Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Madexweyne Faroole oo maanta ka qaybgalay kulan looga hadlayay habka diiwaangalinta ururada Siyaasadeed ee Puntland. Posted by Pi1 on November 15th, 2012 Garowe(Puntlandi.com):- Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta ka qaybgalay kulan looga hadlayay habka diiwaangalinta ururada Siyaasadeed ee Puntland. Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka hay’ada Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa ka soo qaybgalay Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka, Culima’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka, qaybaha Warbaahinta iyo xubno farabadan oo ka socday ururada bulshada rayidka ah ee Puntland waxaana soo qaban qaabiyay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC). Furitaanka kadib xubnihii kulankan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheikh C/qaadir Nuur faarax oo aad ugu dheeraaday Alle ka cabsiga iyo ku baraarujinta bulshada cibaadada alle, wuxuuna aad uga hadlay Abuurka alle ee bina’aadamka iyo sida wanaagsan ee uu wax u maamulay. Sheikh C/qaadir Nuur faarax wuxuu bulshada soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan umada reer puntland ku dhiirigaliyay kulana taliyay in ay maslaxada caamka ah ka horumariyaan midooda gaarka aha is loo wada gaaro horumarka guud ee umadadeed iyo midka deegaanba, wuxuuna aad ugu celceliyay ahmiyada ay leedahay in umadu ay midawdo. Shiekh C/qaadir Nuur faarax wuxuu soo dhaweeyay dadaalka dimoqraadiyada in codka shacabka la muujiyo oo ay kala doortaan shaqsiyaadka danahooda ay u arkaan in uu u adeegayo, wuxuuna aad uga dardaarmay in talo wadaag in maamulku uu noqdo bulshaduna ay taladoodu noqoto mid wax lagu hagaajinayo. Sheikh C/qaadir Nuur Faarax wuxuu sheegay in dawlada hada jirta ay wax badan qabatay mudadii ay jirtay amniguna uu ka mid yahay waxyaabaha hada la taaban karo ee natiijada fiican laga keenay. Cali faarax oo ka mid ah saraakiisha hay’adda PDRC oo isna kulankan ka hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay hay’adda PDRC iyo waxyaabaha ay ka shaqayso, wuxuuna carabaabay in hay’adani ay aad uga shaqayso Nabada iyo Dimoqraadiyada wuxuuna yiri isagoo arrinkaasi ka hadlaya “PDRC waa madal dhexdhexaad ah oo ka shaqaysa Nabadda iyo dimoqraadiyada”. Cali faarax wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee shirkan joogtay iyo madexda dawladaba ku soo dhaweeyay xarunta PDRC oo uu tilmaamay in ay u furan tahay bulshada Soomaaliyeed oo dhan, wuxuuna aad carabka ugu adkeeyay in nabada laga wadashaqeeyo, horumarka muuqda ee Dimoqraadiyada iyo axsaabta bandanna loo wada guntado wuxuuna yiri “ Axsaabta badan dan yay dalka iyo dadkaba u tahay waayo waxaa imaanaya tartan dhexdhexaad ah oo waafaqsan danta guud iyo midnimada”. Abshiro Muuse Ciise oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa ujeedada shirkan sharaxday waxayna carabaabtay in kulankani uu ku qotomo sidii kor loogu qaadi lahaa diiwaangalinta iyo dimoqraadiyada. Abshiro waxay kaloo sheegtay in kulankan inta uu socdo la isku waydaarsan doono su’aalo iyo afkaar farabadan oo la xiriira dhiiranaan la’aanta, iyo baqdinta ay bulshadu ka qabaan furahsada Ururada Siyaasadeed iyo sidii loo baahin lahaa geedi socodka dimoqraadiyada ee Puntland. “Deegaankeenu wuu u baahanyahay Dimoqraadiyadda oo ah mid horseedaya Sinaan, Cadaalad iyo Horumar , wuxuuna kulanki ujeedkiisu yahay in aan bulshada ka dhex ogaano waxyaabaha hortaagan in ay dardar gasho hawsha furashada ururada Siyaasadeed” ayay tiri Marwo bashiro oo hadalkeeda sii wadata. Abshiro muuse Ciise waxay dhiirigalisay in haweenku ay ka qayb qaataan Ololahan islamarkaana ay ku dhiiradaan haweenku in ay ka mid noqdaan dadka ururada Siyaasadeed Furanaya. Kulankan manta waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka puntland Maxamed Xasan Barre , wuxuuna isna aad uga hadlay marxaladan ay puntland ku jirto iyo dadaalka guddigu uu ugu jiro in Puntland ay ka hirgasho dimoqraadiyadu. Maxamed Xasan Barre wuxuu bulshada ugu baaqay in ay dadaalkan ka qayb qaataan kuna taageeraan guddiga iyo dawladaba siii looga gudbi lahaa marxalada qabiiliga ah looguna gudbi lahaa marxalada dooga iyo barwaaqada leh ee Dimoqraadiyada. Wuxuu kaloo tilmaamay in ay haboontahay bulshadu in ay ku dhiirato in ay ururada Siyaasadeed soo diiwaangashadaan islamarkaan aay u tartamaan in ay u gudbaan marxalada sadexda Urur ee ugu horeeya tartanka loogu aqoonsanayo in ay yihiin sadexda Xisbi ee Puntland. Intaasi kadib guddoomiyuhu wuxuu hadalka ku soo dhaweeyay Madexweynaha dawlada Puntland oo dhinacyada ka fadhiyaan madexweyne ku xigeenka iyo xubno farabadan oo ka tirsan golaha Wasiirada ee Puntland. Madexweynaha dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu aad ugu dheeraaday dadaladii kala duwanaa ee lagu soo bixiyay sidii Puntland ay uga guuri lahayd habka qabiilka ku dhisan islamarkaana ay ugu gudbi lahayd marxalad siyaasadeed oo ku salaysan dimoqraadiyada caalamka meelo ka mid ah ka jirta. Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in geedi socodka dimoqraadiyada Puntland uu la mid yahay Wabi leh biyo qulqulaya ee aan dib loo celin Karin, taas oo uu uga jeeday madexweynuhu in aysan jiiri Karin sabab keeni karta in dib looga noqdo hanaankan natiijadiisu muuqato waqtiga dhaw ee la filayo in Puntland ay nabad, Xasilooni iyo horumarba u horseedo. Madexweyne C/raxmaan wuxuu sheegay sidii ay dawladiisu u balanqaaday in ay wali u socdaan dadaaladii Puntland horumarka, Sinaanta iyo cadaalada lagu gaarsiin lahaa, go’aanka arrinkaasina wuxuu tilmaamay in ay lahaayeen dadka reer puntland oo wakiil dawlada uga dhigtay. Madexweynuhu wuxuu carabaabay in marxaladani ay qeexayso in cidii dadku u doorto in ay hogaamiso ay hogaamin doonta umada iyo maamulkoodan Puntland. Madexweynaha dawlada puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dimoqraadiyadu waxa ay tahay iyo caalamka wada ka qaatay ee isbadelka horumarka leh gaaray, wuxuuna tusaale u soo qaatay wada Islaamka gaar ahaan Indonesia, Turkey, Malaysia, Egypt iyo Tunisia oo ay maamuli jireen xukunno kaligood taliyayaal ah qaarkood ay hada qaateen Dimoqraadiyada sida Tunisia iyo Egypt oo ay ku soo baxeen hada islamarkaana doorashooyin xor ah oo tartan dheer loo maray ay ka dhaceen. "Reerku meel cusub dego waxaa uga wanaagsan uguna dhib yar in uu dego jabad horay loo degay, inaguna hada waxaa ka waafi’daysanaynaa Nidaamkan dimoqraadiyada ee la inooga horeeyay” ayuu yiri Madexweyne Faroole oo arrinka dimoqraadiyada ka hadlayay. Madexweynuhu wuxuu dhaliilay fikirka khaldan ee sida aan wanaagsanayn loogu fasirayo Ereyga Islaamiyiinta wuxuuna carabaabay in ujeedooyin gaar ah ay ka dambeeyay in dadka qaybo ka mid ah la yiraahdo Islaamiyiin dadka si bulshooyinka caalamka feker khaldan looga fahamsiiyo. Madexweyne C/raxmaan wuxuu ka dhawaajiyay in dadka wanaagsan ee Puntland ay badan yihiin, shacabkuna uu rabo nidaamkan dimoqraadiyadda sidii ay ku ansixiyeen dastuurkii Puntland taas oo ah mid aan la qarin Karin. “Waa geedi socod inaga reer Puntland ahi mulkiyadiisa leenahay oo aysan cid caalamka kale faragalin inooga samayn Karin, waxaana codsanaynaa taa badelkeeda in Caalamku nagu taageero” ayuu yiri Madexweynahad dawlada Puntland. Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in xeerkii doorashooyinka dib loogu moqday iyadoo la xeerinayo duruufo badan oo wadanka ka jira, wuxuuna kaloo wax ka taabtay Urur siyaasadeedkii uu shalay ku dhawaaqay oo uu tilmaamay in ay jiraan asbaabo badan oo ay magaca horseed ugu bixiyeen ururkaasi. “Wax walba waa laga baqaa markey cusub yihiin laakinn anagaa idiin bilawnaye ku dayda, waana idiin jilcinaye raaca” ayuu yiri Madexweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata. Intii uu shirkan socday waxaa ka qaybgalayaasha oo Madexda sare ee dawladu ay goobjoog yihiin loo soo bandhigay Filim ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geedi socodka dimoqraadiyada ee Puntland. Arrimaha ugu muhiimsan ee shirkan loo qabtay waxaa ka mid ah in bulshada loo soo bandhigo isbadelo lagu sameeyay qodobada furashada Ururka horay looga soo saaray oo ay ku jiraan arrimaha ay ka mid yihiin Lacagta diiwaangalinta oo laga dhigay 7000 oo doolar halkamarkii hore ay ahayd 15000 oo Dollar, Lacgata laga qaadayo sadex xisbi ee tartanka ka gudba oo laga dhigay $ 15,000 halka Markii hore ay ahayd $ 30,000 iyo qodobka qeexaya in xisbi walba uu 300 oo qof uu ku yeesho 5 ka mid ah gobollada Puntland halka markii horena uu ahaa in xisbigu uu 300 oo taageere ku yeesho dhamaan gobollada puntland. Kulankani waxaa loo qorsheeyay in uu socdo labada galin ee maanta waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo iyo natiijo wax ku ool ah marka ka qaybgalayaashu ay isku waydaarsadaan afkaartooda kala duwan su’aalahoodana ay guddiga si waafi ah u waydiiyaan. www.puntlandi.com
  2. The Jubbaland Process is near for completion
  3. The companies main task will be: 1. To do a count of the Population of Puntland and register 2. Produce state-of-the-art Biometric Identification cards that cannot be replicated 3. Register all the 10 fingerprints of each individual 4. Register Iris of the individual 5. Register Digital Picture and Signing of the individual 6. Give each a 9 digit number called State ID number 7.Give out Family number for the whole family
  4. A IT company belonging to Puntland citizens named PII Tech has got a contract from the Puntland State Government to make count of the people and produce advanced, state-of-the-art Puntland State Identification cards for its citizens.
