Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Swan oo la kulmey madaxda Puntland(Cod & Sawiro) 19 Nov 19, 2011 GAROWEONLINE Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socday Maraykanka uuna hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan. Kulanka dhexmarey Puntland iyo Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxda dawalda uu kamid yahay kuxigeenka madaxweynaha Puntland Gen,Cabdi samad Cali Shire,wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa,wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr,Cabdi qaadir Cabdi Xaashi iyo xubno kale oo katirsan dawladda. Markii uu soo dhamaadey kulankii labada dhinac ayaa hadana wafdigan waxa uu la kulmey ganacsatada Puntland oo ay kawada hadleen horumarka iyo sare u qaadida ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay(Private Sector),waxana gabagabdii qabteen shir saxaafadeed ku saabsan arimihi ay kawada hadleen. Madaxweyanaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Faroole oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay maamul ahaan ku faraxsanyihiin booqashadan oo noqonaysaa tii ugu horeysey uu Puntland ku yimaado ergeygu isaga iyo xubnaha la socda. ‘’Puntland waa gobol ka tirsan Somalia,waa mandaqad weyn ,hawlo badan oo ku saabsan amniga iyo horumakra oo wax laga qabtay ayaa jira,wafdgana waxa uu jaanis u helay in uu la kulmo xukuumada iyo ganacsatada,wixii dhibaato ah oo jira,iyo horumarka la gaarey iyo weliba amniga siduu yahay ayaa la isla arkey waan la isku waafaqey,waxaan rajaynayanaa in ay nagu soo labatan markale’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland. James Swan oo la wareegey hadalka ayaa sheegay in uu mamulka Puntland uu Dr,Farole kow ka yahay uga mahadcelinayo qaabka ay ugu soo dhaweeyeen Puntland. Waxaa uu sheegay in booqashadiisu qayb ka tahay siyaasada bartamihii sanadkan Maraykanku ku dhawaaqey (Dual Track Policy in Somalia) oo ah mid si toos ah dawlada Maraykanku u la shaqeynayaan maamul goboleedyada ka jira dalka. Qaabka loo hirgelinayo qorshe hawleedkii Muqdisho dhinacyada Somalidu ku wada galeen(Road Map) bishi September ayaa ku jirta waxyaabaha labada dhinaci ay ka wada hadleen. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay isla meel dhigeen Puntland kana wadahadleen tageerida mashaariicda bini’aadanimo iyo tan horumarineed ee Puntland,ladagaalanka burcad badeeda iyo wadashqaynta Puntland iyo Maraykanka. Waa safarkii ugu horeeyey tan iyo markii lamagacaabey Danjire Swan uu ku yimaado gudaha Somalia dhamaadkii bisha Auguost 2011,waxana ku weheliyey saraakiil ka socday safaarada Maraykanka ee Nairobi iyo hayada USAID,waxana isla maanta dib uu ugu laabtey Nairobi oo markii hore ka soo kicitimey.
  2. Wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo Garoowe tegay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo ergayga mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan / RBK Ergayga dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa duhurnimadii maanta Gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga oo ay garoonka ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland ayaa loo kexeeyay xarunta madaxtooyada maamulka, halkaasi oo ay kulan albaabada loo xiray kula qaateen madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Madaxweyne Faroole iyo James Swan ayaa kulankooda kaddib shir jaraa’id oo ay qabteen kaga warbixiyay waxyaabihii uu ku saabsanaa kulankooda. Cabdiraxmaan Faroole oo hadalka ku hormaray ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay wafdiga ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan booqashadooda Puntland, isagoo xusay in ay kala hadleen arrimaha amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. James Swan oo isna saxaafadda uga warbixiyay kulanka iyo booqashadiisa Garoowe ayaa sheegay inuu halkaasi u tagay sidii Puntland uu kala hadli lahaa hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee James Swan uu ku tago magaalada Garoowe tan iyo markii loo soo magacaabay ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya bishii August ee sanadkan. Sawirrada daawo
