Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. DAAWO SAWIRO: Duqa Boosaaso, C/risaaq Xareed Gudoomiye ku xigeenka gobolka, Yuusuf Muumin Safiirka Masar iyo wasiirka caafimaadka Dadkii ka qeybgaley soo dhoweynta Safiirka Masar, Wasiirka iyo dhakhtar Masri ah
  2. Wafdi uu Hogaaminayo Safiirka Masar ee Soomaaliya oo Maanta Soo Gaaray Boosaaso Cabdalle Muumin RBC Radio Boosaaso(RBC Radio): Wafdi uu hogaaminayo safiirka dowlada Masar ee ee Soomaaliya Ambasador Siciid Bin Mursi ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Safiirka oo booqasho ballaaran ku mari doona degaanada Puntland ayaa lgtiisii ugu horeysay maanta ku soo gaarey magaalada Boosaao ee xarunta gobolka Bari. Wafdiga safiirka oo ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa soo ku soo dhoweeyey wasiirka caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi, agaasimayaasha wasaarada waxbarashada iyo caafimaadka, maamulka gobolka Bari, degmada Boosaaso iyo maasuuliyiin ka tirsan macaahida caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ee gobolka. Ambasador Siciid Bin Mirsi oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha. Waxaa soo dhoweynta safiirka Masar ee Soomaaliya sdoo kale ka qeybgaley xubno Masaari ah oo ku nool magaalada Boosaaso kuwaasi oo ah dhakhaatiir iyo macalimiin ka hawlgasha magaalada Boosaaso. Safiirka Masar Ambassador Siciid Bin Mirsi oo markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha u waramay saxaafada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqaashada Puntland waxaana uu ka mahadceliyey soo dhoweyntii loo sameeyey. Booqashadiisu ayuu ku tilmaamay inay la xiriirto sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo ah mid walaaltinimo. Waxaa uu safiirka sheegay inuu booqan doono xarumaha caafimaadka, waxbarashada iyo goobo kale oo muhim ah si uu u fiirito xaaladaha jira, waxaana uu shaaca ka qaaday in dhowaan ay iman doonto shixnad dawo ah oo dhan 4 tonne oo dowlada Masar ay ugu deeqday isbitaalada Puntland. Wasiirka caafimaadka Dr. Bashiir Cali Biixi oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in socdaalka wafdigan uu yahay mid ballaaran, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda ay tegi doonaan magaalooyinka Garowe iyo Qardho iyagoo la kulmi doona xubno ka tirsan golaha xukuumada iyo barlamanka. Duqa magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo si kooban uga hadlay soo dhoweynta wafdiga ayaa sheegay in mamulka degmada uu ku soo dhoweynayo magaaladiisa wafdiga Masar ee u yimid. Waxaana uu intaa ku daray in maamulka degmadu uu wixii wada hadalo ah u deyn doono maamulka sare ee Puntland. Waxaa sidoo kale halkaasi goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide, agaasimayaasha wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo sidoo kale maamulayaal goobo waxbarasho oo Boosaaso ku yaalla. Wafdiga safiirka ayaa isla maanta booqasho ku maray kulliyada tababarka caafimaadka Boosaaso, isbitaalka guud iyo xarunta jaamacada Bariga Afrika oo ah goobo muhim ah dhamaantoodna uu kula kulmay masuuliyiin kala duwan. Safiirka ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo u gudbo magaalooyinka Qardho iyo Garowe si iyana kulamo ugula soo qaato madax ka ka tirasan maamulka Puntland.
