Fiqikhayre
Nomad-
Content Count
5,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Fiqikhayre
-
Puntland oo mar kale soo bandhigay Hub iyo Agab ay sheegtay in ay ka qabstay kooxda Sh Atam. Posted to the Web Nov 02, 13:41 Boosaaso:-Masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa maanta mar kale saxaafada u soo bandhigay Hub Agab kale laga soo qabtay Buuraleyda Galgala Sida ay u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland warbaahinta ka howl gasha magaalada Boosaaso. Hubka iyo Agabka la soo bandhiga saaka ayaa waxaa ay sheegtay Puntland in ay ka qabsatay Ciidamado daacad u ah Maxamed Siciid Atam. Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland G/sare Siciid Dheere oo ku sugnaa goobta Lagu soo bandhigay Agabka Iskugu jira Hubka Gadiidka dagaal ayaa sheegay in hubka ay lahaayeen ciidamadii Sh Maxamed Saciid Atam . Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland G/sare Saciid Dheere ayaa sheegay in ay dagaalkii weynaa soo afgareen balse uu dagaalka sii socon doono Hubka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso waxaana ka mid ahaa hubkii la soo bandhigay ayaa Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago qalab kale sida Computer Laptop ah television Camero & Cajalado . Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa goobta ka hadlay wuxuuna u mahad celiyey ciidamada daraawiishta ee Puntland sida ay dagaalka uga qeybqaateen wuxuuna sheegay Jen C/samed in ciidamada Puntland meelo badan ay dagaal ku qaadi doonaan kuwaas oo uusan xusin. Ilaa haatan wax war ah lagama hayo Sh Maxamed Saciid Atam mana jiraan ilo wareed kale oo madax banaan oo xaqiijinaya guusha Puntland. M_M Deeq Halgan.net
-
Puntland oo Maanta Soo Bandhigtay Hub iyo Qalab ay Lahaayeen Xoogagii Sheekh Atam. Boosaaso (RBC) Masuuliyiinta amniga ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo bandhigay hub iyo qalab la sheegay inay lahaayeen xoogagii Sheekh Maxamed Siciid Atam. Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal, qoryo, rasaas iyo agab ciidan oo sida la sheegay laga soo qabtay degaanada ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh Atam bilihii la soo dhaafay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire iyo saraakiisha booliska ayaa ka qeybgalay munaasabada oo maanta ka dhacday Boosaaso. Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in maamulku uu ka guuleystey ciidamadii mucaaradka ee ka soo horjeeday, sida uu sheegay. Wuxuuna intaasi ku daray in maamulku aanu u dulqaadan doonin amni darro ka dhacda degaanada maamulku ka taliyo. Madaxweyne ku xigeenka wuxuu dhinaca kale sheegay in dagaalkii u dhexeeyey Puntland iyo xoogaga Sheekh Atam aysan dhamaan, isagoo tilmaamay in xaalada amni ee Galgala ay tahay mid xasiloon xilligan. Soo bandhigida hubkan ayaa ku soo beegantay iyadoo maalintii Axada madaxweyne C/raxmaan Faroole uu ka sheegay kalfadhigii 25aad ee barlamanka maamulkaasi in la soo afjaray xoogagii Sheekh Maxamed Sciid Atam haatana uu dhamaaday dagaalkii ka socday degmada Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso. Dhowr bilood ayey qaadatay dagaalo adag oo ciidamada maamulka iyo kuwa daacada u ahaa wadaadkaasi oo ka socday degmada Galgala iyo nawaaxigeeda. RBC Radio
-
