Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Wafdi Ka Socda Hay’adaha Samafalka Japan oo Booqasho ku Yimid Boosaaso (Sawiro) Cabdalle Muumin RBC Radio Boosaaso, (RBC Radio): Wafdi ka socda hay’ado samafal oo Japan laga leeyahay ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka. Waxaa wafdigan ay isugu jireen hay’ado dhinaca gargaarka iyo waxbarashada ah oo ay ku jito hay’ada caalamiga ee ka hortaga muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM. Xubnaha wafdigan oo kulan la qaatey duqamagaalada Boosaaso C/risaaq X areed iyo la taliyaha madaxweynaha Puntland ee maamulka Barkhad Cali Saalax ayaa ka wada wadlay arimo ku saabsan gargaarka bani’aadanimo iyo xaaladaha dhinaca ammaanka. Duqa Boosaaso oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa ka mahadceliyey booqashada wafdigan, waxaana uu sidoo kale ka mahadceliey deeq isugu jirta qalab waxbarasho iyo dayactir dugsiyo oo ay hore u siiyeen dugsiga sare ee Boosaaso. Duqa magaalada Boosaaso Waxaana uu duqa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha inaysan ku koobnaanin oo kaliya deeq la qeybiyo ee dalka maalgashi lagu sameeyo. Xubnaha wafdiga qaarkood oo iyaguna hadal jeediyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulankan wada tashiga ah, waxaana wafdigu ay tilmaameen in ay ka go’an tahay taagerida shacabka Soomaaliya. Mr. Moja oo ah sarkaalkii hogaaminayey wafdigan ayaa tusaale u soo qaatay in Japan ay soo martay marxalado kuwa Soomaaliya la mid ah oo burbur iyo dhibaato isugu jira hase ahaatee ay ka soo gudbeen, waxaana uu idaa darteed yiri “waajib ayey nagu tahay taageerida Soomaalida”. Wafdigan Japan ayaa isla maantaba booqasho ku tegey dugsiga sare ee Boosaaso iyo xarunta hay’ada IOM ee dhinaca muhaajiriinta oo ku taalla Boosaaso halkaasi oo ay kula kulmeen masuliyiin kala duwan. Waxaa wafdigan ay u kuurgalayeen sida ay sheegeen qaabka loo maareeyo deeqaha lagu bixiyo dalka oo ay sheegeen inay yihiin canshuurtii ay bixiyeen shacabka waddanka Japan, ayna tahay waajib in laga warbixiyo. RBC Radio
  2. Wafti ka socda safaarada Japan ee Kenya, iyo madaxda hay'adaha UNICEF iyo IOM oo soo gaaray Boosaaso Posted to the Web Dec 09, 07:40 Boosaaso:-Waxaa shalay gelinkii dambe ka soo degay garoonka Bander Qassim ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wafti uu hogaaminayo Seiji Okada oo ah safiirka dalka Japan ee Kenya. Mr. Okada, 'Chargé d'Affaires' oo ah u qaybsanaha dalka Japan ee hawlaha diblomaasiyadeed iyo wafdi ka socda madaxda hay'adaha UNICEF iyo IOM ayaa yimid shalay maqribkii magaalada Boosaaso iyaga oo ka fulin doona hawlo samafal gobollada Puntland. Mar wax laga weydiiyey Ujeedada safarka wafdiga Seiji Okada ay ku yimaadeen Puntland ayaa wuxuu sheegay in ay u yimaadeen in ay kormeeraan mashaariic bulsho oo ay hay'adaha samafal¨ka ee UNICEF iyo IOM waxaana ka mid ah mashaariicda in guryo loo dhiso dadka ku soo barakacay Puntland. Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Duqa magaalada Bossaso C/risaaq Xareed o,AlXaji Muuse Geele iyo xubno kale oo ka tirsan Masuuliinta Puntland. M_M Deeq Halgan.net
  3. ^So I gather the course you enrolled on is bearing all its fruition? Btw I agree with everything what you wrote up there.
  4. ^Somewhere up there in South Africa, there must be an intensive course in the history of the World Cup and Football in general, I don't believe that all this knowledge displayed here by A&T has been accumulated in Hararghe as a teenage boy or indeed somewhere else in the old Ethiopia.
  5. Meanwhile the German Red Cross delivered a ultrasound scan machine and other much needed equipment for laboratory research to the hospital in Garowe State Capital, Puntland.