  3. Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadley Qaraxa Muqdisho Ka Dhacay. December 3, 2009 Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadley maanta qaraxa xooganaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho mar uu u wsramaayey Laanta BBC-da. “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, aad baan uga xumahay qaraxa xoogan ee maanta ka dhacay Muqdisho raga ku dhintey waxaa ku jira kuwo aan dhawaan isbaranay sida Caddow, nin qaaliya ayuu ahaa runtii aad ayaan uga naxay, fal shaydaan ayuu ahaa, dad xaflad iyo farax ku jirey ardey qalinjebineysa oo ah aqoonyahankii maanta iyo kuwii beri in la xasuuqo, runtii waan ka tacsiyeynayaa aniga oo ku hadlaaya magaca Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland” ayuu yiri madaxweyne Faroole. Dr.Faroole ayaa sheegay ninkii qeyrkiisa loo xiirayoow soo qoyso adiguna isaga oo u jeeday wadamada deriska ah, in waxa ka dhacaya Soomaaliya ay soo garayaan iyagana haddii aysan umadda Soomaaliyeed wax la qaban. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo socdo qaranimaddii Soomaaliyeed Puntland ahaana ay diyaar u yihiin in ay dawladda federaalka kala shaqeeyaan arintan, waxa aan diyaar u nahay in wadanka maamul loo sameeyo anaga oo ka bilaabayna, gobolada nagu dhaw dhaw, waxa aan ugu baaqayaa Dawladda in la iska ilaawo faraqa iyo khilaafka noo dhexeeya meelna looga soo wada jeesado qaranimada Soomaaliya anaguna diyaar ayaan u nahay. Dhawaan ayaa dawladda Federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif iyo Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland uu khilaaf soo kala dhexgalay, waxaase muuqata in Madaxweynaha Puntland uu maanta muujiyey in uu diyaar u yahay in xal la gaaro lagana baxo nin jecleysiga oo si dhab ah looga wada shaqeeyo qaranimada Soomaaliya. Horseed Media Bosaso, Puntland, Somalia
  4. Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow. Posted to the Web Dec 03, 15:59 Garoowe:Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay qaraxii ka dhacay maanta Hotel Shaamow oo ay ku dhinteeen ilaa 3 wasiir oo ay iskugu dhawaayeen Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxda ugu saraysa DFKM , isagoo ku tilmaamay qaraxii ka dhacay Hotel shaamow mid musiibo ah ,waxaan uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is qabsadaan gacanta kana hortagaan. Mar wax laga wiidiiyey khliaafka ka dhex aloosnaa Puntlland iyo DFKM ayaa Dr. Faroole waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa ay diyaar u yihiin in ay wada shaqayn la sameeyaan DFKM waxaan uu ku baaqay in siyaasiyiin iyo shacab wax u dhexeeya in laga gudbo loona gudbo in la raadiyo Dowlada dib u soo celisa qaranimadii dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Faroole ayaa waxaa uu sheegay in wasiirada ku dhintay qarax ay ahaayeen kuwo uu yaqaan waxaan uu tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Wasiirada. Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay Gobollada dalka in ay samaystaan Maamulo waxaan uu sheegay in ay wax kala qaban doonaa cid walba oo doonaysa in maamul ay samaystaan. M_M_Deeq Halgan.net
  5. Garowe: Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka hadlay Qaraxyadii magaalada Muqdisho. 3. December 2009 APL Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay caasumada Puntland ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey qaraxii maanta ka dhacay caasumad dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay in uu yahay mid argagixiso, waa sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland-ne. Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu ugu baaqay dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay garab istaagaan dawladda Soomaaliya, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qarax lala beegsado Arday Soomaaliyeed oo maanta doonaysay in ay qalin jabiyeen, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku Siyaasada gobalada Koonfureed ee Soomaaliya in ay wada hadlaan. “ Aad baan uga xumahay waxa dhacay, anoo ku hadlaya Magaca Dawladda Puntland waxaan aad uga tacsiyaynayaa falkaasi dhacay, waxaana ugu baaqayaa dalalka jaarka la ah Soomaaliya in ay caawiyaan dawladda KMG ah, oo hada ku hareysan meelo badan oo ay ku sugan yihiin dhinacyo badan oo ka soo horjeeda” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan mustaqbalka dalka Soomaaliyeed, isla markaasna ay dhinacyada Siyaasadeed ee dagaalamaya aysan dagaaladooda galin dhinacyada horumarka caamka ah ee Bulshada. Dawladda Puntland oo hada gobaladeeda ay ka jirto nabadgalyo, inkastoo ay jireen mudooyinkii ugu dambeeyey falal amaan daro, ayaa horay uga daraysay xaaladaha qalafsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Koonfured ayadoo ugu baaqday Beesha Caalamka taageero balaaran oo lugu garab istaago dawladda Soomaaliya. F. C. Maxamed AllPuntland
  6. ^Paragon the men who died where the xiji boys from Waaciye that's evident. But it was a combined effort. No disrespect.
  7. War Che, when the Dhahar incident happened the two folks that died in that battle were from the xiji and meydi collecting communities of Waaciye, who felt threatened as the mad came all the way to the laamiga in which Waaciye lies on, the same for Qardho. Fortunately for the Duub guys from Maakhir, the Waaciye boys came in from the mountains weapons blazing one afternoon whilst the 'Qardho boys' hid and were trying to vacate for the coast to sail away to far off places.
  8. Che in actual fact, they are one of the 7 brothers that make up that family. They're known as Axmed H. But we, the makhirites and the ones at question are from the same mother of Djibouti with that famous nick name of ours. Whilst the other four are from another mother namely Sophists and co. But people actually do not ackowledge them as such as they are as said business man primarily and in the frankincense business and are also very well known for other not so desirable activities but with huge returns like the small dhows departing from the Red sea with ethiopians and other economic migrants on board heading to yemen. They are superior fighters and when shove comes to push they can be very angry. Then they will leave all their activities such as the collection of frankincense and descend proudly from the mountains as in the case with Dhahar not so long ago.