Puntland oo soo bandhigtay Hub & Agab laga soo qabtay Buuraleyda Galgala. Dowlada Puntlannd ayaa Maanta waxay Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso ku soo bandhigtay Hub & Agab kale oo laga soo qabtay Buuraleyda Galgala Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaasi oo ay isticmaali jireen Koox ay horey Ciidamada Dowlada U dagaalameen oo daacad u ahaa Maxamed Siciid Atam Siciid Dheere oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Daraawiishhta Puntland oo Goobta Lagu soo bandhigay Agabka Iskugu jira Hubka & Gadiidka ka hadlay ayaa sheegay in Qalabka la soo bandhigay ay ahaayeen Qalab ay isticmaali jireen Maleeshiyaad Daacad u ahaa Maxamed Siciid Atam oo dagaal Ciidamada Dowlada Puntland kula Galay Deegaanada Buuraha ee Silsilada Golis ee Dhaca Qorax u dhaca Gobolka Bari Taliyaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dagaaladii Faraha badnaa ee Ciidamada Puntland ay ku qaadeen Kooxihi hubeysanaa ee taageersaa MAxamed Siciid Atam waxaana uu sheegay in Dagaalka uu xilligan yahay mid la soo afjaray bacdamaa Hubkoodi Gadiidkoodi guud ahhaanba la soo qabtay waxaana uu xusay in dagaalka uu yahay Mid sii socon doona Agabka Maanta lagu soo bandhigay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso ayaa iskugu jiray Gadiid,Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago & qalab kale sida Computer Laptop ah dhalo television Camero & Cajaladaheeda kuwaasi oo la sheegay inay guud ahaan ahaayeen Qalab uu lahaa Maxamed Siciid Atam sida uu hadalka u dhigay Taliye Siciid Dheere & Sarakiishii Kale ee Goob jooga ka ahayd Soo bandhigida alaabtan Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.C/samad Cali Shire ayaa isna docdiisa ka hadlay isla goobta waxaana uu u mahadceliyay Ciidamada Puntland oo uu jsheegay inay howlgalkaasi uga qeybqaateen si hamsami leh islamarkaasina uu dagalku weli yahay mid sii socon doona tan & inta laga soo afjarayo sida uu hadalka u dhigay Kooxhii ay Dowlada Puntland Ciidamadeeda kula dagalameen Buuraleyda Galgala Gen.C/samad Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu xusuusinayo Ciidamada Puntland ee Galay Dagaalkii galgala in ay jiraan Goobo farabadan oo dowlada Puntland u qorsheysantahay inay talaabo ka qaado Goobta lagu soo bandhigy Qalabka la sheegay in laga soo qabtay Atam & Kooxdiisa ayaa waxaa goob jog ahaa saraakiil farabadan oo ka tirsan Dowlada Puntland kuwaasi oo iskugu jira wasiiro & Saraakiil Ciidan waxaana dhamana la sheegay qalabkaasi inay noqon doonaan kuwo ay Dowlada Puntland la wareegtay Isku soo wada Duuboo waa markii ugu horeysay oo gudaha Boosaaso la keeno agab & gadiid lagu soo qabtay Dagaaladii ka dhacay galgala marka laga reebo Dhamaadkii Bishii tagey oo saxaaafada la geeyay fariisamdii ay Cidmada Puntland Sheegeen inay kala wareegeen Kooxihii taageersanaa Sheekh Maxamed Siciid Atam. SBC International Monitoring
-
SOMALIA: P.I.S. Tortured and Executed 2 P.O.W from Galgala
Fiqikhayre replied to NASSIR's topic in Politics
Ngonge is missing that his entity is mendling in the affairs of Puntland by sustaining, hosting and providing for Attaam and agent Salah's perishing in Galgala is evidence to that, that will come back to haunt the secessionists. Ngonge is also missing that his entity is supporting terrorism at large, that's why the new name: Hargeisa new Terrorism Secret of Africa. -
SOMALIA: P.I.S. Tortured and Executed 2 P.O.W from Galgala
Fiqikhayre replied to NASSIR's topic in Politics
Not to forget Burco's new found status as the centre of operations for Al-Shabab. -
SOMALIA: P.I.S. Tortured and Executed 2 P.O.W from Galgala
Fiqikhayre replied to NASSIR's topic in Politics
^The secessionist gaffe with Attam and Salah Caynab's death as the last smoking gun is indeed beyond repair Ngonge. -
