Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. From another ankle on the meeting with the PM and also the other meeting with the parliamentarians led by the former PM of the TFG. Nayrobi: Madaxweyne Farole oo la kulmay Raysalwasaaraha DF iyo Raysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi. 15. november 2009 APL Tool Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake ayaa wada hadalo qaatay saacado kooban ku yeeshay magaalada Nayroobi, markii uu halkaas galinkii dambe ee shalay garay Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa uga sheekeeyey Raysalwasaar Sharmaake waxyaabihii dhexmaray Madaxweynaha dawladda KMG ah iyo wafdigii la socday, wuxuuna usheegay in laga soo horjeestay heshiiskii uu ku saxiixay magaalada Gaalkacyo, taasoo uu sheegay in aysan manta ka dhowreyn Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan dawladda KMG ah ka biyo diidi Karin Madaxdeedu heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacy 23- Ogoosto, wuxuuna sheegay in ay heystaan Madaxda dawladda KMG ah, isagoo sheegay in ay hada ku howlan yihiin sidii loo sixi lahaa qaladaadyadii dhacay oo dhan. Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay Raysalwasaare Sharmaake in aysan haba yaraatee wax wada hadal ah ka yeelan doonin arrimaha horumarka ee Puntland, isla markaasna ay uga fadhiyaan dawladda KMG ah in ay qalinka ku duugto markale heshiiskii ay isaga iyo Madaxweynaha dawladda KMG ah isku ogaayeen. Dr, C/rixmaan ayaa ku eedeeyey Wasiiro ka tirsan dawladda KMG ah in aysan raali ka aheyn horumarka Puntland, wuxuuse sheegay in ay Puntland gaari doonto horumar weyn, isagoo cadeeyey in ay hada joogaan meel wanaagsan oo horumar ah, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradiisa in ay iska daayaan arrimahaas oo uu ku sheegay kuwa Alle ay uga fogaanayaan. Dhinaca kalena Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa qaabilay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya, oo uu hogaaminayay Raysalwasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof, Cali Maxamed Geedi, oo ugu tagay Hotelka uu ka dagan yahay Madaxweynaha Puntland magaalada Nayroobi. Xildhibaanadan ayaa umuujiyey wafdigan Puntland sida ay uga xun yihiin talaabooyinkii ay qaadeen Madaxda dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaha dawladda KMG ah oo ay ku sheegeen kuwa laga fiican yahay, ayagoo sheegay in horumarka Puntland uu yahay Soomaaliya oo horumar gaartay. Mudanayaashan oo ay ku jiraan Mudanayaal dawladda KMG ah ka soo gala dhinaca gobalada Puntland, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin arrimahaasi, waxa ayna ugu baaqeen Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu hirgaliyo heshiiskii uu saxiixay Raysalwasaaraha dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya Cumar C/rishiid oo lasaxiixay waqti laga joogo 3 bilood ka hor. F. C. Maxamed AllPuntland
  2. Lengthy report by Allpuntland.com Nayrobi: Deeq bixiyaasha Caalamka oo muujiyey sida ay uga xun yihiin Horumarka Puntland oo laga hor yimaado iyo Kulamadii Madaxweynaha Puntland ee Nairobi. 15. november 2009 APL Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed oo hada booqasho ku jooga magaalada Nayroobi, ayaa tan iyo markii uu bilowday khilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha dawladda KMG ah, wuxuu la kulmay dalalka deeqaha bixiya iyo Qaramada Midowbay oo ay kala hadleen xaalado kala gedisan. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa la kulmay Danjirayaasha dalalka Reer galbeedka ee magaalada Nayroobi, wuxuuna kala hadlay arrimaha Siyaasadeed iyo xiisadaha ucusub ee soo kala dhexgalay dawladda Puntland & dawladda KMG ah, oo uu sheegay in aysan diyaar uaheyn nabad ka dhacda Soomaaliya. Ka qeybgalayaashii wada hadaladaas ayaa usheegay APL in ay usheegeen dalalka Caalamka, in aysan marnaba taageersaneyn sida ay dawladda KMG ah wax uwado, isla markaasna waxa ay sheegeen in ay usheegeen dalalka Caalamka sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uqeybsato kheyraadka iyo awoodaha dalka. Safiirka dawladda Sweden ufadhiya dalka Kenya, ayaa xalay ugu tagay wafdiga dawladda Puntland hotelka ay ka degan yihiin magaalada Nayroobi, wuxuuna kala hadlay Mashaariicda horumarineed ee ay bixinayaan dalalka Reer Yurub iyo qorshaha wax looga qabanayo arrimaha Burcad Badeeda. Dawladda Sweden oo hada haysa hogaamiye-nimada Midowga Yurub ayaa sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin, in hor istaag lugu sameeyo, wuxuuna Safiirkeeda Kenya sheegay in ay Hay’ada Midowga Yurub ay hada shaqo wanaagsan ka hayaan deegaanada Puntland ay sannadka soo socda iyo bisha sannadkan ka dhiman ka fulin doonaan mashaariic badan oo horumarineed. Dawladda Puntland ayaa usheegtay Safiirka Sweden in aysan marnaba wada hadal kagaleyn horumarkeeda, ayadoo tustay Safiirka Sweden-na qodobada laga diiday in laga wada hadlo oo ay ka biyo dideen Madaxda dawladda KMG ah, gaar ahaana Madaxweynaha dawladda Shariif Sheekh Axmed. Safiirka dawladda Talyaaniga ujooga Kenya ayaa isna utagay Wafdiga dawladda Puntland, wuxuuna umuujiyey sida ay uga xun yihiin xaaladaha dhacay, isagoo