  5. Puntland oo dhawaan bilaabeysa Diiwaan galinta shacabka iyo samaynta Kaarar aqoonsi oo casri ah(Faahfaahin Shirkada samaynaysa States ID Card) Posted by Pi on November 14th, 2012 Sida ay Puntlandi warar hoose ku heleen waxaa dhowaan si rasmi ah u bilaabanaya Tira koobka iyo diiwaan galinta shacabka Puntland, iyadoo ay shirkado IT ah oo Dad reer Puntland ah leeyihiin ay heleen qandaraasyo lagu sameynayo Kaarar aqoonsi oo casri ah. Shirkad lagu magacaabo PII Tech oo dhalinyaro Aqoonyahano Reer Puntland ah leeyihiin ayaa ku guuleysatey qandaraaska Kaarar u sameynta shacabka Puntland iyadoo la sheegey iney shirkadaan ku muteysatey iney ku Guuleystaan Qandaraaska, qalabka casriga ah ee ay soo bandhigeen iyo sida ay howsha lagarabo u qabanayaan, qandaraaska waxaa bixinayey Dowlada Puntland. Shirkadu waxay samaynaysaa Kaarar casri ah, kaarkasoo loo baxshey sida aan xogta ku heley STATE ID, kaarka waxaa lagu sameynayaa qalabka ugu casrisan ee aqoonsiga lagu sameeyo, wuxuuna leeyahay chip ay ku jiraan ID nr, sawirka faraha iyo indhaha qofka kaarka leh. Shirkadaan waxaa shaqadeeda ugu weyn 1. Diiwaan galinta shacabka ka Puntland 2.. Aqoonsi casri ah oo aan lagu been abuuran Karin 3. Diiwaan galinta 10 ka farood ee shaqsiga 4. Diiwaan galinta indhaha shaqsiga 5. Sawirka iyo saxiixa Qofka oo digital ah 6. Lambar ka kooban 9 number oo Qof waliba gooni u ah (state ID number) 7. Family ID number (wadaag ah oo Qoyska oo dhan wadaagaan Waxa iayana horaanta sanadkan bilaabanaya wacyi galinta bulshada Puntland oo lagu wacyi galin doono sida ay Bulshadu uga qayb qaadan doonto Codeynta, Xisbiyada, habka Doorshooyinka, ololaha ay siyaasiyiintu u sammeyn doonaan xisbiyadooda iyo kaararka aqoonsiga. Dhaqaalaha waxaa bixinaya Midowga Yurub. Puntlandi.com Post@puntlandi.com
  6. Qodobka 15aad Waaxda Maamulka Waaxda Maamulka waxaa hogaaminaya maamulaha hawlaha maamulka ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, hawlahiisa u gaarka ahina waa sida soo socota: 1. Waa masuulka loogu talagalay maamulka ku saabsan Guddiga Doorashooyika Puntland iyo inta hoos tagta oo idil. 2. Waa masuulka ugu dhow xilka shaqaalaha hay’adda doorashooyinka, si toos ahna warbixin uga siiya guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland. 3. Wuxuu diyaarinayaa qorshaha guud ee loogu tala galay doorasho kasta, waana in uu si qeexan ugu xiro hawlaha siday isugu xig-xigeen iyo muddada lagama maarmaanka ah ee loogu tala galay mid kasta, ka dibna horgeeyo Guddoomiyaha GDP. 4. Wuxuu siinayaa warbixin xilliyeed Guddiga, warbixinadaas oo ku saabsan xaaladda la xiriirta hawlaha maamulka Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo wixii soo jeedin ah ee lagu sii hagaajinayo. 5. Dhammaan hawlaha u gaarka ah ee kale ee uu u xil-saaray xeerka doorashooyinka amase Guddiga Doorashooyinka Puntland. Qodobka 16aad Waaxda Maaliyadda Waaxda maaliyadda waxaa hogaaminaya maamulka maaliyadeed, waajibaadyadiisa ugu muhimsana waa sidan: 1. Qorshaynta, abaabulidda, isku-dubbaridka maaliyadda ee Guddiga Doorashooyinka Puntland. 2. Maamulidda, hubinta sharcinnimada iyo ku habboonaanta iyo diiwaan-galinta dhammaan hawl fulinta maaliyadeed, si waafaqsan xeerka iyo nidaamyada hawlaha maamulka la xiriira ee Guddiga Doorashooyinka Puntland faray. 3. Gudashada hawlaha lagama maarmaanka ah, diyaarinta kharashyo loogu talo galay hawl socodsiinta Guddiga doorashooyinka Puntland ee wakhtigaas taagan. 4. Diyaarinta dukumentiga lagama maarmaanka ah ee maaliyadda, lana helo xisaab socota ee Banki oo loogu tala galay helidda deeqaha Guddiga Doorashooyinka uga yimaada hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha bixiya, xukumadda amaba ilo kale ee sharciyeysan. 5. Sharaxidda qorshaha loogu tala galay miisaaniyadda caadiga ah iyo tan aan caadiga ahayn ee Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo hor- gayntooda guddoomiyaha Guddiga. 