Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. ^No ridicule adeer. I never liked those rascals at garooweonline and it's in the records. However what they trying to say is real. It's a bit amateurish and naively written but it's beyond doubt that Shabab are dangerous and that we all fathomed. Now all the sons have gotten to know is that Shabab is against their father (for the first time they saw it with their own eyes in the Golis skirmishes with Atam), so they have to write home about it. They have been doing this for years. Next could be Somaliland and Siilaanyo though I doubt it. You better be advised not to sour the relationship between their father and what you cheer for i.e. Siilaanyo, then you would be really in for a lashing. So you have been warned.
  2. Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe International Airport Oo La Furey August 17, 20104 Waxaa maanta xariga laga jarey garoon cusub oo muddooyinkii la soo dhaafey laga dhisaayey magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, garoonka ayaa waxaa xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland. Furitaanka garoonka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dad kala duwan,waxaana kusoo degtay diyaaradii ugu horeysay isla markaasna ka duushay taas oo ay iska leedahay Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’ada WFP. Eng.Cabdulqaadir Ciise Xaaji Cumar oo ah Injineerkii fulinaayay dhismaha garoonkaan kana tirsan Shirkada Mubaarak ayaa sheegay in mudo afar sano ah lasoo waday dhismaha garoonkaan oo ku taalla duleedka magaaladda Garoowe isla markaasna u jirta qiyaastii 11-kilometre. Wuxuu intaas ku daray in si wadajir ah u maalgeliyeen Jaaliyadaha dibadda iyo shacabka ku sugan gudaha Puntland,isagoo xusay in waxyar uga dhiman yahay dhamaystirka garoonka sida wadada ay diyaarada kusoo degto oo laami laga dhigo. Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in garoonka maanta ka dib la isticmaali karo ayna diyaaradaha ka duuli karaan kana soo degi karaan. Garoonka diyaaradaha ee Garowe Internatioanl Airport ayaa la bilaabey xiligii dawladdii Cadde Muuse, waxaana dhismihiisu qaatey muddo gaareysa 4 sano. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
  3. Garowe interantional Airport Oo Maanta Xariga Laga Jaray. Posted by Ali on August 17th, 2010 Garowe(Puntlandi.com);-Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta xariga ka jaray Garoonka Garowe interantional Airport oo badalaya Kanoco Airport. Garowe interantional Airport ayaa dhismahiisa mudo dheer ka socday duleedka magaalada Garowe ee casimada Puntland waxaana maanta lagu guulaystay in la soogabagabeeyo. Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa ka qaybgalay madaxwaynaha Dawlada Golaha wasiirada Golaha wakiilada Saraakiisha Ciidamada Wasfuud ka socotay Caalamka iyo Marti sharafkale. Madaxwayne Faroole ayaa khudbad dheer ka dhagaystay gudigii dhismaha Garoonka Garowe interantional Airport waxaana ay uga warameen marxaladihii ay soo mareen. Madaxwayanaha ayaa intaa kadib mahad u celiyay Gudiga Dhismaha Garoonka iyo martidii kale waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in si nabada ku soo gabagaboobo dhismaha Garoonka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in dhismaha Garoonka uu kamidahaa arimihii ay uga warbixiyeen shirkii Satanbuul taa oo laga balan qaaday in laga caawin doono dhismaha laba garoon iyo Dekeda Boosaaso. Faroole ayaa shacabka reer Puntland Wadamada Caalamka Jaaliya Jaaliyada dibada ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dhismaha Garoonka. Gabagabadii Xaflada Furitaanka Garoonka waxaa si tijaabaa ugu soo caga dhigatay Diyaarad Nooca rakaabkaa waxaana isla goobta ka duulay Eng Fuliyay dhismaha garoonka iyo rakaab kale. Ali Ahmed Abdi