  6. Japanese Ambassador arrives in Bosaso accompaning him the CEOs of major Humanitarian Agencies+NGO's, Bosaso mayor talks about their arrival and stay in Puntland
  7. ^Halgan.net I trust most of the times and even without checking any other websites I would believe what they write if they were the only ones reporting it but this time around they messed it up a little bit call it a selective reading of theirs. There's no Dr. Mohmud who is in London who claimed to have designed a flag he only merely managed that he was in support of one of the flags, they should have read it more precisely. Secondly Uztaad should be ashamed of himself really for claiming something others made and came up with. And no, Puntland should not have a crescent or moon or any such kinds of designs.
  8. I don't know what you were expecting there Duke but Sharif was expected to be like this. What has he accomplished or ever done prior to this calling of his? He's no military man, they put him in charge where is none to lead. A ordinary man without much knowledge in government let alone experience chosen to lead men, who is quiet oblivious in his role. They put him there in the cold and left him alone. He would struggle I knew that from the outset. We don't need to speak of experience in here when the basics are ignored. Sharif came, saw was puzzled and did not win. It is clear took full advantage of what the west was trying here. They had problems with unifying 'different' components and armies of the two merged 'entities', where soon it was revealed that Sharif had nothing only a few men who later on were then incorporated into the TFG Army, when the rest were playing a double game by refusing to were the same uniforms as the TFG a never forgettable saga of how Sharif was played badly by his components and 'friends' alike who would later on betray him who were clear that he had to go and was very weak. Today as you think the situation cannot get any worse the situation on the ground spells otherwise.
  9. I vividly remember that day, it was the 18th of September 2006. The President still carries the wounds on his back neck and is clearly marked by this event. I will not forget it. The jubilations were great on that day here on SOL but soon turned out to be something else. Today we are where we were in 2006, still without a unified strategy and vision on how to deal with these groups. Somalia needs a visionary and strong leader with military background or at least some backbone.
  10. ^I totally agree with what you said brother Duke. Viva Puntland indeed. *[Edited] I started that process some two years back as the previous administration led by President Adde made the new constitution. You know 2007 was a very hard year and politically challenging and there was this document signed by traditional leaders denouncing the bit where it said 'Puntland will have its own constitutional flag lead by the then opposition Mr. Farole himself through garoweonline mouthpiece. There was also a diaspora conference planned to be held I think it was summer of 2008 but that also failed as the government did not allow it to take place then. So I first designed my first flag some two years back in April 2008.
  11. ^Yeah brother but the funny thing is some here in SOL even claim to have designed what I designed long time ago. I have a pool of flags, differing in design and look but they have the same meanings and their evolving can be traced back to back. I just want the state to have a flag, anthem and coat of arms worthy of its standing. I don't really care who designs it. And I am hundred percent sure that the committee named will ensure that the best is chosen, no doubt about that at all in my mind as this individuals have like me Puntland enshrined on their breasts and hearts. Long may live the great State.
  12. ^Yes, they will also send Egyptian doctors and physicians to work in the hospitals of Bosaso and the Ambassador also said they will send two plane loads of medicine from Djibouti to Bosaso. They will help the Puntland government and stand side by side on its shoulders he embarked.
  13. ^Brother there already folks claiming some of the flags that I designed as you are privy to it that they are many. But they did the right thing in establishing first a committee of people such as state ministers the Constitution and Federal Minister amongst them alsoand National Poet of Puntland Abwaan Jaamac Kediye, representatives of the civil society such as Women groups and representatives of the young. We have a great pool of talent out there whether back home or in the diaspora they're capable of producing it and in such short time as well. May the best design and flag win inshallaah!
