Fiqikhayre
Nomad-
Content Count
5,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Fiqikhayre
-
Sawiradda safarka xubnaha Puntland 30 May 30, 2012 GAROWE ONLINE Akhristayaasha sharafta leh ee ku xiran Garowe Online waxaan halkan idiin ku soo gudbineynaa sawiradda xubnaha Puntland uga qaybglaya shirka Istanbul ee dalka Turkiga oo galabta ka duuley garoonka diyaaradaha Garowe. Halkan ka daawo sawiradda safarka xubnaha Puntland
-
Puntland's Delegation that flew from Garowe to Istanbul, Republic of Turkey. Wafdi balaaran oo Puntland uga dhoofey Turkiga 30 May 30, 2012 Gegida dayuuradaha Garowe ayaa galabta 30 May,2012 waxa ka duuley xubnihii Puntland uga qaybgali lahaa shirka Istanbul waxana ka hor diyaaradu soo martey Galkacayo iyo Bosaso oo ay dad ka soo qaadey. Issimo ,ganacsato ,xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo weliba xubno matalayey golayaasha dowladda ayay isugu jireen wafdiga Puntland ee u dhoofey Jabouti halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo israaci doonaan dhammaan. Garowe Online waxa u suuro galay inay hesho nuqul ka mida liiska xubnaha ka qaybgalaya shirka Istanbul waxana ay kala yihiin sidatan hoos ku xusan: Isimmada Puntland 1-Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan 2- Suldaan Siciid Maxamed Garaase 3-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac 4-Suldaan Bashiir Muuse Konte 5-Suldaan Maxamed Cabdilaahi 6- Suldaan Siciid Maxamed Irbad 7-Ugaas Cabdiraxman Nuur Faarax 8-Suldaan Muuse Faarax 9-Boqor Cabdulaahi Maxamuud Cali 10-Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur 11-Caaqil Maxamuud Xasan Cumar 12-Ugaas Cabdiqani Geele Maxamed 13-Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Xirsi 14-Islaan Haashim Islaan Maxamed 15-Suldaan Khaalid Abshir Saalax 16-Garaad Cabdulaahi Cali Ciid 17-Ugaas Cabdikariin Nuur Faarax 18-Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenicad 19-Suldaan Jamaal Cabdi Ducaale 20-Suldaan Cabdilsaan Shiikh Maxamuud Xubnaha Dowladda 1-Dr.Daa’ud Maxamed Cumar 2-Maxamed Faarax Ciise Gaashaan 3-Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad 4-Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdule 5-Xildhibaan Sheebe Shiikh Maxamuud Ganacsatada 1-Maxamuud Xayir Ibraahim 2-Maxamed Caydiid Jaamac 3-Yuusuf Cali Biixi 4-Ismaaciil Cabdisalaan Warsame 5-Maxamed Muse Axmed 6-Ismaaciil Axmed Dayib 7-Cabdilatiif Yuusuf Barre 8-Cabdirisaaq Siciid Faarax 9-Fowsiyo Ciise Cumar 10-Maxamuud Nuur Cilmi Xubnaha bulshada rayidka 1-Nuur Maxamed Nuur 2-Mahdi Cali Cismaan 3-Cabdinaasir Yaasiin Salaad 4-Cabdirisaaq Hiirad Maxamed 5-Jaamac Saalax Maxamed Madaxweynaha Puntland ayaa Jabouti waxa kula sugan xubno ka tirsan golaha wasiirada sida Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ,wasiirka Waxbarashada Dr.Cabdi Siciid Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan aqalka madaxtoyada Puntland Kadib qoraalo kala duwan oo ka soo baxay hogaanka siyaasada iyo dhaqanka Puntland oo ay ku diidanyihiin shirka Istanbul ayaa Garowe Online loo xaqiijiyey in is-afgarad Puntland iyo Turkigu ka gaareen mowduucyadii miiska saarnaa,waxana ay balanqaadeen inay dar dar gelindoonaan fulinta mashaariic horumarineed gudaha Puntland. GAROWE ONLINE
-
Faahfaahin– Wafti balaaran oo Puntland ah oo Istanbul ku soo wajahan.. Maxaa isbadalay Posted by Pi on May 30th, 2012 Adis ababa(Pi) Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa mudadii uu joogay Nairobi wuxuu kulan deg deg ah la qaatey Safiirada Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya waxaa lga wadahadlay qaladaadka ka jira shirarka ka bilowdey Istanbul iyo Hadaladii kasoo yeerey Puntland ee ay ku qaadacee shirka Istanbul. Raysal wasaaruhu wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey Qorshaha geedisocodka nabada (Roadmapka) siduu kusoo bilowdey iyo meesha uu marayo iyo kaalinta Puntland ka ka qaadatay isagoo sheegey in maqnaanshaha Puntland ay waxweyn u dhimeyso qorshayaashaas, wuxuu kaloo RW Gaas xusey