  4. Garoonka cusub ee magalada Garowe oo la furey 17 Aug 17, 2010 - 3:00:46 AM Diyaardii ugu horeeyey ee kasoo dagta garoonka cusub ee Garowe Waxaa maanta 17.08.2010 xariga laga jarey Garoonka cusub ee magaalada madaxda Garowe iyadoo xafladaas ku sugnaayeen Madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Waxaa xarig jarka sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole iyadoo halkaas uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan hay'ada ICAO [ International civil Avaition organisation]. Madaxweynaha Puntland iyo sarkaal ka tirsan hay'ada duulista caalamiga ah Sarkaalkan aya waxaa uu xafladaan ku bixiyey shahaado caalami ah [ Certificate] taasoo ka dhigeysa in Garoonka ay ku soo dagi karaan diyaaradaha islamarkaana loo dhameystirey dhamaan shuridihii laga rabey. Wasiirka duulimaadka iyo Garoomada Axmad Karaash oo khudbad kooban halkaas ka akhriyey ayaa sheegey in Garoonkaan la dhisayey muddo 7 sano iyadoo uu soo marey heerar kala duwan ayna ka qaybqaateen dhisamhiisa iskaashi dowladda iyo dadweynaha [ Public Private Partnership] iyo sarkaal ka tirsan hay'adda ICAO Eng. Artimon Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland axmad karaash Mudd. Karaash ayaa sheegey in garoonkaan uu dhismey iyadoo wax tageera ah shacabka Puntland ka helin beesha caalamka isagoo yiri wixii maanta laga bilaabo waa in ay lacag ka baxshaan isticmaalkiisa [users Pay]. Wasiirka dulimaadka ayaa sheegey in dhismaha Garoonkaan uu bilowlgiisa lahaa Mud. Cabdiraxman Farole iyo fikirkiisa maanta uu nasiib u yeeshey inuu furo isagoo Madaxweyne ah. Madaxweynaha Puntland, wasiirka duulista iyo madaxa shirkada mubaarak Madaxweynaha Puntland oo ka hadley munaasabadaan ayaa ka sheekeeyey heerka uu soo marey dhismaha Garoonkaan iyadoo uu sheegey in dhib badan laga soo marey hirgalintiisa balse taasi tusaale u tahay in wax walba oo lagu dadaalo sidaas u dhamaan karaan. Dhinaca kale waxaa goobtaas loogu mahad celeiyey celiyey shirkada Mubaarak oo fulisay dhismaha garoonkaan iyo madaxeeda Eng.Cabdulqaadir. Ugu dambeyntii Garoonka cusub ee Garowe ayaa waxaa kasoo dagey diyaaradii ugu horeysay iyadoo halkaas ka qaadey madaxii hay'ada ICAO. Garoonka Garowe oo ku yaala meel magaalada u jirta 12 KM ayaa waxaa la dhisayey wajigiisa koowaad muddo 7 sano ah iyadoo lagu dadaaley in dhismahiisu raaco shuruucda hay'adda dulimaadka aduunka ICAO. GAROWE ONLINE
  5. First plane to land was WFP plane that was taking back the International Airport Certifier of the ICAO (International Civil Aviation Organisation). The first official plane carrying passengers and luggage were Cosob Air, which today landed at Garowe International Airport. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Maanta Xariga ka jaray Garoonka cusub ee Caasimadda Dowladda Puntland Waxaa maanta furitaankii Garoonka Cusub ee Caasimadda Dowladda Puntland ka soo qaybgalay, xarigana ka jaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud,wasiiro,xildhibaano,agaasimayaal,Saraakiil sare sare,qunsuliyada Itoobiya,Guddiggii abaabulka,shirkadaii qandaraaska ku qaadatay Garoonka Diyaardaha wasaaradda Duulista Hawada Madaxdeeda kala duwan sidoo kale waxaa isna maanta joogay Engkii xaqiijiyey in yahay Garoon ay ku soo degi karaan Diyaaradaha noocyadeeda kala duwan. Hadaba maanta markii uu madaxweynuhu si toos ah Garoonka xariga uga jaray ayaa waxa soo fariisatay diyaaraddii ugu horraysay oo ay leedaha Hay;adda WFP. Hadaba furitaankii ka dibna waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyey xubin ka mid ah guddigii