6. Dhammaan amarrada xilalka kale ee xeerka iyo xeer-hoosaadyada Guddiga ay farayaan. Qodobka 17aad Waaxda Sharciga Waaxda sharciga waxaa hogaaminaya sharci-yaqaan la taliya Guddiga Doorashooyinka Puntland wuxuuna leeyahay xilalka soo socda; 1. La talinta GDP xagga sharcinnimada go’aannadooda. 2. Diyaarinta ra’yi sharci marka GDP ka xaajoonayo arrimaha doorashooyinka, soo jeedinta sharciyeed ee garyaqaanku u soo jeediyo GDP haddii la diido waxaa la gelinayaa galka dacwadaha rasmiga ah. 3. Diyaarinta wax ka beddelka xeerka doorashooyinka, kaasoo GDP horgaynayo Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada. 4. Matalidda GDP maxkamada horteeda amase mid ka mid ah Guddiga oo lagu eedeeyey dambi ciqaab ah isagoo gudanaya xilkiisa, haddii dacwayntu ka timaado GDP la taliyaha sharcigu wuxuu qaadanayaa kaalinta dacwaynta. 5. Awoodaha iyo xilalka kale ee uu xeerku siiyo. Qodobka 18aad Habka Fadhiyada Guddiga Doorashooyinka Puntland 1. Guddiga Doorashooyinka Puntland wuxuu xaruntiisa ku qabanayaa shir caadi ah ugu yaraan todobaadkiiba hal mar. 2. Kooramka shir/fadhi kasta ee Guddiga Doorashooyinka Puntland looga baahan yahay waa 5(shan) xubnood, go’aannadiisuna waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah. 3. Aqlabiyadda GDP marka ay la tahay inuu jiro arrin u baahan in si deg-deg ah looga xaajoodo waa inay guddoomiyaha ka codsadaan in uu shir aan caadi ahayn abaabulo, isuguna yeero xubnaha Guddiga. Guddoomiyaha waxaa ku waajib ah in shirkaas uu ku abaabulo, kuna qabto muddo dhan 48 saac gudahood, kadib marka codsiga aqlabiyaddu soo gaarto. 4. habka-socodsiinta hawlaha shirka/fadhi kasta waa sidatan; b. Xaqiijinta in kooramku dhan yahay. t. Guddoomiyaha oo ku dhawaaqa inuu shirku furan yahay. j. Ogolaanshaha ajendada (Mowduuca) la soo jeediyey in fadhigaas lagaga doodo. x. Ogolaanshaha hadal-qoraalka fadhigii hore iyo saxiixidooda dhammaan xubnaha. Kh. Ka doodidda iyo go’aaminta arrin kasta oo lagu oggolaaday fadhiga maalintaas. 5. Ajendaha waxaa diyaarinaya Guddoomiyaha, laakiin xubin kasta way soo jeedin kartaa qodob cusub oo laga doodo haddii ay aqlabiyaddu ogolaato sidaas. 6. Haddii xubin guddigaas ka mid ahi diidan tahay go’aanka aqlabiyaddu isku raacay, waxay codsan kartaa in dacwadeeda la geliyo diiwaanka rasmiga ah. 7. Guddiga wuxuu ku qoraya diiwaanka rasmiga ah ee shirarka xogta ku saabsan ajendaha fadhiyada, ayada oo fadhi kasta la qorayo ama la diiwaangalinayo xogta ku saabsan ajendaha fadhiga, nuxurka doodaha iyo go’aannada guddigu gaaray ama uu soo saaray. Xoghayaha Guud ee GDP ayaa masuul ka noqonaya gacan ku haynta Diiwaanka iyo saxiix ka helidda xubin walba oo ka mid ah GDP. 8. Xoghayaha GDP wuxuu go’aannada si rasmi ah, qoraal ahaan u gaarsiinayaa cidda ay khuseeyaan. Qodobka 19aad Dhaarta 1. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland waxaa mid kasta lagu dhaarinayaa dhaarta ku xusan qodobka 132aad ee Dastuurka Puntland, taas oo ah sidatan: “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaaheey, in aan ku dhaqmo diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”. Waxaa dhaarinaya Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, ayada oo lagu hor dhaarinayo Madaxweynaha Dawladda Puntland. 2. Hawl-wadeenada xafiisyada Doorashooyinka Puntland ee heer Gobol, heer Degmo iyo kuwa goobaha cod-bixinta, waxaa lagu hor dhaarinayaa xubin ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland isla dhaarta kor ku xusan faqradda 1aad isla qodobkan 19aad ee isla xeerkan, waxaana dhaarinaya garsoore ka tirsan Maxkamadda Darajada Kowaad ama Maxkamada Rafcaanka. Qodobka 20aad Xasaanadda 1. