbaka qaban karin dhaq dhaqaaqyada marba marka ka danbaysa sii xoogeysanaya ee ay burcad badeeda Soomaalidu wadaan. Wuxuuna intaas ku daray in dowlada Puntland hadii ay hesho dhaqaale iyo ciidan ku filan ay Burcad badeeda dhanka dhulka kala dagaalami lahayd, islamarkaana ay jiraan marar badan oo ay beesha caalamka u direen codsiyo ku aadan in Puntland lagu taageero sidii ay Burcad badeeda ula dagaalami lahayd. ” Anagu hadii aanu awood u lahaan lahayn dhulka ayaanu xoog uga dagaalami lahayn , badahayagana waanu ka ceshan lahayn kuwa sharci darada ku kaluumaysanaya iyo Burcad badeeda labadaba” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Ugu danbayntii madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay in burcad badeeda si wada jir ah loola dagaalamo , maadama ay yihiin kuwa khatar ganacsiga iyo horumarka , sumcada iyo magaca umada Soomaaliyeedna waxyeelo u geysanaya. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud (Faroole) oo isaga iyo Wefdi uu horkacayo ay saacado kahor magaalada Garoowe ka dhoofeen ayaa magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska kaga qayb gelaya shir arimaha Burcad badeeda la iskula soo qaadi doono oo 6-beri kadib halkaas ka furmaya. Horseed Media
  5. Siilaanyo prevented to set foot in East Ceerigaabo by local pro-Puntland forces who were very angry about this provocative gesture by the frail Secessionist administration in Hargaysa which is isolated and forced to come under a new Federal Somalia. The troops voluntarily organised themselves in several cities across Sanaag's vast districts in 'Dooxada Dhabanaas' 4km's outside of Jiidali and several technicals gun-loaded trucks left Xingalool, Ceelbuh, Buraan, Baaragahaqol and Hadaaftimo. Traditional Elders said that troops acting on their own initiative assembled in Dooxada Dhabanaas and several 'technicals' trucks with guns on top left Hadaaftimo City. Furthermore Puntland Commanders came via Ceel Daahir to Sanaag in order to strengthen the local troops there who have organised themselves independently. This resulted in embarrassing halt of Silaanyo's trip as the local pro Puntland troops didn't recognise Siilaanyo's position and title of President which brings down Siilaanyo's 'false claim' of being the President in those regions of Sool and Sanaag. Thus he had to fly back to Hargaysa on a plane. A Great Victory for Sanaag and Puntland.
  6. Ciidamo Ka soo Jeeda Beesha Maakhir oo Ka Hor Istaagay Siilaanyo Inuu Ka Soo Gudbo Bariga Ceerigaabo Ceerigaabo(MMedia) Ciidamo iskood isu abaabulay oo kasoo jeeda Beesha Maakhir ayaa isku uruursaday Dooxada Dhabanaas oo 4 Km u jirta Magaalada Jiidali kuwaasoo dhaq dhaqaaq xoogan ka wada jiidaas waxa kale oo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inay soo gaareen Gawaari tikniko ah oo kasoo ambabaxay Magaalooyinka Xiingalool,Ceelbuh,Buraan,Baaragahaqol Iyo Hadaaftimo kuwasoo kusoo wajahan dooxadaas waxaana la sheegaya inay usi diyaarinayaan sidii ay uga hor tegi lahaayen isku day la sheegay inuu wado Madaxweyne siilaanyo oo doonaya inuu booqdodeegaanadaas. Talaabadan ay ciidamadu kaga hortagayaan waftiga ayaa imanaysa ka dib markii wafti uu hogaaminayo Axmed siilaanyo ay soo gaareen MagaaldaCeerigaabo kuwaasoo la sheegay inay isku dayayaan inay booqdaan Degmooyin dhowra waxaan lagu soo waramayaan in shacabka deegaankaas ku nooli ay aad uga caraysan yihiin isku dayga siilaanyo Dhinaca kale Saraakiil ka socota Maamulka P/land ayaa la sheegayaa inay kasoo talabeen Magaalada Ceel Daahir(ex-Ceeldoofaar) waxaanay wataan Ciidamado ay doonayaan inay ku xoojiyaan kuwa deegaanka ee iskood isu Abaabulay Shabakada Maakhir Media maray la xiriirtay Odayaash deegaanka ee Magaalada Hadaaftimo ayay u xaqiijiyeen in Ciidamo iskood isu abaabulay kusii qulqulayaan Dooxada dhabanaas waxa kale oo ay intaa ku dareen in Gawaari Tikniko ah ka ambabaxeen Magaalada Hadaaftimo halka kuwe kalen saaka waaberigii dhaafeen kuwasoo kusii jihaysnaa dooxada Hadaba isku soo wada duubaa waxa laga yabaa inuu hakad ku yimaado Safarkii Siilaanyo ee Deegamadaas madaama ay hoganayaa Ciidan beeleedyo aan aqoon sanayan Mansabka iyo Maamulka uu gadhwadeenka ka yahayba waxaanay waji gabax ku noqonaysaa Safarkii uu ugu talagay inuu kusoo gala bixiyo dhamaan Gobolada uu sheegay siilaanyo inuu u yahay Madaxweyne tanina waxay noqonaysaa deegaankii ugu horeeyay ee laga horjoogsado Mr siilaanyo tan iyo xiligii uu bilaabay inuu booqdo Gobolada Bariga. Maakhir Media Ceerigaabo
  7. Latest News: Siilaanyo heeds the dire advice and threat of war and returns/flies back to Hargaysa on a plane. Secessionists humiliated as the tense standoff in Ceerigaabo was too much and their already compromised exposed and vulnerable position in the region strengthened.