  9. Ngonge should really stop consulting A&T regarding Puntland matters and affairs. As it can be seen by the ONLF boys tapping in the dark regarding that mysterious 'D'.
  10. Ngonge you got your Somali alphabet messed up or shall I say your arabic? The clan your talking about is 'DH' as in the somali alphabet letter and the arabic as you would probably by now have guessed. And no 'Darawiish' is not a clan! As there were many of the darawiish mainly so its head the Sayid who were not part of the 'DH' clan.
  11. Xoolo ka badan 300,000 oo neef oo isugu dhafan ari, lo' & geel oo illaa maanta laga dhoofiyey dekedda magaalada Bossoso. Bossaso, Nov 21 - Dekedda magaalada Bossaso ayaa maanta waxaa laga dhoofiyey xoolo nool oo tiradooda lagu qiyaasay 300,000 (saddex boqol oo kun), kuna sii jeeda wadamada Sucuudiga, Yemen, Cumaan, Kuwait, Qatar & Imaaraadka. Wasiirka maaliyada ee Puntland Faarax Cali Shire oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in tirada guud ee ka dhooftay dekedda Bossaso ay dhan yihiin 293,020 neef oo ari, 4,000 oo lo' ah, iyo 1,800 oo geel ah. Md. Faarax waxaa uu sheegay in wadamo kale oo ku yaal khaliijka carabta ay u dhoofiyeen xoolo nool. Waxaa uu xusay in ay ka mid yihiin dalalka Yemen, Cumaan & Imaaraadka. Dekedda Bossaso ayaa maalmihii la soo dhaafay la ciirciiraysay dhoofka xoolaha iyo maraakiibta faraha badan ee ku soo xiranaya dekedda Bossaso. Maareeyaha rugta ganacsiga Puntalnd oo isna la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhoofka xooluhu uu sii socon doono xajka ka dib. Maxjarka Bossaso ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan xoolo nool oo aad u fara badan, lana sheegay in maalmaha soo socda ay ka dhoofi doonaan dekedda Bossaso. Muddo sannado ah ayaa waxaa saaraa xayiraad dhoofka xoolaha nool ee Somaliya oo lagu tuhmay in uu caafimaadkoodu liito. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  12. Puntland government Official Press Conference: Shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha Dowladda Puntland. Saturday, 21-Nov 2009 Garowe,Puntland:Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maalinimadii khamiista ahayd kulan la yeeshay golaha xukuumadda Puntland,kaasi oo sida caadiga ah ay khamiis walba kulan yeeshaan. Madaxweynaha ayaa kulankaasi shir jaraa’id oo uu ku qabtay kaga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dalka Kenya gaar ahaana Magaalada Nayroobi isaga iyo wefti uu hogaaminayey. Wuxuuna sheegay in ay waxayaabo badan u soo qabsoomeen,wuxuuna Madaxweynuhu intaasi raaciyey khilaafkii soo kala dhexgalay iyaga iyo Dowladda Federaalka ahwuxuuna yidhi,waxaan la kulanay Ra’iisal wasaaraha DFKMG ah Mudane Cabdirshiid Cali Sharmaake oo ahaa bud dhigihii xiriirka Federaalka iyo Puntland ayna ka wada hadleen hirgelintii heshiiskii lagu gaaray. Gaalkacyo,wuxuuna sheegay Madaxweynuhu in ay isla soo qaadeen sidii loogu dari lahaa heshiiskaasi qodobo ka dhimanaa,balse uu ku degdegsanaa howlo ugu harsanaa Magaalada Muqdisho. Nasiib wanaag waxaanu la kulanay madaxweynaha DFKMG ah Mudane Sheekh Shariif,waxaana ugu tagnay halkii uu deganaa si wanaagsan ayaanu u wada hadalnay markii uhu horraysay,waxaana isku raacnay in aan maalinimada saxeexno heshiiska ay soo qoraan wasiirada labada dhinac,dhinaca Puntland Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Jeneraal Cabdillaahi Axmed Jaamac oo ka mid ah weftiga aan hoggaaminayey iyo dhinaca Federaalka,markii la doonayey in heshiiska la saxeexo ayaa sheikh shariif waxa uu la yimid qorshe ka bedelan kii laga wada hadlay habeenimadii. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud ayaa sheegay amaba cadeeyey in aaanay marnaba ka tanaasuli doonin horumarka Puntland,isagoo cadeeyey in aanay marnaba ka tageyn Dastuurka Puntland waxyaabaha uu qorayo isagoo si gaar ah u sheegay horumarka Puntland in aanay ka tegayn. Nin kuu diidan Horumar muxuu kuu ogolanayaa,waxay ila tahay in Puntland qaadi doonto talaabo kasta oo dhinaca Horumarka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ku nool yihiin dad badan oo ka soo cararay dagaalada ka socda koonfur ayna mas’uuliyadeeda leeyihiin DFKMG ah iyo kuwa ka soo horjeeda isla markaana ay dowladda Soomaaliya ka biyo diidsan tahay mashaariicda laga fulinayo Puntland,dadkaasi soo cararay waxa ay dhibaato ku hayaa degaanada Puntland. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay la kulankii ay la kulmeen deeq bixiyayaasha Caalamka sidii taageero wanaagsan loo siin lahaa Puntland,wayna balanqaadeen in ay siin doonaan taageero fiican,wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ay wax badan isku soo afgarteen deeq bixiyayaasha Caalamka. Dalal deeqaha bixiya ayaa balan qaaday in ay bixin doonaan deeq baaxad weyn,wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay Taliyayaasha amniga in ay xoojiyaa ammaanka Puntland waxna ka qabtaan. Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Madaxweynuhu ayaa waxa uu kaga hadlay qodobo kale oo ka mid ah ammaanka Puntland iyo waxyaabihii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland,wuxuu kaloo soo hadal qaaday barakacayaasha. Madaxweynaha ayaa maalinimadii arbacada ahayd soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe isagoo ka soo degay Garoonka Konoko,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin isugu jirtay Wasiiro xildhibaano,shacab iyo cusub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo markuu uu Madaxweynuhu soo degay uu ka qaatay Salaan sharaf.
