Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. War Saxaafadeed ay soo saareen Wasiirada, Xildhibaadanada iyo Isimada ka soo Jeeda Sool Sanaag iyo Cayn (Garoowe, January 10, 2011 Ceegaag Online) Kulankani Balaadhan ayaana Maanta ka dhaacay Magaalada Garoowe, kulankaas oo Warsaxaafadeed jawaab u ah Go'aankii Maaulka Somaliland ee Kalshaaale lagasoo saaray waxaana warsaxaafadeedkaa soo saaray Wasiirada Xildhibaanada iyo Isimada ka soo Jeeda Gobolada kala ah Sool Sanaag iyo Cayn oo Maanta kulan Balaadhan ku yeeshay Magaalada Garoowe, Waxana Hadalo dheer Halkaasi ka soo Jeediyey, Ugaas Abdilaahi Ciise Nuur iyo Wasiirada iyo Xildhbaanada kadiba Saxaafada War Qoraal ah Halkaasi ugu Qaybiyey( Hoos ka akhri) Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Puntland Maxamed Faarax Aadan oo warsaxaafadeedka saxaafada u akhrinaya.
  2. Well Done Duke. I praise President Dr. Farole and his cabinet for delivering much to Puntland State during their two year reign. However much more has to be done and I wish them all the best in their endeavours.
  3. Madaxwyne Kuxigeenka Puntland oo Galabta Siwayn loogu soo dhaweeyey Garoowe (Garoowe, January 05, 2011 Ceegaag Online) Magaalada Garowe Waxa Galabta soo gaadhay Wafti Balaadhan oo hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Puntland General Abdi Samad Cali shire oo kamid yihiin Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiisha Puntland oo galabta siwayn loogu soo dhaweeyey Duleedka Bari ee Magaalada Garowe Waftiga uu hogaaminayey Madaxwayne kuxigeenku. Soo Dhawaynta Madaxwayne Kuxigeenka Puntland ayaana Waxaa ka Qayb Qaatay Xubno katirsan Labada Gole ee Dawlada Puntland Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Dadwayne aad u tiro badan oo soo dhawaynta Madaxwayne Kuxigeenka Abdi samad Cali shire siwayn uga Qayb Qaatay Galabta Magaalada Garoowe. Amaanka Magaalada Garoowe ayaana Maanta aad loo adkeeyey Waxana la Xidhay Dhamaan Wadooyinka soo gala Magaalada Garoowe intii uu Madaxwayne kuxigeenku ku jiray safarkiisa oo Wada Marayey Waxana la dhigay Goob kastada Ciidamada Gaarka ah ee Ilaalada Madaxtooyada Puntland, Madaxwayne Kuxigeenka ayaana Xarunta Madaxtooyada Garowe kulan gaar ah kula Yeeshay Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdi Raxmaan Faroole.
  4. Duke I do not know what is bothering this guy except of his hatred towards Puntland. Also did you Duke reform or did Tarzan reform? It's unwarranted protest as usual by Abwaan whose animosity yet again came before logical reasoning. It's Tarzan who ate his words back and said I was fed lies when he talked about Puntland and Garoowe, the distance he travelled between Gaalkacyo and Garoowe what he saw, the peace, the wildlife, the people and the administration in Puntland. I saw a people who are united in their endeavours, a peaceful country where even the cattle roam on the side ways of the highway unprotected and unguarded. I saw antelopes and other animals long diminished in the south. I saw that Puntland is a mature people and country who deserve to be holding the peace conference and where Somalis can come together and sit down, are his exact words. Tarzan is a big man indeed but Abwaan maybe maybe you can also see the truth and the goodness if you take care of your hate issues and envy to Puntland. The south needs to learn from Puntland and emulate its success. In fact all Somalis need to do so.
  5. Perhaps Mr. Carraale is alluding there that the USA is part of the conspiracy? And that there is an possibility of the shipload of ammunition being allowed to continue to Puntland.
  6. Classic Mr Carraale again the Human Rights Activist from Hargaysa: When at the end of November it became clear that Saracen is training Puntland forces the US Marines intercepted a shipload of weapons to Bosaso on the sea between Yemen and Puntland but it is not clear yet if the shipload was allowed to continue its journey to Bosaso or not.
