Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Dowladda Puntland oo Heshiis Iskaashi la Saxiixday Dowladda Deegaanka Somalida ee Dalka Ethiopia.[War-saxaafadeed] June 21, 2012 Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda Deegaanka Somalida (DDS) ee dalka Ethiopia.Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Farole ka soo wada duuleen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimce 15 June 2012, iyadoo Madaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda. Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdi Farax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo sooagaasime. Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas’uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin (presentation) ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaanada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia. Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Puntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun arday Somali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa’idaysanaya. Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan balaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhowaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah. Maalintii Isniinta 18 June 2012 ayaa waxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Farole iyo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia Mudane Cabdi Iley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wada saxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah ayna ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci-darrada ah (Security and IlegalTrade); Dhiirigalinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo Iskaashiga Guud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyada xaaladda degdega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation on Development Affairs). Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Dr Cabdiraxman Farole ayaa guul ku soo dhamaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wadashaqay need ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS. Wafdiga Puntland ayaa maalintii Talaado 19 June 2012 gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Somalida ee laxiriiray Geedisocodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka, si dalka Somalia u helo Dowlad rasmi ah. — END — Communications Office The Puntland Presidency Office: +252 90 794312 / 790999 / 794040 / 799128
  2. Moonlight it's progress maashaallaah that we commend. It was long overdue.
  3. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=DwXUMAnlTdw" frameborder="0" allowfullscreen>
  4. My dream final would be Germany vs Spain. Expected final Portugal vs England. My worst final would be England vs Greece what a nightmare. I don't know of course except for the first if this consolidations are possible or not but let's see inshaallaah.
  5. Madaxweyne DDS oo dhiggiisa Puntland marti qaad Addis ugu sameeyey June 15, 2012 XOL:Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhigiisa dawlad goboleedka Puntland qado sharaf ugu sameeyey magaalada Addisababa oo ay labadooduba kusugnaayeen.muddooyinkan danbe. Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha DDS oo ay weheliyaan masuuliyiin katirsan xukuumaddiisa iyo afhayeenka baarlamaanka deegaanka Maxamed Rashiid Xaaji oo matalayay dhanka DDS meesha maamulka Puntland ay madashaasi ka joogeen wafti balaadhan oo uu hormuudayay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Qadadan dusheeda ayaa labada dhinac la isdhaafsadey arimo badan oo la xidhiidha wadashaqeynta labada dhinac iyo xiriirka guud ee labada shacab iyadoo kaftan badanna la isweydaarsadey. Cabdiraxmaan Faroole oo ah markii ugu horeysey ee ay is hor fadhiistaan madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar ayay xukuumaddiisu in badan raadineysey wanaajinta xiriirka labada xukuumadood iyadoo hadda ka hor Faroole uu kasoo baxey hadal aad uga xanaajiyey guud ahaan shacabka Soomaalida DDS iyo umadda Soomaaliyeed oo ahaa in shacabka ku nool DDS ee Soomaaliyeed aysan ahayn Soomaali waxaana maanta cad inuu marti u yahay madaxweynaha Dawladda Deegaanka “Soomaalida”. Kulankan labada dhinac ayaa ku dhamaadey guul iyo is afgarad iyadoo lagu balamay in la yeesho wada shaqeyn wanaagsan oo ka xeel dheer intii hore. Xaajo.com
  6. Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI oo Horkacaya Waftiga Madaxweynaha Punt-Land oo Booqday Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada Agoonta(Jigjiga). Jigjiga(CakaaraNews) Axad 17ka Juun,2012. Waftigan oo uu hor-kacayay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane c/fataax maxamuud xasan ayaa uu ku wehelinayay madaxwaynaha maamul -goboleedka putland mudane c/rahmaan maxamed maxamuud faroole. Wftigani ayaa ugu horayn soo indha indheeyay xaalada guud ee dugsiga iyo tan gaar ahaaneed ee Hab-Nololeedka ardayda ku xeraysan dugsigan,sida Goobaha ay seexdaa,goobaha ay wax ku bartaan,Librariga wax akhriska,Goobaha Cuntada iyo Goobaha ay kuu ciyaaraanba. Xiliyada aynan waxbarasho jirin Waxaana ugu horayntii warbixin kooban ka siiyay waftigan xaalada dugsiga maareeyaha dugsiga mudane Bashiir Aaden Xaashi wuxuuna sheegay in ay dugsigan ku xeraysan yihiin arday dhan 527 kuwaasi oo hela adeegyada aas aasiga u ah Daryeelkooda iyo waxbarshadoodaba . Sdoo kale waxaa isna dhankiisa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna madaxa xafiiska caafimaadka mudane c/fataax maxamuud xasan isagoona tilmaamay in xukuumada oo ka duulaysa hadafka siyaasadeed ee u degan dalka iyo deegaankaba ay bilowday soo ururinta caruurtan isla markaana ay dawladu damaanad qaaday Dhamaystirka wax-kasta oo ah baahida caruurtan agoonta ah ee uu nabaddiidku laayay waalidiintoodii,islamarkaana xukuumadu dhabarka u ridatay in ay u noqoto Waalid. Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxwaynaha maamul-goboleedka puntland mudane c/rahmaan sheik maxamed maxamuud faroole wuxuuna sheegay in uu aad uga qiiraysan yahay tirada intaasi le'eg ee uu waalidkoodii laayay nabad-diidka UBO, sidoo kalena tibaaxay in uu aad ugu faraxsan yahay dadaalka xukuumadu ku gacan qabatay caruurtan, islamarkaana ardayda kula dardaarmay in ay yihiin kuwo aad u nasiib badan maadaamo oo ay xukuumada DDSI ka Haqab-tirtay dhamaan baahidooda aas aasiga u ah Barbaarinta Nolosha iyo wax-barashadoodaba,balse looga baahan yahay ardayda in aynan xagal daacinin dadaalka xukuumada oo ay ka soo baxaan waajibaadka ka saaran sidii ay wax u baran lahaayeen ayuu yidhi faroole. Waftigan uu Hogaaminayo Madaxweyne-Goboleedka Punt-land ee Dalkaasi Soomaaliya ayaa Dhawaan Booqasho ku yimid Caasimada DDSI ee Jigjiga,iyagoona Booqashooyin kala duduwan ku tegay meelo ka mid ah Caasimada Jigjiga oo ay ka mid yihiin Jaamacada jigjiga, Kuliyada Caafimaadka ee magaalada jijiga, cusbitaalka wayn ee Rifaralka iyo waliba kuliyada farsamada, xirfadaha iyo tababarada DDSI,oo ay ugu danbaysay Booqashadan Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada Agoonta Jigjiga. Isku Soo wada Duuboo Mudane Faroole ayaa La Amakaagsan Isbedelada Baaxada way ee Dhinacyada Horumarka ka Jira DDSI,sida Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Beeraha iyo Koboca Dhaqaale ee lagu Daliilsan Karo Bilicda iyo Quruxda Magaalada Jigjiga.
  7. JIGJIGA: Safaradii u danbeeyey Madaxda Puntland & goobaha lagu casumay Madaxda Killilka oo Addis ababa & Jigjiga ku casumay Madaxda Puntland Jigjiga: (pp)- Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Casho sharaf aad i qiimo badan ugu sameeyey magaalada Addis ababa Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole, waxaana kullankaas casho sharafta ah ee loo sameeyey wafdiga Madaxweynaha Puntland ay ku aadanayd kala warqaadasho Xaalada guud ee labada degaan Puntland & Kililka iyo iskaashiga labada dhinac. Kaddib markii ay soo gaba-gabowday Xafladii Cashada ee magaalada Addis ababa ayaa Subaxii xigay u wada-duuleen madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa & madaxweynaha Kililka Cabdi Maxamuud Cumar magaalada Jigjiga, iyagoo maalinkii shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga , iyadoo halkaas ay ku dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlada DDSI ee deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo waxgaradka deegaanka Jigjiga. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka hadlay Casho sharafta loo sameeyey ayaa aad uga mahadceliyey sidda wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen madaxda deegaanka , madaxweynaha Kililka & shacabkaba, kuna tilmaamay inay tahay mid muujinaysa wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxeeya dadka Walaalaha ah ee kala degan Puntland & Killilka Soomaalida Ethiopia. Madaxweynaha Puntland & wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay Kuliyadaha,Jaamacadaha, hospitalka Magaalada Jigjiga iyo meelo kalaba oo taariikhiya , waxaana madaxda Puntland ay aad ugu bogaadiyeen madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar & maamulkiisa horrumarka ay ka sameeyeen deegaanka , kuna dhiirigeliyey inay halkaas ay ka sii wadaan howsha wanaagsan ee dalka u qabteen. Waa markii ugu horaysay uu Madaxweynaha Puntland & Wafdigiisu ay safar aad u dheer ku kala bixiyaan Deegaanka Killilka iyo magaalada Addis ababa oo madaxda dalkaasi ay kula yeeshay kullamo dhanka xiriirka xoojinta dhaqaalaha amniga labada mandaqood. Madaxwenaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa la hadal hayaa inay ku laabanayaan magaalada Addis ababa, markaasna uga soo duuli-doonaan deegaanada Puntland , gaar ahaan caasimada Puntland ee Garoowe. Daabacaadda: Puntlandpost.com
  8. Madaxweyne Faroole oo soo gaaray Jigjiga Jigjiga, 15-Jun-2012 - Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Madaxweyne Faroole iyo waftigiisa ayaa si weyn oo aan la qiyaasi karin loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga. Faroole iyo waftigiisa ayaa inta ay joogaan Jigjiga waxey kulammo kala duwan la yeelan doonaan madaxda ugu sarsareysa xukumadda degaanka Soomaalida. Madaxweyne Faroole iyo Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa kulan kooban ku qaatay madaxtooyada kahor intii aan Faroole iyo waftigiisa la geynin guriga martida. Kulanka labada masuul ayaa ahaa mid billaaw u ah kulammo dhowr ah oo ay kaga wadahadli doonaan xiriirka labada shacab, xoojinta ammaanka iyo sare u qaadidda ganacsiga labada dhinac. Labada madaxweyne ayaa isbuucan waxey horrey ugu soo kulmeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasoo uu haatan waftiga Madaxweyne Faroole ka soo kicitimay. Wabishabeele.com
  9. Xaaji It's the President's first trip and official visit after he received an invitation from the President of Somali Region of Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Inshaallaah Pictures and Videos will be available.