balan qaaday in ay dawladda Talyaanigu door muuqda ka qaadan lahayd horumarinta Puntland, wuxuuna cadeeyey in aysan dawladda Talyaanigu yeelayn in cid gaar ah hesho horumarka Soomaaliya. Safiirka ayaa rajo beel ku sheegay qorshayaal badan oo ay horay uga sugayen dawladda KMG ah, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed in uu la yimaado dadaal ku saabsan arrimaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, ka taagan gaar ahaana la xaajoodka Mucaaradyada ka soo horjeda, arrimaha ay ku jiraan baahinta Maamulka iyo ka shaqeynta dibu dhiska dalka, oo gaara guud ahaan Soomaaliya. Wada xaajoodyada wafdiga dawladda Puntland ka socda ee uu hogaaminayo Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayna ka mid yihiin Wasiirka arrimah gudah, dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigu Gen. C/laahi Axmed Jaamac ay ku joogaan dalka Kenya, ayaa maalmahan socon doona, waxaana lafilayaa in ay todobaadkan dhamaadkiisa ku soo laabtaan Caasumada Puntland. F. C. Maxamed AllPuntland
  3. Madaxweynaha Puntland oo la kumey Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashid & Didlomaasiyiin. Nairobi (WNT)-Kadib markii khilaaf xooggan soo kala dhexgaley Dowladda Puntland iyo DFKMG ah ayaa Madaxweynaha Farole kulamo kala duwan uu la leeyahay Didlomasiyiinta wadamada beesha caalamka ka jooga Nairobi iyo siyaasiyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmey Xildhibaano ka tirsan Barlamanka DFKMG ah kuwaasoo ka xumaadey diidamada waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif hogaaminayey in heshiis laga gaaro sidii mashaariic hurumarineed looga hirgalin lahaa Soomaaliya inteeda nabadda ah gaar ahaan Puntland. Mud.Farole ayaa Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi xaley kula kulmey safiirka Sweden iyo Talyaaniga isaga oo kala hadley sababaha keeney is-fahan la’aanta soo kala dhexgashay dowladda Federaalka iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa u dhiibey safiirka Sweden oo xilgaan haya madax-timinada midowga Yurub qoraalkii la isku khilaafey. Dhinaca kale Raisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid ayaa Hotelka kusoo booqdey Madaxweynaha Puntland isaga oo kala hadley khilaafkii dhowaan soo ifbaxey. Labada mas’uul ayaa ka hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyada Puntland hoos ka xariiqdey ineysan marna tanasulaad ka bixineyn hurumarka dadkeeda iyo dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegey Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid in hehsiiskaan ay diidanayeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadiisa. Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Daabacaadda Waayaha.net
  4. Madaxweynaha Puntlland Dr Faroole iyo R/wasaaraha DFKM Dr Cumar Cabdirashiid oo ku kulmay Nairobi. Posted to the Web Nov 15, 12:57 Nairobi:-Madaxweynaha Puntland iyo R/wasaaraha DFKM Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo dublamaasiyiin reer Galbeed ah ayaa waxaa ay kulan ku wada qaateen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Kulankaan ayaa daba socda ka dib markii Madaxweynaha DFKM Sh Shariif uu diiday hishiis dhawaan Raiisul wasaara DFKM iyo xubno wasiiro ah ay kula soo galeen magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Puntlland Cabdiraxmaan Faroole. Kulankaan saaka dhexmaray Raiisul Wasaaraha DFKM Dr.Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa waxaa lagu eegayey hishiiskii dhawaan ay ku wada galeen magaalada Gaalakacyo iyo siddii hishiiskaas khilaafkaka dhashay loo soo afjari lahaa. Hishiiska ayaa waxaa uu salka ku hayaa mashaariic la doonayo in laga fuliyo goobaha nabad ah ee Soomaaliya sida Puntlland taas oo wasiiro ka tirsann DFKM aysan ogolyan iyagoo raba waxqabadaka beesha caalamka in ay u wareejiyaan dalka Jabuuti arinkaas oo ay ka biyo diideen madaxda Puntlland oo iyagu isku arka in ay laf dhabar u yihiin DFKM yihiin meesha kaliya ee aqoonsan DFKM. Dublamaasiyiinta ay la kulmeen Raiisul wasaaraha DFKM Dr Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Puntlland Dr Faroole ayaa waxaa ka mid ah safiirka dalka Sweden iyo Talyaaniga waxaan kulankaan lagu qaadaa dhigay mashaariic dhowr ah oo ay isku hayaan DFKM iyo Puntlland. Safiirka dalka Swedan ayaa waxaa qoraal u gudbiyey madaxweynaha Puntlland maadaan xiligaan dowlada Swedan ay madax ka tahay Midowga Yurub,qoraalka uu madaxweynaha Puntlland Dr Faroole uu gudbiyery ayaa la sheegayaa in ay ku jirto hishiiskii Gaalkacyo ku dhexmaray DFKM iyo Puntlland Maxamed Cali Halgan.net