  13. ^The big question here is: How will Mr. Shariif get out of this media disaster and bad press on refusing the progress and goals aspired by the only federal state in Somalia, which is also equal to 1/3 of Somalia?
  14. No more nice words by Mr. Funduq. Saxaafadda ayaa Madaxweynaha weydiisay halka dhibka ka taaganyahay marka loo Eego xiriirka dowladda iyo Puntland wuxuuna ku jawaabay ” Puntland xiligii C/laahi Yuusuf Dowladda way taageeri jirtay hada maxaa diidaya in ay taageerto arrimahaas dhan waxay u baahanyihiin falaqayn” Shariif.
  15. Madaxweyne Shariif “Puntland xiligii C/laahi Yuusuf Kaalin Muuqato ayay Dowladda u taageeri jirtay hadda maxaa u diidaa? Published on: November 20,2009 Garowe Time 3:39 pm Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax dhib ah oo uu ugaystay xoogaga maamulo gobalka Galgaduud ee labaxay Ahlusuna Waljamaaca. Shariif Sheekh Axmed oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay la Heshiinta maamul Gobaleedyada ka dhisan Somalia si looga baxo kala daadashada. Madaxweynaha ayaa sheegay in Xoogaga Galgaduud maamulo ay yihiin Dariiqada Suufida dhamaan shacabka Soomaaliyeedna ay yihiin Ahlusuna Waljamaaca “waan ka xumahay in Hadalkeygii si xuxun loo fasiro Culimada Ahlusuna waxaan u naqaan Duruqul Suufiya dowladda dhan ayaana ah Suufiya”ayuu yiri Madaxweyne Shariif . Mr.Shariif ayay Suxufiyiintu weydiiyeen, Ahlusuna waxay ka caroodeen in aad Jabhad ku Tilmaanto? wuxuuna ku jawaabay ” Duruqu Suufiya hadii ay dowlada taageersanyihiin soo dhawaada laakin koox hubaysan oo aan dowlad ahayn waxaan aan jabhad ahayn uma naqaan, waan ognahay anaga Shabaab iyo Xisbul islaam ayaa nala dagaashan waana Jabhado layaqaan” ayuu hadakiisa sii raaciyay. Dhinaca kale Shariif ayaa si kulul ula hadlay Maamulka Puntland oo uu sheegay in ay si iskood ah wax u wataan, isagoona sheegay in madaxda Puntland ay si kabad badis ah uga hadleen khilaafkii dhawaan dhacay. ” Waan ka xunahay in Puntland ay si ka bad badis ah uga hadasho arrimaha Kheyraadka waxaan rejaynaynaa in dowladdu ay arrinkaas Xal ka gaari doonto” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Saxaafadda ayaa Madaxweynaha weydiisay halka dhibka ka taaganyahay marka loo Eego xiriirka dowladda iyo Puntland wuxuuna ku jawaabay ” Puntland xiligii C/laahi Yuusuf Dowladda way taageeri jirtay hada maxaa diidaya in ay taageerto arrimahaas dhan waxay u baahanyihiin falaqayn” Shariif. Ugu dambayn wuxuu lahadlay Maamulka Somaliland wuxuuna sheegay in uusan wax dhib ah ugaysan balse uu Somaliland ugu baaqay Midnimo iyo dowladnimo Soomaaliyeed, hadalada madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli aysan dowladu wada maamulin Muqdisho. Colaad Cadde RBC Muqdisho