qabanqaabada Garoonka ayaa ka soo sheekeeyey xaaladda uu soo maray Garoonka isagoo tibaaxay in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee bilaabay garoonka markaasi oo uu Madaxweynuhu ahaa Wasiirka Maaliyadda,sidoo kale waxa uu sheegay in intii hore ay la soo gudboonaadeen ka guddi ahaan caqabado badan,laakiin intii ay Dowladan cusubi ay maamulka la wareegtay ay wax badan noo suurta gashay,waana ilaahay mahadii haddii uu maanta uu soo gaadhay halkan. Sidoo kale furitaankii Garoonka waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Karaash oo isna ka hadlay sida ay ugu suurta gashay in uu Garoonka Caasimadda Puntland ee Garowe uu maanta si rasmi ah loo furay ayaa sheegay in uu Madaxweynuhu uu halgan dheer u galay in uu meel kasta kaga waramo xaaladaha Garoomada Puntland iyo Dekadahaba,wuxuuna wasiirku si gaar ah u ammaanay Eng u suurta geliyey in uu Garoonkani noqda mid anfac leh isagoo mar kasta noo imanayey markaanu ka codsano maantana labo maalin ka hor ayuu noo yimid si uu goob joog u ahaado garoonka Furitaankiisa. Guntii iyo gabagabadii xafladii furitaanka Garoonka Cusub ee Garoowe International Airport ayaa waxa hadalo ku saabsan horumarinta arrimaha Bulshada ka hadlay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud isagoo ka soo sheekeeyey ama ka warbixiyey waxyaabaha ay Dowladda ku tala jirto in ay horumariyaan ay yihiin Garoomadda Puntland Dekedaha Puntland iyo wadooyinka oo intuba ah horumarinta arrimaha Bulshada oo uu Madaxweynuhu xusay in uu shirkii Istanbuul ee Dalka Turkiga uu kaga hadlay sidii dibu dhis loogu samayn lahaa Dekadaha iyo Garoomada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad celiyey sarkaalka ka tirsan Hay'ada ICAO(International civil Avaition Organisation) oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee isagu geeyey in ay halkani tahay meesha ugu haboon ee garoonka laga dhiso,waxaana iyana halkaasi uu Madaxweynuhu ugu mahad celiyey Shirkada Mubaarik Company oo iyadu fulisay dhisida Garoonka gaar ahaan Eng Cabdiqaadir. Garoonkan ayaa magaalada Garowe waxa uu u jiraa 12Km. Sidoo kale waxaa garoonka Furitaankiisa ka dib soo fariisatay Diyaaradii labaad oo sida Rakaab ay leedaha shirkadda Cosob Airline,Garoonkan maanta uu Madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa waxa uu durba bilaabay hawshiisii rasmiga ahayd iyadoo ay weli u dhiman yihiin waxyaabo badan oo dhinaca qurxinta ah gaar ahaana Terminalka taasi oo uu Madaxweynuhuna sheegay in dhowaan si dhakhsa ah loo dhamaystiri doono iyadoo ay muhiimaddu tahay Runwayga.
  6. Ngonge I'm hearing there is still a vacant position in the boat, if I were you I would join the editorial team. A few side earnings won't hurt anyone afterall you can't take the family to Wales every year, they deserve a holiday as you deserve one too. A mansion in Garowe and a promise to be fast tracked in the foreign service with the prospect of a placement/ambassadorship to Peru isn't something to be feathered with. Go and apply there adeer, they're missing a sailor on the boat and they would certainly consider your application. Go ahead adeer you don't need to be to shy about your strengthens.
  7. Ngonge why don't you send the author/editor an e-mail, he specifically asked for it. Comments/Questions/Concerns/Letters to the Editor: editorial@garoweonline.com
  8. Wonderful post Duke. Great Insights and eloquently expressed.
  9. High on the Golis mountains a man who goes by the name of 'Atam' has raised four flags. Three of those flags are what we call 'imaginary flags' they do not have any value Somalis call them awr ku kacsi. One of these flags raised is though real. Enjoy it.