  5. Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Ra`iisal Wasaaraha Federalka oo Nairobi ku kulmay. 15/11/2009 Nairobbi: Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdirahman Faroole iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa waxaa uga socda Magaalada Nairobi Kulan aan kala go`a lahayn oo ay la yeelanaaan Madax kala duwan . Weftiga Madaxweynaha ayaa xalay waxa ay la galeen kulan saacado qaatay Ra`iisala Wasaaraha Dowlada Federalka Omar Abdi rashiid o soo gaaray magaalada Nairobo maalinimadii shalayto, Kulankaan ayaan si fiican loo ogayn waxa ay ka wada hadlayn labada masuul , waxaase jirta in heshiis uu horay u wada saxiixdeeen uu ka hor yimid Madaxweynaha dowlada federalka Sheikh Sharif. Weftiga madaxweynaha aayaa waxa kale oo ay la kulmeen Labada safiir ee u fadhiya Dowlada talyaniga iyo Sweden, Dowlada sweden ayaa hada waxaa ay ku fadhidaa Xukunka Wareega ah ee midowga Yurub oo ay haynaso ilaa sanadkaan dhamaadkiisa. Weftiga madaxweynaha iyo Wasiirada ayaa Kulamadooodu waxaa ay yihiin Kuwa aan kala joogsi Lahayn , waxaana xusid mudan in weftiga Dowlada puntland ay Kulan fool ka fool ah ay la yeesheen Beesha ****** oo dhawaanahn ba ka cabanaysay Dowlada Puntland oo ay ku eedeyaan in dad walaalahood ah u dhiibaan cadooowga . Kulankaa dhex maray Beesha iyo Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku dhamaaday Guul iyo Afgarad beehsuna waa ku qanceen waana la xaal mariyey, waxaa na la cadeeyey in Kulankaa mid la mid ah uu ka dhici doono bilaha fooda nagu soo haya Magaalada boosaaso. Masuuliyiinta kale oo la kulmay Weftiga waxaa ka mid xildhibaano ku sugan magaalada Nairobo, oo ay ka wada hadleen xaalada uu wadanku ku sugan yahay,waxaa ka mid ahaa Xildhibaanada qaabilay Madaxweynaha Ra`iisal Wasaarihii Hore Cali Maxamed Geedi. Allsanaag.com
  6. President Faroole meeting TFG parliamentarians, current PM Omar Abdirashid Ali Sharmaarke and former PM who headed the TFG parliamentarians group attending the meeting former PM of Somalia Ali Mohamed Gheddi.
  7. Madaxweynaha Puntland oo la kumey Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashid & Diplomaasiyiin. November 15, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · President Faroole meeting with PM Ali Sharmarke and foreign diplomats. Kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgaley Dowladda Puntland iyo DFKMG ah ayaa Madaxweynaha Farole kulamo kala duwan uu la leeyahay Diplomasiyiinta wadamada beesha caalamka ka jooga Nairobi iyo siyaasiyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmey Xildhibaano ka tirsan Barlamanka DFKMG ah kuwaasoo ka xumaadey diidamada waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif hogaaminayey in heshiis laga gaaro sidii mashaariic hurumarineed looga hirgalin lahaa Somalia inteeda nabadda ah gaar ahaan Puntland. Mud.Farole ayaa Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi xaley kula kulmey safiirka Sweden iyo Talyaaniga isaga oo kala hadley sababaha keeney is-fahan la’aanta soo kala dhexgashay dowladda Federaalka iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa u dhiibey safiirka Sweden oo xilgaan haya madax-timinada midowga Yuurb qoraalkii la isku khilaafey. Dhinaca kale Raisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid ayaa Hotelka kusoo booqdey Madaxweynaha Puntland isaga oo kala hadley khilaafkii dhowaan soo ifbaxey. abada mas’uul ayaa ka hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyada Puntland hoos ka xariiqdey iney marna tanasulaad ka bixineyn hurumarka dadkeeda iyo dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegey Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashid in hehsiiskaan ay diidanayeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadiisa. Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Garowe,Somalia
  8. M. Puntland oo la kulmey R. Wasaare Cumar C/rashid 15 Nov 15, 2009 - 1:01:21 AM Kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhexgaley Dowladda Puntland iyo DFKMG ah ayaa Madaxweynaha Farole kulamo kala duwan uu la leeyahay Diplomasiyiinta wadamada beesha caalamka ka jooga Nairobi iyo siyaasiyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmey Xildhibaano ka tirsan Barlamanka DFKMG ah kuwaasoo ka xumaadey diidamada waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif hogaaminayey in heshiis laga gaaro sidii mashaariic hurumarineed looga hirgalin lahaa Somalia inteeda nabadda ah gaar ahaan Puntland. Mud.Farole ayaa Hotelka uu ka dagan yahay Nairobi xaley kula kulmey safiirka Sweden iyo Talyaaniga isaga oo kala hadley sababaha keeney is-fahan la’aanta soo kala dhexgashay dowladda Federaalka iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa u dhiibey safiirka Sweden oo xilgaan haya madax-timinada midowga Yurub qoraalkii la isku khilaafey. Dhinaca kale Raisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid ayaa Hotelka kusoo booqdey Madaxweynaha Puntland isaga oo kala hadley khilaafkii dhowaan soo ifbaxey. Labada mas’uul ayaa ka hadley sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyada Puntland hoos ka xariiqdey iney marna tanasulaad ka bixineyn hurumarka dadkeeda iyo dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegey Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid in hehsiiskaan ay diidanayeen xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadiisa. Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Garowe,Somalia
