Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Wasiir Kuxigeenka Dekeddaha,Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcadbadeeda Eng Maxamed Ciise”LACLE"
  2. Taliyaha Ciidamadda Badda Dawladda Puntland Admiraal Guuto Cabdirisaaq Diiriye Faarax
  3. Cali Cabdi Awaare is a heavy weight Politician with great caliber
  4. Garowe: Wakiilka EU Somalia oo booqasho ku yimid 23 Sep 23, 2012 - 2:54:16 AM GAROWE ONLINE Wakiilka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michal Caravan ayaa maanta 23 September,2012 waxa uu booqasho ku yimid magaala madaxda Puntland ee Garowe. Xarunta madaxtoyada ayuu kulan kula qaatey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ,kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo saraakiisha madaxtoyada. Kulankan oo gaar u ahaa dhinacyadan ayaa markii uu soo dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii ay isla soo qaadeen labada dhinac intii shirkoodu socdey. Ugu horeyn Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa ka booqashadan ku tilmaamey mid isbarasho iyo kala warqaadasho guud ahaan xaalada Puntland iyo tan Somalia. Xoojinta xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale shegeey Dr,Farole inay ka wada hadleen iyo weliba horumarinta mashaariicdii ay dalka EU ka wadeen. Maadaama dalku ka baxay KMG-nimada islamarkaasina marxalad cusub la galay ayuu tibaaxey madaxweynaha Puntland iyo inay rajaynayaan in Midowga Yurub ay dardargeliyana hawlihii ay ka wadeen Puntland. Dhankiisa ayuu tilmaamey Wakiika EU-da Somalia u qaabilsan Michal Caravan in markii la magacaabeyba u Somalia u soo dhoofey si uu kulamo ula yeesho dhinacyada.ayna isla soo qaadeen anisixintii dastuurka Puntland. Waxa uu xusey Caravan inaan marnaba la ilaawin karin dadaalkii Puntland u gashey dhamaystirkii KMG-nimada Somalia,isagoona raaciyey in Somalia bog cusub u furmey oo gashey marxalad dowladnimo. Midowga Yurub ayuu sheegey in 20-kii sanno ee la soo dhaafey taageero la dhinac taagnayeen Somalia, ‘’Waxaan u mahdcelinaya Madaxweyne Farole ,wada hadal qiimo badan ayaan yeelanayo ,waxana rajeynayaa dhaqso inaan ku soo laabto’’ ayuu ku soo dhameeyey hadalkiisa wakiilku. Booqashooyin ayuu ku soo marey Michal Caravan Mauqdisho iyo Hargeysa ka hor intaanu iman Garowe ,waxana guud ahaan ahaayeen kulamadaasi kuwo la isku baranayey laguna kala warqaadanayey.
  5. For the English-challenged Somali readers among us FAAHFAAHIN: Wasiirka Arimaha dibadda Kenya oo ka hadlay Qaraxii lala eegtay. Fartana ku fiiqay Masuuliyiin hore oo uu Tuhmayo Wasiirka arimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in isku haysiga awoodda ee dalka ka jirtay ay masuul ka ahayd qaraxii lala beegsaday wafdigiisa xilli ay la shirayeen madaxwaynaha cusub ee dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa isku xiray laba arimood oo isku waqti dhacay, waa tan koowaade madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Kenya ka codsaday inay doorashada ka taageerto taasoo lagu guul daraystay waxayna soo da dajisay in isku day dil uu dhoco. Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu soo beegay wafdiga dawladda Kenya. “Doorashada ka hor, Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ila hadlayay muddo saacad iyo bar ah, wuxuuna dawladda Kenya ka codsanayay inuu mar ku fariisto kursiga madaxtinimada . Laakiin anigu waxaan u sheegay in dawladda Kenya aysan rabin inay taageerto dhinac kamid ah dhinacyada doonaya madaxtinimada dalka Soomaaliya , balse ay doonayso doorasho caddaalad ah oo madaxbannaan, si loo soo celiyo nabaddii iyo kala danbayntii la la’aa 22 ka sano” ayuu yiri Prof Ongeri. Wasiirku wuxuu sheegay inuu aad ula yaabay isla markii qaraxu dhacay wax yar kadib inuu arkay Shariif oo Hotel Jazeera jooga, asagoo aad mooddid inuusan waxba kasoo qaadin waxa dhacay. “Inkastoo ay shabaab aqabashay masuuliyadda dhacdadaasi, ma ogi in ay tahay dhacdo isku soo aad ah in Shariif uu goobta qaraxa yimid isla markii uu qaraxu dhacay” ayuu yiri Prof Ongeri. Wasiirka arimaha dibadda waxaa weheliyay , xildhibaannada kala ah, Aadan Keynaan, Fred Kapondi, Mohamed Affey, Hussien Ali , caawiyihiisa gaarka ah , Jackson Nyagaka iyo Waardiyihiisa Mr. Njagi. “Waxaan aaminsanahay in Ilaahay uu dib u dhigay imaansheheennii magaalada Muqdisho . Ma jirin faah faahin dhammaystiran oo ammaanka kusaabsan saacadihii hore markii nalaka filayay inaan nimaadno caasimadda xilli ay jireen nabad iyo daganaan” ayuu yiri Ongeri. Markii wafdigu yimaadeen 3 saacadood kadib xilligii la filayay , ayuu wasiirku ka sheegeekeeyay in loo keenay gaadiid caadi ah, waxaase taas ka biyo diiday ergayga Kenya ee Somaliya Mr. Wafula Wamunyinyi iyo General Karanja. Markaad tahay bartilmaameed culays badan, ma ahan inaad kusocotid gaadiidka caadiga ah, wasiirka ayaa ereyadaasi soo xasuustay asagoo uu ku leeyahay Mr. Wamunyi. Wasiirku wuxuu sheegay inay hoteelka kusoo gareen gawaari gaashaaman,markay hotelka joogeen oo uu akhrinayo fariintii madaxwayne Kibaki ee aan u waday madaxwayne Xasan ayaan maqalnay ayuu yiri rasaas bannaanka ka dhacaysa. “ Inkastoo aan sii waday fariintayda aan u waday madaxwayne Xasan, oo ahaa nin deggen walow ay rasaas culusi dhacaysay, waxaan arkayay wafdigii Kenyatiga ah oo ay saxafiyiin ku jiraan oo Miiska hoostiisa ku dhuumanaya” ayuu yiri Prof Ongeri. Wuxuu intaasi raaciyay : “ Waan ducaystay , waana is dajiyay anigoo ogaa in ilaahay na halligi doonin anagoo u soconna arin wanaagsan”. Arinta ugu xumayd waxay ahayd markii mid kamid ah dadkii weerarka soo qaaday la toogta qalabkii ku xirnaana uu qarxay, asaga hilibkiisii oo goo goayna uu soo gaaray daaqadda qolka aan ku shiraynay. Wasiirku wuxuu yiri afar kamid ah dadka weerarka soo qaaray inay ku hubaysnaayeen waxyaabaha qarxa oo aad u xooggan, midna murugo iyo dhib ayuu abuuray markii uu isku qarxiyay iridka hoteelka. “Laakiin ilaahbaa mahadleh mid kamidah qaraxa ku rakibnaa mid kamid ah kuwa soo qaaday weerarka ma uusan qarxin, ee hotelka oo dhan ayuu dhulka dhigi lahaa” ayuu yiri Prof Ongeri. Wasiirku wuxuu ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay taageeraan madaxwayne Xasan Sheekh si uu dalka dib ugu dhiso. Source: Daily Nation Waxa tarjumay Puntlandi.com