Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. ^He thinks Dr. Faroole is some kind of a tyrant who holds people at gunpoint. No, Abtigiis is just a clan despiser nothing less nothing more.
  2. Multi-party local elections will take off soon inshaallaah in all the local governments and districts of Puntland State of Somalia.
  3. GAROOWE : Guddiga Doorashada Puntland oo ku dhawaaqey laga bilaabo maanta in Axsaab Siyaasadeed la furan-karo September 11, 2012 Garoowe:-Guddiga kumeelgaark ah ee Doorashada Puntland ayaa maanta (Talaado) ku dhawaaqey in la furan-karo Axsaab Siyaasadeed kuwaas oo la diiwaan galintoodo socon doonto muddo 3 bilood ah. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Maxamed Xassan Bare ayaa waxa uu sheegey in si sharci ah maanta laga bilaabo ay Axsaabtu u furan yihiin oo ciddii daneyneysa ay isdiiwaan galiyaan, waxaana la diiwaan galineyn Xisbigii Ciidan leh amaba beel loo arko. Warbxinta oo faahfaahsan Insha’allaah goordhow ayaa soo daabaceynaa. Puntlandpost.com
  4. Great Day for Puntland! Somalia is seeing great days this week. First the election of Sheikh Mahmoud for President yesterday and now the announcement of Democracy taking root in Puntland. I will join a political party from today inshaallaah.
  5. First Gaas and now Faroole. I see a pattern developing. Why not call for the removal of that clan's 'political hegemony'? Why is he stopping just a notch away from it? It's clear a fraud will always be a fraud how much you make it seem look nice it will be still recognisable to the common eye. It's up for the Puntland people to select and elect their leaders!
  6. GAROOWE : M-weynaha Puntland “Shaley waan siganee ogaada, eedaasna waxaa leh Guddoonka Baarlamaanka Somalia”. September 11, 2012 Garoowe:-M-wenaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu si diiran u soo dhaweeyay M-weynaha cusub ee Somalia Pro. Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegey in uu aaminsan yahay in uu isbadal ballaaran ka dhalin doono dalka Soomalia, hasa ahaatee, waxa uu eed kulul u jeediyay Guddoonka Baarlamaanka isaga oo ku eedeeyay 20-kii qof ee Guddigii Farsamaddu diideen ee shelay ku biirey Baarlamaanka. “Ogaada shaley waan siganey, waxaana lagu sigtey in uu buuq iyo fawdo dhacdo, ku biiritaanka 20kan Xunbnood ee Baarlamaanka waxaa eedeeda leh Guddoonka Baarlamaanka iyakaana qaadaya waxii dhibaato ah oo ka timaada ayuu yiri”. Sheley oo ahayd maalintii doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa si lama filaan ah ay Baarlamanka u soo galeen oo la dhaarshey 20 Xubnood uu badan dagaal oogayaashii kuwaas oo Guddii Farsamada ee Xulitaanka Baarlamaanku ay ka hor istaageen in ay ku biiraan Baarlamaanka, kadib markii Guddoonka Baarlamaanka uu soo jeediyay in cod loo qaado, taas oo muran kale dhalisey kadib markii 50 Xildhibaan oo joogey banaanka Baarlamaanka cod la qaadey dabadedna ay ku gudbeen tiro aad u yar. Putlandpost.com
  7. “Waxaan halkaas ku soo gudbinayaa Dareenkayga anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca shacbiga reer Puntland, isbadelka weyn ee ka dhacay Mudisho madasha weyn ee lagu dooranayay Madexweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socota, Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madexweynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Gaar ah oo Kasha iyo Laabta ka soo go’day Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta geesinimada helay in ay isbadel cusub sameeyaan oo nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ay u doortaan, oo watiga cusub ee Kumeelgaarka laga baxay la kowsanaya aad baan uga masuud ahay, waana soo dhawaynaynaa, Waxaan Jeclahay oo kale in dawlada Cusub ay nooto midi la filaayay Dawladii Soomaaliyeed, Dastuurkii iyo Hawshii la galiyay, in lagaga saaro dhibaatada hada jirta, Maamuladii gobolada ka jiray ee Federaalka Soomaaliya ka mid noon lahaana la dardar galiyo, wadanka uu gacamaha is absado, Nabadna lagu soo dabaalo dalka ayaa soo dhawaynayaa”