  9. Puntland presidents hold talks with Somali PM and foreign envoys. 15 Nov 15, 2009 - 2:25:43 AM The president of Somalia's Puntland State government has held talks with Somalia’s Prime Minster Omar Abdirashid Sharmarke, Somali lawmakers and foreign envoys in the Kenyan capital Nairobi. The talks were based on the recent disagreement between Somali Federal government and Puntland over a harmonised accord that would allow the two governments to work together under a federal umbrella President Abdirahman Mohammed Farole received a delegation for Sweden and Italy who paid him a visit in his Hotel in Nairobi. The president handed over a report on the accord to the Swedish Ambassador whose country holds the rotating European Union chairmanship. On the other hand, President Farole received Somali PM who visited him in his hotel where they discussed about the disagreement. President Farole underscored his full commitments to the accord, vowing not to back down of his government and people demands. The meetings come after representatives of both sides failed to agree on certain issues about the accord which its first phase was signed by Somali PM and Puntland President on August 23 in central Somali town of Galkayo. On Thursday, Puntland President Abdirahman Mohammed Farole held talks with his counterpart President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed in Nairobi’s Panari Hotel where they both agreed to form a committee to harmonise the accord. However, the next day, Somali Embassy in Nairobi hosted a meeting between the groups but they differed over certain issues, which Puntland regards as very important in reaching a consensus. Puntland, a collection of seven Somali regions that declared itself as an autonomous state in 1998, maintains to remain in a federal Somalia. GAROWE ONLINE
  10. ^The Suldaan is the highest ranking Isim that represents your folks in Puntland, so the question is what benefit would he get out of lying about his own people?
  11. Left Qabydiid Commander of the TFG Police force, in the middle Deputy Minister for the interior, local governments and the advancement of the rural people in Puntland Cali Yusuf Cali Xoosh and his superior, the Minister Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir who heads the department.
  12. Left Chief of the TFG Police Commander Qeybdiid, in the middle Abdirashid Hidig (Junior) Minster for internal affairs of the TFG and right Madaxweyne Faroole President of Puntland State.
  13. Garoowe: “Halkan waa Puntland maahan Itoobiya, hadii ONLF ay wax ka abaabusho halkan dagaal meesha ay jamhada ka yihiin waa inay aadaan”, Wasiiru dawlaha arimaha gudaha Soomaaliya C/rashiid Xidig. Published on: November 5,2009 Garowe Time 6:19 pm Garoowe (RBC):- Wasiiru dawladaha arimaha gudaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa maantay shir jaraa’id waxa uu ku qabtey xarunta Madaxtooyda Puntland ee Garoowe. Mr. Xidig waxaa uu sheegay in Puntland ay soo gaareen Maalintii Talaada oo ay kasoo dageen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu sheegay in ujeedka safarkoodu inuu ku qotomo. “Waxaan u nimid halkaan, waxaad ogtihiin in Puntland ay ahay Dawlada [state] ka mid ah dawlada Federaalka, waxaa naga dhaxeeya xiriir iskaashi iyo arimo badan, waxaan kalo u nimid kuliyada tabobarka ciidamada ee Carmo oo ay ku jiraan ciidan badan oo hadda tabobar u xirmayo, iyadana inaan gaarno ayaan jecelnahay”, ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka oo la waydiiyay su’aal ahayd waxa keenay xiligan inay booqdaan Kuliyada Carmo ee ciidamada lagu tabobaro, iyadoo ay jirto in dawlada KMG ah ee Soomaaliya ay ciidamadeeda tabobar ugu dirto wadamada dariska la ah Soomaaliya, ayaa su’aashaas waxa uu uga jawaabay “Runtii kuliyada Carmo ciidamo faro badan ayaa tabobar uga socdaa, kuwa kalena oo cusub waa la keenayaa, Carmana waxay tahay kuliya kaliya ee ciidamo soo saarta oo dalka gudihiisa ku taala”, ayuu uga jawaabay wasiirku. Dawlada Puntlnad ayaa la sheegay in ay xirxirtay dad kasoo jeeda Dhulka Ismaamulka Soomaalida ee wadanka Itoobiya, dadkaas oo ay ku eedaysey inay la shaqeeyaan ururka ONLF ee la dagaalama wadanka Itoobiya, wasiirka ayaa la waydiiyay in uu arimahaas kala hadley dawlada Puntland, wuxuuna sheegay in arimahaas uu idaacadaha ka maqley, dawlada Puntland uu kala hadlayo. “Arimahaas waxaan ka maqley idaacadaha, siday wax u jiraana waan ogaanaynaa, ONLF waa Xisbi la dagaalama dawlada Itoobiya, halkan maahan Itoobiya waa Puntland waana Soomaaliya, haddii nimankaas dagaal ka maleegayaan halkan loo dulqaadan mayo, qofkii jamhad ah meeshuu xoreysanayo waa inuu ka dagaalamaa inkastoo aanan cidna dagaal ku taageerayn”, ayuu yiri Wasiiru dawlaha arimaha gudahu. C/rashiid Maxamed Xidig waxaa uu mahad balaaran u jeediyay dawlada Puntland oo uu sheegay inay mar walba garab taagan tahay nabada iyo sidii dalka Soomaaliya ay nabad uga dhalan lahayd, wuxuuna sheegay ka codsaday umada kusoo barakacday Puntland inay nabada ay yimaadeen ee loo ogolaaday ay xushmeeyaan. Waftiga ka socda dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo gaarey Magaalada Garoowe shalay galinkii danbe, waxayna kulamo xarunta Madaxtooyda kula lahaayeen Madaxwaynaha Puntland , Wasiirada iyo saraakiisha Ciidamada Puntland, waxana lagu wadaa in waftigan ay soo booqdaan Kuliyada tabobarka ciidamada ee Carmo uu ku taala inta u dhaxaysa Degmada Qardho iyo Boosaaso.