The new overall Police Chief of the combined forces of Puntland Defence and the Restoration of Customs/traditions gave an interview to Radio Garowe today. Taliye Ali Nuur oo la hadley RG 31 Oct 31, 2010 - 2:38:28 PM Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Nabadgelyada iyo Dhaqancelinta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo la hadlayay Radio garowe iyo Garowe Online ayaa sheegay in xilkani loo magacaabay yahay mid culus islamarkaana uu ka rajaynayo shacabka in ay la garab galaan islamarkaana amniga ka shaqeeeyaan. Gen. Cali Nuur oo horay u ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland hadana madax u noqdey Ciidamada Booliska ee Nabadgelyada iyo Dhaqancelinta ayaa talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo ku sheegay in ay tahay sugida amniga isagoona wacad ku maray in uu si daacad ah bulshada ugu shaqayn doono wax badana ka bedeli doono dhanka amniga Puntland. Ugu Dambayn Taliye Cali Nuur ayaa sheegay in looga hortagi karo falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca Puntland wada jir iyo daacadnimo isagoo sheegay taa in ay sababi karto ogaanshaha qofka dhibaatada ka dhexwada Bulsha waynta Puntland ku dhaqan. Dhageyso wareysiga Taliyaha cusub ee ciidamada Boliisla Puntland: Listen Here
-
That's the crux of the issue here. Let the loose brigade/alliance who wanted to always destroy Puntland and wished it rather to be in flames cry foul. These is the beginning and part of the security overhaul of the whole State. It has been long due and the long arm of the state will make life virtually hell for people who commit serious crimes in the State. The state will impose really harsh sentences for anyone who commits crimes such as terrorism or other serious crimes such as murder, rape etc. So re-offenders will have the same thing awaiting for them. These is a serious warning to all criminals.
-
The State is getting tough, no more will serious crime against the State and it's people be tolerated. These individuals were ordered to death and sentenced by the newly found Special Puntland Court for Terrorism and Serious Crimes against the State, which was approved by the government and passed on to the Parliament that made it law. So the harshest sentence was imposed.
-
Madaxweynaha Puntland oo magacaabey Taliye Booliis 31 Oct 31, 2010 - 8:20:10 AM Wareegto maanta 30.10.2010 kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland ee ku yaala magaalo madaxda Garowe ayaa waxaa lagu magacaabey Taliyaha ciidamada Booliska Puntland islamarkaana lagu mideeyey ciidamada Booliska iyo Asluubta waxaana ay u qoreyd sidatan: Xeer Madaxweyne Lr.96, ee 30/10/2010, kuna saabsan magacaabid Waxaa la mideeyey Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dowladda Puntland, waxana loo bixiyey Ciidanka police-ka ee Nabadgalyada iyo Dhaqancelinta Puntland, waxaana loo magacaabey Saraakiisha hoos ku qoran. 1 . Gen. Cali Nuur Cumar Taliyaha Ciidanka Police-ka ee Nabadgalyada iyo Dhaqanceleinta Puntland. 2. G/Sare Maxamed Siciid Maxamed Taliyaha-xigeenka Ciidanka Police-ka ee Nabadgalyada iyo Dhaqancelinta Puntland. 3. G/Sare Muxayadiin Axmad Aw-muuse Taliyaha-xigeenka Ciidanka Police-ka ee Nabadgalyada iyo Dhaqancelinta Puntland. 4. G/sare Cabdulahi Salax Maxamad Taliyaha-xigeenka Ciidanka Police-ka ee Nabadgalyada iyo Dhaqancelinta Puntland. Xeerkaan waxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynahu saxiiixo. Dr.Cabdiraxman Maxamaed Maxamud [Farole]
-
-
Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe Oo La Gudoonsiiyey Deeq Lacageed October 31, 20100 Shirkada Xawilaada Amal ee wadaniga ah ayaa lacag ugu deeqdey Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe, munaasibad lacagtan lagula kala wareegayay ayaa ka dhacdey isla gudaha Isbitaalka Garowe waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, Duqa Garowe C/casiis Nuur Cilmi, Agaasimaha Isbitaalka Maxamed Jaamac, madax ka socotey xawilaada Amal iyo martisharaf kale. Agaasimaha Isbitaalka Garowe oo munaasibadan ka Hadley ayaa ka warbixiyey xaalada Isbitaalka iyo sida uu Isbitaalku ugu baahan yahay in la keelmeeyo, waxa uu agaasimuhu bogaadiyey shirkada xawilaada Amal oo uu sheegay inay soo dhaweynayaan lacagta ay isbitaalka siiyeen. Agaasimuhu waxa uu sidoo kale ka Hadley shaqada ay Isbitaalka ka wadaan dhakhaatiirta Turkida ah isagoo sheegay in labadii maalmood ee u danbeysay ay dhakhaatiirtu shaqeynayeen habeen iyo maalinba isla markaasna ay qaabileen waxna u qabteen bukaan kor u dhaafaya 1300 oo qof kuwaas oo 35 ka mid ah lagu sameeyey qaliimo aad u culus. Maamulaha shirkada Amal ee Garowe Siciid M.Faarax ayaa isna halkaas ka hadley waxaana uu bogaadiyey hawsha Isbitaalka ka socota iyo wasaaradda caafimaadka oo ku guulaysatey inay Isbitaalkan kiciso isla markaasna ay wasaaraddu ka shaqeysay sidii dayactir loogu samayn lahaa Isbitaalka. Siciid waxa uu intaas ku darey in Shirkada Amal ee xawilaadu inay lacag dhan $5000 (shan kun oo doolar) ay ugu deeqdey Isbitaalka waxaana uu markaas ku wareejiyey kana gudoomey duqa magaalada Garowe C/casiis Nuur Cilmi. Duqa Garowe C/casiis oo ka hadley munaasibada uu lacagta Isbitaalka Amal ugu deeqdey gudoomey waxa uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey marka ugu horeysa Wasaaradda Caafimaadka oo iyadu dadaal dheer ugu jirta kicinta iyo ka shaqeysiinta Isbitaalada iyo adeegyada caafimaad ee Puntland, waxa kale oo uu mahadcelin balaaran ujeediyey dhakhaatiirta Turkiga oo iyagu siweyn ugu shaqeeyey shacabka Puntland. Duqa Garowe waxa uu sidoo kale hanbalyeeyey Xawilaada Amal oo uu sheegay inay mar walba ka qaybqaadato adeegyada bulshada isagoo ka codsadey inay sii wado. Ugu danbeyntii ayaa munaasibada waxaa ka hadley soona gabogabeeyey Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame isla markaasna ka warbixiyey xaalada Caafimaad ee dalka iyo hawsha adag ee hadda socota ee ay dhakhaatiirta Turkigu ka wadaan Isbitaalada Puntland. Wasiirku waxa uu sheegay inay wax weyn ka tareyso hawshan caafimaadka Puntland, waxaana uu ku booriyey shacabka Puntland inay wax wada qabsadaan ayna ka shaqeeyaan sidii ay u hormarin lahaayeen adeegyadooda bulshada isagoo markaasna amaan iyo bogaadin aan lasoo koobi Karin usoo jeediyey shirkada xawilaada Amal oo uu wasiirku sheegay inay kaalin weyn ka gaystaan adeegyada bulshada isagoo carabka kudhuftey inay Amal sidoo kale lacag gudoonsiiyey Isbitaalka guud ee Garowe. Shirkadaha iyo ganacsatada Puntland ayuu wasiirku ugu baaqey inay hormariyaan dalkooda ay ka shaqeeyaan sidii loosoo saari lahaa dad ka shaqeeya Isbitaalada iyo in Isbitaalada la dayactiro lana qalabeeyo. Wasaaradda Caafimaadka Garowe
-
Rag Lagu Qabtay Dagaaladii Galgala Oo Xukun Toogasho Ah lagu Fuliyey October 31, 20106 Labo nin oo lala xirririnaayo in ay ka tirsanaayeen Ciidamada wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam ayaa maanta xukun toogasho ah lagu fuliyey gudaha magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Maxkamada darajada kowaad ee laanta dambiyada culus Puntland ayaa sheegtay in labada qof ee toogashada lagu dilay lagu qabtay dagaal ka dhacay agagaarka Buuralayda Galgala 10.09.2010 halkaas oo bilihi lasoo dhaafay ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo xoogaga wadaadka Attam. Magacyada labada qof ee maanta la toogtay ayaa maxkamada laanta dambiyada culus Puntland ku sheegtay; 1.Axmed Faarax ******* (Muxsin) 22-jir,waxaana uu ku dhashey degmada Laascaanod 2.Siciid Cismaan Siciid (Sudeysi) 31-jir,waxaana uu ku dhashey degmada Galgala Xilliga ay toogashada dhacaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahayn saxaafada kala gedisan,waana markii u horeysay dil toogasho maxkmad ku xukunto isla markaana la fuliyo ciidamadii taabacsanaa Maxamed Siciid Attam. Hussien Farah Horseed Media