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka waxay leeyihiin xasaanad mudada ay xilka hayaan, xasaanad ka qaadidooda waxaa loo marayaa hab waafaqsan dastuurka DPL. 2. Hawl-wadeenada kale ee xafiisyada Doorashooyinka ee heer Gobol, heer Degmo iyo kuwa goobaha cod-bixinta waxay shaqadoodu leedahay damaanad-qaad sharciyeed lama xiri karo muddada ay socdaan hawlaha Doorashooyinku, iyadoo aan oggolaansho laga helin Guddiga Doorashooyinka Puntland ama aan lagu qaban iyagoo dambi culus farah kula jira. Qodobka 21aad Ku Dhawaaqidda Maalinta Doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaya taariikhda hay’adda doorashadu u asteysay maalinta la qabanayo doorashada, asaga oo isla markaana ku soo saaraya dekereeto, taas oo lagu cayimayo amminta (waqtiga), maalinta iyo taariikhda la qabanayo doorashada. Cabdi Xasan JIMCAALE (Ph.D.) Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada ee Dastuurka iyo Arrimaha Fedaraalka
  7. Qodobka 10aad Awoodda iyo Masuuliyadaha Guddoomiyaha GDP Xubinta loo dooranayo inuu noqdo guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, wuxuu lahaanayaa awoodaha iyo masuuliyadaha soo socda: 1. Inuu isugu yeero xubnaha kale ee GDP fadhiyada caadiga ah, iyo kuwa aan caadiga ahayn. 2. Inuu diyaariyo isaga oo la kaashanaya Xoghayaha Guud, ajendaha fadhiyada shirka GDP. 3. Inuu guddoomiyo, hoggaamiyana shirarka GDP. 4. Guddigu wuxuu Go’aamadiisa ku gaarayaa cod hal dheeri ah, haddii ay coddeyntu is le’ekaato labo jeer waxaa mar saddexaadka cod hal dheeri ah yeelanaya Guddoomiyaha. 5. Inuu hogaamiyo maamulka hay’adda doorashooyinka, isaga oo go’aan ka gaaraya dhammaan arrimaha aan gaar u ahayn GDP. 6. Inuu hawlgaliyo ciidamada booliska ee la hoos geeyay, marka ay doorashooyinka socdaan oo guddoomiyaha ay la noqoto in talaabadaas loo baahanyahay si ammaanka guud loo sugo, kadib marka ay isla gartaan taliyaha ciidanka booliska, wasaaradda amniga iyo wasaaradda arrimaha gudaha. 7. Inuu wakiil sharciyeed uga noqdo Guddiga Doorashooyinka arrimaha dacwadaha iyo inuu yahay wakiilka sharciga ah ee xiriirka hay’addu la leedahay qaybaha kale ee Dowladda Puntland, axsaabta siyaasiga iyo bulshada rayidka. Xilkan waa loo wakiilan karaa xubin kasta oo guddiga ka mid ah, waxaana go’aankeeda leh shir guddoomiyaha ama go’aan wadareedka GDP. 8. Inuu kormeero, dushana ka ilaasho habsami iyo hawl-karnimo u shaqaynta dhammaan shaqaalaha xafiisyada dorashooyinka hay’adaha hoos yimaada. Guddiga Doorashooyinka wuxuu go’aamin-karaa sida ay xubnihiisu u qaybsadaan hawlaha iyo mas’uuliyadaha. 9. Dhammaan awoodaha iyo masu’uuliyadaha kale ee xeerarka dorashooyinku u jideeyeen guddoomiyaha. Qodobka 11aad Qaab-Dhismeedka Maamul Hoosaadka GDP 1. Si uu u fuliyo waajibaadkiisa, GDP wuxuu leeyahay madaxbannaani shaqo, waxaana Guddiga hoos imanaya waxaaha soo socda: b) Xoghaynta Guddiga. t) Diiwaanka Cod-bixiyayaasha. j) Waaxda Maamulka. x) Waaxda Maaliyadda iyo kh) Waaxda Sharciga. 2. Xafiis kasta oo ka mid ah kuwa ku xusan faqradda 1aad ee isla qodobkan, waxaa loo unkayaa, ayada oo la tixraacayo baahida habraaca doorashooyinka iyo haynta hantida GDP. 3. Xafiiska kasta waxaa madax ka noqonaya qof Guddigu u xilsaaro oo reer Puntland ah, oo isaga/ iyada oo isticmaalaysa xuquuqdiisa/deeda siyaasadeed, aanay da’diisu/deedu ka yarayn 25 (shan iyo labaatan) sano oo aqoon xirfadeed iyo waayo-aragnimo (khibrad) u leh jagada loo magacaabayo oo aan xiriir xigto la lahayn xubin Guddiga Doorashada ka mid ah ilaa 4 (afar) darajo ama labo darajo dhanka xididnimada. 4. Iyada oo lagu salaynayo koboca Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo baahida loo qabo harumarinta Dimuqraadiyadda dalka, Guddiga Doorashooyinka Puntland wuxuu aasaasi karaa waaxyo kale oo uu ku fuliyo masuuliyadiisa. Qodobka 12aad Xafiiska Xoghaynta Guud ee GDP 1. Hawlaha Xafiiska Xoghaynta Guud ee GDP, waxaa fulinaya Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland, Guddiga ayaana u magacaabaya xilkaas. Jagada loo magacaabo wuxuu qabanayaa, kadib marka uu Guddiga hortiisa ku maro dhaarta ku xusan qodobka 132aad ee Dastuurka Puntland. 