Fiqikhayre
Nomad-
Content Count
5,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Fiqikhayre
-
Madaxweynaha Puntland oo Dalka Itoobiya u Duulay March 28, 2010| NEWS: Category Madaxwaynaha Dowladda puntland Dr CabdiRaxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim Air port ee Magaalada Boosaso iygoona ku sii jeeda Magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya. Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), Wasiirka Deegaanka Cabdiqani Yusuf Cadde, Agaasimaha Batroolka Dhoolawaa iyo qaar kale oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha. Safarka madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid deg deg ah waxaana uu casumaada helay markii uu tegay magaalada Bosaso, Safarka ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro isbedelka dhanka maamulka ah ee madaxweynuhu sameeyay, taas oo uu ka dhashey khilaaf kadib markii agaasimihii hay’adda sirdoonku uu ku qanci waayey isbedelka Madaxweynaha, sidoo kale saraakiil ka socota dawladda Maraykanka oo taageera hay’adda ayey madaxweynaha isku fahmi waayeen qaabka ay noqoneyso mustaqbalkeeda, waxaana inta badan safarkan looga arinsanayaa sidii loo xalili lahaa mushkiladda ka dhalatay. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa sidoo kale in uu u gudbo dalka Kenya. Horseed Media News Desk
-
Madaxweyne Faroole oo Maanta u Dhoofay Addis Ababa Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia. Safarka madaxweynaha ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah xubnaha dowlada iyo saraakiisha madaxtooyada. Waxaa madaxweynaha garoonka diyaaradaha saaka ku sii sagootiyey gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf, duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumada. Ma jirto wax faahfaahin oo madaxweyne Faroole ka bixiyey safarkiisa Ethiopia, hase yeeshee warar ku dhow dhinaca dowlada ayaa sheegaya in safarkiisu uu ku xiriirsan yahay wada hadao dhexmari doona madaxweyne Faroole iyo saraakiil Mareykan ah. Warar ka soo baxaya saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in safarka madaxweynaha ay ku sii wehlin doonaan qaar ka mid ah wasiiradiisa sida wasiirka amniga Gen Yuusuf Axmed Khayr, hase yeeshee waa uu ka baaqday inuu socdaalka madaxweynuhu uu ku wehliyo. Socdaalka madaxweyne Faroole ayaa sida la sheegay ah mid deg deg ahaa waxaana socdaalkan uu ka dhashay khilaaf xoogan in dhoweydba u dhexeeyey madaxweyne Faroole iyo agaasimaha hay’ada PIS ee sirdoonka Col. Cismaan Diyaano oo isagu ka biyo diiday xilka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha bishan horaanteedii.
-
Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo u duulay dalka Itoobiya Posted to the Web Mar 28, 10:00 Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi balaaran oo la socda ayaa saaka waxaa ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Bandar Qaasim Air port ee Magaalada Boosaso. Wafdiga Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa ay safaro ku kala i doonaan dalalka Itoobiya iyo Kenya, Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir), Wasiirka Degaanka Cabdiqani Yusuf Cadde, Agaasimaha Batroolka Dr. Ciise Dhoolawaa. Socdaalka Madaxweynaha Puntlland ayaa sidii aan shalay u shaacinay waxaa uu salka ku hayaa in madax Sare oo ka tirsan Hay'addaha Sirdoonka Maray anka FBI uu kala soo hadlo qaabkii ay u sii wadi lahaayeen Taageerida iyo dhaqaalo siinta ciidanka Sirdoonka Puntlland ee PIS iyo ciidanka PIS ay ka amar qaataan Taliska guud ee dowlada Puntlland. Shabakadda Warar Halgan.net ayaa shalay ka soo xigatay safarka Madax wey naha iyo Wafdigiisa ay ku tegi doonaa dalka Itobiya isagoo laga yaabo in uu sii maro dalka Kenya , Ilo wareed aan la hadalnay ayaa noo sheegay in safarka Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole uu ku saabsan yahay siddii xiriirka u dhexeeya Puntlland iyo Hay'addaha Dowliga ee Maraykanku ay xiriir fiican u yeelan doonaa. M_M_Deeq Halgan.net
-
Masuuliyiinta Puntland oo Ethiopia gaaray Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ee Puntland Mudane Cabdirahmaan Sh. Mohamed Faroole ayaa maanta u booqash an horey loo shaacin ku aadey wadanka Itoobiya,booqashadaan oo ah mid casuumaada oo uu ka heley Madaxweynaha Itoobiya. Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka arimaha Gudaha iyo kan dekadaha,wxaa kaloo weheliya qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland iyo madax kale. Madaxwdaan Puntland ee u kicitimay Adis ayaa la filayaa iney kulamo kala gadisan la qaataan hogaamiyayaasha Itoobiya ayna kawada hadlaan arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo ganacsigaba, iyo waliba arimaha Soomaaliya. Wixii kasoo kordha kala soco allidamaale.com
-
Mr. Somalia it's awesome brother as you said and I like it too. It's the new parliament adopted anthem for our State flag and the words have been written by a man called Abdullahi Mahamed Jibriil who resides in Garoowe State capital of Puntland. I translated it into English. Calanyahow babanayaa Waxaa kuu calaamada Buluuggii cawaaliyo Caddaan nabad matala iyo Cagaar doog u yaaliyo Barwaaqaad ku caan tahay Ciidaadu waa hodan Caraf iyo udgoon badan Puntland baad u curutaye Cawo iyo ayaan side Cimrigaa ha dheeliyin. Ye in the sky fluttering flag Thy symbols and hallmarks include The blue in Cawaale’s Azure White hue representING Peace and The meadow green which stand for Leas Wealthy is what thou renowned in Thy soil is rich with abundance Sweet scent aroma and fragrance Ye came into be for Puntland Fortune and luck like day ‘n’ night Thy time may you never be sagged!