  10. Masuuliyiin uu hogaaminayo madaxweyne xigeenka PL oo booqasho ku tagay Galgala Waxaa maalinimadii shalay gaaray Deegaanka Galgala ee Gobolka Bari Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu hogaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka C/samad Cali Shire iyo qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada. Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa markii ay deegaankaasi gaareen waxaa ay kulamo kula yeesheen dadka deegaanka iyo ciidamadii Puntland ee dhowaan qabsaday deegaankaasi, Wasiirka Amaanka Puntland Gen Yuusuf Axmed Khayr oo kamid ahaa wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waraysi uu xalay siiyay barnaamijka Caawa iyo SBC waxaa uu ugu horay uga warbixiyay wixii uu safarkoodii deegaankaasi ku salaysnaa. Gen Yuusuf Axmed Khayr waxaa uu kaloo sheegay in ay ciidamada ku booriyeen in ay adkeeyaan Amaanka deegaanka Galgala,iyadoona uu wasiirku diiday in ay haatan jiraan wax dagaal ah oo ka socda deegaanada ku xeeran Galgala. Dadka deegaanka oo ay la hadleen ayaa Wasiirka Amniga waxaa uu sheegay in ay ku booriyeen in ay lka shaqeeyaan Ciidamada ayna ka fikiraan horumarka deegaankooda,iyadona sida uu sheegay ay ka gacan siinayaan sidii loo hormarin lahaa. Gen Yuusuf Axme Khayr waxaa uu ganafka ku dhuftay wax balan qaad ah oo ay dadka deegaanka u sameeyeen,iyadoona sida uu sheegay hadii deegaanka waxyeelo soo gaartay ay dhinaca kasoo horjeeda ghaysteen. Tagitaanka masuuliyiintan ay maalinimadii shalay ku tageen Galgala ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay ay deegaanao ka agdhow goobihii horayg SBC International Monitoring
  11. Duke she's a girl very funny though. What I commend her is that she brushed up on her usual error prone writing style so that she couldn't be possibly discovered. She's a funny girl and admirable too at that. Just watch out for the possible 'honey trap'. You know how they operate.
  12. Duke, Garowe gal is a made up name though she's really a girl but she's not from Garowe or Puntland for that matter as it's a made up cover story. She's a chick but not from Puntland I gather she's a well known female participant in this fora of ours but however I won't speculate who she might be. Remember when she first attacked you without any reason, though she just arrived and only had three posts and when I pointed to her gaffe she attacked me too? SOL is becoming funnier by every elapsing year. Some characters do not change as well. It's all comical.
  13. Puntland oo Dib ugurasho samaysay Dagaalkii Karin! August 8, 2010 By Somali Kagadaal maanta gelinkii danbe goor ay tahay casar gaabkii markii dayankii iyo danaagoyinkii rasaastu kala joogsadeen,togii lasyku horfadhiyayna ay ciidamadii Dawlada Puntland ee dagaalka soo qaaday wax talaabo ah oo horumar ah ka gaadhi waayeen,iyadoo dagaal laysku jilbo laabtay uu kadhacay toga Subure ee karin oo ciidanka dawladu saaka dagaalka ku qaadeen, halka ciidanka ilaalada deegaanka oo hore halkaasi difaac adag uga xidhay ay soo gaadhsiiyeen khasaare baahsan dawlada. markii gabalku dhacay qoraxduna godkeedii gashay ayaa intii ka hadhay ciidamadii saaka ku hoobtay dagaalka ay dib ugurasho sameeyeen iyado oo aanay cadayn sababtu oo laga yaabo in ay tahay xeelad dagaal halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan meesh ay joogeen ciidankaasi oo aan ahayn meel difaac leh sidaasina ay ka cabsadeen in caawa ay miraan ciidanka ilaalada deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. dagaalkii saaka oo saraakiil badani ku geeriyoodeen oo kamid ah kooxda PIS ama shahaado la dirirka ayaa dawladu ay ka gaabsatay in ay wax war ah ka bixiso iyadoo la sheegay in dhaawacii kooxdaasi loo qaaday wadanka Itoobiya oo diyaarado lagaga daadgureeyey magaalada garoowe iyo Boosaaso.saraakiisha ilaa hada lahubo in ay ka geeriyoodeen PISta ayaa gaadhay 13 sarkaal. Dagaalkan ayaa waxaa dib ugasoo baxay C/samad cali oo ahaa ninkii hoygiisa ay Soomaliland la wareegtay isago oo Boosaaso caawa kusugan ka gadaal markii uu kusoo fashilmay dagaalkii saaka. In dawladu dagaalkii kujabtay waxa ay cadaatay saaka markii isla sagaalkii subaxnimoba ay dhowr Umbalance iyo baabuur gaashaamani magaalada boosaas keeneen mayd iyo dhaawacyo kala duwan taasi oo ka turjumaysa judhii u horaysay ee dagaalka in fooda lays daray banaankana usoo baxday dhaawaca soo gaadhey dawlada iyo ciidankeeda iyadoo cusbitaaaladii maanta gelin kii danbe ay buuxdhaafeen dhaawacyada qaybtoodna lagu dawaynayay farmasiyada iyo cusbitaalo yar yar oo dhakhaatiiri fadhiisato.