in Turkigu ay waji qaldan kusoo galee siyaasada Soomaaliya maadaama aysan waxwada tashi ah kala yeelen xukuumada shirarka Qolyaha lagu sheegey Ururada Bulshada. Dowlaada Turkigu waxay aragtey in qaladaad ku jiraan sida ay wax u wadaan, inkastoo Raysal wasaare Gaas uu sheegey ineysan xukuumadiisu waxba ka ogay cida casuntey qolyaha isuu tagey Istanbul ee sheeganaya inay yihiin Ururada Bulshada, Arintaas Dowlada Turkigu waxay shegeen iney liiska magayada ka heleen Dowlada KMG,(Xafiiska Madaxweynaha). Raysal wasare Gaas wuxuu taageerey Qaadacaada Puntland ay qaadacdey shirka isagoo sabab uga dhigey iney jiraan waxyaabaha Puntland sheegtey, Dowlada Turkiguna way taageertey oo waxay hoosta ka xariiqeen iney isbadal sameynayaan iyagoo la tashanaya Raysal wasaare Gaas, waxaa kaloo Diidmada Puntland iyo eedeynta ka timid Xukuumada Dr. Gaas taageerey Beesha caalamka ee waxkasoo dhisey Roadmap-ka Si loo daba qabto shirka Waxay Turkigu safiirkooda Itoobiya jooga u direen Madaxweyne Faroole Madaxweyne Faroole iyo Safiirka Turkiga ee Adis ababa jooga ayaa kulmey shalay Galab wuxuuna safiirka Turkigu sheegey inay Dowlada Turkigu balan qaadey iney xalinayaan dhamaan Qaladaadka iyagoo garowsadey in qalad dhacay, Wadahadal dheer ka dib Madaxweyne Faroole wuxuu dalbadey inuu helo Qoraal rasmi ah(Documens) oo ka imaanaya Dowlada Turkiga, Safiirkii Turkigu wuxuu sheegey inuu dowladiisa wadatashi kula noqonaya. Maxaa dhacay ka dib Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa saaka aroortii si toosa ula soo xiriirey Madaxweyne Faroole wadahadal ka dib waxaa la isla meel dhigey oo Madaxweyne Faroole na aqbalay hadalka kasoo yeerey Dowlada Turkiga ee ah in la saxayo Dhamaan qaladaadka Puntlad, Galmudug iyo Suna Waljameeca tabanayaan. Intaas ka dib Dowlada Turkigu waxay Madaxweyne Faroole u sheegtey iney Diyaarad khaasa u soo dirayaan Waftiga Puntland o ka koobnaan doona, Madaxda Dowlada, Odoyaal dhaqameedyo, Ganacsato iyo Ururada Bulshada. Wada tashi ka dib axaa la go’aansadey in Madaxda Puntland oo Qaarkood(Waftiga Madaxweynaha) ay joogaan Adis ababa iyo Waftiga intiisa kale ay isugu tagaan Jabuuti halkaasoo ay ku sugayso Diyaarad khaasa oo Dowlada Turkigu soo dirtey. Goor dhoweyd waxaa Garowe ka ambabaxeyey Xubno isugu jira Isimo, Ganacsato, Xildhibaano iyo Ururada Bulshada waxayna ku wajahnaayeen Jabuuti, Adis ababa waxa akasoo baxaya Wafuuda uu hor kacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, dhamaan Ergada kaimaanaysa Puntland waa 48 iyo xubno horey u joogey Turkiga oo Odoyaal dhaqamneedyo u badan. Wadahadalka dhexmarey Madaxweyne Faroole iyo Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga waxaa la isla soo qaadey oo kale Galmudug io Suna waljameeca lakiin nalooma xaqiijin sida ay kusoo baxayaan Ergooyinkoodu, inkastoo naloo sheegey in MadaxweynMaxamed Axmed Caalim uu soo Raacayo waftiga Madaxweyne Faroole hogaaminayo. Wadahadlkaan Dublamaasiyadeed oo kasoo bilowdey Nairobi, Ankara ilaa Adisbaba waxay socdeen labdii maalmood ee nasoo dhaafay, waxaana guul laga gaarey saaka subaxnimadii. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com oo ah isha kaliya ee wararka tafa tiran oo rasmiga h haysa. Puntlandi.com Adis ababa
-
ADDIS ABABA: Puntland iyo Galmudug oo ka qeybgalaya Shirka Istanbul May 30, 2012 ADDIS ABABA:-M-weynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa shaaciyay in ay Puntland iyo Galmudug ay ka qeybgalayaan Shirka Istanbuul kadib markii sida ay sheegeen la xaliyay arintii ay ku dideen shirka. M-weyne Faroole, waxa uu sheegey in magaalada Garoowe iyo Boosaaso laga soo qaadayo Issimada Puntland iyo dad matalaya Ururada Bulshada, sidoo kale Issimo laga soo qaadi doono magaalada Galkacyo, waxaa kaloo uu sheegey in Siyaasiyiin ka kala socota labada maamul ay qeybgali doonaan Shirka. Dhawaan, ayaa masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ay shaaciyeen in aysan ka qeybgali doonin Shirka Istanbuul iyaka oo sheegey in aan si caddaalad ah loo qeybin dadka ka qeybgalaya shirka, waxayna sheegeen in dad gaar ah ay tageen oo aan loo dhammeyn. Puntlandpost.