-
Garoowe: ”Dagaal ka bacdi xagee wajiga la saarayaa. Maxaa la iska rabaa?” Madaxweyne Faroole oo sheegey inay Qaban doonaan Shir kusaabsan Ayaaha Puntland. 31. oktober 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamed Maxamuud ayaa sheegey in Xukuumadiisu ay Imika si rasmi ah ugu guulasatay soo afjarida Kooxdii Galgala oo uu Maxamed Siciid Atam horkacayey kuwaas oo ay Xukuumadu dagaalo culus lagashay mudooyinkii lasoo dhaafay. Madaxweynuhu Wuxuu sheegey in Xukuumadu ay Dagaaladii u danbeeyey guud ahaanba ku qabsatay Deegaanadii talisyada u ahaa Kooxdaas,waxaana uu sheegey in Hubkii & Agabkii kale ee ay Kooxdii Galgala haysatay oo qaarkood Casri ahaa ay dawladu gacanta ku hayso. Dhinaca kale Madaxweyne Faroole Wuxuu sheegey in Dawladu ay Qorshaynayso Shir ay isugu yeeri doonto Qaarkamid ah Waxgaradka Puntland oo uu sheegey inay koobnaan doonaan kuwaas oo ka talin doona islamarkaasna ka fakari doona Xaalada Gudaha Puntland & halka ay Xukuumadu wajahayso Dagaalkii Galgala kadib. “Shir baan Qaban Doonaa sidii aanu awalba horey u balanqaadnay Bishii Augosto Kowdeedii (Sanad Guuradii 12-aad ee Dhismaha Puntland) Shirbaanu qaban Doonaa Dagaal ka bacdi,Xagee wajiga la saarayaa? maxaa la iska rabaa? Oo aanu Waxgarad kooban oo kataliya U yeeri doona Arintaasuna (Inshaallaah) Dhawaan bay qabsoomi doontaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo maanta warbixin siinayey Golaha Wakiilada Puntland oo uu ufurmay Kalfadhigoodii 25-aad. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Kulankii 25aad ee Golaha Baarlamaanka ee DGPL oo maanta ka furmay magaalada Garoowe. Posted to the Web Oct 31, 11:55 Garoowe:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay kulankii 25aad ee golaha Baar lamaanka ee DGPL kulankaas oo uu shir gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi. Kulanka saaka ayaa waxa kale oo goob joog ka ah Madaxweynaha Puntlland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubo ka tirsan Golaha xukuumada Puntlland Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi ayaa waxa uu u mahad celiyey xubnaha Baarlamaanka Puntlland ee saaka ka soo qayb galay kulanka waxaan uu ku booriyey xilibaanada in ay jiraan howlo badan oo loo baahan yahay in ay ka doodaan. Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu xubnaha Baarlamaanka DGPL ka hor sheegay in loo baahan yahay in ay meelmariyaan miisaaniyada dhaqaale ee 2011. Kulanka maanta ayaa waxaa goob joog ah dhamaan xubnaha golaha wakiilada ee dowlada Puntlland, kulanka maanta ayaa la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo madaxweynha dowlada Puntlland Dr. C/raxman Faroole. M_M_Deeq Boosaaso
-
Madaxwaynaha Dawlada Puntland Oo Khudbad Dheer ka Jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka Dawlada Puntland. Posted by Ali on October 31st, 2010 Garowe(Puntlandi.com);- Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kalfadhigii 25aad ee ay isuyimaadaan mudanayaasha barlamaanka. Madaxawayne Faroole ayaa ka hadlay Dagaalkii Galgala, Safaradii dibada uu ku tagay Kooxaha Burcad’badeeda, Miisaaniyada iyo Fariimo ku aadan adkaynta iyo qiimaha nabada uu udiray guud ahaan shacabka reer Puntland. Madaxwaynaha xiliga uu ka hadlayay dagaalka Galgala waxaa uu guul ku tilmaamay in ciidamada dawlada Puntland ku guulaysteen in ay cagta mariyaan kooxo ku qaraabanaya diinta kana soo horjeeda jirintaanka dawlada Puntland waxaana uu intaa