  8. Puntland President Congratulates the president of federal republic of Somalia Posted by Pi2 on September 11th, 2012 On behalf of his government and his People, the president of Puntland Dr. Abdirahman Farole sent a warm congratulation to the newly elected president of Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud. After the new president was elected in massive votes by Somali parliamentarians, Puntland government has immediately showed their admiration to the new president. In a press conference Puntland president Abdrihman Farole sent his warmth welcoming message and congratulations to Mr. Hassan Sheikh Mohamud. Puntland seems they are happy about the new change because they had previously warned about some corrupted leaders to come back at Somalia’s political arena. The light of hope and prosperity has just shined , and I congratulate Somali people to have new face and their effort seems successful” Says Dr. Abdirahman Farole. “To show my feeling and the feeling of my people, I am happy to see the change , and I say the new president “welcome” , the new president would lead Somalia in the coming 4 years” Said Puntland president Dr. Faroole. Puntland president thanked to International Community , African Union, IGAD for their effort to restore the dignity of Somali People. Puntlandi.com
  9. Dr.Farole oo hanbalyo u direy madaxweynaha Somalia 11 Sep 11, 2012 - 2:44:12 AM Madaxweynaha Dowladda Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed ayaa hanbalyo maanta 11 September,2012 u direy Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Dr.Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay lagu doortey Muqdisho. Dr.Farole waxa uu sheegey inay soo dhoweynayaan doorashada madaxweynaha aqoon iyo karti leh islamarkaasina rajo wanaagsan ka muujiyey in dalka isbedel uu ka dhaco. ‘’Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa Dr.Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay loo doortey madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia’’ ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Farole. Madaxweynaha Puntland waxa uu ku eedeeyey gudoonka Barlamanka Somalia inay u ogolaadeen ku biirtaanka golaha rag horey loogu tiriyey hogaamiyaal kooxeedyo islamarkaasina ay celiyeen guddigi farsamo ee qaabilsanaa xulista mudanyaasha. ‘’Xalay Mar baan siganey waxana eedaasi iska leh gudoonka Barlamanka’’ ayuu markale yiri Dr.Farole. Dhinaca kale magaalada Garowe ayaa waxa maanta ka dhacey dibad bax lagu soo dhaweynayo doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia Dr.Xasan Shiikh Maxamuud ,waxana soo abaabuley maamulka gobolka Nugaal. Dadweynaha ku dhaqaan Puntland ayaa siyaabo kala duwan u soo dhoweeyey Doorashadan waxana ay rajo wanaagsan ka qabaan in xaalada dalku isbadal inay ku timaado. GAROWE ONLINE
  10. Faahfaahin: Dawlada Puntland oo u hambalyeeyay Madexweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Shacabka iyo Xildhibaanadanada la qaybsaday Farxada Isbadelka cusub. Posted by Pi1 on September 10th, 2012 Garowe (Puntlandi.com):- Iyadoo Caawa si rasmi ah magaalada Mudisho cod aqlabiyad ah oo aan horay loo arag mid la mid ah loogu doortay Madexweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Cismaan ayaa isla daqiiqadihiiba waxaa si weyn oo niyad sami leh u soo dhaweeyay Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shir-saxaafadeed kooban ku qabtay xarunta Madextooyada dawlada Puntland ee Magaalada Garowe ayaa hambalyo diiran oo niyad sami ay ku dheehantahay u diray Madexweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud. Madexweynuhu wuxuu sidoo kale hambalyadan iyo Farxadan la qaybsaday dhamaan Umada Soomaaliyeed oo uu u sheegay in ay u soo bidhaantay Iftiinkii dawlad rasmi ah oo looga gudbayo kumeelgaarnimada iyo guushii dadaalkii badnaa ee Umada Soomaaliyeed oo kaashanaysa beesha Caalamka ay ku soo bixisay in “Waxaan halkaas ku soo gudbinayaa Dareenkayga anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca shacbiga reer Puntland, isbadelka weyn ee ka dhacay Mudisho madasha weyn ee lagu dooranayay Madexweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya ee 4-ta sano ee soo socota, Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madexweynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa Gaar ah oo Kasha iyo Laabta ka soo go’day Xildhibaanada Soomaaliyeed oo maanta geesinimada helay in ay isbadel cusub sameeyaan oo nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah ay u doortaan, oo watiga cusub ee Kumeelgaarka laga baxay la kowsanaya aad baan uga masuud ahay, waana soo dhawaynaynaa, Waxaan Jeclahay oo kale in dawlada Cusub ay nooto midi la filaayay Dawladii