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo galabta ilaa caawa imanaya Istanbul Posted by Pi on May 30th, 2012 Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hogaaminaya wafti balaaran ayaa maanta imaanaya Dalka Turkey ka dib wadahadal dublamaasiyadeed oo wakhti dheer qaatey ayay Puntland go`aansadeen iney u safraan Istanbul. Dhinaca kale warar badan oo ku saabsan wadahadalada dhexmarey Puntland, TFG iyo Dowlada Turkiga oo faahfaahsan goor dhow ayaan soo gudbineynaa ee haka dheeraan Puntlandi
-
Ngonge Al-Jazeera is somewhat important so is this issue as well. Puntland has raised with a loud voice what it thought to be an issue of lack of honesty and transparency and the Turks have been betrayed by a certain group in Somalia. They acknowledge that fact. So did the Prime Minister of Somalia who said that the civil society groups were not inclusive and that they needed to be more inclusive and transparent.
-
Puntland oo aadeysa Istanbul & Turkiga oo taageeraya 30 May 30, 2012 Magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta 30 ,May 2012 waxa ka anbabaxaya wafdi balaaran oo u socda dhinaca Istanbul ee Turkiga si ay uga qaybgalaaan shirka halkaasi ka dhacaya. Issimo ,Ganacsato ,bulshada rayidka ah xubno ka socda dowladda oo xukumadda iyo xildhibaano isku jira ayay ka koobanyihin xubnaha Turkiga u dhoofaya oo dhamaan tiradoodu dhantahay 48 qof. Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole oo ku sugan Addis Ababa ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Garowe Online u sheegeen inay wadahadal la galeen xubno ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda Turkiga ,safaarada Somalia ay ku leedahay iyo weliba madax kale oo Turki ah waxana Turkigu ka aqblay Puntlan dhamaan cabashooyinkii ay horey u muujiyeen. Ka sokow safarkan xubnaha Puntland ka tirsan ay ugu tagayaan Istanbul waxa Turkigu balanqaadey inay dardargeliyaan fulinta mashaariic horumrineed gudaha Puntland islamarkaasina tixgelinayaan doorka Puntland ay ku leedahay horumarka geedi socodka nabada Somalia. Wixii ka soo kordha safarkan kala soco wararkeena xiga hadii Eebe Idmo . GAROWE ONLINE
-
Prof.Gaas: “Shirka Istanbul looma dhama” Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa ka hadlay go’aanka ay Puntland iyo Galmudug ka qaateen shirka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed uga socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal ugu jirto sidii arintaas xal loogu heli lahaa, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan wax looga qaban lahaa cabashooyinka ay Puntland iyo Galmudug soo jeediyeen. Ra’iisul wasaaraha oo warkan sheegay mar uu u waramayey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC wuxuu tilmaamay in dowladda KMG ahi ay u garaabeyso labadaas maamul maadaama ay si cad u muuqdaan in badan oo kamid ah waxyaabaha ay saluugeen isagoo taas ka hadlaya waxaa Cabdiweli Gaas hadaladisii kamid ahaa. “Ururada bulshada rayidka ah ee maashaas isugu yimid ma ahan kuwo loo dhan yahay, waxad moodaa ilaa iyo xad in arintaas si khaldan loo maamulay waanan ka garawnay”. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa beeniyey in shirka Istanbul uu yahay mid la doonayo in wax lagaga bedelo heshiisyadii Roadmapka, wuxuuna sheegay in Roadmapku uu u fuli doono sidii horay loogu heshiiyey, waxna aan laga bedeli doonin. “Roadmapku gaba gabo ayuu joogaa, wax hada laga bedelayaana ma jiraan, ciddii wax ku biirinaysa oo ra’yi keeneysa waan soo dhoweyneynaa” Prof Cabdiweli ayaa yiri. Ra’iisul wasaaraha iyo wefdi uu horkacayo waxay gelinkii danbe ee shalay gaareen magaalada Istanbul oo ah caasimadda 2-aad ee Turkiga, halkaasoo uu maalintii 4-aad shir uga socdo madaxda dhaqanka iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ee Soomaalida. Horseed Media
-