2. Dhammaan go’aamadda GDP soo saaro waxaa wax ka saxiixaya Xoghayaha Guud haddii kale waxay noqonayaan waxba kama jiraan, kaaliye xoghaye guud oo guddiga doorashadu magacaabo ayaa bedelaya marka uu xoghayaha guud maqan yahay ama uu gudan kari waayo xilkiisa. Qodobka 13aad Awoodaha iyo Mas’uuliyadda Xoghayaha GDP Xoghayaha Guud wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo mas’uuliyadda soo socota: 1. Inuu si wanaagsan oo nidamsan u xafido dhammaan waraaqaha dukumentiga qaab sharci ah ee GDP, kuna xafido galalka khuseeya arrimaha Guddiga la horkeenayo si uu u darso. 2. Inuu diiwaangaliyo wax qabadyada iyo go’aannada guddiga soo saaro iyo inuu dhammaantood ka helo saxiix, mar haddii ay oggolaadaan go’annada. 3. Inuu joogo dhammaan fadhiyada shirarka GDP, uuna doodooda ka qayb-galo mar kasta oo loo baahdo ama xubin guddiga ka mid ahi aragtidiisa weydiiyo. Xoghayaha Guud ma laha awood cod-bixineed. 4. Inuu saxiixiisa ku meelmariyo waxqabadka iyo go’annada uu Guddiga Doorashooyinku gaareen. 5. Inuu gaarsiiyo cidda ay khuseyso ama danaynaysa dhammaan go’aannada Guddiga ama dhinacyada ku lug leh iyo inuu qaybiyo dhamman arrimaha loo baahan yahay si loo socodsiiyo hawlaha GDP. 6. Inuu qabto codsiyada rasmiga ah (Petition) iyo araajida ay Guddiga u soo gudbiyaan axsaabta siyaasadda, xukumadda ama muwaadininta isaga oo saxiixaya taariikhda loo keenay. 7. Dhamman waxyaabaha kale ee ku qeexan xeerkan ama uu GDP u xilsaaro. Qodobka 14aad Diiwaanka Cod-bixiyayaasha Diiwaanka cod-bixiyayaasha waa diiwaan guud oo ay ku jiraan aqoonsiga dhammaan reer Puntland, kuwaasoo ah muwaadiniin gaaraya da’da cod-bixinta. Diiwaanka cod-bixiyayaasha diyaarintiisa iyo xafidaadiisa waa xilka Guddiga Doorashooyinka Puntland. Xeer u gaar ayaa go’aamin doona dhammaan arrimaha la xiriira diiwaanka.
  8. DAWLADDA PUNTLAND XEERKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND (GDP) (Puntland Electoral Commission Law) Qodobka 1aad Xaaladda sharci ee GDP Guddiga Doorashooyinka Puntland waa hay’ad dan guud oo leh madax-bannaani maamul, mid maaliyadeed iyo ka go’aan gaaris hawlaha loo idmaday. Guddiga Doorashooyinka wuxuu u hogaansanyahay dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland ee kaliya. Qodobka 2aad Guddiga Doorashooyinka ee Ku-meelgaarka ah 1. Guddiga Doorashooyinka Puntland ee kumeel-gaarka ah wuxuu ka kooban yahay 9 (sagaal) xubnood oo isugu jira shan (5) Madaxweynuhu soo magacaabo Golaha Wakiiladuna ansixiyo iyo afar (4) xubnood oo Golaha Wakiilada soo sharraxo ka dibna ansixiyo. 2. Guddigu wuxuu u xil-saaranyahay qabashada Aftida Dastuurka iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee ugu horeeya xilkooduna wuxuu ku egyahay ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashada golayaasha deegaanka iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadda. 3. Inta lagu jiro muddada xil-hayntiisa Guddiga kumeelgaarka ahi wuxuu leeyahay awoodaha ku cad xeerka Guddiga Doorashooyinka Puntland. 4. Marka ay dhammaato xil-haynta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee ku meel gaarka ah, waxaa la dooranayaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee rasmiga ah si waafaqsan qodobka 112-aad ee Dastuurka iyo sida ku xusan lifaaqa kowaad ee isla Dastuurka. Qodobka 3aad Habka Doorashada iyo Xulashada Guddiga Doorashooyinka 1. Sida ku cad qodobka 113aad ee dastuurka wuxuu Golaha Wakiillada ansaxinayaa xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee rasmiga ah oo ka kooban sagaal xubnood oo ay soo kala magacaabaan: b. Madaxweynaha. t. Golaha Wakiillada. j. Xisbiyada. 2. Guddigu wuxuu dhaqan galayaa, marka Golaha Wakiilladu ansixiyo, Madaxweynaha DPL saxiixo digreetadooda faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro. Qodobka 4aad Shuruudaha Xubinnimada GDP Qof kasta oo ka mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka Puntland waa inuu buuxiya shuruudaha soo socda: 1. Waa inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland. 2. Waa in aynan da’diisu ka yarayn 40 (afartan) sano jir. 3. Waa inuu yahay Muslim ku dhaqma diinta Islaamka. 