  14. Safiirka Masar ee Soomaaliya oo soo gaaray Bosaaso(Sawirro). December 7, 2009 Safiirka Masar ee dalka Soomaaliya Siciid Maxamed Al-Masri ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waxaana Safiirka maanta barqadi ka soo degay garoonka Caalamiga ah ee Bandar Qaasim ku soo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Dowlada Puntland,dad ka soo jeeda wadanka Masar ee ku nool Puntland iyo dadweyne kale. Masuuliyinti garoonka Safiirka ku soo dhoweeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa degmada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil,Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Yuusuf Muumin Mbidde iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Bashiir Cali Biixi. Safiirka oo saxaafada uga warbixiyey safarkiisa ayaa waxaa u sheegay in safarka u ku yimi degaanada Puntland u salka ku hayo sidoo Dowlada Masar ay u saacidi lahayd Dowlada Puntland. Waxaana u sheegay in Dowlada Puntland ay ka caawin doonaan arimo fara badan oo ay ka mid yihiin; 1.Sidii Puntland ay cirib tiri lahayd Burcad Badeeda. 2.Agab ay ugu deeqi doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso. 3.Dhaqaatiir ay keeni doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso,kuwaasi oo u sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan la tacaalida dadka Bukaanka ah. Waxaa u xusay Safiirku in Madaxweynaha Dowlada Puntland u dhowaan tegi doono dalka Masar,halkaas oo u kulan kula qaadan doono Madaxweynaha wadanka Masar,waxaana u sheegay in safarka Madaxweyne Faroole u ku tegi doono dalka Masar u qeyb ka yahay wada shaqayn dhexmarta Dowlada Masar iyo Dowlada Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland D.r Bashiir Cali Biixi oo ka mid ah Masuuliyinta soo dhoweysay masuuliyinta Safiirka ayaa sheegay in u aad ugu faraxsanyahay in Safiirka Masar u soo gaaro magaalada Bosaaso,isagoo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu xilsaaray soo dhoweynta Safiirka. Duqa degmada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil iyo Kuxigeenka Gudoomiyaha gobolka Yuusuf Muumin Mbidde ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihin in Safiirku u soo gaaro Puntland,waxaana ay sheegen in Dowlada Wadanka Masar ay Dowlada Puntland ka caawiso arimo fara badan oo ay ka mid yihin Caafimaadka,Waxbarashada iyo arimo kale. Si kastaba Safiirka ayaa lagu wada in saacadaha soo socda uu ambabaxo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halkaas oo u kulamo kula qaadan doono Madaxweynaha Puntland,waana marki labaad u booqasho ku yimaado degaanada Puntland. Maxamed C/laahi Khaliif Horseed Media Bosaaso,Soomaaliya.
  15. Madaxwaynaha Pl oo Gudi Magacaabay Madaxwaynaha Dowlada PL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta Digreeto uu soo saaray waxaa uu ku magacabay gudi ka kooban Wasiiro Ururadda Haweenka kuwa Dhalinyaradda iyo abwaaniin , kuwaas oo loo igmaday in ay u soo bandhigaan dadka Hab tartan ah in Dawladu u baahan tahay Calan Astaan iyo Calanka Puntland Waxaana madaxwayuhuhuu u magacanay Gudigan sidan.. Dr Cabdi Xasan jimcaale Wasiir Dawlaha Dastuurka iyo Dimqraadiyanta iyo Arrimaha Federaalka Gudomiye Maxamed Farax Ciise Gashaan Wasiirka Maamul wanaaga ee Madaxtooyadda PL Gud. Xigeen Abwaan Jamac Kediye Cilmi Xubin Xalimo Cali Warsame Ururadda Haweenka Xubin Maxamed Muuse Maxamuud Ururka Dhalinyaradda Xoghayn Hada ilsa Gudigaan ayaa maanta waxaa ay soo sareen qoraalkoodii ugu horeeyay oo ay dadka ugu soo bandhigayaan afar qodob oo mid walba ay ku cadaynayeen Astaanta Calanka Heesta Calanka 1 Waa in uu ka koobnaadaa afar midab 2 waxaa in uu ka dhex