  14. Brother it's the flag of the Somali Region in Ethiopia, they adopted this part change to the flag earlier this year and replaced part of the flag with a camel instead.
  15. It seems the PDF is pulling the right strings in there. Well done for coming out for the state in this difficult times with many parallel security challenges going on day by day and the political enemies try in upsetting the political progress of the state by this latest attacks on the peace-loving people of Puntland State. I salute the PDF's Committe on Communication and Public Relations for this courages piece of writing of theirs it hit all the right tones.
  16. Press Release by PDF on the solutions of the latest security challenges and attacks faced by the State by its enemies War saxaafadeed: Talo Bixin Dhacdooyinka Nabadgelyo Darro ee Ka soo Cusboonaaday Puntland Tixraac: PDF/MDC/011109 Taariikh: Nofeember 03, 2009 http://www.puntlanddiaspora.org publicrelations@puntlanddiaspora.org 1. Arar Waxaa usbuucyadii la soo dhaafay ku soo kordhay Puntland falal ka soo horjeeda nabadgelyada iyo xasiloonida dawladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaa falakaas ka mid ah uguna darnaa dhacdadii foosha xumayd ee bishii Oktoobar 29‐keedii si bareer ah loo laayey dad ku howlanaa qurxinta iyo soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo. Waxaa falkaas ka danbeeyey dad maangaab ah oo aan ku baraarugsanayn qiimaha nabadda iyo derisnimo wanaaga, waxaana si macna daro ah dhacdadaas ugu geeriyooday inta la og yahay 14 qof, halka ay dhaawacyo soo gaadheen ku dhawaad 70 meeyo qof oo rayad ah. Waxaa kale oo bam lala beegsaday saldhig Boolis oo ku yaal magaalda Boosaaso bisha Nofeembar 1deedii. Waxaa inta la ogyahay ku dhaawacmay falkaas askar gudanaysay waajibkoodii iyo xilkii ay u hayeen shacabka magaalda boosaaso iyo dadweynaha Puntland. Falkaas isagaa waxaa ka danbeeyey dad qaswadayaal ah oo ka soo horjeeda nabadgelyada Puntland. Waxaa iyana daandaansi ka dhan nabadgelyada Puntland lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland. Waxaa ficiladaas ka danbeeyey dad wax ma garato ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo midnimada Puntland. Waxaa ficiladan isdabajooga ah ee ka dhacaya Puntland ugu danbeeyey afduub lasku dayey in bisha Nofeembar 2deeda lagu sameeyo diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee magaalda Boosaaso. Waxaa kale oo si ka baxsan bini'aadanimada loo caburiyey oo handadaad iyo talaabooyin ka baxsan shuruucda caalamiga ah lagula dhaqmay dadweynaha degan magaalada Laascaanood ee ay sharcidarrada ku joogaan maamulka gooni isutaaga ah ee waqooyi galbeed ee Soomaaliya. 2. Caddayn Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland isagoo ku hadlaya magaca dhamaan qurbajoogta reer Putland ka xunyahay weeraraai gardarada ah ee isdabajooga ah ee lagu soo qaaday shacabka nabada jecel ee Puntland, kuwaas oo lagu doonayay in khalkhal lagu geliyo xasiloonida iyo kala danbaynta Puntland. Kusoo xadgudubkii Sanaag, weerarkii Gaakacayo, Jajuubka iyo caburinta Sool, bamkii iyo afduubkii Boosaaso dhamaan dhacdooyinkaasi waxay tusaale u yihiin sida cadowga jiritaanka Puntland uu uga xunyahay horumarka , xasiloonida, kala danbaynta iyo maamulka yaala Puntland, iyadoo aysan cidina caad ka saarnayn sida uu cadowgaas isbiirsaday gudo iyo dibadba ugu heelan yahay dhaawicista iyo fashilinta horumarka shacabka iyo maamulka Puntland. Hadaba waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland uu caalamka nabada jecel u cadaynayaa in Puntland laga gardaran yahay, sidaa awgeedna ay xaq u leedahay iska difaaca kuwa caadada ka dhigtay qaska iyo qalalaasaha. 3. Dhalleecayn Waxaan marka hore dhalleecaynaynaa falalka waxashnimada ah ee ay ku dhaqaaqeen dablayda hubaysan ee weerarka ku soo qaaday hawlaha nadaafadeed oo ujeedadoodu ahayd sare u qaadida bilicda, iyo banaynta wadooyinka magaalada Galkacyo ee uu horseedka ka ahaa Duqa magaalada Galkacyo. Waxaan dhaleecaynaynaa gardarada iyo duulaanka lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaan kaloo si adag u dhalecaynaynaa falalka xun ee lagu caburinayo dad si nabadgelya ah ku joogay magaaladadoodii iyo dhulkii ay u dhasheen. Waxaan sidaa si la mid ah u dhaleecaynaynaa weerarkii bamka iyo isku dayga afduubkii ka dhacay magaalada Boosaaso. 