raaciyay in hawlgalkaa soo afmeermay ciidamadana mahad gaara leeyihiin. Waxaa soo hadalqaaday waxyaabaha uga qabsoomay safaro uu kutagay wadamo ay kamidtahay Yemen waxaana uu sheegay in dawlada Yemen ka soo dhaadhiciyeen in Safaarad iyo Bangi ka furato deeganada Puntland waxaa uu sidoo kale sheegay in guulo ka soo hoyiyeen safaradii wadamada Ethoipa iyo Jabuuti. Dr Faroole ayaa sheegay in dawlada Puntland wali wado dagaalka ay kala soo horjeedo kooxaha burcad’badeeda waxaana uu taageero waydiistay beesha caalamka si loo wiiqo awooda kooxaha burcad’badeeda. Madaxwaynaha ayaa sheegay in maalmo kadib mudanayaasha la horkeeni doono miisaaniyada dawlada Puntland. ugu danbayn madaxwaynaha waxaa uu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan adkaynta amaanka iyo jiritaankooda. Ali Ahmed Abdi Puntlandi.com Galkacyo
-
AJANDAHA KALFADHIGA 25-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA. Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 26/09/2010 la diyaariyey ajandaha kalfadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Ujeeddo:- Soo gudbin Ajandaha Kalfadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada ee 26/09/2010. Mudane Madaweyne, Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Ajandaha kalfadhiga 25-aad ee G/Wakiillada DPL, kaasoo laga rabo in ay soo gudbiyaan Golaha Xukummadda waana sidan:- 1. Soo gudbinta Miisaaniyadda 2011 DPL 2. Dhamaystirka Dhismaha Golaha Garsoorka 3. Soo gudbinta Xeerka Guddiga Doorasada 4. Soo gudbinta Xasaanaddsiinta Wasiirada Dhiman & Mas’uuliyiinta kale ee looga baahan yahay in ay helaan Xasaanad. 5. Soo gudbinta Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha 6. Soo gudbinta Xeerka aftida Dastuurka. 7. Iyo wixii xeerar ah ee ay Xukuumadu soo gudbiso. Allaa Mahad leh C/rashiid Maxamed Xirsi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirisaaq Ruush Puntlandparliament.org
-
Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Furey Kalfadhiga 25-aad Baarlamaanka Puntland October 31, 20104 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta furey kalfadhiga 25-aad ee Baarlamaanka Puntland iyado ay maanta soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 46-mudane. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha,waxaana uu sheegay in fadhigaan uu yahay kii 25-aad oo ay yeeshaan Baarlamaanka tan iyo markii la asaasay Puntland isla markaana ay maanta fadhiyaan 46-mudane kuna filanyahay kooramka Baarlamaanka inuu ku furmo. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Faroole oo si rasmi ah u furey kalfadhiga Baarlamaanka ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer uu kaga hadlay xaaladihi u danbeeyey ee ka jirey degaanada Puntland. Dagaaladii Galgala Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala oo u dhaxeeyey Ciidanka Puntland iyo xoogaga Attam,ayaa yiri; ”…Waxaan idin ku bishaareynaaya mudaneyaal in dagaalkii Buuralayda Galgala lasoo afjaray oo u dhamaaday oo dawladdu ku guuleysatay,Ciidamadeena iyo inta ka shaqeysay ayaa libtaa iska leh…”,ayuu yiri. Dr.Faroole oo ka hadlaayay halkii u ku danbeeyey Maxamed Siciid Attam ayaa waxaa uu sheegay in uu ka baxay degaanka Puntland isla markaana ku sugan yahay meel aan kamid ahayn Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in firxadka kooxda ay dagaalka kula jireen in ay Ciidamada amniga ku maqanyihin oo ay soo qab qaban doonaan. Safarada dibada Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay safaradii wadamada Itoobiya,Jabuuti iyo Yemen uu ku tegay dhowaan isaga iyo Xubno Wasiiro ah oo u hogaaminaayay ayaa sheegay in ay kasoo hoyeen guulo balaaran. Isagoo ka hadlaayay safarkii ay ku