  7. A memorable quote by Mr Carraale M. Jama, the Human Rights Activist from Hargaysa. Translation: However, the flowing of heavy weapons to Puntland coming from Yemen, South Africa and Eritrea demonstrate and show a military build-up and preparedness which has not been seen yet in its magnitude and grandness and it is not known yet where or who will be the sufferer of this great military build-up.lool Therefore the Somaliland government is greatly advised to be concerned and thus needs to be aware of this massive build up taking place in their borders and the many weapons coming to Puntland which it's objective isn't yet clear who or where it will be used against. By Mr Carraale M. Jama Human Rights Activist Hargaysa
  8. Hargaysa Human Rights Activist writes this and I quote: Si kastaba ha haatee waxay hubka ku qulqulaya Puntland ee ka imanaya Yamen, south Africa iyo Eretria muujinayaan abaabul dagaal oo aan si cad loo ogayn halka uu ku jihaysan yahay. Sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka gulufka colaadeed ee ka jira hareereheeda iyo hubka lagu daabulayo dhinaca maamulka Puntland oo aan si cad loo ogayn ujeedadiisa. Translation: However, the flowing of heavy weapons to Puntland coming from Yemen, South Africa and Eritrea demonstrate and show a military build-up and preparedness which has not been seen yet in its magnitude and grandness and it is not known yet where or who will be the sufferer of this great military build-up.lool Therefore the Somaliland government is greatly advised to be concerned and thus needs to be aware of this massive build up taking place in their borders and the many weapons coming to Puntland which it's objective isn't yet clear who or where it will be used against. By Mr Carraale M. Jama Human Rights Activist Hargaysa A memorable quote indeed by the Human Rights Activist from Hargaysa. lool
  9. Secessionist are rattled to the core please read this article. lool Hase yeshee waxa mudooyinkii u danbeeyay si qarsoodi ah ugu qulqulayay dhinaca maamulka Puntland Hub iyo saanad Milateri oo ka imanayay meelo kala duwan, waxayna wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in hubkaasi intiisa baddan ka yimaado dhinaca Dalka Yamen, halkaas oo ay ganacsiga hubka iyo qalabka Milateriga ka baayacmushtareeyaan saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dalka Yamen, kuwaas oo Hubka laga soo iibsado uu si toos ah mararka qaar uga soo dego Dekedda magaalada Boosaaso. Sidoo kale hubkaa ayaa qaar ka mid ah loogu gudbiyaa dhinaca Magaalada magaalada Muqdisho ee Koonfurta Somalia iyo Gobolada dhexe oo ay kooxaha ka dagaalamaa gacanta ku dhigaan, iyadoo kooxaha ugaadhsada gaadiidka Badda ee Budhcad Badeeda oo gobolada Shiqwa, Abyan iyo Mukula oo ka tirsan Koonfurta Yamen lacagaha madaxfurashada ee ay ka qaadaan gaadiidka maraakiibta ay qafaashaan maalgashi iyo ganacsi kaga sameeyaan qaar ka mid ah Magaalooyinka ku yaala gobolada koonfurta Yamen, kuwaas oo wixii hub iyo qalab milateri oo ay u baahdaana kasoo iibsada saraakiil ka ganacsada hubka oo ciidamada Yamen ka tirsan, kuwaas oo xidhiidhka iyo maacaamilka lala samaynayo ay fuduaysay lacagta malaayiinka dollar ah ee ay kooxaha Budhacad badeedu la tagaan halkaa. Sidoo kale waxay xoggaha la xidhiidha arrimaha hubka ku qulqulaya xeebaha maamulka Puntland sheegayaan inay markii ay dhowaan Xukuumadda Somaliland fashilisay Diyaaradda qalabka milateriga u siday shirkad magaceedu yahay Saracen, oo lagu war helay dabayaaqadii Nov 2010 inay ciidamo u tababary maamulka Puntland, waxa isa soo taraysay cabsida ay dawladaha waaweyn iyo kuwa gobolkuba ka muujiyeen hubka ku qulqulaya xeebaha magaalada Boosaaso iyo ujeedad shirkadaha shisheeye halkaa ka wada tababarka ciidamada, taas oo ay si weyn Maraykanku ugu muujiyeen walaac. Dabayaaqadii Nov, 2010 