muuqdaa Calanka Qaran soomaaliyeed ee buluugan 3 waa in uu Tartamuhuu soo tilmaamaa midabada uu doortay waxaa ay u taagan yihiin ama matalayaan 4 Naqshada Calanka waxaa lagu soo bandhigi karaa Sawir Gacmed Warqad ku qoran amao maro Heesta Calanka 1 Waa in miraheedu af soomaali yihiin kana turjumayaan himilada Dadwaynaha Reer PL 2 Waa in ay Tuducyada (meerisyada) heesta ka kooban yihiin isu miisaman yihiin 3 Waa in tartamuhuu heestiisa u soo sameeyaa laxan ama Music 4 Tartamhuhuu waa in uu heestiisa ku soo Duubaa Cajil si faseex ah loogu dhagaysan karo Astaanta 1 Waa in ay noqotaa mid u gaara PL sidaas awgeedna waa inay tahay mid muujinaysa astaan ama calaamd ay pl caan ku tahay 2-inuu tartamuhu naqshadiisa ku soo gudbiyo hab sawir gacmeed ah oo faahfaahintiisu raacsan tahay. tartame kasta waxa uu u tartami karaa calanka,astaanta iyo heesta calanka midkoodba ama tartamayaashu waxay fikradahoodu u soo gudbinayaan guddiga qiimeynta oo xaruntiisu tahay madaxtooyada dawlada puntland ee garoowe muddo 10maalmood gidohood ah kuna eg 17/12/2009 saacaduna tahay1-da duhurnimo(13:00)
  16. Puntland oo Magacawday Gudi usoo xulaya Calan iyo Astaan u gaar ah Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole ayaa maanta magacaabay gudi ka kooban xubno ka mid ah wasiirada Dowlada Ururada bulshada iyo weliba ururada Haweenka kuwaas oo loogu talagalay in ay soo gudbiyaan in dowlada Puntland loo sameeyo Calan u gaar ah, Astaan iyo Heesta Calanka , Madaxweyne Faroole ayaa Gudigan waxaa uu gudomiye uga dhigay Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo ah wasiiru dowlada Dastuurka iyo Arimaha Fedralka waxaana xubno ka ah, Max’ed Farax Gaashaan oo isna ah Wasiru dowlaha Maamul wanaaga, Abwaan jaamac Kadiye, Xaliimo Jaamac Warsame Ururka Haweenka, iyo Max’ed Muuse Maxamuud Ururka Dhalinyarada Xogheyn. Wareegtadan uu madaxweynaha ku magacaabay Gudigan ayaa uu u fiiriyay Dastuurka Puntland, kaas oo ka soo baxday in lamagacaabo Gudigan si ay uga soo fikiraan ayna u soo sameeyaan calan iyo Astaamo u gaar ah Dowlada Puntland, Waa markii ugu horaysay oo ay dowlada Puntland tan iyo markii la aas aasay 1998 ay Dalabto Calan iyo Astaamo lagu garto, taas oo maanta la shaaciyay Gudi soo kala xulaya calanka umada Puntland iyo Astaamo u gaar ah, Daawo Sawirro Gudoomiyaha Gudiga Xubnaha Gudida iyo gudoomiyihii _______________________________________ Madaxwaynaha Pl oo Gudi Magacaabay Madaxwaynaha Dowlada PL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta Digreeto uu soo saaray waxaa uu ku magacabay gudi ka kooban Wasiiro Ururadda Haweenka kuwa Dhalinyaradda iyo abwaaniin , kuwaas oo loo igmaday in ay u soo bandhigaan dadka Hab tartan ah in Dawladu u baahan tahay Calan Astaan iyo Calanka Puntland Waxaana madaxwayuhuhuu u magacanay Gudigan sidan.. Dr Cabdi Xasan jimcaale Wasiir Dawlaha Dastuurka iyo Dimqraadiyanta iyo Arrimaha Federaalka Gudomiye Maxamed Farax Ciise Gashaan Wasiirka Maamul wanaaga ee Madaxtooyadda PL Gud. Xigeen Abwaan Jamac Kediye Cilmi Xubin Xalimo Cali Warsame Ururadda Haweenka Xubin Maxamed Muuse Maxamuud Ururka Dhalinyaradda Xoghayn Hada ilsa Gudigaan ayaa maanta waxaa ay soo sareen qoraalkoodii ugu horeeyay oo ay dadka ugu soo bandhigayaan afar qodob oo mid walba ay ku cadaynayeen Astaanta Calanka Heesta Calanka 1 Waa in uu ka koobnaadaa afar midab 2 waxaa in uu ka dhex muuqdaa Calanka Qaran soomaaliyeed ee buluugan 3 waa in uu Tartamuhuu soo tilmaamaa midabada uu doortay waxaa ay u taagan yihiin ama matalayaan 4 Naqshada Calanka waxaa lagu soo bandhigi karaa Sawir Gacmed Warqad ku qoran amao maro Heesta Calanka 1 