tageen dalka Yemen wuxuu sheegay in masuuliyinta Yemen ay kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida in Yemen ay qunsul iyo Bangi ay ka furato degaanada Puntland. Arimaha Burcadbadeeda Dr.Faroole oo ka hadlaayay arimaha Burcadbadeeda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay dagaal kula jirto kooxaha Burcadbadeeda oo u sheegay in ay saamayn ku yeesheen dhaqaalaha Puntland. Madaxweynaha ayaa ka codsaday Beesha caalamka in ay gacan ka siiyaan Dawladiisaisago xusay in Puntland ay wax badan ka qabatay Burcadbadeeda balse aysan soo afjarin. Miisaaniyada Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay mudaneyaasha Baarlamaanka in wixii loo gaaro mudo labo todobaad kadib la horkeeni doono Baarlamaanka arimaha miisaaniyada iyadoo mudada intaas laga gaarayo ay sii qabsadaan howlahooda kale. Si kastaba Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeyey isla markaana Alle uga baryey in uu Abaarta ka jirta degaanada Puntland ka dulqaado. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntlan
-
Madaxwaynaha puntland oo maanta furay Kalfadhigii 25aad ee Golaha Wakiilada Puntland (Garowe) RBC: Waxaa maanta u furmay Golaha Wakiilada Puntland kalfadhigii 25aad ee ay iskugu yimaadaan Baarlamanka Puntland kaa oo aay soo xaadireen badnkood Golaha wakiilada Puntland. Kafdhigaa Golaga wakiilada, ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Puntland iyo xubna ka tirsan golahiisa Xukuumada, waxana inta uu furmin kafadhiga ka hor halkaa qudbad ka jeediyay. Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdi rashiid Maxamed Xirse .oo shir gudoominayay Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay Xubnihii kulan kaa soo xaadiray waxuuna sheegay in Golaha wakiilada Puntland ay horyaalaan Howlo badan oo uu rajaynayo in ay wax ka qabtaan sida meel marinta miisaaniyada 2011oo la filayo in Golahu ay ka doodaan . Cabdi rashiid Maxamed Xirse, ayaa sheegay in kalfadhigaa uu yahay mid qayb ka ah kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamanka yeelan jireen, waxuuna tilmaamay in ay uga doodinaan howlo badan oo horyaala. Kalafadhigaan 25aad ee Golaha wakiilada Puntland waxaa soo xaadiray 64 Mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamanka Puntland kuwaas oo mudooyinkaa howlo kala duwan ugu kala maqnaa Gobalada kala duwan ee Puntland . Madaxwynaha Puntland Cabdi raxmaan Maxamed Maxamuud Farole oo goob jooga ka ahaa furitaanka kalfadhigaan islamarkaana uu furay ayaa warbixin kooban uu siiyay Golaha wakiilada kaga warbixiyay Safardii dalka dibadiisa uu ku gaaray iyo dagalkii Galagala . Mr Farole waxa uu sheegay in safaradii dalka dibadiisa uu ku gaaray ku soo guulaysteen islamarkaana madax kala duwan ay kulama la soo qaateen la xariira xoojinta xariirada Puntland kala dhaxeeya wadamada socdaalada uu ku gaaray . Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay xili uu ka hadlayay Dagaaladii ka dhacay deegaanka Galgala in Dowlada Puntland ay ku guulaysatay in ay ka takhalusto waxa uu ugu yeeray kooxa argagaxiso ah oo doonayay in amniga Puntland wax u dhimaan . Waxuuna tilmaamay in ay dhamaan arimahaa ay Xukuumada ku guulaysatay in tilaabo ka qaado waxuuna tilmaamay in aay soo afjareen kooxahaa iyo wixii ay taageero ka helayeen waxuuna amaantaa siiyay Ciidanka amniga Puntland oo tilaabadaa qaaday. Ugu danbayntii ayuu Madaxwaynaha Puntland furay kalfadhgaan 25aad ee Golaha wakiilada waxuuna kalfadhigaan inta uu socda looga doodi doonaa arima dhoor ah oo ugu horayso Miisaaniyada sanada soo socota ee 2011ka.oo dhawaan la filayo in la horkeeno RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Popular Contributors