Somalia: TFG criticize selection of civil society meeting in Turkey 29 May 29, 2012 MOGADISHU, Somalia May 29 2012 (Garowe Online) – The Transitional Federal Government (TFG) released a statement disapproving the ‘self-selected’ Somali civil society who are currently holding meetings in Istanbul, Radio Garowe reports. There were 165 people from the Somali civil society and 135 traditional elders from Somalia, invited to the 6 day Somali Civil Society meeting in Istanbul. TFG Constitutional Minister Abdirahman Hoosh Jibril, in press release on Monday said that meeting did not include “mainstream civil society groups.” Minister Hoosh added, that Turkey did not consult with the TFG or regional governments about the selection of the Somali civil society at the conference, which according to the meeting’s agenda brought together Somalis “from all walks of life”. “We register our displeasure that an unrepresentative self-selected group within the pre-conference attendees have hijacked and thus politicized an integral part of the process…” said Minister Hoosh. The TFG said in the press statement the Somali civil society conference could possibly undermine the integrity of all other agreements signed by leaders of Somalia. In addition Minister Hoosh reminded the international partners on the urgency of completing the transition period by August. “The Somali government and its international partners ought to show a unity of purpose so that we can end the transition as expeditiously as outlined under the Roadmap agreements.” The Somali civil society meeting will coincide with the 2nd Somalia conference. The Somali civil society conference has been labeled as a non-inclusive meeting by the TFG and regional governments. Officials say the meeting left out many large civil society groups who have worked extensively in Somalia. The TFG asked the Turkish government to make an urgent review of the concerns raised about the selection of the Somali civil society. Turkey has not yet responded to the TFG’s request to review the Somali civil society members. GAROWE ONLINE
-
Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka 29 May 29, 2012 GAROWE ONLINE Kadib markii shirkii saxiixayaashu isugu tageen todobaadkii la soo dhaafey Addis Ababa lagu go'aamiyey in la dhiso guddiga xalinta khilaafadka oo ka kooban dhamaan dhinacyada daneeya Somalia ayaa odayaasha Puntland kulankoodi maanta ay ku magacaaben saddex xubnood oo uga qayb noqonaya guddigaasi waxana ay kala yihiin. 1-Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan 2-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac 3-Suldaan Siciid Maxamed Irbad. Halkan ka akhriso qoraalka issimadu soo saaren iyo saxiixayaasha
-
Bayaan ay soo saareen Isimadda Puntland 29 May 29, 2012 GAROWE ONLINE Issimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland ayaa maanta 29 May,2012 shir ay ku yesheen magaalada Garowe kadib waxay ka soo saareen qodobo dhawr oo ay uga so horjeedaan shirka Istanbul ka dhacaya islamarkaasinay ku tageersanyihiin go’aankii dowladu horey u qaadatey inaysan ka qaybgalin. Bayaanka issimada Puntland oo ay ku saxiixanyihiin ilaa 18 kamida dubaabka ugu caansan hormuudkana ah beelaha dega Puntland ayaa si toos ah waxay fariin ugu direen Turkiga oo si aan wafaqsaneyn waxqaybsiga Somliada u maamuley xulista xubnaha shirkaasi islamarkaasina baal marey latashigii dhinacyada Somalida. Bilawgii bayaankooda ayay issimadu kaga hadleen safarkoodi Muqdisho iyo waxyaabihi ay ku soo arkeen halkaasi oo kamid ahayd Caado-dhaaf,xadgudub faragelin iyo jahwareerin hanaankii hogaan dhaqameedka oo ay sheegeen inay geysteen madaxda sare ee DKMG Somalia. Waxay tilmaamen in ay u taaganyihiin fulinta wixii kaga soo aadaya geedi socodka nabada Somalia iyo dastuurka meel-marintiisa. Dhinaca kale Turkiga ayay kala taliyeen in ka feejignaato arrimaha siyaasadeed ee murugsan Somalia islamarkaasina ay ka fogaato dheeliga iyo dhinac isku buurka. Hoos ka akhriso bayaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka Puntland
-
Popular Contributors