Todobaad ka hor markii lagu warhelay hawlaha shirkada Saracen ka wado Puntland, waxay ciidamadda Maraykanka ee ku sugan gacanka Cadmeed qabteen Doon shixnad Hub ah u siday dhinaca Puntland oo kusoo jeeday Dekedda Magaalada Boosaaso. Laakiin ma jiraan warar danbe oo sheegaya inay ciidamada maraykanku sii daayeen Doontaa shixnada hubka ah siday iyo in kale. Waxa kaloo ay wararka la xidhiidha abaabulka iyo hubka ku qulqulaya dhinaca Puntland sheegayaan inay Dawlada Eretria kusoo biirtay hadda dalalka hubka kusoo guraya puntland ee Yamen iyo South Africa hormoodka u yihiin, waxayna dawladda Eretria todobaadyadii u danbeeyay usoo dirtay dhinaca Boosaaso Doon lagu soo shixnaday rasaasta madaafiicda, taas oo kasoo baxday Dekedda Casab, isla markaana martay duleedka xeebaha Somaliland, iyadoo usii jeeda dhinaca xeebaha Boosaaso. Wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland lagu war geliyay markii ay Doonta siday rasaasta Madaafiicdu kasoo shiraaqatay Dekedda Casab, balse ay masuuliyiinta arrimahaa lala socodsiiyay iska dhega tireen digniinaha iyo fariimaha loo soo diray. Dawladda Eretria ayaa hore loogu eedayn jiray inay qayb weyn ku leedahay dagaalada ka socda Somalia, iyadoo lala xidhiidhiyo inay tababaro iyo hub siiso kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran. Sidoo kale waxa Eretria lagu tilmaamaa inay aad ugu firfircoon tahay qaska iyo dagaalada geeska Afrika iyo inay gacan siiso jabhada ONLF ee dagaalka kula jirtay maamulaka Ethopia, kuwaas oo urur ahaan kala qaybsanaan weyni ku timi mudooyinkan danbe. Kadib markii garab ka mid ah jabhada ONLF heshiis la galay dawladda Ethiopia. Talabaada dawladda Eretria waqtigan hubka ugu daabushay Puntland ayaa lala xidhiidhay inay ka danbaysay. Kadib markii Xukuumadda Somaliland dabayaaqadii Sep 2010, fashilisay mid ka mid ah marinadii ugu waaweynaa ee hubka iyo kootarabaanku u gudbaya kooxaha ka dagaalamaya Somalia iyo jabhada ONLF oo laga tahriibin jiray sannadii u danbeeyay xeebaha galbeedka Somaliland ee Saylac, balse ay marinadaasi xidhmeen wixii ka danbeeyay dablaydii kasoo degay halkaa Sep 2010, kuwaas la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Eretria, isla markaana ay hada hubka iyo saanada milateri ee ay siinay Puntland doonayso inay kaga samaysato marin ay kaga dagaal gasho siyaasadeeda ku wajahan Geeska, maadaama ay wiiqantay jabhadii ONLF ee ku kacsanayd Ethopia oo ay u aragto cadawgeeda koowaad. Si kastaba ha haatee waxay hubka ku qulqulaya Puntland ee ka imanaya Yamen, south Africa iyo Eretria muujinayaan abaabul dagaal oo aan si cad loo ogayn halka uu ku jihaysan yahay. Sidaa awgeed waxa la gudboon Xukuumadda Somaliland inay la socoto dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka gulufka colaadeed ee ka jira hareereheeda iyo hubka lagu daabulayo dhinaca maamulka Puntland oo aan si cad loo ogayn ujeedadiisa. By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
  10. Somalia football ends the year on a high note 12-29-2010 Fifteen Somali regional teams are currently competing in a football tournament in Punt Land Sate in Somalia. This historic tournament organized by Somali Football Federation and Punt Land State . More than 400 players; administrators and officials turn out for the event at which coaching clinics and seminars have been run. CAF Education Officer Ali Mohamed Ahmed has been leading some of the course and training of among others, coaches, referees, administrators and sports medicine officials. According to Ali Mohamed the enthusiasm and interest has been very encouraging and bodes well for football development in Somalia. The football tournament is expected to end on 31st of December with the final match of the competition.
  11. Yeah bro It's the Puntland State flag in the background and also on top of the tribune.