4. Baaq Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland ku amaanayaan maamulka iyo shacabka Puntlandba sida geesinimada iyo isku duubnida leh ee ay u wada wajaheen iska caabinta qaswadayaasha camalka ka dhigtay dhibka iyo fowdada. Waxaan ugu baaqaynaa dawlada Puntland, maamulka gobolka Mudug, Golaha Deegaanka & Duqa magaalada Galkacyo, Issimada, indheergaradku in ay u hiiliyaan tallaabo kasta oo lagu adkaynayo amniga iyo degenaanshaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan iyo Puntland guud ahaan. Waxaan taageeraynaa hawlkarnimada iyo dadaalada hawleed ee uu muujiyey Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo, uguna baaqaynaa shacabka, maamulka gobolka iyo kan dawlada Puntland in ay taageero buuxda ku siiyaan Duqa fulinta iyo gudashada waajibaadkiisa. Waxaan ku bogaadinaynaa dadweynaha iyo maamulka gobolada Sanaag iyo Cayn oo geesinimo ah u difaacay kana hortagay falalkii nabadgelyo xumo ee lala soo beegsaday goboladooda. Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Puntland in ay gacan bir ah ku qabato nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland. Waxaana ku ammaanaynaa tallaabooyinka ay ilaa hadda dawladdu dhankaas u qaaday. Waxaan tacsi u diraynaa intii ku dhimatay ama ku dhaawacantay falal dambiyeedyada ka dhacay Galkacyo, Boosaaso, Buuhoodle, iyo degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag. Waxaan ugu baaqaynaa qurbajoogta Puntland, in ay ka qaataan kaalinta kaga aadan, ayna gargaar u fidiyaan dadka rayadka ah ee dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaaray falalka axmaqnimada ah ee ka dhacay Gaalkacyo. Waxaan shacabka, ganacsatada, indheergaradka, saraakiisha, cuqaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland Dibad iyo Gudaba u soo jeedinaynaa inay muujiyaan midnimo, isku duubni, isku kalsoonaan iyo inay taageero maadi iyo macnawi ahba lala garab istaagaan naftooda hurayaasha u taagan in ay difaacaan karaamada iyo sharafta Puntland. Waxaa goluhu ugu baaqayaa shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba in ay laba jibbaaraan taageeradooda ku wajahan Maamulka Puntland iyo ciidamada amniga ee Puntlandba, kuna taageeraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga xuduudaha iyo magaalooyinka Puntland. Waxaan Soomaaliweyn meelay joogaanba ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan dilka, gardarada iyo qaska, una soo jeestaan nolol iyo nabad. Wadadaas oo keliya ayaana lagu gaari karaa himilada midnimo, qaranimo iyo mustaqbal, taas oo aan dhamaanteen u baahanahay, waana taas midda horseedi karta horumar iyo nolol. Golaha Qurbajoogta Puntland waxaa uu beesha caalamka ka codsanayaa in taageero buuxda, mid dhaqaale iyo siyaasadba la garab istaagaan dawladda iyo shacabka Puntland. Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada Golaha Qurbajoogta Puntland publicrelations@puntlanddiaspora.org | "">http://www.puntlanddiaspora.org[/i]
  17. Press Release by PDF on the solutions of the latest security challenges and attacks faced by the State by its enemies War saxaafadeed: Talo Bixin Dhacdooyinka Nabadgelyo Darro ee Ka soo Cusboonaaday Puntland Tixraac: PDF/MDC/011109 Taariikh: Nofeember 03, 2009 http://www.puntlanddiaspora.org publicrelations@puntlanddiaspora.org 1. Arar Waxaa usbuucyadii la soo dhaafay ku soo kordhay Puntland falal ka soo horjeeda nabadgelyada iyo xasiloonida dawladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaa falakaas ka mid ah uguna darnaa dhacdadii foosha xumayd ee bishii Oktoobar 29‐keedii si bareer ah loo laayey dad ku howlanaa qurxinta iyo soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo. Waxaa falkaas ka danbeeyey dad maangaab ah oo aan ku baraarugsanayn qiimaha nabadda iyo derisnimo wanaaga, waxaana si macna daro ah dhacdadaas ugu geeriyooday inta la og yahay 14 qof, halka ay dhaawacyo soo gaadheen ku dhawaad 70 meeyo qof oo rayad ah. Waxaa kale oo bam lala beegsaday saldhig Boolis oo ku yaal magaalda Boosaaso bisha Nofeembar 1deedii. Waxaa inta la ogyahay ku dhaawacmay falkaas askar gudanaysay waajibkoodii iyo xilkii ay u hayeen shacabka magaalda boosaaso iyo dadweynaha Puntland. Falkaas isagaa waxaa ka danbeeyey dad qaswadayaal ah oo ka soo horjeeda nabadgelyada Puntland. Waxaa iyana daandaansi ka dhan nabadgelyada Puntland lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee dawladda Puntland. Waxaa ficiladaas ka danbeeyey dad wax ma garato ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo midnimada Puntland. Waxaa ficiladan isdabajooga ah ee ka dhacaya Puntland ugu danbeeyey afduub lasku dayey in bisha Nofeembar 2deeda lagu sameeyo diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee magaalda Boosaaso. Waxaa kale oo si ka baxsan bini'aadanimada loo caburiyey oo handadaad iyo talaabooyin ka baxsan shuruucda caalamiga ah lagula dhaqmay dadweynaha degan magaalada Laascaanood ee ay sharcidarrada ku joogaan maamulka gooni isutaaga ah ee waqooyi galbeed ee Soomaaliya. 