4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare iyo khibrad maamul ee muddo 5 (shan) sano ah ugu yaraan. 5. Waa in uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda anshax wanaagsan iyo dhowrsanaan. 6. Sida dastuurka Puntland qabo waa inaan 5-tii sano ee u dambaysay wax dambe ah maxkamadi ku xukumin. 7. Waa inuu maskax ahaan u fayowyahay, uuna gudan karo waajibaadkiisa. 8. Waa in uunan ka mid ahayn shaqaalaha Dawladda, xubnaha Golaha Wakillada, xubnaha Golaha Wasiirada, Cidamada Qalabka Sida, Hay’adda Garsoorka iyo ururada ama xisbiyada siyaasadeed. Qodobka 5aad Xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland Xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland waa magaalo-madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe. Qodobka 6aad Fadhiga ugu horeeya Fadhiga ugu horeeya ee Guddiga Doorashoyinka Puntland waxa uu iska dooranayaa Guddoomiye iyo Gudoomiye ku-Xigeen.. Qodobka 7aad Awoodaha iyo Xilalka Guddiga Doorashooyinka Puntland Awoodaha iyo xilalka Guddiga Doorashooyinka Puntland waa sidan soo socota: 1. Abaabulka iyo agaasinka doorashooyinka Golaha Wakiillada, Golayaasha Deegaanka iyo Aftida Dastuuriga ah iyo wixii kale ee xeerku amrayo. 2. Magacaabidda hawlwadeennada xafiisyada doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka iyo goobaha codbixinta. 3. Diyaarinta jaangoynta qorshaha guud ee doorasha kasta, iyagoo hawlaha doorashada ku tifaftiraya, kharajyada lagu *****layo miisaaniyadda gaarka ah iyo xaqiijinta helitaankeeda, waxaana la keenayaa jaangoyntaas iyadoo laga dooday oo lala xiriiray mas’uuliyiinta dawladda iyo xisbiyada ay khuseyso. 4. Ilaalinta amniga doorashooyinka iyagoo adeegsanaya ciidamada amniga. 5.Maareynta iyo xallinta is-qabadyada iyo dacwooyinka ka dhasha hanaanka doorashooyinka oo ku kooban arrimaha maamulka doorashooyinka. Wixii khilaafaad ah ee natiijada doorashada ka yimaada waxaa xallinteeda iska leh Maxkamadda Sare. 6. Wacyi-gelinta muwaadiniinta ka qaybgalaya ololaha doorashooyinka. 7. Ganaaxyo maamuleed oo la saaro xisbiyada amase muwaadininta ku xad-gudubta hawlgalka doorashooyinka. 8. U gudbinta Xeer-Ilaalinta xadgudubyada xeerarka doorashooyinka ee leh dabeecad dembi si ay u oogto dacwad. 9. Tilmaamidda iyo caddeynta tirada iyo meelaha noqonaya goobaha codbixinta iyo xarumaha laga codaynayo ee doorashooyinka Puntland, iyadoo lala tashanayo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga. 10. Diyaarinta iyo maamulidda hawlaha socda ee diiwaan-galinta cod-bixiyayaasha ee markaas ku jiray diiwaanka guud ee cod-bixiyayaasha. 11. Go’aaminta wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu digreeto ugu soo saaro. 12. Ku dhawaaqidda natiijada ku meel-gaarka ah, iyagoo raacaya hababka uu dejiyey xeerka doorashooyinka. 13. Waa inuu siddeed (8) beri gudahood ka dib ku dhawaaqidda natiijada doorashooyinka uu siiyo caddayn qoraal ah ciddii ku guuleysatey doorashada, hadduu sidaas ka baaqsado guddigu, waxaa ku filan ku dhawaaqiddii natiijada ciddii la doortay, sida ku xusan faqradda 11-aad ee isla qodobkan. 14. Joojinta qayb ahaan ama dhammaan doorasho degmo ama gobol markasta oo ay dhacaan dhacdooyin lama-filaan ah ama ay dhacaan isbadalo la xiriira nadaamka guud oo sababa in la hirgelin waayo. Marka ay meesha ka baxdo sababtii joojinta keentay Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa go’aaminaya maalinta sii wadidda hawlihii Doorashada ee hakaday, kadib marka uu la tashado hay’adaha dawliga oo ay arrintu khuseyso iyo xisbiyada siyaasadeed. 15. Diiwaangalinta xisbiyada, iyadoo loo eegayo xeerka loo dajiyay. 