  3. Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey Waxaa magaalada Garoowe maanta soo gaarey wefdi ka socda dalka Maraykanka oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee dowalda Maraykanka u qaabisalan arimaha Soomaaliya. James C. Swan iyo wefdigiisa oo Garoonka diyaaradaha si diiran loogu soo dhoweeyey ayaa intii ay Garoowe ku sugnaayeen kulamo gooni gooni ah la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Puntland, Golaha wasiirada, xubno ka socdey Ganacsatada, iyo qaybo kale oo bulshada ka tisan. Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi [Libaax Joorre] oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey ujeedada ka danbeysa booqashada ay wefdigan Maraykanka ahi magaalada Garoowe ku soo gaareen iyo waxyaabihii kasoo baxay kulamadii ay Mas’uuliyiinta dowlada la qaateen. Wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay dowlada Maraykanku deegaanada Puntland uga hirgelin lahay mashaariic horu marineed oo dhowr ah gaar ahaa horumarinta degmooyinka ku yaal dhulka fog fog ee ku teedsan xeebaha Puntland. Afhayeenka Dowlada ayaa sido kale sheegay in Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu ka dhawaajiyey inMashaariicdaas ay fulin doonaan labo Hay’adood oo fadhigoodu uu dalka Maraykanka yahay. Waa markii ugu horeysey oo James.C.Swan uu dalka Soomaaliya soo gaaro tan iyo intii loo magacaabay xilka uu hada hayo , waxayna Puntland noqonaysaa meeshii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado intii uu noqday Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya. Horseed Media
  4. Ergeyga Mareykanka ee Somalia iyo Madaxweyne Faroole oo Garoowe ku kulmay November 19, 2011 Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo xubno ka socday qarmadada Midoway kuwaas oo maanta ka soo degay Garoonka diyarahada Conoco ee Magalada Garowe halkas oo ay ku soo dhaweyeen Xubno ka tirsanaa Golaha Xukumada Puntland kadibna loo soo galbiyay Xarunta Madaxtoyada oo uu kulan albabadu u xirnayeen la qaatay Madaxda Puntland. Inkastoo markii kulankaasi uu u soo dhamaday uu si wada jira u la hadlay Warbaahinta Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Egrayga Gaarka ah ee Arimaha somaliya Maraykanka u qabilsan James Swan. Madaxwynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxauud Faroole oo ku hormaray fahfahinta kulanka labada dhinac ayaa ugu horayn uga mahad celiyay imatinka Ergaygaan tan iyo markii la soo magacabay bishii ogos ee sanadkaan iyo waxyabaha ay ka wada hadleen. James Swan oo ah ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qabilsan Arrimaha Somaliya oo isna hadlay ayaa dhiniciisa shegay ay tahay markii ugu horaysay uu yimaado Puntland isla markaasna kulamada uu la qaatay madaxda Puntland ay yihiin kuwa isku soo dhawaynaya Somaliya iyo Maraykanka, Waxa uu intaasi Raaciyay Ergeygu in uu qayb ka yahay Socdalkaani hirgalintii qodobadii ka soo baxay shirki Kampala. Inta shirku socday waxaa sidoo kale qayb ka aha Ganacsatada iyo ururadda Bulshada kuwaas oo fikiro ka dhiibanayey wada hadalka albabadu u xirnayeen, waxana uu isla maanta dib ugu noqday Ergaygaani iyo xubnihii la socday Magalada Nairobi.
  5. Initial reports say that the United States Ambassador came to Puntland to commence major projects for the coming year 2012 mainly the building of roads which will be undertaken by US firms/companies as agreed in the Kampala Accord.
  6. GAROOWE : Ergayga Dawlada Maraynkanka (USA) u qaabilan arimaaha Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe November 19, 2011 Garoowe:-Egayga Dawladda Maraykanka (USA) u qaabilsan arimaha Soomaaliya James C. Swan ayaa maanta soo gaaray Caasumadda Puntland ee Garoowe wuxuuna durbadiiba Madaxtooyada Puntland ku qaabilay madaxda sarsare ee Puntland iyo Ganacsato wuxuuna kala hadlay mashaariichorumarineed ee ay Shirkaddo Maraykan ah ka fulinayaan Puntland. Kulanka madaxtooyadda kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Mr, James wuxuuna sheegay in uu Puntland uu u yimid si ay uga fuliyaan mashaariic wax ku ool ah sanadka 2012 oo ay ka mid yihiin waddooyin kuwaas oo uu sheegay in ay fulinayaan shirkaddo Maraykan ah. Puntlandpost oo garoonka diaaradaha ee Conoco ku booqatay Ergayga Dawladda USA u qabilsan arimaha Somalia Faafaahinta warkan iyo sawiro gadaal ayaan ka soo daabacaynaa Insha’allaah.
  7. James Swan oo Garowe booqasho ku yimi 19 Nov 19, 2011 Ergayga gaarka ee Maraykanka u qaabilsan Somalia ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo xubno ka socda xafiiskiisa. Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr,Cabdi Faarax Juxa,wasiiru dawlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdi qaadir Cali Xaashi iyo masuuliyin katirsan madaxtoyada ayaa kusoo dhaweeyey wafidgan garoonka. Waxana intaasi kadib loosoo galbieyey dhanka aqalka madaxtoyada Puntland ee Garowe halkaasi oo kulamo kula qaadanayo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo kuxigeenka madaxweynaha Gen,Cabdi samad Cali Shire. Madaxda Puntland iyo masuuliyiinta kasocota Maraykanka ayaa marka uu soo dhamaado kulankoodu la filayaa in ay si wadajir ah saxaafada kula hadlaan madaxtoyada Garowe. Akhritayaasha Garowe Online waxaan ka balanqaadaynaa in dhowaan faahfaahinta warkaasi aad ka daalacandoontaan halkan iyo weliba waxyaabaha Kasoo baxa.
  8. "Japan has funded projects through international agencies such as the World Food Programme, but this new project will be with their direct assistance" ^Well Done Japan. A direct assistance and own initiative is what is needed.