2. Caddayn Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland isagoo ku hadlaya magaca dhamaan qurbajoogta reer Putland ka xunyahay weeraraai gardarada ah ee isdabajooga ah ee lagu soo qaaday shacabka nabada jecel ee Puntland, kuwaas oo lagu doonayay in khalkhal lagu geliyo xasiloonida iyo kala danbaynta Puntland. Kusoo xadgudubkii Sanaag, weerarkii Gaakacayo, Jajuubka iyo caburinta Sool, bamkii iyo afduubkii Boosaaso dhamaan dhacdooyinkaasi waxay tusaale u yihiin sida cadowga jiritaanka Puntland uu uga xunyahay horumarka , xasiloonida, kala danbaynta iyo maamulka yaala Puntland, iyadoo aysan cidina caad ka saarnayn sida uu cadowgaas isbiirsaday gudo iyo dibadba ugu heelan yahay dhaawicista iyo fashilinta horumarka shacabka iyo maamulka Puntland. Hadaba waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland uu caalamka nabada jecel u cadaynayaa in Puntland laga gardaran yahay, sidaa awgeedna ay xaq u leedahay iska difaaca kuwa caadada ka dhigtay qaska iyo qalalaasaha. 3. Dhalleecayn Waxaan marka hore dhalleecaynaynaa falalka waxashnimada ah ee ay ku dhaqaaqeen dablayda hubaysan ee weerarka ku soo qaaday hawlaha nadaafadeed oo ujeedadoodu ahayd sare u qaadida bilicda, iyo banaynta wadooyinka magaalada Galkacyo ee uu horseedka ka ahaa Duqa magaalada Galkacyo. Waxaan dhaleecaynaynaa gardarada iyo duulaanka lagu soo qaaday gobolada Sanaag iyo Cayn ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaan kaloo si adag u dhalecaynaynaa falalka xun ee lagu caburinayo dad si nabadgelya ah ku joogay magaaladadoodii iyo dhulkii ay u dhasheen. Waxaan sidaa si la mid ah u dhaleecaynaynaa weerarkii bamka iyo isku dayga afduubkii ka dhacay magaalada Boosaaso. 4. Baaq Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland ku amaanayaan maamulka iyo shacabka Puntlandba sida geesinimada iyo isku duubnida leh ee ay u wada wajaheen iska caabinta qaswadayaasha camalka ka dhigtay dhibka iyo fowdada. Waxaan ugu baaqaynaa dawlada Puntland, maamulka gobolka Mudug, Golaha Deegaanka & Duqa magaalada Galkacyo, Issimada, indheergaradku in ay u hiiliyaan tallaabo kasta oo lagu adkaynayo amniga iyo degenaanshaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan iyo Puntland guud ahaan. Waxaan taageeraynaa hawlkarnimada iyo dadaalada hawleed ee uu muujiyey Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo, uguna baaqaynaa shacabka, maamulka gobolka iyo kan dawlada Puntland in ay taageero buuxda ku siiyaan Duqa fulinta iyo gudashada waajibaadkiisa. Waxaan ku bogaadinaynaa dadweynaha iyo maamulka gobolada Sanaag iyo Cayn oo geesinimo ah u difaacay kana hortagay falalkii nabadgelyo xumo ee lala soo beegsaday goboladooda. Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Puntland in ay gacan bir ah ku qabato nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland. Waxaana ku ammaanaynaa tallaabooyinka ay ilaa hadda dawladdu dhankaas u qaaday. Waxaan tacsi u diraynaa intii ku dhimatay ama ku dhaawacantay falal dambiyeedyada ka dhacay Galkacyo, Boosaaso, Buuhoodle, iyo degmooyin ka mid ah gobolka Sanaag. Waxaan ugu baaqaynaa qurbajoogta Puntland, in ay ka qaataan kaalinta kaga aadan, ayna gargaar u fidiyaan dadka rayadka ah ee dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaaray falalka axmaqnimada ah ee ka dhacay Gaalkacyo. Waxaan shacabka, ganacsatada, indheergaradka, saraakiisha, cuqaasha, culimada, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland Dibad iyo Gudaba u soo jeedinaynaa inay muujiyaan midnimo, isku duubni, isku kalsoonaan iyo inay taageero maadi iyo macnawi ahba lala garab istaagaan naftooda hurayaasha u taagan in ay difaacaan karaamada iyo sharafta Puntland. Waxaa goluhu ugu baaqayaa shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba in ay laba jibbaaraan taageeradooda ku wajahan Maamulka Puntland iyo ciidamada amniga ee Puntlandba, kuna taageeraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga xuduudaha iyo magaalooyinka Puntland. Waxaan Soomaaliweyn meelay joogaanba ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan dilka, gardarada iyo qaska, una soo jeestaan nolol iyo nabad. Wadadaas oo keliya ayaana lagu gaari karaa himilada midnimo, qaranimo iyo mustaqbal, taas oo aan dhamaanteen u baahanahay, waana taas midda horseedi karta horumar iyo nolol. Golaha Qurbajoogta Puntland waxaa uu beesha caalamka ka codsanayaa in taageero buuxda, mid dhaqaale iyo siyaasadba la garab istaagaan dawladda iyo shacabka Puntland. Guddiga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada Golaha Qurbajoogta Puntland publicrelations@puntlanddiaspora.org | <a href="http://www.puntlanddiaspora.org'>http://www.puntlanddiaspora.org">http://www.puntlanddiaspora.org[/i]