  8. Madaxweynaha Puntland iyo Wefdi uu Hogaaminayo oo Maanta Garoowe ka Dhoofay Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka bada Siciid Maxamed Raage , Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xasan ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee magaala madaxda Puntland ee Garoowe. Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey safarka uu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) dalka dibadiisa ugu baqoolay. Wuxuuna sheegay in safarka Madaxweynuhu uu xiligan ku wajahan yahay caasimada dalka Kenya ee Nairobi , halkaas oo uu kula kulmi doono qaar kamid ah Madaxda beesha Caalamka , iyo Hay’adaha Qaramada midoobey , iyadoo halkaasna uu kasii raaci doono Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur. Libaax Joorre ayaa sidoo kale sheegay in marka uu Madaxweynuhu soo gaba gabeeyo kulamada uu magaalada Nairobi kula yeelanayo Madaxda beesha Caalamka uu usii gudbi doono magaalada London ee Caasimada dalka Ingriiska , halkaas oo uu kaga qayb gelayo kulan dhowr beri socon doona oo looga hadlayo dhibaatooyinka Burcad badeeda. Afhayeenka Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheek Maxamed inta uu London ku sugan yahay uusidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono Jaaliyada Puntland ee dalka Ingriiska , iyo dalalka daneeya arimaha dalka Soomaaliya. Safarka wefdiga uu Madaxweynaha Puntland hogaaminayo dalka dibadiisa ugu dhoofeen ayaa kusoo beegmaya xilli isla maanta uu dalka dib uga soo laabtay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire oo isagu in mudo ah ku maqnaa dalka Ethiopia. Horseed Media
  9. M/weynaha Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Garowe, kuna sii jeeda Ingiriiska. Wed, 12 Oct 2011 10:50:14 -0400 am -04:00 -14400 Garowe, Oct 12 – M/weynaha dawladda Punland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaraha ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland. M/weynaha iyo waftigiisa ayaa ku wajahan waddanka Ingiriiska halkaasi oo ay ka heleen martiqaad rasimi ah ayna kaga qaybgali doonaan shir khuseeya arrimaha Soomaaliya, si gaar ahna ula xiriira burcad-badeedda sida uu M/weynuhu ku caddeeyey shir saxaafadeed uu garoonka ku qabtay. M/weynuhu waxaa uu sheegay shirkaasi in ay Puntland ahaan horgayn doonaan qodobo badan ee ku saabsan burcad-badeedda gaar ahaanna hababkii xal buuxa looga gaari lahaa joojinta falalka burcad-badeednimada, oo M/weynuhu ku tilmaamay mushkilad caalami ah, isagoo xusay burcaddu in ay tahay dhibaatoa ka dhalatay gurubsiga sharci-darrada ah ee lagu hayo khayraadka badaha Soomaaliya. M/weynaha waxaa socdaalkiisa dibabadda ee maanta bilawday waxaa ku weheliya wasiirka dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage, wasiiru-dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Prof. C/qaadir Xaashi, guddoomiyaha guddiiga doorashooyinka Maxamed Xasan Barre, agaasimaha hay’adda la dagaallanka burcad-badeedda iyo qaar ka mid ah xoghayeenadiisa gaarka ah. M/weynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii hakan doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo ay kulamo kula yeelan doonaan madax badan oo beesha caalamka ah. Safarka m/weynaha Puntland uu ku aaday dalka Ingiriiska ayaa ku soo beegmay xilli ay muuqdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo gobolka quseeya sida safarkii m/weyne Siilaanyo uu ku yimid deegaanno ka mid ah gobollada SSC, iyo u dhag-taagid la xiriirta shirkii wadatashiga ee lagu waday in Puntland lagu qabto kaasoo uu cago jiid ka muuqdo. Diiwaanka Wararka Radio Daljir.
  10. Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo ka dhoofay Garoowe October 12, 2011 Garoowe:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynah Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe , madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntlland Siciid Maxamed Raage , Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xassan iyo Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur. Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo saxaafada uga waramay safarka madaxweynaha ayaa xusay in madaxweynaha Puntlland uu sii mari doono dalka Kenya ka dibna uu uga gudbin doona dalka Ingriiska oo uu uga qayb geli doono shirk u saabsan burcadbadeedka oo ay ka soo qayb geli doonaa dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya Afhayeenka xukuumada dowllada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joor ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntlland uu dalka Ingriiska kula kulmi doono Jaaliyadda Puntlland eek u nool dalka Ingriiska isagoo uga xog warami doona xaalada dhinaca amaanka iyo horumarka ee ka jirta Puntlland. Dhinac kale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdi samad Cali Shire iyo wadi uu hogaaminayey oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya , Madaxweyne ku xigeenka Puntlland ayaa noqday ku simaha Madaxweynaha Puntlland sida uu sharciga u degsan Puntlland ku xusan matka uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Puntlland Dr CabdiraxmaanFaroole. M_M_Deeq Halgan.net
  11. Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxmaan Faroole oo safar ku imaanya Dalka Ingiriiska October 12, 2011 - Written by editor Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda ayaa la filyaa in ay dhawaan soo gaaraan dalka Ingriiska iyagaoo ka hellay casumaad rasmi ah dowllada dalka Ingriiska.Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa inta uusan iman dalka Ingriiska waxaa warar hoose ay sheegayaan in uu soo mari dona dalka Kenya uuna kulamo la qaadan doono xubno ka tirsan beesha caalamka. Ilaa hadda ma jiraan warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntlland balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay saxaafada hesho xog ku saabsan safarka madaxweynah Puntlland. Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu. M_M_Deeq Halgan.net
  12. Vice President Abdisamad shaking hands with Security Minister Khaliif C Mudan, the Vice returned today to Garoowe from his working visit to Ethiopia&Kenya.