16. Haynta diiwaanka dhammaan xisbiyada siyaasadda iyo ururada ka qayb-gala doorasho kasta iyo qaabka isbahaysigooda. 17. Haynta diiwaan-galinta dhammaan musharixiinta loo soo gudbiyey iyo kuwa loo ogolaaday ka qayb-gelidda doorasho kasta. 18. Xallinta isqabadyada xisbiyada dhexdooda, mar kasta oo Guddiga Doorashooyinka Puntland la waydiisto in fara-galin sharci uu ku sameeyo ishayntooda. 19. Kor ka-ilaalinta hawlaha xisbiyada siyaasadda gaar ahaan u hoggaansanaanta xeerka doorashooyinka iyo xeer-hoosaadyadooda. Wixii is-qabad maamul ah ee ka dhasha faqradan iyo labada faqradood ee ka horeeya ka go’aan qaadashadooda kama qayb-qaadanayo xubinta Guddiga doorashooyinka ee ka socda xisbiga arrinku khuseeyo. 20. Abaabulidda iyo isu-dumidda waaxaha kala duwan ee lagama maarmaanka u ah howlaha doorashada iyo magacaabidda, ganaaxidda, beddelidda iyo shaqo ka saaridda shaqaalaha ay u xilsaareen hawlahaas. 21. Soo diyaarinta Miisaaniyadda dhacdo kasta ee doorasho si loogu maamulo hawlaha doorashooyinka, iyadoo la horgeynayo Golaha Xukuummada lagana ansixinayo Golaha Wakiillada. 22. Miisaaniyadda doorashooyinka waxaa Guddigu u isticmaalayaan si madax bannaan, iyadoo ay waajib tahay in xisaab celin saddex billoodle ah ay u gudbiyaan hanti dhawrka guud. 23. Sharxidda warbixin-sanadeedka hawlgalka iyo warbixin gaar ah ee ku saabsan dhacdo kasta ee doorasho. Qodobka 8aad Qaab-Dhismeedka GDP Qaab-dhismeedka Guddiga Doorashooyinka Puntland waa sidan soo socota: 1. Guddiga Doorashooyinka ee Puntland waxa ay awooddiisa ku fidsan tahay dhulka Dawladda Puntland oo dhan, waxaana hoggaaminaya xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland. 2. Gobol kasta wuxuu yeelanayaa hal xafiis doorashooyin heer gobol ayna hoggaamiyaan hawlwadeennada doorashooyinka gobolka. 3. Degmo kasta waxay yeelaneysaa hal xafiis doorashooyinka ee heer degmo ayna hoggaaminayaan hawlwadeennada doorashooyinka degmada. 4. Tiro is-bed-bedaleysa ee goobaha codbixinta ee ay hoggaaminayaan hawl-wadeennada goobaha codbixinta, lana dejiyey meelo kala duwan ee dhulka Dawladda Puntland, iyadoo loo eegayo qaybinta dadweynaha. Qodobkaa 9aad Xil Ka-qaadista Guddiga Doorashooyinka Puntland 1. Xil ka-qaadista Guddiga Doorashooyinka Puntland xubin iyo wadar ahaanba waxaa awood u leh Madaxweynaha Puntland, marka ay jiraan sababo sharciga ku cad oo kali ah, sida: b) Marka uu jabiyo mid ka mid ah shuruudaha lagu doortay ee ku xusan qodobka 4aad ee xeerkan. t) Marka uu xilka gudan kari waayo, sabab kasta ha ku timaadee. j) Marka uu ku kaco anshax-xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo-dadweyne. x) Marka uu ku xadgudbo qodobada xeerkaan, kan doorashooyinka iyo kuwa la xiriira Dastuurka Dawladda Puntland. 2. Go’aanka Madaxweynaha ee ku xusan faqrada 1-aad ee isla qodobkan waxaa lagu ansixinayaa cod ah kala badh iyo hal ( 1/2+1) tirada xubnaha Golaha Wakiillada.. 3. Xaaladaha ku xusan faqradda koowaad ee isla qodobkan, waxaa ku dacweyn kara xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland muwaadin ama koox kasta oo u aragta inay ku sifoobeen xaaladahaasi, iyaga oo u gudbinaya qoraal durid ah Madaxweynaha Dawladda Puntland oo magacaabaya guddi soo baara eedeynta/eedeymaha. Natiijada baarista waxaa loo gudbinayaa hay’adaha ku shaqada leh. Haddii ay baaristu tilmaanto jiritaan dambi lagu muteysan karo ciqaab waxaa la wargalinayaa Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud. 4. Haddi xubin Guddiga Doorashada ka mid ah ay booskeeda baneyso, sababo la xiriira eryid, shaqo ka joojin, dhimasho ama istiqaalad, waxaa booskaas loo buuxinayaa si waafaqsan habraacii lagu soo xulay xubinta meesha ka baxday markii la magacaabayay.
  9. Eng.Daahir Xaaji Khaliif Minister for Transportation and General Affairs is chosen as head of finalization of the process of formalizing and notarizing the Horseed Ruling Political Association/Party.