Waa in miraheedu af soomaali yihiin kana turjumayaan himilada Dadwaynaha Reer PL 2 Waa in ay Tuducyada (meerisyada) heesta ka kooban yihiin isu miisaman yihiin 3 Waa in tartamuhuu heestiisa u soo sameeyaa laxan ama Music 4 Tartamhuhuu waa in uu heestiisa ku soo Duubaa Cajil si faseex ah loogu dhagaysan karo Astaanta 1 Waa in ay noqotaa mid u gaara PL sidaas awgeedna waa inay tahay mid muujinaysa astaan ama calaamd ay pl caan ku tahay 2-inuu tartamuhu naqshadiisa ku soo gudbiyo hab sawir gacmeed ah oo faahfaahintiisu raacsan tahay. tartame kasta waxa uu u tartami karaa calanka,astaanta iyo heesta calanka midkoodba ama tartamayaashu waxay fikradahoodu u soo gudbinayaan guddiga qiimeynta oo xaruntiisu tahay madaxtooyada dawlada puntland ee garoowe muddo 10maalmood gidohood ah kuna eg 17/12/2009 saacaduna tahay1-da duhurnimo(13:00) tartamuhu waxa kaloofikradiisa tartameed ku soo hagaajin karaa email adress-yada kala ah: puntland1960@hotmail.com maxamedf1@yahoo.com wixii faahfaahin ah waxaa lagala soo xiriiri karaa telefoonada xubnaha gudiga oo kal ah: dr: jimclaale 794779 gaashaan 794738 maxed musse 742228 jaamac kediye 760327 xaliimo cali 749124 tartamaha ama tartamayaasha guuleysta waxay mutaysan doonaan abaalmarin. C/naasir Yaasiin Salaad SBC International Garowe Durqun70@hotmail.com
  17. Guddiga ka baaraandegga naqshada calanka, heesta & astaanka dawlada Puntland oo soo bandhigay tixraac. Garowe, Dec 07 - M/weyne Faroole ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiir u dawlayaal, abwaanno, iyo bulshada rayadka ah oo ka baaraandega astaanka, calanka iy heesta dawlada Puntland. Guddiga oo ka kooban 5 xubnood, uuna guddoomiye u yahay wasiir u dawlaha dimuqraadiyaynta Dr. Cabdi Xasan Jimcaale ayaa loo xilsaaray astaynta calan Puntland gaar u ah, summad lagu garto, iyo hees ka tarjumaysta hindisaha siyaasadeed ee Puntland. Xubnaha guddiga: - Dr. Cabdi Xasan Jimcaale - Wasiir u dawlaha Dimquraadiyaynta & Arrimaha Federaalka, - Maxamed Faarax Ciise 'Gashaan' - Wasiir u dawlada Maamul Wanaaga, - Abwaan Jaamac Kediye Cilmi, - Xaliimo Cali Warsame oo ka tirsan ururada haweenka, - Maxamed Muuse Maxamuud oo ka tirsan ururada dhallinyarada. Guddiga ayaa maanta soo bandhigay tixraac ay tahay in uu hago astaynta & astaamaha calanka, heesta, iyo summada dawlada Puntland. Astaan: 1. Waa in ay noqotaa mid u gaar ah Puntland, 2. Waa in uu tartamuhu naqshadiisa ku soo bandhigaa sawir gacmeed faahfaahsan. Calan: 1. Waa in aanu ka badan 4 midab, 2. Waa in uu ka dhex muuqdaa calanka Somaliya ee buluugga ah, 3. Waa in tartamuhu tilmaamaa midabada uu doortay waxa ay u taagan yihiin ama matalayaan, 4. Naqshada calanka waxaa lagu soo bandhigi karaa sawir gacmeed warqad ku qoran ama maro. Hees Calan: 1. Waa in miraha heestu af-Soomaali yihiin, kana tarjumaan himilada dadwaynaha Puntland, 2. Waa in ay tuducyada heestu ka kooban tahay isu miisaman yihiin, 3. Waa in tartamuhuu heestiisa u soo sameeyaa laxan ama musiq, 4. Waa in uu tartamuhu heesta ku soo duubaa cajil si faseex ah loogu dhagaysan karo. Guddiga waxaa laga soo xiriiri karaa: i) Dr. Jimcaale - 011 252 90 79 4779 ii) Gaashaan - 011 252 90 79 4738 iii) Abwaan Kediye - 011 252 90 76 0327 iv) Maxamed Muuse - 011 252 90 74 2228 v) Xaliimo Cali - 011 252 90 74 9124 Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  18. Wafdi uu horkacayo Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya oo soo gaaray Bosaaso Posted to the Web Dec 07, 14:17 Boosaaso:-Wafdi u hogaaminaayo Safiirka dalka Masar Ambassador Axmed Al-Masri ayaa waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ee Bandar Qaasim International Airport. Wafdiga Ambassador Axmed Al-Masri ayaa ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,waxaana socdaalkiisa ku weheliya Saraakiil ka tirsan Wasaarada arimaha dibada ee dalka Masar. Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi,Gudoomiye Kuxigeenka ahna ku siimaha Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Muumin iyo Duqa magaalada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaacil ayaa wafdiga ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ambassador Axmed Al-Masri ayaa sheegay in deeq daawo ah ay dhawaan soo gaari doonto Puntland waxaana lagu soo daabuli doonaa diyaarado ay leedahay dalka Masar iyo Jabuuti. M_M Deeq. Halgan.net
  19. Safiirka Masar u Qaabilsan Somalia oo maanta soo Gaaray Magalada Bosaso Waxaa maanta magaladan Bosaso Soo Gaaray wafdi balaaran oo ka socda dowlada Masar, Wafdiga waxaa Hogaaminayay Safiirka Masar ee Somalia Siciid Maxamed Mursi, Safiirka ayaa waxaa Ku soo Dhaweyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Bosaso Ee Bandar Qaasim Airbort Madaxda Ka socotay maamulka Puntland Oo Ugu Horeyo Wasiirka Caafimadka Ee Puntland Dr Bashiir Ali Biixi, Maamulka Gobolka Kan Dagmada Bosaso, Soo Dhaweyn ka dib waxaa Wafdiga Ku Qaabilay Howlka Shirarka Ee Airbortka Bosaso, Wasiirka Caafimaadka Ee Puntland Oo Isagu Bosaso U Yimid soo Dhaweynta Wafdigan Ujeedada Wafdigan ee Imaanshiyaha Punland ayuu Sheegay wasiirka Caafimadka DR Bashiir Ali Biixi in ay ka Danbeysay Marti Qaad ay ka Heleen Madaxweynaha PunLand Dr Cabdiraxman Maxmed Maxmud (Faroole) Oo Ay ku kulmeen Magalada Nairobi Intii U ku sugnaa Madaxweynaha Safiirka Masar ee Somalia Siciid Maxamed Mursi Ayaa Isaguna dhankiisa soo Dhaweyay Horumarka U Ku arkay Puntland Qaabka ay u soo Dhaweyen Madaxda Iyo Maamulka Puntland , Sidoo kale waxaa Uu Safiirka soo Hadal qaaday Xaaladaha Dhinaca Burcad badeeda ee Ka Jira Badaha Ku Dhow Somalia, Isagoona sheegay in saameyn ay ku Yeeshen Marin Biyoodka Zuweys Oo Dowlada Masar Ganacsiga U soo maro, Safiirka ayaa sheegay In Aysan Ahayn Markii Ugu Horeysay Oo Yimado Puntland Isgoona sheegay in Saddex Goor Oo Hore, “Puntland Horay ayaan U Imid Waana sii wadaynaa Deeqaha Dhinaca waxbarashada ee Aan siino Puntland iyo Deeqaha Dhinaca Caafimaadka Dowlada Masar waxay Garab Taagan Tahay dadka somaaliyed Xili Kasta” Masuuliyinta maamulka Gobolka Bari Oo Ugu Horeyo Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Bari Yusuf Muumin Bidde ayaa sheegay in ay aad Ugu faraxsan Yihiin Deeqaha Dhinaca Caafimaadka Iyo Waxbarashda AY Dowlada masar siiso Dadka Reer Puntland Uuna Uga Mahad Celinayo, Waxaana Uu Ku Booriyay In ay Intaas Ka sii Badiyaan Ugu Danbeyntii Wafdiga ayaa waxaa ay Booqden Kuliyada Barashada Caafimaadka Ee Puntland Halkaasi oo ay si weyn Ugu Soo Dhaweyen Aradayda Iyo Macalimiinta Kuliyada, waxaana ay Booqdeen Qaybaha kala Duwan ee Kuliyada Sida Shaybaarka Iyo Labareeriga Aqriska Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Bashiir Ali Biixi ayaa sheegay in Wafdiga Masar ay Caawa Joogi doonan Bosaso, Malinta Bari ahna Tagi doonan Magalda Qardho ee Xarunta Gobolka KarKaar, Halkaasi oo Ay ku Booqan Doonaan Iskuulada Qardho, Isla Bari Duhurki ayuu sheegay wasiirku in ay Qado Sharaf La Qaadan Doonan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Faroole) Waxaana wafdiga ay Dib Ugu soo laaban Doonan magalda Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari Halkaasi Oo Sida Wasiirku Sheegay Maalinta Arbacada Ah Ku suganan doonan, Iyagoo Booqan Doona Goobaha Kala Duwan ee Dowlada, Maxamed C/rashiid SBC International- Boosaaso