Soomaaliyeed, Dastuurkii iyo Hawshii la galiyay, in lagaga saaro dhibaatada hada jirta, Maamuladii gobolada ka jiray ee Federaalka Soomaaliya ka mid noon lahaana la dardar galiyo, wadanka uu gacamaha is absado, Nabadna lagu soo dabaalo dalka ayaa soo dhawaynayaa” ayuu yiri Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Madexweynaha dawlada Puntland wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Beesha Calaamka oo uu sheegay in Umada iyo Maamulada Soomaaliyeed ay kala shaaysay hirgalinta iyo dhamaystirka Khariiradii Nabadda ee Soomaaliya oo maanta soo gabagaboobay islamarkaana lagu doortay Madexweynihii Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Ilaahay idinkii rajeeyay dadka Soomaaliyeed eek u kala daadsan daafaha Aduunka, Badaha, Maxaabiisyada dadlka ay tahriibta ku tageen, Xeryaha qoxootiga kuwa ku rafaadsan in Ilaahay Nasri cusub in uu u soo furo Ilaahay idinkiis, Madexweynahana nugu damabayntii wuxuu u rajeeyay guul. Hadalka Madexweynaha dawlada Puntland oo uu jeediyay isla daqiiqadihii Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaqay Natiijadii Codka Baarlamaanka ee lagu doortay Madexweynaha Cusub Madexweyne Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna muujinayaa Taageerada muuqata ee Puntland ay u hayso horayna ugu haysay israaca Umada Soomaaliyeed in helitaanka dawlad loo dhan yahay oo ka hana qaada wadanka Soomaaliya. www.puntlandi.com
  11. Madaxweynaha iyo Xukuumada Puntland oo hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee la doortey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Posted by Pi on September 10th, 2012 Madaxweynaha Dowlafa Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa hambalyo iyo bogaadin u direy Madaxweynaha Cusub ee Dowlafa Feedaraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud,. Puntlandi oo daqiiqado ka hor la hadley Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax joore wuxuu noo sheegey in Madaxweyne Faroole isagoo ku hadlayaa Magaca Xukuumafa oyo Shacabka Puntland uu u hambalyeeyey Mafaxweynaha cusub. Madaxweyne Faroole wuxuu kaloo u hambalyeeyey Xildhibaadada cusub oo howl taariikhi ah qantey
  12. Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey doorashada Madaxweynaha Cusub ee DFS September 10, 2012 Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee DFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub ee DFS iyo xildhibaanada dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Madaxweyanaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa ku tilmaamay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud aqoonyahan isbedel keeni kara wuxuuna sheegay in dowladiisa ay si buuxda ula shaqeyn doonto. Madaxweyanaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa sidoo kale u mahad celiyey beesha caalamka iyo dhamaan dadkii kala dhaqeeyey dhameystirka RoadMapka wuxuuna umada Soomaaliyeed u rajeeyey in ay ka baxaan dhibaatadii ay ku jirtay mudo ka badan 20sano. M_M Deeq Halgan.net Isha maqalka BBC
  13. Dawladda Puntland oo si diiran u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Garowe, Sept, 10 - Dawladda Puntland ayaa si diiran oo dareen leh waxay u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxamaan Shiikh Maxamed Maxamuud 'Faroole' oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa caddeeyay sida ay Puntland u soo dhawaynayso madaxwaynaha cusub ee 4-ta sano ee soo socota Soomaaliya maamuli-doona haddii-rabbi-idmo. "Dhabtii waa nin aqoonyahan ah, waa nin aan filaayo inuu Soomaaliya ka samatabixin-karo dhibka maantay haysta, waa nin dhabtii daacad ah, waxaana rajo-wayn aan ka qabnaa Soomaaliya inuu gaarsiin-doono meel-wacan, dibna u soo celin-doono sharaftii iyo ciskii ay Soomaaliya xilliyadii hore aduunka ay ku lahaan-jirtay" sidaasina waxaa yiri madaxwayne Faroole. Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud 'Faroole' ayaa hadalkaan waxaa uu jeediyay xilli aan guddoonka sare ee baarlamaanku si toos ah ugu dhawaaqin cidda ku guulaysatay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya. Maxamed C/llaahI Cali 'Kooshin' Radio Daljir.
  14. Puntland greatly welcomes the change in Somalia and especially thanks the MP's for bringing about that change by voting for an educated and young new President for the Federal Republic of Somalia and wishes the President great Success.