  18. PDF: Vision On the left the Aviation and Airport Minister Axmed Garaash WHAT WE ENVISION The core vision of Puntland Diaspora Forum (PDF), deeply rooted in the organization's firm belief that Diaspora Puntlanders can make significant contributions to Puntland, (Somalia), is to develop effective modes ... WHAT WE ENVISION The core vision of PDF, deeply rooted in the organization's firm belief that Diaspora Puntlanders can make significant contributions to Puntland, (Somalia), is to develop effective modes—through programs, policies, and advocacy—for Puntlanders abroad to harness their talents, expertise, and resources for Puntland's development and nation building. PDF believes that this overriding framework and philosophy resonates with every Puntlander man, woman, and organization abroad and sets the foundation for a profound opportunity to unite, collaborate, and effect needed change in our Homeland and beyond.
  19. I must say the report was drafted by people who have at their heart the best for the State. The findings and solutions found are what we knew before. It is right that we need a coherent strategy and the ascendency of firm state institutions. Thus this scientific compilation is to up-most accurate of its findings and the solutions it hence entails. I hope the Aviation and Airport Minister has been given the report and on his return to Garoowe will present it to the government, parliament and other relevant state agencies in order to further analysis and implementation of the solutions provided and in order to get a coherent political strategy. Puntland needs to immediately adopt the democratisation process in full and follow it up with tangible steps in order to realise that goal. For many years Puntland lacked the right leadership to implement those changes and the state was preoccupied with the search of a federal united Somali government hence many progressive implementations in the political platform process have been neglected thereby. Disarming the people is a good proposal but the state has to make sure that it can guarantee the safeguard of its citizens and that of visitors to the state. Only last week there was an incident whereby if the locals in Gaalkacyo have not been armed and defended the mayor of the city who was on a cleaning campaign of the city, there would probably more than 10 people dead and 60 wounded as the Darawiish did not intervene because of implications involved. The state also needs to take a clear strategy on the issue of Lasanod and other occupied territories and work a strategy on how best to deal with that issue. Further more the image of Puntland is being tarnished daily and on this front their needs a lot of work to be done. The other aspect is the diaspora's indifference and not involvement of the political and economical progress of the state. The state has the majority of Somalis in the most powerful country and the whole of North America but their political involvement amounts to something close to 'invisible' and this has to change. A greater involvement and mingling in the political and lobbyist affairs of the US is needed in order to promote the state and to help secure political and economical help for Puntland State in order to help rebuild the infrastructure of the state and also further its political organs and institutions. Faroole needs to strengthen the army and security sector of the State and to take grip of things and he needs to take the bull by its horns and not worry about what and if's as everything will turn out for him inshallaah. We are far off and a a few steps away until we reach our ultimate Yoolkeena, which we have envisioned and enshrined in our constitution. Inshallaah hadafkeena iyo Yoolkeenba waanu gaaraynaa mar dhow madaxdeena keliya waa inaan la shaqaynaa oo taageernaa xafidahullaahiye.
  20. A&T is such an exaggerator that he will tell you that he's from the city of the fat stones and I am sure many people were amused by him and his tale. But as everything in life the truth is less dramatic and he's from the city of the rocky mountain or Rocky Mountain City instead, which will bring him flat down and back to earth again away from his fantasy-dreams yet again. Alas the same is true with his warmongering of late just let him enjoy it until he is normal again and he comes back, face down of course.