-
Buuhoodle:Mas'uuliyiin Puntland ka tirsan oo Gobolka Ceyn lagu soo dhaweeyey & Kulamo halkaas ka socda. APL 27. marts 2010 Buuhoodle:(Allpuntland)-Mas'uuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland oo isugu jira Wasiiro,Wasiiro Ku xigeeno & Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradaha Dawlada Puntland ayaa Maanta gaaray Gobolka Cayn Magaalo madaxdiisa Buuhoodle. Mas'uuliyiintan oo aanan Safarkooda horay loosii shaacin ayaa waxaa horkacayey Wasiirka Kaluumaysiga & Kheyraadka badda ee Puntland,waxayna soo dhaweyn kala kulmeen Madaxda & Shacabka Magaalada Buuhoodle. Banaanbaxyo ay soo qaban qaabiyeen Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Ceyn & Kuwa Degmada Buuhoodle ayaa Barqonimadii maanta halkaas ka dhacay,waxaana Banaanbaxaas lagu taageerayey Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,waxaana lagu Canbaareeyey Dhaqdhaqaaqa Soomaaliland ee Gobolka SSC. Dhinaca kale Mas'uuliyiintii halkaas gaartay ayaa Caawa Saxaafada u sheegtay inay bilowdeen Kulamo ay la yeelanayaan Waxgaradka & Maamulka kusugan Degmada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn ee Dawlada Puntland,waxayna intaas ku dareen In kulamdooda ay Saacadaha soo socda Si toos ah u sii balaaran doonaan. Ma jirto Cid si toos ah faahfaahin uga bixisay Safarka Mas'uuliyiintan,balse warar hoose oo Buuhoodle laga helayo ayaa sheegaya in ay Mas'uuliyiintu kulamdooda uga hadlayaan taageerida Shacabka Gobolada SSC ee Dawlada Puntland. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Masuuliyinta Puntland gaaray degmada Buuhoodle oo Kulan la qaatay maamulka halkaasi kana Waramay Socdaalkooda. March 27, 2010| NEWS: Category Masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland oo gaaray degmada Buuhoodle xarunta gobolka Ceyn ayaa kulamo la qaatay Maamulka gobolka iyo kan degmada halkaasi oo ay ka wada hadleen amuuro kala duwan. Wasiirka Kallumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Injineer Maxamed Faarax Aadan oo hogaaminaaya wefdiga ayaa Horseed Media Caawa u sheegay in kulamadaas ay maanta halkaas ka dhaceen isla markaana ay la qaateen masuuliyinta gobolka iyo kan degmada Buuhoodle. Wuxuu sheegay in kulamadaas diirada loogu saarayay xaalada ka jirta gobolkaas gaar ahaan waxyaabaha ka maqan oo ay Bulshada halkaas ku dhaqan u baahanyihin in laga caawiyo oo ay ka mid tahay adeegyada Bulshada sida Caafimaadka iyo Caafimaadka. Wasiirka ayaa sheegay in socdaalka ay halkaas ku gaareen ay la xirrirto ukuur gelida xaaladaha ka taagan gobolka,iyadoo u sheegay in marki ay soo dhamaystaan ay masuuliyinta Puntland u gudbin doonaan warbixin ku aadan xaalada gobolka Ceyn. Mar la weydiiyey sababaha keenay in isagu loo xulay inuu aado gobolkaas oo aan loo dirin Wasiiro kale oo khuseeya arimaha Bulshada maadama isagu yahay Wasiirka Kallumaysiga ayuu ku jawaabay. ”Horta Dowlada waad garanaysa waa wax isku xiran oo nin weliba meeshu maraayo masuuliyadeeda iyo howsheeda leeyahay.Aniga Wasiirka Kallumaysiga ayaan ahay waa dhici karta in la yirahdo maxaa meesha geeyey oo kallun lagamo helo laakin waa meesha ama degaanka aniga la iiga soo doortay wuuna la mid yahay degaanada kale ee Puntland”,ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax. Dhanka kale mar la weydiiyey sida uu arko Socdaal la sheegay in maalmahaan degmada Buuhoodle kusoo gaari doono Saleebaan Xagle-toosiye oo ka mid ah Hogaanka Beelaha SSC ayuu sheegay in uusan ka warqabin arintaas. Horseed Media
-
A Demostration was held today in Buuhoodle's Cayn Region of Puntland in support of the Puntland government and the Isimada agreement reached on the 16th of March. The people there also expressed their strong allegiance, commitment and support for the territorial unity and intrinsical existence of the State and their unshakeable vocal support in being part and parcel of the State's political existence, unity and development.