  14. Xeeladii Dagaal ee Galgala! August 9, 2010 By Somali Dawlada Puntland ayaa sheegatay maanta in ay sinabad gelyo ah ku galeen degmada Galgala ee gobolka bari, Kagadaal dagaal kulul oo ay shalay kala kulmeen ciidamka Ilaalada deegaanka ee Sheekh Maxamed Siciic Atom, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad ubalaadhan khasaare aan yarayna soo gaadhsiiyay ciidanka dawlada Puntland. Xalay saqdii dhexe ayaa ciidanka Shiikhu si xeelad dagaal ah uga bexeen toga Sugure oo shalay laysku mari waayay, waxaa wakhtigaasi ku ekaa wakhtiii ciidamada bada ee gaashaanbuurta Neto iyo dawladu ay kubalameen hadii dawlo soo afjari waydo in ay ka duqaynayaan dhanka hawada, iyadoo xalay saqdii dhexe diyaarado joog hoose ku duulaya laga arkayay aagii dagaalka iyo isla degmada Galgala. Sheekha iyo ciidankii oo sirdoon koodu aad u sareeyey ayaa dib uga baxay deegaankii ay joogeen iyaga oo udanaynayay shacabka degmada Galgala oo maamulka Puntland uu kusoo rogay cunaqabaytayn mudo sideed bilood ah.dhanka kale maadaama dagaalkii shalay dawladu kujabtay ayna dagaalkii qayb kanoqdeen kooxaha jooga bada Soomaaliya ee ka socda Neeto, waxa ay go’aan sadeen in shacabka loo dhimriyo. Goobtii dagalka kasocday saaka markii ay tageen ciidanka Dawladu waxa raad ah oo raq iyo dhaawac toona laguma arag, tanina waxa ay noqotay mid ka fajicasay kooxihii dawlada u sareeyey ee horkacayay dagaalka halka ciidanka dawlada dhaawacoodii laga daad guraynayey Garoowe iyo Boosaaso iyadoo lookala diray Herer iyo Adis ababa Itoobiya, oo ay heshiis ku wada galeen in ciidanka ku dhaawacma si kharash la’aan ah loogu daweeyo Puntland. Khidadaha dagaalka ee Sheekhu uu ku talaabsaday xalayto ayaa naruuro iyo nayaayiro gelisay bulshadii deegaanka oo ka cabsi qabay in laysla jiido taasina waxaa ku amaanan sheekh M.S.Atom, Isha wararka iyo xogta dhabta ah Galgalanewsagency.
  15. Puntland oo Gaadhi la Gubay Dagaalkii Galabta August 11, 2010 By Admin Kadib markii ay kadaba tageen ciidamad Puntland Ciidamda Deegaanka Galbeedka bari ayaa waxaan ogaanay in ay halkaasi uu jab wayn kaagaaray. Masuul Xil weyn kahaya Puntland oo lahadlay saxaafada codsadayna in aan magaciisa la sheegin ayaa afbuuxa waxa uu noogu sheegay in ciidamada Puntland ay ku jabeen halkaasi Kadib markii ay masuulka ay u shegeen kuwa safka hore jooga in gaari laga gubay sadexna laga dhaawacay. Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Atam oo Ciidankiisu ay wali ku Jiraan Goob aan Saas uga Fogayn GalGala oo ay Gudaha ugu Jiraan Ciidamada PL Wararka ayaa sheegaya inuu Dagaalku wali socdo, oo aan Faah Faahin dheeraad ah Laga Helayn
  16. Atam's entourage attacked at their hide-out whilst unprepared. His personal bodyguard attachment have been killed. They fled to the Golis mountain range which goes through the northern regions of Somalia. The Puntland army and security forces are slowly catching up with him. The Interior Minister is with the troops. The fighting and chase is 30km from Galgala town which Puntland forces returned to the government's hands and liberated last Monday from the extremists.