  10. BREAKING NEWS—- President Abdirahman Farole reaches Jigjiga. Puntland President Abdurahman Mohamed Farole along with several members delegation from Puntland government reached Jigjiga the capital of Somali region in Ethiopia on Friday, Puntlandi reports. During the visit the president will meet Somali regional officials including president, cabinet ministers, and also local businessman and elders. Prsident Farole and his delegation has received a warm welcome after they reached in Jigjiga from Addis Ababa were president took days of meetings and consultations with federal government of Ethiopia. President Farole and his counterpart Mr. Abdi Mohamed Omar have had a brief meeting at presidential palace. Sources told Puntlandi the visit of the president has multi purposes. The president will emphasize the relation between two sides, and improving trade relation. Puntlandi.Com
  11. War Deg Deg ah—- Madaxweyne Faroole oo gaarey Jig jiga Jigjiga(Pi) Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo wafdi uu ayaa goor dhaweyd gaarey Caasimada Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, Madaxweynaha waxaa halkaas kusoo Dhaweeeyey Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar. Ujeedada booqashada Madaxweyne Faroole ayaa ah xoojinta xiriirka labada dhinac, kawada shaqaynta amaanka iyo Ganacsiga. Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Cabdi Cumar ayaa horey ugu kulmey todobaadkaan dhexdiisa Magaalada Adis ababa oo Madaxweyne Faroole u joogay booqasho rasmi ah. Faahfaahinta iyo sawirada safarka Madaxweyne Faroole uu ku joogo Jigjiga kala soco Puntlandi.com isla maanta. Puntlandi.com Jig jiga
  12. Madaxweyne Faroole oo booqasho ku imanaya Jigjiga Jigjiga, 14-Jun-2012 - Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Sheekh Maxamed (Faroole), iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho ku imanaya magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweyne Faroole oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa waxey halkaa kulammo ku yeesheen Madaxweynaha deegaanka Soomaalida, mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna Madaxweyne Cabdi marqaad rasmi ah u fidiyey Madaxweyne Faroole. Labada madaxweyne ayaa kulammadooda Addis Ababa waxey isla soo qaadeen qodobo ay kamid ahaayeen xiriirka soo jireenka ah ee labada shacab ee walaalaha ah, ganacsiga iyo adkeynta wadashaqeynta labada geesood. Madaxweyne Cabdi ayaa tan iyo intii uu qabtay talada dowlad deegaanka Soomaalida wuxuu dardar xooggan galiyey iskaashiga iyo wadashaqeynta uu deegaanka Soomaalida la wadaago deegaannada iyo maamul gobolleedyada kale ee gobolka. Shacabka magaalada Jigjiga ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta Madaxweyne Faroole iyo waftigiisa, kuwaasoo Addis Ababa ka soo raaci doona Madaxweyne Cabdi. Wabishabeele.com
  13. Madaxweyne Faroole oo booqasho ku tegay magaalada Jig-jiga Jig-jiga(WNT)-M/weyne C/raxamaan Max’ed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray xarunta is maamulka Soomaalida ee Jig-Jiga,waxana wafdigaani sida la sheegay ku sugnaan doonaan magaalada Jig-Jiga mudo sida 3 cisho ah. Faroole ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyey magaalada Jig-jiga waxana soo dhoweeyey xubno ka tirsan maamulka Soomaalida oo hogaaminayo M/weynaha ismaamulka Soomaalida Cabdi Max’ed Cumar (Ilay). Faroole iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa lugtooda labaad inay ku tegi doonaan xarunta dalka Jubuuti ee dalka Jabtuu,oo uga sii kicitimi doonaan dalka Soomaaliya. Faroole iyo wafdigiisa ayaa mudadii ugu danbaysay waxay ku sugnaayeen dalka Ethiopia oo ku joogee booqasho rasmi ah,taasi oo uu kaga qayb kulan ay isugu yimaadeen saxiixayaashii geedi socodka nabada (Road map). Xafiiska wararka Waayaha.net