-
A Demostration was held today in Buuhoodle's Cayn Region of Puntland in support of the Puntland government and the Isimada agreement reached on the 16th of March. The people there also expressed their strong allegiance, commitment and support for the territorial unity and intrinsical existence of the State and their unshakeable vocal support in being part and parcel of the State's political existence, unity and development. Buhoodle ( Radio Laascaanood )---Dibad bax balaadhan oo lagu taageeran yahay dawlada puntland ayaa maanta magaalada buuhoodle ka dhacay. Buhoodle ( Radio Laascaanood )---Dibad bax balaadhan oo lagu taageeran yahay dawlada puntland ayaa maanta magaalada buuhoodle ka dhacay, kana soo Qayb galeen dhamaan laamaha bulshada buuhoodle ugu horeeyaa ururada dhalinyarad haweenka, isboortiga iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada buuhoodle. Dibad baxyaasha ayaana ku Qaylinayey,waxaanu taageersanay go,aanka isimada iyo xukuumada puntland oo dhawaan magaalada garoowe ka dhacay waxaanu soo dhawaynaynaa jirtaanka puntland iyo Wasiirka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka bada puntland oo isagu xalay magaalada buuhoodle soo gaadhay, laguna wado inuu magaalada buhoodle kulamo kula Qaato waxgaradka magaalada buuhoodle oo iyagu taageersan go,aamada dawlada iyo isimada iyo guud ahaanba jiritaanka maamulka puntland.
-
A football pitch, athletic track, a multi purpose plateau, hall, office and ablution block phase of the Olymp Africa Centre of Sports excellence will be build in Garoowe, capital of Puntland State. The Puntland States contribution will be $30.000 while that of Olymp Africa and Tass NGO will be $180.000.

Garoon Weyn oo Loogu Talagalay Ciyaaraha Kala duwan oo Laga Dhisaayo Garoowe(Sawirro) March 20, 2010| NEWS: Category Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu dhagax dhigay garoonka Olombikada Soomaaliya kasoo ay wadaan howshiisa Jimciyada Tadaamun. Garoonka dhagax dhigiisa ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Isboortiga Dowladda Puntland Maxamed Nuur Xirsi,Wasiirka Maamul-Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Gaashan,Duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi iyo Gudoomiyaha Hay’adda loo yaqaano TASS C/laahi Sheikh Xassan.Dhismaha garoonka Olombikada ayaa waxaa dhagax dhigay Wasiirka Isboortiga Puntland. Gudoomiyaha Ururka Tass C/laahi Sheikh Xassan oo halkaas hadalo kasoo jeediyey ayaa ka sheekeyay garoonkaan waxaa uu yahay isagoo sheegay in u ahaan doono meel laga helo Isboorti badan oo isugu jira Orodaad,Ciyaaro iyo dhismayaal badan kaas oo ay dad badan ka heli doonaan Shaqo. Duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur Climi ayaa goobta ka sheegay in ay tahay fursadaan deeq ka timid Hay’adda African Olympic oo garoomo kooban ka dhistay qaarada Afrika iyadoo u shegegay in Puntland ay nasiib u yeelatay in ay u dhisto. Waxaana uu ka warbixiyey Taariikhda garoonka,wuxuuna sheegay in Shir weynihi African Olympic in dhalin Soomaaliyeed oo ka qaybgashay ay maamulka ka codsadeen in dhul lasiiyo laga dhiso garoonkaan kaaso la’eeg 300 oo isku wareeg ah ayna Dowladdu dhulkaan bixisay,isagu mahadcelin balaaran ujeediyey. Wasiirka Isboortiga Dowladda Puntland Maxamed Nuur Xirsi ayaa ugu dambeynti halkaas ka sheegay in goobtaas la dhagax dhigay maanta si rasmi uu dhismihiisa u bilaaban doono. Waxaana u sheegay in garoonkaan ay ku baxayso lacag dhan $180,000-doolarka Maraykanka,wuxuuna sheegay in Dowladda Puntland qayb weyn ka geysan doonto isla markaana bixin doonto lacag dhan $30,000-doolarka Maraykanka. Garoonkaan ayaa noqonaaya midku ugu horeeyey oo caynkaan oo kale oo laga dhiso degaanada Puntland. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland

Popular Contributors