  15. Somalia deserves change and nothing less. Inshaallaah Sharif's term comes to an uprupt end.
  16. This are failed uneducated and ignorant men who have failed in the past. This is what President Faroole has been talking about. This individuals have been tested before and have done nothing to erect the people or the country the only thing they actually did and people will remember them for is corruption and failure to deliver.
  17. Puntland is saying no to corruption, manipulation and intimidation. I will soon post the audio by President Faroole inshaallaah.
  18. Puntland is against corruption as it was the leader in the pacification of Somalia from Gaalkacyo Agreement and the Garoowe I and II accords. It is against the coalition of groups who have failed in the past and are now using money to buy the parliamentarians for their favour. It's a timely and wise call.
  19. Somalia: Puntland Warns Against Manipulation of Presidential Election(Press Release) Puntland State of Somalia Garowe PRESS RELEASE 8 September 2012 Puntland Government warns strongly against continued alleged practices of manipulation, corruption, coercion, and intimidation during the last days of the Somali presidential election process. Among the Somali Signatories, Puntland has played a primary role during the Roadmap to the End of Transition Process in Somalia, including hosting two National Constitutional Conferences in the state capital of Garowe and playing a leading role at Roadmap Signatories Meetings in Galkayo, Addis Ababa, and Nairobi. Reference is made to Puntland Government press statements of: 10 June 2012, where Puntland warned against spoilers derailing the peace process in Somalia; 4 July 2012, where Puntland supported formation of the emerging and remaining Federated States of Somalia, as per constitutional requirements; 26 August 2012. where Puntland warned against continued political interference in the selection process for Members of Federal Parliament; Puntland also notes the nomination of a Government Committee on Federal Affairs tasked with monitoring political developments and the election process in Somalia; 28 August 2012. where Puntland welcomed the transparent election of the new Speaker of Federal Parliament H.E. Mohamed Osman Jawari and encouraged the new Speaker to pursue a parliamentary agenda, in accordance with the Provisional Federal Constitution of Somalia. Having noted renewed alliance among known failed politicians, Puntland reiterates its position and calls upon Federal Parliamentarians for a fresh start by electing a capable and trustworthy statesman candidate for the position of Somali President, followed by the nomination of a likewise candidate for Prime Minister of the Federal Republic of Somalia. Therefore, Puntland warns strongly against electing politicians who have been tested and failed in the past to fulfill entrusted national tasks, in favor of personal gains and a record of inciting community hostilities and leading to further national fragmentation. If such elements are elected through unfair practices, Puntland State reserves the right to decide its own destiny, in accordance with provisions of the Puntland Constitution. — END —
  20. Khalkhalgelinta doorashada madaxtinimo oo PL ka digtey 8 Sep 8, 2012 - 5:40:25 AM Dowladda Puntland ee Soomaliyeed ayaa ka digtey musuqmaasuqa doorashada madaxtinimo ee Somalia oo sida ay sheegtey maalmihi ugu danbeysey socdeen dhaqano khalkhalgelinkara hanaanka siyaasadeed ee Somalia. War saxaafaded ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole galabta 08 September,2012 ayaa lagu shaaciyey arintan ,waxana uu u qornaa sidatan hoos ku xusan: Puntland State of Somalia Garowe Dowladda Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya WAR SAXAAFADEED 8 September 2012 Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta, musuqmaasuqa , iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garowe Shirarkii Qaran ee Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay magaaloyinka Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi. Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee: • 10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka Sooomaaliya; • 4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka, sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya; • 26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga Arrimaha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka; • 28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Iyadoo ay u muuqatay dib usoo noolaanshaha istaageeridda siyaasiyiintii fashilmay, Puntland waxay ku boorinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay dalka ku jiheeyaan waddo cusub oona doortaan siyaasi aaminaad leh, hufan, una qalma jagada Madaxweynenimada iyo Rai’sul Wasaarenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysaa doorashada siyaasiyiin hore loo tijaabiyey kuna fashilmay xilkii Qaran oo loo igmaday, iyagoo ka doorbiday danahooda gaar-ahaaneed iyo iskudirka iyo soo nooleynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celineysa burburkii Soomaaliya. Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland. GAROWE ONLINE
  21. Abwaan I am not those who entertain the notion of patronising other's or putting them into stereotypes but the cat's observation has some truth to it. Kismayo is so near but far at the same time.
  22. GD Minister Da'uud is building school and taking care while other's are dining lavishly in Mogadishu.