  17. Puntland Oo Qabsatey Fariisimo Horleh Oo Ay Lahaayeen Maleeshiyaadka Uu Hoggaamiyo Atam. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Galgala (RBC Radio):- Dagaal ayaa maanta markale waxaa isaga hor yimid Ciidanka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ka dagaalama dhulka buuraleyda ee gobolka Sanaag Bari ee Puntland. Dagaalka maanta labada dhinac ay isaga hor yimaadeen ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ciidanka Puntland oo aad u hubeysan ay duulaan xoogan ku qaadeen deegaanka Madarshoon oo fariisin xoogan ay ku lahaayeen maleeshiyo deegaameedka taabacsan Maxamed Siciid Atam. Saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaamineysay dagaalka maanta ayaa sheegay in kooxdii maleeshiyaadka ahaa ee ay ku weerareen deegaanka Madarshoon ay jab xoogan u geysteen isla markaana deegaankaasi ay ka eryeen oo ay u carareen dhul aad uga fog halkii ay markii hore ku sugnaayeen, waxaana intaa ay ku dareen in aysan ka hari doonin ilaa ay ka sifeeyaan dhulka Puntland ay maamusho. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dhinaca Saraakiisha Puntland ayaa sheegaya in Maxamed Siciid Atam iyo kooxda maleeshiyaadka ah ee uu hoggaaminayo ay u baxsadeen dhul aad uga fog deegaanka Galgala ee markii hore ay fariisinka ku lahaayeen, waxaana deegaanka ay haatan ku sugan yihiin lagu qiyaasey in uu Galgala u jiro qiyaastii 30 Km. Lama ogga ilaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee kala gaarey labada dhinac, dhanka Kooxda Atam ayaan ilaa iyo iminka wax war ah laga helin, maadaama maanta la sheegay in dagaal culus ay la galeen ciidanka Dawladda Puntland, isla markaana dagaalkaasi uu sababay in maleeshiyada lagaga qabsado deegaankii afraad ee fariisinka u ahaa. RBC Radio.
  18. Ciidanka Puntland oo saaka weeraray Tuulada Madar-shoon guulana sheegtay Posted to the Web Aug 11, 12:49 Boosaaso:-Warar uu na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee ku sugan Boosaaso ayaa sheegaya in saaka ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah Sh Atam. Dagaalka ayaa ilaa haatan socda waxaana waxaana la keenay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari 5 askari oo dhaawac ah. Masuuliinta Puntland ayaa horey u sheegay in ay joojin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxda Sh Atam xili uu Sh Atam sheegay in dagaalka uu haatan bilaaw yahay uuna sii wadi doono. Sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Puntland oo la yiraahdo Cumar C/laahi ayaa u sheegay idaacadaha maxaliga ah in ay la wareegeen Tuulada Madasho ayna geyn doonaan saxaafada . Ilaa haatan ma jirto cid madax banaan oo cadeynaysa guusha uu sheegtay Col.Cumar C/laahi . M_M Deeq Halgan.net
  19. Faahfaahin dagaal maanta duhurkii ka dhacay Madar-shoon 18km u jirta deegaanka Galgala Posted to the Web Aug 11, 14:04 Boosaaso:-Waxaa isa soo taraya dagaalo maanta ka dhacay duhurkii tuulada Madar-shoon oo qiyaastii u jirta 18km u jirta tuulada Galgala kuwaas oo u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo ciidamo daacad u ah Sh Atam. Dagaalka ayaa waxaa uu qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaaden tuulada Madar-shoon oo saldhig u ahayd Sh Maxamed Saciid Atam oo sheegay in uu xeelad dagaal uga baxay Galgala. Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen Saldhigga Madar-shoon oo ay ku sugnaayeen saaka ciidanka Atam. Dagaalka ayaa haatan waxaa uu ka socdaa meesha lagu magaaco Xammur waxaana la maqlayaa hubka ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net M_M Deeq Halgan.net